-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo haatan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyay shuruud adag oo la hor-dhigayo suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland. Wasiirka ayaa amar ku bixiyay in dhammaan suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland ay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda warfaafinta ka hor 15 bisha soo socota ee October waxaana uu tilmaamay in aan suxufi loo aqoonsan doonin qofkii aan is diiwaa-gelin wakhtigaasi ka hor. Mudane Sabareey ayaa sidoo kale amray in ay is diiwaan-geliyaan dhammaan xarumaha warbaahineed ee ka hawlgala degaannada Puntland si loola socdo shaqada ay ka hayaan gudaha Puntland. Wuxuu sheegay in kadib markii la diiwaan-geliyo suxufiyiinta iyo xarumah warbaahineed baaritaan lagu samayn doono aqoonta iyo khibradda suxufiyiinta islamarkaana aqoonsiga lagala noqon doono suxufigii aan haysan xirfad ku filan. Puntland post The post Dowladda Puntland oo shuruud adag hor-dhigtay Warbaahinta Madaxa-bannaan appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabao (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ibraahin Aadan Cali (Najax) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey weerar xoogan oo saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel Saliini oo hoos yimaada magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi. Najax ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay iska caabiyeen weerarkaas, islamarkaana ay khasaare ku gaarsiyeen Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu guul u rajeynayo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee howlgallada ka wada gobolka Shabeelaha Hoose. “Waxaan boggaadinayaa geesiyaasha CXD ee iska difaacay kooxda khawaariijta Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday deegaanka Ceel Saliini,guuleysta geesiyaasha dalkeenow ayuu yiri.”Guddoomiye maamulka gobolka Sh/ Hoose. Weerarkan oo ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa waxaa dhankkeeda guul ka sheegtay Al-Shabaab. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay la wareegtay gacan ku heynta saldhigga ciidamada dowladda ee deegaankaasi, sidoo kalena ay weerarkaasi ku dishay askar badan oo ka tirsanaa kuwa dowladda, ayna ku qabsatay hub iyo gaadiid dagaal. Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan, inkastoo weli laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhoco halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa saaka booqday Fannaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootan oo maalmihii u dambeeyey xaalad caafimaad ugu jirtay Cisbitaalka Royal ee magaaladda hargeysa. Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa caafimaad ugu duceeyay fannaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootan. Dhan kale fannaanada Maryan Mursal Ciise Bootan ayaa guddoomiye Cirro uga mahadnaqay booqashada uu ugu yimid. Source
-
Maamulka Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa sheegay in ay safar shaqo ku bixindoonaan maamul Goboleedyada,iyagoo halkaa ku dhaleeya kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan gobolada wuxuuna hadafka ugu weyn ay arinta tahay wada shaqeen dhexmarta kooxaha kala gedisan ee ka dhisan Soomaaliya.Guddoomiyaha naadiga Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa Goobjoog u sheegay in ay kooxdiisa ciyaaro saaxiibtinimo u aadayso dhamaan Maamul Goboleedyada dalka,balse iminka ay ku hormarayaan Puntland,iyagoo halkaa kulamo saaxiibinimo kula ciyaaraya naadiyada ka dhisan Puntland. Guddoomiyaha xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa kooxaha kubbadda cagta kula dardaarmay in ay tababaro iyo kulamo saaxiibtinimo sanad kasta u aadaan caasimadaha kale ee wadanka,isagoo sheegay in ay qeyb weyn ka qaadanayso horomarka kubbadda cagta Soomaaliya. Inta badan oo ka tirsan ciyaartooy ku nool Maamul goboleedyada waxaa fursad ah kasoo muuqshada tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada Gobolka Banaadir guddoomiyah Muqdisho City Abuuka Maxamed Sheekh ayaa sheegaya in booqashooyin hadii ay badiyaan lagu helayo wax badan oo horomar u ah. Cabduulahi Faarax Daguur oo ka mid Falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa qaba aragtan in loo baahnaa waqti hore,isagoo dhinaca kale madaxda ciyaaraha usoo jeediyay in fiinalaha tartamada kubbadda cagta lagu qabto caasimadaha kale, si is dhax-galka bulshada iyo xiisaha tartamada gudaha ay u balaartaan. Halkan Ka Daawo Warbixin Safarka Ay Muqdisho City Club Ku Aadayso Maamul Goboleedyada W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirka 74-aad golaha guud ee Qaramada Midoobey. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa in khudbad uu kaga haldayo dhinacyo badan uu ka jeediyo shirkaasi oo lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.” Waxa kale oo ajandeyaasha hoggaamiyayaasha caalamku ay kaga arrinsan doonaan ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo. Dhanka kale wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ku wehlinaya safarkan ee ka qayb-gelaya shirka guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulamo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka caalamka ee ka qaybgelaya shirweynahaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah ku wajahan dalka Maraykanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo meertada 74-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay. Farmaajo ayaa madashan oo kulmineysa hoggaamiyeyaasha caalamka lagu wadaa in khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka uu halkaasi ka jeediyo. Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya Meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Waxayaabaha kulankaasi diiradda lagu saari doono waxaa ka mid ah xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo argagixisada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Wuxuu Xalay guure ku galay Bosaso, Safarkaan Madaxweynaha ayaa wuxuu qayb ka yahay safaro uu ku tagayo Gobolada [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa 22-ka bishan u amba-baxay dalka Mareykanka, si ay uga qayb galaan Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doona madashan kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.” Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya Meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo qayb-gelaya shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahyo. View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee loo yaqaano (Hiil Walaal) ayaa lagu soo warramayaa in ay isaga baxeen guud ahaan saldhigyadii ay ku lahaayeen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online in ay arkayeen ciidamadaasi oo wata gaadiidka dagaal oo faarujinaya degmadaasi. Lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada Jabuuti ay dib uga soo baxeen degmada Jalalaqsi oo in muddo ah ku sugnaayeen. Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in saldhigyada ay baneeyeen ciidamada AMISOM ay la wareegeen kuwa Milatariga Soomaaliya. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in aysan wax war gelin ah ka helin ciidamada Jabuuti, islamarkaana ay ka war heleen kaliya bixitaankooda. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maalmihii dambe Jalalaqsi ay ka dhacayeen weeraro uu khasaare ka soo gaaray ciidamada Jabuuti, kuwaas oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi uu hogaamniyao ayaa xalay guure kaga baxay magaalada Garowe. Madaxweyne Deni ayaa xalay saxdii dhere safar dhulka ah ugu ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, wuxuuna isagoo aan meelna ku hakan gaaray saaka arooryadii. Madaxweyne Deni ayaa magaalada Boosaaso kula kulmi doona wadfi ka socda Imaaraadka, oo halkaas soo gaari doona, waxayna kawada hadlli doonaan arrimo ay kamid yihiin dhismaha dekedda Boosaaso iyo amniga. Madaxweynaha Puntland ayaa ku safray wadada aadka u burbursan ee isku xirta Garowe iyo Boosaaso oo roobabkii gu’gii dhaweyd u geysteen khasaare xooogan. Waa safarkii labaad oo Madaxweyne Deni ku tago magaalada Boosaaso tan iyo intii la doortay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo guure uga baxay Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u fasaxday Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lacag gaareysa Lix Milyan oo dollar oo ahaa deeq lacageed oo ka timid Midowga Yurub. Sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in ujeedka lacagtaan ay tahay qoondada Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee lacagaha deeqda dibadda, iyadoo maamul walba loo dirayo min Hal Milyan oo dollar oo ah kabidda miisaaniyadda. Qoraalkaan oo uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaa loogu mahad celiyay mira dhalkii shirkii ka dhacay caasimadda Etoobiya ee Addis Ababa ee u dhaxeeyay Wasaaraddaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, kaasoo lagu lafa guray arrimo kala duwan oo ku aadan wada shaqeynta hay’adaha maaliyadeed ee dalka. Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay 40% deeqda miisaaniyad kabidda ee laga helay Midowga Yurub oo ah lacag gaareysa 15 milyan oo dollar taasoo guud ahaan noqoneysa lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo la siinayo min hal milyan dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa laga dalbaday in lacagtaan halka milyan loo isticmaalo saddex dalool labo dalool kharashaadka Amniga iyo arrimaha bulshada, halka inta soo hartay uu maamul walba u kharash gareynayo sida uu doono. Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in si degdeg ah kusoo diro warqad codsi ah oo lagu caddeynayo in lacagtan loo isticmaalayo sida ku cad warqadaan iyo balan-qaad ku aadan in xisaab celin buuxda in laga soo celinayo muddo 45 cisho ah kaddib, marka la isticmaalo lacagtan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u fasaxday Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lacag gaareysa lix milyan oo dollar oo ahaa deeq lacageed oo ka timid Midowga Yurub. Sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in ujeedka lacagtaan ay tahay qoondada Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee lacagaha deeqda dibadda, iyadoo maamul walba loo dirayo min Hal Milyan oo dollar oo ah kabidda miisaaniyadda Qoraalkaan oo uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaa loogu mahad celiyay mira dhalkii shirkii ka dhacay caasimadda Etoobiya ee Addis Ababa ee u dhaxeeyay Wasaaraddaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, kaasoo lagu lafa guray arrimo kala duwan oo ku aadan wada shaqeynta hay’adaha maaliyadeed ee dalka. Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay 40% deeqda miisaaniyad kabidda ee laga helay Midowga Yurub oo ah lacag gaareysa 15 milyan oo dollar taasoo guud ahaan noqoneysa lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo la siinayo min hal milyan dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa laga dalbaday in lacagtaan halka milyan loo isticmaalo saddex dalool labo dalool kharashaadka Amniga iyo arrimaha bulshada, halka inta soo hartay uu maamul walba u kharash gareynayo sida uu doono. Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in si degdeg ah ku soo diro warqad codsi ah oo lagu caddeynayo in lacagtan loo isticmaalayo sida ku cad warqadaan iyo balan-qaad ku aadan in xisaab celin buuxda in laga soo celinayo muddo 45 cisho ah kaddib, marka la isticmaalo lacagtan. Halkaan hoose Ka aqriso: View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidanka AMISOM ee Jabuuti ay saakay baneeyeen qaar ka mid ah fariisimahii ay ku lahaayeen degmadaasi. Sidey inoo sheegeen dadka deegaanka, ciidankan oo Saddex meel ka deganaa degmadaasi ayaa lagu soo waramayaa iney isaga baxeen Labo meel, iyaga oo hal saldhig isugu tagay. Sababta arrintan ayaa lagu sheegay kadib khilaaf soo kala dhexgalay ciidamada AMISOM iyo sidoo kale maamulka degmada Jalalaqsi. Dhanka kale, saraakiisha ciidanka Booliiska ee degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in meelaha ay ciidanka Jabuuti ka baxeen ay ciidanka Booliiska la wareegeen ammaankuna uu wanaagsan yahay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Muqdisho)-Budhcad badeed Soomaali ah ayaa sii deysay badmaaxe u dhashay dalka Iran kadib muddo afar sanno oo uu ku jirey gacantooda. Maxamed Sharif Panahandeh ayaa la sheegay in la sii daayay kadib markii xannuun uu soo waajahay hase yeeshee illaa saddex badmaax oo la socotay Sharif kana soo jeeda dalka Iran ayaa weli ku jira gacanta koox ka afduubatay xeebaha Soomaaliya sannadkii 2015-kii. Muwaadinkan u dhashay dalka Iran ayaa la sheegay in la geeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaa oo uu dalkiisa ugaga sii gudbi doono sida ay sheegtay idaacada BBCda. Kooxda afduubka ku haysatay afartan badmaax ee u dhashay dalka Iran ayaa dalbaday lacag madax furasho ah hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto cid u ballanqaaday amaba siisay lacag madax furasho ah. Budhcad badeeda Soomaalida ah eek u weerari jirtey xeebaha Soomaaliya iyo xeebaha u dhow dhow ayaa hoos u dhac weyn ku yimid tan iyo sannadihii la soo dhaafay kadib markii maraakiib hubeysan ay bilaabeen inay ilaalo ka qabtaan xeebaha Soomaaliya. Waxaan ku jira xabsiyo ku yaalla dalal badan oo caalamka ah dhalinyaro Soomaali ah kuwaasoo laga qabqabtay xeebaha badweynta Hindiya iyagoo doonayay inay afduubtaan maraakiibta marta badda. Source
-
Addis Ababa (Caasimadda Online) – Warbaahinta dowladda Itoobiya ee FANA ayaa sheegtay in shalay oo Sabti aheyd ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalamay gudaha Soomaaliya. FANA ayaa sheegtay in ragga la qabtay abaabulayeen weeraro ay la beegsadaan meelaha ay dadka isugu yimaadaan, sida Hoteellada iyo goobaha cibaadada. Sidoo kale saraakiil ka tirsan sirdoonka Itoobiya ayaa tilmaamay in xilliga la qabanayey raggan ay wadeen xog uruurin, islamarkaana ay muuqaallo ka duubayeen goobaha ay doonayaan inay beegsadaaan. Howlgalka lagu soo qab qabtay xubnahan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashaday Sirdoonnada dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, sida ay warisay warbaahinta dowladda ee FANA. Wararka ayaa intaasi ku daraya in meelo kala duwan ay ku sugnaayeen raggaasi, sida Addis Ababa,gobolka Oromada iyo gobolka Soomaalida. Dhowan ayey aheyd markii hay’adaha ammaanka Itoobiya ay shaaciyeen inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Daacish oo doonayey inay unugyo ka sameystaan dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
Marka (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha deegaanka Ceel Saliini hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib uu xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday. Sidoo kale ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka noocyadiiska kala duwan oo ay isweydaarsanayeen labada dhinac. In ka badan 10 askari ayaa lagu soo warramayaa in waxyeelo isugu jirta dhimashi iyo dhaawac ay ka soo gaartay weerarkaasi. Dhinacakale Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkan ayaa waxa ay sheegatay in ay la wareegtay gacan ku heynta saldhigga ciidamada dowladda ee deegaankaasi Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay ku dishay dagaalkaasi askar badan, kuna qabsatay hub iyo illaa lix gaadiid ah, sida ay hadalka u dhigtay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
-
(SLT-Malta)-Dowladda Malta ayaa aqbashay 256 qof oo muhaajiriin ah kuwaasi oo laga soo badbaadiyay badda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga. Tahriibayaashan ayaa 36 ka mid ah waxaa soo badbaadiyay doomaha hey,aada Ocean Viking inkastoo ay cabasho ka muujiyeen diidmo ka timid ciidanka ilaalada xeebaha Malta. Malta ayaa sidoo kale xaqiijisay in 229 ruux oo muhaajiriin oo saarnaa sadex doon ay ka soo badbaadiyeen aaga badda Malta inkastoo la xaqiijin wadamada ay u Dhasheen. Waa doonidii afaraad oo ay saaran yihiin dad Muhaajiriin ah oo gaarta dalka Malta oo ka tirsan qaarada Yurub. Source
-
(SLT-Washington)-Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyey qorshe nabadeed oo ay soo bandhigeen fallaagada Xuutiyiinta Yemeneed ee Iran taageerto, kaas oo ah in ay joojinayaan weerarrada ay ku hayaan Sucuudiga. Qoraal Xuutiyiintu baahiyeen ayaa lagu sheegay in ujeedada soo jeedintoodu tahay “fariin cad oo muujinaysa rabitaankooda ah in dagaalka la soo af-jaro”. Qorshahan Xuutiyiintu wuxu soo baxay toddobaad uun ka dib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo lagu weeraray ceelasha saliidda Sucuudiga ee Abqiiq iyo Khurays. Fallaagadaas ayaa sheegtay in ay iyagu weerarkaa qaadeen, laakiin Maraykanka iyo Sucuudiga ayaa labaduba Iran ku eedeeyey. Hase ahaateen Tehran way beenisay in ay ku lug lahayd weerarradaas. Dagaalka sokeeye ee Yemen ka socda waxa ku dhintay 10,000 oo malaayiin qof oo kalena macaluul ayuu qarka u saaray, arintaas oo lagu tilmaamay duruuftii ugu xumayd ee dad samee ah eek u habsata. Hadal laga sii daayey Telefishanka ayaa gudoomiyaha Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta, Mahdi Al-Mashat, waxa uu ku sheegay in ururku diyaar u yahay inuu joojiy dhamaan weerarada uu ku hayo Sucuudiga haidii boqortooyadu iyadna sidoo kale yeelayso. “Xaq baanu u leenayay in aan ka noqono qorshahan hadii aanu wax jawaab ah heli weyno” ayuu yidhi, waxaanu ugu baaqay dhamaan dhinacyada reer Yemen in ay ka wada shaqeeyaan “dib u heshiisiin qaran dhamaystiran.” Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Martin Griffiths, ayaa soo dhaweeyey hakinta weerarada waxaanu ku baaqay in xal siyaasadeed la gaadho. “Ergeyga gaarka ahi waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa muhiimadda ay leedahay in laga faa’iidayso fursadan oo hore loo falo waxyaabaha aan laga maarmayn ee lagu joojin karo colaadda, laba kaclaynta dagaalka iyo hadal tirada aan wax tarka lahayn” ayaa lagu yidhi warbixin ka soo baxday xafiiskiisiisa. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerar culus oo saaka aroortii hore dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Ceel Saliini oo ku yaalla duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ku bilowday qarax ismiidaamin ah ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dagaalka oo socday muddo saacado ah ayaa waxaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, inkasto aan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaasi waxa ay sheegtay in ay la wareegtay gacan ku heynta saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale waxa ay sheegatay in ay ku dishay dagaalkaasi askar badan, kuna qabsatay hub iyo illaa lix gaadiid ah, sida ay hadalka u dhigtay. “Allaah fadligii si buuxda ayaan gacanta ugu dhignay xerada waxaana hadda gudaha xerada daadsan meydadka askartii cadowga iyo gaadiidkii ay ka cararee.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Al Shabaab oo la hadlay Idaacada Andalus. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka ka horreeyey intaba. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa duleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf u sameeyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo soo gaaray Caasimadda, iyada oo ay ka soo qeyb galeen Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Madaxweynaha iyo masuuliyiintan heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ayaa iska xog wareystay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo in wadajir loogu sii amba-qaado dadaallada dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xoreynta deegaannada ay argagixisadu Alshabaab ku dhibaateeyaan shacabkeenna. Dhammaan Madaxda Qaranka ee caawa kulankan yeeshay ayaa isla qiray muhiimadda wadashaqeynta masuuliyiinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo ilaalinta danta guudi ay u leedahay xaqiijinta himilooyinka shacabkeenna Soomaaliyeed ee ku hamminaya dib u soo celinta maqaamkii dalkeennu uu ka lahaa caalamka. View the full article
-
Popular Contributors
