Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in illaa afar qof oo Soomaali ahaa ay ku dileen gobolka Tanariva ee dalka Kenya, kadibna ay gubeen. Afarta qof ee la toogtay, kadibna la gubay ayaa labo ka mid ah waxay ahaayeen walaalo, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay, Xuseen Cali iyo Mustaf Cali. Sidoo kale labada qof ee kale ayaa la sheegay in ay ahaayeen darawallo ka shaqeeya qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Lama oga sababta loo dilay dadkaasi, iyada oo ay arrintan walaac badan ku abuurtay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Tanariva. Dhanka kale ehellada dadkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda Kanya in ay gacanta lagu soo dhigto kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Kenya oo ku aadan dhacdadaasi, basle waxa ay saraakiisha dalkaasi sheegeen in ay baari doonaan falkaasi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil xalay suuqa Bakaaraha loogu geystay askari ka tirsanaa ciidamada Minashiibiyada ee dowladda Soomaaliya. Dilka ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Ciidamo ka tirsan kuwa Boolika degmada Howlwadaag ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano ka sameeyey halkaasi. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka askarigaasi, sida lagu baahiyey boggagooda Internet-ka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ay laamaha ammaanka Soomaaliya ka soo saareen dilkaasi oo qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayey Muqdisho. View the full article
  3. Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in saaka aad loo adkeeyey amniga magaaladaasi. Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la sheegay in ay la wareegeen xarumaha muhiimka ah ee degmada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug. Ujeeda ciidamadan ayaa ah sidii ay u sugi lahaayeen amniga, maadaama maanta uu Madaxweynaha Soomaaliya ku wajahan yahay halkaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xiri doono shirka dib u heshiisiinta ee dowlad goboleedka Galmudug. Shirkan oo looga hadlayey arrimaha dib u heshisiinta ayaa waxaa ka qeyb galaya 11-ka beelood ee daga deegaanada maamulkaasi. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Burundi ayaa war ka soo saartay weerar in ka badan 10 askari looga dilay oo malin ka hor ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe. Sarkaal sare oo ka tiran ciidamada dalkaasi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi oo jidgal ah looga dilay illaa 12 askari oo ka mid ahaa ciidamadooda ka howlgala gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Sidoo kale sarkaalkan ayaa shaaciyey in weerarkaasi looga dhaawacay 6 askari, isagoo sheegay in xilliga uu dhacayey ay ciidamadu wadeen howlgal amni xaqiijin ah. Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii agagaarka deegaanka Gololoey dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku weerareen kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Burundi ee ka howlgalka qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay, illaa 14 askari, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigtay. Inta badan ciidamada AMISOM ayaa weeraro dhabo gal ah kala kulma Al-Shabaab, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Muqdisho iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-16092019.mp3 View the full article
  6. Mid ka mid ah Caruurta Ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ka qayb qaadanaaya waraabinta qoyskooda kadib markii xukumadda Farmaajo xidhay wadooyinkii ay gadiidka biyahu u soo marayern amniga awgeed. Wiilkani oo lagu naanayso Kofi waxa uu ka midyahay kumasnka kun ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ee dhiban Qaran News
  7. An unspecified number of Burundian peacekeepers were killed Saturday when a military convoy was ambushed by the Islamist militant group Al-Shabaab north of the Somali capital Mogadishu, security sources said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  8. The High Court has set October 7 as mention date for a petition seeking to block the State from taking part in an arbitration on dispute with Somalia in the latest attempt by Kenyans to frustrate the case. Source: Hiiraan Online
  9. With the latest analysis showing that Somalia’s main harvest was the worst since the famine in 2011, humanitarian agencies are calling for sustained funding for the country. Source: Hiiraan Online
  10. Kenya is among 40 commodity-dependent counties in the world most vulnerable to climate change, the United Nation’s Commodity and Development Report 2019 has revealed. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa billaabay qorshe cusub oo ay qaraxyada ku soo geliyaan magaalada Muqdisho, tan iyo markii la xiray wadooyinka magaalada. Al-Shabaab waxay bilaabeen in gaadiidka loo yaqaano mooto Bajaajta, oo ah gaadiidka kaliya ee magaalada ka xirneen ay ku soo gudbiyaan qaraxyada kadibna ay ku raraan gaadiid kale oo nuucyada raaxada ah oo gudaha magaalada yaalla. Qaar kamid ah saraakiisha amaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ogaadeen in Al-Shabaab gaadiidka Bajaajta ku soo raraan Qaraxyo, iyagoo ka soo gelinaya dhowr wado oo ku taala magaalada Muqdisho, kadibna waxay ku keydiyaan guryo iyo xarumo ay ku leeyihiin magaalada gudaheeda, iyagoo ugu dambeyntii raba in ay ku raraan gaadiid kale. Qofka aan la hadalnay oo ka tirsan sarakiisha ugu saraysa ee dhanka amaanka ayaa sheegay in mootadii ku qarxaysay Towfiiq ay aheyd mid qaraxyada iyo dareeskaba u soo waday xaafadaha gudaha ah ee magaalada Muqdisho, si loogu weeraro xarumaha dowladda. “Markii ay qaraxyada usoo rarayaan xaafaha xiran ee gudaha magaalada, Bajaaj ayaa lagu soo qaadaa maxaa yeelay bajaajtu lama baaro, waana qaraxyo diyaarsan si hadii ay gali waayeen isu qarxiyo qofka” ayuu yiri sarkaalkaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin. Tan iyo markii la xiray waddooyinka Muqdisho waxaa aad u yaraaday qaraxyadii waa weynaa ee magaalada ka dhici jiray, waxaana Shabaabka ay kusoo koobmeen qaraxyo yaryar. Mooto bajaajta ayaan magaalada lagu soo gelin karin qaraxyada waa weyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Askari Ka Tirsan Ciidanka Asluubta S/land Oo Caawa Lagu Dilay Magaaladda Laascaanood,Qof kalena dhaawacay. Nin hubaysan ayaa caawa Askari ka tirsan ciidamada Asluubta Somaliland ku dilay badhtamaha magaalada Laascaanood halka uu nin kale oo shacab ahna ku dhaawacay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka wax dilayna ka tirsan yahay ciidamada Asluubta. Wali macadda sababta Dilka dhalisay iyo in la qabtay gacan ku dhiiglihii. Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayay marar badan ka dhacaan Dilal toogasho ah, in kasta oo mudooyinkii danbe xaaladda Ammaanku ka soo raynaysay. Qaran News
  13. Amiirad Sucuudiyad ah ayaa lagu xukumay 10 bilood oo xadhig dibad jooga ah oo waxa lagu helay in ay af-duubatay oo ay garaacday nin ka shaqaynayey guri kuwa raaxada ah oo ay Paris ka deganayd. Xassa Bint Salmaan waa 43 jir waxaana dhalay boqorka Sucuudiga Salman Bin Cabdelcasiis. Waxa lagu eedeeyey in ay amar ku siisay boodhi gaadhkeeda inuu garaaco nin ka shaqeeya cillad saaridda qasabadaha oo sida la sheegay sawirro kaga qaaday gurigeeda dhexdiisa. Ashraf Ciid, oo ah ninka dacweeyey, ayaa sheegay in ninka boodhi gaadhka u ahaa ku qasbay inu uu Amiiradda cagaha ka dhunkado. Maanta ayaa maxkamad Faransiis ahi Amiiradda ku heshay dembi ah in ay gacan ka geysatay jidh dil iyadoo adeegsanaysa hub iyo in ay sidoo kale af-duub qof qayb ku lahayd. Amiiradda oo hore waaran qabasho oo caalami ah loogu jaray, ayaa xukunka lagu riday iyada oo maqan, waxaana sidoo kale lagu ganaaxay 10,000 Euro. Hase yeeshee, iyadu hore ba way u beenisay eedahaa loo haystay. Ninkii boodhi gaadhka u ahaa oo la yidhaa Raani Saciidi, ayaa isagana lagu xukumay sideed bilood oo xabsi dibad joog ah iyo 5,000 Euro oo ganaax ah. Sidee wax u dhaceen Bishii Sebtember 2016 ayaa Ashraf Ciid waxa loogu yeedhay aqal ku yaal dabaqa shanaad cimaarad kuwa qaaliga ah oo ku taal Avenue Foch ee magaalo madaxda Faransiiska, si uu u hagaajiyo qasabad jabtay. Ninkaa shaqaalaha ah oo dhalasho ahaan Masri ah ayaa sheegay in uu sawirro uun ka qaaday qolka maydhashada ee loogu yeedhay inuu qasabadda u hagaajiyo. Laakiin Amiiraddu waxay sida la sheegay ka cadhootay markii ay aragtay in meesha uu sawirayey muraayad ku taallay muuqeedu ka soo baxay. Hase yeeshee xaashida dacwadda waxa ku caddayd in ay markiiba u yeedhay Saciidi oo ay amar ku siisay inuu garaaco isla markaana qol ku xidho. Mar ayaabay amiiraddu sida la sheegay ku qaylisay “eyga dil, nolol ba ma istaahilee”. Saciidi waxa uu maxkamadda bishii July u sheegay in uu malqay Amiiradda oo i soo gaadh ku dhawaaqaysa, markuu ku soo cararayna uu arkay Ciid iyo iyada oo telefoonka isku haysta. “Waan qabtay oo aan ka awood roonaaday, maan garanayn wuxuu Amiiradda u sheeganayey” ayuu yidhi, waxaanu farta ku fiiqay in ninkaasi doonayey inuu sawirrada Amiiradda iibiyo. In Amiirad sawirro laga qaadaa sharciga Sucuudiga waa ku dembi. Hase yeeshee qareennada difaacayey Amiiradda ayaa sheegay in ay shaki leedahay in maalmo ka dib uu ku noqday guriga isaga oo sita qaan sheeg qiimaheedu yahay 21,000 Euro. Waa tuma Amiirad Xassa Warbaahinta dawladda Sucuudiga ayaa Amiirad Xassan ku amaantay adeegyada aadamenimo iyo u ololaynta xuquuqda dumarka. Waxa la sheegay in ay maalmo kooban ka dib dhacdadaa ay Faransiiska ka tagtay, hase yeeshee Amiiradda su’aalo ayaa laga weydiiyey eedaha loo haystay. Bishii Maarij 2018 ayaa garsoore Faransiis ahi waaran qabasho ah u jaray, waxaanay taasi ku qasabtay in aanay Sucuudiga ka bixin. Qareenkeeda, Emmanuel Moyne, ayaa sida la sheegay yidhi Amiiraddu diyaar ayay u ahayd in ay maxkamadda kaga qayb gasho khadka Skype-ka. Qaran News
  14. Jowhar (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Gobalka Shabeelada Dhexe ayaa magaalada Muqdisho u soo wareejiyay qaar kamid ah odayaashii dhaqanka ee u tagay Al-Shabaab, kuwaas oo ay Milateriga Soomaaliya horraantii bishaan ka qabteen degaanka Ceel-baraf ee gobolkaas. Qaar ka mid ah waxgaradka gobalka Sh/Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in odayaashaan oo gaaraya ku dhowaad 60 qof islamarkaana laga soo qabtay Ceel-baraf ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, waxayna arrintaan ka dambeysay kadib markii saraakiisha Milateriga oo haayay ay keeneen Muqdisho. Mid kamid odayaasha dhaqanka ee gobalka Sh/Dhexe oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa noo sheegay in halkaan ay u yimaadeen sidii loo sii deyn lahaa waxgaradka xiran oo ay la soo wareegtay dowladda Soomaaliya. “Odayaashu, waa ku dhawaad 60 qof oo halbeel ka soo jeeda waxaana laga qabtay Ceel-baraf waxaana loo soo wareejiayay Muqdisho” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka aan la hadalnay oo soo gaaray Muqdisho. “Dowladdu, Al-Shabaab kama celin karto odayaasha waana xireysaa, waxaase iiga sii daran in odayaashii u tagay oo dhan aan la xiran laakiin hal beel la beegsado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabaddoonka aan lahadalnay. Muddo ku dhow 15 cesho ayay odayaashaan dhaqanka ku jiraan xabsi ku yaala magaalada Muqdisho iyo kii laga soo wareejiyay ee gobalka Sh/Dhexe sida ay noo sheegeen ehellada odayaasha xiran. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Farmaajo Annual Medical Check–up Report 1-Ultrasound found abdominal Jubaland abdominal pain, Galmudug nausea, Puntland vomiting, Southwest abnormal colon bacteria and Hirshabeele lumps. 2-MRI machines detect severe nepotism tumors, dictatorial trauma, constitutional development delay disease, federalism developmental anomalies, early Ethiopian multiple sclerosis, Somaliland stroke, madoobe sleep disorder, Shabab infection, and American headache. 3-PET scan found small cancerous like term extension fever, Fahad type changes in brain, Khaire heart beat fluctuations, and federalism neurological disorders. 3- CT scanners detected clan bone and opposition joint problems, complex cadaalad fractures and extensive travel tumors, qaraabo influenza, musuqmaasuq heart disease, mariixan emphysema 4- X-ray machines detect qolo naceyb, some clan love infection, laaluush syndromes, acute nariixanism, chronic Hiiraan hate, puntland conditions, Mogadishu cystic fibrosis. 5- laser eye imaging shows sharp tribal vision, blurry vision for federalism, clear centralism, selective miscalculation, poor judgement foreign cataract, qabiil diabetic type one, and Galmudug glaucoma, qabiiliste eye disorders include Nabad nacayb and shabab jacay! Recommendations: Please see your American specialist as soon as possible for further consultations & for possible therapy. Qaran News
  16. safiirka Midowga Yurub Nicolás Martine iyo madaxda Puntland 15-Sep-2019 Dowladda Puntland ayaa mar kale xaqiijisay in Midowga Yurub uu dib u bilaabi doono dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo oo bishii September ee sannadkii 2018 la joojiyay kadib markii musuq maasuq lagu eedeeyay hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA. Af-hayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) oo ka warbixinayey kulan shalay dhexmaray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martine ayaa xaqiijiyay in mar kale uu Midowga Yurub ballan-qaaday dib u bilaabidda mashruucii istaagay ee dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo. Mashruuca dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo waxaa la daah-furay 11-Maarso 2015 waxaana xilligaasi la shaaciyay in ay ku baxayso lacag dhan $21 malyan oo Dollar taasi $18 malyan oo kamid ah ay bixinayso Midowga yurub halka $3 malyan ee kalena ay bixinayso dowladda Jarmalka. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyeen safiiradii Midowga yurub iyo Jarmalka xilligaasi u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Andreas Pesxhke ayaa maalintaasi ballan-qaaday in xukuumaddiisa ay ka go’antahay fulinta mashruuca. Balse qoraal 5-September 2018 ka soo baxay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi ayaa lagu shaaciyay in la joojiyay mashruuca kadib markii ay musuq maasuqdat hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA. Hayeeshee dowladda Jarmalka ayaa mar kale 7-di bishii April ee sannadkan sheegtay in dib loo bilaabi doono dayac-tirka iyo dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo kadib kulan dhexmaray safiiradda Jarmalka ee Soomaaliya Annett Günther iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Jarmalka waxaa fulinta mashruucan u qaabilsan hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee GIZ taasi oo mashaariic kalena ka fulisay degaannada Puntland. Halkan ka daawo hadalka Af-hayeenka PUNTLAND POST The post Midowga Yurub oo xaqiijiyay in uu mar kale dib u bilaabi doono dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa xalay kulan la qaatay qaar ka mid ah xildhibaannada beelaha Mogadishu Clan ee baarlamanka Soomaaliya. Kulanka ayaa looga hadlay sidii xildhibaannada Mogadishu Clan ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka gobolka Banaadir, looguna midoobi lahaa in magaalada amnigeeda lasugo iyadoo laga mideysan yahay. Cumar Filish ayaa xildhibaannada u sheegay in xilka uu ka hayo gobolka uu ayaga ku matalo, balse qof kasta ay muhiim tahay inay talo ka gaysato sidii gobalka Banaadir looga saari lahaa marxaladaha amni xumo ee haysata. Cumar Filish ayaa isku dayaya inuu wanaajiyo amniga gobolka, si taasi ay u suurta-geliso in la furo waddooyinka xiran ee magaalada, oo shacabka ay aad u dhibsadeen. Xildhibaannada iyo duqa Muqdisho ayaa isku raacay in ay si joogta ah u kulmaan la iskuna xirnaado, si looga wada shaqeeyo danta dadka gobolka u dhashay. Xildhibaannada la kulmay Filish ayaa u badnaa kuwa kasoo jeeda beesha Mudullood iyo qaar ka mid ah kuwa beesha Habar-gidir, inkasta oo ay kulanka sidoo kale joogeen xildhibaano kasoo jeeda beelaha kale ee Mogadishu Clan.
  18. Safarkii Raisul Wasaaraha Soomaalia Mudane Xasan Cali Khayre uu ku tagay Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya maxaa ka soo baxay? Safar qaatay Mudo hal isbuuc ayuu ku tagay sedexda gobol ee maamulk koofur galbeed ee Soomaliya maalitiisa ugu horeeysay waxaa ka degay magaalada baydhabo ee gobolka Bay oo ah xaruunta kumeel gaarka ah ee maamulka wuxuu raisul wasaaraha soomaaliya ka hergliyey dhowr mashruuc ay ka mid yihiin dhagax dhiga wado dhex marta magaalada Baydhabo iyo in uu bixiyey lacag dhan $150,000 (Boqol iyo Konton Kun oo Dollars) oo lagu dhiso garoonka kubada cagta ee Dr Ayuub iyo mashaariic kale oo badan wuxuu Raisul Wasaare Khayre magaaldaas ku sugnaa mudo ku dhow sedex maalmood, wuxuu u gudbay magaalada Xudur ee gobolka Bakool iyadana wuxuu soo dhagax dhigay dhowr mashruuc ay ka mid yihiin dhagax dhiga Isbitaalka Guud ee Xudur iyo Guriga Martida ee degmada Xudur wuxuu kaloo qarameeyey ciidamo ku sugan degmada xudur iyo mashaariic kalo oo badan wuxuuna ku sugnaa Mudo ku dhow sedex maalmood. Hadaba Su’aasha Is weydiinta mudan waxay taahay Shabeellaha Hoose maxaa loo xaqiray? Gobolka Shabeellaha hoose waa gobolka ilbaxnimada iyo xadaarada waa gobol ay shacabkiisa dad nabadeed yihiin waa barwaaqo sooran waa gobol leh wax soo saar waa gobol ku filnaan kara dhammaan soomaaliya inteeda kale quudin kara bulsho weynta Soomaaliyeed, Hadaba dhowr su’aalood aan ka jawaabno. Baraawe Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose waa magaalada madaxda rasmiga ah ee maamulka koofur galbeed soomaali ma ay helin xaqii ay laheyd oo ah in loo soo wareego caasumada laguna shaqeeyo manasb iyo meqaam waxay laheyd ku dhex hesho. Qoryooley Degamada qoryooley ee gobolka sh/hoose xiligii la xoreeyey ilaa maanta majirto maalin ay ka soo bexeen ciidamada xooreeyey ee amniga suga u dhinta diifaaceeda xalaydaan qoyan waxaa soo weeraray Ururka Nabad diidka ah ee UGUS way iska difaaceen ma helaan xuquuqda ay ku lahaayeen dowaladooda mid dhex iyo mida maamul goboleed koofur galbeed ciidamada xoreeyey degmada qoryooley ilaa maanta heeganka ugu jiro difaaca shacabkeeda maalintii ay xoreeyeen ilaa maanta oo ay ku sugan yihiin mudada laga joogo xoreynta magaalada ay tahay in ku dhow 7 sano maalina aysan ka soo bixin habeen kasta cadawga soo weeraro waxay xaq u laaheeyn in ay ka helaan dowladooda soomaaliyeed iyo mid koofur galbeed dhiiro gelin ay ka mid in ay helaan mushaaraad iyo in qarameeyo laakin weli ma dhicin taas. Afgooye Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose waxaa maalin kasta sii joogta ah looga qaadaa shacabkeeda lacag baad ah oo aan waxna loogu qaban shacabkeeda, baahida wakhti xaadirkaan ka taagan degmada Afgooye waxaa waaye Isbitaalka guud ee degmada Afgooye oo gabi ahanba xermi rabo daruufo daawo la’aan ah iyo derbigigii isbitaalka ku wareegsanaa oo dumay, shacabka degmada afgooye aad ayey uu dhiig baxayaan gargaar ayey u baahan yihiin. Marko Degmada Marko ee Gobolka Sh/hoose Raisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa safar qaatay saacado kooban ku tagay magaalada Marko ee Gobolka Shabeellaha hoose inta uu ku sugnaa waxaa laga abuuray qalqal amni taasi oo loo qadan karo Bay waa Amni, Bakool na waa Amni laakin shabellaha hoose Amni ma ahan suur galna ma ahana in uu maamulka koofur galbeed ee caasumadiisu tahay Bawraawe ee gobolka Sh/hoose in uu u soo guuro shabellaha hoose taasi waa siyaasada uu ka shaqeynaayo mudane C/casiis lafta gareen. Hada inta uu raiusal wasaaraha ku sugnaa magalada marko cadey muxu mashruuc ah uu ka hergeliyey ama uu ka dhagax dhigay hadii ay run tahay hadalkii Madaxweyne C/casiis lafta gareen ee ahaa Raisul wasaare ku soo dhowoow gobolka shabeellaha hoose oo ah gobolka wax soo saarka maamul koofur galbeed soomaaliya iyo magaalada marko oo ah magaaladii ganacsiga ee maamulka koofur galbeed maxay u heli weyday wixii ay heleen Bay iyo Bakool Mudane lafta gareen aan kugu hadal qabsadee waxaan maqli jiray MAA CIIL SOOKEYE AYAA KU HAAYA MISE CIDI SALKEEDA AYAA LAGAA HAAYAA. Dhalinyadrada Sportska Gobolka shabeellaha hoose oo ah laf dhabarta sports soomaaliyeed hadii taariikhda dib loogu noqdo Qaranka soomaaliyeed ee dhanka ciyaaraha gobolka shabeellaha hoose kaalin mug leh ayey ku lahaayeen kuna leeyihiin maanta mudane Raisul Wasaare ma weysan xaq ku laheyn in la dhiiro geliyo oo ay helaan wixii Bay iyo Bakool ay helaan ma weysan xaq u laheyn in ay helaan Garoomo ay ku ciiyaaraan si la mid ku Bay iyo Bakool Ma weysan xaq u laheyn in ay helaan agab sports hada ogoow sportska Shabeellaha hoose waa kaabaha sportska Qaranka Mudan C/casiis Lafta gareen aan kugu hadal qabsadee waxaan maqli jirtay MA CIIL SOOKEEYE AYAA KU HAAYA MISE CIDI SALKEEDA AYAA LAGAA HAAYAA. Rabi ha sugu xaqa shabellaha Hoose. Hada shacabka Gobolka Shabeellaha Hoose walaalyaal Maxaa idinla gudboon hadii ay aad u jeedaan in la idin xaqiraayo maad is muujisaan oo aad dareenkiina soo gudbisaan, waxaa idin la gudboon hadii Aydan haysan Wakiilo indin ku metela dowlada dhex iyo dowalada goboleedka labada waxaa keliya idin la gudboon waa I aad baanaan bax nabadeed aad ku muujisaan cabashadiina iyo tabashooyinkiina. Rabi ha idin amaansado xaqiina Allah sugo reer shabeellaha hoose. Mahadsanidiin W/Q: Mohamed Ali Barre Email: Moaliybarre@gmail.com Nairobi, Kenya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Sawirka 20-Agoosto 2019 mudaharaad habeen Laascaanood Wararka ka imaanaya magaaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegay in halkaasi xalay lagu dilay askari ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland ee gacanta ku haya xabsiga Laascaanood. Goobjoogayaal ku sugan degmada Laascaanood ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in dilka askariga uu fuliyay nin hubaysan oo sida dadka qaar sheegeen isna ka tirsanaa ciidanka Asluubta Somaliland inkasto aysan mas’uuliyiinta Somaliland weli ka hadlin dhacdada islamarkaana aan si rasmiya loo xaqiijin in shakhsiga wax dilay uu askari ahaa iyo in kale. Sidoo kale rasaastii uu riday ninka askariga toogtay ayaa waxa ku dhaawacmay qof shacab ah oo halkaasi ku sugnaa waxaana goobta isaga baxsaday ruuxii dilka gaystay sida ay sheegeen goob-joogayaashu. Booliiska Somaliland oo xalay hawlgallo ka sameeyay magaalada Laascaanood kadib dilka askariga ayaan weli war ka soo saarin natiijada hawlgalkooda. PUNTLAND POST The post Asakari ka tirsan ciidamada Somaliland oo xalay lagu dilay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  20. KUWAIT CITY - The Ministry of Commerce and Industry has brought to the attention of the concerned officials in the ministry to tighten control over the markets and ban the import of Somali coal fearing Source: Hiiraan Online
  21. Roberta Rampton, Rania El Gamal WASHINGTON/DUBAI (Reuters) – The attack on Saudi Arabia’s oil facilities on Saturday that has threatened global oil supplies came from a [...] Source
  22. The idea that Africa’s youth bulge is the key to sustained economic growth—a so-called demographic dividend—is a popular talking point for aging African leaders who coopt such language in an effort to signal faith Source: Hiiraan Online
  23. Masuuliyiinta ay Al-shabaab ay sida aadka u raadiyaan Waxaa kamid ah Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo Xukuumadii Madaxweyne Sharif soo noqdey Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, walibana [...] Source