-
Content Count
215,072 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Abiy Ahmed ayaa waxaa Workneh Gebeyehu u magacaabay xoghayaha guud ee IGAD. Workneh Gebeyehu waxaa uu horay u soo noqday wasiirka gaadiidka, wasiirka arrimaha dibadda iyo madaxa UN-ka ee xafiiska Nairobi(UNON). Magacaabista Workneh Gebeyehu waxaa ay ka dhigan tahay in guddoomiyenimada IGAD uu qaadan doono dalka Kenya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa Qoray: Macallin Maxamed (Soomaali): “Dhulkaygii waxa loo xayiray Wiil Madaxweyne Muuse Abti U Yahay” Magacaygu waa Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali), waxaan muddo 14 sanno ku dhow dhigayay maadada Physics-ka oo aan bare ka ahaa dugsiyada sare ee dalka iyo jaamacadahaba gaar aaan caasimadda Hargaysa. Waxaan ka mida ahay macallimiinta diyaarisay ee tacabka badan galisay qoritaanka buugta manhajka dugsiyada sare ee dalka gaar ahaan maadada physics-ka. Waxaan ahay Macallin bulshada ku dhex leh sharaf iyo karaamo badan, waxa aan soosaaray jiilal badan oo maanta dalka wax ka ah. Waxa aan wax ka dhigaa Dugsiyada sare ee dawladda iyo dugsiyada gaarka loo leeyahayba. waxa aan shaqadaydii macallinimo ka bilaabay dugsiga sare ee Gacanlibaax 2005, ilaa imikana aan xiisado ka bixiyaa. Waxaan ahay dulmane shacabwaynaha somaliland usoo gudbinaya dareen muddaba aan labaaxaa degayay oo aan qarsankari waayay. Tani Waa Qisadaydii Waxaan bishii sagaalaad ee sanadkan isku dayay inaan jago aan ku lahaa degmada I.Kood.Buur gaar ahaan Xaafadda G/Allah, ka dhisto guri, kadib markii aan u dhameeyay wixii sharci ahaa ee ay dawladda hoose iiga baahnayd. Markii aan u dhameeyay gurigii wixii sharci ee la iiga baanaa isla markaana aan bilaabay gurigii, iina socday laba toddobaad ayaa Waxaa Maayarka caasimaddu, amar telephone uu ku bixiyey ku joojiyay dhismaha Guriga aan ka dhisanaayay, degmada I.Kood.Buur gaar ahaan Xaafadda G/Allah. Ku dhawaad 5 cisho ayaanu markaas sii kala maqnayn kormeerayaasha degmada, kadib markii ay igu soo mareen goobta uu dhisku ka socday goor aroornimo ah, iyagoo markii ay arkeen, sharcigii, mulkiyaddii, warqaddii jeexidda iyo ogolaanshahii dhisitaanka, oo kasoo wada baxay dawladda hoose, dhamaanyoodna leh saxeexyadii masuuliyiintii u xilsaarnayd, oo kala ahaa :Maayarka, Agaasimaha dhulka, Agaasinka qorshaynta dhulka, Xisaabaadka, Gudoomiyaha degmada iyo Joonmitirka, Waxa uu kormeerku subaxdaas ii saxeexay halkii isaga uga bannaanayd xaashida jeexidda. Intaas kadib, waxaa si kedis ah iila soo hadlay kormeerkii xaafadda I.Kood buur. Aniga oo markaas ku jiray xiisad xilli barqo ah. Islamarkii aan qabtay telka waxa la igu yidhi, : “ma macallinkiibaa?” aniga “Haa” Iyaga “walaal, waa kormeerkii degmada I.Kood buur, Waxaan ka imid gurigaagii waxaan soo joojinnay dhiskii”. Aniga: “Oo sababna walal?”. Iyaga: “walaal waxaagu waa sax, laakiin waa amar iga sarreeya” Aniga: “Haye walaal” Iyagii: “Bal hadda macallin soo dhaqaaqoo degmada noogu kaalay” Aniga “Bal waayahay”. Ardaydii, aan xiisadda ugu jiray ayaa jawigaygii oo isbaddalay aan kusoo noqday. Xoogaa suaalo ah ayay i waydiiyeen. “Macallin ma dhibbaa jirta?” “Maya waan idinkusoo noqonayaaye casharka sii qorta”. intaas aan sii socdo waxay maskaxdaydu iswaydiinaysaa “waar amarkan kasareeyaa tollow waa maxay?”. Waxa aan si dhakhso ah u gaadhay degmadii I/Koodbuur. Kormeerayaashii oo debedda markaas soo istaagay oo gaadhi Vitz ah kasoo degay ayaanu albaabka hore ku kulannay. Waar macallin bal kaalay, gacantay i qabteen, way yaabanyihiin Fajac iyo amakaag ayaa ku dhan, gaadhigayga xaggiisa ayaanu u wada dhaqaaqnay, gaadhigaan gudaha u galnay dadka oo meesha kubadnaa awgeed. Markiiba waxaa igasoo baxay “waar walal sidee wax u jiraan bal ii warrama?” Waa laba nin mid madaxa ayuu ruxayaa oo hadalka kasoo baxayaa waa kelmed qudha oo ahayd sidatan, “waar miyaan dulmiga laga baqayn?” “Waar miyaan ilaahay laga baqayn?” Kii kale ayaa ii jawaabay runtiina i taabsiiyay wuxuu igu yidhi: “Waxaa nasoo garaacay maayarkii anagoo hawl shaqo Xeedho u joogna, Haye? Amar ayuu nagusiiyay in dhismahaaga la joojiyo”. “Walal Waayo?” Sababta miyuu idiin sheegay?” Waxa aan u malaynaynaa, In ay kadanbeeyaan qoyska madaxwaynuhu, Waayo Wiil uu madaxweynuhu abti ruma u yahay ayaa telephoneka amarka nalaga soo siiyay maayarka noogu dhiibay. Markaas Macallin isasoo furdaami oo shaqadayadaas hanaga galaafan, haddaad xabbad jaajuur ah ku kordhisid annagaa u maqan macallin oo shaqada nalaga eryayaa”. “Bal waayahay”ayaan ku idhi anigoo fajacsan. Waxaan waydiiyay intii aanay ka dhaadhicin gaadhigayga In ay ii sheegaan numberka Inankan Madaxweynaheena walaashii dhashay ee telephoneka maayarka idiinku dhiibay? Waan ka qortay, waan garaacay, nasiib darrose igamuu qabanin. Galabnimadii ayaan faylkaygii kasoo sameeyay dhawr koobi, hal koobi oo kamida ayaan u geeyay nin xil dhibaan golaha deegaanka ah oo aanu asxaab isku dhaw nahay, maayarkana ay isku dhawyihiin. Waxaan ku hawlaysnaa muddo laba cisho ah sidii aan maayarka u heli lahaa iyo ciddii aan u mari lahaa. Akhriste u fiirso, dhismahayga telephone ayaa lagu joojiyay, may jirin waraaq xayiraadeed oo laytusay oo dhulka aan dhisanaayo saarnayd, Dawladda hoosena waraaqii xayiraada hore way uga weyday, waana sababta ay warqadda jeexidda ogolaanshaha dhismaha iigu sameeyeen, waana tan warqaddii jeexistu. Wiilkii madaxwaynuhu abtiga u ahaa waxaan garaacaba goor galabnimo ah ayaanu telephoneka iska helnay, dood dheer ayaa na dhex martay oo sidatan u dhignayd. Markaan isu sheegayba, danbiile ayuu iga dhigay, “ma adigaa dhisanaayay guriga?” “Haaye maxaad ku haysataa?” “Waadba qiranaysaa waliba, Magacaaga waxa aan dhigay xeer-ilaalinta iyo Saldhigga Koodbuur,” Haye yaabay “oo maxaad iga doonaysay?” “Meeshan awoowgay Biixi Abdi ayaa lahaa, waa naloo xukumay, Sadmddex xukun maxkamadeed ayaa noogu dhacay, ee waan kaa xallin karaa dacwadda saldhigga aan dhignay e, halkaas ha dhaafin oo ha kharash garoobin, intii hadhoow lagaa dumin lahaa”. Markii uu hadalkiisii dhamaystey, ayaan anigoo si deggan ula hadlaaya ku idhi: “Haddii meeshu xayirnayd, maxaa laygu sharciyeeyay? Maxaa Dawladda hoose markay ii raaceen meesha u garan waayeen inay xayirantahay? Maxaa Kormeerka guud ee degmadu u ogaan waayay? Sidee meel xayiran Dawladda hoose iga qorshaysantahay oo loo baloodheeyay? Maxaa waraaqaha xayiraadda dawladda hoose loo dhigi waayay? Ma afka ayay idiinku xayirantahay?” Waxbaanba xasuusiyay anigu markaas. Maalin kadib ayaa layga yeedhay xafiiskii degmada I/Koodbuur, waxay ii dhiibeen waraaq xayiraadeed, oo markaas loo keenay, taasoo dhinac alla iyo dhinac loo qaado aan lahayn, bal waatan warqadduye ila eega. Dhinackasta waa waddo, kumanaan waddo ayaa dhinac kasta maraaya, bal waa saddexdee, saddexda uga xayiran Bari, Galbeed, iyo Koonfur? Waxaan waydiiyay qoladii kormeerka waraaqdan xayiraadda goormaa la idiin keenay? Saaka 6dii subaxnimo ayaa la keenay ayay iigu jawaabeen. Wali yididiilo ayaan qabaa oo waxaan ka rajo sugayaa maayarka, oo rag badani iigu maqanyihiin. Waxaan u haystay in maayarku uu awood leeyahay , Waxaan moodaayay in maayarku uu madax banaanyahay ee aanuu lahayste ahayn. Waxaan u haysatay in Maayarka sharcigii uu iigu saxeexay uu igu difaaci karo. Waxaa Ergedii iyo rajadii aan naawilaayeyba soo afgo’een markii abaara 11kii iyo badhkii subaxnimo, aniga oo xiisad ku jira, uu xiisadda iiga yeedhay mid ka mid ah maamulka Iskuulku, Waan soo raacay, waxaa xafiiska hortiisa igu sugaayay, wiil uu madaxwaynuhu dhalay oo aan macallin u ahaa, iyo wiilkii uu abtiga u ahaa madaxwaynuhu, oo telephone aan ka doodno maahee aanaan hore isu arag. Markaan arkay wajiga wiilka uu madaxweynaheenu abtiga u yahay wuu i gartay ana waan gartay.Waxa uu ka mid ahaa ardaydii ugu horraysay ee aan wax ugu dhigo dugsiga sare ee Gacan Libaax, islamarkii aanu indhaha isku dhufanay waanu isku naxnay oo igamuu filayn, waxa uu ii muujiyay ixtiraam badan haddana waxbaa dabada ka riixayay. Gacanta ayay i qabteen, waxa ay iila dhaqaaqeen dhinaca gaadhi madaw oo VX ah, cid gaadhiga saaran ma ogi markaas. Daaqadda danbe ayaa layga furay, Waan galay labadii inan ee ila socdayna way soo fuuleen. Waxaan ugu tegay gaadhigii oo aan hal-mar isha ku dhuftay, Maayarkii aan siraadka ku waayay oo xagga hore saaran, gaadhiga waxaa wada inanka madaxwaynuhu dhalay, xagga danbe waxaa fadhiyay nin cas oo buuran oo lay sheegay in uu madaxwaynaha walaalkii yahay, “keen faylkaagii” ayuu Maayirku si toos ah ii yidhi, Waan yaabbanahay faylkuna gaadhigayga ayuu ku jiray. Markiiba waxaa maskaxdayda kusoo dhacay, raadraaca documentska ayaa la rabaa in la tirtiro, waana lagu khiyaamaynayaa, hadalka ayay daldalayaan, waanse fekerayaa anigu, Waxa ay ii raacsheen “hawshaada waynu dhamaynaynaa, qorshaynta dhulka ayaynu eegaynaa nasii filkaagii”. “ma hayo iminka ma hayo” ayaan lasoo booday, laakiin sawirkii Faylka oo whatsuppka iigu jiray ayaan tustusay, waxbay akhriyeen “waa hebel sexeexaasi, kaasina waa hebel, waynu xidhxidhaynaa iyo waynu xidhnay kaas” ayaa laysku celcelinayaa, waxaan kaga degay farriin ahayd: “Adigu marka ay fullinta gaadho, macallin waynu dhamaynaynaa hawshaadee nasug, haddii kale ciddii kaa iibisay u doono Faylkaagana maayarka u keen” Haye Haye ayaan ku macasalaameeyay. Guntii iyo gabagabadii, waa kuwan sawirrada gurigayga dhismihiisu bilawga ahaa, Waxaa qandaraaska dhiska qaatay shirkad dhisme, waxay qaadatay oo heshiiska usii shubay 50% lacagtii dhismaha, gurigu waxa uu ilaa hadda xayiranyahay 17cisho, Waxaa muddadaas ilaa maanta igu socda kharash, uu ka mid yahay kirada taangiyada biyaha, waashmaannada, iyo qalabkii oo meesha yaalla, sida sawirrada ku wada cad. Goobta dhismuhu ka socdaana ma aha goob cidlo ah, dhinac kasta waxaa ka xigaa waa dhisme hore loo dhamaystiray oo aan muran gellin. Madaxwayne aragtaye! Ma adaan ogaal noqon? Mise waa adeegayaal Gaar aad u leedahay? Ma awoodahaagay Ab intaad wadaagtaan Noo adeegsadaanoo Xaqa umadda duudsiya? Waxaa Qoray: Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali) Source
-
(SLT-Hargeysa)-Koox hubaysan ayaa Salaasadii dorraad jidgooyo u galay baabuur ay dawladu leedahay oo marayay inta u dhaxaysa Borama iyo Dila, waxaanay ku fureen baabuurka rasaas tiro badan. Abaanduulaha ciidamada qaranka gaashaanle sare Cabdirisaaq Sicid Bulaale ayaa arrintan u tagay Boorama waxaanu kulan la yeeshay gudida amaanka ee gobalka iyo qaar ka mid ah salaadiinta goblka Awdal. Abaanduulaha ayaa sheegay in aan la eegan Karin xaalada amaan ee gobalka Awdal, waxaanu yidhi “Waxaan u imid kormeerkaygi ciidanka ee caadiga ahaa iyo arinta nabadgalyada oo kow ka ah ee gobalka baryahanba lagu sheegayay ee gobalka shalayna dhacdadu ka dhacday foosha xun ee wadada la galay laguna rasaaseeyay baabur dawladeed, waxaanu kulan la yeelanay dhamaan gudidii nabadgalyada, waxa kale oo aan la kulanay odayaashii dhaqanka oo suldaanku hoggaaminaayo,ka hordhici maayo wada hadal iyo rajo fiican yaanu qabnaa nabadgalyana waanu jecelnahay in lagu soo afjaro arin la sii eegan karana maaha,kana hor dhici maayo oo odayaashiina si weyn ayaan u balanay, raga meesha wada joogaana waanu wada garanaynaa.” Muddooyinkii u dambeeyay waxa la hadal hayay oo ay xataa qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobalka Awdal warbaahinta kaga hadleen jabhad la sheegay inay ka samaysantahay deegaanka Dila ee gobalka Awdal. Source
-
Nabadoonnada iyo wax garadka gobalaka Bakool ayaa ku guuleystay in dhex dhexaadin iyo waanwaan ay ka dhex sameeyaan laba beelood oo walaalo ah oo ku dagaalamay degmada Ceelbarde iyo deegaanno hoos yimaada gobalka Bakool. Nabaddoonada oo deegaannadaas 4 bil ku sugaa deegaanka dagaallada ka dhaceen ayaa la sheegayaa in ugu dambeyntii ay ku guuleysteen arrinta dhexdhexaadinta. Dhanka kale maamulka magaalada Xudur iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhaweeyay Odayaasha iyo Waxgaradka oo ku soo guulaystay howshii ay u baxeen ee ahaa heshiisiinta beelahaasi walalaalaha ee ku wada nool degmada Ceel-berde iyo deegaannada hoos yimaada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Ruushka Puntin ayaa wuxuu ku dhawaaqay inuu Dalkiisu uu ka cafiyey aduun gaaraya 20 Bilyan oo Dollar ay ku lahaayeen Afrika. Si loo xoojiyo [...] Source
-
(SLT-Dubai)-Shikradda DP WORLD ee dalka Imaaraadka ayaa sheegtay in muranka iyo dacwaddii dhexmartay iyaga iyo dowladda Djibouti ee ku aadanaa maamulka Dekedda Doraaleh, ay taasi dhaawac gaadhsiisay shirkadda, isla markaana ay ku adkaatay inay bangiyada caalamka ka hesho deyn ay ku maalgaliso mashaariic cusub, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Washington (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in laqaaday dhamaan cuna qabateynadii la saaray dowladda Turkiga kadib weerarkii ay ku qaadeen waqooyi bari dalka Suuriya. Go’anka Trump ayaa imaanaya ka dib markii Turkigu uu ogolaaday inuu xabad joojinta waqooyiga Suuriya sii wadayo. Isaga oo ka hadlayay Magaalada Washintoon ayuu sheegay Mr Trump in Dolwadda Turkiga ay u balan qaaday in ay joojinayso howgallada ay ka wado waqooyiga Suuriya. Waxa uu yiri :”Aroortii hore ee saaka dowladda Turkiga ayaa waxey maamulkayga u sheegeen inay joojinayaan gulufkii ay ka wadeen Suuriya ayna heshiiska xabad joojinta ka dhigayaan mid toos ah”. ‘Marka sidaa darteed waxaan la hadlay Xoghayaha Maaliyadda waxaana u sheegay in Turkiga laga qaado dhammaan cunaqabateenadii la saaray 14-kii bishaan Octobar” ayuu kusii daray. ”Cunaqateenada waa la qaaday marka ilaa aan ka aragno waxyaabo aanu ku faraxsanyn ee goboladaasi ka dhaca ma jiri doonaan cuna qabateynno kale”, sidaasi waxaa hadalkiisa ku sheegay madaxeyne Trump. Sidoo kale madaxwaynaha Mareykanka ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay gaareen Turika iyo Ruushka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xuseen Macalim Maxamuud lataliyihii hore amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ayaa ka hadlay xaaladda Amniga ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Xuseen oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Canshuuraha ay Al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo dhibaatooyinka laga dhex gali karo. La taliyihii amniga qaranka ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay ku xoogeysteen Magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in qaab dowli ay dadka lacag uga qaadaan waa sida uu hadalka u dhigay. “Al-Shabaab dad waa dili jireen, weeraro waa geysan jireen, balse haatan waxay bilaabeen qaabkii dowladeynta oo oo ay gaarsiiyeen meel kasta oo dalka ka mid ah, labo arrimood ayay xoojiyeen oo dowladnimada aas aas u ah, sida canshuurta dowlada qaado oo kale, xukunka iyo cadaalada”ayuu yiri Xuseen Macalin. Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay markaas si toos ah ugu imaanayaan ganacsatada halka markii hore uu sheegay inay taleefoon usoo diri jireen. “Qof socda ayaa u tagaya nin Ganacsade ah wuxuu leeyahay anigoo xubin Shabaab ah, lacag ayaa laga rabaa, halkii shalay taleefan la isku soo diri jiray, hada waxaa timid toos, waana joogista muuqata ee Al-Shabaab”ayuu yiri Xuseen Macalin. Sidoo kale lataliyihii amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen weeraradii Al-Shabaab ay ka geysan jireen Magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu ugu baaqay in ay wax ka qabato habka cusub ay dadka lacagta uga qaadaan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Addis Ababa)-Wararka ka imanaya Bariga Itoobiya ayaa sheegaya in dibadbaxayaal cadheysan halkaa ku gubeen Buug uu qoray Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed. Dadka isku soo baxay ayaa taageero u muujinaya ninka lagu magacaabo Jawar Mohamed oo madax u ah dhalinayarrada lagu magacaabo Qeerro ee rabashadaha dhiggaya. Hoggaamiyahan ayaa ku eedeeyay dowladda inay ka kaxeysatay ciidammadii ilaalinayay gurigiisa, hase ahaatee waxaa arintaan beeniyay saraakiisha Ammaanka. Ra’iisaal Wasaare Abiy oo lagu ammaano isbadalada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana dhinaca kale waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi. Booliiska Itoobiya ayaa waxaa ay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay, balse hadalka ka soo yeedhay Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda. Caasimadda Addis Ababa, ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaa,waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay ” Abiy ha dhaaco.” Gubidda buugga rai’sul wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar. Nuqulada buugga Mr Abiy ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay dalkaasi. Buugga ayaa waxaa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda Ra’iisal wasaaraha iyo sidoo kale halka uu hiigsanayo in uu Itoobiya gaadgsiiyo. Source
-
(SLT-Moscow)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika aya kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda ka qeyb gelaysa Shirkaas. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin,iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xidhiidha wada shaqeynta labada dal xidhiidhka arrimaha dibadda Ganacsiga iyo kaalmooyinka arrimaha horumarinta. Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalka Soomaaliya. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in Turkiga uu u sheegay in uu joojiyay duulaanka uu ku qaaday waqooyiga Suuriya. Trump ayaa dhanka kale sheegay in Washington ay ka qaadeyso cunaqabateynta ay saartay Ankara oo lagaga Jawaabayay weerarka millatariga ee lagu qaaday maleeshiyada Kurdiyiinta. Cunaqabateynta waan qaadi doonaa ilaa ay dhacayaan waxyaabo aan anagu ku faraxsaneyn, ayuu yidhi Trump oo arbacada shalay ah warfidiyeenada kula hadlayay aqalka Cad. Bilowgii bishan ayaa Trump wuxuu ku soo rogay cashuur boqolkiiba 50 ah biraha iyo alaabaha kale ee Turkiga u iibgeeyo Mareykanka. Waxaa sidoo kale xayiraad dhaqaale la saaray saddex sarkaal oo ka tirsan xukuumadda Ankara oo ay ka mid yihiin wasiirrada difaaca iyo Tamarta. Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhaleeceyn kala kulmay go’aanka uu ciidankiisa kaga saaray waqooyiga Suuriya, taasi oo lagu tilmaamay khiyaano ka dhan ah maleeshiyada Kurdiyiinta. Sadex sanno muddo laga joogo ayaa kooxda Kurdida oo taageero ka helaya Millatariga Mareykanka ay dagaal culus kaga saareen magaalada Kobani iyo deegaano kale oo ku yaalla waqooyiga Suuriya. Source
-
Shirkadda DP World ee laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in bangiyada caalamku ay u diideen in ay lacago ka deynsato kadib markii uu saameeyay go’aankii dowladda Djibouti uga saartay dekedda Dooraaleh. Maareeyaha guud ee shirkadda DP World Suldaan bin Axmed ayaa sheegay in murankii dhexmaray iyaga iyo dowladda Djibouti uu dhaawac u gaystay kalsoonida lagu qabo shirkadda iyo sidoo kale mashaariicda ay maal-geliso. Wuxuu sheegay in shirkadoodu aysan hadda heli Karin lacago ay ku maal-geliso mashaariicda ay ka waddo dalalka qaarkood kadib markii bangiyada caalamiga ah ay u diideen in ay lacago deyn ah siiyaan. Bangiyada ayaa walaac ka qaba sida loo dammaanad qaadayo in ay sii jiri karaan heshiisyada ay shirkaddu la gasho dowladaha si loo siiyo lacago ay ku maal-geliso mashaariicda. Dowladda Djibouti ayaa dalkeeda ka saartay shirkadda DP World oo lacago badan oo deyn ah ku maal-gelisay dekedda Dooraaleh taasi oo kalsooni-darro u keentay bangiyadii lacagaha deymin jiray shirkaddaasi. Go’aanka Djibouti ayaa ka dambeeyay muran soo kala dhexgalay iyaga iyo shirkadda oo gaaray heer maxkamadeed. PUNTLAND POST The post Shirkadda DP World oo sheegtay in aysan hayn lacago ay wax ku maal-geliso appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Suuriya)-Ciidamada Ruushka ee la geynayay xadka Suuriya iyo Turkiga ayaa billaabay iney goobihi loogu tala galay la geeyo ay u ruqaansadaan, tallaabbadaasi oo qayb ka ah qodobbada labada dhinac ay ku heshiiyeen si xooggagga kurdiyiinta halkaasi looga saaro. Guutooyin ka tirsan ciidammada Ruushka ayaa ka gudbaya wabiga Furaat iyaga oo ku sii jeeda magaalada Kobceyn. Sida uu dhigayo heshiiska ay galeen Ruushka iyo Turkiga, ciidamada Ruushka iyo Suuriya ayaa xoogagga kurdiyiinta ka saaraya xadka Suuriya iyo Turkiga ay wadaagaan. Ciidamada Turkiga ayaa sii wada gacan ku haynta aagga ay qabsadeen muddadii uu socday dagaalka ay kula jiraan kurdiyiinta, Turkiga oo xoogaggaasi u arko iney yihiin argagixiso. Qorshaha Turkiga uu aaggaasi ka damacsan yahay ayaa waxaa ka mid ah inuu “aag ammaan ah” ka abuuro xadka uu la wadaago Suuriya kaddibna uu dajiyo qoxooti ka badan Laba milyan oo Suuriya ka soo jeeda. Source
-
Sochi (SMN) – Shirka Dhaqaalaha ee u dhaxeeya Ruushka iyo qaaradda Afrika ee ka socda magaaladda Sochi ayaa wuxuu maalintii labaad galay. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo shalay si rasmi ah loo daahfuray. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Madaxweyne Sharafeedka Afrika Abdulfataax Asiisi oo si wadajir ah u furay Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa tilmaamay muhiimadda Shirkani u leeyahay dalalka Afrika iyaga oo xusay dhinacyada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga ganacsiga, socdaalka iyo dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena. Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Kulamo lagu taageerayo Guddiga Doorashooyinka Galmudug oo ay magacowday dowladda federaalka ayaa lagu qabtay Dhuusamareeb. Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa ka qeybgalay munaasabadda, halkaas oo ay khudbado ka jeediyeen. Xubnaha ayaa kula dardaarmay guddiga in uu ka shaqeeyo dhismaha Galmudug loo dhan yahay kuna dhisan cadaalad iyo horumar. Mudaneyaasha ayaa sidoo kale waxay uga mahadceliyeen dowladda dedaaladda ay ku bixineyso dhismaha Galmudug middeysan. Hoos ka daawo sawirada View the full article
-
Kulbiyow (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidanka Kenya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Jubadda Hoose. Iska hor-imaadka oo ka dhacay tuulada Kulbiyow ayaa waxaa ka dhashay khasaaro labadda dhinac soo kala gaarey. Al-Shabaab oo guulo sheegatay ayaa tilmaamtay in ay duulaanka qaadey markii ay heshay xog ah in ciidanka Kenya dhibaato ka wadaan halkaas. Dhibaatadda oo ciidamadda Jubbaland ay qayb ka yihiin ayay xustay in ay kamid tahay dhac iyo handaad ay bulshadda u geysanayaan. Xaaladda degaanka ayaa haatan ah mid degan, waxaana la sheegayaa in aysan wali si rasmi ah u bilaaban dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Dagaa.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Sochi oo uu ka socdo shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika waxa uu kula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Labada madaxweyne ayaa kulankooda uga wada hadlay arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iskaashiga dhinaca maalgashiga iyo fursadaha maalgashi ee wakhtigan ka jira gudaha Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah 43 hoggaamiye oo Goobjoog ka ah Shirka iyo Wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Ruushka waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah Madaxda iyo maalgashadeyaasha ka qeyb galaya Madasha iyagoo u bandhigi doona fursadaha ka jira dalkeena. Madashan oo ah tii ugu horreysay oo Ruushku soo qaban qaabiyo waxaa ka qeyb galaya seddax kun oo Ergo oo ka kala socota dalalka Afrika iyo Ruushka. waxay socon doonta 23-ka ilaa 24-ka Bishan iyada oo la filayo in qodobo miro-dhal ah kasoo baxaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (SMN) – Muran siyaasadeed ayaa ka dhashay Guddiga Doorashooyinka Galmudug ee ay magacaabatay Ahlu Sunna. Hogaanka dowlad goboleedkaas ayaa wuxuu qaadacay Guddiga, oo uu ku sifeeyay mid baalmarsan sharciga iyo Dastuurka. Magacaabida Ahlu Sunna ayaa timid iyadda oo xukuumadda federaalka ay magacowday Guddi ka shaqeynaya howlaga maamul dhisitaanka maamulkaas. Maxamed Xaashi Carabey, madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa Shabelle u sheegay in talaabada Ahlu Sunna qayb ka tahay qaladaadka jira Galmudug. Carabey oo sii hadlaya ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in loo baahan yahay in xalinta arrintaan loo wajaho qaabka uu qabo Dastuurka iyo habraaca xukuumada. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Carabey.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug kulamo iska soo hojeeda xalay ku yeeshay Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xubnaha Guddiga uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan. Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Gudiga Doorshada iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay. Sheekh Shaakir oo Khudbad u jeediyay Guddiga ayaa ka codsaday in ay dardargaliyaan howlaha loo xilsaaray ee ku aadan doorashada maamulka Galmudug , islamarkaana laga doonaayo in ay soo xulaan baarlamaanka Galmudug. Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan in Glmudug loo dhiso maamul ay dadkeeda u dhan yihiin, isla markaana laga Aas’aaso Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu ugu baaqay inay dowladda Soomaaliya garab istaagto. Dhinaca kale waxaa xalay kulan isugu yimid Xubnaha Guddiga doorashada Galmudug oo ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo qaar kamid ah bulshada Dhuusamareeb, waxaana kulanka uu ahaa mid Guddiga lagu taageerayay. Cabduqaadir Nuur Caraale oo kamid ah Xubnaha Guddiga Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in guddigooda uu si cadaalad ah ugu Shaqeyn doono Bulshada Galmudug,isla markaana xildhibaannada ay kusoo xuli doonaan qofkii buuxiya Shuruudaha. Dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusuna ayaa xilligaan waxaa ka dhexeeya khilaaf xoogaan, kaasi oo ka dhashay guddiga farsamada ee dhismaha maamulka galmudug, maadaama dowladda ay gudi magacowday, halka madaxda xukuumadda Galmudug Shiikh Shaakir uu maalin ka hor uu ku dhawaaqay guddigga doorashada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-24102019.mp3 View the full article
-
Protesters in eastern Ethiopia have burnt copies of a new book by prime minister and Nobel Peace Prize winner Abiy Ahmed in a show of solidarity with an opposition media activist. Source: Hiiraan Online
-
Boosaaso (SMN) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa kormeeray degaano ka tirsan gobolka Barie e dowlad goboleedkaas. Mudaneyaasha ayaa degaanadda ay tageen waxaa ka jirta dhibaatooyin dhanka nolosha ah gaar ahaan caafimaad xumo iyo cuno yar. Dadka degaanka ayaa waydiistay Xildhibaanadda in ay lasoo gaaraan gurmad bini’aadamo oo degdeg ah maadaama ay dhibaato haysato. Sharcidejiyeyaasha ayaa tilmaamay in ay gudbin doonan dhibaatadan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni si uu wax uga qabto. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Baahi.mp3 View the full article
