-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda federaalka iyo Jubbaland. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu horreyn sheegay inuu Kimsaayo u tegay ka qeyb galka xafladda caleema saarka ee Madaxweyne Axmed Madoobe. Sidoo kale waxaa uu gardarro ku tilmaamay cunaqabateynta dhinaca hawada ee la saaray dadka reer Jubbaland. “Waxaa aad uga xunnahay munaasabada aan ku nimid, xilli shacabka reer jubbaland ay saaran tahay cunaqabateyn gardaro ah, shacabka reer Jubbaland ma qabato cunaqabateyn ma qabto dhibaatada gaarka ah ee lagu haayo, kama qabato dowladooda ayaga dhisteen, dadkii cunaqabateyntaas inay jebiyaan hormuudka u ahaa ayaa ka mid aheyn.”ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in loo baahan yahay isu tanaasul iyo in wax weliba lagu dhameeyo wada hadal. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe uu sii xoogeysanayey khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorashadii Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee yeesha diyaarad gaar ah oo madaxda iyo martida maamulkaasi ku safri karaan. Diyaaraddan oo markiiba qaadda 50 qof, ayaa duulimaadkii ugu horreeyey waxay shalay ka sameysay magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo. Waxay ay wadday madaxweynayaashii hore ee K/galbeed iyo Galmudug, xildhibaanno iyo siyaasiyiin dhwor ah oo ay kasoo qaadday magaalada Nairobi. Sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiin Jubbaland ah, diyaaraddan ayaa lagu soo daabuli doonaa madaxda ka qeybali doonta caleemasaarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Inkastoo ay DFS cadaadis dhanka duulimaadka ah saartay magaalada Kismaayo, ayaa diyaaraddan waxay noqotay mid dhinac martay ammarkii diyaaradaha lagu soo rogey ee ahayd in ay soo maraan Muqdisho, kahor inta aanay tagin magaalada Kismaayo. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in ulajeedka Jubbaland diyaaradda u keensatay ay tahay iney madax badan lagu daabulo, maadaama diyaaradaha kale aanay toos u tagi karin ama uga bixin karin Kismaayo iyaga oo aan magaalada Muqdisho soo marin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ityo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa halkaasi uga qeybgalaya shir heer caalami ah ee fulinta hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga adduunka. Waa kulankii 70-aad, waxaana isugu imaanaya dalalka xubnaha ka ah guddiga sare ee fulinta hay’adda QM ee qaxootiga adduunka. Wasiir Sabriye ayaa matalaya Soomaaliya, waxaana inta kulankaasi socdo looga hadli doonaa arrimaha qaxootiga aduunka, iyadoo lagu ansixin doono qorshe sandeedka iyo miisaaniyadda UNHCR. Sida qorshaha uu yahay, wasiir Sabriye ayaa kulamo kala duwan halkaasi kula qaadan doona madaxda ka qeybgaleysa shirkan qaarkood iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Switzerland. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda Puntland, Faarax Maxamed Xawaashe ayaa sheegay in dooni oo ay la socdeen kalluumeysato lagu la’ayahay xeebaha maamulkaasi. Xawaashe ayaaa xusay in doonidaasi kalluumeysatada la socotay ay isugu jireen Soomaali iyo Ajaaniib. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xogta kalluumeysatadaasi ay la wadaageen ciidamada ilaalada xeebaha ku sugan biyaha Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/cod-mahad-puntland.mp3 View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya Talyaaniga ayaa sheegaya in muran uu ka taagan yahay dhul ay dowladda federaalka ku leedahay magaalada Rome ee dalkaasi. Shukri Siciid oo ah Wariye Soomaaliyeed oo ku nool Talyaaniga ayaa sheegtay in muwaadiniin is abaabulay ay ku guuleysteen inay soo celiyaan qeyb ka mid ah dhismaha safaaradda Somalia ee dalkaasi, Qunsuliyadda iyo gooba kale oo muhiim ah. Wariye Shukri ayaase sheegtay in weli uu maqan yahay dhul ay leedahay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ay tilmaamtay inay heystaan shaqsiyaad gaar ah. Sidoo kale waxa ay ugu baaqday dowladda federaalka inay soo farageliso arrintaasi, islamarkaana ay qaadato kaalinta kaga aadan dib u soo celinta dhulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Wareyiga https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/wareysi-shukri-Talyaaniga.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay kulan gaar ah uu ku dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo Madaxweynayaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed. Kulanka oo ahaa mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in kulankan diirada lagu saaray xaaladda dalka, gaar ahaan xayiraadii dhinaca hawada ee dhowaan dowladda federaalka saartay Jubbaland. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shirka lagu soo qaaday farogelinta ay dowladdu ku heyso dhismaha maamulka Galmudug oo dhowaan doorasho galaya. Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen oo shalay gaaray magaallo xeebeedka Kismaayo ayaa sidoo kale Axmed Madoobe siiyey talooyin ku aadan, sida loo xalin karo khilaafka maamulkiisa kala dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa in Kismaayo ay gaaraan wufuud kala duwan oo ka tageysa magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, kuwaas oo ka qeyb galeysa munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee maamulka Jubbaland. Xafladda caleema saarka ayaa la filayaa inay dhacdo 9-ka bishan October oo ku beegan maalinta arbacada ah ee soo socota. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula qaatay wefdi ka socda UNSOM iyo IGAD oo ay hormuud u ahaayeen Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador. Raisedon Zenanga iyo Ergayga urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Cali Guyo. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Abdiqafar Hange oo ka warbixiyey kulanka Ayaa sheegay inay Beesha Caalamku u soo jeedisay Putland inay joojiyaan khilafka loo muujinayo Dowlada federaalka. Waxaa sidoo kale wasiirku shaaciyay in wafdiga labada dhinac ay Puntland uga digeen inay garab istaag u muujiso maamulada aan sharciga waafaqsaneyn ee aysan aqoonsaneyn dowlada Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay Beesha Caalamku ugu baaqday Madaxweynaha Puntland in mashaariicda horumarineed iyo dhammaan adeegyada uu bixiyo maamulka la gaarsiiyo shacabka ku nool gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga dalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/cod-moha-abdikani-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-6102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa xilligan ka cabanaya mushaar la’aan heysata in muddo ah. Ciidamadani ayaan qaadan wax mushaar ah muddo sanad ah, sida uu qoray wargeyska Indian Ocean Newsletter. Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil ayaa sheegay in ciidamada kale ee AMISOM ay qaateen mushaaraadkooda, balse kuwa Jabuuti aysan weli helin. Askari kasta oo ka mid ah ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa mushaar ahaan u qaata 800 oo Dollerka Mareykanka ah, waxaana lagu soo warramayaa in Midowga Africa uu mushaarka ciidamadaasi ku wareejiyey dowladda Jabuuti, balse aysan weli iyadu bixin. Cabashada ciidamadan oo muddo dheer soo jiitameysay ayaan weli jirin wax jawaab ah oo ay ka bixisay dowladda Jabuuti. Ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo dagaal kula jira Al-Shabaab ayaa ka howlgala deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ababa, Oct 6 (IANS): The UN Assistant Secretary-General for Humanitarian Affairs, Ursula Mueller, has urged the international community to take immediate action to confront the climate crisis that is heavily affecting Djibouti and the rest of Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee Madaxtooyada HirShabeelle Xasan Cumar Axmed loona yaqaano Xasan Mahdi, ayaa markii ugu horreysay lagu arkay degaano ka tirsan HirShabelle tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu ka soo muuqday gacanta Al-Shabaab. Dad ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa Caasimada Online, u sheegay in Xasan Mahdi lagu arkay magaalada Beladweyne ee gobalka Hiiraan kadib markii uu ka soo laabtay degaanada Al-Shabaab oo uu ku sugnaa muddo ku dhow bil. “Xasan Mahdi, waa ka soo laabtay Al-Shabaab iyo hadalkii uu ku sheegay in uu ka towba keenay shaqadii uu ku jiray ee dowladda waxaana loo soo fidiyay cafis” ayuu yiri masuul sare oo ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan. “Xasan Mahdi, waxa uu kamid ah yahay dad badan oo Al-Shabaab cafis u doontay kana soo laabtay isaga uguma horreeyo waa dhacday dad badan ayaa Al-Shabaab cafis u doontay” ayuu yiri masuulkaan aan la hadalnay ee ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan. Saraakiil ka tirsan Booliiska gobalka Hiiraan ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan wali arkin Xasan Mahdi, laakiin ay soo gaartay xog sheegeysa in uu ka soo laabtay Al-Shabaab oo uu u doontay cafis sida ay hadalka u dhigeen. Xasan Cumar Axmed, oo loo yaqaano Xasan Mahdi ayaa warbaahinta Al-Shabaab ka soo muuqday 3-dii September ee sanadkaan 2019, waxa uuna sheegay in uu ka towbad keenay shaqadii “riddada iyo gaalnimada” isagoo ay labadiisa dhinac taagnaayeen laba dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xoghayaha howlaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdi Haybe Maxamed oo maanta warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in Safaaradaha ka furan Muqdisho ay u horseedeen Somaliland in weli loo sii aqoonsanaado maamul goboleed. Cabdi Haybe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in safaaradahaasi ay sabab u yihiin in xukuumada Somaliland ay wax badan u daba fadhiisato dowladda federaalka Soomaaliya. Xoghayaha howlaha guud ee xisbiga Waddani oo arrintaasi ka hadlayay, ayaa waxa kale oo uu ayiday dhawaaqii ceyrinta ahaa ee xisbiga Ucid ku dalbaday in wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland la eryo, wuxuuna yiri “Wakiilka Jabuuti u fadhiya qunsilyada Jabuuti ee Somaliland, hadalku uu ka dhacay, oo hadal dimblamaasi kumuu hadal, si xuna oo aan loo baahnayna ayuu u hadlay, sidaas darteed Wakiilkani inuu dalka ka baxo oo uu dalkiisa ku laabto ayaa u haboon”. “Mida kale Safiirkii Jabuuti wuxuu fadhiya Muqdisho, Safiirkii Turkiguna wuxuu fadhiya Muqdisho, halkana waxa ka dhisan Qunsiliyado, taasi ayeyna nasiib daro Xukuumaddu ogolaatay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Macnaheeduna waxay noqonaysa in Muqdisho aynu wax badan u daba fadhino, waxaana xusid mudan in Turkigu aanu inaga waxba ina tarin, halka uu caawiyo Somaliya, ciidamadana uu u tababaro, wax walbana uu la garab taagan qunsiyadaha aynu ogolaanay iyo safaaradaha Muqdisho ka dhisani waxay inoo horseedeen in maamul goboleed Soomaaliya ka mid ah la inagu tiriyo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasaimada Online, ayaa soo gaba-gabeysay baaritaan dheer oo ay waday tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Booliiska Kenya ka digeyn qatarta Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi “Ciise Tarabuun”, baaritaankaas oo ku saabsan xogta Ciise Tarabuun. Mudadii aan baaritaankaan wadnay waxaan la kulanay saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya, Xubno ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, Saraakiil ka tirsan Gobalka Banaadir iyo qaar kamid ah waalidiinta Ciise Tarabuun. Dadkii aan la kulanay ayaa xogta ay nala wadaageen waxay muujineysaa in Ciise Tarabuun uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay qalad weyn ka gashay Dowladda Soomaaliya, waxaana idinla wadaagi doonaa xogta aan soo aruurinay. Markii ugu horreysay waxaan la hadalnay xubno kamid ah qoyska Ciise Tarabuun oo qaarkood ay ku nool yihiin dalka dibadiisa waxayna noo sheegeen sheekadaan. “Ciise muddo laga joogo ku dhowaad 10 sano ka hor ayuu mar kamid ah noqday Xisbul Islaam, waxa uuna ka tirsanaa muddo 5 bil ah kadibna waxaa bur buray ururkii Xisbul Islaam markaas kadib waxa uu noqday ganacsade ka xamaasha Suuqa Bakaaraha, marna kuma biirin Al-Shabaab iyo urur kale oo dagaalama, 2 jeer ayaa la xiray xiligii dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana intaasba lagu waayay wax dambi ah” ayuu yiri qof ka tirsan qoyska Ciise Tarabuun. “Markaan waxay markii 3-aad oo la xiro, waxaana markii loo geeyay Maxkamdda Ciidamada Qalabka sida ay cadeeyeen in uusan wax dambi ah gelin, markii la waayay cadeyn ku aadan eedeyntii loo jeediyay, waxayna madaxda dowladda Soomaaliya dalbadeen in lagu xukumo Xukun ah “Xabsi ku heyn” oo muddo 2 sano ah” ayuu yiri qofkii aan la hadalnay. Sidoo kale Caasimada Online, waxay la kulantay saraakiil ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalaba sida, waxayna noo sheegeen sidaan. “Annaga waxaan dowladda u cadeynay in aysan jirin wax cadeyn ah oo muujinaya in Ciise uu yahay dambiile Shabaab ah, muddo 3 jeer ah noola keenay sidaas darteedna la sii daayo, laakiin waxaa nagula amray in aan ku xukuno muddo 2 sano oo xabsi ku heyn, markii uu dhameestay waxaan amarnay in Arbaco kasta yimaado Maxkamdda si loo hubiyo muddo sanad ku dhow ayuu arbaca kasta imaanayay waana ku weynay wixii lagu eedeyay” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. “Waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee aan aragnay waxay aheyd, markii aan dalbanay cadeynta eedeymaha Ciise Tarabuun waxaa noola keenay hadalka Wasiirka amniga ee ahaa (waxaan soo qabanay madaxii amniyaadka Al-Shabaab ee bixin jiray amarka ugu dambeeyay ee dilalka), taasna cadeyn ma noqoto” ayuu yiri qofka aan la hadalnay. Waxyaabaha kale oo ay ogaatay Caasimada Online, waxaa kamid ah in Ciise Tarabuun ka hor inta uusan dalka ka bixin ay waalidkiisa dowladda Soomaaliya ku wargeliyeen waxayna warqado ka qaateen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Taliska NISA iyo Booliiska Soomaaliya waxayna cadeeyeen in uu yahay muwaadin aan dambi gelin oo dalka ka bixi kara. “Ka hor inta aanan wadin waxaa ku wargelinay dowladda waxaana ka qaadanay ogolaansho waxaana u sheegnay in wiilkayna uu marar badan qatar galay sidaas darteed aan u wadayno Koonfur Afrika” ayuu yiri qof ka tirsan waalidka Ciise Tarabuun. Ugu dambeyntii baaritaankii aan samaynay ayaa waxaa ku ogaanay in Ciise Tarabuun ka hor inta uusan ka bixin garoonka diyaaradaha ay sawiro ka qaadeen hay’adaha amniga garoonka kadibna ay u dareen sirdoonka Kenya waana sababta keentay in Booliiska Kenya ay ka digaan. Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi “Ciise Tarabuun” uu hadda yahay baxsad ka dhuumanaya Booliiska Kenya waxaana arirntaasi sabab u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo war aan la hubin kaga dhawaaqay warbaahinta kaas oo dhaawacay mustqabalka iyo guud ahaan nolasha muwdaankaan sida ay qabaan dadka yaqaana arimaha amaanka. Ciise Tarabuun, waa ku noolaan waayay dalkiisa sidoo kalane hadda waxa uu halis ugu jiraa Ciidamada dal kale isagoo sababsaday hadalkii Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Universal ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan Maaliyadda. Beyle ayaa wareysiga uu bixiyey wuxuu uga hadlay arrimo muhiim ah, sida dhaqaalaha ay Al-Shabaab ka hesho ganacsatada magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa xusay inay jiraan lacago la siiyo kooxda Al-Shabaab oo xilligan dagaal adag kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. “Arrinta Shabaab iyo waxbey qaadaa horta anigu kama war hayo waxa ay qaadaan, waa maq maqlaa inay wax qaadaan.” ayuu yiri wasiir Beyle. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in lacagta la siiyo Al-Shabaab ay tahay mid lagu burburinayo dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Lacagta cid kale la siiyo inkaarbey dadkani qabaanee waa lacag dalka lagu burburinayo, inkastoo aanan ogeyn wax la qaado.” ayuu wasiirku sii raaciyey hadalkiisa. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu baaqay ganacsatada in lacagta ay bixinayaan ay siiyaan dowladda dhexe, si loogu dhiso dalka, islamarkaana ay la xisaabtamaan. Ugu dambeyn wasiirka ayaa soo hadal qaaday qorshaha daabicista lacago cusub oo shilin Soomaali ah oo ay haatan wado dowladda Soomaaliya. Wasiir Beyle ayaa sheegay in dhammaan dowladda federaalku ay buuxisay shuruudihii laga rabay, balse weli la la’yahay kaliya qarashkii lagu daabici lahaa lacagtaas oo uu tilmaamay inuu kor u dhaafayo dhowr iyo labaatan Milyan oo Dollerka ee Mareykanka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee QM ee ICAO u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya kadib markii diyaarad kasoo duushay Nairobi ay maanta ka degtay magaalada Kismaayo. Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay waraaq ay u qortay hay’adda ICOA ku eedeysay dowladda Kenya ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawada. Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in nooca diyaaradda maanta tagtay Kismaayo ay tahay Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, waxaana ay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways. Dowladda ayaa sidoo kale ay suurta-gal tahay inay tallaabo ka qaado shirkadda Jubba Airways. Dowladda Soomaaliya ayaa horey usoo saartay amar ay Kismaayo uga mamnuucday duulimaadyada aan soo marin magaalada Muqdisho, taasi oo diyaaraddii maanta tagtay Kismaayo ay jebisay. Diyaaradan ayaa Jubaland ay ugu talo gashay inay kusoo daabusho madaxda loo diiday inay ka qeyb-galaan caleemo-saarka madaxweyne Axmed Madoobe. Dacwada ay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada u gudbisay ICAO ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo ay ee ka dhan ah dowladda Kenya oo ay Soomaaliya u gudbiso Qarramada Midoobey. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-5102019.mp3 View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia has filed a complaint with the International Civil Aviation Organisation over what it termed as violation of airspace by Kenya after an aircraft was cleared from Nairobi to fly directly to Kismayu instead of a stopover at Mogadishu in line with new regulations. Source: Hiiraan Online
-
Wafdi ka socday Qaramada Midoobey iyo hey’ado caalami ah ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad gobaleeda Hirshabelle, waxaa hoggaaminaayay madaxa hey’adda UNDP Soomaaliaya Jocelyn Mason. Ku simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeen Cali Guud laawe Xuseen iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Hirshabeelle ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jawhar. Sidoo kale waxaa wafdiga qeyb ka ahaa madaxa hay’ada IOM iyo UN Habitat oo mashaariic kala duwan horay uga fuliyay deegaannada Hirshabeelle, waxaana ay kulan la qaateen ku simaha Madaxweyne iyo labada gole ee Hirshabeelle waxaana laga wada hadlay sidii looga taageeri lahaa Hirshabeelle dhinacyada ammaanka, dib u heshiisiinta federaaleenta, biyaha iyo caafimaadka. Dhankale intii kulanka uu socday ayaa waxaa la isku soo hadal qaday sidii Hirshabeelle looga taageeri lahaa dhismaha ciidamada Booliska iyo saldhigyo ammaanka laga xaqiijiyo iyo sidii mashaariioc horumarineed looga fulin lahaa magaalada Jowlar, oo ay ka faaiideytaan dadka reer Jowhar Wafdigaan kala duwan ee maanta gaaray magaalada Jowhar ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo dowlad gobaleedka Hirshabeelle oo dhisan ku dhawaad afar sano uusan helin mashaariicda horumarineed ee dowlad gobaleedyada kale ay helaan oo ay ka fuliyaan hey’ada Qaramada Midoobey, waxaana ugu wacan aydoo deegaanada ay adag tahay in safarada dhul ah la iskaga gudubo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in diblomaasiga ujooga Jabuuti Somaliland uu wax dacwad ah uga soo gudbiyay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Prof.Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ugu horeyna isagoo ka jawaabaya waxaa ka jira dacwadan waxa uu yidhi “Haba yaraate wax dacwad ah oo ka dhan ah Faysal iyo Wakiilka Jabuuti ee Somaliland oo Xukuumad ahaan na soo gaadhay ma jiraan, labada dhinac iyo dhinaca kaleba midna kama hayno wax dacwad ah”. Mar aanu wax ka weydiinay inay Xukuumad ahaan dalka ka saarayaan Wakiilka Jabuuti madaama loo soo jeediyey ayaa ku jawaabay “Faysal wuu hadlay wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, Wakiilku wax dambiya muu galin, sabab dalka aanu uga saarnaana ma jirto, kama saarayno, ee waxaa haboon in dacaayadaha la joojiyo, oo wixii khalad ah la joojiyo, umaddana yaan la khaldin, oo yaan wax kasta la buun-buunin”. Mar aanu wax ka weydiinay cadaawada la sheegay inay Jabuuti u qabto Somaliland waxa uu ku jawaabay wasiirka arimaha dibadu “Jabuuti waa dal aynu jaar nahay, waa dal aynu walaalo nahay, waa dal aynu isku diin nahay, waa dal aynu isku dhaqan iyo isku afba nahay, wax badan baa inaga dhexeeya, xidhiidh ganacsi, xidhiidh nabadgalyo iyo xidhiidh iskaashi baa inaga dhexeeya, xidhiidhkii wacnaa ee hore inooga dhexeeyayna xidhiidh ka sii wanagsan baa hadda inaga dhexeeya, markaas dalka Jabuuti maaha dal inoo cadaw ah”. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa rumeysan in diyaaraddii maanta ka degtay magaalada Kismaayo ee jebisay amarkii dowladda uusan lahayn maamulka Jubaland, sida uu sheegtay. Jubaland ayaa maanta sheegtay in diyaaradda ay kusoo iibsatay lacag ka badan laba milyan oo dollar, si ay u jebiso xayiraadda iyo amarada dowladda federaalka ee ka dhanka ah duulimaadyada Kismaayo. Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda ayaa Caasimada Online u sheegay in nooca diyaaradda maanta tagtay Kismaayo ay tahay Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, waxaana ay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways. Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa dhinaca kale sheegaya in diyaaradda ay u kireysan tahay shirkad uu leeyahay siyaasi iyo ganacasade Soomaali ah oo ku jira dowladda. Wararkan ayaa sidoo kale sheegaya in Jubaland laga yaabo inaysan si toos ah usoo iibsan diyaaradda balse taa beddelkeeda ay iibsatay saami ka mid ah shirkadda uu leeyahay siyaasiga Soomaaliga ah, sidaas darteedna ay u awoodday inay adeegsato diyaaradda. Dowladda Soomaaliya ayaa arirntan baaritaan ku haysa waxaana la filayaa inay go’aan kasoo saarto. Wararkan ayaa weli isa soo taraya, waxaan idinla soo socodsin doonnaa wixii xog dheeri ah oo aan helno, Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Popular Contributors
