-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xilligan ka taageeri doonto arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo sidoo kale waxbarashada. Safiirka Ruushka u fadhiya Muqdisho, Mikhail Golovanov ayaa hadalkaan sheegay xilli uu magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisul wasaare Kheyre. Golovanov ayaa u sheegay wasiirka Koowaad ee xukuumadda, in Ruushka diyaar u yahay sii xoojinta xiriirkooda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay iney xoojineyso xiriirka qotada dheer ee kala dhaxeeye Ruushka. Dowladda Ruushka ayaa ka mid ahyd dowladaha waaweyn ee sida weyn u taageeri jiray dowladda Soomaaliya, burburkii dalka kahor, sidoo kalena waxay qeyb ka qaadatay dhismahii ciidanka xoogga dalka iyo qalabeyntooda intaba. Gooboog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqbalaadda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa’iidada u leh labada dal. Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington wuxuu hore u soo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA). Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoontahay in Danjire Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo isidii uu usii xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faa’iideysan karaan. View the full article
-
Muqdisho(SMN) – Taliska Africom ayaa war ka soo saaray duqeyn shalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa Africom waxaa sheegtay in ay ka dhacday waqooyi galbeed magaalada Kismaayo ee xarunta ee gobolkaasi Africom ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay illaa labo xubnood oo ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in duqeyntan oo ay gacan ka geysteen ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah. Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in Mareykanku uu sii xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu ka wado koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay aqbalaadda warqadaha aqoosiga ee uu madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ee uu ka guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Washington, Cali Shariif Axmed. Trump ayaa aqalka cad ku qaabilay danjire Cali Shariif, wuxuuna ku bogaadiyey safiirka cusub shaqada loo soo igmaday. Qoraal kasoo baxay dowadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in danjirahan cusub uu sii dar-dargelinayo xiriirka saaxiibtinimo ee Labada dal iyo sidoo kale wax wada qabsiga faa’idada u leh Labada dal. Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington wuxuu hore usoo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA). Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Beledweyne ayaa gacanta ku soo dhigay nin Haweeney ganacsato aheyd ku dilay Mindi gudaha magaaladaasi. Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Xaliimo Ilyaas ayaa waxa ay iibineysay Qaad, xilliga la dilayey, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka dilka geystay iyo marxuumada uu muran soo kala dhexgalay, sidaasi uu ku dhawaacay, balse markii dambe ay ku geeriyootay isbitaalka. Ninka dilka geystay oo isku dayey inuu baxsado ayaa waxaa gacanya ku dhigay ciidamada Booliska ee ka howlgala magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dhacdadan oo argagax ku reebtay ehellada marxuumada Xaliimo Ilyaas ayaa dalbaday in si deg deg ah cadaaladda loo hor keeno ninkaasi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Ciidmada ammaanka magaalada B/weyne ayaa ku guuleystay soo qabashada nin la sheegay in uu Toorey (mindi) ku diley haweeney ka mid ahayd kuwa ka ganacsada Khaatka. Ninkan ayaa la sheegay in uu isku dayey haweeneydan oo lagu magacaabayey Xaliimo Ilyaas inuu si xoog ah uga qaato khaatka, balse ay iska diidday, taasina ay keentay in uu toorey ku dilo, isaga oo markaasi halkaa ka baxsaday. Ciidamada ammaanka oo sameeyey howlgal degdeg ah waxay ku guuleysteen iney soo qabtaan ninkaasi, sidey inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehlada haweeneyda la dilay. Taliska ciidanka Booliiska ee B/weyne weli wax faah faahin ah kama aanu bixin dilkan iyo sidoo kale ninka wax diley ee ay soo qabteen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka Maraykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen deegaan duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. AFRICOM oo kaashaneysa saaxiibadooda Soomaaliya ayaa 17-kii bishan waxa ay duqeyn ka fuliyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen deegaan waqooyi Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo. Waxaa qoraalka AFRICOM lagu sheegay in weerarkaasi lagu diley xubno ka mid ah Al-shabaab, balse magacyo iyo tiro laguma sheegin. Sidoo kale, taliskan ayaa sheegay in aanay jirin waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah ee ka dhowaa halka duqeyntan ay ka dhacday, ayna sii wadi doonaan howlgallada sidan oo kale ah, inta Al-shabaab laga saarayo Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay deegaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho. Shilkan ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaaro weyn oo sida xamuul, kaas oo la sheegay inuu ku dul dhacay gaari kale oo ay la socdeen dad shacab ah. In ka badan 10 qof oo ka mid ah rakabaakii saarnaa gaarigaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen shilkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan uu socdo gurmad xoogan oo loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay shilkaasi gaari. Inta badan ayaa waxaa waddada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ka dhaca shilal gaari, kuwaas oo sababa khasaare isgu jira dhimasho iyo dhaawac. View the full article
-
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalkan ay ka qeybqaateen ciidanka daraawiishta ee dowlad goboleedka Jubbaland, islamarkaana laga fuliyey deegaanka Bandar-jadiid ee Jubbada Hoose. Wuxuu tilmaamay taliyaha in howlgalkaasi ku dileen 15 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, ayna sidoo kale soo gaarsiiyeen khasaare xooggan. Sidoo kale Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka hawlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buuleburte lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madixii Jabhadaha Al-shabaab ee gobolka Hiiraan iyo Xasan Yare oo ahaa madixii Miinooyinka. Dhanka ururka Al-shabaab ma jiro wax war ah oo ay kasoo saaren howlgallada ka kala dhacay Hiiraan iyo Jubbada Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay kulan gaar ah Dhuusamareeb kula qaatay guddigii shirka arrimaha dib u heshiisiinta Galmudu oo habeen hore lagu soo gabagabeeyey gudaha magaaladaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey xubnaha guddiga, sida ay uga shaqeeyeen arrimaha dib u heshiisiinta ee beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyo) oo ahaa guddoomiyihii guddigaasi ayaa faah faahin guud ka bixiyey shirkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-cadaani.mp3 View the full article
-
Muqdisho(Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa faah faahin dheeri ka bixiyey duqeyn shalay diyaaradaha dagaalkooda ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay Africom sheegtay in ay ka dhacday waqooyi galbeed magaalada Kismaayo, islamarkaana lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab. Warka ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay illaa labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Africom ayaa sidoo kale tilmaamtay in duqeyntan oo ay gacan ka geysteen ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah. Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in Mareykanku uu sii xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu ka wado koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ma jiro dhanka kale weli wax hadal ah oo ka soo baxay Ururka Al-Shabaab oo la xariira duqeyntaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-18092019.mp3 View the full article
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaysay aqabaaladda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad safiirka cusub ee Soomaaliya ee Washington Cali Shariif. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay Mareykanka u aragto isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada dalka Soomaaliya. Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Washington ayaa sida Villa Somalia sheegtay wuxuu hore usoo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA). Sidoo kale Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay ku kalsoontahay in safiir Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo sidii uu usii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faa’iideysan karaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Fedetaalka Soomalaiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay hoggaanka sare ee Culimaa’udiiinka Ahlu Sunna waxaana uu ku ammaanay doorka ay ka qaateen samata-bixinta degaannada Galmudug sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulankan kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali (Al-Ashcari) ayaa la wadaagay muhiimadda ay u leedahay aragtidoodu, dadaalkooda iyo waxqabadkoodu dhismaha Galmudug mideysan, horumarsan oo ka tarjumeysa aqoonta iyo kartida reer Galmudug. Dhankooda, Hoggaanka Ahlu Sunna Wal-jamaacah ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey tan iyo markii uu xilka qabtay, xal u helista khilaafyadii kala duwanaa ee ka jiray Galmudug, waxa ayna soo bandhigeen rajo mugweyn oo ku aaddan hana qaadka Dowlad Goboleedka Galmudug. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada dhawaan la qarameeyey ee ku sugan Dhuusamareeb, waxa uuna xusay in dowladdu ay xoogga saartay xaqiijinta xuquuqdooda ciidannimo iyo tayeyntooda, isagoona ku dhiirri geliyey go’aankooda ku saleysan Qarannimada iyo in ay u istaageen difaaca dalkeenna. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay xog ku saabsan kulan natiijo la’aan ku soo dhamaaday oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaas oo u dhaxeeyay Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Kulankaan oo ku saabsanaa arimaha Jubbaland, ayaa waxaa yeeshay saraakiil ka tirsan hogaanka sirdoonka Itoobiya iyo kuwa Kenya iyo masuuliyiin ka tirsan Villa Somalia. Dowladda Itoobiya ayaa kulankaan soo qaban qaabisay waxa uuna qorshuhu ahaa in wadahadal lagu dhameeyo xaaladda Jubbaland balse waxaa la sheegay in Kenya ay diiday in meesha laga saaro Axmed Madoobe, halka Itoobiya iyo Soomaaliya ay doonayeen in meesha wadahadal looga saaro Axmed Madoobe. Saraakiishii ka socotay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kuwa Itoobiya u gudbiyay cabasho ka timid Madaxweynaha Soomaaliya oo aheyd, in Itoobiya aysan sidii lagu ballamay u wajihin xaaladda Jubbaland maalmihii ay socdeen dedaallada meesha looga saarayay Axmed Madoobe ee ka hor doorashadiisa. Sirdoonka Itoobiya ayaa madaxdii Villa Somalia ka socotay u sheegay in aysan awoodin faragelin ciidan iyo mid siyaasadeed oo toos ah ama qaawan, maadaama ay goobtu joogto dowlad kale oo kala tirsan AMISOM islamarkaana ay aagaas iyadu ku qaran tahay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday gabo gabadii shirka in uu qaabilo wafdi kasocda Kenya islamarkaana uu kala hadlo xaaladda Jubbaland. “Kenya kalama hadlayo xaaladda gobol kamid ah Somalia waxaana degaanka ka qaadan doonaa wixii ay Soomaali heshiis ku tahay xalna u ah dalka” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo telephone kula hadlay wakiiladii shirka u joogay. Maalin kadib markii uu shirkaan guul darrada ku soo dhamaaday, ayaa waxaa shir jaraa’id qabtay Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo ku goodiyay in xaaladda Jubbaland ay horseedi doonto bur bur iyo dib u dhac xoog leh, hadii aysan dowladda Soomaaliya qorshaheeda wax ka badalin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
On Sunday, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed asked ethnic groups pushing to form breakaway regions to be patient and join him in building “a great Ethiopia”. Source: Hiiraan Online
-
Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Danjire Cali Shariif Axmed. Safaaradda Soomaaliya ee Washington DC ayaa Caasimada Online soo gaarsiisay war-saxaafadeed arrintaas ku saabsan. Hoos ka aqriso Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqabaaladda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa’iidada u leh labada dal. Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Washington wuxuu hore usoo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA). Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoontahay in Danjire Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo isidii uu usii xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faa’iideysan karaan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr habeen ka hore waxa xafiiskiisa Villa Somalia ku qaabilay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Mudulood, waxayna ka wada hadleen arrimo quseeyo Soomaaliya gaar ahaan gobalka Banaadir. Kulankan ayaa odayaasha waxaa ku wehlinayay Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Odayaasha ayaa madaxweynaha kala hadlay laba qodob oo waa wayn, kuwaas oo ahaa digniin iyo wargelin, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah odayaashii kulanka ka qayb-galay. Madaxweynaha ayaa marka hore odayaasha waxay uga mahad-celiyeen magacaabistii taliyaha ciidamada xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, waxayna balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan taliyaha Xoogga. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka kale looga digay laba qodob kuwaas oo kala ah. 1) – In uu shaqadiisa u madaxbaneeyo guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, hadii ay dhici weysana laga dhaxli doono cawaaqib ay masuuliyadiisa qaadi doonto dowladda. Odayaasha ayaa madaxweynaha u sheegay in guddoomiye Filish hadda uu wajahayo cadaadis iyo rabitaano is-diidan oo saameyn kuleh shaqadiisa iyo waajibka saaran, loona baahanyahay in culeeskaas laga qaado duqa cusub. 2) – Qodobka labaad oo ay odayaasha Madaxweynaha u sheegeen ayaa u muuqday hanjabaad, waxa uuna ahaa, in odayaasha Madaxweynaha u sheegeen in ay ka hortaagan yihiin umad dhan oo daashay, islamarkaana caro ay buux dhaafisay wixii xiligaas ka dambeeyana aysan sii hortaagnaan doonin hadii aysan dowladda qorshaheeda wax ka badalin. Arrimaha amniga iyo xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho ayaa qayb ka ah waxyaabaha kulankaas looga hadlay, waxaana la sheegay in uu caadi ku soo dhamaaday oo ay dhinacyo is-fahmeen. Lama oga sida uu ku dhaqan geli doono waxyaabaha ay ku wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo odayaasha beelaha Mudulood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wareejiyey warbixin ku saabsan baaritaanka qaraxii diyaaradda Daallo Airline ee bishii Feberaayo sanadkii 2016-kii. Inkasta oo uusan u dhicin qaabkii loo naq-shadeeyay, haddana waxa uu ahaa weerar ku cusub falalka ay kooxaha argagixisada ah ka fuliyaan dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika. Ruux naftii hore ah, Cabdullaahi Cabdisalaam Borleh, ayaa qaraxa la fuulay diyaaradda, markii loogu soo rakibay laptop. Kaliya isaga ayaa ku naf-waayey, wallow uu burbur u geystay diyaaradda. Borleh, oo qarxiyey laptop-ka markii ay diyaaradda ka duushay shilinka Aadan Cadde, ayaa la sheegayaa in tikidka uu diyaaradda ku raacay kasoo goostay xafiis ku yaala magaaladda Luanda ee Angola. Iyaga oo ka duulaya arrintaas, mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa dabagalka ay ku sameynayan dhacdadan la aadey dhanka Angola, si ay xaqiiqada u helaan. Taliyaha sirdoonka Angola, José Luís Caetano Higino de Sousa oo Talaadadii, 17-ka September 2019, Muqdisho ka degay ayaa warbixin ku saabsan kiiskan wuxuu ku wareejiyey dhigiisa Soomaaliya, Fahad Yaasiin. Warbixinta oo la sheegayo in ay ku jiraan “macluumaadyo culus” ayay saraakiishu ka gaabsadeen in ay nuqulo kamid ah dusiyaan. Kadib is-miidaamintaasi, xeer-ilaalinta Soomaaliya ayaa laba ruux u dacweysay kiiskan. Cabdullaahi Xirsi Xaashi iyo Cabdiwali Macow oo shaqaalaha garoonka kamid ahaa waxaa lagu eedeeyay in ay gudbiyeen. Muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ayay kasoo muuqdeen ragga. Kahor maalinta qaraxa, maalmo kahor waxay laba jeer isku dayeen in ay fuliyaan howlgalka. Baareyaasha ayaa rumeysan in shirqoolka lala damacsanaa Turkish Airlines. Jabuuti ayuu ismiidaamiyaha rabay in uu kasii raaco diyaarada Turkiga. Balse duulimaadkii labaad dib u dhac ayaa ku yimid maalintaas. Kooxda AlShabaab oo mas’uuliyadda weerarka qaadatay ayaa ku eedeysay Turkish Airlines in ay dunida islaamka ku faafineyso “danaha reer Galbeedka”. Duulimaadka Daallo ee qaraxu haleelay oo tirsigiisu ahaa 159 waxaa la socday 80 rakaab ah. Kadib falkaasi, xukuumadda Muqdisho ayaa joojisay passport-kii ay ku bixin jirtay qaabka online-ka ah. Isha: Garowe Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdiraxmaan Axmed Muuse (Suldaan), Badhasaab ku-xigeenka Somaliland ee gobolka Badhan, ayaa maanta ka hadlay xarig la sheegay inay ciidamada maamulka Puntland kula kaceen, isagoo ku sugan gudaha Badhan. Badhasaabka oo maanta warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in xaalada guud ee goblkaasi ay tahay mid degan oo wanaagasan, isla markaana uu ka jiro nidaamkii maamul ee Somaliland. Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan dadyow qalalaase ka wada gudaha gobolkaas, balse ay socoto shaqadii ay u hayeen xukuumada Somaliland, wuxuuna yiri “Gobolka Badhan waa nabad-galyo oo wuu fiican yahay, shaqadii iyo nidaamkii Maamulku illaa heer degmo si fiican buu uga socdaa, laakiin gobolka qolo qalalaase ka waddaa way jirtaa, aniga, Guddoomiyaha Gobolka iyo Shaqaalihii Gobolka, Maayarkii, ku-xigeenkiisii way joogaan oo si fiican baa looga shaqaynayaa” “Waxaan sheegayaa war borobagaando ah oo qolo Laamiga ka timid (Puntland) ay meelihii wadeen, waxay Telefiishannadooda ka siidaayeen oo ay yidhaahdeen Badhasaab ku-xigeenkii Gobolka Badhan baanu xidhnay, beentu intay socotaaba way iska yar tahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan warkaasi, Aniga xarig la ii geystayna ma jiro. Mar hadday yidhaahdeen waanu xirnay, bal ha sheegaan halkay igu siidaayeen”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland oo ahaa 217 dugsi ayaa haatan gaadhay 315 Dugsi ku waas oo isugu jira kuwo Sare/ hoose iyo dhexe oo u kala baxa 78 dugsiyo oo sare iyo 237 dugsi oo isugu jira Hoose / Dhexe iyo 39 ah kuwa boodhinka ah ee la seexdo.Tirada guud ee ardayda dhigata ayaa lagu qiyaasay ilaa 120 kun oo arday.Tirada maclimiinta dugsiyaas ayaa gaadhaya 3500 macalin oo ka tayo iyo tacliin fiican macalimiinta dugsiyada dawalada wax ka dhiga. Dugsiyadan tirada badan ee gaarka loo leeyahay waxaa lagu dhigaa ilaa iyo 6 manhaj oo kala duwan sida manhajka, Ingiriis, Sudaan, Kenya, masar, Yaman iyoTurkiga . badanka Dugsiyadan ayaan manhajkoodu ku mudeysneyn sida manhajka JSL oo ah 4-4-4 taas oo macnaheedu yahay 4 sano oo dugsi hoose ah, 4 dugsi dhexe ah iyo 4 dugsi sare ah. Qaar ka mid ah dugsiyadaa waxaa maamula dad ajaanib ah oo looga baqanaayo in ay ilmaha la yeeshaan waalidka oo ay maskaxdooda wax kale ku shubtaan. sida dhaqano qalaad iyo diin xag-jirnimo ah oo aan diinta islamka aheyn. Ka dib markii loo kuur galay ee daraasad lagu sameeyey qaar ka mid ah dugsiyadaa waxaa laga dhawaajiyey in qaar ka mid ah dugsiyadaasi ardeyda qaarkood ay ciqaabaan gaar ahaan dugsiyada boodhinka ah ee magaalooyinka ka baxsan oo iyana tiradoodu gaadhayso 39 dugsi. In kasta oo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ay Waax gaar ah iyo Agaasime Waaxeed u sameysay kuna dadaashay sidii dugsiyadaa loo xakameyn lahaa ee manhajka dawliga ah loogu soo dabaali lahaa hadana ilaa iyo hada ” Faanoole fari kama qodna ” Maadaama maamulka Dugsiyadaasi ka madax banaan yihiin Wasaarada Waxbarashada hadana madaxbanaanidaasi maaha in ay waxa ay doonaan sameeyaan waxaana Maareeyaha dugsiyada gaarka loo leeyahay ku adkaatay in uu qaar dugsiyadaa ka mid ah uu gudaha u galo oo uu kala xaajoodo arimaha manhajka dowliga ah iyo isku jaangoynta waqtiyada fasaxyada dugsiyada dalka. Hadaba waa maxay khataraha dahsoon ee ku gedaaman Dugsiyadaas gaarka loo leeyahay ee JSL ? 1- iyada oo laga cabsi qabo in ardeyda dhigata qaar ka mid ah dugsiyadaas in fikirkooda la bedelo oo ay gacanta u galaan macalimiin xag jir ah ama qaar dhaqan qalaad iyo diimo qalaad ku jiita ardeyda. 2- Qaar ka mid dugsiyadaa ardaydu waxay dhigtaan waxbarasho kala dhiman maadaama mudeynta manhajkoodu ku saleysan yahay 3-3-3 sanadood oo keliya. 3- Ka dib markii la sameeyey u kuur gal dahsoon, lana waraystay arday kala duwan oo ay ku jireen ardey dhaqan celin loogu daray dugsiyadaa gaarka loo leeyahay, ayaa waxay ardaydaasi hayadaha ku shaqada leh Badbaadada caruurta uxaqiijiyeen in ay kala kulmeen Dugsiyadaas oo boodhin ahaa- jidh dil, nadaafad xumo, nafaqo daro, hanjabaad joogto ah iyo hagardaamooyin kale oo aanay qeexin. 4- Nasiib daro dugsiyada gaarka loo leeyahay gaar ahaan Shanta albaadada xidhay ee ajaanibku maamulo may soo marin markii horeba Wasaaradda Waxbarashada iyo wasaarada Arimaha Debeda ee JSL, mana laha qawaaniin iyo xeerar adag oo lagu dhaqo, Albaabkana kamaba furaan Wakiilada wasaaradda waxbarashada ee howshaa loo igmaday. 5- Maadaama Wasaaradda waxbarashadu hawsheedii ka soo bixi wayday dugsiyadaana ay ka buuxaan ardey sita dhalashada wadamada reer galbeedka,Waxaa ku soo maqan dugsiyadaa qaarkood Hayado caalami ah oo nabadgelyada caruurta qaabilsan, sidaa daraadeed waa in ay dugsiyadaasi taxadar badan sameeyaan oo samaystaan qawaaniin iyo shuruuc cadaynaaya in ardaydoodu gacan nabadgelyo ku sugan yahiin inta ay dugsiyadooda joogaan. 6-Waxay wasaaraddu ka gaabisay in ay dhamaystirto shuruucdii iyo qawaaniintii waxbarashada gaarka ah iyo ta dawliga ahba lagu hagi lahaa laguna dhaqi lahaa. 7-Dugsiyadani marna may soo dhaweyn ku dhaqanka meel marinta manhajka dowliga ah ee JSL iyo dhamaan xeerarka qeexaaya siyaasadda waxbarashada gaar ka ah. Wasaarada Waxbarashaduna kumay dhiiran in ay yeelato awood ay rusqadaha kala noqonto ku haysta kuwa aan haysana ay ku khasabto in ay qaataan. 8- Dugsiyadani waxay indhaha ka rideen waajibaadkii iyo shaqadii wasaaradda waxbarashada iyo shuruudihii dawliga ahaa ee ku wajahnaa meel marinta iyo fulinta manhajka qaranka JSL. 9- Qaar ka mid ah dugsiyani waxay ilaa iyo hada ay ka biyo diideen in lagu dhigo afka hooyo iyo manhajka qaranka Somaliland. 11-Badanka dugsiyadaasi ma laha nimaad isku dheeli tiran oo lagu kantaroolo waxbarashadooda si loogu kal soo naado manhajyadooda ay ka soo waarideen dalalka debeda. 12- In kasta oo ay lacag badan ka qaadaan ardeyda dugsiyadaasi hadana qaar ka mid dugsiyadaasi ayaa tayada waxbarashadoodu aad iyo aad u liidataa. 13- Hadii aanay wasaaradu dar dar gelin in ay wadashaqeyn buuxda la yeelato dugsiyadaas waxaa dhici doonta in ardeyda dugsiyadaasi ay helaan fursado loogu ogolaado in ay ku qishaan imtixaanka shahaadiga ah sida horeba loogu tuhmay 14-Waa in Wasaaradu ku khasabtaa in dugsi waliba iska diiwaan geliyo Xeer ilaaliyaha guud si uu ruqsad qaanuuni ah u helo loona helo cid loo raaco hadii dhibi ka dhacdo. 15- Waa in Wasaaraddu kantaroolaan tirada ardayda fasalkiiba fadhiisata, nadaafada dugsiga, tayada waxbarashada iyo tayada gaadiidka ardeyda qaada intaba, 16- Waa in Wasaaradda Waxbarashadu iyadu yeelataa Jaangoynta Waqtiyada la xidhaayo iyo waqtiyada la furaayo dhamaan dugsiyada JSL oo dhan. 17- Waa in Cashuurta ku waajibtay ay bixiyaan Dugsiyadaasi sida cashuurta sanadlaha ah iyo cashuurta shaqaalahooda. 18- Waa dusgi waliba warbin sanadleh ah oo dhameystiran geeyaa Wasaaradda Waxbarasha si loola socda tayadooda waxbarsho. 19- Waa in Dugsiyada Gaarka loo leeyahay iyo Wasaaradda Waxbarashadu isugu yimaadaan Xayn daabka sharciga iyaga oo ixtiraamaaya xeerarka waxbarashada . 20 – Waa in Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ay u hogaan samaan Xeer-nidaamiyaha loo dejiyey ee qeexaaya Siyaasada Waxbarashada gaarka loo leeyahay. Gunaanad: Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay ka shaqeysiiyo Qorshaha Shanta sanadood ee Waxbarashada JSL ( 2017 – 2021 -ESSP ) kuna falkiso sifeyaashii loo kantarooli lahaa dugsiyada gaarka loo leeyahay, Waxaana laga sugayaa in ay soo nooleyso xukuumadu xidhiidhkii wada shaqeyneed ee dugsiyada gaar ka ah iyo wasaaradda waxbarashada. Waana in ay dar dar geliso barnaamijka isku xidhka dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay si ay isula jaan qaadaan dugsiyada dalku isuna caawiyaan dhinac kastaba. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London Qaran News