Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa beddalay Taliye Kuxigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla. Wareegtada Madaxweynaha oo salka ku haysa dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta laamaha ammaanka ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo caawa oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-01092019.mp3 View the full article
  3. Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbbaland ayaa ka dhawaajiyay inaanu suurtagal in dowladdu federalka qabato shirar, iyadoo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo kala fogeeyay iyada iyo dowlad goboleedyada. Wasiirka maaliyadda Jubbaland ayaa sheegay dowlad goboleedyadu intii khilaafku uu jiray inay ogolaadeen hal shir oo kaliya oo ka dhacay Addis Ababa, kaasoo ahaa shirkii dayn cafinta Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay ahayd arin qaran oo cid waliba taabanaysay. “Annagoo og inuu jiro khilaaf siyaasadeed, ayaan hadana ka shaqeynaynaa inta daynta laga cafiyo Soomaaliya,” ayuu yidhi wasiirku. Wuxuu sheegay wasiirku inta lagu heshiinayo siyaasada guud ee dalka waa in la kala maqnaado oo cid waliba qabsato danaheeda ugaarka ah. Halkaan ka daawo muuqaalka. The post Jubbaland: Inta laga heshiinayo waa inaan la isugu imaan wax shir ah. appeared first on Puntland Post.
  4. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa wafdi u direysa magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland si ay uga qeyb galaan caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, sida uu shaaciyay Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay xukuumada Muuse Biixi u diyaarisay Wafdi ka kooban lix xubnood, si ay uga qeyb galaan caleema saarka Axmed Madoobe. Faysal Cali ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay garab taaganyihiin maamulka Axmed Madoobe, isla markaana ay hambalyeenayaan waxkasta oo ay qabsadaan. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey inay caleema saarkaasi u tagayaan sidii ay u socod-siin lahaayen qadiyada Somaliland ee gooni isu-taagooda, isagoona xusay in wafdigoodu ay diyaar ahaayeen mar hore, balse ay saameysay hakintii duulimaadyada Kismaayo ee DF Soomaaliya. “Waanu diyaar gareynay ilaa lix reer Somaliland ah ayey tikidhadooda diyaar yihiin, oo rabay inay baxaan 25-kii bishan, balse dib u dhacay, waana la tagaya” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Wuxuuna intaas kusii daray “Soomaaliya waa qabaa’il waana 4.5, waa in aynu ka sameysano meelo yar oo qadiyadeena, waanuna ka hadleyna oo saaxiibo ayaanu ka sameysaneynaa, anaguna waxaan u tageyna qadiyadayada”. Somaliland ayaa u aragta fursad wanaagsan oo danaheeda kaga faa’iideysan karto khilaafka xoogan ee ka dhex aloosan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee ka dhashay dib u doorashada Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Ganacsade Cali Waraabe oo Sheegay inaanay Jirin Shidaal ay Dawladdu Keenayso, Halkan hoose ka Daawo Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Galmudug iyo wasiirki hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa soo dhoweeyey madal siyaasadeedka cusub ee maanta looga dhowaaqay magaalada Muqdisho. Madasha Xisbiyada Qaran (Forum for National Parties) oo maanta dhidibada loo taagey, ayaa waxaa ku jira xisbiyo ay ka mid yihiin UPD, Himilo Qaran, Wadajir, Ileys iyo kuwa kale. Guuleed ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ku yiri “Waxaan soo dhaweynaa dhaq-dhaqaaq waliba oo dhiira-galinaya nabadda iyo dimuqaraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya ka hana qaaday ayadoo ay jirto shaki weyn oo laga qabo qabasoomidda doorasho leh hufnaan iyo hanaan wadar-ogol ku salaysan oo dhacda sanadka 2021da.” Waxa uu intaas ku daray “Si gaar ah waxaan u soo dhaweynaa Madasha Xisbiyada ee maanta looga dhawaaqay Muqdisho, waxaana la qabaa walwalka ay ka muujinayaan kartida iyo bisaylka madaxda dowladda ay u leedahay gardaadinta iyo qabashada doorasho hufan oo caafimaad qabta.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Nairobi (Caasimadda Online) – Ha’adaha amniga ee dalka Kenya ayaa waxa ay shaaciyeen in ay gacanta kusoo dhigeen ,nin ay sheegeen in uu ka dambeeyay weerarkii ay Al- Shabaab ku qaadeen Hotel DusitD2 ee magaalada Nairobi. Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Fawaz Ahmed Hamdun oo ah 28 jir ,ayaa waxa ay sheegeen hay’addaha ammaanka dalkaasi Kenya ,in ay in muddo ah ku raad joogeen ugu dambayntiina todobaadkan gudihiisa ay ka soo qabteen guriga uu deganaa oo ku yaallay deegaanka Majende oo ka tirsan Mombasa. Dawladda Kenya ayaa intaa waxa ay ku dartay in Fawaz Ahmed Hamdun uu ahaa madaxa qorshaynta weerarkii Hotel DusitD2, isagoo sidoo kalena martigeliyay shakhsigii isku qarxiyay Hotelka, kaas oo magaciisa lagu sheegay Mahir Riziki oo dawladdu ay sheegtay in uu ka soo baxay Soomaaliya. Waxaa kale oo dawladda Kenya ay ku eedaysay Fawaz in uu qori jiray Dhalinyarada si ay ugu biiraan Al-Shabaab. Dhismaha Hotel Dusit D2 oo ku yaalla xaafada Westland ee magaalada Nairobi oo ay weerar ku qaadeen Al Shabaab ayaa waxa la sheegay in ay ku dhinteen illaa 21 ruux oo is kugu jiray dalxiisayaal reer Galbeed ah iyo qaar kale oo Hotelka degenaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa si rasmi ah Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madal ay ku bahoobeen xisbiyo siyaasadeed oo kasoo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo ay hormuud ka yihiin xisbiyada ay hoggaamiyaan madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in la sameeyey Midow Madal ah Isbaheysi siyaasadeed oo ka wada shaqeyn doonta sidii loo xoojin lahaa dimoqraadiyadda iyo xaqiijinta doorasho dalka ka dhacda 2020 – 2021. Xisbiyada Midoobay ayaa kala ah: 1) Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Shiikh ee UPD 2) Xisbiga uu hoggaamiyo Shiikh Shariif ee Himilo Qaran 3) Xisbiga Horusocod oo ay hoggaaminayaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdiweli Cali Gaas 4) Iyo Xisbiga NDP oo ay hoggaamiso Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam oo horay u soo noqotau Ra’iisul Wasaare Kuxigeen iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda. Madashan waxaa ka dhex muuqday xildhibaannada kasoo jeeda labada gole ee kala taageersan madaxweynayaashii hore waxaana looga dhawaaqay in qaab dhismeedka Madashada uu noqon doono hoggaanka sare ee Madasha oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha xisbiyada iyo Golaha xoghayeyaasha xisbiyada. Madasha ayaa waxaa Afhayeen looga dhigay Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ahaa xildhibaan hore. Waxaa la sheegay inay socdaan wadahadallo Madasha lagu soo biirinayo xisbiyo badan oo qaarkood ka caga-jiideen, waxaana lagu wadaa in war-saxaafadeedyo kale ay soo baxaan. Shirka looga dhawaaqay madashaan ayaa wuxuu Muqdisho ka socday muddo 3 Maalin ah waxaana Maanta lagu soo gabagabeeyey guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Waxaa maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay isbaheyi la magac baxay “Madsha xisiyada Qaran” oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 10 xisbi siyaasadeed. Madasha waxaa afhayeen u dooratay Cabdiladhif Muuse Nuur, waxaa lagu wadaa in qorshaheeda lagu dhawaaqo iyo qaabka ay howl-geli-doonto. Xisbiyada ugu muhiimsan ee ku jira waa: Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale, waana xisbiyo loolan adag ugu jira doorashada 2020-ka. Waxaa hoggaan ama gole dhexe noqon doona guddoomiyeyaasha xisbiyada qaranka, sidoo kale waxaa ay yeelan doonaan qorshe cad, ujeedkoodana waa iney la xisaabtamaan dowladda federaalka ah. Arrintan ayaa ku aaday xilli uu dalka ku jiro xaalad siyaasadeed oo aad u qalafsan, waxaa uu mugdi ku jiraa geedi-u-socodka iyo qorshaha 2020-ka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. MOGADISHU (HOL) - Representatives from about 50 countries converged today in Mogadishu for the Somalia Partnership Forum the first to be held in the country since the forum started in London last year. Source: Hiiraan Online
  11. Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xoogga dalka lagu dilay degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Salaaxudiin, iyadoona ay toogteen rag ku hubeysnaa Bistoolado oo goobta isaga baxsaday. Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan oo ka howlgali jiray Ceelwaaq lagu dilay suuq Xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha magaaladaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan dhacdadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey qeybo ka mid ah gobolkaasi. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Booliska Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saaray jidadka xiran ee Muqdisho iyo inta maalin oo ay xirnaan doonaan. Taliye ku xigeenka Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa qoraal ay barteeda Facebook kusoo qortay ku sheegtay inay Shacabka Soomaaliyeed dulqaad muujiyaan inta ay xiran yihiin jidadka Muqdisho oo loo xiray arrimo Ammaan. Waxay Taliye ku xigeenka sheegtay in jidadka Muqdisho loo xiray Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Somali Partnership Forum dartiis iyadoo xustay inay jidadka xirnaan doonaan inta uu shirkaan socdo. ” Wargelin; Shacabka G/Banadir waxaa si sharaf leh laga codsanayaa inay inoo dulqaataan intuu socda shirka caalamiga ah ee Somali Partnership Forum oo dartiisa loo adkeeyay isku socodka baabuurta magaalada. Waxaa idiin diyaarinay Ambulance gurmad dag dag ah idinku adeegno. Hadii aad u baahatid gurmad caafimaad dag dag fadlan wac 991 kana codso ciidanka boliiska. Hormarkeena waxuu ka dhashaa wadashaqeyntena” ayey tiri Zakiya. Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya Somali Partnership Forum oo Maanta Muqdisho ka furmay ayaa socon doono muddo laba Maalin, waxayna taas ka dhigan tahay in jidadka Muqdisho ay xirnaan doonaan Laba Maalin oo Maanta ka bilaabatay. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkan ay ka qeyb illaa 50 dowladood. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin dhowr ah, sababo ku aadan shirka labada maalmood ka socda magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Every school day, Shuayb Muhidin travels Mogadishu’s battle-scarred streets to get to Banadir Zone School. For years, the government has battled Islamist insurgents but now authorities are also turning to a new challenge: schools like Muhudin’s. Source: Hiiraan Online
  14. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta si wadajir ah howgallo uga sameeyey gudaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhowaad 20-tan ruux oo lagu tuhmayo falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca magaaladaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgalladan ayaa sidoo kale sheegay inay baaritanadooda sii wadi doonaan inta laga xaqiijinayo amniga magaalada xeebta ku taalla ee Marka. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa xoojiyey dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Wakiilka waddanka Jabuuti u jooga Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye, oo maanta warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Jabuuti iska celinayso Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa uu sheegay in xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland iyo Jabuuti balse Faysal, kala dilayo. Wakiilka Jabuuti ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka sugayaan jawaab cad., halkan hoose ka Daawo Source
  16. Kismaayo (Caasimadda Online) – Maamulka Jubbaland ee Hoggamiyo Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka horyimid shirka Maanta Magaalada Muqdisho ugu Furmay Dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka. Wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle oo Warbaahinta Maanta kula hadlayay Magalada Kismaayo ayaa sheegay in habka Maamulka Jubbaland shirkaasi loogu marti qaaday uu yahay mid qaldan,isla markaana aysan ka qeyb-galeen. Waxaa uu sheegay in marka aysan jirin casuumaad rasmi ah oo loo soo diray Jubbaland,hayeeshee Baraha Bulshada kaliya ay ka arkeen casumaada Wasiirka Maaliyadda,hayeeshee ay aheyd in la casuumo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe). “Marka Koowaad casuumaada la soo diray mid toos ah ma aheyn baraha bulshada ayaa ka aragnay, mida labaad Casuumaada Xafiiska ay ku habooneyd lama soo marsiin, Madaxweynayaal ayaa la casuumay, in Jubbaland la dhaho Wasiir baa la casuumay waa qalad oo la dhaho Wasiirka Maaliyadda la casuumay oo matali doono arrin sax ah ma ahan” ayuu yiri wasiir Qalinle. Waxaa uu sheegay in aanay waxba ka qabsoomin waxyaabihii lagu heshiiyay shirarkii hore ee ka dhacay London sanadkii 2017 iyo kii ka dhacay Brussels sanadkii hore 2018, isagoo intaa ku daray in shirka SPF ee ka furmay Muqdisho aanu ogeyn waxa lagu heshiin karo iyadoo aan loo dhammeyn oo maamul goboleedyadii oo idil aanay ka qeyb galeyn. Si kataba hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Maamliyadda Maamulka Jubbaland ee ku aadan inay qaadaceen Shirka Madasha Iskaashiga ee Muqdisho ka furmay ayaa kusoo aadaya xilli Puntland dhankeeda ay qaadacday Shirkaaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  17. Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo la hadlay Shabelle ayaa soo dhoweeyey shirka madasha iskaashiga Soomaaliya ee maanta furmay. Dadaweynaha aan la hadalnay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in markii horreysay shirkan lagu qabto magaalada Muqdisho. Dhinaca kale waxa ay cabasho ka muujiyeen xirnaashaha waddooyinka, iyagoo ugu baaqay dowladda federaalka inay keento xal ka duwan in la xiro jidadka Caasimadda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/www.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/War-Duhur-01102019ww.mp3 View the full article
  19. Amnesty International on Tuesday accused the United States of killing three civilians in an airstrike in Somalia and failing to investigate claims they were farmers with no ties to Al-Shabaab. Amnesty said its investigations revealed the trio killed in the March 18 strike in southern Somalia were innocent, despite US Africa Command (Africom) saying the men were jihadists. The US has stepped up drone strikes in Somalia in 2019 against what it says are fighters from Al-Shabaab, a militant outfit linked to Al-Qaeda, and the Islamic State in Somalia. But Amnesty alleges civilians have been among the dead, claiming it has documented more than a dozen cases of innocent people being killed in US air raids. SECRETIVE WAR The international rights group said Africom had provided no evidence to support its assessment the three men were militants. It also accused the US military of failing to follow up claims the men were innocent despite promising to do so or make any effort to contact their families. “It’s bad enough that the US Africa Command appears not to know who its airstrikes are actually killing and maiming in its secretive war in Somalia,” Abdullahi Hassan, a Somalia researcher for Amnesty, said in a statement. “But it’s reprehensible that Africom offers no way for those affected to contact it and has failed to reach out to the families of victims after its version of events was called into question in this case.” Amnesty says it interviewed 11 people about the March 18 strike, including co-workers and family of the men killed when their car was hit in Lower Shabelle, a hotbed of the Islamist insurgency in southern Somalia. It said all those interviewed in the investigation “were adamant that none of the men was a member of Al-Shabaab”. MITIGATION In a March 19 press release confirming the strike, Africom said “it assessed this airstrike killed three (3) terrorists” and it was aware of reports of civilian casualties. Africom spokesman John Manley told AFP that “as explained to Amnesty International, based on detailed methods and a body of multi-intelligence reporting, to include the actions observed from the vehicle, US Africa Command arrived at reasonable certainty the vehicle and its occupants were al-Shabaab and actively supporting al-Shabaab operational activity.” “US Africa Command minimizes the risk to civilians by following a thorough, reasonable methodology that accounts for weapons effects and mitigates risk to civilians.” The US strikes in Somalia surged in April 2017 after President Donald Trump declared the south of the country an “area of active hostilities”. The rate of airstrikes rose sharply in 2019. Al-Shabaab has been waging an insurgency against Somalia’s foreign-backed government for over a decade, and while it has lost ground, continues to stage deadly attacks. On Monday, militants attacked an EU convoy in Mogadishu and Baledogle, a US military base northwest of the capital from where drone operations are launched. View the full article
  20. Kooxda haysta koobka dalka Sacuudiga ee Al Nasar ayaa dhamaadka bisha August 2019 lasoo saxiixatay Muqtaar Cali Sheekh Cabdullahi (Muqtaar Afhooye),isagoo u saxiixay qandaraas uu kula joogayo mudo saddex sano ah xidigan ayaa kusoo baxay naadiga Chelsea,isagoo kula guulaystay koobab badan. Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo ah aabaha dhalay ciyaaryahan Muqtar ayaa sheegay in ay qoys ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin heshiiska uu wiilkooda ugu biiray kooxda Al Nasar oo ah naadiga difaacanaysa horyaalka wadanka Sacuudiga wuxuuna intaa ku daray in ay garb taaganyihiin wiilkooda. “Waan ku faraxsanahay kusoo biiritaanka kooxda Al Nasar waxaa la ii soo dhaweeyay si wanaagsan waxayna ka qeyb qaadanaysaa horomarka waxaan jeclahay inta aan la joogo in aan kula guulaysto koobab badan ” ayuu laacib Muqtaar Cali Afgooye saxaaafada u sheegay markii uu ku biiray kooxda reer Sacuudi. 2016 ilaa 2018 Ciyaaryahan Muqtaar Cali waxa uu ka tirsanaa naadiga Vitesse ee wadanka Holland,Muqtaar inta uu joogay Holland waxa uu kooxdiisa u dhaliyay goolal badan,isagoo mudo dheer ka dib kula guulaystay koobk qadiimi ka ah wadanka Holland “Heshiiska uu Muqtaar la gaarayo Al Nasar waxa ay kor u qaadaysa horomarinta xirfadiisa ciyaareed waxaana kawada sugaynaa in uu waqti wanaagsan la qaato kooxdiisa cusub” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Cali Sheekh Cabdullahi oo ah aabaha dhalay xirfadyahan Muqtaar Afgooye. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Ciyaaryahan Muqtaar Iyo Ku Biiritaankiisa Kooxda Al Nasar W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com