-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
After years of growing hostility and competition for influence, Saudi Arabia and Iran have taken steps toward indirect talks to try to reduce the tensions that have brought the Middle East to the brink of war, according to officials from several countries involved in the efforts. Source: Hiiraan Online
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Gobolka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in markii ugu horreysay uu dhistay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Kumaandooska. Ciidamadan ayaa waxa ay tiradoodu gaareysaa illaa 250 askari, kuwaasoo dhowaan tababar loo soo xiray. Sidoo kale ciidamadani ayaa qeyb ka noqonaya illaa 3000 oo askari oo ka mid ah ciidamo cusub oo ku biiraya kuwa loo yaqaano Liyu Boolis ee ismaamulkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada Kumaandooska ahi ayaa loogu talo galay inay ka jawaabaan xaaladaha deg dega ah iyo difaaca xuduudaha gobolka. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ee gobolka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxa ku soo beegay xilligan in ciidamo cusub uu dhisto gobolka Soomaalida Itoobiya. Arrintan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay xasarado xoogan ay ka jireen gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
-
Barlamaanka dowladda Puntland, ayaa gobolada u kala diray guddiyo kala duwan oo warbixino kasoo diyaariya xaaladaha gobolada iyo in ay kormeer ku sameeyaan shaqooyinka hay’addaha xukuumada. Guddiyadaan ayaa warbixinada ay kasoo diyaariyaan waxay horkeenidoonaan kalfadhiga soo socda ee furmidoona 25 bishaan Actober, kaasoo caadiyan lagula xisaabtamo xukuumada. Warbixino horudhac ah oo ay guddiyadu kasoo diyaariyeen ayay walaac kaga muujiyeen xaaladaha xabsiyada Puntland ay ku sugan yihiin iyo xaalufka lagu hayo degaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland. Guddiyadaan waxay sidoo kale warbixino xasaasi ah ka diyaariyeen xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Puntland haatan ku sugan tahay, walow aysan warbaahinta kasii daynin. Madaxweyne Deni oo dhawaan si kulul u canaantay golihiisa wasiiradda ayaa ku amray inay gobolada tagaan oo ay shacabka ay matalaan lasoo hadlaan kanasoo dhegaystaan baahiyaha ay qabaan. Haatan badi inta badan wasiiraddu waxay ku maqan yihiin gobolada waxayna dhinacooda ka diyaariyaan warbixintii xukuumadu la hortagi lahayd golaha glaha barlamaanka. Puntland Post The post Barlamaanka Puntland oo miciyaha u sifaysanaya la xisaabtanka xukuumada appeared first on Puntland Post.
-
Dareen Gabay: jabuuti miyay noo maqan tahay mise way nagu maqan tahay?! Dareen gabay: Jabuuti miyay noo maqan tahay mise way nagu maqan tahay?! Maanso Gabay: Magaca Maansadan waxa la yidhaahdaa: Dareenka Dadweynaha iyo Su’aal: D’Jibouti ma ii maqan tahay. Mise way igu maqan tahay?! By: Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf. Magaca Maansadu Waa: Dareenka Dadweynaha DJIBOUTI MA II MAQANTAHAY MISE WAA IGU MAQANTAHAY Dadweynaha reer Jabuutow Walaal Dumar iyo caruur “DAMAAD” baan soo qortee Daroon Somaliland Gabooyaha no da’weyniyo Dir iyo Daarood ka yimi Wixii Doodl-iyo Dacwana Durriyaddaa ku daliilin Walaal derisbaynu nahay Dadbaynnu isugu xignaa Dabkaynnu kala qaadannaa Dunbay-su-gu keen xidhnayd Daruuriyo Daad balaadhan Degaankiyo doogga baxa Duunyadu way wada Cuntaa Dukaanaleey kulay ku tahay Dadkuna waa wada degaa Haasaawaha Diiraniyo Barjaa lagu wada dekayn Adduun weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaacaagaan ahaa Durrabaa ugu dambaysay Haddaad Duc kaleba Diiddo Walaal waa diinta iyo Intaa Dersinimo Wanaag Hayeeshee Daacad li’ Dareen-aba- baa I qalay Distoorkiyo Dawladnimo Markuu Calankii Dulbaxay Markay timi daaha Fura Dunidu ha-ku eegatee Aqoonisga iigu deeq Maxaad ii duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga ku deedafayn Dedaalkii Dawladnimo Xoriyad Doon Doonistii Waxaan daafaha addoon Dinahy-yee-yee-ya- yaan Daluumaha hooseiyo Daruuraha Kuugu koray. (Wada-2) cell (2). Wuxuu Dumar duunyo huray Waxay dahab iibiyeen, Dantoodii uga tageen Dalaaqana ay dhaceen Durbaan iyo daramal dhacay Aduun weligii ma degin Danqaabana lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii duniduba dhisnayd Difaacaagaan ahaa Durraataa ugu dambaysay Haddad Duc kaleba Diiddo Walaal waa diinta iyo Intaa derisnimo wanaag Ha yeeshee daacad li’ Dareen- aba- baa I galay Distoork-iyo Dawladnimo Markuu calankii Dulbaxay Dunidu ha ku eegatee Markay timi Daaha fura Aqoonsiga iigu deeqa Maxaad ii duudusidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga u deedafayn Wixii Cadaw Duulimaad Dul iyo hoos iigu dhigay Dalkaba waydaari iyo Dagaal duurka ha galee Diloo booboo dhac iyo Wixii Dabar gooyn I helay Dawaadda arday lehiyo Wuxuu Dilay Duubcaddii Dulbuuxii la igu dhigay Waxaan kaa doonayiyo Waxaan kaa damacsanaa Dubaaxdii kaama helin Dul-qaad-keedaan-lahaa Dagaal iyo Diri qadhaadh Dab iyo Naar la iskua shiday Ayaan doobi-gow cushoo Ilaahbaan Daawo saartoo Duuf-laal cadawgii ku diray Ano dii-fay-sanoo Bukaan Daran-yay-sanoo Duleedkaagaa Fadhiya Labaatan ku dhow Dednaa Adoo Dawadii hayana II diida Daryeelidiimm (Wada-3). Cell (3). Duunyana Xoolaan lahaa Dux iyo kowl ii ahaa Intii Dabar igu xidhnaa Kuwiina Dareesatoo Dallaa-llimo kuu hadhsade Dabool dekadaydi saartay Dagaal iigama ekee Nabsaan kugu Deynayaa. Aduun Weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaa-caa-gaan ahaa Daraataa ugu dambaysay Haddaad duc kaleba diiday Walaal waa diinta iyo Intaa Dersinimo wanaag Ha yeeshee Daacad li’ Dareen-aba-baa I galay Distoor iyo Dawladnimo Markuu calankii Dulbaxay Markay timi daaha Fura Dunidu Hay-din-eegatee Aqoonsiga iigu deeqa Maxaad igu duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga u deedafayn Dul-waayeel Waa indhoo Wadada Dib-u-uraaci-yiyo Dantii Xamar by jirtaa Waxad Dacar Qooshatay iyo Waxaad dabin ii xidhaba Duqayn hoosaad waddoo Ilaahbaa iga Dulqaday Darxumo waa naga dulhaadday Diyaafadu aan dhigiyo Damaashaad lagu Dikro Dabaal-deggi waay Diyaar Nabsaa kugu dayranoo Xunbuli doo-yay-sanoo Markuu dabarkiisa goosto Intii uu damac-san-yahay Daqiiqad ma daa-ya-oo Dawaar kuu marin-yaqaan Haddaan Dunjigayga sheego Bal daymo-oo Duugga tegay Dir iyo Daroodna weydii Dagaal la iguma DIGTOO Dabaal Cada-daadi mooyee ( Wada-4) cell (4)/ Anaan ku degdegin dad laa Adduun weligii ma dego Danqaabo lagama waayee Haddii aan wax kuu dednayn Intii Duniduba Dhisnayd Difaac baan kuu ahaa Darraataa ugu dambaysay Haddaad Doc kaleba Diido Walaal Waa Diinta iyo Intaa Derisnimo wanaag Hayeeshee daacad li’ Dareen-aba-baa I galay. Distoor iyo Dawladnimo Markuu Calankii Dulbaxay Markay Timi daaha Fura Dunidu Hay-din eegatee Aqoonisga iigu deeqa Maxaad ii duudsidaa Qalbigu ii diidayaa Xaqayga ku deedafayn Nabsigu waa daabadoo Sidii diinkuu socdaa Dabaylii cad rogiyo Daaraha Mowjada Dulmara Duufaanbuu noqon-karaa Dadkii Xalay doobyayee Nicmada daac-daaca-yee Daf iyo midhiq-daa ahaa Dayaanku haddi u dhaco Digiyo Dambays bay noqdaan Dabeed Daasa-deey gurtaan Ceeyoonbaa loo Dawari Walaalow waa Dignin Walaalow Waa dardaaran Walaalow waa Danteen Walaalow waa Dulxaadis Dubii weynaa ma dhicin Ogoobay waa Durriyad Duudkii saadada ka baxay Dulamaa laga galay D’weyn Ducay Sacabada wadheen Cirkay daalacan hayaan Dareen Qu***** direen Allow Daayimow Allow Walaal ii Daran Dawee Da-wee-yoo Haddana dawee Hadduu diidana Dullee. NIN KUU DIGAY KUU DANEE ADAA DAYN QABEE BAL DAYO OO YAAN DOORKAA KU SEEGIN By: Xildhibaan: Hussein Ismail Yusuf. husseiniy@hotmail.com Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in cadaadiska xooggan ee kaga imanaya dowladda federaalka ah uusan ku qasbi doonin inay ku dhowaaqaan gooni-u-goosad. “Waxa nagala raadinayo waa ‘dowlada federaal xal baan ka waynay si kalaa u tashaneynaa’ maya; midnimada Soomaaliya annagaa u taagan, annagaa keenayno, annagaa ka shaqeynayna, cidna ugama gambaneyno”. Shacabka ayuu soo jeediyay in laga badbaadiyo “dhur-waayadda”, amni daradda sii kordheysa iyo qaraxyadda. “Aan u soo jeesanayo in aan amniga kawada shaqeyno, aan iska dayno waxa maanta laga hadlayo”. Iyadda oo xukuumadda hadda jirta lagu eedeynayo in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka, Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo nidaamka ay dadka ku heshiiyeen. Deeqaha lacagta iyo qaybaha kale ayuu ku nuux-nuux saday in lagu koobay Villa Soomaaliya. “Markan Jubbaland ka hadlo, labadii sano ee u dambeysay waxaas ayaan idinka soo gaarey ma jiraan, haba yaraatee”. Maamulka hawadda oo dalka dib loogu soo celiyay sanado kadib ayuu tibaaxay in dowladda Farmaajo ay muujisay “in aan lagu haleyn karin xitaa wax kasii weyn oo ay Soomaali leedahay”. “Waan ka tashan doonaa”. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubaland ay “tusaale u tahay Soomaaliya”, maadaama ay degto Soomaali oo idil, ayna kamid tahay meelaha khilaafka dalka ragaadiyey ay ka bilowdeen. Dib-u-heshiisiino qoto dheer oo la sameeyay ayaa natiijadda kasoo baxday waxay noqotay in bulshadda ay ku heshiiyaan dhismaha maamul ka shaqeeya midnimada dalka, danahooda iyo horumarkooda. Axmed Maxamed Islaam, oo ka hadlay xaflad ka qabsoontay Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka dowlad goboleedkaas, ayaa soo qaadey xaaladda guud ee dalka oo ay ku jirto siyaasadda iyo amniga. “Ma noqon kareyso dowladnimada Soomaaliya feker qol ku uruursan oo qof uu leeyahay ‘anigaa iri’, waa wax dadka ka dhaxeeya. Shaqsi ma oran karo, shaqsina ma keeni karo,” ayuu Axmed ka tiraabay munaasabadda. Wada hadal fool ka fool ah oo ay la galaan dowladda federaalka ah ayuu albaabada u furay, si loo soo afjaro kala taag-taaga. “Waxaan u baahan nahay in aan kuwada hadalno, kuwada socono ama ku heshiino waa Dastuurka dalka u yaala. Ku federaal ha noqdo ama kan maamulka ha noqdo, isagaa wuxuu yahay waxa dadka hagi karaya. Hogaanka Villa Soomaaliya ayuu ku eedeeyay isku koobida taladda dalka. “tacbiir ama feker qof uu leeyahay waxba laguma sameyn karayo”. Sidda laga soo xigtay Axmed Maxamed Islaam, kaliya cidda ka dhex-faa’ideysaneysa khilaafka siyaasadeed waa Al-Shabaab. “Awooda Al-Shabaab sida ay markii hore ahayd maanta way kasii saddex laba jibaarantay, waxa keenayana waa in lala dagaalamo waxaa laga doorbiday in dhaqaalihii dib loogu celiyey dalka oo lagu burburiyo”. Mas’uuliyiinta dowladda Farmaajo “ee marin-habaabsan” ayuu ku tartarsiiyey in ay “xisaabtan” ayna ka fekeraan dhaxalka ay dalka uga tegayaan. Kaliya sanad iyo bilooyin ayaa uga haray mudada xileedkooda rasmiga ah. “Wada-tashi, is-faham, walaalow, intaasaa wax lagu qaban karaayee, qofna feker gaar ah oo uu leeyahay waxba kuma sameyn karayo”. Dhinaca kale, Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay madal ay ku midoobeen qaar kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ayaa si lamid ah bogaadiyey “Shirwayne Badbaado Qaran ah” oo ay axsaabta iclaamiyeen. Shirkii Muqdisho lagu soo xiray Arbacadii ayuu ku sifeeyay mid “marin-habaabsan”. Beesha Caalamka ayuu tilmaamay in aysan wajahayn “waxa dhabta ah”. “Wax lagu sii kala [fogaanayo] macno malahan”. “Deynta Cafin, dagaalka AlShabaab iyo Horumarin dalka la gaarsiinayo waa waxa loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo oo aan kala hadalnay dowladda iyo Beesha Caalamka,” ayuu hoosta ka xariiqay. Hogaamiyeyaasha dalka ayuu ku booriyay in ay “kusoo laabtaan xaqiiqadda” ayna fahmaan “meesha uu dalku ka yimid, halka uu u socdo”. “Meeshii waxaas laga hadli lahaa, waxaa laga hadlayaa diyaaradaha hala xiro; dadka hala go’doomiyo, hooyadda umusha ah dawadeeda haloo diido, waxay raadinayaa waa wax aanan marnaba qaadaneyn”. Hoos ka daawo Axmed Madoobe Isha: Garowe Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Cabdullaahi Farmaajo oo loo yaqaan Xasan Nuur, lana dhashay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa iibsaday idaacadda SKY FM ee magaalada Muqdisho, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Xasan Nuur ayaa markii uu iibsaday idaacadda SKY FM ka beddelay magacii, wuxuuna u bixiyey Sareeye FM, ayada oo sidoo kalena is-beddel lagu sameeyey hab howleedkii iyo siyaasaddii idaacadda. Idaacadan cusub ee lagu magacaabo Sareeye FM ayaa weli ku soo gasha mowjadda 87.5 FM oo ah isla mowjadii ay ku soo geli jirtay Idaacaddii SKY FM, oo horay bahwadaag ula aheyd Idaacadda Shabelle. Ilo-wareedyada warkan la wadaagay Caasimada Online ayaa sheegay in ujeedka idaacaddan ay tahay ololaha doorashada 2020/21 ee madaxweyne Farmaajo. Iibsashada idaacaddan ayaa muujineysa is-beddel dhanka xeeladda warbaahinta ah oo ay qaadeen kooxda madaxweynaha. Kooxda madaxweynaha ayaa markii hore lacag ku bixin jiray oo laaluushi jiray idaacadaha iyo shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada si ay u amaanaan madaxweynaha, una aflagaadeeyaan, waxaana hadda muuqata in diiradda la saarayo warbaahin ay ayaga leeyihiin, sida ay doonaanna u adeegsan karaan. Dhinaca kale, Xasan Nuur ayaa dowaan kireeyey laba guri oo mid uu ku ag yaalla hotel Jazeera halka midka kalena uu yahay gurigii horey looga wada jiray ololaha doorashada madaxweyne Farmaajo. Guryahan ayaa waxaa laga shaqo geliyey dhallinyaro qaarkood dibedda ka yimid oo maamula tobaneeyo facebook islamarkaana sameeya muuqaallo iyo qoraallo siyaasadeed oo lagu beegsanayo madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed. Shaqsiyaadkan ka howl-gala labadaas guri ayaa maalmihii dhowaa aad uga waday baraha bulshada ku qeybinayey qoraallo aflagaado iyo weeraro siyaasadeed oo ka dhan ah Xasan iyo Shariif iyo beesha ay ka dhasheen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo su’aalo lagu weydiinayay madal loogu magac daray Falanqeynta Siyaasadda Soomaaliya maanta & Mustaqbalka, taas oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen idaacadaha Muqtaqbal iyo Risaala ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah. Ugu horeyntii Daahir Geelle ayaa sheegay in sababtii uu xilkii wasaaradda warfaafinta uu iskaga casilay ay salka ku heysay kala aragti duwanaasho ah qaabka ay madaxda dalku ula dhaqmayaan siyaasiyiinta mucaaradkaa iyo maamul goboleedyada dalka oo uu sheegay in ay dagaal toos ah kula jiraan taasna ay u cuntami weysay isaga. Mar uu dul istaagay caburinta siyaasiyiinta ayuu sheegay in uu aad uga xunyahay weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu qaaday oo uu ku tilmaamay xasuuq aan sabab laheyn, “Haddii uu jiro qalad la galay oo dhabar jab ah laga soo billaabo Carta illaa maanta waa Weerarkii lagu qaaday guriga hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale is hor taagii lagu sameeyay madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ayuu ku tilmaamay nasiib daro kale oo meel uga dhaceysa maamuuskii uu lahaa jiray qofkii mar soo hoggaamiya dalkaan. Danjire Daahir Geelle ayaa sheegay in uu shakhsiyan u tagay Madaxweyne Farmaajo oo uu siiyay taladaan “Madaxweyne waxa hartay muddadii aad dhaxalka reebi lahayd, dadka kugu hareeraysan ee doonaya in aad meesha ku sii joogto sifo aan suurta gal ahayn, iyaga nacfiga ay kugu qabaan ayay qaadanayaan, adiguna ceebta ayaa kuu hareysaa”. Farmaajo ayuu kula taliyay hadii uu rabo in la maamuuso oo hadhow loo sharfo sidii madaxweyne dalkaan soo maamulay in uu hadda sharfo madaxdii ka horeysay. Mar uu ka hadlay khilaafka maamul goboleddyada iyo dowladda dhexe ayuu yiri, “Xukuumadda Dowlad-goboleedyada waxay ka aaminsan tahay in ay yihiin hannaan lagu kaladaadinayo dowladnimada oo ay tahay in laga taqaluso.” Mar wax laga weydiiyay Daahir Maxamuud Geelle intii uu xukuumadda ku dhex jiray waxa uu kala socday qorsheheeda doorashooyinka ku soo wajahan dalka, ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddu ay ku howlantahay sidii ay talada ugu soo laaban laheyd oo ay toleyso shaati aan u galayn qolo kale sida uu hadalka u dhigay. “Inta aan ogahay Doorashooyin aan waxqabad ku iman balse lagu sii joogi karo ayay xukuumaddu maanka ku haysaa, shaati cusub oo doorashooyin ah oo xukuumadda hadda jooga mooyee aan qolo kale u gali karin hala tolaa layiri” ayuu yiri Danjire Daahir Maxamuud Geelle. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Koox Kenyan ah ayaa doonaya in dowladda aysan wakiilo u dirin dhageysiga kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee bisha November ka dhacaya xarunta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee magaalada Hague. Kooxdan ayaa doonaya in maxkamadda sare ee Kenya ay ka joojiso xeer-ilaaliyaha guud Kihara Kariuki, wasiirka arrimaha dibedda Monica Juma, iyo Xafiiska Xuduudaha Caalamiga ah ee Kenya ka qeyb-galka kiiska, sababtuna ay tahay “inuu xadgudub ku yahay dastuurka.” Kiis ay ka diiwaan geliyeen maxkamadda sare ayaa kooxdan waxay ku doodeen in go’aanka maxkamadda uu hoggaamin karo is-beddel ku yimaada xuduudaha Kenya, ayada oo aan afti la qaadin, sida uu qabo dastuurka. “Waxaan ka walaacsannahay in inkasta oo Kenya ay isku dayeyso in kiiska kala dhaxeeyo Soomaaliya lagu xaliyo si saaxiibtinimo ah, haddana lama sameyn wax dadaallo ah oo lagu caddeynayo in maxkamadda ICJ aysan sharciyad u lahayn inay kiiskan qaado” ayaa lagu yiri warqad ay qoreen 20 qareen. Kenya ayaa horey ugu guul-darreysatay doodii ay ka hor-jeedisay maxkamadda ICJ ee ahayd inaysan sharciyad u lahayn in kiiska ay guda gasho. Maxkamadda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay shaaciso go’aan ku saabsan in kiiska mar kale dib loo dhigayo sida ay codsatay Kenya iyo in kale. Soomaaliya ayaa dooneysa in kiisk la dhageysto waqtigii loo qabtay oo ah 4-ta November 2019. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa qarka u saaran inuu aqbalo xabad joojin ay soo jeediyeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, taasi oo haddii ay dhaqan gasho xoojin karta dadaallada ay waddo QM ee lagu soo geba-gebeynayo dagaalka Yemen ee burburiyey sumcaddii Riyadh. Xuutiyiinta ayaa laba toddobaad ka hor ballan-qaaday inay joojinayaan gantaallada ay ku ridaan Sacuudiga, haddii isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen ay sidaas oo kale sameeyaan. Ma jirin wax aqbalaad ama diidmo ah oo Sacuudiga kaso yeeray. Hase yeeshee, Riyadh ayaa toddobaadkan soo dhoweysay yabooha, waxaana saddex diblomaasi iyo laba il-wareed oo kale ay sheegeen in Sacuudiga ay ka fakarayaan inay aqbalaan xabad-joojinta. Ilo-wareedyadan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqeymihii Sacuudiga ay la beegsan jireen dhulka Xuutiyiinta ay aad hoos ugu dhaceen, islamarkaana ay jiraan sababo rajo wanaagsan looga qabo in dhowaan heshiis la gaari doono. Wasiir ku-xigeenka difaaca Sacuudiga Amir Khalid Bin Salman ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay in boqortooyada ay yabooha xabad-joojinta Sacuudiga u aragto arrin wanaagsan, isaga oo xoojiyey hadal noocaas oo kale ah oo kasoo yeeray Maxamed Bin Salmaan, oo ah ninka sida aan rasmiga ahayn u maamula Sacuudiga. “Yabooha Xuutiyiinta waa tallaabo wanaagsan oo horey u riixeysa wada-hadallo siyaasadeed oo dhab ah…Maanta diyaar ayaan u nahay dhammaan hindisooyinka xal siyaasadeed loogu helayo Yemen. Waxaan rajeeneynaa inay sidaas dhacdo” ayuu Maxamed Bin Salman u sheegay taleefishinka CBS ee Mareykanka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
The International Court of Justice will next week once again review Kenya’s request for a 12-month delay of public hearing in a maritime boundary case filed by Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Somaliland mudane Cabdirixiin Cismaan Cabdi(Shibiin) ayaa Todobaadkani socdaal kooban ku imanaaya magaalada London ee dalka Ingriiska, waxana dalka Ingriiska ka socota qaban qaabada xaflado lagu soo dhawaynaayo. Wasiirka oo hawlo caafimaad u joogay dalka Denmark, ayaa ku sii jeeda dalkii kadib markii uu dhamaystay hawlihii caafimaad ee uu xagaasi ugu sugnaa taasi oo uu wasiirku ku laaban doono shaqadii uu qaranka u hayay, wasiirka ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale socdaal shaqo u tago dalka Jarmalka halkaasi oo ay wararku sheegayaa in uu ka helay martiqaad, halkaasi oo uu uga sii gudbi doono Somaliland Qaran News
-
Sheikh Axmed Daahir Xasan Xuseen Sheikh Axmed Daahir Xasan Xuseen oo kamid ah culimaa’uddiinka waaweyn ee Puntland ayaa galabta ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay nawaaxiga tuulada Yaka-yaka ee gobolka Karkaar. Gaariga Sheikhu saarnaa oo ka yimid dhanka magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar kuna sii jeeday caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa ku dhacay meel wax yar u jirtay tuulada yaka-yaka oo ka tirsan degmada Qardho. Sheikha ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Garoowe halkaasi oo hadda lagu dabiibayo waxaana dhaqaatiirtu xaqiijiyeen in uu feer ka jaban-yahay sida uu warbaahinta Puntland post u sheegay Sheikh Mukhtaar Axmed Faarax oo kamid ah dadka ku booqday isbitaalka. “Sheikha caafimaadkiisu aad ayuu u fiicanyahay Garoowe ayaa la keenay feer keliyaana jabtay laakiiin sida kale aad buu u fiicanyahay dadkii la saarnaana waxba ma gaarin” ayuu yiri Sheikh Mukhtaar. Hoos ka daawo hadalka Sheikh Mukhtaar PUNTLAND POST The post Mid kamid ah culimaa’udiinka Puntland oo shil gaari ku dhaawacmay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Go’aamo laga soo saaray colaadii ka taagnayd gobolka Salal, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidamada Millateriga Somaliland ayaa soo qabtay 12 Harimacad oo la doonayay in si sharci-darro ah looga dhoofiyo xeebaha galbeed ee Somaliland. Saddex ka mid ah dhalalkaa Harimacadka ayaa dhintay. Raggii watay Harimadkan ayaa baxsaday. Wasiirka Deegaanka Shugri Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in cidkasta oo loo soo qabto ganacsiga sharcidarrada ah ee Xayawaanada ay Maxkamaduhu siidaayaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Riyadh)-Laamaha Amniga Sacuudiga ayaa xabsiga dib ugu celiyay sarkaal sare oo ka tirsan dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas, oo toddobaadyo ka hor daaweyn caafimaad Cisbitaal loo dhigay. Hey’ad madax-bannaan oo u dooda xuquuqda maxaabiista ayaa shaacisay in Maxamed Al-Khuderi dib loogu celiyay xabsiga magaalada Dhahbaan ee ku yaalla xeebta Badda Cas. Al-Khuderi ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay lagu daaweynayay magaalada Makka ee dalka Sacuudiga. Ururka Xamaas ayaa aad uga cadhooday tallaabadan waxaana ay ku eedeysay xukuumada Sacuudiga inay ku tumatay xuquuqda muwaadinkaan oo 30 sanno ku noolaa Boqortooyada. Source
-
“Xammaal-kii Wasiirka Noqday” Magaciisu waa ” Qawdhan” Waa nin madoow oo qarro wayn, waa meel dhexaad oo da’diisu waa ilaa 45-sano jir. dhismaha jidhkiisu oo aad u dhisamay, Jimcsi kuma dhismin ee waxa jidh-kiisa dhisay waa xammaalka iyo xoogsigga dhididkiisa xalaasha ah ee uu suuq joogta u yahay si uu u dhacsado una dabbaro noloshiisa iyo tan qoyskooda. Maalin kasta abaaro 1:30 duhurnimo ayuu shaqadan culayska badan ka rawaxaa isaga oo cidii dhinac marta ay qaaddo shurfta iyo qaaca qadhmuun ee kasoo hugmaya jidhkiisa iyo dhididka shaqadu ka keentay ee marka qorraxda lagu daro dhididku uu gadh-kiisa ka tif-leeyahay, dadka qaar aan dhugasho badan lahayni waxay moddaan nin maskaxda ka jirran lkn qofkii si fiican u fiirsha sawirkiisa guud markiiba wuu fahmi karra inuu yahay xoogsato, waa nin rabi u dhaliyay karti iyo hal-adayg shaqo. Intaas waxaa u dheer inuu yahay wiil hoog farraha lagag gubtay oo dagaal badan, oo waa nin cadkiisa dhacsada oo aan nina ku wallaacin, dhawr jeer ayuu dagaal galay oo rag uu nabarro u gaystay isagana dil uma dhinayn, xagga hadalka aad ayuu u hadal qadhaadhyahay oo waa caytamaa oo af-xumo kuma yara marka uu xanaaqo. Maalin kasta cid ayay is khilafaan madaama oo ay shaqada xammaalku tahay mid cullus ilaa 3-gaadhi oo nooca candho-mayd laha ah” ayuu roggaa maalin kasta. Dhawr jeer ayaa la isku khilaafay rasadda bariiska sida loo dhigayo oo uu mid xammaal ah feedh iyo hidh ku dal-dallay oo afku dhiigay, isagana la xidhay. bal maxaad qaan ugu galaysaa sida raso loo dhigayo aannad lahayn ayuu dhawr jeer ka qoomameeyay. Duhurka marka ay gaadho waxa caaddo u ah inta u maydho “in uu labo mijood oo Qaad ah iyo sigaar “Baakidh rooyal ah intuu qaato” oo u tago meherrad yar oo bal-balo ah oo la dhaho (Xiniinyo Dabaddood) magacaas oo u dhigan inuu “Caay” yahay oo ku taalla meel dooxa agtiisa ah, inta badanna ay isugu yimadaan xoogsatada”xammaalka,dameerlaha,biyoolaha,nijaarka,iyo keeryoon-lahu waa meherrad yar oo dadkeedu cawlanyihin lkn waxa fadhiya rag xooggoda oo xallaal ah shaqaysta waxay dhammaan qaar dhacay “Hanti ummadeed” oo fiilooyin dhaadheer ku dhex quuta qurusyo xaraan ah, meherrada iyo dadkeedu ha iska cawladaan e, waa meel aad dareemayso inay jogaan dad noloshooda ku qanacsan, waxaad kale oo darreemi kartaa inay jirraan rag rabi ragnimo u dhaliyay oo waayaha iyo wkhtiga aduun xidhay balse indheergarad ah oo hasaawin yaqaan gollaha xigmada iyo sheekada ee qoodhu isku qallacdo. Ninkani laftarkiisu ma xigmad xuma oo isaga laftigiisu waa nin ha iska xanaaqo e. oo waa geesi aan hadalka marrin-kiisa ka leexin waa nin akhyaar ah oo sedexda ina rag lagu xusho ay ku kulmeen waa Dood,dagaal iyo deeq waa nin xigmado gabayo iyo murti yaqaan ah inkasta oo bahal Qabyaalad la dhaho uu meel dhigtay oo faanka iyo baanista ay san-ka ka saaranyihiin inta badan wuxuu ku fannaa laan-dheere ayaan ahay. dee waa runtii oo xagga abtirsimadda waa beellaha ugu baddan somaalida ee ay ka dhasheen Haldoor,Ganacsato,Culimo,Aqoonyahan iwm lkn isagu noloshaas macanawiyan waa ka xammaal dhabarkiisa rarta. Iminka wuxuu fadhiya booska u meherada ku leeyahay wuxuu xidhanyahay macawis iyo shaadh cas, waxa afka ugu jira taqsiin qaad ah waxa kale oo uu ku tiirsanyahay Birkin yar” oo casaatay oo aad arki karto in ay naddaafad ka suushay, gacanta midigna wuxu ku haystaa midh sigaar “Rooyal” ah oo intuu faanka reerka ku jiray kala badh dhamaatay, intuu hore usoo yar fadhiistay oo si xoog ah u jiiday sigaarkii ayuu yidhi :- hadii aan reerkaygu barigaa dagaalka galin inaan dalka la xoreyeen intuu raaciyay afarray uu oday adeerkii ahaa Qarnigii 20aad uu tirriyay. Haa waa qabyaali lkn hadanna qoyska uu yahay waa u xeer-beegti aan gollaha lagaga dabo dhufan dagaal iyo gar-naqsi labadaba. Suldaanka beesha waa (Suldaan Qaac) isagana waa inmadeer tii rumma, suldaanku aad ayu ugu kalsoonyahay oo fiidka marka uu qaadka ka kaco ayuu ugu tagaa meherrada barraad ah oo shaaha caano geella ah laga cabo warka 8:00 fiidnimo laga fiirsado markaa warku bilaabmo ayaa muran-kuna istaadhmaa ” “waa saxanyahay madaxwaynuhu iyo wa khaldnyahay ayaa lagu raftaa” ciidaa iyo camaarka ka badan inta ay siyaasad ku murmeen ee uu afku ka xumaaday ee hadal qadaf ah iyo gaf kala gaadhay waar maxaa ka galay colaadda aad u galayso siyaasi aan ku aqoon ayuu dhawr jeer ku shawray. Suldaan-ka ayaa dhowr jeer ku yidhi:- reer-ku nin adayg adiga ayaa ka dhashay adiguna aqoon ma lihid, xammaalkaas isagana iska dayn wayday hadii aad “Barrayfat” gasho oo afsoomiliga iyo ingilishka aad barto wasiir ka yar kamaan dhigeen oo musharaxa iminka dhowaan la dooranayo saxiibo ayaanu nahay. Talladaas wuu u boggay runtii habeen-kii kama uu seexan inuu wasiir noqdo oo uu madax noqdo, waxa xaqiiqo ahayd in suldaanku uu mid hore u geeyay madaxwaynaha iminka oo uu agaasime u magacaabay. habeen-kaa il iyo baal isuma keenin ee soo jeed ayuu ku dhamaystay oo badh-go ayuu ahaa labo mijood oo aan biyo raacis lahayn ayuu qaadku kaga dhamaadday. meesha uu sexdaa waa meherrada yar ee uu ku qayillo ilaa guri malahe e. oo uu subaxii ka jarmaaddo habenkaas oo dhan dhaban ma dhigin ee meherrada yar horteedda ayuu ka muuqday gudcurka dhexdiisa isagoo jiiday oo qiijiyay dhawr xabo oo sigaar ah. Subixii ayuu labo Buug iibsaday oo uu tagey barrayfat u dhow, halkaas oo looga bilaabay barashada labada Luuqadood iyo Xisaabta shaqdii xammaalkana wuu sii watay. Waa nin maskax fudud ee afsomaliga 4-bilood ayuu ku fahmay ingriisidana waa ku dhawaqaa ha iska jajabsadee mudo 7-bilood ah markii uu dhigtey ayaa waxbadani bilow u noqdeen oo uu buugaag gabayo iyo kuwo iskuul ah, ku dhex akhriyaa meeshii qayilaada iminka qolladan waa u aqoonyahay oo maalin dhawayd wuxuu sharaxayay xiligii jabuuti farnsiisku qabsaday qofka cilmiga Seef la bood-ka ku noqdaa “wuxuu caan ku yahay inuu ku murmo golle kasta oo uu dadka ku dawakhiyo inyar oo aan waxba uga danbayn” isaguna jidkaas ayuu qaaday oo waxa uu mar u ka sheekaynayay dhaqaallaha maraykanka(USA). maalin ayuu aad u sharaxay waxa uu yidhi:- “dhaqaalaha maraykanka iyo ganacsigu waxa uu ku korray cashuur lagama qaaddo, ganaciga oo dhana waxa maamulla shirkado shisheeye qudbad dheer oo uu qorraal ka khristay ay dad qoreen ayuu doodiisa udub dhexaad uga dhigay .waar iminka waxaan ahay nin siyaasi tagay ah arrinkaas rag badan oo qollada dameerlayaasha ah ayaa madax u ruxay inkastoo qoladdan xammaalka ilaahay murran ku saliday. Bishii 12aad ayuu ka qalinjabiyay qaybtii hore ee waxbarashada gaaban oo uu xariif ku yahay qorrista afka somaaliga iyo xitaa ingiriisida iminka wuu joojiyay shaqda xammaalka oo waxa uu xisaabiye ka yahay bakhaar waana labista oo dhallaalka waad arki karta inuu so yar dooggay. Habeen ayuu suldaan-ku soo wacay oo yidhi:- igu kaalay meheradii( budh la-duul) waa uu u yimi kawran waxbrashadii waxa la yidhi waxaad noqotay khabiir sare ee. Intuu qosol yar qac ka siiyay ayuu yidhi:- iminka mutacalin ayaan ahay suldaan. Suldaan-ka oo show ay siyaasada isku seggeen siyaasiyiinta beesha ah oo ay kala danno noqdeen ayaa yidhi:- raggii aan hore u dhisay waa igu wacad fureen ee u diyaar garoow xil ayaan kulla raadinyaye “warkaas wuu ku farxay habeenkii hurdo muu ladin” Subixii suladaan-ka ayaa soo wacay inta uu raacay ayaa carwo la geeyay oo dhar suudh-ku boqor u yahay looga soo iibiyay kadibna timo-jarraha ayaa la geeyay oo inta loo xiiray ayaa wajiga loo dhaqay oo madoobbayso loogu qurxiyay timihiisa. Subixii xigay gaadhiga ayay kaxaysteen isaga iyo suldaanka iyo labo Oday oo kala ahaa Qaaje iyo qiiq ” oo ay sidaa madaxtoyada ku tageen, kullan mudo qaatay oo madaxwaynaha iyo dhexmaray odayda isaguna daawade ka ahaa waxa socda waxa la isla ogolaadday in beesha wasiir loo magacaabo ballan-tuna maalmo kadib ayay noqotay ,isaga iyo madaxwaynaha waa la is baray lkn wakhtiga ayaa cidhidhi iska ahaa oo xoghayaha gaarka ah ee madaxwaynaha ayaa magaca ka qoray. Maalmo aanu hurdo ladin waxa dhacayaanna ay riyo la tahay ayaa soo dhafay oo uu rumaysan layahay ma wasiir ayaad noqon doontaa. Maalin uu duhur yar seexday ayuu soo kacay oo mobilka oo (Silent) kaga jirray uu eegay mise waa 102-wacitaan oo ku tagaan mobilka waar maxaa dhacay yaab!. Taleefan-ka oo dhacaya ayuu qabtay cod bushaaro ah ayaa kasoo yeedhay waar ma wasiir ayaa lagu magacabay yaa!. Hadalka ayaa igu dhaggay maxaad maqashay ?. waar magacagii oo macal naanasytii “Qawdhan”la socoto ayaan TV-ga ka maqlay. Suldaanka ayaan wacay wuxu igu yidhi:-waxa laguu magacabay wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska waan farxay ilaa aqoon yarid ayaan isku oggahay ee waxan is idhi waar mallaha dhaqanka waad fahmi kartaa ilaa nin baadiye ku koray ayaad tahee, habeenkii xiggay aniga oo Suudh madoow ku dhex jirra iyo suldaan-ka ayaa madaxtoyada kulla caweeyay madaxwaynaha aniguna murti iyo xigmad waxaan maqlay ayaan madaxawaynaha ugu duurxulay hasawaha guudna ku qurxiyay hayeshee waxay ahayd maddal Suldaanku ugu mahdnaqayay madaxwaynaha. Kullan casho ah ayuu ahaa ninyahoow!!.waxaan garanwaayay oo hilib shiilan aan ka gartay ayaan ku cashaynay aniga,suldaan-ka iyo Madaxwaynahu ilaa garraw iyo digir ayan cuni jiree macaankii waxaan arkay anigoo sixinigii dhinaca kasoo rafacay oo dhawr jeer farraha madaxwaynaha aan xuduudiisa hudhmo ku galay ceeb kale ma jirin cunto sidaa u macaan ayaanan hore u arkin, waxan arkay in madaxwaynahu uu ka yaabay cunto jacaylka iyo diifta aan soorta u qabo balse kaftan ayaan ku difaacday cuntaada aan sida xun ugu miir-beellay sida buugga jamacadda loo difaacdo oo kale . Marka laga yimaado dhinaca cashada ee madaxwaynahu laftiisu ka yaabay sida aan farraha u leefaayay anigu laftigayguna waan iska yaabay!. Hadana xaga hadalka ,murtida,xigmada iyo xeelaaddaha hadlaka laga dheegto wuxuu ii arkay afmishaar aan laga libiqsan,wuxuuna ii arkay shaqsi muhiim u noqon karaa difaaca dannaha shaqsiga ah ee xafiiska wasarrada dhaqanka. Subixii xiggay waxaan la wareegay xilka wasiirka waan arkay joornaalo lagu dhaliilayo aqoontayda lkn ma sii fiirin oo waxan darreemay niyadjab.qudbada u badan maahmaahyo iyo xigamado ayaan madasha xil-warreejinta ka idhi cidii ii fiirasta waa fahmi kartaa inaan ahay muqayil afmishaar ah. Wasaarrada waxaan keenay dhowr xog-hayn ah oo iga caawiya qorrista iyo diyaarinta qoraalda xafiiska arrintaasna waxa iga caawiyay aqoonyahan aan isku hayb-nahay oo la dhaho “Gudcur” suldaan-ka ayaa yidhi:- la shaqee oo ninka hag aniguna waxan ahaa mikirifoonka hadla ee TV-yada ka sheegga qudbado loo diyaariyay. Nin la haggayo ayaan ahaye wasaarrad ayaa shaqdeeda la dar-dar galiyay oo xog-hayayaasha iyo aqoonyah-nkii aanu isku beesha ahayn ayaa meesha hawsheeda si wanaagsan u wadda, hayadaha wasaarrada la shaqeeyana waa nalloo kala turjuma saxeexana aniga leh oo dhaqaale fiican ayaan hellay. Marmar-ka qaar waxaan kala garanwaayi jiray in aan anigu xafiiska wasiirka ahay iyo in suldaan-ku meesha haysto, dhawr mashruuc oo loogu talo-galay in lagu dayactiro goobo dalxiis ayaa suldaanku jeebka ku shubtay gurrina waa ka dhistay Markii kowaad qoyskayga ayaan aniguna gurri banggalo ah u dhisay aniguna waxaan dhistay mid kale oo qurux badan, gabadh cad oo aan is idhi mar waaba “Jin” intaan quruxdeeda ka yaabay!!. iyana waa la isiyay waar niyahow nolol macaan ayaan galay wax kale kuma garatid e. Shaqaale cusub oo beesha aha ayaan qoray oo suldaanku soo xulay ,qaarn wasiiro aan saxiibo dhow noqonay ayaa wasarrada ay jogaan ku qorray. qaar beellaha kale ah ayaan meesha ka eryay, dhawr mashruuc oo wasaarrad soo gaadhay 3-meelood ayaan u qaybinay meel aniga ah oo aan bangiga ku shubtay iyo labo meelood oo midna wax yar lagu qabtay midna raga ila shaqeeya ayaa cunay oo dee labo yaryar oo xoghayn ii ahaa mid guri fiillo ah ayuu dhamaystiray bishan. Ninyahoow noloshan aan galay waa aduun dhallaal badan oo uddug leh, dhawr sano ayaan xafiiska jooga oo hada ilbax ayaan ahay nolosha aan ku jiro waa mid aan riyo u arko wali ,quruxda aan yeeshay waxaan ka yaabay! habeen aan warka TV-ga iska daawday waxaan kale oo la yaabay af-tahimdayda mooji in dadku sidaas ii arko lkn waan iska yaabay uun. Gurigay-ga quruxdiisa waad wareerraysaa dhallaalka xaaska iyo caruurta quruxda badan inta aan fadhiga tago oo aan TV-ga shito oo lugta midig ruxo ayaan hadallo macmacaan ugu yeedhaa xaaskagya “Filsan”gacaliso iyo macaan oo aan marna xusuus galaa anigo shub bariis ah xamaabrsan ama mid hadhuudh ah oo qalbigu i dubaaxiyaa. Dhawr jeer ayaa la ii sheegay in rag i doonaya oo yidhi:-wasiirka saxiibo ayaanu nahay ay i rabaan blse waxan idhi:- ku dhaha ma joogo aniga oo Laabton i horyaalo farfaraynaya guriga laftigiisa ayaa ay xaasku ii sheegtay in rag si u yar diifaysan ay dhaheen wasiirka ayaan rabnaa blse xaaska waxay tidhi:- wuu maqanyahay :markiiba waan gartay inay kuwa iddoonaya yihiin saxiibadii aan xammaalka kawada shaqayn jirnay iyo dhawr dameerle waar ninyahoow armaa waxa lagugu sawiraa blse ninyahow waan kar-hayaa kulankooda oo wakhti badan ma hayo iyaguna shaxaad ayay kolay rabaan, waxaanse la yaabay barigii aan xammaalka ahaa waxaan ahaa nin deeqda caan ku ah oo muhani ah, iminka 100$ ee aan bixiyo ma iloobo oo waxaan rabaa inaan lacag hello si aan ganacsi wayn ama “shere”ula galo shirkaddo wadanka ka shaqeeya. Afar sano iyo lix bilood oo aan xafiiska joogay waan ka gacan qabsaday oo maal ayaan yeeshay “Mood iyo Nool-ba leh” .waar ninyahoow sow xoolahani xaraan maah waar yeelko sow kuwaa wasiirrada kaleba wadanka boobaya dhulka oo uu yar xarxariiqay waxa maankiisa kusoo dhacday waar meesha adigu reerkiina ayaad ku joogta ee maxaa xarraanta keenay sow xaq reerku dalka ku leeyahay maaha? Mooji in hadalkaasi gar-yahay. Waar iminka 4-sano macalin guri ayaa wax i barayay oo nin si fiican wax u fahma ayaan noqday, shahaaddoyin been abuur ahna waan samaystay, bari dhawyd ayaan ku biiray jamacadda oo aan marmar xaadiro waxanan bilaabay kuliyadda “maamulka iyo siyaasadda ” oo aan dhawaan ka qalin jabiyay iminkana waxaan shahaadada heerka labaad rabaa inaan ku diyaariyo si Online ah jaamacad ku taala “Malaysiya” waar iminka nolosha heer sare ayaan hiigsanayaa “hayaanka iyo hilinka aan ugu jirro hogaaminya dalka ayaan hilaadinayaa oo hayb iyo han-sare ayaan ku hiigsanayaa”. Waxyaabaha xusuustay-da ah ee aan ka qoomameeyo waxa kamid dulmiyo aan galay oo qabyaalad darteed ah, waxan shaqada ka erayay labo dumar ah oo wasaarada nadaafad ahaan uga shaqayn jiray oo danyar ah waxaan badalkooda keenay kuwo beesha ah waxaan kale oo wasaarada ka eryay dhalinyaro badan oo wax baratay oo aan meesha ka hurgufay kuwo beesha ahna aan ku badashay. arrintaas beeshu aad ayay igu bugaadisay waxaan la igu tilmaamay halyay xaqa reerka soo dhicin karra. Waxyaabaha aan la yaabay! waxa kamid ahaa in ganacsadihii aan bakhaarkiisa xammaalka ka ahaa labo wiil oo uu dhalay oo jaamacad dibada ah wax kusoo bartay inaan anigu shaqalaysiyay:-waxaan is waydiyay oo horta jaamacada dibada ma waxa ka nasiib roon barrayfatkiii yaraa. Dhawaan qorashahaygu waa inaan xisbi iska sharaxo oo aan u tartamo hogaanka ugu sarreeya dadlkeena wadankana aan ku hogaamiyo siyaasad bisil iyo qorshe horumar wanaagsan u hoorseeda qaranka si sahankayga hayaanku u noqdo guusha ibbo furka u ah wadan-keena Maanta waxa ugu wayn ee horumarkayga halkan keenay waa beesha aan ka dhashay oo iminka ii taqaan siyaasiga beesha gar iyo gardarro way i difacaan aniguna waxaan rabaa inaan awooda dalka gacanta u galiyo beesha sida illaha dhaqaalaha iwm. Hadda wasiirku waa dhiigaystay oo waa ragga ugu xaragada roon gollaha wasiirada aad ayuuna is badalay oo muqaal ahaan qof hore u yaqaanay ma garan karro. Waxa Qoray. Mustafe Axmed M Geedi-xaas Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Abaabulka banaan-bax ay Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo doonayaan in lagu qabto Muqdisho, oo uu amarkiisa bixiyey madaxweyne Farmaajo, ayaa lagu guuleysan la’yahay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Banaan-baxan ayaa ka dhan ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, oo ay dowladda aad u dhibsatay kulamada ay ka wadaan Muqdisho ee looga soo horjeedo xadgudubka ay dowladda ku sameysay xuquuqda isu-socodka muwaadinka, caburinta siyaasiyiinta iyo jidadka xiran ee Muqdisho. Qorshaha banaan-baxa Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ayaa waxaa qeyb ka ah in Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif lagu calaamadeeyo qabyaalad, loona muujiyo inay madaxweynaha ku mucaaradayaan hab qabiil, ayaga oo adeegsanaya dadkooda oo ah qabiilka ugu awoodda weyn Muqdisho. Ilo wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyay in Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ku adkaatay kicinta bulsada degmooyinka Gobolka Banaadir, oo diiday inay ka qeyb-galeyn banaan-bax siyaasadeysan oo ka dhan ah madax hore dalka wax badan ugu soo qabtay oo aan wax dhib ah gaysan. Kadib markii kooxdan Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo uu culeys kasoo wajahay kicinta dadka, ayaa Madaxtooyada ka dalbatay maamulka gobolka Banaadir inuu gacan ka siiyo abaabulka iyo isusoo baxa bulshada Gobolka Banaadir. Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw xafiiska Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish uu ka diiday madaxtooyada in gacan uu ka geysto Maamulka Gobolka Banaadir. Duqa Muqdisho ayaa u sheegay Madaxtooyada in uusan dadka ku qasbeynin in ay isku soo baxaan, waxaana uu sheegay in ay ka habboon tahay qasbidda bulshada in Madaxdu dadka toos ula hadasho fariinteedana halkaas mariso. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Xoogagga Wadaniyiinta Farmaajo ay iminka isku dayayaan in dadka xerooyinka barakacayaasha ku jira lasoo saaro, ayada oo loo ballan-qaaday lacag. Dhinaca kale, maamulka Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii dhowaa awoodda ugu badan galinayay dad ka abaabulan Warbaahinta bulshada (Social Media) oo lacag ka qaata madaxtooyada kuwaas oo billaabay aflagaado ka dhan ah Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors
