Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sheegay in mucaarid adagi ka jirin Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay go’aanka Madaxweynuhu ka qaatay xubnaha uu u magacaabay Komishanka, waxaanu sheegay inuu Madaxweynuhu u badheedhay ku xad gudubka sharciga dalka. Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Madaxweynuhu inuu badheedhayo oo uu iska adkaynayo, sharcigana jabinayo waxaa caddayn u ah go’aanka uu qaatay iyo sida uu u Beesha Caalamka uga diiday ergada loo soo diray, balse cidna waxba ku yeeli maayo, wuxuu wadana cid ka yeeli mayso”. Jaamac Shabeel mar uu ka hadlaayey Barlamaanka ayaa wuxuu yidhi “Xilku wuxuu u yaala Barlamaanka, xilku wuxuu saaran yahay Barlamaanka, waa inay xaliyaan Barlamaanku khilaafkan, iyaga ayuu waajib ka saaran yahay, Madaxweynuhu haddii uu sharcigii uu jabiyey oo uu ku xad gudbay , Barlamaankuna ku xad gudbaan waa dihbaato kale oo culayskeeda leh, ee Barlamaanka ayey u taala inay dalka, dadka iyo doorashooyinkaba badbaadiyaan, oo diidana sharciga lagu xad gudbayo” Source
  3. Maanta waxaa kulan caadi yeelan doona xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Akhriso Agendaha: Akhrinta 1aad Axdiga ilalinta Hanti- Dhaqameedka Xiliyadda Colaada 2. Akhrinta 1aaad ee ka mid noqoshada Hay’ada Damaanad qaadka Maalgashiga Darafyada badan 3. Akhrinta 2aad H/S Istaatistikada Qaranka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT- Minnesota)-Hay’adda dalka Maraykanka u qaabilsan cunta iyo dawooyinka ee FDA loo soo gaabiyo ayaa amar ku bixisay in daawo loo qaato gaaska caloosha suuqa si degdeg ah looga saaro. Haddaba daawadan iyo sababta keentay in la jooiyo ayaa ka warramay Dr. Maxmuud Dahir Af-qarshe, maamulaha xarunta caafimaadka Gargaar ee gobolka Minnesota, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT- Sochi)-Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayeb Erdowan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa Salaasadii shalay ku dhawaaqay heshiis ay ku tilmaameen mid taariikhi ah, kaasoo uu Ruushka ku ayiday qorshaha Turkiga uu zoon dagaalka ka caagan ka dhigayo Waqooyiga Suuriya illaa xadka Turkiga. Heshiiskan ayaa kasoo baxay kaddib kulan muddo shan saacadood qaatay oo ay madaxweyne Erdowan iyo madaxweyne Putin shalay ku qaateen magaalada Sochi ee dalka Russia. Qodobada heshiiska ku jiro ayaa waxaa ka mida ah inuu sii socdo howlgalka uu Turkiga ka wado waqooyiga Suuriya. In malleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ay 30 kilo mitir ka fogaadaan xadka Turkiga uu la wadaago Suuriya, haddii kalana la burburin doono hubkooda iyo dhufeysyadooda. Waxaa kale oo ay Turkiga iyo Ruushka ku heshiiyeen, in ciidammada labada dhinac ay roondo ka billaabaan jihoonka bari iyo galbeed ee aagga uu Turkigu doonayo inuu goob dagaalka ka caagan ka dhiso ee waqooyiga Suuriya, iyagoo ciidamada ku gaaf-wareegi doono dhul gaadhaya 10 km oo ka shisheen doona halka la rabo in la dejiyo qaxootiga Suuriya ee hadda jooga Turkiga. Dowladda Turkiga waxay sheegtay in tan iyo intii uu bilaamay duulaanka ay ku qaaday Waqooyiga Suuriya ay ku dishay 775 ka mid ah xoogaga Kurdiyiinta, dhankoodana laga dilay 7 askari iyo 79 ka mid ah maleeshiyaadka jabhadda mucaaradka Suuriya ee ka barbar dagaallamaya hadda ciidanka Suuriya.Waxay kaloo sheegeen in rayidka ku dhintay ay gaadhayaan 20. Laakin hey’adda xuquuqda aadanaha ee kor kala socota colaada sokeeye ee Suuriya, fadhigeeduna yahay Britain ayaa sheegtay in dagaalka ka socda waqooyiga Suuriya ay ku dhinteen 120 qof oo rayid ah, 259 ka mida ah xoogaga kurdiyiinta, 196 ka tirsan jabhadaha Suuriyaanka ah ee la safan dowladda Turkiga iyo 7 askari oo Turkish ah. Source
  6. Shirkan oo sanadkiiba mar la qabta ayaa maanta ka furmi doono magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Soomaaliya waxaa shirkaasi uga qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya oo goor sii horreysay gaaray7 gudaha dalkaasi. Sidoo kale waxaa shirkan ka qeyb galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Qaaradda Afrika, iyadoo diirada la saari doono iskaashiga ka dhexeeya Afrika iyo dalka Ruushka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda isugu imaan doonto shirkaasi. Ka qeyb galka shirkan ee Soomaaliya ayaa ah mid muhiim ah, iyadoona ka faa’iideysan doonto ganacsatada iyo martida kale ee lagu casuumay madasha Afrika iyo Ruushka. View the full article
  7. (SLT-Dimishiq)-Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa weerar afka ah ku qaaday dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin Budhcad ah oo ku soo duulay Suuriya. Mr Asad ayaa wacad ku maray in ay dib u qabsan doonaan deegaanada ka maqan ee ku yaalla waqooyiga Suuriya oo ka baxay gacanta dowlada intii lagu guda jiray dagaalkii Sokeeye. Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib booqasho uu ku tagay Jiida hore ee dagaalka ee waqooyiga Suuriya. “Erdogan waa burdhcad wuxuu xaday warshadaheena Saliideena iyo qeyraadka yaga, hadana waxa uu doonayaa in uu qaato dhulkeena mana u dulqaadanayo” ayuu Yidhi Bashar Al-Asad. Source
  8. (SLT-Moscow)-Waxaa maanta lagu wadaa in magaala xeebeedka Sochi ee dalka Ruushka uu ka furmo, shirweynihi ugu horreeyay ee u dhaxeeya Ruushka iyo dalalka qaaradda Africa. Shirkani oo uu hadafkiisa yahay in Ruushka uu saameyn ballaadhan ku yeesho Africa sida Shiinaha iyo Mareykanka oo kale, ayaa socon doona laba maalmood, waxaana ka qeybgalaya wufuud gaadheysa 3,000 oo qof oo ka kala socda dhamaan 54-da wadan ee ay ka koobantahay Qaaradda Africa. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa furi doona, waxaana la shir gudoomin doona madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, oo hadda ah madaxa ururka Midowga Africa. Ilaa 43 hogaamiye ayaa madasha ku kulmaya, waxaana ku jira hogaamiyaha dalalka Angola iyo Ethiopia oo ka mid ahaa dalalki aadka ugu dhawaa Midowgii Soofiyeetki Ruushka. Waxaa kale oo jooga madaxda dalal aanan Ruushka xidhiidh wanaagsan lasoo yeelan sida Nigeria iyo Ghana. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka Ruushka iyo Africa maanta uga furmaya magaalada Sochi ee dhaxda xeebta Bada Madow ee Ruushka. Source
  9. (SLT- Ukraine)-William Taylor oo ah wakiilka Maraykanka u joogay dalka Ukraine ayaa hortagay saddex guddi oo ka tirsan Baarlamaanka Maraykanka ee hadda wada baadhitaanka horudhaca ah ee mooshinka xil-ka-qaadista Madaxweyne Donald Trump oo loo heysto inuu jabiyey sharciga dalkaasi. Trump ayaa hore ugu amray William Taylor in aanu hortagin guddiyada Golaha Wakiillada ee baadhitaanka wada, balse amarkan ayuu diiday Taylor isagoo illaa xalay muddo 10 saacadood ah warbixin siinayey guddi hoosaadka Baarlamaanka. Wakiilka ayaa ku markhaati-furay Trump inuu ku kacay danbiga lagu heysto oo ah in Mucaawinadii lasiin jiray Ukraine uu ku xidhay in Xukuumada Ukraine ay kala shaqeeyaan baadhitaan uu rabay in lagu sameeyo Joe Biden Madaxweynihii hore ee Maraykanka iyo wiilkiisa oo xidhiidh ganacsi la lahaa shirkad laga leeyahay Ukraine. Donald Trump ayaa horaantii sanadkan joojiyey mucaawinadii Baarlamaanka Maraykanka ansixiyey in la siiyo Ukraine oo gaadheysay $391 milyan oo dollar oo kamid ah caawinaada millatari, Trump ayaa lacagta bixinteeda shardi uga dhigay in Ukraine marka hore ay ka caawiso shaqsiyan wuxuu doonayey oo ah qorshe ka dhan ah xisbiga Dimuquraadiga ah ee loolanka kula jira. Tilaabada Trump ku joojiyey lacagtan iyo codsiga uu hordhigay Ukraine ayaa ah mid jabinaya Dastuurka Maraykanka iyo xeerka awooda Madaxweynaha, waana qodobkan mid ah ku takrifalka awooda oo ay doonayaan xisbi Dimuquraadiga inay xilka kaga xayuubiyaan Donald Trump. Source
  10. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan uu ka dhacay deegaanka Aboorey oo qiyaastii 30 KM u jira degmada Buulo-burte ee gobolkaasi. Wararka aya sheegaya in dagaalka ah oo mid uu culus uu u dhexeeyey dagaalyahannada Al-Shabaab iyo kooxda la magac baxday Macawiisley oo ka dagaalanta HirShabelle. Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah dagaalka ayaa yimid, kadib markii kooxda Macawiisley oo ah shacab is abaabulay ay weerar gaadma ah ku qaadeen fariisimo kooxda Al-Shabaab ku leedahay duleedka degmada Buulo-burte ee gobolkaasi. Dagaalka oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo gurmad ahaan uga baxay Buulo-burte. Muddooyinkii dambe Hiiraan waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ciidanka dowladdu ay ka wadeen gobolkaasi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  11. Gargaarkan oo ahaa mid bani’aadanimo ayaa la gaarsiiyey boqolaal qoys oo ku dhibaateysan duleedka magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan. Deeqdan gargaar oo ah mid hordhac ah ayaa dadkaasi shacabka ah waxaa gaarsiiyey guddoomiyaha maamulka gobolka, Cali Muxumed Caraale. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay ka war hayaan dhibaatooyinka nololeed iyo barakaca ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle. Ugu dmabeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha Samafalka in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan shacabka ku tabaaleysan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  12. Safiirka Soomaaliya ee Kenya , Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka Mareykanka u jooga Nairobi uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaaj kaasoo looga hadlay kiiska Badda. Tarsan ayaa qiray in safiirka uu dhowr bilood ka hor yimid gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. Sidoo kale wuxuu hadalkiisa intaasiku daray in looga baahan yahay wargeyskii baahiyey warbixintaasi inuu iska hubiyo wararka uu ka tabiyo, gaar ahaan kuwa la xariira Soomaaliya. “Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.” Ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay soo shaac baxeen warar sheegaya in magaalada Muqdisho uu yimid safiirka Mareykankaa ee Kenya, islamarkaana uu kiiska Badda kala hadlay Madaxweynaha, si loogu dhameeyo meel ka baxsan ICJ. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-23102019-SX.mp3 View the full article
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter ayaa beeniyey inuu la kulmay madaxweyne Farmaajo, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi, balse waxa uu xaqiijiyey inuu la-taliyayaasha madaxweynaha kala hadlay in muranka badda lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda. Qoraalka Daily Nation ee la sheegay in safiirka laga soo xigtay ayaa u dhignaa sidan “Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka. Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda”. Si kastaba, safiirka ayaa waxaa barta twitter-ka xiriir kula sameeyey Golaha Soomaalida Mareykanka ee Somali American Public Council oo arrintan wax ka weydiiyey, waxaana uu sheegay inuusan Farmaajo la kulmin balse uu la kulmay la-taliyayaashiisa. Kyle McCarter waxa uu sidoo kale xaqiijiyey inuu arrinta badda iyo sidii xal loogu heli lahaa kala hadlay la-taliyayaasha madaxweynaha “Maya, lama aan kulmin, mana dhihin waan la kulmay. Waxaan la kulmay qaar ka mid ah la-taliyayaashiisa, waxaana weydiiyey sida ay la tahay in arrintan lagu xalin karo. Waxaan isku dayey inaan fududeeyo heshiis, si labada dal ay u guuleystaan, al-Shabaabna looga adkaado. Al-Shabaab waa cadow guud. Waxaa wanaagsan in arrintan lagu xaliyo si saaxiibnimo, oo aan ahayn maxkamad.” Ayuu yiri Kyle McCarter. Sidoo kale, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka uu la kulmay madaxweynaha, waxaana sidoo kale Tarsan uu qiray in safiirka uu yimid magaalada Muqdisho. “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  15. Jowhar (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa dooni ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo saacadihii la soo dhaafay ku qalibantay agagaarka xeebaha degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Doonida oo aheyd nooca dheereeya ayaa ku ciladowday meel 60 KM u jirta xeebaha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dhamman la soo badbaadiyey ciidamadii saarnaa doontaasi, kadib qeylo dhaan ay u dirsadeen howlgalka Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya. War ka soo baxay howlgalka Atlanta ee ururkaasi ayaa lagu sheegay inay gurmad deg deg ah u fidiyeen ciidankaasi, islamarkaana ay soo badbaadiyeen. Sidoo kale Midowgr Yurub oo baahiyey Sawirrada askartaasi ayaa tilmaamay in xilli ay halis ku jirtay noloshooda ay caawiyeen, islamarkaana ay ku guuleysteen howlgalkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda, gaar ahaan saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo ku aadan doontaasi. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ay Doon kula degtay nawaxiga xeebaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkaasi, inkastoo la soo badbaadiyey dhowr iyo toban ka mid ah askartaasi, halka kuwo kalena la waayey. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  16. SOCHI, Russia/ANKARA (Reuters) - Syrian and Russian forces will deploy in northeast Syria to remove Kurdish YPG fighters and their weapons from the border with Turkey under a deal agreed on Tuesday which both Moscow and Ankara hailed as a triumph. Source: Hiiraan Online
  17. Dr. Ibrahim moved to the U.S. in 1993. Her family fled unrest from the Somali Civil War. She now leads Harborview Medical Center's Pediatrics Clinic. Source: Hiiraan Online
  18. Malawi has made history by being the first African country to ever host the high profile world conference for female pilots, named The Ninety-Nines (The 99s). Source: Hiiraan Online
  19. More than half of population in Somalia live under poverty, says UN migration agency Source: Hiiraan Online
  20. TORONTO — A Toronto man saw a months-long wait draw to a bittersweet end on Tuesday as he returned to Canada with the bodies of two relatives who were killed in the crash of an Ethiopian Airlines plane this year. Source: Hiiraan Online
  21. Dacwadda Badda: Maxay Muna Sharmaan uga baxday Qareennada difaacaya Soomaaliya? Muna Al-Sharmani waxay ahayd gabadhii sida aadka ah u difaacay kiiska badda ee Soomaaliya Mid ka mid ah qareennada hoggaaminya kiiska badda ee soomaaliya ay geysay maxkamadda cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa ka baxday guddiga qareennad ee difaacayay doodad Soomaaliya, sida ay xaqiijisay dowladda. Muna Sharmaan waxay ahayd gabadhii sida weyn loo bartay xilligii ay socotay dhageysigii dacwadda badda ee dowladda Soomaaliya geysay ICJ. Cali Siciid Fiqi, safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliya ee SNTV ayaa xaqiijiyay in Muno Sharmaan ay “ka baxdayday qareennada difaaca kiiska Soomaaliya”. “Waa gabar Soomaaliyeed, kiiska maalintii ugu horreysay illaa iyo goor dhow ayey ku jirtay. Muddo afar bilood laga joogo, ayey madaxweynaha la soo hadashay”, ayuu yiri Safiir Cali Siciid Fiqi. Isagoo sharaxayay sababta ay qareennada uga baxday wuxuu sheegay in “ay u wareegtay shaqo kale oo ay ka heshay meel kale”. “Waxay tiri ‘madaxweyne shaqo ayaan ka helay Bangiga Adduunka. Marka waan ka cudur daaranayaa”, ayuu yiri safiirka. Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub, Cali Siciid Fiqi, ayaa yiri: “Muna qof raacdeyn kara ma jiro; waa gabar Soomaaliyeed oo muwaadin ah oo runtii istaahisha in loo abaal gudo”. Muna Sharmaan waxay ka mid ahayd qarreennadda ugu firfircoonaa ee doodaha adag la hor tagay ICJ xilligii ay socotay dhageysigii la xiriirtay in kiiska u dhexeeya Soomaaliya iyo kenya ay maxkamadda dhageysan karto. “In la yiraahdo Muna meeshii waa laga saaray, ceebbey Soomali oo dhan u tahay”, ayuu carabka ku adkeeyay Safiirka oo la hadlay SNTV. Safiirka Soomaaliya ee EU (bidix) iyo Muna Sharmaan (dhexda) Dr. Muna Sharmaan waxay Soomaaliya u mataleysay dacwada xuduudda badda ee kala dhaxeysay Kenya, waxayna si wayn uga hadashay sida Soomaalida u aragto “heshiiskii isfahamka” ee Kenya ay ku doodeysay. Hadda, ma jiro wax war ah oo dhankeeda ka soo baxay oo sharaxaya sababta ay uga baxday qareennada Soomaaliya matalaya. Safiirka Soomaaliya u qaabilsan EU, wuxuu sidoo kale beeniyay in Soomaaliya ay qoratay qareenno cusub. “Qareennadda waa kuwii maalintii ugu horeysay ee aan kiiska badda geynay ee 2014-kii”, ayuu yiri. Hadlakiisan aya jawaab u ah warar baraha bulshada lagu hadal hayay oo sheegayay in qareennada difaacayay Kiiska Soomaaliya la badalay. Wuxuu ku adkeystay: “Waa kuwii kiiska ku dhex jiray; waa kuwii maxkamadda yimid ee daafacay; waa kuwii dacwaddii soo qoray; waana kuwa hadda u taagan in kiiska ay difaacaan”. Wuxuu dadka Soomaalida u sheegay in “khalkhalka iyo siyaasadeynta maxkamadda aan lagu niyad jebin”. Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa 17-kii bishan sheegtay in markale ay dib u dhigtay dhageysiga dacwadda la xiriirta muranka xuduudda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Maxkamadda ayaa la filayay in ay dacwaddaasi dhageysato laga billaabo afarta ilaa siddeedda bisha Nofembar ee sanadkan, haseyeeshee dowladda Kenya ayaa mar labaad dalbatay in arrintaasi dib loo dhigo. Waa markii labaad oo maxkamadda ay dhageysiga dacwaddani dib u dhigayso, waxaana bishii Sebteembar ay laba bilood dib u dhigtay ka dib markii ay Kenya codsatay in dacwadda dib loo dhigo muddo sanad ah. Warbixin qoraal ah oo ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in maxkamadda ay go’aansatay in dib loo dhigo dacwadda badda, waxaana maxkamaddu sheegtay in labada dhinac loo garnaqi doono siddeedda ilaa 12-ka bisha Juun ee sanadka dambe. Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in go’aankan ay gaartay ka dib markii ay dhagaysatay labada dhinac, balse waxay caddeysay in mar kale aan dib loo dhigi doonin. Maxkamaddu waxay sidoo kale fartay Kenya iyo Soomaaliya in ay ka soo qeybgalaan dhageysiga dacwaddaasi marka laga gaaro xilliga ay haatan u asteysay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u hoggaansameyso go’aanka maxkamadda, ayna marnaba ka tanaasuleyn taako ka mid ah dhulka Soomaaliya. Qaran News
  22. ST. CLOUD, Minn. — More than 100 people packed a St. Cloud State University ballroom Tuesday, Oct. 22, to join a conversation about hate, racism and inequity in the community as well as efforts to combat those experiences. Source: Hiiraan Online
  23. CAIRO - Egypt said on Tuesday it had accepted a U.S. invitation to a meeting of foreign ministers over a project for a giant hydropower dam on Ethiopia's Blue Nile that is causing an escalating spat between the two African countries Source: Hiiraan Online
  24. Wajir Woman Representative Fatuma Gedi on Tuesday narrated to a court how she was physically assaulted an MP in the precincts of Parliament after they differed on the June 2019 budgetary allocations to constituencies in the county. Source: Hiiraan Online