Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka hadlay waxyaabaha hor-taagan inay dib u furmaan wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dowlada federaalku ay sabab u tahay hakadka ku yimid wada-hadaladaasi, isla markaana ay sameysay waxkasta oo ay ku sii fogeyn karto Somaliland, midaasi oo ku sheegay inay lumisay suurta-galnimadii ay dib ugu furmi lahaayen wada-hadaladaasi. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Horn Cable ayaa waxa kale oo uu si adag u dhaliilay maamulka Farmaajo, kaasi oo uu ku tilmaamay mid fidno ka kicinaya Somaliland, isagoona xusay inay sii lumineyso nidaamkii faderaalka. Cabdiraxmaan ayaa weliba si gaar ah Farmaajo ugu dhaliilay sawir uu dhowaan la soo galay Kornayl Tuke, kaasi oo loo haystay inuu deegaanada Somaliland ka geystay dambiyo ka dhana bini-aadanimada. “Somaliland wax loo reebtay malahan, anigu waxaan ahay dadkii u horeeyay ee ka qeyliyay, waxaa laga joojiyay mucaawinadii oo la yiri ha la soo marsiiyo halkaan, oo markii hore qaab ka duwan mucaawinada loo siin jirey” ayuu yir Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Wuxuuna intaas kusii daray “Fidno ayaa dhexdeeda inta la abaabulay laga soo kiciyay, oo dad intay dowladda ka tageen deegaanadaasi fidno ka soo kiciyay. Waxkasta oo Somaliland ku sii fogaan kartana waa la sameeyay”. “Qof loo haysto inuu ku xad-gudbay muwaadiniin deegaankaasi Somaliland ka soo jeeda oo maxkamado Mareykanka ka dacweeyeen ayuu Madaxweynihii isla sawiray oo uu weliba soo garab istaagay”. Siyaasi Cabdishakuur ayaa ugu dambeyntii wuxuu ka dhawaajiyey in dowladda federaalku ay marba marka kasii dambeysa ay qaadeyso talaabooyin ka dhana Somaliland, midaasi oo uu sheegay inay god madow ku sii rideyso wada-hadalada labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah dadkii Shalay laga soo masaafuriyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose islamarkaana ay dib u celisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in dowladda ay dib uga laabato go’aankaasi. Dadkaan oo la soo xiriiray Caasiamda Online, ayaa sheegay in ay wajahayaan cadaadis xoog leh islamarkaana ay soo wajahday cabsi ammaan. “Waxaan dareemeynaa cabsi xoog leh waana noola hanjabayaa, qaarkeen waxay wajahayaan jirdil iyo xadgudubyo kale, DF-ka waxaan ka codsaneynaa in aysan nagu sii heynin dhibkaan oo ay noo fasaxdo Muqdisho” ayuu yiri qof qariyay magaciisa oo ka tirsan dadkii shalay laga celiyay garoonka Muqdisho. “Annaga maamulkaan waan ka filaneynay tacadiyo laakiin waxaa layaab noqotay dowladii aan ka sugaynay naxariis iyo badbaado ee nagu soo celisay meel aan qof ku noolaan karin” ayuu yiri qofkaan aan la hadalnay ee ka tirsan dad shalay laga soo masaafuriyay Kismaayo. Dadkaan ayaa u badan Xildhibaano ka tirsan Golaha Isbadal doonka Jubbaland iyo siyaasiin kale oo mucaarad ah kuwaas oo ka soo hor jeeday maamulka Jubbaland, gaar ahaan hogaanka Madaxweyne Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  3. Baydhaba (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in ehelada dad lagu laayay degmada Diinsoor ee gobalka Bay ay dacwad ka dhan ah guddoomiyaha Diinsoor ka billaabeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay. Dadkaan ayaa ka cabanaya dilal dhacay sanado kala duwan, dad xabsiyo ku raagay oo aan Maxkamad xukumin, shacab la xiray oo la waayay nolal iyo geeri, caburin iyo hanjabaad joogto ah, taas oo ka imaaneysa maamulka degmada. Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur (Shigshigow) oo muddo dheer maamulaya degmadaasi, ayaa lagu eedeeyey inuu muulka degmada ku koobay qoyskiisa, sidoo kalena halkaasi lagu laayay dad badan oo shacab ah oo ka soo horjeestay maamulka kadib tacadiyo ka dhacay Diinsoor. Warar kale oo laga helay Diinsoor ayaa sheegaya in dhalinyaro badan oo laga qabtay Diinsoor loo gacan geliyay Ciidamada Itoobiya oo ku xoogan degmadaasi. Saraakiil ka tirsan masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha looga yeeray Baydhabo islamarkaana dhowaan la dhageysan doono eedeymo ka dhan oo ku saabsan xadgudubyo ka dhacay Diinsoor. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in la sugayay inta uu dib uga soo laabanayo Baydhabo, wararkii ugu dambeeyay ayaa soo sheegaya in shalay uu gaaray Baydhabo Madaxweyne Lafta-gareen islamarkaana uu kulan la qaadan doono Guddoomiyaha eedeysan ee degmada Diinsoor. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
  4. Your Highness Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, I write to you to deliver a message from the besieged people of Jubbaland, Somalia. Have you heard about the brutal blockade imposed on the people of Jubaland by the rogue Mogadishu-based government that misgoverns my country with your backing and blessing? Has the news of the human tragedy unfolding in the Jubbaland State of Somalia reached you? What have the poor and vulnerable people of Jubaland done to you and your country to deserve such savage and egregious assault on their humanity and dignity in the hands of the proxies of the Al-Thani ruling family in Mogadishu? Your Highness, Since the imposition of the blockade on your country by your Arab neighbors and former allies two years ago, you and your envoys have been going around the world to protest against the decision by Saudi Arabia, United Arab Emirates, Bahrain and Egypt to punish and isolate your country. You have even spent a fortune to procure the services of highflying public relations firms to lobby great powers and influential global opinion makers on your and your country’s behalf. During the recently concluded United Nations General Assembly meeting, you spoke articulately and passionately about the hardships suffered by your people following the blockade slabbed on Qatar. Your speech included the following moving statement: I stand before you while my country and people are subjected to a continuing and unjust blockade imposed since June the 6th {2017} by neighboring countries. The blockade involves all aspects of life including severing family ties…The blockade was imposed abruptly and without warning, prompting Qataris to consider it a kind of betrayal (highlights added). Your Highness, How could you reconcile the polar opposites so profoundly ingrained in your ways and so profusely esteemed in your governance? How can you so vehemently condemn and resist the isolation of your country by rival Arab nations and at the same time enable and empower your proxies in Mogadishu to blockade ‘abruptly and without warning’ and collectively punish a people much poorer and more vulnerable that ordinary Qataris? What gain is there for the ruling Al-Thani family in depriving the children of Jubaland of the vaccines so critical for their health and development? How can you remain silent when known Qatari assets in Mogadishu use and deploy funds and military arsenal provided by your country to deny the elderly, the sick and pregnant mothers the medical care they urgently need? Are the children, elderly and mothers of Jubaland less human than their Qatari counterparts? Do they not deserve the basic human rights, freedoms, and dignity you persistently and proudly proclaim for your people? The people of Jubaland do not have the billions of dollars and huge investment assets that allowed you to transport by air herds of Holstein cows from Europe overnight to ensure that Qatari families and households have milk for their children. However, they, by the grace of Almighty God, shall survive the unjust and egregious assault on their lives, livelihoods and dignity. Qatari’s current stance on Jubaland in particular and Somalia in general is all the more perplexing when one looks at the enlightened visions and generous contributions your small country has made towards global peace and sustainable development in recent years. In this connection I would mention the Educate-A-Child program funded by Qatar. As a former senior UN official, I had witnessed the positive impact of this program in Africa and Asia. In the case of Somalia, I was part of a team that worked on one such project that was implemented by UNESCO and UNICEF several years ago. It is difficult to understand how a country capable of showing such generosity suddenly allows itself to be linked to what is increasingly seen as a predatory cabal and associated criminal networks hell-bent on recklessly gambling away the sovereignty of my country and the dignity of my people. How could a rational royal mind reconcile showering a child with the blessings of education and subjecting the same child to unimaginable indignities, including debilitating levels of deprivation, even starvation? Your Highness, This humble open letter and the howls of gut-wrenching protests it carries would not be complete without bringing to your attention the piece published by New York Times on 22 July 2019, outlining how your country has destabilized mine with guns, cash and terrorism. The reputable newspaper revealed in great and graphic details the extent to which Qatar went to wreck the fragile peace in my country. The words of Khalifa Kayed al-Muhanadi, a businessman and reportedly a confidant of yours, and your Ambassador to Somalia clearly indicate Qatar has a dirty hand in the deadly business terrorist are conducting in Somalia. If true, this seems to confirm the serious accusation your gulf rivals leveled against the State of Qatar. Your Highness, You have every right to stand up for and defend the sovereignty and dignity of your country and people. But you have no right to bankroll the dirty war being waged against the people of Jubaland and Somalia as a whole. The $385 million you pledged reportedly to support education, infrastructure and humanitarian needs in the country are likely to be used to underpin the machinery of intimidation, terror and oppression routinely deployed by Villa Somalia against its own people. The same applies to the 68 armored vehicles you recently shipped to Mogadishu. Clear signs of this are already evident in Jubaland. The vast arsenal and loads of ammunition the Qatar delegation promised to deliver to Villa Somalia during the Somalia Partnership Forum concluded in Mogadishu yesterday will either be used to suppress all forms of dissent or will end up in the hands of Al-Shabab. ‘Just talk to our friends from the simple people of Somalia.’ One last thing Your Highness. In the audio recording obtained by The New York Times, your close associate, al-Muhanadi, urged your Ambassador to our country: ‘Just talk to our friends from the simple people of Somalia.’ I do not know what he means by ‘the simple people of Somalia.’ However, this statement in my opinion smacks of the medieval form of racism many ignorant Arabs display towards black people. I do not believe that al-Muhanadi and your Ambassador to Somalia represent the views and judgement of all Qataris. But I am afraid many like them might be lurking in the corridors of power in the government and state of Qatar. Your Highness, Please keep your guns, cash and purveyors of terror away from my country and my people. And for God’s sake also keep the wealthy racists and ignorant bigots in your midst where they belong: their enclave of choice in Qatar. Somalia has just started the process of moving out of the degrading and deeply humiliating legacy of a failed state. Its Provisional Constitution (PC) is in disarray and highly contested. Its institutions are fragile and extremely vulnerable to infiltration, destabilization, corruption, and even takeover by internal usurpers and/or external predators. We do not need al-Muhanadi and people like him. May the peace and blessings of God be upon you. Prof. Hassan Keynan is a retired former senior UN Official who worked in Africa, Asia and Europe. He can be reached at keynanhassan@yahoo.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  5. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Taliye cusub u magacaabay qaybta Booliska gobolka Nugaal. Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha qaybta gobolka Nugaal u magacaabay G/Dhexe Muumin Cabdi Shire, oo horay u ahaa Taliye ku xigeenka ciidamada madaxtooyada. Muumin Cabdi Shire oo ku magac dheer (Muumin Madaxweyme) ayaa ka hor inta aan loo magacaabin Taliya qaybta Booliska gobolka Nugaal, waxaa digreeto Madaxweyne loogu dalacsiiyay darajada G/Dhexe. G/Dhexe Muumin Cabdi Shire oo ah sarkaal dhalinyaro ah oo firfircoon ayaa hogaaminayay howlgalka loogu magacdaray Tayeynta caasimada oo dowladdu kula wareegayso hanti dadweyne oo muddo 30 sano ah gacanta ugu jirtay dad gaara. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal waxaa horay si ku meel gaara u hayay Cabdixamiid Maxamed Dirir. Digreetada dalacsiinta Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-76 Oktoobar 05, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa Gaashaanle Muumin Cabdi Shire loo dalacsiiyey derajada G/Dhexe Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Digreetada magacaabista Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliyaha Booliska Nugaal appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ruqsadii duulimaadyada dalka kala laabatay shirkadda duulimaadyada Jubba Airways oo lagu eedeeyay in shatigeeda ay ku duulaysay diyaaraddi shalay ka degtay magaalada Kismaayo. Ilo-wareedyo ka tirsan hey’adda duulista hawada ayaa Caasimada Online in xaqiijiyay arirntaan, sidoo kale xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo uu ka mid yahay xildhibaan Xasan Macalin ayaa ku soo daabacay bartiisa Facebook-ga warkan. Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka. Diyaaradaas ayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddi tagaysa ama ka duulaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho iyo sidoo kale, amar kale oo ahaa in 24-saac ka hor ay diiyaaradu soo gudbisato codsigeeda ku aadan duulimaadka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan oo madaxweynayaal ka soo noqday maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo tiro xildhibaano ah ayaa la socday diyaaradaas, kuwaas oo socdaalka ay ku tageen Kismaayo ay siyaasiyiin badan ku tilmaameen is-miidaamin siyaasadeed. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale, dowladda Soomaaliya ay hay’adda duulimaadyada rayidka ah ee QM ee ICAO u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya kadib markii diyaarad kasoo duushay Nairobi ay shalay ka degtay magaalada Kismaayo. Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda ay waraaq ay u qortay hay’adda ICOA ku eedeysay dowladda Kenya ay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee duulista hawada. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada Federaalka ayaa waxay maanta soo saareen Warqad ay ku sheegeen Habraaca Doorashada ay sheegeen inay dhowaan ka dhagayso Jubbaland. Hadaba Siyaasiyiin [...] Source
  8. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2-aad iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland ee 2019,ka, ka dib markii horay Wasaaradda ay u qaadacday natiijada doorashooyinkii ku soo gabagaboobey fashil ka dhashay afduub iyo musuqmaasuq cad oo lagu sameeyey hannaankii iyo habraacii doorashada ee dastuurku qeexayey. wasaaradda ayaa habraacan ku tilmaantay mid abuuri doona kalsooni lagu qabi karo Baarlamanka loo soo doori doono Jubaland iyo natiijada doorashada madaxtinimada maamulkaasi. Sidoo kale waxay sheegtay in uu ku dhisanyahay xaqiiqada jirta islamarkaana waafaqsanyahay Dastuurka federaalka iyo kan Jubaland uuna xaqiijinayo isfaham iyo midnimo buuxda oo laga gaaro khilaafaadka taagan. Shaacinta habraacan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay ka socoto magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Jubbaland caleemasaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo shaacisay habraaca doorasho cusub oo laga qabanayo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-6102019.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay qorshaha soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2-aad iyo doorashada madaxweynaha Jubbaland ee 2019-ka. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
  11. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta war rasmiya ka soo saartay wafdi dhowaan la shaaciyay inay ka qeyb gali doonaan caleema saarka Axmed Madoobe. Xukuumada ayaa sheegtay in aan laga qeyb gali karin caleema-saarkaasi, isla markaan si adag uga digtay in lagu milmo arrimaha siyaasada ee ka taagan dalka Soomaaliya. Cabdisamad Cumar Maal, Garyaqaanka guud ee Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inaan cid Somaliland ka tirsani aanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee u gaarka ah Soomaaliya, marka laga reebo arinta wadda-hadalada labada dhinac, wuxuuna yiri: “Ninka odhanaya ama cida odhanaysa inay ka qabgasho caleemo-saarka gobol ka mid ah Somalia waa arin siyaasadeed, arimaha siyaasiga ahna in laga qaybgalo waxa aynu u leenahay go’aan labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ay si wadajir ah usoo saareen oo ay hore ugu mamnuuceen in dhamaan qaybaha bulshada”. “Haddii ay noqoto aqoonyahan, Madaxdhaqameed, Siyaasiyiin iyo xildhibaan ciday doonaanba ha noqotee inaanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee Soomaaliya. Waxa kaliya ee Baarlamaanku waxkabadal ku sameeyey oo u ogolaaday xukuumadu inay ka qaybgali karto arimaha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ay wada-leeyihiin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Cida kaliya ee awood u leh (mandate) inay ka qaybgalaan arimaha siyaasiga ah ee Soomaaliya waa xukuumadda, cid kale oo Somaliland magaceeda ku hadli karta ama sheegan karta oo dhanaysa waxaan ka qaybgalayaa arimaha Somalia, ama caleemo-saar ha noqoto ama shirarkooda ha noqoto ama dawladd dhisidooda ha noqotee ama dib u heshiisiintooda ha noqotee ma jirto”. Hadalkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili Maalmihii la soo dhaafay uu soo if baxayey muran baahsan oo ka dhashay in wafdi xildhibaano ka tirsan Somaliland ay ka qeyb-galayaan xaflada Caleema-saarka Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ayaa maanta qoraal kasoo saartay doorasho cusub oo ka dhacda dowlad goboleedka Jubbaland. Halkaan Ka Akhriso qoraalka wasaaradda Goobjog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho-(Caasimada Online) – Wasaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa war-saxaafadeed dheer ka soo saartay qorsheheeda ku aadan maamulka Jubbaland. Qoraalka wasaaraddda oo aad u dheeraa waxaa lagu soo saaray habraac doorasho iyo guddi farsamo oo dajin doona qorshaha lagu soo dhisayo xubnaha baarlamaanka 2-aad iyo doorashada Madaxweynaha ee maamulka Jubbaland 2019. Habraaca doorashada ay wasaaraddu doonayso in laga qabto Jubbaland oo lagu soo koobay 26 qodob ayaa waxaa qodobadaas ugu muhiimsan, in wadaaradda arrimaha gudaha ay ku dhawaaqdo natiijada rasmiga ah ee doorashada maamulka munaasabada looga dhawaaqayana ay ku sugnaadaan goobjoogayaal caalami ah. In xubnaha xildhibaanada baarlamaanka labaad ee maamulka Jubbaland loo madax banaynayo soo xulidooda odayaasha dhaqanka beelaha ay matalayaan. Sidoo kale habraaca dib u heshiisiinta ayaa waxay qoraalkeeda ku sheegtay wasaaraddu in ay guddi u xil saartay wargelinta iyo xiriirka beelaha, soo uruurinta iyo isku keenidda ergooyinka ka qeyb galaya shirweynaha dib u heshiisiinta Jubbaland iyadoo loo daadihin doono shirkaas qaabka ugu haboon ee xal looga gaari karo khilaafka bulsho iyo kan siyaasadeed ee ka dhex jira beelaha. Halkaan ka akhriso qoraalka oo aad u dheer Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Daahir Amiin jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay safarkii ay Magalada Kismaayo u tageen Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed. Xildhibaan Amiin Jeesow ayaa waxaa uu sheegay in diyaarad aan sharci aheyn ay ka degtay Magalada Kismaayo, isla markaana halkaas geysay wafdi ay hogaaminayeen Madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka. Xildhibaanka oo Wariyeyaasha Muqdisho kula hadlaayay ayaa waxaa uu intaasi kudaray hadalkiisa in diyaaradaas ay aheyd mid Qatar gelin kartay amniga dalka, isla markaana aysan ka warheyn Maamulka hawada Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya kulamadii markii ay furmaan ayuu sheegay inay dacwada diyaaradaas iyo dalka laga lahaa geyn doonaan, waxaana dowladda Soomaaliya uu ka dalbaday inay jawaab baarlamaanka ka siiso Diyaaradaas. Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Amiin Jeesow ugu baaqay inay si deg deg ah uga war uga soo saaraan diyaaradii shalay ka degtay Kismaayo, iyadoo aan wax fasax ah aan ka heysan Maamulka hawada Soomaaliya, isla markaana khatar gelisay dalka. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland lagu haayo dhibaatooyin kala duwan, hayeeshee baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland ay badbaadin doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimadda Online)– Hey’adda Hormuud Foundation ayaa maanta waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo. Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween, Caruur iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen deegaanada Geriley, Faafaxdhuun, Cawsquran, Daarasalaam iyo dhamase, waxayna muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul qulayeen degmadsa Baardheere, iyagoona ku biirey ilaa labo xero ee ku yaala duleedka Baardheere. Cabdulaahi Nuur Xasan, Cadow oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa ku amaaney Gargaarka Raashineed ee Hormuud Foundation ay soo gaarsiisey Qoysaska ku barakacay abaaraha iyo Duqeymaha Ciimada Kenya, waxuuna sheegay gargaarka noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tari doono Nolosha Qoysaska barakacayaasha oo xaaladoodu ay aad u liidatey. Mas’uuliyiintii ka hadashey goobta lagu qeybinayey Raashinka Gargaarka ayaa waxaa ka mid ahaa howl wadeeno ka socdey Hormuud Foundation iyo xubno kale oo ka kala socdey Odoyaasha dhaqanka iyo weliba Ururka haweenka Baardheere. Shirkadda Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka soo jawaabtey Baaqii qeylo dhaanta ahaa ee la xariiray Abaaraha ee ka kala imaanayey Mas’uliyiinta Gobolka Gedo iyo Maamulka Degmada Baardheere.
  16. Muqdisho (SMN) – Kulankaan oo uu shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga D.F.S Xil.Xasan Cali Maxamed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeye guuto Odawaa Yusuf Raage iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jihaan Xasan. kulankaan ay masuuliyiintaan la qaateen u qaybsanayaasha Ciidamada D.F.S ee Caalamka, Waxaana laga Dhagastay xog ku aadan dalalka ay somaaliya ku matalaan iyo xaaladda ay ku sugan yihiin. Wasiirka Gaashaandhigga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u qaybsanayaasha ciidamada D.F.S ee Caalamka ay wax badan ku soo kordhin karaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya , iyagoo suurtagalin kara tababaridda ciidamada Xoogga dalka, isla markaana kala hadli karaan tayaynta ciidamada dowladaha ay ku matalaan ciidamada dalkeenna Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga DFS ayaa xusay in D.F.S ay ka go’an tahay soo celinta maqaamkii Soomaaliya ay ku lahayd Caalamka . View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Kulankaan oo uu shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga D.F.S Xil.Xasan Cali Maxamed ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeye guuto Odawaa Yusuf Raage iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jihaan Xasan. kulankaan ay masuuliyiintaan la qaateen u qaybsanayaasha Ciidamada D.F.S ee Caalamka, Waxaana laga Dhagastay xog ku aadan dalalka ay somaaliya ku matalaan iyo xaaladda ay ku sugan yihiin. Wasiirka Gaashaandhigga oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in u qaybsanayaasha ciidamada D.F.S ee Caalamka ay wax badan ku soo kordhin karaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya , iyagoo suurtagalin kara tababaridda ciidamada Xoogga dalka, isla markaana kala hadli karaan tayaynta ciidamada dowladaha ay ku matalaan ciidamada dalkeenna Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga DFS ayaa xusay in D.F.S ay ka go’an tahay soo celinta maqaamkii Soomaaliya ay ku lahayd Caalamka . View the full article
  18. Munaasabaddaan xarigga looga jarayay dugsiga Baxru-nuur ee deegaanka Balli-Howd oo hoostagta dagmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, waxaa ka soo Qaybgalay Wasiirka Waxbarashada Galmudug,maamulka dagmada guriceel,maamulka dugsiga, waalidiin iyo waxgarad ka tiran dadka deegaanka ku nool, waxgaradka iyo dhalinyarada deegaanka Ballihowd ayaa ka mahadceliyay furitaanka dugsigaan iyagoo sheegay in uu ku soo beegmay waqti ay u baahnayeen. Shiiq Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-ashcari iyo Agaasimaha guud ee Madarasada Baxru-nuur oo ka hadlay xafladda lagu furayay madarasaddaan ayaa sheegay in Dugsigan hoose dhexe ee baxru-nuur oo ka howlgala deegaanno farabadan oo ka tirsan gobolka Galgaduud ay uga gol-leeyihiin sidii Caruurta ku nool deeganada ka fog magaalooyinka loo gaarsiin lahaa adeeg waxbarasho. Wasiirka Waxbarashada Galmudug Mudane Ahmed Deeq oo dhankiisa ka hadlay xafladda ayaa Sheegay inay bogaadinayaan dadaallada waxbarashada lagu gaarsiinayo dadka ku nool tuulooyinka ka fog magaalooyinka Galmudug. Dugsiga Baxru-nuur ayaa horay looga hirgaliyay dagmooyinka Dhuusmareeb Guriceel, Cadaado iyo deegaannada tuulo-caano, Ballicad, goodwiil oo ka tirsan gobolka Galgaduud taas oo dhalinyarada deeganadaas ay ku heleen adeeggii waxbarasho ay u baahnaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-6102019.mp3 View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-6102019.mp3 View the full article
  21. Somalia’s Minister of Health and Social Care, Dr Fawziya Abikar, has praised the Qatari people and government for supporting the Somali people and appreciated Qatar Charity’s initiatives to help vulnerable groups, set up hospitals and health units, and care for mothers and children. Source: Hiiraan Online
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah baarlamaanka Somaliland, isla markaana ka mid ahaa lixdii xubnood ee Somaliland ugu qeyb galayey caleema saarka Axmed Madoobe, ayaa maanta shaaciyay inuu ka baaqday safarkaasi. Xildhibaan Naasir ayaa sheegay inuu dib uga laabtay qorshihii uu markii hore uga mid noqday wafdigaasi, isagoona xusay in arrintaasi dhaawac ku tahay madax-banaanida Somaliland. Xildhibaan Naasir Cali Shire oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa uu yiri “Waan ka noqday go’aankii aan kaga qeyb gali lahaa caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed-Madoobe”. “Waxaan u taanusalay qarankayga iyo shacabkayga Somaliland oo u arkay inay dhaawac iyo dhiig bax ku tahay qaranimada Somaliland in aan caleema saarkaas ka qeyb galo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in go’aankiisan uu kaga noqday kamid noqoshada wafdigan ay gacan ku lahaayeen dad badan oo arrinkaasi kala hadlay “Dad badanina wey ila soo xidhiidheen aadna wey igala hadleen arinkaas”. Hadalka xildhibaanka ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay dood badan ka taagneed Wafdiga Somaliland ee dhowaan la shaaciyay inuu ka qeyb gali doono caleema-saarka Axmed Madoobe, taasi oo ay si adag uga soo hor-jeesteen qaar kamid ah Siyaasiyiinta Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Siciid Cawil Caarre ayaa ku gacan saydhay heshiis ay maanta hargeysa ku wada yeesheen madaxweynaha somaliland iyo ergo meteleysay kornaylka, waxana uu sheegay in heshiiskaasi aanu khusaynin isaga iyo jabhadiisa midna, Halkan hoose ka DAAWO Source