Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa ka cabanaya mushaar la’aan heysata in ka badan muddo hal sano ah. Wargeyska Indian Ocean Newsletter ayaa qoray in ciidamadani aysan qaadan wax mushaar ah muddo sanad ah. Sidoo kale wargeyska oo soo xiganaya saraakiil ayaa sheegay in ciidamada kale ee AMISOM ay qaateen mushaaraadkooda, balse kuwa Jabuuti aysan weli helin. Askari kasta oo ka mid ah ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa mushaar ahaan u qaata 800 oo Dollerka Mareykanka ah, waxaana lagu soo warramayaa in Midowga Africa uu mushaarka ciidamadaasi ku wareejiyey dowladda Jabuuti, balse aysan weli iyadu bixin. Cabashada ciidamadan oo muddo dheer soo jiitameysay ayaan weli jirin wax jawaab ah oo ay ka bixisay dowladda Jabuuti. Ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo dagaal kula jira Al-Shabaab ayaa ka howlgala deegaanada HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. View the full article
  2. Eedaysane Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo Beled Xaawo oo loo wada heysto taciyaddo ka dhacay Gobalka Gedo ayaa maanta la hor geeyay Maxkamadda Gobalka Banaadir. Cabdirashiid Xasan CabdiNuur (Janan ) ayaa Bishii hore Ciidanka Booliska Soomaaliyeed soo qabteen isaga oo socdaal ku marayay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Itoobiya. Booliska dalka ayaa sheegay in eedaha loo haysto Wasiirkii Amniga Jubbaland soo dhameystirayso Waaxda dambi barista Booliiska ee C.I.D-da. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-06102019.mp3 View the full article
  4. Maanta oo Axad ah ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir la horkeenay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan), kaas oo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay DFS kasoo xirtay 31-kii August ee 2019. Maxkamadda ayaa sidoo kale waxaa maanta la geeyey Buulle Aadan Maxamed oo isna ahaa taliyahii ciidamada ka howlgeli jiray degmada Doolow, waxaana Labadoodaba loo haystaa iney ka dambeeyeen dilka dad rayid ah. Waa markii ugu horreysay oo Wasiir Janan la keeno maxkamaddan tan iyo markii ay dowladda federaalka kasoo xirtay Garoonka Aadan Cadde xilli uu kusii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horey warqad ay usoo saartay waxay ku sheegtay in Janan aanu wax dambi ah lahayn, balse doorashadii Axmed Madoobe kadib ayeey dowladda qabatay, xilli la ogyahay in dowladda iyo Jubbaland uu ka dhaxeeyo khilaaf xooggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Kadib canaantii madaxweyne Deni uu kula kacay golihiisa wasiiradda, ayaa dhalisay in qaar kamid golaha wasiiraddu bilaabaan olole ismuujineed. Xubno badan oo katirsan golaha xukuumada oo ay Puntland Post ka gaabsatay inay tilmaam ka bixiso, ayaa abaabulay wada tashiyo ay la yeelanayaan beelaha ay kasoo jeedaan. Wasiiradda oo isticmaalaya baraha bulshada iyo qeyb warbaahinta katirsan ayaa kusoo bandhigaya macluumaadka kulamada ay la qaadanayaan dadka ay ku matalaan arrimaha siyaasada. Qaar kale oo golaha waaiiradda katirsan ayaa baraha bulshada lasoo dhigay iyagoo ka jira arrimo safamaleed. Farriinta ay bixinayaan ayaa umuuqatay olole ismuujin ah iyo inay ka jawaabayaan canaantii madaxweynaha. Ka sakow canaanta madaxweynaha, waxaa golaha wasiiraddu culays badan ka saaran yahay isku shaandhayn la filayo in madaxweynuhu ku sameeyo golihiisa inta uusan sanadku dhamaan. Puntland Post The post Kadib canaantii madaxweyne Deni wasiiraddiisa oo bilaabay olole ismuujin ah. appeared first on Puntland Post.
  6. Djiboutian forces serving under AMISOM deployed in Jalalqsi in the Hiiraan region have not been paid their salaries since last December last year despite the government receiving the funds from the African Union, according to Indian Ocean Newsletter. The 6thh Battalion which relieved the 4th Battalion in December 2018 in sector 4 has not received any dues since then. The stipends which are paid by the European through the African Union amount to about $800 for each soldier. The EU cut by 20% the stipends in February 2016 lowering the figure from $1020 to $800. Troops Contributing Countries (TCCs) governments retain 20% of the pay for administrative costs. According to sources privy to the development at the seat of AU in Addis Ababa, the Djibouti government and high-ranking officials in the military pocket the money instead of disbursing them to the soldiers who fight alongside forces from other TCCs in Somalia. Djibouti forces operate within sector 4 in central Somalia which covers the Hiiraan region. View the full article
  7. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in ay maxkamad soo taagtay Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan ) oo ahaa wasiirkii amniga Jubbaland iyo Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray dagmooyinka Doolow iyo Balad-Xaawo oo sida ay tilmaantay ku wada-eedaysan taciyaddo ka dhacay Gobalka Gedo. Labada mas’uul ayaa dowladdu sheegtay in saaka la soo taagay maxkamadda gobalka Banaadir kadib markii xeer ilaalintu ku soo dacwaysay dembiyo kala duwan oo ay ka geysteen degmooyin ku yaalla gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Cabdirashiid Xasan CabdiNuur(Cabdirashiid-Janan) ayaa Bishii hore ciidanka Booliska Soomaaliya soo qabteen isaga oo socdaal ku marayay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday dalka Itoobiya. Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in eedaha loo haysto Wasiirkii Amniga Jubbaland soo dhameystirayso Waaxda dambi barista Booliiska ee C.I.D-da sida ay baahisay wakaaladda SONNA. PUNTLAND POST The post Wasiir Janan oo maanta la soo taagay maxkamadda gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta waxaa Maxkamada Gobolka Banaadir la horgeeyay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) kaas oo dowladda Soomaaliya ay xirtay. Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) iyo Buulle Aadan Maxamed, ayaa la horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir waxaana loo heystaa eedo la xiriira dad rayid ah oo lagu laayay Degmada Doolow. Faahfaahin dheeraad ah lagama helin qaabka ay u dhacday maxkamad soo taagitaanka Cabdirashiid Janan. 1 September ayaa Garoonka Aadan Cadde laga qabtay Cabdirashiid Janan xilli uu kusii jeeday Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya. Xariga ay Dowladda Soomaaliya u geystay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) ayaa waxaa horay uga dhashay banaanbaxyo ay dhigayeen Shacab kasoo horjeeda xarigiisa. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuu Cabdirashiid Janan yahay dambiile isla markaasna cadaaladda la marsiin doono. Hey’adda Amnesty International ayaa horey u sheegtay inay soo dhaweeneyso xariga Cabdirashiid Janan, waxayna ka codsaatay Dowladda in cadaaladda la hor geeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa shaaciyay in uu ka laabtay go’aankiisii ahaa in uu ka qayb galayo caleemo saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ka dhacaya magaalada Kismaayo. Waxa uu sheegay in culays badan kadib uu aqbalay in aanu tagin shirkaasi. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland ayaa cafiyay dhammaan ciidamada la socda Kornayl Siciid Cawil Caarre, oo muddo ka soo horjeeday Somaliland. Sidoo kale Caarre, ayaa lagu xidhay isaga shuruud ah in uu soo dalbado Cafis madaxweyne. Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda dhaqanka Beesha uu ka soo jeedo Caarre, ayaa maanta kulan ku yeeshay guriga madaxweyne Biixi, oo Heshiiskaasi gaadhay. Source
  11. Xisbiga Himilo ayaa maanta waxaa uu dacwad ka dhan ka ah laanta fulinta u gudbiyey maxkamadda sare ee JF ee Soomaaliya. Bayaan Saxaafadda lala wadaagay ayaa lagu bilaabay”Sida aad la socotaan 22-kii September 2019-ka, wafdi ka tirsan xibiga Himilo Qaran oo uu hoggaaminayey madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, xildhibaanno uu ka mid yahay guddoomiyaha xisbiga Saleebaan Maxamuud Xaashi iyo xubno kale oo ka tirsan mas’uuliyiinta xisbiga ayaa is hor istaag aan sharciga waafaqsaneyn lagu sameeyey diyaarad ay u raaci lahaayeen magaalada Kismaayo. Sidoo kale waxaa bayaanka xisbiya Himilo ka soo baxay ku xusnaa “Haddaba iyada oo la duulayo ilaalinta karaamada uu leeyahay muwaadinka Soomaaliyeed, dhowrista shareynta sharciga dalkeenna u yaalla, xurmada ay mudan yihiin madaxdii dalkan xilliyo adag soo hogaamisay, waxaa xisbiga Himilo qaran go’aansaday inuu sharciga la tiigsado laanta fulinta ee bixisay markii is hor istaagga ahaa ee lagu sameeyey wafdigii madaxweyne Shariikh Sheekh Axmed oo safar shaqo ugu socday caasimadda KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland ee Kismaayo arrintaan oo aan u aragno ku tumasho sharuucda dalkeenna u yaalla gaar ahaan qodobada hoos ku xusan: Qodobka 10aad oo ka hadalaya karaamada aadanaha, qodobka 21aad ee xuriyadda isu socodka, 33 go’aannada maamulka, 70aad oo ka hadalaya xasaanada xildhibaan. Ugu dambeyntii, Himilo waxaa ay codsatay in xisbiga helo cadaalad Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Xisbiga uu hormuudka ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa dacwad ka dhan ah Xukuumada Federaalka waxay u gudbiyeen Maxkamada Sare. Waxay [...] Source
  13. The Federal Government of Somalia has launched a complaint with the International Civil Aviation Organisation (ICAO) over violations of its airspace by neighboring Kenya. The protest follows passenger aircraft from Kenya breached Somali Civil Aviation Authority rules by directly flying to the port city of Kismayo without a stopover in the capital, Mogadishu. Officials from the Somalia Civil Aviation Authority (SCAA) confirmed that they submitted their complaint to the International Civil Aviation Organization (ICAO) over Nairobi’s behavior. Ministry of Transport and civil aviation directed all international flights to Kismayo in the Jubbaland state to make a stopover at Aden Abdulle International Airport last month. Aircraft with registration number 5Y-JXJ which operates under Air Operator License (AOC) from Jubba Airways landed in Kismayo from Nairobi on Saturday with some members of parliament and opposition politicians on board. The politicians want to attend the inauguration ceremony of the disputed election of the regional leader, Ahmed Mohamed Islam. The new grievance by Mogadishu comes days after Somali and Kenyan officials met in Mogadishu to strengthen bilateral ties despite disputed maritime border cases at the International Court of Justice in Hague, the Netherlands. The Federal Government has rejected a request by Kenya to delay the case for at least one year. View the full article
  14. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan maxamed Lafta-gareen oo Safar Qaatay Maalo Ugu Maqnaa Magaalada Muqdisho ee Casimada Dalka ayaa Maanta Dib ugu soo Laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, Safarka Madaxweynaha uu ku Tagay magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa Ahaa Ka Qeyb-galka Shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka Kaasi oo Maalmo Socday loogana Hadlayey tubta siyaasadda loo dhanyahay, tubta horumarinta dhaqaalaha, tubta horumarinta arrimaha bulshada iyo tubta amniga iyo caddaaladda. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa intuu joogay Muqdisho Waxa uu kulamo kala duwan la Qaatay Safiirada Safaaradaha Qatar, Maraykan, Jabuuti iyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan Muhiimada kulamadaasna Waxay ahaayeen Sidii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed looga Tageeri Lahaa Arimaha Howl-galada, Dib u dhiska Ciidanka, Dardar gelin Mashaariicda iyo Shaqo Abuur loo Samaynayo Dhalinyarada Reer Koonfur Galbeed. Madaxweynaha ayaa Waxaa Garoonka Diyaaradaha Degmada Baydhabo kuso Dhoweyey masuuliyiin ka kala socotay Labada Gole ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Oo ugu Horeeyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabduqaadir Shariif Shekhuna Maye. So Dhoweyn ka Dib Wafdiga Madaxweynaha uu Hogaaminayey oo ay Qeyb ka ahayeen Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Maaliyada, Dekedaha, Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur galbeed iyo Xubno kale ayaa loo Gelbiyey Xarunta Aqalka Madaxtooyada kumeel Gaarka ee koonfur galbeed. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Cabduqaadir Shariif Shekhuna Maye oo Warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweynta wafdiga kadib Waxa uu ka Warbixiyey Xaaladaha Degaanada Koonfur Galbeed Maadama uu ahaa Kusimaha Madaxweynaha Waxaana uu Xusay in Naxariiste Eebe ku unkatay Qeybo kamid ah Deegaanada Koonfur Galbeed oo roobab ay dad kudiirsadeen ay da’een qeybo kamid ah deegaanka. Madaxweynaha Dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo isna hadlay ayaa ka Warbixiyey Safarkii uu kutagay Muqdisho iyo Ka Qeybgalkii Shirka Madasha Wadatashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, isagoo xusay in shirkaas uu Muhiimada gaar ah ulahaa Bulshada Reer Koonfur Galbeed Waxaana uu Sido kale Tilmaamay in Kulamadi uu lasoo Qaatay Safiirada Qaar ay ahaayeen kulamo looga hadlayey Sidii Mashaariic Horleh looga Hirgelin lahaa Gobolada Koonfur Galbeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  15. Puntland President Said Abdullahi Deni met a delegation from UNSOM and IGAD in Bosaso on Saturday, according to the presidency. The process of rebuilding Somalia and strengthening the political stability of the country was discussed in the meeting between the president and visiting UN and IGAD officials. President Deni briefed the UNSOM deputy head Raisedon Zenanga and IGAD envoy Ali Guyo about the current humanitarian situation in disputed areas in northern Somalia. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta shaaciyey inuu dacwad ka dhan ah laanta fulinta u gudbiyey Maxkamadda Sare dalka. Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah golaha aqalka sare, sidoo kalena ah xoghayaha warfaafinta xisbiga Himilo Qaran oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dacwaddaasi ay la xariirto xayiraadii dhowaan la saaray Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay doonayaan in lagu kala boxo cadaaladda, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay kiiskaasi. Waxa kale uu ku eedeeyey dowladda dhexe in si aan sharciga waafaqsaneyn ay ula dhaqantay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. 22-kii bishii hore ayey aheyd markii dowladda federaalka ay is hortaag ku sameysay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe. Tallaabadan ayaa waxaa si isku mid ah u cambaareeyey hoggaanka xisbiyada mucaaradka, iyaga oo dowladda dhexe ku eedeeyey inay jabineyso sharciga u yaalla dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in goor dhow halkaasi ku dagaallameen ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi iyo sidoo kale ciidamada Jabuuti (Hiil-walaal) ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan qaabka uu dagaalkan ku bilowday, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidanka Booliiska ay diideen daminta isgaarsiinta degmada Jalalaqsi si ay Hiil-walaal u sameeyaan howlgal miino baaris ah. Muuse Salaad, taliyaha Booliiska degmada Jalalaqsi oo isna la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in dagaalkan uu yimid kadib markii ciidamada Jabuuti isku dayeen in dad ku xirnaa saldhigga ay awood uga saaraan, ayna iska difaaceen, waa sida uu hadalka u dhigaye. Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashay, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos-goos ah oo dhaceysa. Ciidamada Jabuuti ayaa lasoo sheegayaa in haatan ay ku sugan yihiin meello badan oo ka mid ah degmada Jalalaqsi, waxaana xilli walba laga cabsi qabaa in mar kale dagaal uu dhinacyadan dhex-maro. Waxaa yaraaday dhaq-dhaqaaqyadii shacabka ee degmada Jalalaqsi, sidoo kalena waxaa xiran qaar ka mid ah xarumaha ganacsiga ee magaaladaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Guddoomiyaha gobolka Guardafui Maxamuud Axmed Caynab iyo wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda puntland Faarax Maxamuud Cawaash ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay in dib loo helay doonni nooca kalluumeysiga ah oo todobaadkii hore lagu waayay xeebaha Badda Cas. Guddoomiyaha Guardafui ayaa sheegay in doonnida la waayay Isniintii todobaadkii hore kadib markii ay ka baxday xeebta degmada Bareeda ee gobolkaasi balse saaka dib looga helay meel 70mile u jirta xeebta degmada Boosaaso. Sidoo kale wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash oo isna la hadlay Puntland post ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen 8 shaqaale ah oo isugu jira 5 Soomaali ah hal qof oo Kenyan ah iyo laba Carab ah. Mudane Cawaash ayaa xaqiijiyay in dhammaan rakaabkii saarnaa doonnidaasi ay bad-qabaan. Wasiirka ayaa sheegay doontan ay heshay doonni kale oo ganacsi kadibna la cillad bixiyay, islamarkaana ay safarkeedi ku wajahnaa magaalada Mukalla ee dalka yemen ay sii wadatay. Halkaan ka daawo codka guddoomiyaha Guardafui Puntland Post The post Puntland: Doonni kalluumeysi oo lagu waayay xeebaha Badda Cas oo saaka dib loo helay appeared first on Puntland Post.
  19. Beledweyne (Caasimada Online) -Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka amar qaata maamulka degmada Jalalaqsi iyo kuwa Jabuuti ee ka howlga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii Booliska degmada ay diideen in la damiyo isgaarsiinta, si loo sameeyo howgallo miino baaris ah. Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu dhexmaray iska hor imaad sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aan la cadeyn karin inta uu la’egyahay. Sidoo kale ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dagaalkaasi lagaga adkaaday ciidamada maamulka Jalalaqsi, iyadoona laga saaray degmadaasi Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ayaa lagu soo warramayaa in ay la wareegeen dhammaan xarumaha maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dagaalkaasi. Shalay ayey aheyd markii ciidamada Jabuuti ay is hortaag ku sameeyeen guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Beledweyne, Mudane Muxumed Cali Dhagagaab, xilli uu doonayey inuu gudaha ugalo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  20. Waxaa lagasoo xigtay Xukuumada Federaalka Soomaaliya inay tiri Jubbaland Diyaarad Masoo iibsan karto. Waxay kaloo Xukuumadu sheegtay in Hadii Diyaarad lasoo iibsanayo loo baahan yahay [...] Source
  21. Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose tagaan wufuud kala duwan, kuwaasi oo doonaya iney ka qeybgalaan caleema-saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Sida wararka aanu ka heleyno waxaa Kismaayo ku wajahan, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo lagu casuumay ka qeybgalka caleema-saarka madaxweynaha Jubbaland. Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in wufuuddan ay ka kala tagi doonaan magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, waxaana jira kuwo kale oo dhanka Nairobi ka imaan doona. Shalay waxaa Kismaayo gaaray madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo K/galbeed, waxaana diyaaraddii ay la socdeen saarnaa sidoo kale xildhibaanno. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in garoonka magaaladaasi uu qarka u saaran yahay inuu xirmo. Roobkii dayrta ee ka curtay gobolka Hiiraan ayaa sababay in biyo badan dhigo garoonka B/weyne, waliba dhabaha ay ka duulaan diyaaradaha. Sida ay inoo sheegeen dad ku sugan garoonkaasi, casbida ayaa ah in haddii roob kale oo biyo badan wata yimaado in duulimaad oo dhan aan rajo laga qabi doonin. Sanad walba sidan oo kale ayaa markii roobabka curtaan u biyo dhigmaa garoonka B/weyne, iyadoo maalmo badanna hakad galo duulimaadyada garoonkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa saaka socdaal ugu baxay magaalada Muqdisho. Galaydh, ayaa sheegay in socdaalkiisu yahay mid gaar ah marka uu soo dhammaystana uu ku soo laaban doono magaalada Hargeysa. Socdaalka Cali Khaliif, ayaa ku soo beegmaya iyadoo xukuumadda madaxweyne Biixi, aanay weli fulin heshiiskii dhexmaray Khaatumo iyo Somaliland. Source