Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu saxiixo sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer. Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiiso Munaasabad ka dhacaysa madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya. Agaasime ku xigeenka warfaafinta madaxtooyadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Xaashi oo ka la hadlay warbaahinta dowladd ayaa sheegay in sharcigaan inuu yahay mid muhiimad gaar ah u leh dalka. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa gelinka dambe lagu wadaa inuu saxiixo sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer. Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay ayaa saacadaha soo socda la filayaa in lagu qabto xarunta madaxtooyada Qaranka, taas oo lagu meel marinayo sharcigaasi. Sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka musuqmaasuqa oo soo maray heerar kala duwan ayaa ugu dambeyn maanta oo Sabti ah lagu wadaa in qalinka uu ku duugo Madaxweyne Farmaajo. Sharcigan ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka, islamarkaana xilligan loo qabo baahi weyn guud ahaan Soomaaliya. Haddii uu dhaqan galo sharcigan weliba sidii loogu tala galay ayaa waxaa uu wax ka bedali doonaa arrimaha musuqa ee ka jira ee hay’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa baaq culus u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed. Mr Swan oo soo saaray War-Saxaadadeed ku aadan maalinta nabadda adduunka oo maanta ku beegan ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xoojiyo nabadda. Halkan hoose ka aqriso: “Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer usoo joogeen. Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha. Nabad waarta waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan go’aankooda ah inay kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay. Golaha loo Dhanyahay ee Qaaramada Midoobay ayaa aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda sanadkii 1981. Labaatan sano ka dib, 2001, Golaha loo Dhanyahay wuxuu si wada jir ah ugu codeeyey in maalintaas loo asteeyo inay noqoto xilli rabshad la’aan iyo xabbad-joojin lagu xuso, iyo in Maalintaas loogu dabaal-dego [munaasabado] waxbarasho iyo wacyi-gelin dadweyne oo ku saabsan arrimaha la xiriira nabadda. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-21092019.mp3 View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa baaq culus u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed. Mr Swan oo soo saaray War-Saxaadadeed ku aadan maalinta nabadda adduunka oo maanta ku beegan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay xoojiyaan nabadda. Halkan hoose ka aqriso: Iyadoo adduunku xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta ku dhiirri-geliyay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan xaqiijinta nabad waarta oo ka hirgasha dalkooda. “Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer usoo joogeen. Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha. Nabad waarta waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan go’aankooda ah inay kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay. Golaha loo Dhanyahay ee Qaaramada Midoobay ayaa aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda sanadkii 1981. Labaatan sano ka dib, 2001, Golaha loo Dhanyahay wuxuu si wada jir ah ugu codeeyey in maalintaas loo asteeyo inay noqoto xilli rabshad la’aan iyo xabbad-joojin lagu xuso, iyo in Maalintaas loogu dabaal-dego [munaasabado] waxbarasho iyo wacyi-gelin dadweyne oo ku saabsan arrimaha la xiriira nabadda. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ahna guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golahaasi, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Maxamed Cabdi Waare iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye. Kulankan oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa ahaa mid is xog-wareysi iyo soo dhaweyn Madaxweynayaasha Maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho. Dhanka kale waxaa kulanka lagu soo qaaday howlgallada ciidanka huwanta ee ka socda gobollada Shabeelooyinka ee maamulladaasi. Waare iyo Lafta Gareen oo maalmo ku sugan Muqdisho ayaa horay ula kulmay qaar ka mid ah madaxda dowladda fedederaalka Soomaaliya. Mas’uuliyiinta ay la kulmeen ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha gobolka Banaadir , Cumar Filish oo ay ka wada hadleen arrimo la xariira ammaanka.
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Somaliland oo kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa si adag kaga hadlay xaaladda ammaan ee deegaanada maamulkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa shir guddoomiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Intiisa badan waxaa diirada lagu saaray arrimaha nabad gelyada, gaar ahaan gobolka Sanaag. Madaxweynaha Somaliland oo madasha ka hadlay ayaa amray saraakiisha hay’adaha amniga in ay ka hortagaan xiisadaha ka taagan gobolkaasi. Sidoo kale wuxuu faray ciidamada amniga inay gacanta ku soo dhigaan dadka ka dambeeya hurinta colaadahaasi. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe xiisado u dhexeeya Jabhado ka soo horjeeda Somaliland iyo sidoo kale ciidanka Puntland oo dhinac kale ah ay ka taagnaayeen deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag. Caasimada Online Xaafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Protesters in central Cairo denounced Egypt’s president, Abdel Fattah el-Sisi, late Friday night. Source: Hiiraan Online
  9. Wasiir Kuxigeenkii wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhaalac) ayaa xalay xilka iska casilay, kadib markii sida uu sheegay ku qanci waayay, fara-galinta dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso doorashada Galmudug. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook oo uu kaga hadlay iscasilaaddiisa, ayuu ku sheegay in hannaanka maamul u dhisidda Galmudug ee ay wado dowladda Federaalka uu yahay mid baal marsan rabitaanka Shacabka Galmudug iyo Dastuurka dalka, taasina ay keeni karto dib u dhac siyaasadeed. Sidoo kale, wuxuu sheegay in fara-gelinta Villa Somalia ee doorashada Galmudug ay keeni karto amni-xumo iyo in ay kala fogaadan labadii gobol ee ku midoobay dowlad goboleedka Galmudug oo kala ah Mudug iyo Galgaduud sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyay iscasilaadda Wasiir Kuxigeenkii wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee xukuumadda Federaalka. “Waxaan boggaadinayaa go’aanka geesinnimada leh ee uu ku dhawaaqay Wasiir Xil. C/kariin Khaliif Dhalax ee uu isaga casilay xilkii Wasiir Kuxigeen ee uu ka hayey xukuumadda Federaalka, waa go’aan taariikhda u galaya oo sababihiisa maangalka ah wata”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi. Xildhibaan Fiqi wuxuu sheegay in tallaabada uu isku casilay Cabdikariin Dhaalac ay bilow u noqon doonto is casilaada kale, haddii aysan Villa Somalia fara-gelinta ka joojin doorashada dowlad goboleedka Galmudug. “Tallaabada uu isku casilay Mudane C/kariin Dhalac waxay bilow u noqon doontaa is casilaado kale” ayuu sii raaciyay xildhibaan Fiqi. PUNTLAND POST The post Wasiir ku xigeen ka tirsanaa Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay appeared first on Puntland Post.
  10. While Qatar has declared that it will build a new seaport in Somalia, Saudi Arabia has recognised the passport of autonomous Somaliland, amplifying political and ethnic divisions in the country. Source: Hiiraan Online
  11. Justin Hamudala was idling in a Uganda refugee camp less than six months ago. On Friday, he graduated from a training program in St. Paul to become a nursing assistant. Source: Hiiraan Online
  12. Kacdoon la mid ah kii lagu riday Xusni Mubaarak oo ka staadhmay dalka Masar Kumanaan qof oo ah dibad-baxayaal taageeraya dimoqraadiyadda ayaa isugu soo baxay magaalooyinka kala duwan ee dalka Masar, si ay u dalbadaan is-casilaadda madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi. Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dibad-baxayaasha oo ku qeylinaya “kaca, ha cabsanina, Sisi waa inuu baxaa, dadkana waa in dalbadaan inuu taliskan uu dhaco.” Dibad-baxyada ayaa looga soo warramay magaalooyinka Qaahira, magaalada labaad ee ugu weyn ee Alexandria, iyo magaalada Suez. Saraakiil aan xirneyn dharka ciidanka ayaa ka hortagay dibad-baxayaasha oo isku dayey inay tagaan Fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira. Dhowr qof ayaa lagu soo warramay in lagu xiray Qaahira. Dibad-baxyada ayaa yimid kadib markii ganacsadaha iyo jilaaga Masriga Mohamed Ali uu el-Sisi ku eedeeyey musuq-maasuq, uguna baaqay shacabka inay waddooyinka isugu soo baxaan oo ay dalbadaan in xilka laga qaado el-Sisi. “Haddii el-Sisi uusan ku dhowaaqin is-casilaadiisa Khamiista, dadka Masar waxay Jimcaha isugu soo bixi doonaan fagaarayaasha, ayaga oo mudaaharaadaya, “ayuu Ali ku yiri muuqaal la baabhiyey Talaadadii. Kacdoon midkan la mid ah oo dhacay 25-kii Janaayo iyo 11-kii Febraayo 2011 ayaa horseeday inuu xukunka ka dego madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xosni Mubarak. Qaran News
  13. Former Somali child refugee Abdilahi Elmi released from detention in Alberta Source: Hiiraan Online
  14. Guddiga Ku meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka u qaabilsan soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ku sugan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa xalay la Kulmay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland. Ujeedka kulankan ayaa ahaa in guddigu ay madaxda dowladda Puntland la wadaagaan sharciga Doorashooyinka Qaranka ee ay gacanta ku hayaan. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa guddiga uga mahadceliyay sida ay ugu soo bandhigeen Sharciga Doorashooyinka Qaranka iyo sharraxaadda ay ka bixiyeen habka loo diyaarinayo sharcigaasi. Guddiga ayaa hore ula kulmay guddoonka Golaha Wakiilada Puntland oo ay sharraxaad ka siiyeen sharciga Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee gacantooda ku jira iyo sida ay u diyaarinayan sharciga. PUNTLAND POST The post Madaxda Puntland iyo guddiga gacanta ku haya Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya oo Garoowe ku kulmay appeared first on Puntland Post.
  15. Iran ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digtay in la geliyo dagaal ka qarxa Bariga Dhexe, waxayna sheegtay in weerar kasta oo lagu soo qaado ay ka bixin doonto jawaab ciqaab adag leh. Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa sheegay in Trump, oo horey u amray cunqabateeno dheeri ah oo la saaro Iran, uu doonayo in xal nabadeed loo helo xasaradda. Waxa uu hadlayey kadib wada-hadallo uu hogaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka kala yeeshay weerarkii lagu qaaday xarumaha salidda Sacuudiga, kaasi oo Washington iyo Riyadh ay ku eedeeyeen Tehran. Iran waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarka, oo Pompeo uu ku qeexay dagaal lagu qaaday boqortooyada. Pompeo ayaa u muuqda inuu hadalkiisa dabciyey kadib wada-hadalladii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Abu Dhabi, oo ah ninka ay ka go’ado talada Imaaraadka Carabta, oo ah isbaheysiga Carbeed ee ugu weyn ee Sacuudiga. “Waxaan halkan u joognaa inaan dhiso xulufo looga gol leeyahay inay ku guuleysato xal nabadeed. Taasi waa howsheeda, taasi waa waxa madaxweyne Trump uu doonayo inaan ka shaqeeyo, oo aan ku guuleysto, waxaan rajeynayaa in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay sidaas u aragto” ayuu yiri Pompeo. Pompeo ayaa xulufada uu dhisayo ku qeexay “ficil diblomaasiyadeed”, halka wasiirka arrimaha dibedda Iran Mohammed Javad Zarif uu CNN u sheegay in Iran aysan gam’i doonin, haddii ay noqoto inay iska difaacdo weerarka Mareykanka ama Sacuudiga, oo uu sheegay inuu hoggaamin doono “dagaal buux Qaran News
  16. Muddo dheer oo uu jiray loollan baddeed oo gaadhay maxkamadda aduunka iyo weliba golayaasha fadhiyada waddamada caalamka intooda badan, waxaa hadda aad mooddaa In hawshii oo dhammi soo idlaatay, iyadoo ay go’aan qaadashada maxakamaddu ka hadhsantahay muddo kooban. Filashada natiijada iyo weliba sida ay wax u socdaan ayaa u eeg In maxkamaddu ay go’aamin doonto kiiskan iyada oo dib uugu celinaysa lahaanshiyaha badda soomaaliya oo muran laga geliyay. Kenya waxaa fajac ku ah hankii sheegashada badda oo si yar faraheeda uuga baxay, waxaa kaga burburaya hishiisyo badan oo ahaa shidaal baadhis kuwaas oo ay hore uula saxiixatay shirkado caalami ah, waxaa guud ahaan waxba-kama-jiraan noqday qorshayaal mashaariiceed ee ay kenya baddaas kaga xisaabtamaysay. Dhanka kale waxaa daciifaya xidhiidhkii kenya iyo waddamo badan, waxa kale oo adkaanaysa si caadi ah kiisaskii kenya ay hor-gayn lahayd maxkammadda adduunka mar uun haddii wax ku soo kordhaan kenya, sababtoo ah Kenya waxaa si cad u qabanaya ku xad-gudbidda dhul aysan lahyn iyo weliba kenya oo fel-celinteedu noqon doonto mid qallafsan. Waana tan adkayndoonto xidhiidhka Maxkamadda adduunka iyo kenya. Waxaa iyana meesha soo gelaya in kenya ay ka bur-buraan heshiisyadii shidaalka iyo weliba maal-gashiyo ay hawlaheedu ka socdaan gudaha kenya hadda, dhammaan howlahan maal-gashi ee ka socda gudaha kenya waxa ay noqonayaan kuwo dusha ka saaran kenya. Fashilka iyo jabka ka soo gaadha kiiskan kenya, waxa gudaha waddanka ka dhalan-doona kacdoon siyaasaddeed oo culus, kaas oo ay macquul tahay ugu yaraan in uu Meesha ka saaro xukuumaddan hadda talada haysa, waayo dadka waddanka Kenya oo muddoba dhegtu taagnayd oo dawladdan uba arka in dhulkii ay sheeganaysay qayb-qayb loo kala qaatay, waxa ay dadkaasi ku jawaabi-doonnaan kacdoonno siyaasaddeed oo waddankaasi uu galo. Tanna waxaa tusaale u ah howlaha socda iyo sida ay shacabka dhegtu uugu taagantahay. Habkan layaabka iyo amakaaga ku ah maxkamadda adduunka ee ay samaynayso kenya, waa halka waddo ee ay doonayso kenya in ay shacabkeeda ku degto maskaxdooda iyada oo muujinaysa in aysan marnaba raalli ka ahayn kiiska badda, waayo kenya waxay u jeeddaa jawaabta kaga imanaysa shacabkeeda, mana jirto naxariis u dhexaysa shacabka iyo dawladda kenya. Shacabka kenya oo ogsoon in dawladdoodu horre been uugu sheegtay iyo weliba sida dawladdan intii ay jirtay dhulkii kenya ee Waddamada kale ay muran u galeen. Dhulkaas oo ay ka midyihiin kan ay ku maransanyihiin “ kenya iyo Uganda iyo Kenya iyo Tanzania” marnaba shacabku ma yeeli-doonnaan natiijada la filaayo ee ah in dhulkaas loo xukminaayo Soomaliyadii hore u lahayd. Dhinaca kale kenya Waxay ku dhacaysaa ceeb-siyaasaddeed taas oo ah khibradda aan lahayn ka fiirsashada iyo beenta ku dheehan ee ka halleelay kiiska badda soomaaliya, waana tallaabada keenaysa in ay kenya ka baxdo go’aanka maxkamadda ka hor inta aan lugu dhawaaqin natiijada, waana “Guul-darradu inta aysan ku halleelin ka bax garoonka”, balse xeerka maxkamadda oo ah mid hore loo saxiixay in uusan ka laaban-karin waddan ayaa diidaya wax kasta oo ay kenya samaynlahayd maanta. Dhammaan Gal-galashada kenya waxa ay u tahay hal natiijo oo ay dadkeeda beer-laxawsi kaga doonayso, balse arrinku uu noqon doono mid aysan shacabkaasi marnaba ka tanaasulin. XIDHIIDHKA KENYA IYO SOOMAALIYA Dhanka kale go’aan gaadhista natiijadaas waxa ay sababaysaa in uu adkaado cilaaqadka labada waddan ee ay wadaaggaan xadka, tan oo ka imanaysa labada dhinacba. Soomaaliya waxa ay qorshaynaysaa hannaan dhammaystiran oo ay ciidamada Kenya ee ka midka ah midowga Africa ee nabad illaalinta u jooga soomaliya in ay ka saarto gudaha waddanka iyada oo adeegsanaysa xeer sharciyadaysan kaas oo soomaaliya ka illaalinaya in ay ku xad-gudubto qaar ka mid ah xeerrarkii u yaallay iyaga iyo ciidamada ka jooga africa soomaaliya. Waxaa macquul noqon-doona in labada waddan ay galaan saxmad-siyaasaddeed, waxaana meesha aan ka maqnayn in xadka u dhexeeya labada dal uu noqdoono mid ka duwan sidiisii hore. W/Q: Cumar Rodol cumarrodol@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday qorshe ay ciidamo ugu direyso dalka Sacuudiga kadib weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee dalkaas, Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa weriyayaasha u sheegay in daad-gureynta ciidamadan ay tahay “tallaabo difaacid.” Weli go’aan lagama gaarin tirada ciidamada la dirayo. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradaas oo toddobaadkii tagay lala beegsaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro. Hase yeeshee Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa labaduba weerarka ku eedeeyey Iran. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ku dhowaaqay cunaqabteeno “heerkii ugu sarreeyey” ah oo la saarayo Iran, isaga oo sidoo kale tusmeeyey inuu doonayo inuu ka fogaado dagaal militari. Cunaqabateenada cusub ayaa diiradda saari doono Bankiga Dhexe ee Iran, sida uu Trump sheegay. Esper ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ay caawimaad ka codsadeen. Waxa uu sheegay in ciidamadan ay diiradda saari doonaan xoojinta habka difaaca gantaallada iyo hawada, Islamarkaana ay “dedejin doonaan qalab militari oo la gayn doono” labadan dal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Iyada oo ay dowladda Feederaalka ee Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM ay muddo dheer dagaal kula jiraan ururka Alshabaab ayaa haddana waxaa muddooyinkii dambe soo ifbaxayey maleeshiyaad Soomaali ah oo deegaanadooda ka billaabaay dagaal ka dhan ah Alshabaab. Kooxdii labaad oo shacab Soomaali oo iskood iisu abaabulay si ay Alshabaab ula dagaalamaan ayaa la sheegay inay ka hawlgalaaan gobolka Bakool. Mileeshiyadaasi oo lagu magacaabo Cali Qaran oo in muddo ah jirtay balse hadda billowday inay dagaal toos ah la galaan kooxda Alashabaab. “Waxaa nagu kalifay Alshabaab markii ay ummadda dhibaateeyeen dadka waxgaradka ah, culimaa’udiinki iyo malaaqyadi la gowracay oo dadki la baab’iyey hantidoodina faraha lagala baxay oo lagu takrifalaya iyada oo la leeyahay Saka iyo waxaasaa la qaadayaa”, ayuu yiri Cali Abduullaahi Diiriye oo ah hoggaamiyaha maleeshiyadaas oo BBC uga warramay ” ilaaiyo hadda dhawr mar oo ay na soo weerareen oo aan iska caabbinnay iyo deegaanki annaga aan iska aasaasnay oo ay ka fogaadeen, xoolihi ay naga qaadi jireen iyo dadki la gowrici jiray oo loo soo dhici jiray oo aan ka badbaadnay, wax badan baa noo nabad galay” ayuu sii raaciyey Cali Cabdullaahi Diiriye. Mileeshiyadan oo aasaaskeegi ugu horreeyey looga yeeri jiray ‘Cali Qaawane’ magacaasi ayey maleeshiyadu muddo kaddib u baddaleen Cali Qaran. “Marki hore ‘Cali Qaawane ayaan la baxnay’ marki aan nimanki iska caabbinnay wax saka ah iyo wax xadgudub ah nagula sameeynin, magacan cusub ee ‘Cali Qaran’ waxaa noo bixiyey madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo” ayuu yiri. Xubnaha ka tirsan maleeshiyaadka waxay sheegeen in ay si iskood ah isku abaabuleen si ay dagaal ula galaan ururka Al Shabaab. Dowlad Federaalka Soomaaliyana waxay garab siisaa mileeshiyaadka Alshabaab la dagaallama ee iskood iisu abaabula oo ay ka mid yihiin miliishiyada Cali Qaran iyo kuwa kale oo horay u jiray oo ay ka mid tahay Mileeshiyada Macwiisleyda ee gobolka Hiiraan. Waa kuwama “Macawisleyda” dagaalka kula jirta Al Shabaab? Maleeshiyaadka “Macawisley” ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya. Dagaallada u dhexeeyay Al-Shabaab iyo malleeshiyaadkan isbeheystay ayaa ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo deegaanno hoostago gobolka Hiiraan. Labada dhinac, waxaa dagaallada uga dhintay dagaallamayaal badan. Ninkii hoggaamin jiray “Macawisleyda” ayaa lagu dilay weerar Shabaab iyo malleeshiyada ku dhexmaray degmada Aaadan Yabaal, bishii Oktoobar ee sannadkii lasoo dhaafay. Malleeshiyaadkan waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan in “shacabka deeganadaas ay ururka Al Shabaab ka qaadaan canshuuraha iyo in kooxda ay carruutoodu ciidan u qortaan”. Xigasho: BBC Somali
  19. Somali politics has always been top-down and governed by a very few elite who were given the privilege of power and governance by clan or by the military under the Said Barre regime before the Somali state collapsed. Somali history or what Source: Hiiraan Online
  20. As the Somali state and its societies fractured during the last thirty years, Djibouti, its people and leadership has been a beacon and pillar Source: Hiiraan Online
  21. The leader of Somali Islamist group Al-Shabaab, Ahmed Diriye, issued a rare audio message on Thursday night, accusing the West of pillaging the country’s natural resources and criticising Kenya’s claim on disputed maritime waters. The message, his first audio missive since 2016, refers to recent events such as contentious elections in the semi-autonomous state of Jubaland at the end of August. OIL WELLS “There seems to be an increase in the invasion led by the United States and Britain,” Diriye said in the 20-minute message circulated on pro-Shabaab websites. “Hostility by Christians against Muslim society has increased. The objective of this hostility is to loot the oil wells in the country and other natural resources such as fish, and to hand our oceans over to Kenya and Ethiopia,” he said. Kenya and Ethiopia are both part of the African Union’s peacekeeping mission in Somalia, Amisom, which has been deployed since 2007 to support the fragile central government and played a key role in pushing the Shabaab out of much of southern Somalia. Diriye, who succeeded Ahmed Godan after he was killed in an American drone strike in September 2014, in particular criticised Kenya, which is involved in a diplomatic spat over its maritime border with Somalia with possibly lucrative Indian Ocean oil and gas reserves at stake. The disputed region covers more than 100,000 square kilometres where Kenya has already granted exploration permits for three oil blocks, a move the Somalis are contesting. Somalia has taken the case to the International Court of Justice, the UN’s highest court, which will begin hearing it in November. ICJ DECISION “We are informing our Muslim nation that the Mujahideen will never accept, and are against any decision made by the so-called International Criminal Court,” said Diriye. “We tell the world that we don’t compromise on our oceans and we need our society to be aware that Kenya has already engulfed a large swathe of our territory before aiming for the maritime claim.” Al-Shabaab considers that part of north-eastern Kenya — historically inhabited by ethnic Somalis — should be returned to Somalia. Since Kenyan forces deployed to Somalia in 2011, the Shabaab have carried out several deadly attacks on its soil, the latest on January 15 against an office complex housing the Dusit hotel, which left 21 dead. Source: Daily Nation
  22. Qaahira (Caasimada Online) – Kumanaan qof oo ah dibad-baxayaal taageeraya dimoqraadiyadda ayaa isugu soo baxay magaalooyinka kala duwan ee dalka Masar, si ay u dalbadaan is-casilaadda madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi. Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dibad-baxayaasha oo ku qeylinaya “kaca, ha cabsanina, Sisi waa inuu baxaa, dadkana waa in dalbadaan inuu taliskan uu dhaco.” Dibad-baxyada ayaa looga soo warramay magaalooyinka Qaahira, magaalada labaad ee ugu weyn ee Alexandria, iyo magaalada Suez. Saraakiil aan xirneyn dharka ciidanka ayaa ka hortagay dibad-baxayaasha oo isku dayey inay tagaan Fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira. Dhowr qof ayaa lagu soo warramay in lagu xiray Qaahira. Dibad-baxyada ayaa yimid kadib markii ganacsadaha iyo jilaaga Masriga Mohamed Ali uu el-Sisi ku eedeeyey musuq-maasuq, uguna baaqay shacabka inay waddooyinka isugu soo baxaan oo ay dalbadaan in xilka laga qaado el-Sisi. “Haddii el-Sisi uusan ku dhowaaqin is-casilaadiisa Khamiista, dadka Masar waxay Jimcaha isugu soo bixi doonaan fagaarayaasha, ayaga oo mudaaharaadaya, “ayuu Ali ku yiri muuqaal la baabhiyey Talaadadii. Kacdoon midkan la mid ah oo dhacay 25-kii Janaayo iyo 11-kii Febraayo 2011 ayaa horseeday inuu xukunka ka dego madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Xosni Mubarak. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  23. Cabdikariin Khaliif Dhalac oo ah Xildhibaan DF isla markaasna ah Wasiirku Xigeenkii Xanaanada Xoolaha ayaa Ida dilay maanta. Dhalac oo Bartiisa Facebooka isku casilay wuxuu [...] Source
  24. Dhakhaatiir Ganacsata, Dawo Dhooban suuqyada, Dhibta shacabku qabo iyo Dhoohanaanta Dowladda Jamhuuriyada Somaliland waa Dal aan weli aqoonsi caalamiya helin, Mana aha Dal xidhiidh caalamiya oo xiddidaystay la leh wadamo badan, Somaliland waa Dal dakhligiisu hooseeyo, oo kamid ah dalalka aduunka ugu dakhliga yar, Hase ahaatee Somaliland waa Dal DADKIISU firfircoon yihiin oo ay furfuran yihiin, kuna Wanaagsan baayacmushtarka, waxayna xidhiidh ganacsi la leeyihiin dunida dacaladeeda, iyaga oo u kala goosha dalal badan si ay uga soo waaridaan shixmado ganacsi,waxayna safar ugu kala baxaan dunida afarteeda gees,waxa jira kenbeniyo dad reer Somaliland ahi leeyihiin oo xidhiidh caalamiya laleh dunida laamana kuleh wadamo badan, Jamhuuriyada Somaliland hada waxa ka socda ganacsi maalinba maalinta ka danbaysa kobcaaya kaas oo ay Ganacsato shuraako ah iyo kuwo keli keli ahba leh, Ganacsiyada sidda xawaaraha u kobcaaya waxa ka mid ah Hudheelada, dhismaha, iskuulada. Se ganacsiga xawaaraha uu ku socdo xadhkaha goostay waa baayacmushtarka Caafimaadka. DHAKHAATIIR GANACSATA ayaa soo baxday oo siddii shaarshaarida shillin eryanaaya, Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland Waxa aad ugu soo badanaaya goobo caafimaad oo gaar looleeyey iyo farmasiiyo iyo shaybaadho intaba gaar looleeyey oo goobo ganacsi ah, dhamaan Dhakhaatiirta u diwaan gashan inay u shaqeeyaan dawladda, mid aan lahayn goob caafimaad oo uu gaar u leeyahay ma jiro, waxaad arkaysaa Dhakhtar jooga goob caafimaad sidda dhakhtarada Dowladda oo ku odhanaaya xagan sifiican wax laguuguma qabanaayee, hodhaw goobtayda kaalay, halkii ruuxa danyarta ah uu u eegi lahaa ee dawada jaban ama bilaashka ah ee dawlada siin lahaa ayuu baayacmushtar ka eegayaa, oo halka dhakhtarkan dawlada bilaashka uu ku arkaayo kiisa waa inuu tigidh u goostaa 10 doollar ama in ka badan ah, oo uu ku arkaayo, dawadii iyo sheebaadhkuna u dheer yahay, yaalaa dawada ay hayaan farmasiiyaha Dhakhaatiirtu gaarka u leeyihiin waa kuwo haya Dawooyinka yaala dhakhtarada Dowladda oo kale, waxa aad arkaysaa goobo caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ay ka shaqaynayaan shaqaale da’doodu aad u yartahay, waxa aad arkaysaa farmasiiyo ay caruur da’yar ay hayaan oo ay dawada kaa iibinayaan, Siddoo kale haddii iraab laguu qoray ay kugu mudayaan, haddii dhaymo u baahantahayna ku dhayaaya, maxaayeelay waa goob ganacsi oo qoys leeyahay oo ubadka qoyska lagu carbinaayo si ay ganacsiga qoyska uga qayb qaataan, waxa kale oo Dalka kusoo badanaaya Dhakhaatiir ajahanabi ah oo debeda lagasoo waarido iyaga oo mudo kooban Dalka jooga, oo mudadaa waxa ay ku fuliyaan Qaliin, baadhitaan, iyo daweyn, Hadaba mudada waxay qalaan dad tiro badan, dadkii oo aan bogsan oo aanay eegin in qalniinkii wax u kordhiyey iyo in uu waxyeelo dheeraad ah u gaystay, ayey Dalka ka dhoofaan, ileen waa Dhakhaatiir Ganacsato ahe. DAWO DHOOBAN SUUQYADA oo meel laga maro lahayn ayaa iyana jirta, waxa aad moodaysaa in Somaliland tahay goobta lagu sameeyo Dawooyinka, xadiga Daawo suuqyada wadhan owgeed, waxa jirta in dawadii noqotay shixmad baayacmushtar oo ruux kastaa keeni karo, taas oo sabab u noqotay in Dawooyin bug ah ama faalso ah Dalka lakeeno, sidda aynu ognahay dunida waxa ka jira kooxo maafiyo ah oo foojari gareeya wax wal oo la sameeyo si ay Cid u caameeyaan, waxyaabaha aadka iyaga oo bug ah lasameeyo Dawooyinka ayaa u badan, siddaa laajigeed ruuxa ganacsatada ah Hadduuna aqoon u lahayn waa lacaamayn, Siddoo kale shacabku waa danyar oo ma iibsan karaan Dawooyinka tayada leh ee qaaliga ah, ruuxii baayacmushtariga ahaana wixii kasoconaaya ayuu soo waaridayaa ha ahaato bug ama macmal Mar haddii raqiis tahay kana soconayso, Waxaad arkaysaa dilaaliinta u dhigdhigaaya farmasiiyada iyo goobaha caafimaadka ee gaarka looleeyey Dawooyin sidda bagaashka loo xaraashaayo, iyada oo dilaaliintu leh intaa ku fasax adigana intaas ayaa kuugu jiree, nasiibdaro dilaalku aqoon umalaha dawada Mana sharixi karo wax tarka iyo waxyeelada ku lifaaqan ee dawadaasi sababi karto, se waxa uu doonayaa in dawadaas ay socoto oo la iibsado, waxa aad arkaysaa dad loo qoraayo bushqado Daawo ah, kuwaas oo sababi kara in ruuxa waxyeelo ka weyn gaadhsiinkara ta ay Daawo ahaan ugu qaadanayaan, haddiiba aanay qudh-gooyaba ku noqon, waxa aad arkaysaa ruux antibaayotig (antibiotic) kiish loogu miisay oo dhowr bilood quudo lagu yidhi, waxyeelo ba’an ayey Shacabka u gaystaan Dawooyin si qaldan loogu qoray, kuwo dhacay, qaar tayadoodu hoosayso iyo Dawooyin bug ah oo Cid samaysay la aqoon oo digo iyo danbaska ah, Dawooyinka ilaa xitaa wadhatooyinka ayaa bacadka la fadhiya, oo Waxaad arkaysaa kaar-jabin siddii tamaandho laysku dul saarsaaray oo wadhato iibinayso ama kabadhe kaaryoonle ahi, Dawo haddii Dhakhtar iyo farmasii lagu ogaa maanta suuqyada waa Dawo wararac. DHIBTA SHACABKU QABO oo Runtii laga gayoonahay soo bandhigeeda, hase ahaatee ta mudooyinkan danbe aad looga dayrinaayey waa waxyeelada loo gaysto Dadka, looguna geesto goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay, iyo siddoo kale dhakhtarada ajahanabiga ah ee Dalka intay mudo cayiman ku nagaadaan, haddana ka fulinaaya qalliino nolol badal ah, oo iyana Hagardaamo, waxyeelo naf iyo maalba leh u gaysta Shacabka, waxa aad arkaysaa inta ruux ee qalliin lagu sameey oo iyagii oo kasoo kaban qalliinka, bogsasho warkeed daaye, uu dhakhtarkii Dalka ka dhoofay dibna loo arag, waxa aad arkaysaa dad iyaga oo aan baadhitaan loo samayn iraab iyo kiniin lagu billaabayo, waxa aad maqlaysaa hebel ama heblaayo wey dhinteen oo Dawo khalad ahbaa lagu muday ama la liqsiiyey, waxa aad arkaysaa dad ka cabanaaya goobaha caafimaadka gaarka looleeyey oo leh Dhakhtaro maaha oo waa siddii Arbeerko oo kale Qolal iyo Sariiro loo kiraynaayo, dadbaa ku odhanaaya saacad heblaayo marka lagaadho waa in aad sariirta banaysaa, haddii ruux umushay tahay oo aanay khidmadii hayn inta ay soo qaadayso ilmaha ayaa laga Rahmayaa!. DHOOHANAANTA DOWLADDA kahaysata xaaladaha murugaysan ee Dalka gudihiisa ka taagan sidda ay u mooganyihiin ee aanay uga warhayn Dhibaatooyinka uu shacabku qabo, waa wax laga xumaado, waana masuul-daro, siddaynu ognahay waxa qudha ee aan la iibsan karin waa naf, Naftuna waa Nolosha, noloshuna waxay nolol kuu tahay waa caafimaad qabka, siddaa laajigeed shacab caafimaadkooda laga war hayaa waa shacab rajo iyo Dan laga leeyahay, waxay u muuqataa in Xukuumaddii gabtay shacabkii, iyada oo aynu ogsoonahay in 96% Shacabka Somaliland aynan ku tiirsanay Dowladda oo aynan ka helin wax gargaar iyo Guno toona, se xaga kale Xukuumadu 100% waxay wax ka heshaa waa Shacabka ha ahaato cashuurta ay ka qaado ama waxa deeqbixiyaashu ku bixiyaan madaxda Ummada, hase ahaatee Xukuumadu Waxaad moodaa inay moogantahay taa, sababta oo ah in aanay hoos u eegin shacabka duruufaha haysta iyo sidday xitaa ajahanabi tabtii caruusadihii wax lagu bari jiray intuu u qalqalo iyagii oo kala wadhan lasii galbinayo ee Dalka ka huleelaya, Sidda wasaarada caafimaadku uga gaabisay dabagalka Dawooyinka Dalka soo gala iyo inay baadhaan dawooyinku inay Dawooyin sax ah yihiin, in Dhakhtaradan dadkii danyarta ahaa dhiig miiranaaya ee lacagta lagu arkaayo inay Ummada ka qabato, oo Dawooyinkan siddii bagaashka loo keenaayo sharci u dejisaa, oo ajahanabigan Dadka ku barbaranaaya ka joojisaa, Hadal iyo dhamaan haddii xukuumaddii iyana baayacmushtari noqoto Dal iyo Dad masii jiro doono, waayo shacabka intiisa badani aadbuu u jilicsanyahay oo abaarihii iyo biyo la’aantii ayuu dalag iyo dunyaba ku waayey ciddina umay guntan, iminkana caafimaadkoodii ayaa ganacsi galay oo wadaado iclaajlayaal ah iyo Dhakhaatiir Ganacsata iyo Dawo Dhooban suuqyada ayaa isku kaashaday oo Runtii dhib ayey qabaan ee waa in dowladdu dadkeeda xaalaysaa. Illaahay baa Mahad leh Midnimana Somaliland Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  25. The Somali Camel Boy by Nur Abdi Where simply yawning can be a crime… Ali belongs to a camel-herding family of the Sudi clan, in a Somali society riven by ancient clan rivalries. When members of the rival Duki clan kill his father and steal his herd, Ali walks all the way to the capital town to start a new life. The ruling government, however, is dominated by the Duki; its actions are murderous, its rulings arbitrary, and its target the Sudi clan. Ali is arrested, imprisoned, brutally beaten, and tortured. He manages to flee to Toronto, where he is assisted by two members of his clan. Celebrating his new freedom, his family now with him, this self-willed but simple camel boy is still obsessed with one mission: to avenge the murder of his father by killing a Duki. Even in Toronto. Tragic, yet hilarious at times, as the camel boy negotiates the ways of his new life, this novel provides a rare insight into the complexities and conflicts of our world. About the author: Nur Abdi grew up in the territory now known as Somaliland. In the 1980s, when a civil war was raging in Somalia, he sought refuge in Canada and became a citizen in 1994. Opposing the repressive government ruling Somalia at the time, Abdi wrote articles in newspapers and magazines. He lives in Toronto. This is his first novel. This launch event is part of the Toronto Lit Up programme which is designed to spotlight new works and empower Toronto’s writers. Toronto Lit Up is funded by the Toronto Arts Council and spearheaded by Toronto International Festival of Authors  Qaran News