Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Ingiriiska ayaa weli ku dhegan mawqifkeeda ah in dalalka gobalka ee Afrika ay horseed ka noqdaan aqoonsiga Somaliland iyo heshiis dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya. Tifaftiraha wakaalada wararka ee Thomson Reuters Foundation Belinda Goldsmith oo dhawaan socdaal ku timid Somaliland ayaa diyaarisay warbixin dheer oo xiiso badan oo ay ku soo bandhigtay saamaynta isbedelka cimilada ay ku yeelatay Somaliland. Warbixinta waxa lagu sheegay baahida ay Somaliland u qabto aqoonsi caalami ah oo ay kaga bixi karto xaaladda dhaqaale iyo nololeed ee ay ku jirto, iyadoo haddii la aqoonsado ay dunida ka heli doonto maalgashi caalami ah oo ka qayb qaadan doona horumarka. Wasiirka horumarinta deegaanka Marwo shukxi Xaaji Baandare oo Reuters ay la kulantay ayaa sheegtay in isbedelka cimilada laga dareemay Somaliland, waxase ay xustay in dadka reer Somaliland tashadeen, “Waa ummad dhaqaaqday,”ayey tidhi Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Bandare oo xafiiskeeda ugu warrantay Thomson Reuters, waxaanay intaas ku dartay; “Isbeddelka cimiladu dhab ahaan waa laga dareemayaa Somaliland, waana arrin masiibo ah.” Guddoomiyaha Hay’adda ka hortagga masiibooyinka iyo Keydka Raashinka Faysal Cali Sheekh, ayaa sheegay in Somaliland wajahayso caqabado badan oo ay ka mid yihiin saboolnimo iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo hooseeya. “Ma lihin wabiyo iyo meelo kale oo biyaha aanu ku qabsanno, waxay nolashayadu ku tiirsan tahay gabi ahaanba roobka. Mana helo deyn aanu ka soo qaadanno dalalka caalamka,”ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh oo u Warramay Thomson Reuters. Waxa kaloo Wakaaladdu intaas ku dartay in 50% dadka ku dhaqan magaalooyinka iyo 64% ku nool miyiga Somaliland ay yihiin dad danyar ah. Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ah haweenaydii u horreysay ee noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay in nolol dhaqameedkii reer guuraagu ay baaba’day. Marwo Edna Aadan waxay ku dooday in halganka Somaliland ugu jirto aqoonsigu uu muhiim u yahay mustaqbalka dalka. “Marka lagu aqoonsan yahay, dadku way kuu imanayaan si ay kuu maalgashadaan,”ayey tidhi Edna Aadan. Wakiilka Somaliland ee Ingiriiska Ayaan Maxamuud, ayaa sheegtay in haddii la aqoonsado Somaliland iyo haddii kaleba ay shacabku samaynayaan horumar, “Haddii nala aqoonsado iyo haddii kaleba waxaannu nahay dal doonaya inuu dadkiisu sameeyo horumar,”ayey tidhi Ayaan Maxamuud oo tilmaantay inaanay cidina doonayn inay qaado talaabada koowaad. Xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska, ayaa afhayeen u hadlay oo wakaaladan u waramay wuxuu sheegay in mawqifka Ingiriisku yahay inay Somaliland iyo Soomaaliya iyagu go’aan ka gaadhaan sida uu noqonayo mustaqbalkoodu, “Waxaanu si cad u aaminsanahay inay u taalo Somaliland iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda oo ay dalalka jaarka ee gobalkuna hormuud ka noqdaan aqoonsiga isbedel kasta oo yimaada.” Sidaas waxa tidhi haweenay Afhayeen u ah xafiiska arrimaha dibadda Ingiriiska oo wakaaladda Reuters ugu jawaabtay Email. Ururka Midowga Afrika iyo dawladda Soomaaliya oo ay wakaaladu la xidhiidhay ayaan ka soo jawaabin farriimo ay Reuters u dirtay. Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Dagaal Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacday Gobolka Salel Iyo Xukuumadda Oo Lagu Dhaliilay Wax Ka Qabasho La’aan Xiisadda U Dhaxaysa Laba Beelood Oo Wada Dega Deegaanka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Muqdisho)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax lala eegtay injineer ka tirsanaa shaqaalaha dhismaha wadada xidhiidhisa magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye kuwaasoo ku sugnaa deegaanka Garasbaaley. Wararku waxaa ay sheegaya in qaraxan uu ku dhawaacmay injineerka Turkiga ah iyo laba ka mid ah ilaaladiisa, kaddib markii uu qaraxu haleelay gaadhi ay la socdeen. Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa la sheegay in Injineerka uu kormeerayay qeybaha dhismaha gaar ahaan meel ku dhow xarunta maamulka Garasbaaleym waxaana markii dambe uu qaraxani sababay in uu hakad ku yimaado howlihii dhismaha wadadan oo dayactir xoog leh lagu sameynayo. Dhismaha Waddada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa maalgelinaya dowladda Qadar waxaana qandaraaska dhismaha heysta Sharikad laga leeyahay dalka Turkiga. Ma jirto cid wali sheegatay mas’uuliyada qaraxan lala eegtay shaqaalaha ka shaqeynayay dhismaha wadada gaar ahaan Injineerka u dhashay dalka Turkiga. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Somaliland Oo Joojisay Tababar Ay Hay’ad Caalami Ahi Ku Qabanaysay Hargeysa Iyo Sababta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Baydhabo (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxay deegaanada ay joogaan kula kulmayeen odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada. Kooxdaan ayaa Maanta waxay soo bandhigtay codadka Haween ay sheegeen inay kamid ahaayeen dadkii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka kasoo galay deegaanada Koonfur Galbeed. Dumarkaan oo gaarayey sida Al-Shabaab ay sheegtay illaa lix ayaa bixiyey wareysi aad xasaasi u ahaa oo ay kaga hadlayeen qaabka ay usoo xuleen xildhibaanada ayaa qaarkood sheegay inaysan ogeyn cidda ay Xildhibaanada u dooranayeen balse loo dhiibayey waraaqo lagu amray inay Santuuqa isaga ridaan. Khadiijo Siidoow Busto oo kamid aheyd Haweenkaas la wareystay ayaa sheegtay inay iyada soo xushay Xildhibaan Saallim Caliyow Ibrow doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo. Waxay sheegtay in laga waday Magaalada Muqdisho lana siiyey markii hore lacag gaareyso ilaa 300 oo Dollar, markii ay dooratay oo ay Muqdisho kusoo laabatay ayey sheegtay in loogu daray 200 oo Dollar. Waxay sidoo kale sheegtay inay Al-Shabaab kala kulantay soo dhaweyn aad u sareyso isla markaasna waxay xustay inaysan mar dambe ka qeyb qaadan doonin soo xulista XIldhibaanka Dowladda Soomaaliya. Dhanka kale Kuuseey Eenoow Cusmaanoow oo iyadana kamid aheyd Haweenkii la wareystay ee Al-Shabaab isku dhiibay ayaa sheegtay inaysan ilaa hadda garaneyn Xildhibaanka ay dooratay balse ay kaliya lacag ku qaadatay inay waraaqo santuuq ku rido. Waxay iyadana sheegtay in 300 oo Dollar lagu siiyey shaqadaas lagana qaaday kaam ku yaalo banaanka Magaalada Muqdisho sida ay hadalka u dhigeen. Haweenkaan ayaa intooda badan sheegay inay cabsi dareemi jireen mar kasta ka hor inta aysan Al-Shabaab isku dhiibin, waxayna sheegeen inay ka cabsan jireen madax jabis. Qaar kamid ah Haweenkaas ayaa sheegay inay hadda fahmeen Islaamka isla markaasna la baray tiirarka Islaamka oo aysan horey u aqoon sida ay hadalka u dhigeen. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey loogu eedeeyey inay wado dadaal ay ku dooneyso inay kula wareegto odayaasha soo xulo Baarlamaanka Soomaaliya si ay awoodda dalka qeyb uga noqdaan Doorashada soo socoto. Kooxdaan ayaa qorsheeneyso inay odayaasha ku qasbaan inay soo doortaan Xildhibaano Al-Shabaab ku matalo Baarlamaanka Soomaaliya waana qorshihii ugu horreeyey oo aan dhiig ku daadan oo ay kooxdaan ku dooneyso inay ku gasho dowladnimada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Boqorka guud ee Beelaha Gabooye ee Somaliland, Boqor Axmed Iimaan Warsame ayaa sheegay in Xal laga gaadhayo Muran u dhexeeyay Fanaanadda Nimco Yaasiin Carraale iyo Qoyskii soo koriyey oo ay Wakiil ka tahay Gabadh lagu Magacaabo Adeega. Muran ayaa muddo dheer ka taagnaa in Fanaanadda Nimco Yaasiin Carraale ka soo jeedo Qoys ka mid ah Beesha Gabooye, ka dib markii ay dhowr sannadood ka hor sheegtay in aanay ka soo jeedin Qoyskii soo koriyey, balse Qoyskii soo koriyey oo Adeega ay ka mid tahay ayaa arrintaa ku gacan-saydhay isla-markaana sheegay in Nimco ay Qoyskooda tahay, waxaana markaa ka dib Kiiskoodu galay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex. Boqor Axmed Iimaan Warsame oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in arrintii Nimco Yaasiin iyo Qoyskii soo koriyey xal laga gaadhayo, la iskuna afgartay in laga qaado Dhiigga Hidde-sidaha loo yaqaano DNA, si rasmi ahaan loo kala saaro Nimco iyo Qoyska ka midka ah Beelaha Gabooye. “Fanaanadda Nimco Yaasiin Carraale iyo Gabadha Adeega la yidhaahdo oo mar ay arrinkooda Saxaafadda soo gaadhay, Dacwaddooduna Maxkamadda Hargeysa taallo, Xal baa laga gaadhay oo labadoodaba Raalli bay iskaga noqdeen in Dhiigga DNA laga qaado, Laba Bilood ayay halkan (Hargeysa) Nimco u fadhiday in laga qaado DNA, Adeegina raalli ayay ka noqotay. In DNA laga qaado Nimco way ogolaatay, Adeegina way ogolaatay, markaa waabay iska dhammaan lahayd ee Hargeysa ayaan DNA lagu qaadin, markaa Muddo ayaa la noo qabtay wayna ballameen..” ayuu yidhi. Source
  7. Warbixin: Wariye Coldoon Oo Maxkamadda la hor Keenay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Somali army has liberated at least three villages from the al-Shabaab militant group in the country’s southwestern region of Bay on Wednesday, officials said. Nour Ali Mohamed, acting commander of the Somali military’s 154th battalion, told media that Somali forces liberated Rahole, Biyo-dhale and Bandhub villages from al-Shabaab after an operation against the group in the region. “During our operation, we have killed several Al-Shabaab militants and wounded several others,” Mohamed added. Ibrahim Mohamed Nour Shigshigow, the mayor of Dinsor town, said the operation will continue until the Bay region is cleared of al-Shabaab militants. The operation came days after a bomb explosion near a police station in Dinsor town, which left at least five people dead and four others injured. View the full article
  9. The number of girls going to school in Mudug region has more than quadrupled over the last two years as a result of free education and awareness campaigns. Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Garacad ee Gobolka Mudug. Garoonka Diyaaradaha ee Garacad waxaa Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa ku soo dhoweeyay Maamulka Gobolka Mudug, Kan Degmada Garacad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horeyn kormeeray Qalabka iyo Warshada diyaarinaysa Dhagaxa iyo Ciida lagu dhisayo Dekadda Garacad, kadibna wuxuu Madaxweynuhu u gudbay halka laga dhisayo Dekadda oo uu kaga qeybgalay Xafladda daahfurka wejiga labaad ee dhismaha Dekadda Garacad. Wuxuu Madaxweyne Deni sheegay in Dhismaha Dekadda Garacad muhim u tahay Puntland, isagoo bogaadiyay Ganacsatada isu taagtay iyo dhammaan cidkasto ka qeyb qaadatay inuu hirgelinta Mashruucaan. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu danbeyn si rasmi ah u Daah-furay Wejiga labaad ee Dhismaha Dekadda Garacad, Isagoo dhagaxii ugu horeeyay dhigay Badda meesha laga billaabayo dhismaha. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Xubno ka tirsan labada Gole, Maalgashadayaal ka socda Wadamo kala duwan, Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland iyo xubno kale. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo daah-furay wejiga labaad ee Dhismaha Dekadda Garacad appeared first on Puntland Post.
  11. MOGADISHU (HOL) - A Turkish construction worker was injured Wednesday afternoon after his vehicle ran into an IED in the outkirts of Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  12. Kismaayo (SMN) – Howlgallo qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose. Ciidamada huwanta oo kaabiga u saaran degmada Jamaame ayaa la wareegay, sida la sheegay gacan ku heynta deegaanada Bandar-Jadiid, Janaala-Jaay iyo Maleelay. Taliyaha Ciidanka Xoogda dalka Soomaaliyeed, Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in illaa 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgalka ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana ay nolosha ku qabteen mid kale. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  13. MOGADISHU (HOL) - Two Al-Shabaab militants were killed in an airstrike Monday in Lower Jubba region, the U.S army said Wednesday. Source: Hiiraan Online
  14. Baydhabo (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa maanta la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Baay ee K/Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay dagaal kula wareegeen deegaano ay ka mid yihiin Raaxoole iyo Bandhuub oo hoostaga degmada Diinsoor ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolka Baay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa agagaarka degmadaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka mid ah xildhibaannada sida aadka ah ugu dhow madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa weerar ku qaaday xisbiyada dalka. Cabdishakuur Cali mire ayaa bartiisa twitter soo dhigay qoraal jawaab u ah war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay xisbiyada ee looga soo horjeedo go’aanadii kasoo baxay shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee lagu soo geba-gebeeyey Dhuusomareeb. “Xisbi ku sheegyada dalka oo horey u taageeray hanaankii doorashada aan dastuuriga iyo dimoqraadiga ahayn ee Jubaland ayaa hadda cambaareynaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug” ayuu qoraakiisa ku yiri. “Mowqifyadan is-burinaya waxa ay ka tarjumayaan laba wejiile-nimadooda iyo xeeladdooda ku dhisan fursadda un.” Cabdishakuur Cali Mire oo kasoo jeeda gobolka Gedo, si la mid ah madaxweyne Farmaajo, ayaa xukuumadda Nabad iyo Nolol waxay siisay dhowr mashruuc oo ganacsi oo Muqdisho uu ku leeyahay. Doorashada dhowaan ka dhaceysa Galmudug ayaa waxaa isku wajihi doona musharaxa Nabad iyo Nolol ee Qoor-Qoor iyo musharaxiin ka socda xisbiyada mucaaradka oo uu ugu cad-cad yahay Cabdiraxmaan Odowaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Injineer u dhashay dalka Turkiga ayaa maanta lagu dhaawacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho. Injineerka Turkiga ayaa ka mid ah Injineero dhisaayay wadada isku xirta Muqdisho ilaa Afgooye, waxaana dhismaha uu maraayay meel ku dhaw Xarunta deegaanka Garasbaaley. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan xillliga qaraxa miinada lala eeganaayay Injineerkaan Turkiga ah uu kormeer ku sameynaayay dhismaha wadada, balse lala helay qarax miino oo Wadada dhinaceeda la galiyay. Dhaawaca soo gaaray Injineerkan Turkiga ayaa waxaa loola soo cararay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu daaweynaayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Beledweyne (SMN) – Maxkamadda ciidamada qalabka Soomaaliya, gaar ahaan qeybteeda 27-aad ayaa maanta shaqo joojin ku sameysay ku simaha taliyaha Booliska gobolka Hiiraan, Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle iyo sidoo kale taliya salddhigga degmada Beledweyne, Cabdi Cumar Siyaad. Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta gobolka Hiiraan, Dhame Maxamed Cabdulle Aadan ayaa lagu sheegay in si KMG ah shaqada looga joojiyey taliyeyaashaasi. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  18. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala eegtay Injineer Turki ah, kaas oo dhismo ka wada waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhaawacamy illaa saddex qof oo oo kala ahaa Injineerka iyo labo ka mid ah ilaaladiisa. Ciidamo ka tirsan kwa ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay oo ah agagaarka Jaamacadda Shabelle, waxaana ay howlgallo ka sameeyeen halkaasi. Xaaladda ayaa hadda degam, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  19. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-18092019.mp3 View the full article
  20. Kismaayo (Caasimadda Online) – Howlgal ay sameeyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo is garab sanaya ayaa lagu khaarijiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Jubada Hoose. ilaa 15 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaasi oo ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay mid kamid ah Kooxda Al-Shabaab sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage. Sidoo kale Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka hawlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buuleburte lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madaxii Jabhadaha Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan iyo Xasan Yare oo ahaa madixii Miinooyinka. Tan ayaa muujinaysa in uu sii xoogaysanayo howlgalka ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab, kuwaasi oo muddooyinkii ay wadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Dowladda, mana jiro ilaa hadda illo madax banaan oo xaqiijinayo hadalka kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. (SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman ayaa ka codsaday Korea-da Koonfureed inay ka caawiso xoojinta habka difaaca hawada dalkiisa, kadib weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee dalkaas. Wakaaladda wararka Korea-da Koonfureed ee Yonhap oo warkan werisay ayaa sheegtay in Bin Salman iyo mas’uuliyinta Seoul ay isku raacaan inay sii wadan wada-tashiyada la xiriira arrintan. Weeraradii sabtidii lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh, ayaa waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, hase yeeshee Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa tuhmaya iran. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in maanta ay baahin doonta caddeymo Tehran la xiriirinaya inay ka dambeysay weeraradas. Hase yeeshee Tehran ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarkii 14-kii September. “Waxay doonayaan in cadaadiska ugu xoogga badan ay saaraan Iran, ayaga oo aflagaadeenaya” waxa asidaas yiri madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda. “Ma dooneyno dagaal…yaa billaabay dagaalada gobolka” ayuu yiri Rouhani oo Washington iyo xulufadeeda ku eedeeyey dagaalka ka socda Yemen. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Siyaasiyiinta Iyo Odayaasha Beesha Solo-Madow (Habar-Jeclo) Oo Ka Hadlay Jabhad La Sheegay Inay Ka Dillaacday Qorilugud, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay ka xun tahay weerarkii lagu qaaday goobo Shidaalka laga qodo oo ku yaalla waddanka Sacuudiga. Somaliland ayaa sheegtay in ay barbar taagan tahay dawladda iyo dhacabka Sacuudiga iyadoo weerarkaasi ku tilmaantay mid Argagaxiso. Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidaasi lagu sheegay. Halkan hoose ka akhriso: Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Mubaarik Cabdi Oo Muddo Saddex Sanno Ah Joojiyay Shaqadii Uu Bulshadda U Hayay Iyo Sababta, Halkan hoose ka DAAWO Source
  25. The US Africa Command (AFRICOM) said Wednesday that it had conducted an airstrike against the al-Qaeda affiliated al-Shabaab group in southern Somalia, killing two militants. The airstrike took place north of the port city of Kismayo, the capital of Lower Jubba, and they were targeted after the group attacked a Somali patrol, according to AFRICOM. “In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. Africa Command conducted an airstrike on Al-Shabaab insurgents after they attacked a Somali patrol northwest of Kismayo, Lower Juba Province, Somalia on Sept. 17. At this time, it is assessed the airstrike killed two (2) militants,” AFRICOM said in a statement posted on Twitter. No civilians were injured or killed as a result of this airstrike, the statement added. Separately, on Tuesday, Somali National Army Commander Gen. Odawa Yusuf Rage said that the army had killed the al-Shabaab “governor” of the central region of Hiran alongside another senior militant. Meanwhile, the Jubaland State of Somalia forces said that it had killed more than 15 al-Shabaab fighters in the Lower Jubba region in an operation on Tuesday. View the full article