-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha dowladda Puntland Abdiweli Mire Xirsi, ayaa ku baaqay in si degdeg ah sharciga la horgeeyo saddex xildhibaan oo katirsan golaha degaanka Garowe oo uu ku eedeeyay inay afduub ugeysteen duqa degmada Garowe Axmed Barre. Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ayaa caddeeyay inaysan wasaaradda arrimaha guduhu ka leex leexandoonin sidii tilaabo looga qaadi lahaa saddexdaan xubnood oo dacwadu ku furan tahay. Waxa uu ugu baaqay laamaha ay quseyso arrintaan inay si degdeg ah ugu howlgalaan sidii arrintaan jawaab looga bixin lahaa, isagoo sheegay inaan loo dulqaadanayn falalka nuucaan ah oo dowladnimada wax u dhimaya. Warbaahinta Puntland Post oo xiriir la sameysay qaar kamid ah xildhibaanada dacwada laga gudbiyay ee lagu eedeeyay inay afduubteen duqa Garowe, ayaa diiday inay ka hadlaan arrintaan. Puntland Post The post Puntland oo dalbatay in maxkamad loosoo taago xildhibaano lagu eedeeyay inay afduubteen duqa Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Wafdi ay horkacayaan madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koofur Galbeed Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka degay magaalada Kismaayo, ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland. Ujeedka safarka wafdiga ayaa lagu sheegay ka qeybgalka caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu wado iney dhacdo todobaadkan. Wafdigan waxaa uu horudhac u yahay shakhsiyaad iyo wufuud caalami ah oo la filayo iney gaaraan Galmudug maalmaha soo socda. Horay waxaa Kismaayo loogu diiday wafdi uu horkacayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dowladda federaalka ah ma aqoonsana natiijada doorashada lagu doortay Axmed Madoobe, lamana oga sida ay uga falcelin-doonto caleema saarkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Wafdi ay heer sare oo ay hoggaminayaan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka dagay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Maamulka Jubbaland. Wafdigaan oo soo raacay diyaarad gaar ah oo si toos ah uga timaaday Magaalada Nairobi ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo taasoo dhabar jab ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo horey usoo saartay amar ah inay Diyaaradaha Nairobi ka imaado soo maraan Muqdisho. Garoonka Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenada maamulka Jubbaland. Wafdigaan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah ku dhawaad 30 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasadda dalka Kenya. Xubnahaan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Xafladda Caleema saarka madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe oo ka dhici doonto Magaalada Kismaayo. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay dhaceyso Xafladda Caleema Saarka ayaa haddana waxaa la rumeysan yahay inay dhici doonto 9-ka bishaan. Dowladda Soomaaliya ayaa horey sabab ugu noqotay inay baaqato Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe kadib markii ay joojisay dhammaan diyaaradihii tagi jiray Magaalada Kismaayo, sidoo kalana ay xayirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo diyaarad ka raaci rabay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho
-
Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo hadal ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 27-aad ee golaha degaanka Garoowe, ayaa sheegay in duqa caasimadda Garoowe loo doortay in uu bulshada u adeego, balse aan loo dooran in uu dano-gaar ah u fuliyo xildhibaannada golaha degaanka. Guddoomiyaha ayaa xubnaha golaha degaanka uga digay, in aysan duqa degmada kula dagaallamin, haddii ay danahooda gaarka ah ka waayaan, maadaama aan loo dooran in uu shakhsiyaad u shaqeeyo ee loo igmaday shaqa-umadeed, waxaana uu codsaday in duqa lagu gacan-siiyo hawlaha horyaalla. “Golaha degaanka waxaan leeyahay , wada shaqeeya ee ha kala shaqeynina, qodobka labaad ee kalana waxaan leeyahay duqu waa shaqeynayaa, in uu idiin shaqeeyo iyo in uu umadda u shaqeeyo, waxay ku fiicantahay in uu umadda u shaqeeyo ee ku gacan-siiya” ayuu yiri Gu’jir. Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay, xilli la hadal-hayo in khilaaf ka dhex jiro duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse iyo xubno ka tirsan golaha degaanka. Hoos ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Gu’jir : Duqu in uu idiin shaqeeyo in uu umada u shaqeeya ka fiicane ku gacan-siiya appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiye Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta markii u horeysay ka jawaabtay baaqyo kala duwan oo ka soo baxay qaar kamid ah xisbiyada Mucaaridka iyo xildhibaano. Somaliland ayaa gebi ahaanba ku gacan seyrtay dalabkaasi loogu soo jeediyay in deegaanadeeda laga cayriyo wakiilka u jooga Jabuuti, kaasi oo uu xisbiga Ucid u qabtay muddo dhan 24-saac gudahood in looga saaro Somaliland. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir “Faratoon”, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo arrimahaasi ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay dacwad uu Wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland lagu sheegay in uu ka gudbiyay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid. Wasiir Faaratoon ayaa waxa kale oo uu dalka Jabuuti ka difaacay eedeymo ay u soo jeediyeen Mas’uuliyiinta ugu sarreysa xisbiga Ucid, kaasi oo ay ku sheegen in dowladda Jabuuti ay tahay cadowga koowaad ee leedahay Somaliland. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Haba yaraate wax dacwad ah oo ka dhan ah Faysal iyo Wakiilka Jabuuti ee Somaliland oo Xukuumad ahaan na soo gaadhay ma jiraan, labada dhinac iyo dhinaca kaleba midna kama hayno wax dacwad ah”. “Faysal wuu hadlay wuxuu ku hadlayeyna waa la arkaayey, Wakiilku wax dambiya muu galin, sabab dalka aanu uga saarnaana ma jirto, kama saarayno”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaa haboon in dacaayadaha la joojiyo oo wixii khalad ah la joojiyo, umaddana yaan la khaldin, oo yaan wax kasta la buun-buunin”. Xukuumada Somaliland ayaa dowladda Jabuuti u aragta saaxiib dhow oo cilaaqaad fiicani kala dhaxeeyo, halka ay qaar kamid ah xisbiyada mucaaridka Somaliland u arkaan dowlad cadow ku ah Somaliland, isla markaan gacan saar dhow la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Dagaallo xoogan oo ka dhacay gobollada Sh/Hoose iyo Hiiraan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Milatariga iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku bilowday madaafiic ku qaadeen deegaankaasi. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in sidoo kale Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda ay maanta ku dagaalameen halkaasi. Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib weerar ciidanka Itoobiya kaga yimid dhanka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinaca oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoona goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. View the full article -
Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Mr Maxamed Yuusuf Cali Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa ka soo horjeestay go’aan ka soo baxay Guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari, kaasi oo bulshada magaalada Boosaaso lagu amray in haddii ay shirar qabsanayaan ay sii ogaysiiyan maamulka gobolka, si dowladdu u xaqiijiso amniga shacabka. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland, ayaa looga dalbaday Guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari, in ay ka laabtaan go’aankooda, waxaana xafiiska oo cuskanaya qodoba kamid ah Dastuurka Puntland uu in go’aankaasi ku tilmaamay mid lagu cabburinayo xarriyadda iyo xuquuqda shacabka. Xafiiska ayaa ku taliyay in la dhawro, xuquuqda iyo xorriyadda Dastuurka iyo xeerarka kale ee Puntland u degsan ay siinayaan muwaaddiniinta reer Puntland, isagoo ka digay in la cabburiyo cabashada iyo fikirka muwaaddiniinta, sida qoraalka ku xusan. Hoos ka akhriso qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Puntland oo ka soo horjeestay go’aano ka soo baxay maamulka gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta ciidamadaXoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad ay la wareegeen deegaanka Camaara ee gobolkaasi Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen dhamaanba xaafadaha deegaankaasi. Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysa ciidanka qabtay Camaara ayaa shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan. Wararka ayaa sheegaya in haatan ciidamada dowladda ay baaritaano ka wadaan halkaasi, iyagoona isku ballaariyey waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Camaara. Maalmihii ugu dambeeyey ciidamada dowladda ayaa dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
-
Detectives from Pangani on Saturday morning arrested three officers attached to Kayole Police Station and a Cameroonian after they robbed two people of USD 60,000 (Sh6 million) Eastleigh, Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
At the end of a three-day mission to Djibouti, Assistant Secretary-General for Humanitarian Affairs and Deputy Emergency Relief Coordinator Ursula Mueller today called on the international community to take immediate action to confront the climate crisis that is heavily affecting the country and the whole Horn of Africa and sustain the support to the humanitarian response. Source: Hiiraan Online
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in howlgalladaasi lagu soo qab qabtay illaa shan qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab. Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee hoggaamineysay howlaglkaas ayaa sheegay in ragga la soo qabtay uu ku jiro maskaxdii ka dambeysay weerar dhowaan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka oo ka howlgalayey gudaha magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in raggaasi oo haatan ku jira gacanta ciidamada amniga inay ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay howlgallo ka waday gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya. View the full article
-
War ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa lagu shaaciyay waqtiga uu furmi doona Kalfadhiga 6aad ee Golahaasi. Sida ku ku cad warqada Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota kuna Taariikheysan 09ka October 2019. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu faray xildhibaannada in ay si deg deg ah dalka ugu soo laabtaan. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-05102019.mp3 View the full article
-
Iran’s receptiveness for contact with the Saudis contrasts with its chilly tone toward the United States. Last week, Iran’s president, Hassan Rouhani, dodged an opportunity to speak directly with Mr. Trump while both were attending the United Nations General Assembly in New York. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimda Online) – Guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey watqiga uu sida rasmiga ah u furmi doono Kalfadhiga Lixaad ee golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kulankan uu furmi doono 9-ka bishan October ee 2019. Mudanaayasha golaha shacabka, waxaa u yaalla shaqooyin badan oo muhiim ah, lagana doonayo in si dhaqsi ah ku qabtaan, hase yeeshee baarlamanka Soomaaliya ayaan muddo ka badan sanad ahaa fadhiid. Tan iyo markii madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ay hoggaanka baarlamanka ka cayriyeen Maxamed Cusmaan Jawaari kadib dagaal dhowr milyan uu dollar ay ku baxday, wuxuu baarlamanka u shaqeynayey sida wasaarad ka tirsan xukuumadda. Xarunta baarlamanka lama hrokeeni karo wax sharciyo ah oo aysan xukuumadda raali ka ahayn, sidoo kalena lagulama xisaabtami karo xukuumadda. Guddoomiyaha baarlamanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waa mushaari bishii tobanaan kun ka qaata Villa Somalia, mana lahan awood iyo shaqsiyad uu ku qaato go’aano ku saleysan dastuurka, sidaas darteedna furitaanka kalfadhigga baarlamanka ayaan wax badan laga fileyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdi Haybe Maxamed oo ah Xoghayaha hawlaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaanu si gaar ah uga hadlay hadaladii dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda Muuse Biixi, hadalkii wakiilka Jabuuti u fadhiya Somaliland iyo qodobo kale. Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya hadalkii Wakiilka Jabuuti ayaa yidhi “Wakiilka Jabuuti u fadhiya qunsilyada Jabuuti ee Somaliland,hadalku uu ka dhacay, oo hadal dimblamaasi kumuu hadal, si xuna oo aan loo baahnayna uu u hadlay, sidaas darteed Wakiilkani inuu dalka ka baxo oo uu dalkiisa ku laabto ayaa u haboon, ta kale Safiirkii Jabuuti wuxuu fadhiya Muqdisho, Safiirkii Turkiguna wuxuu fadhiya Muqdisho, halkana waxa ka dhisan Qunsiliyado, taas ayey nasiib daro Xukuumaddu ogolaatay, iyada oo macnaheedu noqonayo in Muqdisho aynu wax badan u daba fadhino, waxaana xusid mudan in Turkigu aanu inaga waxba ina tarin, halka uu caawiyo Somaliya, ciidamadana uu u tababaro, wax walbana uu la garab taagan qunsiyadaha aynu ogolaanay iyo safaradaha muqdisho ka dhisani waxay inoo horseedeen in maamul goboleed Somaliya ka mid ah la inagu tiriyo”. Mar uu jawaab ka bixinayey hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Wasiiradda Xukuumadda oo dhaliilay Xisbiga Waddani iyo Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ayaa yidhi “Anigu waxaan xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale, waxaan soo noqday Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha, ninka masuulka ah ee xilka umadda haya waxaa looga baahan yahay inuu garto xilka iyo masuuliyad uu hayo, waxaa looga baahan yahay inuu aad uga fiirsado hadalada afkiisa ka soo baxaya, Xasan Gafaadhi wuxuu ka sheegay Xisbiga Waddani, halka uu Maxamed Kaahina wax ka sheegay Musharaxa Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga Waddani, waxaan leeyahay marka aad idinku cid wax ka sheegaysaan dib iskugu noqda, oo idinku isa saxa, Xisbiga Waddani iyo Maxamed Cali, dhaliil ma leh, ee idinka ayaa dhaliisha leh, Xisbiga Waddani-na Xisbiga dalka uga lexe-jeclo badani ma jiro, halka uu maanta dalku marayo, Jabhadaha jira,cadaalada darada iyo saluuga la muujinayaba, waa waxay sabab u tahay Xukuumaddu,ee Maxamed Kaahin iyo Xasan Gafaadhi xilkooda hoos ha u eegaan,oo masuuliyada wasiirnimo ha gartaan, Masuuliyiinta xilalka ka haya Xukuumaddan ha bartaan nidaamka loo hadlo” Source
-
Tan iyo intii ka dambaysay doorashadii madaxtooyadu waxay dadku kala noqdeen rufucyo, siyaasi waliba wuxuu meel ku xidhay xaafadiisii hoose, taas oo keentay in bulshado furfuranto, illaa haddana sidii xaaladdu ahaato. Bulshada Awdal oo tafaafuruqu ku yaraa waxa saameeyey doorashadii dhowayd, taas oo sidii beelaha kale noqotay sii aanay iyo rufuc rufuc, waxay madax dhaqameedkuna kala raaceen uun siyaasiyiintooda arrintan ku hogaaminaysa. Doorashadani waxay sababtay in xitaa qoysas badan ku burburaan oo nin iyo naagtii kala raacaan musharaxiinta, ka dibna ay halkasi ku kala tagaan, waana doorashadii ugu saamaynta xumayd ee qoysas kala dira. Madaxweynihii hore Daahir Rayaale waxa uu isku dayey inuu xal u helo tafaraaruqa siyaasaddu sababta u tahay ee gobolka Awdal, waxaanu dhamaan isku keenay madax dhaqameedkii gobolka si bulshada loo mideeyo. Maadaama oo Daahir Rayaale loo arko nin dhexdhexaad ah waxay keentay inay ayidaan arrinkiisii oo isku raacaan oo khilaafyadii beelaha la soo afjaro, waxaanay hortiisa kaga dhowaaqeen in sidii hore xaalka lagu celiyoo oo la iska wada saamaxo oo dhaqankii fiicnaa ee walaalaha lagu ahaa dib loogu noqdo, siyaasadduna aanay bulshada gobolka kala qaybin. Hadaba, mar haddii Rayaale u kacay Awdal, waxa loo baahan yahay in Togdheer iyo Sanaag ka soo dhex baxo shakhsi dhexdhexaad ah oo bulshada isku keena oo xurguftii doorashadu keentay dib u masaxa oo bulshada walaaleeya. W/Q: Barkhad-Ladiif Cumar Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil askari ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey, iyadoona ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga la dilay uu ka tirsanaa ciidamada kuwa qaada canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyada. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dilka kadib ay meesha gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana ay baahisay inay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda, sida gaarka ah u tababaran. Ma shaacin kooxda Al-Shabaab magaca askarigaasi, basle waxa ay sheegtay inuu dhibaato ku hayey shacabka, islamarkaana uu baad ka qaadayey, sida ay u dhigtay. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab ayaa kordhisay dilalka iyo weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
(SLT-Tehran)-Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa siidaysay gabadh iyo Nin u dhashay Dalka Australia, kuwaasi oo muddo saddex bilood ah ku xidhnaa Dalka IRAN. Siidaynta labada Qof oo IRAN hore ugu eedaysay Basaasnimo waxa Sabtida Maanta xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha dibedda ee Australia Marise Payne. Wasiirka Arrimaha dibedda ee Australia, Marise Payne ayaa sheegtay in lamaanahan oo Magacyadoodu kala yihiin Jolie King iyo Mark Firkin ay ku soo waajahan yihiin Gurigoodii isla-markaana Caafimaad qabaan. Wasiirka Arrimaha dibeddu waxay sheegtay in dhammaan eedaymihii loo haystay oo ay ugu waynayd inay basaasiin ahaayeen la tuuray, sidaasi darteedna “Waxay dib ula midoobayaan Dadkoodii ay jeclaayeen..” ayay tidhi. Labada xubnood ee la siidaayey ayaa la Dawladda Tehran xidhay, markii ay fasax la’aan duuliyeen diyaarad yar oo Drone ah, taasi oo qayb ka ah Sababaha loogu eedeeyay inay basaasiin yihiin. Source
-
Popular Contributors
