-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa 24-kii bishan magaalada Muqdisho lagu dilay Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle ( Qaloosh), oo ka tirsanaa waxgaradka beelaha Soomaaliyeed. Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay albaabka hore ee waaxda Horseed oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, halkaas oo sidoo kale ah goob ay dagan yihiin ciidan ka tirsan Booliiska Soomaaliya. Qaar kamid ah dhaqanka Soomaaliyeed ee ku jiray odayaashii soo dhisay baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Caasimada Online u sheegay in ay wajahayaan walaac dhanka ammaanka ah islamarkaana aysan heysan damanaad qaad amni. Waxaa la aaminsan yahay in Nabadoonka dilkiisa ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay in ay beegsanayaan odayaashii diiday in ay booqdaan xarumaha Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa. Dilkan ayaa qeyb ka ah olole cusub oo Shabaab ay billaabeen oo lagu dilayo odayaashii soo xulay xildhibaanada ee amarkooda diiday. Odayaasha diiday amarka Al-Shabaab ayaa hadda ka walaacsan in lagu soo socod, balse ma jirto cid amnigooda sugi karto, marka laga reebo inyar oo dhaqaale haysta oo ilaalo qortay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/BAr___Qubnaha-26092019.mp3 View the full article
-
Mudane Madaxweyne, Madaxda sharafta leh, Wufuudda, Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxa sharaf weyn ii ah inaan hadal ka jeediyo Fadhiga 74aad ee Shirweynaha Qaramada Midoobay. Waxaan si dhab ah u aaminsanahay in Shirweynahani uu qayb laxaadle ka qaato in la helo dadaallo dhinacyo badan oo ku aaddan ciribtirka saboolnimada, waxbarasho tayo leh, xal-u-helista cimilada, iyo in la xoojiyo wadajirka si sare loogu qaado ajendaheenna caalamiga ah ee in la helo horumar ay bulshadu udub-dhexaad u tahay si dhammaan loo gaaro barwaaqo iyo baraare. Inteenan ku sugan halkan, waa inaan garwaaqsannaa isla markaana ka shaqaynaa sidii aan u hubin lahayn inaan cidla’ lagaga tegin qof iyo waddan toonna marka, qarnigan ku astaysan isku-xirnaanta iyo isku-tiirsanaanta la baadigoobayo horumarka iyo barwaaqada. Mudane Madaxweyne, martida sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran u soo dhawaynaysaa hal-ku-dhigga sannadkan ee Shirweynaha Qaramada Midoobay oo dhammaanteen ina xasuusinaya muhiimadda ay leedahay inaan laban-laabno dadaalkeenna innaga oo iskaashi caalami ah oo intan ka sii ballaaran yeelanayna si aan u hubinno in dal kasta oo innaga mid ahi gaaro Yoolalka Horumarka Waara ee yaraynta saboolnimada, sare u qaaddida tayada waxbarahada, wax ka qabashada saamaynta taban ee Isbeddelka Cimilada iyo inaan dhammaan dadaallada gudaha dalalkeenna ku salayno iskaashi iyo hannaan loo dhan yahay. Noocyada kala duwan ee Iskaashiyadu waa waajib haddii aan doonayno inaan ka gudubno caqabadaha ugu waaweyn ee aan wadaagno waqtigan, sida amniga, saboolnimada iyo isbeddelka cimilada. Adduunkan isku xirmay, ma jiro waddan, si kasta oo uu qani u yahay, u awood badan yahay una diyaarsan yahay, keligii u babbac dhigi kara caqabadaha caalamiga ah ee u baahan in si wadajir ah wax looga qabto loogana jawaabo. Waa inaan ku dadaalnaa sidii aan u abuuri lahayn jawigii loo baahnaa si aan keli-keli iyo wadajir ahaanba u gaarno barwaaqo, iyada oo la raacayo Yoolalka Xalalka Waara. Mudane Madaxweyne, Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta halkan la joogo saaxiibbadeenna qiimaha leh, oo kuwo badan oo kamid ahi ay maanta halkan ku sugan yihiin, waxaanna uga mahadcelinaynaa doorka togan ee ay ka qaadanayaan socdaalka guulaystay ee ay Soomaaliya sida buuxda ugaga soo kabanayso tagtadii adkayd. Waxaan sidoo kale Qaramada Midoobay abaal uga haynaa doorka joogtada ah ee ay ka qaataan horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsanayso. Waanu sii wadaynaa inaan Qaramada Midoobay kala shaqaynno meelmarinta iyo hirgelinta ajendaheenna Horumarka Qaranka ee loo dhan yahay. Dhab ahaantii, Soomaaliya waxay tusaale fiican u tahay muhiimadda iyo guusha hannaanka caalamiga ah ee adduunka maadaama oo ay wax badan ka dheeftay taageerada Qaramada Midoobay iyo tan waddamada xubnaha ka ahba. Dhabbada dib u soo kabashada Soomaaliya ee ay hormuudka ka yihiin shacabkeenna adkaysiga badan iyo Dowladdu waxay ahayd mid aad u dheer, haddana, indhaha kama qarsan karno kamana aamusi karno sida aannu uga xunnahay sinnaan la’aanta kordhaysa, saboolnimada iyo qoqobka ka dhashay carro-edegaynta (globalization) aan caddaaladda ahayn ee adduunka ku baahday waqtigan. Shaki la’aan, waa in si wadajir ah oo loo dhan yahay loo hawlgalaa haddii la doonayo in la dardargeliyo dadaallada caalamiga ah ee ku aaddan nabadgelyada adduunka, ciribtirka saboolnimada, waxbarasho tayo leh, wax ka qabashada cimilada iyo qodobbada kale ee aan Shirweynahan ku meelmarinnay sannadkii 2015. Mudane Madaxweyne, Soomaaliya waxay sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaraysaa horumarka bulsho iyo dhaqaale ee Geeska Afrika, waxaanuna kalsooni ku qabnaa in iskaashiga ka dhexeeya dalalka Geeska Arika ay sare u qaadi doonto horumarka dhaqaale, xasiloonida siyaasadeed, isku xirnaanta bulsho iyo dhaqan, iyo tan ugu muhiimsan oo ah iskaashiga dhanka ammaanka ee u dhexeeya dalalka Geeska. Gobolka Geeska Afrika waxa ka jira fursado badan oo koboc iyo horumar dhaqaale oo ay dadkiisu ka faa’idaysan karaan haddii aan sii xoojinno xiriirka siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale ee u dhexeeya dalalkeenna iyo saaxiibbada caalamka. Dalalka Geeska Afrika keligood kuma aha dadaaalka ay ugu jiraan inay dalalkooda iyo dadkooda u suurtageliyaan mustaqbal wanaagsan maxaa yeelay waxaan leennahay saaxiibbo badan oo dhammaanteen arrintaas nagu garab taagan iyaga oo uga dan leh in nabad iyo amni laga suurtageliyo caalamka oo dhan, waana u mahadcelinaynaa. Dowladda Soomaaliya waxay ku hawlan tahay sare u qaadidda isdhexgalka dhaqaale ee gobolka, waxayna ganacsatadeeda ku dhiirrigelisaa inay maalgashadaan dalalka Geeska Afrika; sidaasi awgeed waxaan bogaadinaynnaa maalgashiga joogtada ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku samaysato Jamhuuriyadda Kenya, taasi oo dhab ahaan qayb ka ah horumarka dhaqaale. Mudane Madaxweyne; Wufuudda sharafta leh; Mudanayaal iyo Marwooyin, Soomaaliya iyo Kenya waa laba waddan oo deris ah isla markaana ku teedsan Xeebta Badweynta Hindiya oo leh xiriir saaxiibtinnimo oo nabdeed. Abaal ayaan Kenya uga haynnaa taageeradii hagar la’aaneed ee ay sannado badan la garab taagnayd shacabka Soomaaliyeed. Walow xiriirkayaga guud uu fiican yahay, haddana xuduuddayada dhanka badda weli lama jaangoyn, taas ayaana sal u ah is-fahanwaaga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Wadahadalladii laba geesoodka ahaa heshiis waa lagu gaari waayey. Si marka loo helo xal nabdeed oo caddaalad ah, sannadkii 2014, Soomaaliya iyada oo raacaysa sharciga caalamiga ah ayay bilawday inay dacwadda horgeyso Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ah hay’adda sharci ee ugu sarraysa Qaramada Midoobay. Waxaan ku faraxsannahay in Maxkamaddu caddaysay inay sharciyad iyo awood u leedahay inay ka garnaqdo khilaafka, isla markaana ay dhegaysiyadii ugu dambeeyay ee kiiska u qoondaysay toddobaadka ugu horreeya November. Soomaaliya maadaama oo ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda, waxa ka go’an inay ka dhur sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka. Soomaaliya waxay ballanqaadday inay u hoggaansami doonto xukunka kama dambaysta ah ee Maxkamadda iyo inay aqbasho xadka ay Maxkamaddu jaangoyso. Maadaama arrintu tahay mid la xiriirta sharciga caalamiga ah, xukunka Maxkamaddu waxa uu sidoo kale qabanayaa Kenya. Waxaannu ku kalsoonnahay in marka xukunka la soo saaro isla markaana la jaangooyo xuduudda, in xal waara loo heli doono khilaafka muddada dheer soo jiitamay. Waxa intaasi dheer in 3-dii September 2019 Golaha Nabadgelyada iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ay caddeeyeen in Midowgu aanu awood u lahayn inuu farageliyo kiiska oo hadda horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah. Mudane Madaxweyne, Waxaan sidoo kale jecelahay inaan idin la wadaago in habeenkii Talaadada, 24-kii September 2019, Madaxweynaha Masar Mudane Siisi oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee hadda uu soo qabanqaabiyay isla markaana shir-guddoomiyay kulan barbar socday Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya New York, oo u dhexeeyay aniga iyo Madaxweynaha Kenya ee Uhuru. Kulanka oo ahaa mid miradhal ah, waxa la isku raacay in dib loo soo celiyo xiriirkayagii walaaltinimo ee wanaagsanaa iyo in la xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka siyaasadeed. Waxa intaasi dheer inaan isku afgarannay in khilaafka badda ee u dhexeeya labada dal loo daayo Maxkamadda Caalamiga ah si ay u xalliso. Soomaaliya waxa ka go’an inay xiriir fiican la lahaato Kenya iyo dhammaan dalalka kale ee gobolka. Mudane Madaxweyne, Dowladda Soomaaliyeed waxa ka go’an ajendaheeda nadabaynta iyo dowlad dhiska, waxaanuna ilaa hadda guullo ka gaarnay xaqiijinta siyaasad loo dhan yahay, xoojinta dimuqraaddiyadda iyo adkaynta hay’daha Qaran ee udub-dhexaadka u ah in la helo bulsho xooggan. Waxaan idin la wadaagayaa in dowlad goboleedyada qaarkood ay ka qabsoomeen doorashooyin, taasi oo hordhac u ah doorashooyinka heer Qaran ee Baarlamaanka iyo Madaxtannimada ee la qorsheeyay inay qabsoomaan 2021, waxaana naga go’an inaan fududaynno in guul laga gaaro arrintan iyada oo loo marayo Sharciga Doorashooyinka oo ah mid loo dhan yahay, diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo in bulshada lagu wacyigeliyo muhiimadda ay siyaasadda loo dhan yahay u leedahay horumarka dalka. Marka tan la fiiriyo, waxa caddaanaysa in Soomaaliya tusaale taariikhi ah u tahay dib u habaynta, adkaysiga, horumarka iyo dib u soo kabashada ay bulshadu hormuudka ka tahay. Wadahadalladeenna heer Qaran waxay hadda diiradda lagu saaraa xaqiijinta siyaasad loo dhan yahay, tayayta adeegyada dowladda, dib u habaynta maaliyadeed iyo dhaqaale, kobcinta dhaqaalaha, dowlad wanaagga, sare u qaadidda iskaashiga heer gobol iyo sidii ugu dambayn looga guulaysan lahaa haraadiga sunta ah ee argagaxisada caalamiga ah annaga oo kaashanaysa saaxiibbadayada gudaha iyo dibaddaba. Dowladdu, laga soo bilaabo markii aan xafiiska la wareegay waxa ay xoogga saartay, kharashka ugu badanna ku bixisay amniga maxaa yeelay waxa ku xiran dhammaan arrimaha kale sida tirtiridda saboolnimada, waxbarasho tayo leh, wax ka qabashada cimilada iyo wadajirka. Annaga oo kaashanayna saaxiibbadeenna caalamka ayaan waxaan si joogto ah uga shaqaynnaa tirtiridda argagaxisada xagjirka ah iyo hawlgalladooda Soomaaliya. Arrintani marna ma aha mid fudud sababta oo ah Al-Shabaab waxay adeegsataa taaktikooyin cunfi iyo fulaynimo ku astaysan sida qarxinta muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Si kastaba, marka la eego istaraatijiyaddeenna guud ee xagjirnimada lagaga badbaadinayo dadka qaybta ka ah, hawlgallada milatari ee guulaystay, deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab iyo xoojinta awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliya, waxaan ku kalsoonnahay in dadaallada wadajirka ah ee aan la leennahay AMISOM iyo saaxiibbadeenna caalamka ay miradhalayaan, taasi oo ay faa’ido ugu jirto Soomaaliya, shacabkeeda iyo sidoo kale xasiloonida gobolka iyo caalamka. Waxaan dhismihiisa wadnaa ciidan xoog leh oo si fiican loo tababaray iyo sidoo kale hay’ado ammaan oo ay udub-dhexeed u tahay ilaalinta xuquuqda banii’aadamka, kuwaasi oo masuuliyaddda amniga Soomaaliya la wareegaya. Dowladdeennu iyada oo kaashanaysa AMISOM iyo saaxiibbadeenna kale ee caalamka, waxay si xooggan uga shaqaynaysaa in yoolkaas la gaaro iyada oo la raacayo Qorshaha Amniga Qaranka. Halkan marka la joogo, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo geesiyaasha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, rag iyo dumar, dhammaan dalalka ciidamada ugu deeqay AMISOM iyo dhammaan saaxiibaddeenna caalamka ee siyaabaha kala duwan haddana muhiimka ah noogu taageera hawlgallada amniga. Waxa xusid mudan in sinnaba aanay u sahlanayn dib u habaynta ballaaran ee aan wadno balse dadaal iyo ka go’aan ka dib, waxaan hadda diiwaangelinney dhammaan Ciidanka Qalabka Sida, waxa sidoo kale dhawaan la soo gebagebaynayaa baaris lagu wado guud ahaan hay’adaha amniga dalka. Diiwaangelinta ciidanku waxay dowladda u fududaysay inay meesha ka saarto ciidankii beenabuurka ahaa ee aan jirin iyo inay qiimayso diyaargarowga dhanka hawlgallada ee ciidanka, waxayna sidoo kale suurtagelisay in la helo dhaqaale lagu bixin doono meelo kale si loo adkeeyo amniga dadka Soomaaliyeed. Waxaan ku qanacsanahay in dib u habaynta miradhalka ah ee dhanka ammaanka ee Soomaaliya ay fure u noqonayso inaan helno hannaankii amni ee lagu ilaalin lahaa bedqabka iyo horumarka ummadda Soomaaliyeed. Mudane Madaxweyne, Dhab ahaantii, waxbarashada tayada leh waxay xorraysaa, awood siisaa, rajo ku abuurtaa sidoo kalena daaha ka fayddaa riyooyinka, himilooyinka iyo halabuurka aadanaha, taas oo ay ka dhalanayso inaan dhammaan helno caalam intan ka sii wanaagsan. Dhammaan dadaallada waxbarashada iyo guud ahaan dadaallada horumarineed ee meel kasta oo adduunka kamid ah waa in bud-dhig iyo barbilaw looga dhigaa waxbarashada iyada oo taageero Qaran iyo mid caalamba loo raadinayo. Astaan muhiim ah oo muujinaysa dib u soo kabasahda Soomaaliya ayaa ah baahsanaanta adeegyada waxbarashada dowladda iyo kuwa xarumaha gaarka loo leeyahay bixiyaan ee dhammaan heerarka kala duwan ee waxbarasho. Waxaan si buuxda u fahansannahay baahida loo qabo in la dhiirrigeliyo lana taageero hannaanka iskaashiga dowladda iyo xarumaha gaarka loo leeyahay ku salaysnaa ee bixinta adeegyada waxbarasho iyada oo ay Dowladda Federaalku qaadanayso door kormeer iyo la socod. Marka laga yimaaddo tagtadii adkayd ee aan soo marnay, ujeeddooyinkeenna waxbarasho ee muhiimka ah ee dowlad ahaan aan dejinnay waxa kamid ah hannaanka, qaabka iyo maaraynta Waxbarasho Tayo leh. Tani waxay muhiimad u leedahay jiilkeenna yar yar si ay ula jaanqaadaan dhaqaalaha caalamka ee cusub isla markaana uga faa’idaystaan waxna ugu biiriyaan Yoolalka Horumarka Waara ee 2030. Marka la fiiriyo muhiimadda ay Waxbarashada Tayada leh u leedahay geeddi-socodka nabadaynta iyo dowlad dhiska iyo guud ahaan horumarka, dowladdeennu waxay bilawday dib u habayn baaxad leh oo ujeedkiisu yahay in la baahiyo helitaanka waxbarashada ee caruurta, bulshada la hagraday, kuwa baahiyaha gaarka ah qaba, gabdhaha iyo wiilasha. Waxaannu si cad xoogga u saaraynaa waxbarashada dhammaan ardayda gaar ahaan fasallada hore. Sidoo kale waxa naga go’an inaan kordhinno tiarada dadka waxbarashada isu diinwaangeliya, iyo inaan waxbarashada ku salayno fursadaha suuqa si loo kobciyo dhaqaalaha loona abuuro shaqooyin aad loogu baahan yahay, taasi oo keenaysa in kalsooni lagu abuuro shacabkeenna. Waxa xusid mudan in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay ku hawlan tahay diyaarinta Manhaj Qaran oo tayo leh isla markaana loo dhan yahay, iyada oo taas ay barbar socoto dayactirka dugsiyadii hore ee dowladda iyo inaan abuurno dugsiyo farsamada gacanta lagu barto, iyo sidoo kale inaan maalgelin ku samaynno macallimiinta iyo maamulayaasha dugsiyadeenna ee jiilka soo socda. Sannadkii shanaad ayaa ay Soomaaliya ku guulaysatey qaadista Imtixaannada heer Qaran, badanka ardaydeenna oo ay kamid yihiin kuwa baahiyaha gaarka ah sida arag la’aanta qaba ayaa ka qayb qaatay, kuna guulaystay. Waan ku faraxsannahay dhammaantood waxaanuna si wadaynaa dadaalka aan wax kaga qabanayno fursadahooda waxbarasho iyo shaqaalaysiin annaga oo dejinayna siyaasado waxtar leh, abuurayna iskaashiyo xooggan, diyaarinayna goobo la heli karo oo waxbarasho, sidoo kalena abuurayna hoggaan waxbarasho. Si aan u tayayno waxbarashadeenna guud ahaan caalamka, waa inaan dhammaan is-weydaarsannaa tijaabooyinka muhiimka ah, isla wadaagnaa siyaasadaha miradhalka ah, isla markaana abuurnaa dabarkii isku xirayay waxbarashada, fursadaha, nabadgelyada, ammaanka iyo horumarka caalamiga ah. Mudane Madaxweyne, Soomaaliya waxa ka go’an inay wax ka qabato xaaladda uu ku sugan yahay deegaanka dalku iyo in sare loo qaado adkaysiga bulshada ee jiilka hadda iyo kuwa soo socda. Soomaaliya waxay qaadday tallaabooyin waaweyn iyada oo hay’adaha maaraynta deegaanka ku jihaysey inay sameeyaan isbeddello heer Qaran ah. Tusaale ahaan, yagleelidda Waaxda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu waa tallaabo dhanka saxda ah loo qaaday, waxaanuna ku kalsoonnahay in Waaxdaasi ay si waxtar leh u hoggaamin doonto dhaqangelinta shuruucda iyo siyaasadaha deegaanka. Tani waxay caddayn u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan wax ka qabanno cimilada si loo helo deegaan fiican, nadiif ah isla markaana barwaaqaysan. Run ahaantii, isbeddelka cimiladu waa halis kordhinaysa masiibooyinka deegaan, Soomaaliyana, maadaama oo ay tahay dalka ugu xeebta dheer gudaha dhulka Qaaradda Afrika, waxay waajahaysaa saamaynta korodhka heerka badda iyo heer kulka taasi oo ay siyaadisay xaalufinta deegaanku. Abaartii 2017 ee Soomaaliya waxay saamayn weyn ku yeelatay deegaanka, dhaqaalaha iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka, waxana dhaawac lagu qiyaasay 600 milyan oo doolarka Maraykanka ah soo gaaray dabeecadda. Hoos u dhaca ku yimi waxsoosaarka dabiiciga ah waxa uu caddayn u yahay in waqti adag uu ku soo fool leeyahay dhaqaalaha Soomaaliya ee xoolaha ku tiirsan, maxaa yeelay ku dhawaad 93% khayraadkii daaqsinka ee gobollo kamid ah Soomaaliya waa ay idlaadeen. Tan ayaa saamayn toos ah iyo mid dadbanba ku yeelatay nolosha 6.2 milyan oo qof, taasi oo u dhiganta 60% guud ahaan dadweynaha oo ku tiirsan xoolo dhaqashada. Sababtan awgeed, waxa dhici karta in dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya uu qaato waqti badan maxaa yeelay waxa saamayn ku leh masiibooyinka cimilada la xiriira ee soo noqnoqday. Waxyaabaha keena nuglanaanta Soomaaliya waa badan yihiin, waana cakiran yihiin sidaasi darteedna waxay u baahan yihiin in loo helo xalal waqtiga fog ah oo dhammaystiran si Qorshaha Horumarka Qaranka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya loo dhexgeliyo maaraynta khayraadka dabiiciga ah iyo ajendaha deegaanka ee caalamiga ah. Casharrada aan ka barannay khibraddeenna waxay tilmaamayaan in si degdeg ah loogu baahan yahay wax ka qabasho deegaan si loo xalliyo dhaawaca ballaaran ee deegaanka soo gaaray oo halis ku ah mustaqbalka aan wadaagno. Mudane Madaxweyne, Aan kuu xaqiijiyo in ay si buuxda uga go’an tahay dowladdayda natiijooyinkii ka soo baxay Heshiiska Paris iyo sidoo kale heshiisyada deegaanka ee caalamiga ah kuwaasi oo ilaaliya arladeenna iyo mustaqbalka innaga wada dhexeeya. Halkan marka la joogo, waxaan si adag ugu baaqaynnaa dhaqangelinta iyo hirgelinta buuxda ee Go’aanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee 751, kaasi oo dhammaan dalalka xubnaha ka ah ku waajibinaya inay qaaddaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhoofinta iyo la soo degista dhuxusha ee tooska ah iyo tan dadban ee Soomaaliya. Tani keliya ma badbaadinayso deegaanka balse waxay sidoo kale argagaxisada caalamiga ah ka joojinaysaa il dhaqaale oo ay ku tiirsan yihiin si ay u dhibaateeyaan dadka aan waxba galabsan iyo kuwa nugul ee bulshadeenna. Mudane Madaxweyne, Saboolnimadu waxay kamid tahay cudurrada ugu daran ee dal la soo gudboonaan kara. Dowladda Soomaaliya waxay si adag bulshadeeda ugala shaqaynaysaa dhisitaanka mustaqbal ifaya oo ka maran faqri. Waxaan hadda qarka u saarannahay inaan dhammaystirno Qorshaha Horumarka Qaranka ee sagaalaad kaasi oo hagi doona siyaasadaha iyo habka la dagaalanka Saboolnimada ee Soomaaliya. Hannaanka lagu diyaariyay Qorshaha Horumarka Qaranku waxa uu ahaa mid loo dhan yahay oo sare u qaadaya isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo masuuliyadda dhaqangelinta oo ah mid wadareed. Hannaanka aan ku ciribtirayno saboolnimadu waa inaan fursado dhaqaale u abuurno dadkeenna, si aan taas u samaynanna, waxaan ku hawlannahay dib u habayn ballaaran oo miradhal ah kuna aaddan dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka taasi oo ay hagayso Barnaamijka Hay’adda Lacagta Adduunka si loo xaqiijiyo deyn cafin horraanta sannadka soo socda. Sida ay Hay’adda Lacagta Adduunku qabto, guusha aan ilaa hadda gaarnay waa mid weyn, waqti yar gudaheedna waxa noogu qabsoomay wax badan. Waxaan ku hawlannahay inaan si joogto ah u kordhinno dakhliga gudaha, hagaajinno hannaanka miisaaniyadda Qaranka, iyo inaan nidaamkeenna dhaqaale ka dhigno mid daah-furan oo la isku hallayn karo. Waxaan si dhaw saaxiibbadeenna caalamka iyo daneeyayaasha, sida shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee Adduunka, ugala shaqaynaynaa sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa. Gaarista himiladani waxay Soomaaliya u oggolaanaysaa inay hesho khayraad muhiim ah aadna loogu baahan yahay oo kabaya dakhliga gudaha si aan dhaqaale ugu helno hawlaha ciribtirka sabooolnimada, bixinta adeegyada dowladda, sida waxbarasho tayo leh iyo amni iyo inaan tallaabooyin waxtar leh qaadno si aan uga gaashaamanno masiibada cimilada ee mustaqbalka. Dib u habaynta dhaqaale iyo maaliyadeed waxa garab socda dadaal dowladdu waddo oo ay kula dagaalamayso musuqmaasuqa si shilin kasta loogu bixiyo adeegyada dowladda. Haddii aan doonayno inaan ciribtirno saboolnimada, innagama go’do inaan hal shilin ku luminno musuqmaasuq. Sidaa si lamid ah, waa inaan mar kasta hubinno qiimaha lacagta marka aan bixinayno kharashaadka dowladda si taasi inoogu suurtageliso inaan ka hortagno musuqa. Tani waa sababta aan toddobaadkii la soo dhaafay u saxiixay Sharciga La Dagaalanka Musuqmaasuqa, dowladdaydana waxaa ka go’an inay dhaqangeliso si dadka Soomaaliyeed loogu daneeyo. Mudane Madaxweyne, Madaxda sharafta leh, wufuudda, Mudanayaal iyo Marwooyin, Aan hadalkayga ku soo koobo aniga oo ku celinaya taageerada Soomaaliya ee ku aaddan dadaallada caalamiga ah ee ciribtirka saboolnimada, Waxbarasho Tayo leh iyo wax ka qabashada Cimilada. Adduunkan isku xirmay ee la wadaago halista iyo fursadda, waa inaan dhammaanteen ka wada shaqaynnaa sidii aan ku gaari lahayn horumar iyo barwaaqo wadajir ah. Socdaalkeenna caalamiga ah ee ku aaddan Horumarka Waara waxa laga yaabaa inuu dheeraado balse tallaabo kasta oo aan si wadajir ah u qaadno waxaa ka dhalanaysa in la helo bulshooyin xooggan iyo adduun caddaalad ka jirto iskuna xiran, taasi oo ay xoojin doonto iskaashiga inoo dhexeeya. Mahadsanid Mudane Madaxweyne. Dhammaantiin waad maahdsan tihiin.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay waxaa uu caawa khudbad dheer ka jeediyey jimciyadda Qaramada Midoobey isaga ka hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka ah, waxaa kale uu carabka ku adkeeyey in Soomaaliya ku qanceyso go’aanka xadeynta maxkamadda ICJ. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Kenya ku ammaanay kaalinta ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya iyo xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya labada dhinac, laakin waxaa uu xusay iyada oo sidaa ay tahay inuu jiro muranka badda oo muddo socday. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu jimciyadda qaramada midoobey u sheegay in markii hore arrinta muranka badda la isku dayey in xal wada hadal ah wax lagu dhameeyo, taasi oo markii lagu guuldareystay ay Soomaaliya aaday maxkamadda qaramada midoobey ee ICJ. Mudane Farmaajo waxaa uu sheegay in maxkamadda ay qabatay dacwada sheegtana iney geli karto, sidaasi darteed ay Soomaaliya sugeyso dhageysiga la filayo todobaadka ugu horeeya ee bisha November 2019. Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu carabka ku adkeeyey in go’aanka maxkmadda uu yahay mid kama dambeys ah oo cid walbo u hoggaansami doonto Soomaaliya iyo Kenyaba, isaga oo intaasi raaciyey in dalkiisa uu ku qancayo xadeynta maxkamadda ICJ. Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo waxa uu beeniyey in golaha nabadda iyo amniga uu sheegay in badda ka wada hadleen sida uu sheegay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isaga oo qeexay in golaha uu caddeeyey in aanu geli karin kiis ay gacanta ku heyso ICJ. Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxaa kale uu hadlay dhaqaalaha dalka, amniga, waxbarashada iyo cilmilada, arrimahan oo faahfaahsan waa inoo qormooyinka xiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbaddii uu u jeediyey golaha guud ee QM waxa uu qeyb ka mid ah kaga hadlay muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Farmaajo ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay dooneyso in muranka badda ay xalkiisa gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ, oo iminka kiiskaas uu horyaallo. Waxa uu sheegay in wada-xaajoodyada Kenya ee arrintan ku saabsan ay noqdeen kuwa aan miro dhal ahayn, sidaas darteedna, xalka ugu dambeeya ay tahay inuu nqodo kan maxkamadda. Waxa uu sidoo kale ballan-qaaday in Soomaaliya ay u hoggaansami doonto go’aan kasta oo ay maxkamadda ka gaarto kiiskan. Farmaajo ayaa sheegay in kulankii uu habeen hore la yeeshay Uhuru Kenyatta ay isku raaceen in xiriirka labada dal la wanaajiyo islamarkaana arrinta muranka badda loo daayo maxkamadda ICJ. Hadalka Farmaajo ayaa yimid ayada oo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu khudbaddii uu u jeediyey QM ku sheegay in Kenya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii muranka dhinaca xuduudda badda ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya loogu xalin lahaa wada xaajood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho, waxa ay ku meel mariyeen qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka oo golaha ay u soo gudbisay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha. Qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka oo bedel u noqonaya qorshaha sideedaad ee horumarinta qaranka oo ku eg dhammaadka sannadkaan, ayaa Soomaaliya u fududeynaya cafinta deynta lagu leeyahay, waxa uunsa sidoo kale dalka ku hoggaaminaya waddada kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta faqriga inta lagu guda jiro shanta sano ee soo socota (2020-2024). Hadafka qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka ayaa ah yareynta saboolnimada iyo sinnaan la’aanta iyada oo loo marayo kobac dhaqaale oo loo dhanyahay, shaqo abuur, hagaajinta amniga, sare u qaadidda sharciga iyo kala dambeynta iyo xoojinta xasilloonida siyaasadeed ee dalka. Wasaaradda Qorsheynta ayaa diyaarinta qorshaha horumarinta qaranka oo la daah-furay Deseembar 19, 2018, waxa ay wadatashiyo kala sameysay dowlad gobaleedyada, baarlamaanka, iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo ku daray talooyin qayb ka qaadanaya horumarinta qaranka shanta sano ee soo socota. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-habeen-26092019.mp3 View the full article
-
Michael Rubin oo ah aqoonyahan ka tirsan machadka American Enterprise Institute, isla markaana hore uga soo shaqeeyey Wasaaradda Gaashaan-dhiga Maraykanka, ayaa soo bandhigay Toban Su’aalood oo weji-gabax ku noqonaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, kuwaaasi oo ay tahay inuu ka jawaabo inta uu ku sugan yahay dalka Maraykanka oo uu kaga qaybgalay Shirweynaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay. Mr. Rubin wuxuu qormadaas uu ciwaan uga dhigay “10 Mawduuc oo Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay inuu ka jawaabo inta uu ku sugan yahay Maraykanka.” Warbixintaas oo uu ku qoray warsidaha Washington Examiner, waxa soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay u qorneyd sidan:- Daahfurnaanta (Transparency) Waxaad dhawaan soo celisay baasaboorkaagii Maraykanka ahaa miyaad sannad kasta bixin jirtay cashuurtii dakhliga ku soo gala muddadii aad aheyd muwaadin u dhashay Maraykanka? Waxa korodhay hantida aad haysato tan iyo markii aad noqotay Madaxweynaha Soomaaliya Bishii Feberwari 2017, wali miyaad soo bandhigtay halka aad ka keentay lacagtaas aad ku tanaaday? Haddii aanad shaacin hantidaasi siday kugu soo gashay maxaad u sheegi wayday? Haddiise aad iska casisho xilka madaxweynaha Soomaaliya, adigoo aan laheyd xasaanad diblomaasiyadeed, miyaad cag soo dhigi kartaa Maraykanka? Musuqmaasuqa (Corruption) Waxa korodhay deeqaha la siiyo sannad kasta Soomaaliya oo gaadhay balaayiin doolar. Hase yeeshee Hay’adda Transparency International waxay Soomaaliya ku derajeysay inay tahay dalka ugu musuqmaasuqa badan adduunka, iyadoo xataa sagxadda ka sii xigta dalalka Syria, Iraq, Venezuela, Yemen iyo Afghanistan. Miyaad rumaysan tahay in qiimeynta Transparency International ay khalad tahay? Haddii ay jawaabtu sidaas tahay. Miyaanay arrinta musuqmaasuqu tibaaxaynin in Soomaaliya aanay awood u laheyn ay ku maamusho deeqaha la siiyo? Sidoo kale maxay cashuur bixiyeyaasha Maraykanku ay Muqdisho ugu dirayaan Malaayiin doolar oo inteeda badan la leexsado isla markaana khasaare ah? 3.Ammaaanka (Security) Alshabaab waxay farobaas ku hayaan Muqdisho, Kismaayo iyo meelo kale oo Soomaaliya ka tirsan oo ay si bile ah weerraro uga geystaan, miyaad na tusi kartaa meel aad horumar ka sameyseen? Sidoo kale, miyay Dawladda Soomaaliya ku filan tahay inay hanato ammaanka, haddii ciidammada AMISOM ay yareeyaan joogitaankooda Soomaaliya? 4 Xuquuqda Aadanaha (Human Rights) Miyaad ka sifeyn kartaa wanaagga iyo galdaloolooyinka dastuurka Soomaaliya? Tan iyo markii aad talada qabatay waxa dhacay dilal badan oo lagu khaarajiyey dadka mucaaridka ka tirsan, halka in badan oo kalena xabsiga la dhigay. Safarrada (Travel). Markii aad u tartamaysay xilka madaxtinimada waxaad ku naqdiday madaxweynihii kaa horreeyey inuu si xad dhaaf ah ugu safro dalka dibadiisa, halkii ay ka aheyd inuu ku sugnaado Soomaaliya oo hawlo badani yaallaan, balse intii aad xilka la wareegtay waxaad safarro dibadeed u baxday in ka badan intii madaxda Arrimaha dibaddu u socdaali lahaayeen dalalka dibadda. Sannadkii tagay oo kaliya waxaad saddex jeer booqatay dalka Itoobiya. sidoo kale waxaad u socdaashay dalalka Talyaaniga, UAE, Qatar, Burindi, Eritrea, Japan, Turkiga iyo Maraykanka, qiime intee leeg ayaa safarradaasi ku baxay? Qatar Soomaaliya waxaad u jihaysay dhinaca dalalka Turkiga iyo Qatar, waxaanad Fahad Yaasiin oo Aljazeera u shaqeyn jiray aad u dallacsiisay madaxa guud ee Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, inkastoo uu ku magacaaban yahay agaasime ku-xigeenka Hay’addaasi. Ninkaasi oo dilaal ka ah siyaasadda Qatar ka leedahay Soomaaliya. Maxaad u aragtaa ujeeddooyinka iyo danaha Qatar ka leedahay Soomaaliya? ma adigaa maamula mucaawimada ay Qatar siiso Soomaaliya? siddee ayaadse u aragtaa cod Telefoonka lagu duubay oo lagu shaaciyey kaalinta ay Qatar ka geysatay weerar argagaxiso oo ka dhacay Soomaaliya? Turkiga Waxaad xidhiidh adag la sameysay Turkiga oo aad siisay saldhig Millatari oo ay ka furteen Muqdisho, iyadoo madaxweynaha Turkigu caddeeyey inay Soomaaliya barayaan Diinta Islaamka ee saxda ah? Miyaad ku raacdsan tahay arrintaas madaxweynaha Turkiga? Somaliland Somaliland waxay qaadatay madax-bannaanideeda sannadkii 1960kii, ka hor intii aanay si iskeed ah ula midoobin Soomaalidii Koonfurta ee Talyaanigu xukumi jiray. Sannadkii 1991kii ayey Somaliland la soo noqotay madax-bannanideeda iyadoo dawladii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre xasuuqday. Somaliland waxay qabsatay oo waliba ay ku celcelisay doorashada madaxtinimada, waxay leedahay ciidammaddeeda ammaanka iyo lacagteeda u gaarka ah, xilli ay Soomaaliya tahli weyday inay sugto ammaanka dalkeeda. Waxa isa soo taraysa intii aad hoggaaminaysay Soomaaliya inaad xoojisay dagaalkaaga ku wajahan inaad qaadhaanka caalamku bixiyo aad ka joojiso Somaliland, sidaas darteed dagaalka siyaasadeed iyo ka ciidan ee aad ku hayso Somaliland ma mudnaantaada koowaad baa? Haddii Somaliland ay dhinaca nabadgelyada iyo heerka noloshaba ay dhaaftay Soomaaliya? maxaad ula tartami weydeen guulaha Somaliland ku tallaabsatay intii aad ka xumaan laheyd? Prime Minister Khaire Ra’iisul-wasaare Khayre oo booqday Maraykanka lix bilood ka hor, inta badan safarkiisii wuxuu ku qaatay sidii uu u kasban lahaa taageero uu ku doonayo inuu adiga ku beddelo. Haddii Xasan Khayre noqdo madaxweyne miyaad filaysaa inay Soomaaliya xasili doonto? Shiidaalka Soomaaliya waxay khilaafka dhinaca badda ee u dhexeeya Kenya ay geysay Maxkamadda caalamiga ah ee Adduunka. Maxaad nooga sheegi kartaa xaraashkii aad ku soo bandhigteen soohdimaha badda ee aad isku haysataan Soomaaliya? maxaadse u sugi waydeen inta maxkamadda uu ka soo baxay xukun? Waxa soo diyaariyey Cumar Maxamed Faarax Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xerada tababarka Gen. Gordan iyo Kulyadda Jaalla Siyaad ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo Al-Shabaab looga saaray deegaanada ay weli maamulaan. Kheyre ayaa sheegay in dowladdu dardar gelineyso tayeynta, qalabeynta iyo dib-u-habeynta ciidamada qalabka sida. Ciidamada, macallimiinta iyo saraakiisha hoggaamisa ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay dadaalladooda naf-hurnimada ah ee ay ku badbaadinayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay dowr firfircnoon ka qaataan howl-gallada shacabka Soomaaliyeed looga dul qaadayo dhibaatada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidanka ugu tegay ku dhiiri-gelinta shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo, ayaa ciidamada u caddeeyay in dowladdu muhiimadda koowaad siineyso bixinta iyo hagaajinta xuquuqda ciidanku ay ku leeyihiin qaranka Soomaaliyeed. Dowladda federaalka Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga xoraynayo kooxaha argagaxisada ah, arrintaas oo qayb wayn ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay ula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.
-
(SLT-Paris)-Faransiiska ayaa barooraneysa madaxweynihii hore ee dalkaas, siyaasi rug cadaa ah, iyo u ololeeye midnimada Yurub iyo Afrika, Jacques Chirac oo maanta geeriyooday isaga oo 86 jir ah. Sharci-dejiyayaasha France ayaa sameeyey daqiiqad aamusnaan ah, halka madaxweyne Emmanuel Macron uu goor dambe la hadli doono qaranka. Jacques Chirac waxa uu ahaa siyaasi muddo soo taagnaa. Duqii magaalada Paris muddo 18 sano ah ka hor inta uusan noqon ra’iisul wasaare, kadibna madaxweyne muddo ka badan toban sano. Waxaa lagu xuusan doonaa waxyaabo badan, oo ay ka mid tahay inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyey ee Faransiis ah oo qirtay ku lug lahaanshaha dalkiisa ee xasuuqii Yahuudda Yurub, khudbad uu jeediyey 1985-kii. Waxa uu sidoo kale kasoo horjeestay qabasashadii Mareykanka ee Iraq sanadii 2003. Waxaa sidoo kale lagu xuusan doonaa inuu taageere weyn u ahaa Afrika. Chirac waxa uu saaxiib dhow la ahaa dhowr hoggaamiye oo African ah oo ay ku jiraan Omar Bongo oo Gabon ah, Blaise Compaore oo ah Burkina Faso iyo Denis Sassou Nguesso oo Jamhuuriyadda Congo ah. Source
-
Ciyaartooydii xulka qaranka iyo bahda isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Finland ayaa kulan mahad celin u sameeyay xidigaha kala ah Axmed Saciid Axmed iyo Xuseen Maxamed Cabdi Kariim oo qeyb ka ahaa xidigihii wacdaraha sameeyay kulamadii is reeb reebka koobka aduunka. Axmed Saciid Axmed oo ka tirsanaa safka xulka kana ciyaara wadanka Finland ayaa ka maqnaa madasha,isagoo qadka taleefoonka ugu mahad celiyay dadkii soo qaban qaabiyay kulanka ,balse waxaa goobjoog ahaa laacib Xuseen Maxamed Cabdira Kariim wuxuuna sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin taariikhda iyo guulaha ay la gaareen xulka qaranka dalkooda diyaarina ay u yihiin sanadaha soo aadan. Cabdullahi Maxamuud Salxaan Eenow oo ka mid ahaa xidigihii hore kooxda Madbacadda iyo xulka qaranka ayaa u mahad celiyay labada ciyaaryahan da’daalka ay soo bandhigeen,tani ay hordhaca u tahay fursada ay sugayeen dhallinyarada kale ee ku nool wadanka Finland kuwaas oo raadinayaa u dheelista Xulka Qaranka Soomaaliya heerarkiisa kala gedisan sanadaha soo socda. Macallinkii hore Gobolka Baay Bashir Macallin Faaqid kana mid ahaa laacibiintii hore naadiga wasraada howlaha guud iyo guryeenta LLP Jeenyo ayaa sheegay in ay waqtigooda iyo qibradooda ugu faa’idaynayaan dhallinyaradan,maadaam ay yihiin dhiiga cusub ee u soo baxay kubbadda cagta iyo Xulka. Dadkii ku sugnaa munaasabada dhiiri gelinta ayaa u badnaa ciyaartooydii hore kooxaha kubbadda cagta iyo xulka qaranka waxayna si wadajir ah ugu mahad celiyeen dhamaan dadkii ka danabeeyay guulaha uu xulka qaranka Soomaaliya ka sameeyay kulamadoo is reeb reebka koobka aduunyada ee ka kala dhacay magaalooyinka Haraare iyo Jabuuti horaanta bisha September 2019. Gabgabadii munaasbada labada ciyaaryahan ayaa lagu gudoonsiiyay abaal marino qaali ah oo ay ku jiraan sawirada wadajir ka ah ee (Photo Group) xulka qaran Soomaaliya,qaban qaabiyaasha xaflada ayaa ku sheegeen in ay ugu tala galeen in ay u noqoto xasuus ayna ugu sheekeeyaan caruurtaa iyo jiilka danbe. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ka Dhacay Wadanka Finland W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland oo kaashanaayo kuwa xoogga dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka wadeen deegaanno hoos yimaada magaalada Kismaayo ee Jubbaland. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgaladas ay guulo waaweyn ka soo gaareen ciidamada is kashanaayo ee xoogga dalka iyo Jubbaland. Afhayeenka wasaaradda dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdinuur ibraahim oo wareysi gaarka ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgaladaasi ay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan dagaaliyahanada Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay, Waxa uu sidoo kale sheegay in howlagaladaan ay sii socon doonaan inta degaannada ka maqan gacata Jubbaland dib loogu soo celinayo . Sidoo kale Afhayeen Cabdinuur ayaa sheegay ciidamada dowlad gobaleedka Jubbaland iyo kuwa Al Shabaab ay ku dagaalameen deegaannada Ceel Biroole iyo Yaaq Bishaara, waxaana uu xusay in ciidamadu ay halkaas ay ku burburiyeen saldhigyo ayna ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Alshabab” Ciidama Jubbaland qeybta waqooyiga Kismaayo ayaa maalmaahaan waxa ay howlgallo ka wadeen eeriyada Cabdulle Biroobe iyo deegaanada hoos yimaada howlgallaas waxaa burburin iyo kala ceyrinba lagu sameeyay kooxaha nabad diidka deenka Yaaq Bishaara waxaana halkaas looga dilay lix ruux ciidamadu halkaas guul ayeey ka gaareen waa sida uu hadalka u dhigay Afhayeen dowlad gobaleedka Jubbaland” Afhayeenka oo hadalkiisa sii wato ayaa warbixiyay howlgallo ay ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland oo is garab sanaya ay ka wadaan deenaada hoos yimaada magaalada Bu’aale ee caasimadda Jubbaland waxaana uu sheegay in Jubbaland iyo xoogga dalka ay ka go’antahay gaaritaanka magaalada Bu’aale isaga oo ka hadlaayana waxaa uu yiri” Degmada Bu’aale iyo deegaannada hoos taga howlgallada ka socda oo ay wadaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka oo iskaashanaayo guud ahaan in Shabaab dalka laga saaro waa lagu qasban yahay degmada Bu’aale iyo deegaanada hoos tagana waxaan rajeynayaa in laga xoreeyo oo gacanta maamulkooda iyo dowladdooda dib loogu soo celiyo” Hadalka afhayeenka wasaaradda amniga dowlad gobaleedaka Jubbaland ayaa ku soo aadaya ayadoo maalmahaan ciidamada iyo kuwa xoogga dalka qeybta 43-aad ay howlgallo kawadaan deegaanno ka tirsan jubbooyinka iyo gobalka Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Jubbaland oo maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulkaasi. Shirka ayaa waxaa guddoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo diirada lagu saaray amniga, dastuurka, dib u dhaca ku yimid xafladddii caleema saarka iyo arrimo kale. Xubnaha golaha wasiirada ayaa ugu horreyn ka dooday xaalada ammaanka deegaanada Jubbaland, iyadoona golaha amniga heer dowlad goboleed laga dalbaday inay soo gudbiyaan habraaca cusub ee sugida nabadgalyada, taas oo ay ku shaqaynayaan hay’adaha nabad gelyada maamulkaasi. Waxa kale oo guluhu warbixin ka dhageystay wasaaradda dastuurka, taas oo la xiriirta hanaanka dib u eegista dastuurka qabyada ah ee dalka. Sidoo kale golaha wasiirada Jubbaland ayaa ka dooday dadaalka wasaaradda arimaha gudaha maamulkaasi ay ku bixinayso sidii loo soo gabagabeyn lahaa dhammaan tabashooyinkii ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo. Arrimaha kale ee shirka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah dib u dhicii ku yimid xafladdii caleema saarka ee Axmed Madoobe oo lagu waday in shalay la qabto. Golaha ayaa sheegay in wakhti kooban kadib la qaban doono, islamarkaana dhowaan magaalada Kismaayo ay soo gaari doonaan marti sharaf kala duwan . Ugu dambeyn golaha ayaa ka hadlay xariga wasiirkooda amniga, Cabdirashiid Janan oo weli u xiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo faray hay’ada garsoorka Jubbaland in arintaasi ay ku bixiyaan dadaal dheeri ah oo lagu soo deynayo wasiirkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa qaatay masuuliyadda Dilkii loo geystay Weriye Jamal Khashoggi, kaasi oo sannadkii hore hawl-gal Sucuudiyiin sameeyeen lagu khaarajiyey. Hadalka uu Dhaxal-suge MBS ku qaatay Masuuliyadda Dilka ayuu ku sheegay Dhukumantari ay samaysay Warbaahinta PBS, kaasi oo la baahin doono Toddobaadka soo socda, sida ay Maanta baahisay Al-jazeera. Mohammed bin Salman (MBS), hore si cad ugama hadal Dilka Weriye Jamal Khashoggi loogu geystay Gudaha Qunsuliyadda uu Sucuudigu ku leeyahay Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga, balse Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaano CIA iyo qaar ka mid ah Dawladaha reer Galbeedka ayaa sheegay inuu MBS uu bixiyey Amarka lagu dilay Weriyaha, laakiin xilligaa Masuuliyiinta Sucuudigu waxay sheegeen inaanu door ku lahayn. Jamal Khashoggi oo ahaa Suxufi Sucuudiyaan ah ayaa firxad ahaan ku joogay Dalka Maraykanka, waxaanu aad uga wax uga qori jiray isla-markaana u dhaliili jiray Xukunka hoggaanka Boqortooyada Sucuudiga, taasi oo keentay in boqortooyadu colaad u qaado. Weriyaha ayaa la dilay xilli uu ku sugaan Qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Istanbul, halkaasi oo doonayey inuu ka soo qaato Waraaqo u fasaxi lahaa inuu Xaas labaad Guursado. Dhukumantariga uu ku jiro Waraysiga laga qaaday MBS ayaa la baahin doonaa 1-da bisha Dambe oo ku beegan Sannad guuradii geerida Khashoggi. Source
-
Qatar Charity (QC) has recently opened a multi-service centre, the first of its kind in the Bal’ad District, which is one of the districts of Middle Shabelle region of Somalia, while three multi-service centres are under construction in other states and will be opened in the next few months. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed C/casiis Maxamed Laftagareen ayaa maanta magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Koofur galbeed u magacaabey maamul cusub. Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada dowlad gobaleedka looga arrimiyo ayaa lagu sheegay in markii Madaxweynuhu uu arkay baahida loo qabo in degmada Beydhabo ay hesho maamul cusub oo dardargelin kara howlaha balaaran ee socda, ayuu gartay inuu u soo magacaabo maamul cusub. Madaxweynaha ayaana sheegay markii uu arkay kartidooda iyo khibradda ay u leeyihiin shaqadaan in uu u magacaabay isaga oona kula dardaarmay in su hufan ay uga soo dhalaalaan shaqada loo igmaday. Xasan Macali Axned guddoomiyaha degabamada Baydhabo, Isxaaq Maxamed Cali goddoomiye ku-xigeenka degmada Baydhabo, Cabdifitaax Cali Mursal guddoomiye ku-xigeenka maalika iyo maaliyadda Cabdulqaadir Cali Xasan guddoomiye ku-xigeenka arrimaha. Mukhtaar Sharmaake Cali Xoghayaha dowladda hoose ee Koonfur galbeed Sidoo kale Madaxweyme Cabdicasiis Laftagareen ayaa shacabka degmada Baydhabo ugu baaqay in si dhow ay u la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo dhisay degmada Baydhabo ee gobalka Baay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay ka gudbaan khilaafyada, kana wada shaqeeyaan sidii horey loogu dhaqaajin lahaan hanaanka siyaasadda dalka, loo xoojin lahaa dadaallada dib u heshiisiinta qaranka, loola dagaalami lahaa musuq-maasuqa, sare loogu qaadi xuquuqda aadanaha iyo xoriyadaha aas-aasiga. Qatar ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo dhammaan saaxiibada Soomaaliya inay mideeyaan dadaalladooda si ay taageero farsamo iyo mid maaliyadeed u siiyaan horumarinta hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay soo dhoweeneyso soo gaba-gebeynta iyo talooyinka ku jira warbixinta khabiirka madax banaan Bahame Tom Nyanduga uu ka diyaariyey xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya. Dowladda Qatar ayaa sheegtay in inkasta oo waxa ugu muhiimsan ee argagixisada ay beegsaneyso ay yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliya, haddana dowladda federaalka ay ku guuleysatay inay guulo dhowr ah ka gaarto arrimaha amniga, siyaasadda, bani aadamnimada iyo xuquuqda aadanaha. La-taliyaha waaxda xuquuqda aadanaha ee wasaaradda arrimaha dibedda Qatar Dr. Turki Al Mahmoud ayaa ku baaqay in la ilaaliyo guulahan, islamarkaana laga shaqeeyo sidii loogu gudbi lahaa wejiga xiga. Dowladda Qatar ayaa sheegtay in 27-ka October ay marti-gelin doonto kulanka heer wasiir ee kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Soomaaliya. Dr. Turki Al Mahmoud ayaa xusay in dowladda Qatar ay dib u xaqiijineyso sida ay uga go’an tahay inay xushmeyso madax banaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya, islamarkaana ay garab istaagto dadka Soomaalida, ayna sii wadi doonto taageerada ay siisso dowladda. Caasimada Online Xafiiska Doha caasimada@live.com