Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,072
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xarrakada Alshabaab ee saldhiggeedu yahay dalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay weerar ku qaadday saldhigga boliiska ee Dadajabula oo ku yaalla Koofurta magaalada Wajir ee dalka Kenya. Qof ka tirsan maamulka Wajir ayaa u sheegay The Nation in dableydu ay kusoo weerareen saldhigga hub culus oo ay ka mid yihiin kuwa garbaha laga rido. Sarkaal ka tirsan dowladda Kenya oo magaciisa qariyey sababo la xiriira inaan loo oggoleyn la hadalka saxaafadda ayaa sheegay in weeraryahannadu ay xoog ku galeen saldhigga kaddib markii laba xubnood oo Xarrakada ka tirsan lagu soo xiray saldhigga. War kasoo baxay boliiska Kenya ayaa lagu sheegay in saldhigga ay ku xirnaayeen laba ka tirsan dagaalyahannada waxayna doonayeen inay badbaadiyaan. “Weerarka ujeedkiisu wuxuu ahaa in Alshabaab ay badbaadiyaan laba qof oo argagixisannimo lagu tuhunsan yahay oo ku xirnaa xabsiga” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan boliiska dalka Kenya ee magaciisa qariyey. Boliiska dalka Kenya ee saldhiggaas ku sugnaa ayaa uga jawaabay weerarka hub culus waxayna dadka deegaanku sheegeen in dhawaqa rasaasta uu socday mudda 20 daqiiqo ah. “Israsaaseyn culus ayaa laga soo warinayaa Dadajabula, Koofurta Wajir, hub culus ayaa la adeegsanayaa iyadoo ciidamada ammaanku oo ay ka mid yihiin militeriga” ayaa lagu yiri war kasoo baxay boliiska Kenya. Markii rasaastu istaagtay, weeraryahannadu waxay dileen labadii qof ee xabsiga ku jiray ee la tuhunsanaa iyo laba sarkaal oo Kenyan ah iyadoo askari kale la dhaawacay. “Waxaan tuhunsannahay in weeraryahannadu ay xabsiga ku dhex dileen dadkii la tuhunsanaa si aysan uga fakan xog ku saabsan Alshabaab,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay boliiska Kenya. The Citizen. Source: goobjoog.com
  2. Armenian advocacy groups expressed dismay that Omar did not back the measure, which overwhelmingly passed the House by a 405-to-11 margin. Source: Hiiraan Online
  3. New York (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay soo bandhigtay muuqaal muujinayo qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu dilay hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abuukar Al-Baqdaadi. Militariga Mareykanka ayaa soo bandhigay sawiro iyo Muuqaal muujinayo duqeyntii lagu qaaday gurigii uu daganaa Abukar Al-Baqdaadi oo uu Mareykanka madaxiisa dul dhigay adduun lacageed oo gaarayo ilaa 25 Malyan oo lacagta Marekanka ah. Muuqaalka ayaa muujinayo Ciidamada Mareykanka oo rasaas la dhacayo guriga uu daganaa Al-Baqdaadi kadibna waxaa la arkayaa duqeyn culus oo lala beegsaday taasoo keentay inuu burburo dhammaan gurigii uu daganaa Al-Baqdaadi. Al Baqdaadi ayaa kadib ku cararaya god dhulka hoostiisa ku yaala, halkaas oo kolkii dambe uu isku qarxiyey isaga oo wehliyaan saddex caruur. Madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka, General Kenneth McKenzie, ayaa sheegay in duqeynta ay dhacday ka dib markii la soo daad gureeyay dhammaan Ciidamadii la qeyb qaadanayey weerarkii lagu beegsaday Hoggaamiyihii Kooxda Daacish. McKenzie wuu awoodi waayey inuu xaqiijiyo sheegashada Trump ee ah in hogaamiyaha Isis uu qaylinayey daqiiqado ka hor dhimashadiisa. Wuxuu sheegay in la aruuriyey haraadigii meydka Baqdaadi kadib markii uu isku qarxiyay god dhexdiisa, halkaas oo uu ku dilay laba caruur ah oo uu watay isla markaasna lagu aasay badda dhexdeeda. McKenzie wuxuu sheegay in warbixinnada bilowga ah ay sheegeen saddex carruur ah, laakiin baaritaanadii dambe waxay muujisay laba. Labaduba waxay da’doodu ka yartahay 12 sano, ayuu yiri. Kooxda Daacish ayaa illaa iyo haatan wax war ah kasoo saarin sheegashada Mareykanka ee dilka Amiirkeeda, wallow warbaahino kala duwan oo kooxdu leedahay ku kala qeybsameen xaqiijinta warka geerida. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka  Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah ay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaarsiin doonaan gurmad ballaaran oo loogu talogalay dadka uu saameeyey fatahaadda Wabiga Shabelle. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka oo xubin ka ah guddigan ayaa sheegay in maanta gurmadkan uu tagayo B/weyne. Wasiirka oo ka warbixiyey sidoo kale xaaladda B/weyne ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay aysan jirin xaalad ka daran 24-kii saac ee lasoo dhaafay middii jirtay. Shacabka B/weyne ayaa u baahan gurmad xooggan, cid walbo oo Soomaaliyeedna waxaa waajib ka saaran u gurmashada walaalahooda ku dhibaateysan B/weyne. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Nairobi)-Wasiirro ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay kaga qaybgalayaan Shirka caalamiga ah ee “Korodhka dadka iyo horumarka ee ICPD)”, kaasi oo la qabanayo 13ka ilaa 15ka Bisha November. Wasiirradan shirka ka qaybgalaya ayaa kala ah Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta Eng. Xuseen Ibraahim Buuni. Dawladda Somaliland ayaa doonaysa inay shirkan uga faa’iideysato sidii ay wax uga qaban laheyd dhallinyarada JSL ee sii kordhaysa iyo sidii taabogelin lahaa tayada waxarashada iyo shaqooyinka, Sida uu baahiyey Wargeyska East African Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA. Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay shirkan caalamiga ah doonayaan inay wax ka korodhsadaan sida dalalka caalamku ay u maareeyeen arrimaha waxbarashadda dhallinyarada, gaar ahaan hablaha iyo shaqo abuurka. “Haddii aanu nahay Somaliland waxaanu leenahay dhallinyaro aad u badan, kuwaasi oo doonaya inay galaan suuqa shaqada,”ayuu yidhi Wasiir Sacad. Kulan gogol xaadh u ah shirkan caalamiga ah oo Salaasadii lagu qabtay Nairobi waxa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno Baarlamaan iyo ururro kala duwan, kuwaasi oo ka mid noqon doona ergada ka qaybgali doonta Shirka caalamiga ah ee ‘korodhka dadka iyo horumarka ee ICPD).’ Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Wakiilka Dawladda Hindiya u qaabilsan Kenya ,Asish Sinha ayaa daboolka ka qaaday in dalkiisu uu Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqeyn doono ardayda wax ka barata dhinaca caafimaadka oo ay u sameyn doonaan sidii ay u heli lahaayeen xirfadaha lagama maarmaanka ah. waxa kaloo Wakiilku caddeeyey inay dhinaca qalabeynta ka taageeri doonaan cisbitaalada Jamhuuriyadda Somaliland. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin Wargeyska East African Business Week, oo daabacay kulan ay Nairobi ku yeesheen Ku-xigeenka Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Sharmaarke Geelle iyo Wakiilka Dawladda Hindiya u qaabilsan Kenya Asish Sinha. Mr. Asish Sinha wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan ardayda reer Somaliland ee danaynaya inay caafimaadka ka soo bartaan Jaamacadaha Hindiya. Labada diblomaasi waxay wadajir u falanqeeyeen sida Somaliland iyo Hindiya u yeelan lahaayeen iskaashi Ganacsi iyo mid ku saabsan waxbarashada aasaasiga ah. Ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee Kenya Sharmaarke Geelle ayaa sheegay in Hindiya wax badan kaga horeyso Somaliland horumarka noocyadiisa kala duwan. “Hindiya aad ayey dalkayaga uga horreysaa dhinac kasta oo laga eego horumarka. Waxaannu doonaynaa inaanu wax ka baranno oo qalabeyno dadkayaga,”ayuu yidhi danjire Sharmaarke Geelle. Waxa kaloo uu xusay in aanay doonaynin in shacabka Somaliland ay hawlo caafimaad uun u tagaan Hindiya, waxase uu tilmaamay in ay jiraan dhallinyaro caafimaadka ku soo baratay Hindya oo ay tahay inay ku soo laabtaan dalkooda oo ay ugu shaqeeyaan aqoontooda. Wargeyska East African Business Week wuxuu iftiimiyey in aanay Beesha caalamku wali aqoonsan Jamhuuriyadda Somaliland, hase yeeshee ay baasaboorka Somaliland aqbaleen dalalka Itoobiya, Jabuuti, Biljam, Koonfurta Suudaan, Kenya iyo Imaaraadka carabta. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Guddidii Wasiirrada ahaa ee uu dhawaan madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi u xilsaaray xalinta shaqaaqadii deegaanka Wada jir ee gobolka Salel ku dhexmartay labada Beelood ee wada dega ayay guddidu go’aamo ka soo saartay shalay. Sida uu ku soo waramay Wariye Khadar Maxamed Maxamuud (Khadar Quule) oo weftigaas wasiirrada ah noola socda, kulamo goono-gooni ah oo ay guddida Wasiirradu la yeesheen odayaasha iyo waxgaradka labada Beelood ka dib waxa laysugu yimid shirkii labaad ee lagu xoojinayey adkaynta nabada iyo wada jirka bulshada deegaankaasi ku dhaqan. waxana laga soo saaray qodobo la xidhiidha arrintaasi waxana warbaahinta ka hor sheegay wasiirka wasaaradda horumarinta BeerahaAxmed Muumin Seed waxayna u dhignaayeen sidan:- )in Beesha reer Odawaa ee uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu ay muddo 30 cisho gudahood ah ku keenaan gacan ku dhiiglihii. in Beesha Baha-barceli ee uu ka soo jeedo marxuumkii la dilay oo ay weheliyaan xidhahoodii inay intaas nabada ilaaliyaan oo aanay wax talaabo ah qaadin. in haddii Beesha reer Odawaa ee uu ka soo jeedo gacan ku dhiigluhu ay ku keeni waayaan muddadaas loo qabtay ay arrintaas masuuliyadeeda la wareegi doonaan gudduuiyaha gobolka Salel iyo taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada qaranka JSL. Sidaas ay xukuumaddu ku heshiisiisay labada Beelood ee walaalaha ah ee ay shaqaaqadu ku dhexmartay deegaanka Wada jir ee gobolka Salel way ku qanceen labada dhinacba sida ay ku soo dhamaatay arrintaasi. Geesta kale, guddidan wasiirrada ah ee nabadaynta u joogay gobollada Awdal iyo Salel ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanka Gargaara oo ka tirsan gobolka Awdal waxa soo dhaweyntooda ka qayb qaatay maayarka degmada Lughaya, Cuqaal, Haween Dhallinyaro iyo bulshada deegaankaasi ku dhaqan qaybaheeda kala duwan. ugu horayna waxa bulshada degmadaas halkaas kala hadlay wasiirka horumarinta caafimaadka Cali Cumar C/laahi oo dadka deegaankaas ku soo dhaweeyey uga mahnaqay sida qiimaha sarasa ee ay u soo dhaweeyeen, isagoo ku booriyey inay nabada adkeeyaan meela uga soo wada jeestaan. Sidoo kale, waxa isna halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali (koore) oo hogaaminaya gudidaas wasiirrrada ah, wuxuuna bulshada ku soo dhaweysay deegaanka gargaara iyo Lughaya kula dardaarmay inay xoojiyaan nabadgalyada deegaankooda, isla markaana ay muhiim tahay nabada iyo wada noolaanshaha bulshadu. Odayaashii iyo waxa garadkii deegaankaas ee weftiga wasiirradaha ah soo dhaweeyey ayaa balaan qaaday inay dhinacooda ka shaqaynayaan ilaallinta nabadgalyada, waxay xukuumadda ku amaaneen dedaalka ay ka gashay dejinta arrintaas iyo nabadeynteedaba. Source
  8. (SLT-Addis Ababa)-Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in la dhammaystiray isbedel lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Sidaas waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Nebiat Getachew oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa. Mr. Getachew, wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la dejiyay 24 sannadood ka hor, imika lagu sameeyay isbedel uu sheegay inuu la jaanqaadayo dunida iyo gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda la dejiyay ay toddobadii bilood ee u dambeeyay diyaarinayeen khubaro isugu jira diblomaasiyiin iyo macalimiin Jaamacadeed, kuwaas oo hadda dhammaystiray. “Siyasadda cusub ee arrimaha dibadda, waxa si rasmi ah loo daah furayaa maalmahan soo socda, waxaana loo diyaariyay iyadoo la tixgeliyay kobaca bulshada Itoobiya oo markii siyaasadaas hore 24 sannadood ka hor la diyaariyay tiradoodu ahayd 60 milyan oo ruux, haddana ah 100 milyan oo ruux, sidoo kalena waxa lagu saleeyay gobalka, qaaraadda iyo adduunyada.” Afhayeenka oo ka hadlaya saamaynta siyaasadan cusub ee Itoobiya ee Geeska Afrika, wuxuu sheegay in isbedelo badan oo imika soo kordhay ay sababeen isbedelkan cusub, waxaanu yidhi, “Dhalashadii Koonfurta Suudaan, dhammaynta xaaladii colaadna aan ahayn, nabadna ahayn ee Itoobiya iyo Ereteriya, isbedelka xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo badan ayaa sababay in isbedel lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.” Isbedel cusub ee lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxa la filayaa inuu saamayn ku yeesho Somaliland, iyadoo siyaasadaas hore ee Itoobiya ee khaarajigu ay ahayd halka uu ka dhismay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Lama oga in xukuumadda Madaxweyne Biixi la socoto isbedelkan cusub ee ay Itoobiya ku samaysay siyaasadeeda arrimaha dibadda oo muddo 7 bilood ah jidka ku soo jiray. Source
  9. Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo. Dagaalkan yaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland oo howlgal amniga lagu sugayey ka waday deegaankaasi. Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, dagaalkan ayaa ahaa mid aad u xooggan oo la isku adeegsaday hub culus, lamana oga khasaaraha halkaasi ka dhashay. Saraakiisha ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi, iyadoo xaaladda ay tahay mid yara deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku baaqay in dadka Somaliland ka qayb galaan gurmadka loo fidinayo bulshada ku tabaalaysan fatahaadaha ee Beledweyne. Qoraal uu arrintan ka soo saaray Guddoomiye Cirro ayaa u dhigan sidan:- Walaalayaal; waxa aan sinnaba looga aamusi karin masiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka Soomaaliyeed ee ku teedsan Wabiga Shabeelle gaar ahaan Magaalada Beledweyne. Sawirada iyo muuqaalada argagaxa leh ee laga soo tebinayaa waxa ay inoo muujinayaan waxyeelada weyn ee soo gaadhay dadkaa Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahay isla markaana dhiig iyo dhaqanba wadaagno. Waxa aan dhammaan shacabka reer Soomaalilaan ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay u fidiyaan gargaar isla markaana gacan ka geystaan gurmadka loogu jiro samata-bixinta maatada waxyeeladu soo gaadhay ee reer Baladweyn. Baladweyn Allahayow, balayaada hareer mari. Source
  11. (SLT- Geneva)-Dhinacyada iskaga soo horjeeda siyaasada Suuriya ayaa markii ugu horeysay isaga horyimid si fool ka fool ah markii ugu horreysay tan iyo markii dagaalka sideeda sano kor u dhaafay uu ka qarxay Suuriya sanadkii 2011-kii. Kulanka oo shalat ka dhacay magaalada Geneva ayaa ujaadiisu tahay sidii looga xaajoon lahaa dajinta dastuur Cusub. Waxaa madasha goob joog ka ahaa 150 xubnood oo ka kala socda dowlada Mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka, kuwaasi oo kulan la qaatay guddiga qoraya dastuurka Suuriya. Xubnaha gudiga oo ku howlanaa shaqadan inkabadan laba sano ayaa la filayaa in ay u bandhigaan qaabka ay u habeeyeen dastuurka cusub ka hor inta ayna u coddeyn shacabka Suuriya. Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan dalka Suuriya Geir Pedersen oo ka hadlay madasha ayaa qiray in ayna aheyn wax sahlan in xubnahaan ay qol iskugu wada yimaadaan balse ay hortaalo howl Adag. Mr Pedersen ayaa intaa ku daray in mustaqbal dalka Suuriya iyo ku xidhan uu gacanta ugu jiro muwaadiniinta Suuriya, balse ay iyagu kaliya ayaa taageeri doonaan. Source
  12. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta sidii dalka looga qaadi lahaa xayiraadda hubka, sidda uu sheegay Taliska Booliska. Sakiya Xuseen, taliye ku xigeenka ciidamadda bileyska, ayaa tilmaamtay in arrintaan ay ahmiyad weyn u leedahay dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sidda ayay ku tartarsiisay in ay door muuqda ka cayaaraan sidii loogu guuleysan lahaa arrintaan. Mid kamid ah shuruudaha lagu xiray in xayiraado la qaado ayay ku qeexday in la helo nidaam hufan oo dhanka maamulka hubka ah. Hadalkan ayay ka sheegtay munaasabad tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan booliska oo ku saabsanaa hanaanka keydinta hubka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DFA-1.mp3 View the full article
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah booqanaya, magaalada Dhahar ee xarunta gobolka High-land, halkaasi oo uu ka dhagax-dhigi doono mashaariic cusub. Madxaweyne Deni ayaa markii uu musharraxa ahaa booqday degmada Dhahar, isagoo ballan-qaadyo kala duwan u sameeyay, haddii uu ku soo baxo doorashada madaxtinimada Puntland. Haddana, sagaal bilood kadib markii la doortay madaxweynaha, ayuu maanta booqanaya degmadaasi Dhahar, iyadoo ay horyaallan in uu wax ka qabto ballan-qaadyadiisi uu bulshada Dhahar u sameeyay xilligii ol’olaha doorashada Puntland. Qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa hadda ka socota magaalada Dhahar, waxaana mas’uuliyiinta degmada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay u sii diyaar-garobayaan wefdiga madaxweynaha oo saacadaha soo socda halkaasi tegi doono. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta booqanaya magaalada Dhahar ee xarunta gobolka High-land appeared first on Puntland Post.
  14. Beledweyne (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu Maanta gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wasiirka oo ka waramayay xaaladda fatahaadda ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan ka soo darin dhamaan deegaannada sidii ay ahayd 24 saac ka hor, isagoo xusay in goobta ugu qasaaraha badan ay tahay magaalada Beladweyne. “Ilaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan oo dalka ka dhacay ay tahay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhamaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah’ ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray inay jiraan meelo kale oo fatahaado ka dhaceen oo ay ka midyihiin Degmooyinka Baardheere iyo Belad Xaawo oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halka magaalada Bardaale ee Gobolka Baay roobab xoogleh oo ka da’ay ay sababeen inay biyo badan ku rogmadaan magaalada, taasi oo aan ahayn biyo ka yimid Webi balse roobabka ay keeneen daadad xoog badan oo sababtay inay dadku ka barakacaan magaalada. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay guddi heer sare ah u magacawday arrintan, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay baaq ka saareen oo ah in loo gurmado dadka ay saameysay fatahaaduhu. Wasiir Maareeye ayaa yiri “Runtii dadku waxa ay u baahanyihiin taakuleen, dowladdu wixii karaankeeda ah wey geysay, inkasta airport Beladweyn uu naga xirnaa labo maalmood, waxaa nasiib wanaag ah in uu hadda dib u furmay, oo galabta naloo sheegay in Airport uu furanyahay, Maanta waxaa tegi doona wafdi balaaran oo ay xubnaha guddiga, dad badan oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadkale oo technical ka ah oo ku shaqada leh oo ka socda Wasaaraha ay Maanta tegi doonaan oo gar gaar wada”. Dowladaha Qatar, Turkiga iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa la sheegay in dhankooda ay gacan ka geysan doonaan kaalmo gaarsiinta dadku ay fatahaaduhu saameeyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Beledwayne (SMN) – Iyadda oo xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd ay ka jirto magaaladda Beledwayne ayaa waxaa isa soo taraya gurmadka loo fidinayo shacabka. Magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa qaarkood waxaa ka socda olale is-xilqaan ah oo lacag loogu uruurinayo dadka ku dhiban magaaladda Beledwayne. Ololahan ayaa waxaa horkacaya dhalinyaro, kuwaas oo ka dan-qaday dhibaatadda taagan, taas oo xukuumadda federaalka door muuqata ka qaadaneyso. Fatahaadaha ayaa si gaar ah waxaa looga soo warinayaa degaanadda ay maraan webiyadda Shabelle iyo Jubba ee koonfurta iyo bartamaha dalka. Hoos ka dhageyso warka oo codka ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Gurmadka.mp3 View the full article
  16. (SLT- Nigeria)-Maxkamada sare ee dalka Nigeria ayaa daaqada ka saartay dacwada hoggaamiyaha ugu weyn Mucaaradka Mr Atiku Abubakar ee ka dhanka aheyd guusha doorashadii madaxtinimo ee bishii Febraayo uu ka gaadhay madaxweyne Maxamaduu Buhaari. Waxaan baadhnay dhammaan dacwadaha noola soo gudbiyay waxaana ku raacsanahay maxkamadda Racfaanka in ayna jirin eedo la xidhiidha in doorashada ay u dhacday qaab musuq maasuq ah, sidaasi waxaa sheegay madaxa cadaalada Tanko Maxamed. Go’aanka ayaa waxaa gaadhay lix ka mid ah garsoorayaasha joogtada ah ee Maxkamada Sare. Mr Tanko ayaa ka gaabsaday in uu caddeeyo sababta rasmiga ah ee xukunkaan uu u qaatay, balse waxuu sheegay in dib ay ka shaacin Doonaan. Xukunkaan ayaa soo afjaraya dacwad maxkamadeed oo sideedii bilood ee la soo dhaafay hadheysay doorashada madaxtinimo oo markii labaad bishii Febraayo dib loogu doortay madaxweyne Maxamaduu Buhaari. Hoggaamiyaha Nigeria oo 76 jir ah ayaa codadkii la dhiibtay helay boqolkiiba 53 sida ay xaqiijiyeen guddiga Doorashada. Hogaamiyaha Mucaaradka Mr Abubakar matalayay xisbiga mucaaradka ah ee (PDP) ayaa la yimid 41 boqolkiiba balse waxuu gaashaanka u daruuray Natiijadan. Source
  17. Beledwayne (SMN) – Wafdi balaaran oo ka socda dowladda federaalka ah ayaa ku wajahan magaaladda Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan. Mas’uuliyiinta oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa waxaa qaybtooda ka tirsan yihiin Guddiga Gurmadka Fataahadaha Webiyadda Jubba iyo Shabelle. Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Maareeyee, ayaa tilmaamay in ay gaarsiin doonaa gurmad ay xukuumadda ugu talogashay dadkaas dhibaateysan. Socdaalka wafdiga ayaa imaanaya xili uu magaaladda ka da’ay roob xoogan, kaas oo laga cabsi qabo in uu hakad geliyo isu socodkii garoonka diyaaradaha. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Wafdi.mp3 View the full article
  18. (SLT- Afghanistan)-Ciidammada Afgaanistaan ee weerrarada qaada ee ay badhitaarto hay’adda sirdoonka Mareykanka ee (CIA) ayaa waxa ay gaysteen tacaddiyo ay ku jiraan dambiyo dagaal, sida lagu sheegay warbixin cusub. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ayaa waxa ay ciidammada ku eedaysay “inay gaysteen dil aan kala sooc lahayn iyo tacaddiyo kale iyadoo aanu jirin wax isla xisaabtan ah”. Tacaddiyadaas waxaa ka mid ah dil aan kala sooc lahayn, dad la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen iyo weerraro lagu qaaday xarumo caafimaad. Qaramada Midoobay iyo wargeyska New York Times ayaa hore waxa ay u soo qaadeen eedaha ah in tacaddiyo ay gaysteen ciidammada weerrarka qaada ee Afgaanistaan. Warbixintan ugu dambaysay ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii bishii Sibteembar ay burbureen wadahadalladii nabadda ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Taalibaan. Source
  19. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-31102019.mp3 View the full article
  20. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu saaka gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wasiirka oo ka waramayay xaaladda fatahaadda ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan ka soo darin dhamaan deegaannada sidii ay ahayd 24 saac ka hor, isagoo xusay in goobta ugu qasaaraha badan ay tahay magaalada Beladweyne. “Ilaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan oo dalka ka dhacay ay tahay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhamaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah’ ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray inay jiraan meelo kale oo fatahaado ka dhaceen oo ay ka midyihiin Degmooyinka Baardheere iyo Belad Xaawo oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halka magaalada Bardaale ee Gobolka Baay roobab xoogleh oo ka da’ay ay sababeen inay biyo badan ku rogmadaan magaalada, taasi oo aan ahayn biyo ka yimid Webi balse roobabka ay keeneen daadad xoog badan oo sababtay inay dadku ka barakacaan magaalada. Mudane Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay guddi heer sare ah u magacawday arrintan, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay baaq ka saareen oo ah in loo gurmado dadka ay saameysay fatahaaduhu. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bogaadiyay dadaallada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka ee kaalmada loogu aruurinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. Hoos ka daawo hadalka wasiir Maareeye PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in saaka gurmad ballaaran la geynayo magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  21. Drug addiction is a source of shame in immigrant communities. Children’s overdoses are often cloaked as heart attacks or unexplainable deaths. Some young Twin Cities advocates are working now to push the problem into the light in the hope of saving lives. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay Casho sharaf loogu sameeyay Beerta Dalxiiska oo ku taala duleedka magaaladda Qardho. Madaxweynaha waxaa kulankan Casho ku wehelinayey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad iyo Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal. Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ay ka midyihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan Maxamuud Axmed Caalim, Xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji iyo Xildhibaan Axmed Daad Diiriye Jaamac. Xildhibaannadan oo uu hoggaaminayo Xuseen Yaaasiin Xaaji Diiriye ayaa sida la sheegayo hore u macaaradsanaa siyaasadda madaxweyne Deni, balse xalay ayaa lagu wada arkay Casho-sharaftii madaxweynaha loo sameeyay. Kulanka Cashada ah oo uu soo diyaariyey Mulkiilaha Beerta Dalxiiska Ganacsade Daahir Cabdullaahi Kilwe, Waxaa Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ku casheeyeen qeybta dhaqanka ee Beerta Dalxiiska, halkaasi oo lagu soo dhoweeyay Cunto dhaqameed iyo Agab dhaqameed. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dhallinyarada reer Puntland ee isu xilqaamay hirgelinta xarunta Beerta Dalxiiska, isagoo ugu baaqay dhammaan dadweynaha reer Puntland in kor loo qaado maalgashiga dalka. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Xildhibaanno hore u mucaaradsanaa madaxweyne Deni oo Casho sharaf kala qeyb-galay appeared first on Puntland Post.
  23. The Federal Government of Somalia (FGS) has renewed its commitment to end the recruitment and use of child soldiers by signing a roadmap detailing measures and practical actions to prevent violations against children, release children associated with armed forces Source: Hiiraan Online
  24. Ex-Somali regional state President Abdi Muhamoud Omar, also known as Abidi Illey, pleaded not guilty and called for immediate release Source: Hiiraan Online
  25. For one night only, this pop-up restaurant will allow Sydneysiders to travel to the Horn of Africa with their tastebuds, as they feast on the unique flavours of Somali and Ethiopian cuisine. Source: Hiiraan Online