-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kulan xog-wareysi ah la qaatay qaar ka mid ah Hogaanka dhaqanka ee Jubaland, kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Mudenayaal ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda Puntland, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Siyaasiyiin Xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ganacsato, hogaan dhaqan iyo xubno ka socda ururada Bulshada. Kulanku intuu socday waxaa laga hadlay Xaaladda Guud ee Jubaland, Isbedeladii ay soo martay magaaladda Kismaayo iyo horumarada la sameeyay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhegaystay warbixinta Hogaanka dhaqanku siiyeen, wuxuuna kula dardaarmay illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka. “Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hogaanka dhaqanka Jubaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland” Ayuu yiri Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane, Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani). Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo Kismaayo u yimi ka qeybgalka Caleemasaarka Madaxweynaha Jubaland, ayaa intuu halkan joogay kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada, Siyaasiyiin iyo Madaxda Jubaland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dowladda Puntland oo la kulmay Qaar ka mid ah Hogaanka Dhaqanka Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Kurdiyiinta iyo Xukumada Suuriya oo ku heshiiyey iska caabbinta dagaalka Turkiga Ciidamada Suuriya ayaa laga howl geliyey waqooyiga Turkiga si ay isaga caabbiyaan dagaalka Turkiga uu halkaasi ka wado iyaga oo heshiis la galay Kurdiyiinta si ay dagaalka isaga kaashadaan. Warbaahinta afka xukumadda Dimishiq ku hadasha ayaa baahiyey iney dowladda ciidamada dalka Suuriya ka howl gelisay waqooyiga dalka uu Turkiga dagaalka ka wado. Arrintan ayaa ka dambeysay marki uu Mareykanka go’an ku gaaray in ciidamadiisa haray laga saaro halkaasi deegaannada ay dagaalladu ka socdaan. Turkiga ayaa toddobaadki hore weerar uu uga gol leeyahay xoogagga Kurdiyiinta ee xadka Suuriya ku sugan si uu ka nadiifiyo ku qaaday waqooyiga dalkaasi. Waqooyiga dalka Suuriya ee ku teedsan xadka Turkiga uu la wadago waxaa gacanta ku haya xoogagga dimuqraadiyadda Suuriya ee SDF oo ay hoggaaminayaan kurdiyiinta, xoogaggaasi oo ah xulafada ugu muhiimsan uu Mareykanka halkaasi ku lahaa. Iyada oo Turkiga uu halkaasi ka wado dagaal xooggan uuna ku qabsaday laba magaalo oo muhiim ah oo xadka ku taallo. Inta uu Turkiga dagaalkaasi billaabay ayaa la sheegayaa iney ku dhinteen tobannaan qof oo isugu jira shacab iyo dagaallamayaal labada dhinac ee dagaalamaya ka wada tirsan. Axaddina saraakiil ka tirsan xoogagga Kurdiyiinta waxay sheegeen xerada Ceun-Cisa ay ka baxsaden 800 oo qof oo ka mid ah qoysaski iyo qaraabada dagaallamayaasha ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee IS. Weerarka uu Turkiga qaaday iyo ka bixitaanka Mareykanka uu deegaannadaasi ciidamadiisa kala baxay ayaa caalamka Muran ka dhalisay, maadaamaa ay xoogagga SDF ahaayeen xulafada reer galbeedka oo kaalin mug leh ku lahaa dagaalka lagula jiray IS ee dalka Suuriya. Balse, Turkiga ayaa dhankiisa kooxaha Kurdiyiinta ee gacanta ku hayo waqooyiga Suuriya ku tilmaamay argagixiso halis ku ah qaranimada dalka Turkiga dagaalkana uu u qaaday si uu abuuro aag ammaan ah oo kooxahaasi laga nadiifiyey waxayna ciidamada Turkiga gudaha Suuriya ay u galeen ilaa iyo 30 km. Haddaba heshiiska muxuu yahay? Maamulka ay kurdiyiintu hoggaaminayaan ee ka jira waqooyiga Suuriya ayaa sheegay ciidamada Suuriya in laga howl geliyey dhammaan xudduudda uu Suuriya la wadaago dalka Turkiga. Iyada oo howlgelinta ciidamada Suuriya aagga dagaalka uu ka socdo ay xukumadda Dimishiq uga gol leedahay iney xoogagga kurdiyiinta ka caawiyaan iska caabbinta dagaalka uu Turkiga ku soo qaaday. Ciidamada Turkiga iyo Mileeshiyaad Turkiga gacan saar la leh oo gudaha Suuriya ka dagaallama ayaa dagaal ay Kurdiyiinta ku qaadeen 2018-kii oo laba bilood socday waxay kurdiyiintu ka saareen magaalada Afrin. Hase yeeshee heshiiskaasi xukumadda Suuriya kama aysan hadal. Inkasta oo Madaxa SDF Mazloum Abdi uu sheegay heshiiska xukumadda Asad oo xulafa la ah Ruushka inaan kalsooni badan lagu qabi karin. “Kuma kalsoonin ballanqaadyadooda. Si daacadnimo ah marka aan u hadlana wey adag tahay inaad ogaato cidda aad ku kalsoonaan karo” ayuuna sii raaciyey. Maxaa keenay iney ciidamada Mareykanka ka baxaan aaggasi? Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu mar sii horreysay sheegay inuu Mareykanka 10,000 askari uu kala baxayo waqooyiga Suuriya xilli la filayey inuu Turkiga deegaannadaasi uu dagaal ku qaado. Isaga oo sharraxaya xaalada halkaa ka jirta waa “lama-huraan”, wuxuu sheegay in SDF ay “indhaha ku haysay inay kala goyso heshiiska” dowladda Siiriya iyo Ruushka si looga hortago weerarka Turkiga. Wuxuuna Mareykanka uu sheegay inuu go’aansaday inuu ka baxo waqooyiga Suuriya oo uu ku sii badanayey “khilaafka labada ciidan u dhaxeeya”. Axaddina wuxuu madaxweyne Trump uu bartiisa Tweetarka uu ku qoray “waa fikir caqli badan” inaan dagaalkaasi qayb laga noqon isaga oo weli raaciyey, dagaallada ka socda Bariga Dhexe in laga qayb qaatana ay tahay khalad. Turkiga guul intee dhan ayaa u soo hayatay? Axaddi Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in ciidamadiisa durbadiba qabsadeen 109 kiilo mitir (42 mile oo isku wareeg ah) iyo 21 tuulo oo ka mid ah dhulki aan damacsaneyn inaan qabanno. Wuxuuna warfidiyeennada u sheegay magaalada muhiimka ee Ras-al-Ceyn ee ku taalla xadka Turkiga oo ay gacanta ku hayeen xoogagga SDF iney gacanta ku dhigeen ciidamada Turkiga dagaalkana la iskala baxay magaalada gudaheed oo bannaanka magaalada uu ka socdo. Mr Edrogan wuxuu sida oo kale sheegay iney ciidamada Turkiga isku hareeyeen magaalada Tal Abyad, oo jirta masaafa dhan 120 km. Magaalooyinka Ras al-Ceyn iyo Tal Abyad-na ay ka mid yihiin magaalooyinka ugu muhiimsan uu Turkiga doonayo inuu gacanta ku qabto. Maxay yihiin waxyeellada dagaalka ka dhashay? Waxaa isa soo tiraya tirada dadka rayadka ah ee ku dhimanaya deegaannada xadka labada dal ku teedsan sida ay wararku sheegayaan: In ka badan 50 qof oo rayad ah iyo 100 dabley oo ka tirsan maleeshiyaadka Kurdiyiinta ayaa lagu dilay waqooyiga-bari ee Suuriya sida ay sheegtay SOHR SDF waxay sheegtay dableyda laga dilay SDF iney yihiin 56 halka uu Turkiga tiradaasi ku sheegay 440 18 qof oo rayad ah ayaa lagu dilay Koonfurta Turkiga, sida ay sheegtay dowladda Turkiga Turiga waxaa kale oo uu sheegay 4 asakari oo ka tirsan ciidamada turkiga iyo 16 dableey oo ka tirsan maleeshiyaadka suuriya ee xulafada la ah Turkiga Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha bani aadaminimada ee UN -OCHA waxay sheegtay deegaannada ay dagaalladu k asocdaan iney ka barakaceen dad rayad ah oo ka badan 160,000, iyada oo tiradaasi l afilayo iney sii korodho. Xaaladda IS waa sidee? Dagaalka wuxuu ku sii ballaartay xerooyinka lagu haya xubnaha iyo dableyda ka tirsanaa ururka IS. Axaddina saraakiil ka tirsan xoogagga Kurdiyiinta waxay sheegeen xerada Ceun-Cisa ay ka baxsaden 800 oo qof oo ka mid ah qoysaski iyo qaraabadi dagaallamayaasha ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ee IS. Halka ay hay’ada xuquuqda aadanaha suuriya u doodda ee SOHR ay sheegtay dadka baxsaday tiradooda iney gaareyso 100. Xerooyinkaasi oo ay lagu hayo in ka badan 12,000 oo qof o barakacayaal ah oo ay ka mid yihiin 1,000 qof oo dumar iyo carruur ajaanib ah isugu jira oo lala xiriiranaya kooxaha jihaad doonka ah? SDF waxay gacanta ku hayaan 12,00 oo qof oo looga shakisan yahay iney IS ka tirsanaayeen, iyada 4,000 oo dadkaasi ka mid ahna ay yihiin ajanib. Turkiguna wuxuu sheegay inuu qaadayo mas’uuliyadda macabiista IS oo uu la kulmo inta uu weerarka wado. Qaran News
-
Cabdishakur M. Shahaad oo 7 bilood ka hor ku geeriyooday burburka dayaaraddii Ethiopian Airlines ET302 ayaa meydkiisa Isniin maant ah la geynayaa magaalada Muqdisho. Sheybaarka dheecaanada jirka ee loo yaqaano Foreensig Saynis ayaa lagu helay meydka. Marxuumkaan ayaa ahaa sarkaal katirsan xafiiska raysal Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna ku jiray 157 qof oo shilka diyaaradeed naftooda ku waayay bishii march ee sanadkaan. Dhammaan dalalka ay kasoo jeedaan dadka ku dhintay shilkaas diyaaradeed, ayaa haraadiga maydadkooda lagu wareejiyay. Dowladda Kenya oo kamid ahayd dowladdaha muwaadiniinta ugu badan uga dhinteen shilkaas, ayaa shaacisay in khamiista todobaadkaan aas qaran u sameynayso maydadkii lagu wareejiyay. PUNTLAND POST The post Soomaaligii ku dhintay dayaaraddii Ethiopian Airline oo maanta Maydkiisa Muqdisho la geynayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ka jawaabto go’aankii ay Kenya ku jebisay xayiraaddii duulimaadka ee saarneyd magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. Caasimada Online ayaa xog ku heshay in xalay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay kulan gaar ah ka yeesheen jawaabta uu dalkaan ka bixin doono xadgudubka lagu sameeyay, taas oo wax u dhimeysa madaxbanaanida dalka. Warar aan ka helnay xubno lagu kalsoon yahay oo ku sugan Villa Somalia ayaa sheegaya in dowladda ay ka fakareyso laba qodob midkood oo kala ah, in dalka laga eryo safiirka Kenya, ama in la joojiyo qaadka soo gala dalka, si looga jaaabo xadgudubyada dowladda Kenya. “Xukuumaddu waxay dhowaan eryi doonaa safiirka Kenya ama joojiin doontaa qaadka dalka soo gala ee ka yimaada Kenya si looga jawaabo xadgudubyadii dhacay ee dhanka duulimaadka ah” ayuu yiri qof ka tirsan Villa Somalia oo aan la hadalnay. Illaa hadda ma cadda midka ay qaadan doonto dowladda labada go’aan. Waxaa sidoo kale macquul ah in dowladda aysan labada tallaabo midkood qaadin, ayna dacwad caalami ah oo ka dhan ah Kenya u gudbiso Midowga Afrika iyo QM. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalin kadib markii ay mamnuucday duulimaadka Kismaayo iyo Nairobi ayaa amarkaas waxaa jebiyay dowladda Kenya kadib markii wafdi sare oo ka socda dalkaasi ay ka qayb galeen caleema saarka Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyay canshuurta qasabka ah ee kooxda Al-Shabaab ka qaado dadka reer miyiga ee ku nool dhulka ay maamulaan. Warbixin cusub oo kasoo baxday golaha ammanka ayaa lagu sheegay canshuurta sharci darrada ah inay sababtay barakac xoogan iyo in ay hoos u dhigtay dhiirrigelinta wax soo saarkii beeraha. Boqolaal qoys oo ku tiirsanaa xoolaha iyo Beeralayda ayaa guryahooda uga cararay cabsi soo wajahday kadib markii Shabaabku weydiisteen inay qasab ah ku bixiyaan lacago ay ku sheegeen canshuur, sida warbixinta ay tiri.. Qoysaskaan oo ay horey u saameeyeen abaarihii ka dhashay roob yarida, ayaa ku qasbanaaday inay u baracakaan dhulka magaalooyinka, halkaas oo hay’adda safamalku ku caawiyaan. Sidoo kale, warbixinta Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan looga muujiyay askaraynta carruurta Soomaaliyeed, iyada oo la sheegay inay ka socoto gobolka Bari oo ka tirsan Puntland, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Laga soo bilaabo Janaayo ilaa Luulyo 2019, guddiga la socodka howshaan, ayaa ogaaday in 869 caruur ah, oo ay ku jiraan 8 gabdhood, la askareeyay ayna adeegsadeen ciidamada qalabka iyo kooxaha xagjiriinta ah. Sanadkii 2018, Sanduuqa Qaramada Midoobay ee caruurta (UNICEF) iyo hay’adaha la shaqeeya ayaa dhaqan celin u sameeyay 1,466 carruur ah oo ku nool magaalooyinka Afgooye, Baydhabo, Dhuusamarreeb, Garoowe, Kismaayo iyo Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Laga bilaabo Kalfadhigaan 6aad ee xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in aysan warbaahinta ka qaybgali doonin shirarka Baarlamaanka, waxaana arintaasi ka dhashay doodo kulul. Joojinta warbaahinta oo aan si rasmi ah loo shaacin balse xogtii la helay ayaa xaqiijineysaa in Warbaahinta sanadka soo socda ka qaybgali doonin fadhiyada Golaha Shacabka, balse lama oga sanad kadib markii la doorto Baarlamaan cusub sida uu xaalka noqon doono. Caasimada Online ayaa ogaatay sababta Baarlamaanka looga joojiyay warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Muqdisho waxaana sababay arintaan. Sanadka uga harsan muddo xiloodkooda Golaha Shacabka waxay ku shaqayn doonaan xarunta guddiyada ee Villa Hargeysa taas oo ka dhaxtaalla madaxtooyada Soomaaliya waxaana la dhisi doonaa xaruntii wayneed ee Golaha Shacabka. Turkiga ayaa la sheegay in uu si qaldan u dhisay xarunta Villa Hargeysa waxaana meesha ka baxay kuraas badan iyo qayba kale oo muhiim u ahaa shaqada Golaha Shacabka. Caasimada Online ayaa ogaatay in kuraasta xaruntaan lagu soo koobay 243 kursi halka Baarlamaanka ay yihiin 275. Kuraasta martida kaliya waxaa laga dhigay 7 kursi halka markii hore ay intaas ka badnaayeen kuraasta shaqaalaha Baarlamaanka oo ka badnaa 30 ayaa hada lagu koobay 4 qof oo kaliya halka meesha laga saaray qaybta warbaahinta iyo kuraas kale oo muhiim u aheyd shaqada Baarlamaanka. Arintaan ayaa la sheegay in ay sababtay sababta loogu diiday warbaahinta, waxaana dib loo wacay Shirkadii dhistay xarunta iyadoo cadeysay in aysan ku laabasho laheyn. Sidoo kale qaybtii Baakinka gaadiidka xildhibaanada ayaa gabi ahaanba meesha ka maqan waxaana jira dooda ku saabsan halka la dhigan doono gaadiidka Xildhibaanada. Hal kaamiramaan oo ka tirsan Warbaahinta dowladda ayaa la sheegay in uu soo duubi doono muuqaalada iyo codadka baarlamaanka sanadka soo socda hadii aysan xaalada isbadalin. Dhinaca dowladda Turkiga ayaa dhismo casri ah maalmaha soo socda ku billaabi doonto xarunta Golaha Shacabka ee Guriga Umadda waxa uuna dhismahaasi la sheegay in uu qaadan doono muddo dhan 2 sano. Waxa uu dhismahaasi dhamaan doonaa sanad kadib markii la doorto Baarlamaanka 11-aad ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka aanu ka helayno magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley, ayaa sheegaya in Haweeney ay xalay si arxan darro ah u dishay Sayigeedii hore. Haweenaydan ayaa Ninkeedii hore ku dishay habeen hore fiidkii bartamaha suuqa Wajaale, kadib markii ay la dhacday Toorey dhowr jeer, isla markaan ay dhaawac gaadhsiisay haweenay la socotay Ninkeedii hore ee ay kala tageen. Ninkan la dilay oo lagu sheegay magaciisa Maxamuud Aw Jamaac ayaa dhowaan waxa uu la aqal galay haweenaydan kale ee lala dhaawacay, isagoona ka soo guursaday magaalada Bahar-daar ee Ismaamulka amxaarada Itoobiya. Falkan ayaa waxa lagu sheegay in uu xiriir la leeyahay arrimo maseer (Hinaaso), kaasi oo daba socday kadib markii uu Ninkaasi uu dhawaan guursaday haweeneyda xalay la socotay markii la tooreynayey. Wararka ayaa intaas waxay ku sii darayaan in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Haweeneydii falkaasi arxan darada ah geystay, kadib markii ay isku-dayday inay goobtaasi ka baxsato. Haweenaydan ayaa isla markiiba waxay ciidamadu u gudbiyeen saldhiga booliska ee magaalada Wajaale, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joog ahaa. Waxaana dhacdadan aad looga hadal hayey saacadihii u dambeeyay baraha bulshada iyo meelaha ay ku kulmaan dadweynuhu ee deegaanada Somaliland, iyadoona qaabab kala duwan ay dadku uga faaloonayeen falkan arxan darada ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta wuxuu la kulmay Odoyaadha Dhaqanka Jubbaland oo ay is Xog wareysteen. “Reer Jubbaland aad ayaa u nasiib [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-13102019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay in ay si adag u cambaareyneyso weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay Al-Shabaab ku qaadey xeradda ciidanka AMISOM iyo UN-ka ee Xalane. Dhismahan oo ku yaala Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa degan safaarado iyo shirkado ajaaniib ah. Al-Shabaab ayaa shaacisay in dhowr hoobiye ay ku weerartay xeradda, kuwaasi oo qaarkood gudaha ku daatay. War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ergayga Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa u fadhiya Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in weerarkan ay ku dhaawacmeen dhowr xubnood. James Swan ayaa wuxuusan kala caddeyn tiradda saxda ah ee wax kaga noqotay weerarka oo aysan wali tafaasiil dheeraad ah ka bixin laamaha ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Falkan ayaa wuxuu kusoo aadaya iyadda oo mudooyinkii u dambeeyay ammaanka caasimada uu ahaa mid hagaagsan, isla markaana hay’addaha nabad-gelyadu ku howlanaayeen xaqiijinta amniga. View the full article
-
Jowhar-(Caasimada Online)-Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Jowhar, isaga iyo wiil uu dhalay. Qaraxa oo ahaa Bam gacmeed ayaa daqiiqado ka hor lagu weeraray guriga uu magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle ka deganaa Allaha u naxariistee Maxamed Suugaal oo ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Shabeellada Dhexe. Kooxdii falkaas ka dambeysay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana guddoomiyaha la geeriyooday wiil uu dhalay oo guriga kula sugnaa. Durba askar ka tirsan booliiska maamulka Hir-Shabeelle ayaa gaaray goobta lagu dilay masuulkaas ka tirsanaa maamulka gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna haatan baaritaano ka wadaan xaafadda Hanti-wadaag oo ah xaafadda uu dilku ka dhacay. Marxuumka ayaa guriga uu ka daganaa Jowhar waxa uu ku yaalla meel koonaha ka ah magaalada, oo ka tirsan xaafadda hanta-wadaag oo ka mid ah xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe. Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad u sii xumaanaya, iyada oo ay xusid mudan tahay in Jowhar ka mid ahaan jirtay magaalooyinka ugu nabadda badan koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Jowhar Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (AFP) - Mortar fire on the zone around Mogadishu airport wounded nine people Sunday, including staff at the African Union and UN missions located there, Somali police and UN sources said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal u eg in uu kaga jawaabayo khudbaddii uu xalay Ra’iisul Wasaare Kheyre ka jeediyay xuska maalintii la naqshadeeyay calanka Soomaaliya ee 12-ka October. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in difaaca xukuumadda dalkaan ay ka bilaabanayso in ciidamada Ajanabiga ah ee ilaaliya madaxtooyada Soomaaliya laga wareejiyo oo lagu aamino ciidamada qaranka. “Difaaca xudduudda dalkeenna waxay ka billaabataa askarta ajnabiga ah oo ammaanka Madaxtooyada laga wareejiyo, lana helo askari Soomaaliyeed oo gaar ka haya xadka dhul, cir iyo bad ee geyigeena” ayuu yiri C/Raxmaan C/Shakuur. Qoraalkiisa oo intaas ka dheeraa ayuu ku yiri, “Soomaali isku dan ah, dareen isku mid ah ka qabta halista qaran, hiigsi iyo himilo mid ah leh ayaa dal difaacan karta”. Ugu dambeyntii hoggaamiya xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa sheegay in taariikhdu ay xusi doonto oo kaliya siyaasigii hirgaliya himilooyinka shacabka, “Taariikhduna waxay si togan u xusi doontaa siyaasigii taa ka mira dhaliya, waxayna si taban diiwaan u gelin doontaa siyaasiga ku hawlan horgelinta aragti haraadi ah oo qaran jabkeenna horseeday”. In kasta oo uusan xusin qolo gaar ah hadana hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u eg kuna beegan mid jawaab u ah hadal uu xalay munaasabadda xuska 12-ka October ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Kheyre. Kheyre ayaa sheegay in mucaarad iyo muxaafid ama qof kasta oo Soomaali ah looga baahanyahay in uu difaaco sharafka iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed. Qofka Soomaaliga ah meel kasta oo uu joogo ayuu sheegay Kheyre in ay waajib ku tahay in uu difaaco dalka cir, bad iyo bariba, waxuuna halka Kheyre ku soo beegmay xilli ay Kenya maalmihii lasoo dhaafay ku soo xad gudubtay hawada Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay ku qaadeen xerada Xalane oo deegaan u ah xafiisyada hay’adaha caalamiga iyo safaaradaha dowladaha Soomaaliya saaxiibada la ah . War ka soo baxay taliska ciidanka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in duhurnimadii maanta ay dagaalyahanada Xarakadu weerar qorsheysan ku beegsadeen xerada Xalane, ayna ku dhufteen ugu yaraan 9 gantaal. Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab u sheegay in qaar ka mid ah gantaallada ay ku dhaceen xafiisyada QM iyo midka AU islamarkaana uu halkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Warbaahinada ku hadlo afka Al-Shabaab ayaa faafiyey in weerarkaan lagu dilay ugu yaraan 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Ajaanib cadaan ah, halka sidoo kalena ay sheegeen in lagu dhaawacay ugu yaraan 5 kale oo saddex ka mid ah la sheegay inay ahaayeen shaqaalaha cadaanka ah ee ka howlgala xeradaasi. Sidoo kale warbaahinada ku hadla Afka Al-Shabaab ayaa sheegay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen maqaayad ku taalla gudaha xerada Xalane oo ay ku nastaan kana cunteeyaan shaqaalaha iyo saraakiisha Qaramada Midoobay iyo kuwa AMISOM. Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa cambaareeyey weerarkii madaafiicda ahaa ee Maanta lagu qaaday xarunta Qaramada Miidobay iyo AMISOM ee Magaalada Muqdisho ee loo yaqaan Xalane. War saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in saacadda Muqdisho markay aheyd 1:15 uu dhacay weerarkaan madaafiicda ayna kusoo dhaceen gudaha Xarunta UN-ka iyo AMISOM gaar ahaan qeybta tas-hiilaadka ayna ku dhaawacmeyn dhawr qof. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
MOGADISHU (HOL) - Somalia and Qatar Saturday voted against a resolution by the Arab League to condemn Turkey for its incursion into northern Syria. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-13-10-2019.mp3 View the full article
-
The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, James Swan, condemned today’s indirect fire attack on the United Nations and AMISOM compounds in the Somali capital. At about 1:15 (local time) this afternoon, mortar rounds landed inside the UN and AMISOM facilities, injuring several people. “I am appalled by this blatant act of terrorism against our personnel, who work together with the Somali people on humanitarian, peacebuilding, and development issues. Thankfully, the majority of our staff is unhurt. I wish our wounded colleagues a full recovery from their injuries,” said Mr. Swan. “There is no justification for such despicable acts of violence, and the United Nations remains determined to support Somalia on its path to peace, stability, and development.” Al-Shabaab claimed responsibility for this attack. View the full article
-
Ankara (Caasimadda Online) – Tirada maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ee YPG ee lagu dilay weerarka uu Turkiga ku qaaday woqooyiga dalka Suuriya ayaa gaaray illaa 500 oo dagaalyahan sida uu Maanta oo Axad ah xaqiijiyey madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Madaxweyne Erdoğan oo warbaahinta faahfaahin ka siinayey halka uu marayo weerarka ay Ciidamada Turkiga ku qaadeen woqooyiga dalka Suuriya ayaa sheegay in la dilay 440 Argagixis, halka 26 la dhaawacay sidoo kalana wuxuu sheegay in 24 kale ay isa soo dhiibeen. Erdoğan ayaa xusay in Ciidamada Turkiga iyo kuwa Militariga Suuriya ee SNA ay u suurta gashay inay Argagixisada ka qabsadaan 109 kilometers oo Sqaure ah. Erdoğan wuxuu sheegay in argaggixisadu ay awoodi kari waayeen inay ka hortagaan ciidamada Turkiga oo ay taas badalkeeda bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugan yihiin dad shacab ah. “Degmooyinka shicibku waxaa ku dhacay 652 madaafiic ah, kala bar waxay ku dhaceen degmooyinka Nusaybin iyo Kızıltepe. Waxay raadinayaan inay dhibaateeyaan shacabka,” ayuu yiri Erdoğan Erdoğan ayaa sheegay in 18 shacab ah oo badankood carruur yihiin la dilay, halka 147 kale lagu dhaawacay weerarada argagixisada, sidoo kalana wuxuu sheegay in Ciidamada Turkiga laga dilay 2 kamid ah ciidamadooda halka uu sheegay in Ciidamada Siiriya dagaalka looga dilay 16. Dhanka kale Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Eusan ayaa sheegay in Mareykanku uu ka daadgureyn doono ku dhawaad 1000 askari waqooyiga Siiriya xilli uu socdo Howlgalka Nabadda ee Turkiga. Mark Eusan ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu amar ku siiyay ciidamada Mareykanka inay u guuraan koonfurta kana guuraan halka uu ka socdo howlgalka Turkiga, laakiin wuxuu xaqiijiyey inaysan ka bixi doonin guud ahaan Siiriya . Caasimada Online Xafiiska Ankara caasimada@live.com
-
Popular Contributors
