-
Content Count
215,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay geerida Taliyahii ciidanka Booliiska Somaliland oo xalay ku geeriyoodey Hargeysa. Wasiirka wasaaraddan, Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyn tacsi ka diray geerida Taliye C/laahi Fadal Iimaan isaga oo sheegay in uu dadkiisa ugu soo shaqeeyey si hagar la’aan ah. Wuxuu sheegay wasiirka, in taliyaha uu maalmihii ugu dambeeyey xanuusanayey, isaga oo horey caafimaad ugu tagay dalka Turkiga. Allaha u naxariistee, C/laahi Fadal xilal kala duwan uga soo qabtay taliska ciidanka booliiska Somaliand, isaga oo soo noqday taliyaha saldhigga dhexe ee Hargeysa iyo sidoo kale hoggaanka howlgelinta ciidanka Booliiska oo uu hayey ku dhowaad 20 sano. Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Fadal u magacaabay xilka taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland, wuxuuna geeriyoodey isaga oo xilkaasi hayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Exploring Ethiopia’s relation with state actors in the region, namely Djibouti, Eritrea, Somalia, and Sudan, against the backdrop of great power rivalry in the face of new scramble for Africa, the writer offered a lucid and insightful analysis into Ethiopia’s Foreign Policy Dilemma. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad u jeedinayey shacabka ku nool Qardho ayaa weerar dhinaca afka ku qaaday dowladda federaalka, gaar ahaan siyaasadda ay ku wajaheyso maamulkaasi. Deni ayaa sheegay in kulamo looga soo horjeedo isaga, lagana soo abaabulay meel ka baxsan Puntland lagu qabtay deegaano ka tirsan maamulkaasi, islamarkaana lagu kala fogeynayey shacabka iyo madaxdooda, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda federaalka ah aysan wadin mashariic horumarineed, balse ay ku jirto geedi socod siyaasadeed oo ay ka leedahay dano gaar ah. ”Dowlada federaalka ah aniga waxaan soo ahaa Wasiirkeeda Qorsheynta Waxa meesha yaalla oo nooga maqnaan kara waan garanaya laakiin xaqiiqda Waxa ay dadweynuhu maleynayaan Mashaariic mahan dowladda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa geedi Socod Siyaasadeed , Dowladda wali ma caga dhigan Soomaaliya.” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Dhanka kale Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa reer Puntland ka dalbaday inay taageeraan qorshihiisa, si buu yiri aan ula xisaabtamo dowladda dhexe, ugana helno saamiga ay leeyihiin shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland. “Anigu xisaabtan baan meel la fadhinayaa adinka ayaan idinku matalayaa, dhowr jeer ayaa wax la ii sheeg sheegay, hadaad rabtaan inaan sidaas iska yeelo, waa la kari karaa ruuxadeeda.” ayuu sii raaciyey Madaxweynuhu. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in Puntland aysan ka soo horjeedin dowladninada, islamarkaana ay tahay halka laga aas aasay midnimada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
More than 273,000 people have been displaced due to severe flooding across Somalia in October, according to figures by UN agency on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Hollywood (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya warar ay werinayaan qaar ka ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in xiriir jaceyl oo qarsoodi ah uu ka dhexeeyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salaman iyo aktaradda Mareykanka ee Lindsay Lohan. Wargeyska Daily Beast ayaa weriyey in Bin Salman iyo Lohan ay aad isugu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa, islamarkaana uu caalamka oo idil ugu duulinayey diyaaraddiisa gaarka ah, islamarkaana ugu qubeynayey haddiyado. Haddiyadaha uu Bin Salman siiyey Lindsay ayaa waxaa ka mid ah credit card ay ku jirto lacag badan. Mar dad ku dhow Lindsay la weydiiyey waxa ka jira xiriirka waxay sheegeen in ayada iyo Bin Salman is-garanayaan, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas ka baxsan. Dad arrintan xog-ogaal u ah, kuna dhow Lindsay oo 33 jir ayaa sheegay inay si joogto ah isku weydaarsadaan farriin qoraaleedyo, balse waxay beeniyeen inuu siiyey haddiyad lacageed iyo inuu xiriir jaceyl ka dhaxeeyo midkoodna. Linday Lohan ayaa fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana dadka ku dhow ay sheegeen in la kulankeeda badan ee madaxda carabta ay mar kasta abuuri karto warar xan ah oo ku saabsan xiriiro jaceyl. Qof kale oo ayada ku dhow ayaa yiri “madaxa carabta marka ay arkaan way waashaan.” Xiriir lala sameeyey Maxamed Bin Salmaan iyo dad ku dhow waa ay diideen inay ka jawaabaan xiriirkan la tuhmayo, hase yeeshee waxay qireen in Lindsay ay marar badan Sacuudiga u timid sare u qaadiidda magaca boqortooyada iyo arrimo kale. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
273,000 now displaced due to flooding in Somalia as more extreme weather looms More than 273,000 people have been left displaced due to severe flooding across Somalia. Several thousand people in the worst-affected area of Baladweeyne are sheltering under trees or in emergency tents after their makeshift homes were washed away by floods caused by torrential rain. The Norwegian Refugee Council (NRC) is calling for an urgent humanitarian response to ensure aid can be provided safely to people in desperate need. “Floods have destroyed more than three quarters of Baladweeyne and submerged many surrounding villages. These are extremely poor parts of Somalia, where there is now no electricity and no safe drinking water. Livestock has been lost and agricultural production has been decimated. Our team is extremely worried about at least 30,000 vulnerable families displaced by flash flooding in Bardaale, further south. These communities will need immediate response to survive and long-term support to recover,” said Victor Moses, Country Director for NRC in Somalia. According to figures by the UNHCR and NRC-led Protection Returns and Monitoring Network (PRMN), 273,000 people have been displaced by flooding in October alone, the vast majority in the Baladweeyne area due to the flooding of the Shabelle river. This brings the total number of people displaced by a combination of drought, floods and conflict so far this year in Somalia to 575,000*. “The country is already ravaged by drought, which has contributed to the displacement of around thousands of people so far this year. Vulnerable communities become more dependent on humanitarian aid and find it harder to recover,” Moses said. Displaced people, particularly children, mothers and the elderly are now facing serious hunger, health and protection risks in an area already receiving little to no humanitarian assistance due to insecurity and conflict. According to NRC staff on the ground, they are in desperate need of food, water, emergency shelter, health, and sanitation/latrines and mosquito nets. “Food reserves have been destroyed, food markets are under threat and displaced people, particularly children, mothers and the elderly are at a high risk of hunger and illness. Water-borne diseases such as cholera could erupt and spread quickly. Stagnant waters are a breeding ground for mosquitoes and could result in a malaria outbreak,” added Moses. “Baladweeyne and the entire Hiraan region have not received sufficient humanitarian support due to ongoing security risks and the prevalence of armed actors in the area. This is already an extremely vulnerable community and we could see huge suffering and potential loss of life, if rain continues to fall and aid isn’t received in time. A coordinated, multi-sectoral humanitarian response is urgently needed to support thousands of people.” Furthermore, heavy rain is forecast across parts of Somalia while more flooding along the Shabelle and Juba rivers is expected over the coming weeks. The Puntland, Somaliland and Central regions are bracing themselves for a tropical storm, which is set to make landfall within the next 72 hours. Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo mar kale ka hadlay muranka u dhexeeya Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland aysan lacag iyo mashaariic ka raadinayn Villa Soomalia, balse ay doonayso in ay saamigeeda ka hesho hannaanka awood-qeybsiga dalka ee 4.5 (Four Point Five). Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hannaanka awood-qeybsiga Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan nidaamka Qabaliga ah ee beelaha ku salaysan oo reer walba uu saami goonniya ku leeyahay xilalka dowliga ah, sidaasi darteedna Puntland ay mar kasta raadinayso saamiga uga maqan dowladda dhexe. Mudane Deni ayaa xusay in markii Puntland gudaheeda la joogo beel kasta ay ku xisaabtamayso saamiga ay ku leedahay kuraasta Puntland, sidaasi oo kalena la doonayo in loogu xisaabtamo kuraasta heer Federaal. Waxa kale oo uu sheegay in maadaama isaga loo doortay madaxweynaha Puntland, ay ka go’antahay in uu Villa Somalia kula xisaabtamo saamiga Puntland uga maqan dowladda dhexe, isagoo bulshada ka codsaday in lagu taageero go’aankiisa. Madaxweynaha ayaa si sarbeeban u sheegay, in dhawr jeer Villa Somalia u ballan-qaadday lacago, si uu uga tanaasulo go’aankiisa ku aaddan la xisaabtanka xukuumadda Federaalka, balse uu iska diiday ballan-qaadkaasi. Hoos ka daawo muuqaalka madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo si sarbeeban u qiray in uu dhawr jeer lacago ka diiday Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Qaramada Midoobay ayaa jimcihii shalay shaacisay, in fatahaadaha roobku ka sameeyay gobollo ka tirsan Koonfuurta Soomaaliya ay bara-kiciyeen in ka badan 270,000 kun oo ruux, islamarkaana ay burburiyeen kaabayaashii nolosha ee dadkaasi. Meelaha dadka ugu badan ka bara-kaceen, waxaa kamid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu fatahaad xooggan ka sameeyay webiga Shabeelle, kadib markii roobab mahiiggaana halkaasi ka da’een todobaadyadii la soo dhaafay. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in magaalada Beledweyne oo keliya ay ku dhinteen 10 ruux, kadib markay la rogmatay doonni ay saarnaayeen, xilli ay doonayeen in ay soo badbaadiyaan shacab ku go’doonsanaa fatahaadda webiga Shabeelle ka sameeyay degmadaasi ku taalla bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay hoosta ka xarriiqday in dadka kor u dhaafaya 270,000 kun oo ruux ee ku bara-kacay fatahaadaha webiyada Jubba iyo Shabeelle, ay u baahan yihiin in lala gaaro gargaar deg deg ah. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo sheegtay in Fatahaadda Soomaaliya ay bara-kicisay in ka badan 270,000 kun oo ruux appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay bulshada ku nool magaalada Qardho, ayaa ku baaqay in loo istaago la’dagaallanka xaalufinta degaanka, si looga ilaaliyo nabaad-guurka. “Wax soo-saarka in la ilaaliyo, waxa ugu muhiimsan waxa weeye, degaanka in la ilaaliyo. Gobolka Karkaar, madaxdiisana waan farayaa, dadkiisana waan ka codsanaya in gacan lagu siiyo la’dagaallanka dadka dhuxusha shidaaya” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda waajib ka saaranyahay, in bulshada loo keeno wixii baddiil u noqon lahaa shidista dhuxusha, isagoo ku boorriyay dadweynaha, in la isticmaalo Gaaska cuntada, si looga maarmo dhuxusha iyo xaabada oo sida uu sheegay xaalufin ku haya degaanka. Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa ku amray wasaaradda Maaliyadda Puntland, in dhammaan shirkadaha keena gaaska cuntada canshuur-dhaaf loo sameeyo, si loo dhiirri-geliyo isticmaalka gaaska. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo amray in canshuur-dhaaf loo sameeyo shirkadaha keena gaaska cuntada appeared first on Puntland Post.
-
Gen Cabdullaahi Fadal Iimaan Taliyhii Ciidanka Booliiska Somaliland Gen Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, sida uu xaqiijiyay xafiiska madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Gen. Fadal oo sida la sheegay maalmahan dambe ku xanuunsanaa magaaalada Hargeysa, ayaa xalay ku geeriyooday halkaasi oo lagula tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. “Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Biixi. Sidoo kale, madaxweynaha Somaliland, waxa uu taliye Fadal ku tilmaamay, halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu Somaliland u hayey, har iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, kuna suntanaa ka qayb-qaadashadii as’aaska ciidanka Booliska Somaliland, isagoo shaqada ka soo bilaabay meel hoose, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka Booliska” sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada Somaliland. “Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Taliyihii Ciidanka Booliiska Somaliland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iiman ayaa Goor Dhaweyd ku geeryooday Magaalada Hargeisa, sida uu xaqiijiyey wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac. Taliyaha ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Hargeysa International oo uu xaalad Caafimaad u yaalay. Maamulka iyo Bahda warbaahinta Somalilandtoday waxay tacsi u diraysa ehelka, qoyska, qaraabada, ciidamada iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdillaahi Fadal. Source
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Go’aankii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ugu magacaabay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya Workneh Gebeyehu inuu noqdo xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD ayaan dhaqan gelin, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada online. Go’aankan ayaa dood badan iyo diidmo ka dhex-abuuray IGAD, ayada oo ay ka hor-yimaadeen Jabuuti iyo Soomaaliya oo doonayey in qof kasoo jeeda dalalkooda midkood xilkan loo magacaabo. Workneh Gebeyehu ayaa waxaa lagu magacaabay warqad kasoo baxay xafiiska Abiy, 22-kii October, hase yeeshee waxaa hadda la sheegay in wasiirkii hore lagu war-geliyey inuu sugo islamarkaana aanu go’aankaas dhaqan gelin. Ilo-wareedyada ayaa sheegay in Gebeyehu loo sheegay inuu sugo magacaabis rasmi ah oo loogu dhowaaqi doono shir madaxeedka IGAD oo dhacaya labada toddobaad ee soo socda. Ma cadda sababta Abiy arrintan dib uga laabtay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu shirka IGAD ku magacaabo, si aan loogu arag go’aan uu kaligiis qaatay, kadib cadaadi uu la kulmay. Madaxda IGAD ayaa marka ku kulmaan Addis Ababa go’aan ka gaari doona xilalka guddoomiyenimada IGAD iyo kan xoghayaha fulinta. Guddoomiyaha IGAD waxaa hadda ah Abiy, halka xoghayaha uu ka yahay Maxbuub Macallin oo Kenyan. Kenya ayaa dooneysa in Uhuru la wareego guddoomiyaha, halka Itoobiya rabto xoghayaha fulinta. Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa taas u arkay mid awoodda IGAD ay ayaga oo heshiis ah kula wareegayaan Kenya iyo Itoobiya. Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa doonaya in xilalka ururka noqdaan kuwa wareegto ah, oo aan hadda kadib lagu loolamin. Soomaaliya weligeed ma qaban labadan xil midkoodna. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland, General Cabdillaahi Fadal Iimaan. Taliyaha oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaayay Magaalada Hargeysa ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka International ee Magaalada Hargeysa. Madaxda Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Genaral Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland. Jananka ayaa waxaa maalinta berrito lagu wadaa in lagu aaso Deegaanada Somaliland, waxaana aaskiisa la fillayaa in ay ka qaybgalaan Madaxda Somaliland ugu sareysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waxa caawa fiidkii geeriyooday Alle ha u naxariisto taliyihii ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Iimaan Fadal. Marxuumka ayaa mudooyinkii danbaba shaqada uga maqnaa xanuun. Waxana dhamaan maamulka Iyo hawlwadeenada shabakada Qarannews ay tacsi u dirayaa shicibka Somaliland Iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku Qaran News
-
Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni uu cafiyey Xildhibaan Cawil Daad oo madaxweynaha su’aal weydiiyey dhawaan. War qoraal ah oo caawa ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegtay in xildhibaano ka tirsan Puntland ay Madaxweyne Deni maanta kulan kula qaateen Qardho, kuwaas oo u waday sida ay Madaxtooyadu sheegtay dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad. “In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimi Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad” ayaa ugu horreyn lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland. Sidoo Madaxtooyada Puntland ayaa qoraalka ku sheegtay in xildhibaanadu Madaxweyne Deni ka codsadeen in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka. “Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raali-gelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland. Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Deni uu ka aqbalay codsigii xildhibaanada. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay codigaasi” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland. Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Baarlamaanka Puntland oo lagu ayidayo ama lagu diidayo warka Madaxtooyada. Sidoo Baarlamaanka ayaa wali wax jawaab ah siin Xeer ilaalinta Puntland oo maalin ka hor ugudbisay qoraal ay ku codsanayno in xasaadda laga qaado Xildhibaan Cawil Daad. PUNTLAND POST The post Maxaa lagu helay Xildhibaan Cawil oo laga cafiyey? appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si lama filaan ah u ogolaaday in Xeer ilaalinta Puntland la noqoto Xasaanad ka qaadkii iyo dacwad Xildhibaan Cawil Xasan Daad, kaddib kulan uu magaalada Qardho kula yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Xildhibaanada oo tiradoodu gaaraysay 20 mudane Madaxweynaha ay ka raali galinayeen hadalkii Xildhibaanka Madaxwaynuhuna aqbalay. Qoraal lagu baahiyay barta facebooga ee Madaxtooyada ayaa u qornaa sidatan: In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan Kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimi Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad. Mudaneyaasha ka tirsan Baarlamaanka waxay Madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, ay ahayd waxaan u qalmin Dowladnimada Puntland ee 21-sano jirsatey. Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raali-gelin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu’na ay la laalabato Dacwadda ay ka gudbisay Xildhibaanka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay codsi’gaasi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
