-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradda duulista hawada xukuumadda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradaha duulista hawada ee maamul goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay galab kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho. Xubnahaas aya kulankooda waxa ay uga arinsanayeen halka laga dhisayo garoon cusub oo loo weecinayo duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, kidib markii uu batay ciririga garoonka Muqdisho. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaarddiisu ay diyaarisay Enjineeradii dhisi lahaa garoonka cusub. Wasiir Oomaar ayaa kulanka ka sheegay in ay kordheen diyaaradaha ka dega garoonka Aadan Cadde, taas oo sababtay cariiri badan oo ka jira garoonka. Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in dhismaha garoonka cusub ay soo gaba-gabaynayaa inta lagu guda jiro sanadkaan 2019-ka. Guddi uusan shaacin magacyadooda iyo inta ruux ee ay ka koobanyihiin ayuu sheegay wasiir Oomaar in ay u magacaabeen ka shaqeynta dhismaha garoonka cusub. Mas’uuliyiinta ka socotay maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayuu sheegay in ay kala tashaneysay wasaaradu, halka laga dhisayo garoonka isagoo sheegay in labada Shabeelle oo labada dhinac xuduud kala leh gobolka Banaadir ay ka heystaan dhul laga hir galin karo garoonka cusub. Ilaa hada wasiir Oomaar iyo xubnihii kaleba si rasmi ah uma shaacin halka laga dhisayo goroonka cusub ee diyaradaha, kaas oo ay qorsheynayso wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaliya in laga dhiso meel ka baxsan magaalada Muqdisho. Markii la dhiso garoonkaas ayuu sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada in loo weecinayo duulimaadyada garoonka Aadan-Cadde, kuwaas oo iskaga kala goosha gobolada dalka iyo guud ahaan caalamka. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Tripoli (Caasimada Online) – Bini’aadamka wax kasta wuu u nugul yahay, inkasta oo adkeysiga laysku dhaafay. Balse, qisooyinku waa kuwa xanuun badan oo qofka mararka qaar ku riixeysa in uu nolosha ka doorbido geeri. Muna, 17-jir ku dhalatay Soomaaliya balse uga soo carartay markii aabaheed uu dhintay, hooyadeedna awoodi wayday in ay wax ku tarto, ayaa dib u xusuusaneysa mahadhooyin qabsaday intii jidka ku jirtay. Tahriib ayay ku gashay Libya kahor inta aysan soo marin wadooyinka ay adeegsadaan dadka. Kufra ayay aakhiritaankii ku degtay. Magaaladaas waa halkii ay ka bilaabatay tacadiyadda foosha ee waxyeeladda daran u geystay qalbigeeda. Falal fool xun oo ay kamid yihiin jirdil, kufsi iyo garacaaris ayaa waxaa u geystay magafeyaal. Manaxayaashaas ayaa waxay rumeysan tahay in ay u kala dhasheen wadamadda qaarada Afrika dhaca ee Liibiya iyo Ghad. “Way i jirdileen. Way i garaceen. Kadibna hal habeen, saddex rag ayaa darbiga iigu riixay dibadda ayay ii saareen wayna u kufsadeen,” ayay tiri, kadibna ilmadda oohin qiiro leh ayaa kasoo qubatay. Iyadda oo hadalkeeda sii wadata ayay raacisay: “Waqtiga xaadirkaas, waxaan nacay nafsadeyda. Waxaan doonay geeri. – “Ma tuuri karo, waa jirkeyga” – Kaliya ma ahan Muna, waxaa wehlisa Laki, taas oo Soomaaliya uga soo saftay Yemen kadibna soo martay Suudaan kahor inta aysan ugu dambeyntii cago dhigan Liibiya oo qiso xanuun badan ay ku qabsatay. Intii ay socdaalka kusoo jirtay, magafeyaasha ayaa ka dalbaday lacag, balse ma aysan awoodin in ay iska bixiso lacagtaas. “Way i jirdileen, xoog ayey iigu shaqeysteen wayna I kufsadeen. Kadib waxaan qaaday Uur, waxaana dhalay cunugaan,” ayay xustay. Markii ugu dambeysay, waxaa bishii June 2018-kii lagu faroxumeeyay Kufra, koonfur bari Libya. Mar kale waxaa lagu kufsaday Bani Walid, koonfurta magaaladda caasimada ah ee Tripoli. “Waxaan ciqaabta ku arkey indhaheyga,” ayay hadalkeeda raacisay, iyadda oo qaraabadeeda ku sugan dalka ku waanisay “inkasta oo ay jaago jirto ayna jiraan dhibaatooyin ha imaanina Liibiya”. Hay’addaha Caalamka ayaa waxay cod dheer kaga codsatay in ay ka wareejiyaan Liibiya ayna geeyaan meel dhaanta. “ALLE ayaa ku ammaanay oo cunugaan u siiyey. Ma tuuri karo, sababtoo ah waa qeyb ka ah jirkeyga,” ayay ku adkeysatay. Inta badan muhaajiriinta taga Liibiya oo adeegsada Badda Mediterranean ayaa tan iyo bilowgii 2014-kii waxaa la qiyaasay in ku dhowaad 15-kun ay dhinteen iyaga oo isku deyaya in ay ka gudbaan. Ciidamadda Ilaaladda Xeebaha ee Libya ayaa la halgamaya joojinta qulqulka soo galootiga xili Midowga Yurub uu balanqaaday $250 million oo wax looga qabanayo muhaajiriinta nolosha fiican raadinaya. Xigasho: Garowe Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo tarayaa talooyinka loo jeedinayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaas oo ku saabsan dejinta iyo xal u helista xaalada sii xumaaneysa ee maamulka Jubbaland. Siyaasiin, aqoonyahaano iyo masuuliyiin ka tirsan golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo kala hadleen xaaladda Jubbalanad islamarkaana ay siiyeen talooyin ku aadan xaaladda Jubbaland. Talooyinka loo soo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka koobnaa laba qodob sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan xubnihii la kulmay madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan talooyinka madaxweynaha loo soo jeediyay oo kala ah. 1) – In madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tago magaalada Kismaayo kadibna uu ogolaado doorashadii ka dhacday Kismaayo lana heshiiyo Jubbaland, isagoo qiranaya in uu qalad ka dhacay labada dhinac haddana la saxayo. 2) – Iyo in uu casilo xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada, gaar ahaan wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya kuna eedeeyo wixii qalad ah oo dhacay oo uu isaga iska fogeeyo kadibna uu ogolaado doorashadii wixii sixid u baahana laga saxo Jubbaland. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu qaatay talooyinkii loo soo jeediyay balse lama hubo in uu fulin doono iyo inkale. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay fadeexad kala kulantay khalaasaha ka jira Jubbaland waxaase loogu baaqay in ay dib u eegis ku sameyso arrinta Jubbaland taas oo ku xiran maslaxaddda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-14102019.mp3 View the full article
-
Howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayey oo ciidamada ammaanka ay ka ay ka sameeyeen gelinkii hore ee maanta xaafadda Hanti-wadaad ee magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa ciidanku waxaa ay ku soo qabteen ku dhiwaad 100 ruux kuaas oo xabsiga loo taxaabay. Howlgalka ciidanka ayaa yimid ka dib markii xalay qarax Bam gacmeed lagu weeraray hoyga xaafada Hant Wadaag uu ka daganaa guddoomiye ku-xigeenkii amniga gobalaka Shabeellaha dhaxe Maxamed Sugaal, taas oo keentay inuu geeriyoodo isaga iyo wiilkiisa. Ciidamada oo ka duulaya falkaas ayaa saakay howlgal balaaran ku qaaday xaafadda Hanti Wadaag waxaana ay xabsiga u taxaabeen ku dhawaad 100 qof. Sidoo kale Shacabka ku nool xaafadda ayaa galinkii danbe bilaabay dibadbax xooggan oo ay ku danbanayeen sii deeynta dadkii ciidamada Booliska ay soo xireen dibad baxayaasha ayaa xiray wadadooyinka xaafada ayagoo gubayay taayaro. Dhanka kale ciidama ammaanka ayaa xabsiga u taxaabay Wariye Cabdi Caziiz Foolyareey oo kamid ah Wariyeyaasha magaalada Jowhar,kaas oo tebiyey warka la xiriira banaanbaxyada iyo dilka guddoomiye kuxigeenka, waxaana caawa xasiloon jawiga magaalada Jowhar. Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal kala duwan kuwaas oo dhimasho iyo dhaawacyaba ay ka soo gaareen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan hadal heynta hadal loo qaatay gef ee uu magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ka jeediyay Aadan Barre Ducaale hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya oo ka qaybgalay munaasabadda caleema-saarka Axmed Madoobe. Hadalkaas ayaa ahaa “islaan aan uusan jirin, hadii ay uunsato, waxay ka guban doontaa meel aysan ka guban jirin” hadalka Aadan Barre Ducaale ayaa ahaa weerar siyaasadeed oo dad-ban islamarkaana lagu weeraray hoggaanka dowladda Soomaaliya. Dad badan ayaa u arka in madaxdii ka qaybgashay Shirkii Kismaayo hadii aysan qaadan lahaayeen hal go’aan in ay soo celin lahaayeen sharafta iyo karaamada umadda Soomaaliyeed. Go’aanka ama aragtida ay qabaan dadka Muqdisho ee ah ka jawaabidda hadalkii Aadan Barre ayaa ah. Hadii madaxdii Kismaayo laga heli lahaa hal siyaasi oo Aadan Barre Ducaale ka difaaca hadalkaas gefka ah, sidoo kalane ahaa meel ka dhac loo geestay madaxda dalka in ay xaaladu ahaan laheyd difaaca Qaran iyo ilaalinta sharafta umadda Soomaaliyeed. “Dhamaan madaxdii Kismaayo ku sugneed malaga waayay hal qof oo ka jawaaba hadalka Aadan Barre Ducaale maadaama uu meel uga dhacay xubno ka tirsan Astaanta Qaranka, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo ka tirsan siyaasiinta Muqdisho. “Siyaasiinta Kismaayo iyo kuwa muxaafadka ah dhamaantood waxay isku haayaan dangaar ah ma jirto danguud oo ay isku hayaan laakiin waqtiyada qaar waxaa waajib ah in la ilaaliyo sharafta dalka iyo madaxda Qaranka iyadoo loo eegeyn qof naceeb” ayuu yiri Maxamed Qaasim Axmed oo ka tirsan aqoonyahaanada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa si kulul u weeraray dadkii ka dambeeyey sawiradii fadeexadda iyo dhalleeceynta abuuray ee maanta lagu soo bandhigay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu qabtay xusuka qaraxa 14-kii October. Sawirradaas oo baabuur lagu dhejiyey ayaa muujinyey Farmaajo iyo Kheyre oo dhiig shubaya. Caasimada Online ayaa horey u shaacisya in Villa Somalia iyo xafiiska Kheyre ay iska fogeeyeen inay ka dambeeyeen. Qoraal uu soo dhigay faceook ayuu Cabdinuur ku sheegay in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo ay tahay dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn. “Madaxda iyo dadka kale ee ammaanada bulshada loo wakiishay waxa ay khaldaan waa la sixi karaa, waxa ay hagaajiyeenna waa la tilmaami karaa balse in shakhsiyaad loo heeso ama loo buraanburo waa dhaqan duugoobay oo aan loo baahnayn.” Ayuu Cabdinuur ku yiri qoraalka uu soo dhigay facebook. Waxa uu intaas ku daray “Waxaa lamid ah qoladii maanta baabuurta kusoo buufisay sawirrada madaxda qaranka iyaga oo isu haysta in ay wax hagaajiyeen. Dhaqamadaas liita waa in la baabi’iyaa.” Qoraalka uu soo saaray Cabdinuur ayaa noqday mid aan la filyen marka loo eego habka uu dhaliilay kooxda arrintan ka dambeysay iyo dhaqamada guul-wadaynta ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa la ogyahay inuu yahay qof jecel ammaanta iyo buunbuunita oo xitaa uu lacago ka bixiyo, taasi oo horey ay dadka badan ugu dhaliileen. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay dhacdadan ka dambeeyaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo, oo ah koox uu horey madaxweyne u dhisay oo ka shaqeysa u guulwadeyntiisa. Lama yaqaan sababta ay kooxdan sidaas u sameysay, hase yeeshee waa koox u dhisan shaqadeeduna tahay inay sameeyaan wax kasta oo lagu amaani karo madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa iska fogeeyey inay ka dambeyeen baabuur lagu dhejiyey sawirrada Farmaajo iyo Kheyre oo dhiig shubaya, kuwaas oo maanta la dhigay isgoyska Zoobe, oo lagu qabtay xuska qaraxii 14-kii October oo labo sano ay kasoo wareegtay. Arrintan ayaa dhalisay carro iyo dhalleeceyn xooggan, ayada shacabka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay wax laga xummaado ku tilmaameen in maalin murugo badan loo adeegsado olole siyaasadeed. Hadallada ugu badan ee dadka ku dhalleeceynayeen arrintan ayaa ahaa “Ma adinka kaligiin ayaa dhiig shubay, Soomaalida oo idil ayaa shubtay’e.” Ka sokow adeegsiga sawiiradan, ayaa waxyaabaha kale ee laga xummaaday waxaa ka mid ah in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay labadaba sababo amni uga baaqdeen xuskii lagu qabtay isgoyska, oo uu ka qeyb-galay kaliya duqa Muqdisho Cumar Filish. “Xafiiskeena wax shaqo ah kuma lahan, mana ahan arrin saxan” ayuu yiri qof ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo codsaday inaan la magacaabin. Sidoo kale qof ka tirsan xafiiska Kheyre ayaa yiri “Xafiiskeena kama war hayo arrintan.” Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inay dhacdadan ka dambeeyaan Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo, oo ah koox uu horey madaxweyne u dhisay oo ka shaqeysa u guulwadeyntiisa. Lama yaqaan sababta ay kooxdan sidaas u sameysay, hase yeeshee waa koox u dhisan shaqadeeduna tahay inay sameeyaan wax kasta oo lagu amaani karo madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SNM) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-14102019.mp3 View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan Galmudug iyo HirShabelle ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo ka badan hal sano, halka ciidamada kale ee booliiska Soomaaliya ay qaataan mushaarkood bil kasta sanadkii ugu dambeeyay. Ciidamada Booliiska HirShabelle ayaa maalmihii la soo dhaafay dhigay Gadood ay uga soo horjeedaan mushaar la’aan heysata muddo sanad ah. Gadoodka ayaa ka dhacay Beladweyne oo meelaha qaar la sheegay in illaa hadda ay u xiran yihiin Ciidamad Booliiska. Sidoo kale Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee ku sugan Galmudug degaano ka tirsan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan ku raagtay inkastoo aysan wali dhigin gadood iyo cabasho waxaase jirta cabashooyin badan oo ka soo baxaya Ciidamada Booliiska ee Galmudug. Dood culus ayaa ka taagan sababta loo bixin waayay mushaarka ciidamada booliska ee Galmudug iyo HirShabelle balse loo bixiyay Booliiska Gobalka Banaadir, Koonfur Galbeed iyo kuwa kale oo ku sugan degaano ka tirsan Jubbaland. Dad badan ayaa u arka in dowladda Soomaaliya ay gacan bidixeyneyso ciidamada Booliiska HirShabelle iyo Galmudug oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya waxaana qaarkood la sheegay in ay ciidanka ka tirsanaayeen muddo ka badan 10 sano. Qaar kamid ah ciidamada ayaa sheegay in ay mareen nidaamka diiwaan gelinta Electronic-ga oo ay sameysay dowladda Soomaaliya balse aysan wali helin xuquuqdii ay lahaayeen islamarkaana aysan ogeyn sababta ay u maqantahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile, oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday in deegaanada Somaliland ay ka dilaaceen koox magafayaal ah oo dadka ka qaada lacago. Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland ay aad uga shaqeystaan ragg sidii ‘Magafayaashii’ Liibiya oo kale dadka u tahriibaya, isla markaana lacago faro badan ka sameeya arrinkaasi. Xildhibaan Maxamed Qabiile oo warbaahinta ugu warameyay magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay dadkaasi uu ku tilmaamay ‘Magafayaasha’, isagoona xusay in dadkaasi ay u fududeyaan tahriibka dadka degan wadamada jaarka la ah Somaliland, gaar ahaan qowmiyada Oromada. “Somaliland waxa ka dhashay maga-fayaashii Liibiya, dhibaato badana wey dhacday, Shilalkii gaadiidkuna wey bateen. Waxaan leeyahay dadkaasi waa dad bini-aadam ah, waadna arkeysaan qeylada ka soo yeerta marka ay Talyaaniga tagaan” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qabiile. Wuxuuna intaas kusii daray “Dadkaasi Nolol xun iyo socdaal xun ayey socdaalkaasi ku qabaan, dowladda ay ka imanayaan ee nala jaarka ahna ee Itoobiya, xafiisyadooda socdaalku waxay qabtaan garan maayo, marka ay howlaha intaas leeg ay dhexdeena ka fulayeen”. “Xukuumada Somaliland inay ka dadaasha kooxda Maga-fayaasha iyo khatartaa soo food saartayaba bini-aadanimadeeni ee dhulkii Ilaahay nagu beeray ka dhaceysa, labadoodaba waa inay ka dadaasho”. Hadalka Xildhibaanka ayaa ku soo aadaya, dhowr cisho un kadib markii ay Shil gaadhi ku naf waayeen tobaneeyo qof oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada oo tahriibayaal ahaa, isla markaana deegaanada Somaliland uga soo gudbiyay magaalada Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka baaqday inay ka qeyb galaan sanad guuradii 2-aad ee xasuuqii ka dhacday Isgoyska 14 October ee ay boqolaalka qof ku geeriyooday qaraxii labo sano ka hor. Madaxda Villa Soomaaliya, ayaa sababo amni uga baaqday sanad guuradaas, sida ay Puntland Post u sheegeen saraakiil katirsan madaxtooyada Soomaaliya oo ka gaabsaday in magacooda la xuso. Kadib markii shalay madaafiic lagu garaacay xerada Xallane, ayaa madaxda dowladda federalku waxay joojiyeen qorshe ahaa in ay kumanaan shacab ah kula hadlaan fagaaraha isgoyska Soobbe. Alshabaab ayaa soo saaray wax u eg digniin ku socota madaxda dowladda federalka, kadib markii ay sheegeen inay ku guulaysteen 9 gantaal oo ay la heleen xerada Xallane, iyadoo waxyeelo ay kasoo gaartay 3 shaqaale ah. Maadaama mas’uuliyiintu ka baaqsadeen inay tagaan fagaaraha xuska, waxaa taalada laga taagay bartamaha Isgoyska lagu soo bandhigay labo gaari oo ku xardhan yihiin sawirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ah iyagoo dhiig bixinaya labo sano ka hor. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre oo sababo amni u tagi waayay xuska xasuuqii 14 October appeared first on Puntland Post.
-
Damascus (Caasimadda Online) – Kooxda Kurdiyiinta ayaa sheegay in dowladda Suuriya ay ku heshiiyeen in ciidamadamo ay usoo dirto xadka waqooyi si ay meel ugasoo wada jeestaan duulaanka ay halkaasi ka wado dowladda Turkiga. Warbaahinta qaranka ee dowladda Suuriya ayaa warisay in ciidamada dowladda ay ka hawlgalayaan goobahaasi. Arintan ayaa daba socoto go’aan ay dhawaan qaadatay dowladda Mareykanka oo ahaa in ciidamadeeda ay halkaasi kala baxday. Duulaanka Turkiga oo bilawday todobaadkii hore ayaa ujeedkiisu yahay sidii halkaasi lakaga saari lahaa dagaalamyaasha Kurdiyiinta, oo uu Turkigu u arko falaago argagaxisa ah. Tan iyo markii uu weerarku bilawday tobanaan ruux oo shacab iyo dagaalamayaal labada dhinacba ah ayaa ku dhintay, halka tobonanaan kun oo kalana ay ku barakaceen. Kurdiyiinta oo in mudo ah Mareykanka ka gacan siinayay ladagaalanka Daacish ayaa sheegay in Mareykanku qiyaameeyay, gadaalna uu ka toogtay. Tiro shacab ah ayaa isaga qaxay deegaanada xadka, waxaana sidoo kale ku dhintay weerarada ciidammo ka tirsan labada dhinac. Axaddii, Mareykanka wuxuu shaaca ka qaaday inuu ciidammadiisa kala baxayo waqooyiga Suuriya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeys)-Yusuf Cismaan Garas oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii hore ee xisbiga Kulmiye markii u dambeysayna ahaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo tamarta, marna noqday Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo Maareeye Hay’ad madaxbanaan, ayuu guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbigaasi Maxamuud Jaamac Warfaa ku daray xubno ka tirsan Golaha dhexe oo ka qaybgalay xaflada caleemosaarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe). Hase ahaatee, wasiir dawlaha hore oo kamida xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu tegay Kismaayo iyo in uu ka qaybgalay xaflada caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxaanu sheegay in uu howlo shakhsi ah u joogo magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. “mudd afartan maalmooda waxaan jooggaa dalka Itoobiya oo aan howlo shakhsi ah u imi, mana tegin kismaayo” ayuu yidhi Yusuf Garas oo telefishan ugu waramay khadka Telefoonka. Garas ayaa intaasi ku daray in uu xidhiidh la soo sameeyey Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga markii uu maqlay warka lagu eeddeeyey, guddoomiyuhuna arrintaasi kaga jawaabay in loo sheegay, balse aanu haynin wax hubinti ah. Yusuf Cismaan Garas, ayaa waraysiga u bixiyey ku sheegay “maya maya anigu hargeysa markaan ka soo baxay addis ababa ayaan imi oo aan howlo shaqo oo ii gaar ah u jooggaa”. Isagoo ka hadlay mowqifkiisa ku saabsan siyaasadda Soomaaliya waxa uu yidhi “Soomaaliya waa dal aynu siyaasad isku hayno aniguna Nin siyaasiya ayaan ahay oo xisbiga golihiisa dhexe ku jira, sabab aan u tegi karaana ma jirto, intii ay Somaliland jirtayna kumaan fekerin anigu in aan tago”. Waxa kale oo meesha ka saaray wax khilaafa oo gaar uga dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha dhexe “markaan waydiiyey sababta uu eeddeynta iigu jeediyey wuxuu igu yidhi anigu wax cadddeyn ah ma haynin”ayuu sii yidhi Mr. Garas. Agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada oo muddo bilo ah xilka ka sii maqnaa ayaa shalay ka dhex muuqday munaasibad ka dhacday Magaalada Kismaayo oo lagu caleemo=saaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe, arrintaasoo si weyn baraha bulshada loogu hadal hayey tan iyo markii ay dibada u soo baxday, shaambadna ku ah Xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye. Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbigaasi Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa wariyeyaasha u sheegay in talaabo laga qaadi doono Agaasime hore Maxamed Ilkacase oo ka tirsanaa Golaha dhexe ee xisbiga, laguna tirin jiray dadkii sida weyn ugu soo shaac baxay ololleyaasha Xisbiga. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa hor imaaday in Qaraxii Soobe ka dhacay inuu ahaa mid Musiibo Qaran. Wuxuu Sheegay in Musiibo ay tahay wax gacanta bani’aadamka ka baxsan sida; daadka, duufaanta, dhulgariirka, IWM. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in wixii ka dhacay Isgoyska Soobe Laba Sano ka hor ay ahaayeen Xasuuq uu cadow u geystay Shacabka Soomaaliya “Aan ka dayno afkeena in aan ugu yeerno “Musiibo Qaran” sababtoo ah musiibadu waa wax gacanta bani’aadamka ka baxsan sida; daadka, duufaanta, dhulgariirka, IWM. Wixii nagu dhacay 14 Oktoobar waxey ahaayeen “ xasuuq” uu cadaw dagaal soo qaaday gaystay, waxayna aheyd 11-ka September-tii Soomaaliya” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook. Wuxu sheegay in Qaraxii Soobe uu reebay Xasuus mahadho ah oo dhaawacday dareenka Shacabka, tustayn cadawtooyada gacal iyo arxan la’aan, diin iyo damiir la’aanta ah ee Al-Shabaab. “Xasuuqa 14 Oktoobar wuxuu reebay xusuus mahadho ah oo dhawaacday dareenka shacabka, tustayna cadowtooyada, gacal iyo arxan la’aan, diin iyo damiir la’aanta ah ee Al-Shabaab. Dhinaca kale, waxey curisay dareen Soomaalinimo markii aad ka eegto sida Soomaali oo idil dal iyo dibad uga falceliyeen. Gurmad, gargaar, garab istaag, duco iyo dareen muujinba intaba” . Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyey inay dayacday fursadaas oo uu sheegay inay aheyd in looga aarguto Ururka Al-Shabaab. “In kasta ay xanuun badnayd, haddana waxay aheyd fursad lagu mideyn karay shacabka, lagu abaabuli karay, loogana aargudan karay cadawgii xasuuqa gaystay. Waxaa isku kaaya raacay xanuunkii xasuuqa iyo fursadii arguudashada oo ay hogaankii dalka naga lumiyeen”. Ugu dambeyntii wuxuu u duceeyey dadkii ku shahiiday Xasuuquu ay Al-Shabaab u geysteen Shacabka Soomaaliyeed. “Allaha naxariistiisa ha siiyo dadkii ku shahiiday, Ilaaheeyna ha ka sabarsiiyo eheladii iyo asxaabtii ay ka baxeen.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Siyaasi Siciid Diiriye Maxamed Siyaasi Siciid Diiriye Maxamed oo kamid ah as’aasayaashii dowladda Puntland, ayaa si adag u naqdiyay hadal ka soo yeeray xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland oo shalay ka hadlay magaalada Garoowe, kuwaasi oo dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Deni. Siyaasiga ayaa sheegay, in xildhibaannada Baarlamanka Puntland ay u xil-saaran yihiin la’xisaabtanka iyo toosinta xukuumadda, taasina ay leedahay hannaan loo maro, si loo saxo dhaliilaha jira, balse ay xildhibaannada qalad ku tahay, in ay bulshada ku kiciyaan dowladda. Sidoo kale, wuxuu sheegay in xildhibaannadu ay awood u leeyihiin, haddii ay arkaan wax qaldan, in ay si toos ah madaxweynaha ula wadaagan, islamarkaana kula xisaabtaman wixii uu qalday, iyagoo aan warbaahinta ka dhaliilin. “Wixii wax sixi lahaa waxa weeye Baarlamanka, haddii ay wax qaldan arkaan, in ay shaaciyaan oo dalka iyo dadka fidneeyan lagama rabo, ee waxa laga rabaa in ay la wadaagan madaxweynaha oo yiraahdan: madaxweyne waxaan waad ku qaldantahay.” ayuu yiri Siciid Diiriye. Dhinaca kale, Siyaasiga ayaa bogaadiyay hoggaaminta madaxweyne Deni iyo shaqooyinka uu qabtay mudadii uu xilka hayey, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay, in ay ilaashadan nabadda iyo horumarka ay haystaan. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Siyaasi Siciid Diiriye: Madaxweyne Deni waa mukhlis appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Berlin)-Dawladda Jarmalka ayaa sheegtay inay sii wadayso mashaariicda la xidhiidha horumarinta ee ay ka waddo Jamhuuriyadda Somaliland. Siduu baahiyey Wargeyska East African Business Week, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Danjire ku-xigeenka Jarmalka u fadhiya Kenya, Marcus Bollmohr ayaa sheegay in cilaaqaadka ay Somaliland la leeyihiin uu wanaagsan yahay, waxaanu kulan la yeeshay Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi Baashe Cawil Cumar oo ay ka wadahadleen kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta wershadaha. Baashe Cawil Cumar Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, wuxuu sheegay in danjire ku xigeenku uu xaqiijiyey inay sii wadayaan mashaariicda horumarinta ee ay kala shaqeeyaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu tilmaamay in dawladda Jarmalku ay door weyn kaga jirto mashaariicda waara ee horumarinta Somaliland. Marcus Bollmohr Safiir Ku-xigeenka Jarmalka ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa dhinaciisa caddeeyey inay Somaliland ka saacidayaan mashaariicda ay baahida u qabaan, waxaannu xusay inay ganacsatadooda ku dhiirigelinayaan inay maalgashadaan JSL. Geesta kalena, Guddida Maalgashiga caalamiga ah ee dalka Malaysia ayaa shaaciyey inay ka jiraan Somaliland fursado badan oo u baahan in la maalgashado,kuwaasi oo shaqo u abuuri kara shacabka isla marlaana kor u qaadi kara dhaqaalaha Somaliland. Wakiilka Somaliland u qaabilsan Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddida maalgashiga caalamiga ah ee Malaysia Mr. Dato’ Arshad. Guddoomiyaha Guddida maalgashiga caalamiga ah ee Malaysia Mr. Dato’ Arshad ayaa iftiimiyey inay Somaliland ka jiraan meelo dihin oo aan wali la maalgashan oo ay ka mid yihiin Dhinacyada Beeraha iyo Tamarta. Waxa kaloo uu intaas ku daray in shirkadaha Ganacsiga dalkiisu ay doonayaan inay maalgashadaan kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland Source
-
Wararka ka imaanaya Galmudug ayaa sheegaya in maanta heegan buuxa la galiyey ciidamada ammaanka ee ka howlgala maamulkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Galmudug oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada kala duwan ee ku sugan halkaasi ay ku jiraan feejignaan dheeri ah. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in u jeedka uu yahay, sidii looga hortagi lahaaa falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada sidoo kale ay howlgallo ka bilaabeen degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo saaka Dhuusamareeb lagu toogtay nin hubeysnaa oo doonayey inuu gudaha ugalo saldhiggga Booliska magaaladaasi. View the full article
-
Guddoomiye ku xigeenka golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa maanta shir guddoomiyey golaha wakiilada dowlad gobaleedka Jubbaland. Guddoomiye Abshir ayaa horay u sheegay inuu Kismaayo u tagay inuu la kulmo golaha wakiilada oo ka mid ah meeshii laga soo doortay senatorada aqalka sare. Sawirro: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
