Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. At least three mortars were fired at Mogadishu’s international airport on Sunday, injuring six people, a diplomatic source said. The airport serves also as compound for several embassies as well as the United Nations and African Union missions. A U.N. source in Mogadishu confirmed the attack but could not say how many people had been injured. Residents living in the outskirts of the airport compound told Reuters they saw several mortars being fired. The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, James Swan, condemned today’s indirect fire attack on the United Nations and AMISOM compounds in the Somali capital. At about 1:15 (local time) this afternoon, mortar rounds landed inside the UN and AMISOM facilities, injuring several people.. “I am appalled by this blatant act of terrorism against our personnel, who work together with the Somali people on humanitarian, peace building, and development issues. Thankfully, the majority of our staff is unhurt. I wish our wounded colleagues a full recovery from their injuries,” said Mr. Swan. “There is no justification for such despicable acts of violence, and the United Nations remains determined to support Somalia on its path to peace, stability and development.”
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa cambaareeyey weerarkii madaafiicda ahaa ee Maanta lagu qaaday xarunta Qaramada Miidobay iyo AMISOM ee Magaalada Muqdisho ee loo yaqaan Xalane. War saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in saacadda Muqdisho markay aheyd 1:15 pm uu dhacay weerarkaan madaafiicda ayna kusoo dhaceen gudaha Xarunta UN-ka iyo AMISOM gaar ahaan qeybta tas-hiilaadka ayna ku dhaawacmeyn dhawr qof. “Waxaan aad ula yaabay ficilkaan argagaxa leh ee lagula kacay shaqaalaheenna, kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeeya arrimaha samafalka, dhismaha nabadda, iyo arrimaha horumarinta” ayuu yiri James. “ Nasiib wanaagse, inta badan shaqaalaheena waxba kuma noqon. Waxaan u rajeynayaa asxaabteena dhaawacmay inay si buuxda uga soo kabsadaan dhaawacyadooda” ayuu sii raaciyey. “Wax marmarsiiyo ah looma sameyn karo weerarkaan naxariis darrada ah, Qaramada Midoobayna waxaa wali ka go’an inay Soomaaliya ka taageerto jidkeeda nabadda, xasilloonida iyo horumarka.” Ayuu kusoo gabagabeeyey. Warkaan kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho ayaa khilaafayo Wararka aan ka helnay ilo-wareedyo amni oo ku sugan gudaha xarunta Xalane oo sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen isbitaalka ciidamada Amisom ee ku yaalla gudaha xarunta Xalane. Madaafiicda ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo Soomaali ahaa, oo isbitalka u doontay adeeg caafimaad, waxaana ku dhaawacmay 6 qof oo kale. Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira askar ka tirsan ciidamada Amisom. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Barlamaanka Somaliland Oo Go’aan Adag Ka Soo Saaray Mas’uuliyiin Xilal Ka Qabtay Somaliland Oo Qeybgalay Xaflada Caleemo-Saarka Axmed Madoobe, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)- Golaha Wakiilada Somaliland Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Qunsulka Turkiga U Fadhiya Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Somaliland ayaa si farxad leh u soo dhawaysay qorshaha dawladda Uganda ee ah in diyaaradda dawladda Uganda duulimaadyo ka bilawdo magaalada Hargeysa. Todobaadkan ayay shirkadda diyaaradaha ee Uganda shaacisay in ay magaalada Hargeysa ka mid tahay dalal iyo magaalooyin ay shirkaddu duulimaadyo cusub ka bilaabi doonto. “Warkan weyni kaliya muhiim uma aha Somaliland ee Bariga Afrika oo dhan ayuu muhiim u yahay. waanu sugi kari la nahay duulimaadkii u horeeyay ee Uganda Airline ku soo fadhiisanayso madaarka Hargeysa,” Sidaas ayuu yidhi masuul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo wargeyska Busiweek soo xigtay. Waxa uu intaasi ku daray in ay ahmiyad weyn u leedahay Somaliland, Uganda iyo gobolkaba isku xidhnaanta garoomada Cigaal iyo Entebe, islamarkaana kor u qaadayso ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqyada u dhexeeya Hargeysa iyo Kambala. Geesta kale Busiweek ayaa ku warramaya in koox ka socota shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways yimaaddeen madaarka Hargeysa si ay u eegaan xaaladdiisa taas oo hor dhac u ah damaca shirkaddu duulimaadyo kaga bilaabayso. Wakiilka Somaliland u fadhiya Nairobi Baashe Cawil ayaa sheegay in ay jiraan ganacsato u kala goosha Hargeysa iyo Nairobi, islamarkaana ay muhiim tahay in Kenya Airways duulimaad ka bilawdo Hargeysa. Source
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Salaad Cali Jeelle, oo ka mid ah siyaasiyiinta iyo odayaasha beesha Abgaal ee mushaarka ka qaatay Villa Somalia, ayaa weerar culus ku qaaday siyaasiyiintii iyo madaxdii hore dalka usoo maray ee ka qeybgalay xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe. Salaad Cali Jeelle ayaa madaxdii iyo siyaasiyiintii ka qeybgalay Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe ku tilmaamay inay yihiin kuwa u shaqeenayo wadamo shisheeyo oo loo adeegsanayo niyad jabinta shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay. Salaad Cali Jeelle ayaa siyaasiyiintii iyo madaxdii ka qeybgashay Xafladdaas u kala qeybiyey laba qeyb. Qaar ka tirsan kuwaas ayuu sheegay inay yihiin kuwa horey ugu fashilmatay xukunka oo dayacay dalka, isla markaasna hadda doonaya inay xukunka kusoo noqdaan. Qeybta labaad ayuu ku sheegay inay yihiin kuwa dalaaliin ah oo siyaasadda ugu jiro inay lacag ka abuuraan, islamarkaana ay ganacsi ka raadiyaan la dagaalanka Xukuumadda talada heyso. Salaad Cali Jeele ayaa sidoo kale ka hadlay khudbadii uu Xafladda Caleema saarka ka jeediyey guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaalle oo uu ku tilmaamay inay aheyd mid dhibaato ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed aysan nasiib daarro aheyd inay u sacbiyaan madax soo maray dalka. Wuxu Aadan Barre Ducaalle ku eedeeyey inuu kamid yahay dadkii Dowladda Kenya ku qalqaaliyey inay muran geliso Badda Soomaaliya. Salaad Cali Jeelle ayaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay Siyaasiyiinta ku xiran Villa Soomaaliya ee bil kasta lacag ka qaato Dowladda si ay uga difaacaan siyaasiyiinta mucaaradka ah. Halkaan hoose ka daawo hadalka Salaad Cali Jeelle
  7. At least three mortars were fired at Mogadishu’s international airport on Sunday, injuring seven people, a diplomatic source said. The airport serves also as a compound for several embassies as well as the United Nations and African Union missions. A U.N. source in Mogadishu confirmed the attack but could not say how many people had been injured. No one immediately claimed responsibility for the attack. The UN mission and the Somali governement could not be reached for comment. View the full article
  8. Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyay Canshuurta qasabka ah ee kooxda Alshabab ka qaado dadka reer miyiga ee ku nool dhulka ay maamulaan. Warbixin cusub oo kasoo baxday golaha ammanka ayaa lagu sheegay Canshuurta sharci darrada ah inay sababtay barakac xoogan iyo in ay hoos u dhigtay dhiirrigelinta wax soo saarkii beeraha. Boqolaal qoys oo ku tiirsanaa xoolaha iyo Beeralayda ayaa guryahooda uga cararay cabsi soo wajahday kadib markii Shababku weydiisteen inay qasab ah ku bixiyaan lacago ay ku sheegeen canshuuraad. Qoysaskaan oo ay horey u saameeyeen abaarihii ka dhashay Roob yarida, ayaa ku qasbanaaday inay u baracakaan dhulka magaalooyinka, halkaas oo hay’adda safamalku ku caawiyaan. Sidoo kale, warbixinta Qaramada Midoobay, ayaa walaac xoogan looga muujiyay askaraynta carruurta Soomaaliyeed, iyada oo la sheegay inay ka socoto gobolka Bari oo katirsan Puntland, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. laga soo bilaabo Janaayo ilaa Luulyo 2019, guddiga la socodka howshaan, ayaa ogaaday in 869 caruur ah, oo ay ku jiraan 8 gabdhood, la askareeyay ayna adeegsadeen ciidamada qalabka iyo kooxaha xagjirada ah. Sanadkii 2018, Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Caruurta (UNICEF) iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa dhaqan celin u sameeyay 1,466 carruur ah oo ku nool degmooyinka Afgooye, Baydhabo, Dhuusamarreeb, Garoowe, Kismaayo iyo Muqdisho. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo walaac xoogan ka muujisay canshuurta sharci darrada ee Alshabaab qaado appeared first on Puntland Post.
  9. Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanaha, Marwo ; Deeqa Yaasiin ayaa Maanta oo Axad ah ku dhowaaqday soo saarista billowga diyaarinta sharciga Qaran ee xuquuqda naafada Soomaaliya. War-murtiyeed kasoo baxay munaasabad lagu shaacinayo geeddi-socodka diyaarinta hindise-sharciyeedka Qaran ee naafada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu sheegay in uu sharcigani si buuxda ula jaan-qaadi doono ballanqaadyadii ku xusnaa heshiiska Qaramada Midoobay ee Dadka naafada ah (CRPD). Wasiir Deeqa, ayaa sheegtay in ansixinta heshiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda Dadka naafada ahi uu fure u yahay sugidda iyo dedaallada loogu jiro kor u qaadidda xuquuqda Dadka baahiyaha gaarka ah qabo. “Ballanqaadyadeenna ah inaan horumarino oo aan ilaalinno xuquuqda Dadka naafada ah waa mid aan kala go’ lahayn, Maanta waxaan billaabeynaa Cutub cusub oo ku saabsan xuquuqda Dadka naafada ah”,ayay tiri Wasiiraddu. Marwo; Deeqa ayaa sheegtay in Dadka naafada ahi ay si buuxda uga qeyb qaadan doonaan lagana tala gelin doono geeddi socodka diyaarinta hindise-sharciyeedka si loo hubiyo lahaanshahooda buuxa iyo ixtiraamka mabaadii’da aasaasiga ah. Diyaarinta hindise-sharciyeedka Qaran ee naafada Soomaaliya ayaa imanaysa xilli ay Soomaaliya ku guda-jirto dhaqan gelinta axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda Dadka naafada ah. Soomaaliya waxaa ay axdigan saxiixday 2-dii Octoobar 2018-kii Baarlamaanka ayaa meelmariyay 18-kii May 2019-ka, iyadoo uu Madaxweynahuna oggolaaday 21 Juun 2019. View the full article
  10. Boosaaso (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay ee ka dhan ah dadka ku lugta kacdoonka ka dhanka ah maamulka ee ay wadaan qaar ka mid ah beelaha gobolka Bari. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga maamulka Puntland ayaa Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Xabsi ku yaalla ku xiray Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland. Siyaasigan ayaa habeen hore magaalada Boosaaso uga qeybgalay shir ay yeesheen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka Bari kaasi oo laga soo saaray war-murtiyeed qodobaysan oo si adag loogu dhaliilay hannaanka ay wax u hoggaaminayso xukuumadda Puntland ee talada haysa. Amarka lagu xiray Siyaasi Muuse Jaamac ayaa waxaa la sheegay inuu bixiyay Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan,isla markaana haatan uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso. Muuse Cali Jaamac oo ah Siyaasiga la xiray ayaa shalay warbaahinta u akhriyey go`aamo kasoo baxay Odayaasha beelaha gobalka Barri qaarkood, kuwaas oo sheegay in Madaxweyne Deni uusan fulin balan qaadyadii uu sameeyey. Saraakiil sar sare oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa sheegay in Siyaasigaan la xiray iyo kuwo kale oo la baadi goobayo ay jabiyeen amar dawladeed oo lagu mamnuucay shirarka magaalada Boosaaso. Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya cadaadiskii ugu adkaa kaas oo uga imaanaya dhanka odayaasha dhaqanka iyo beelaha daga degaanada gobalka Bari ee Puntland. Beelaha ku kacsan Deni oo kala Cali Saleebaan, Cali Jibraahiil iyo Beesha Dishiishe ayaa ka cabanaya in dhamaan ilihii dhaqaalaha gobalka Bari, sida Dekadda, Airport-ka iyo maxjarka loo gacan geliyay dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay shaqo la’aan xoog leh la soo daristay dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada gobalka Bari. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  11. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya, israsaaseyn maanta ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda ku dhexmartay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ciidanka Ahlu Sunna ay weerareen askarika tirsan ciidanka dowladda ku sugnaa Guriceel, kadibna uu iska hor imaad ka dhacay halkaasi. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse waxaa la sheegay in ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay xabsiga dhigeen askarigii ka tirsanaa ciidamada dowladda. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona xiisad u dhexeysa labada ciidan ay ka taagan tahay magaaladaasi. View the full article
  12. Farax Macalin shalay wuxuu ku qaylinaayey ” Kulbiyow mar dambe Xamar lagma xukumi doono ” maantase Hoteelada Xamar buu jiifa, isagoo ah taageere Madaxweyne Farmaajo,isla [...] Source
  13. Warar hordhac ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay ka heleen Ilo Dublamaasiyadeed ayaa noo xaqiijiyey in Sadex Qof oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Weerar Hoobiye [...] Source
  14. Waxaa qoray: Xildhibaan Mahad Salad Mudane Madaxweyne, sanadihii 2015 – 2016 xarunta ololahaaga doorashada waxay ahayd magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas ayaadna maalin walba [...] Source
  15. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane ; Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Dhagax dhigay xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah oo dabooleysa baahiyaha deg-degga ah ee Bulshada Soomaaliyeed iyo ka hor tagga musiibooyinka Dhismaha xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah oo ku timid taladii ay xukuumadda siiyeen mawaadiniintii Soomaaliyeed ee ka shaqeeyay gurmadkii loo sameeyay dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii October 14, 2017, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu faray howl-wadeennada ka shaqeynaya in ay sida ugu dhaqsaha badan xarunta u howl geliyaan. Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay muwaaddiniintii Soomaaliyeed ee keentay fikirka xarungta lagu dhisayo iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay, ayaa sheegay in hoggaanka Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhageysiga Shacabka iyo in ay taladooda qaataan si Dowladdu u bixiso adeegyada ay Dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin. Xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah ee dhismaheeda la Dhagax dhigay ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladdu ay ku dooneyso in Dalka dhan looga hir-geliyo dhammaan adeegyada aasaasiga u ah hagaajinta Caafimaadka iyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed. View the full article
  16. Wararka ka imaanaya magaalada Wajaale oo ka tirsan gobolka Gibilay ee maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay magaaladaasi ay Hawenay dil ugu geysatay nin la sheegay inay horay u kala tageen. Dilkan ayaa ka dhacay bartamaha Suuqa Wajaale, waxaana Haweeneyda la sheegay in dilkaasi ay u adeegsatay Mindi. Ilo dadka deeganka ayaa Shabelle u sheegay in ninka la dilay lagu magacaabi jiray, Maxamuud Ow Jaamac. Waraka ayaa intaasi ku daraya in dilkan uu salka ku hayo Hinaase ama Maseyr, iyadoona sidoo kale falkaasi lagu dhaawacay Haweeney kale oo uu dhowaan marxuumku guursaday. Dilalka la xariira arrimaha Qoyska ayaa inta nadan ka dhasha ismaandhaaf soo kala dhex gala lamaanaha kala tegay iyo kuwa isqaba. View the full article
  17. Qoysaska dadkii lagu waayay diyaaraddii Ethiopian Airline ee burburtay 10-kii Maarso, 2019, ayaa lagu wareejiyay hadhaagii dadkoodii ku dhintay shilkaas diyaareed ee ka dhacay dalka Ethiopia. Waxaa qoysaskaas kamida kuwa kasoo jeeda Kenya oo shaaciyay inay heleen dhammaan dadkii shilkaas uga dhintay haraadigoodii, waxayna sheegeen inay aas balaaran u sameyndoonaan khamiista. Ururka Bilayska Caalamiga ah ee Dambiyada (Interpol) ayaa bishii Sebtember ku dhawaaqay inay si sax ah u aqoonsadeen dhammaan 149 rakaab ah iyo sideed shaqaale ah oo ku dhintay shilka. Xoghayaha guud ee Interpol Jürgen Stock ayaa sheegay in ururku ku qasbanaaday inuu ku tiirsanaado saamiga DNA ee saxda ah ee ehelka dhibbanayaasha si loo sameeyo aqoonsi sax ah, kaasoo kooxda ku qaatay muddo lix bilood howshaas. Shirkadda duulimaadyada ee Itoobiya ayaa sheegtay sanadkii 2018 iyo sanadkaan 2019 inay ahaayeen sanadadii ugu adkaa taariikhdooda sida uu sheegay madaxa fulinta ee shirkadda , Tewolde Gebremariam. Tewolde wuxuu sheegay in shilkii dhacay 10-kii Maarso oo galaaftay nolosha 157 uu ahaa caqabadda ugu weyn ee soo food saartay shirkadooda. “Waxaan luminay asxaabteena qaaliga ah iyo macaamiisheena qiimaha badan. Waxaan wali ku xasuustaa nolol maalmeedkeena. Maareynta dhibaatada shilalka waa caqabad, ”ayuu yiri. Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegtay inay xilligan wajahayso gabaabsi dhanka duulimaadyada ah oo loo aanayn karo dhacdooyinkii nasiib-darrada ah ee sanadkii lasoo dhaafay. Xilliga shilku dhacay, waxaa shaqeyneysay 5 diyaaradood. Mid ka mid ah ayaa shilkaas ku burburtay , halka afarta kalena la dhigay dhulka. PUNTLAND POST The post Haraadiga Maydadka dadkii ku dhintay shilkii Itoobiya Airline oo qoysaskoodii lagu wareejiyay appeared first on Puntland Post.
  18. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo goor dhow lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Madaafiicda oo gaareysa illaa afar ayaa qaarkood la sheegay inay ku dhaceen xarun ay UN-ka ku leeyihiin gudaha Xeradaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, iyadoona feejignan dheeri ah la galiyey weerarka kadib ciidanka AMISOM oo saldhigooda ugu weyn uu ku yaallo halkaasi. Faah faahinta kala soco Radioshabelle.com View the full article
  19. Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay xukun dil ah ku fulisay gudddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cali Cabdullaahi Xasan, wuxuuna ahaa guddoomiyaha xaafadda Buula Sheekh ee magaaladaasi. Fagaare ku yaalla deegaanka Fiidow oo dhaca xadka gobolllada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayey ka dhacday toogashada ninkaasi 82 jir ahaa. Sidoo kale waxa goobta lagu toogtay ku sugnaa xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi. Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in marxuumka uu qirtay dambiyadii lagu soo eedeeyay, islamarkaana lagu fuliyey xukun dil toogasho ah. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Jowhar oo ku aadan dilka ninkaasi. Al-Shabaab ayaa inta badan xukuno kala duwan ka fulisa deegaanada ay heysato ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-13102019-ok.mp3 View the full article
  21. Xarun xeebeedka Xalane ee Magaalada Muqdisho ay ka degan yihiin Beesha Caalamku ayaa Madaafiic lagusoo weeraray, Madaafiicdasoo ku dhacay hareeraha Xarunta. Ilaa hada khasaare ma [...] Source