-
Content Count
215,072 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Hague (Caasimadda Online) – Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ oo ay taalo dacwad u dhaxeyso Dowladaha dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku saabsan kiiska Dacwadda Badda. Maxkamadda ayaa dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya kusoo dartay warbixin ay soo saartay oo ka hadleysay waxqabadkeeda 2019. Maxkamadda ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u sheegtay inaysan mar kale aqbali doonin dib u dhigista dacwadda. Maxkamadda ayaa Dacwadda labada dowladood u mudeyso inay ugu dambeyn dhacdo Bisha June ee sanadka soo socdo 2020. Dhanka kale Maxkamadda ayaa caddeysay inay Kenya horey u sheegtay inaysan Maxkamadda Kiiskaas qaadi karin balse Maxkamadda ayaa sheegtay inay ku adkeysatay inay kiiskaas awood sharci ah u leedahay inay qaado. Waxay sheegtay in labad Dowladood ay awood u yeelan waayeen inay kiiskooda ku xaliyaan qaab diplomaasiyadeed hadda wixii ka dambeeyana uu go’aanka hor yaalo maxkamadda iyadana ay soo saari doonto. Dowladda Kenya ayaa dhawaan maxkamadda ICJ ka codsaday in muddo 12 bil ah loogu daro kiiska Dacwadda taasoo ay maxkamadda aqbashay. Kenya ayaa dhawr jeer isku dayday inay wadahadal ku dhameyso muranka Badda ee labada dowladood balse Dowladda Soomaaliya ayaa diiday arrintaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban labada gole ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay degmada Dhahar oo ah xarunta Gobolka Haylaan. Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Maamulka Gobolka Haylaan, Kan degmada Dhahar, Hogaanka Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanada, Haweenka iyo ardeyda. Madaxweynaha iyo Wefdigiisa ayaa markii uu soo gaaray degmada Dhahar waxaa uu dhex lugeeyay Boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay soodhoweyntiisa. Hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ka hadlay xafladda soo dhoweynta , ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Imaanshihiisa Degmada Dhahar iyo adeegyada dowliga ah ee la hirgeliyey intuu xilka hayey. Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Dhahar, wuxuu ka hadlay horumarka Puntland si gaar ah mashaariicda xarumaha waxbarasho Dowladdu ku hirgelinayso degmada Dhahar. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la dhisayo Wada Laami ah oo isku xirta ( Magaalooyinka Sheerbi –Dhahar illaa Xingalool), Sidoo kale wuxu Madaxweynuhu ku dhawaaqay hirgelinta xarumaha dowliga ah ee degmada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyay Dhahar appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha wasiirada Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn waxaa golahu ay ka doodeen Arimaha doorashooyinka Qaranka gaar ahaan guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka dalka oo dhawaan la tashi u yimid Jubbaland, kuwaas oo la kulmay hay’adaha kala duwan ee dowlada iyo bulshada waxaana ay isku raaceen in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo wakhtigeeda ku dhacda isla markana fariintii dowlada iyo shacabka Jubbaland ay Guddiga u dhiibeen ay taas ahayd. Dhinaca kale golahu waxay ka hadleen xaalada fatahaadaha iyadoo Wasiirka Arimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish laga dhageystay saamaynta ilaa hada ka dhalatay iyo qorshaha Wasaarada ee sidii gurmad loogu fidin lahaa meelaha ay dhibaatadu ka jirto iyadoo uu Wasiirku xusay in gurmad laga sameeyay meelaha qaar guul weyna laga gaaray isla markana qorshe weyn oo mustaqbalka arintan lagu wajaho ay u baahan tahay. Wasaarada Caafimaadka Jubbaland ayaa soo bandhigtay in guud ahaan deegaanada Jubbaland laga furay 4 Xarumood oo waa weyn kuwaas oo wax badan kusoo kordhinaya adeegyada caafimaadka ee bulshadu ay u baahan tahay waxaa kale oo la furay 24 xarumood oo loogu tala galay hooyada iyo dhalaanka. Wasaarada Xanaanada Xoolaha ayaa sharaxaad ka bixisay hanaanka bad qabka xoolaha iyo talaalkooda oo kasocda guud ahaan Jubbaland iyadoo hada shaqada ugu badan ay gabo gabo ku dhowdahay dhamaan deegaanada Jubbaland la gaarsiiyay talaalka xoolaha. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay shirkii Golaha wasiiradda Jubbaland? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee Wadajir ayaa shalay ka haray kamid noqoshada Madasha ay ku midoobeen qaar kamid ah xisbiyada dalka ka jira, si ay isaga kaashaadaan daruufaha dalka ka jira iyo doorasho xor ah oo dalka ka dhacdo. Cabdiraxmaan ma uusan sheegin sababta uu xisbigiisa uga haray Madasha xisbiyada, inkasta oo xubno ku dhow laga soo xigtay inaysan jecleysan qaabka wax loo wado, balse warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegayaa in ay sababeen ilaa afar arrimood oo gaar ah. Xubno ka tirsan xafiisyada madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noo sheegay in daruufahaan ay sababeen diidmada hogaamiyaha xisbiga Wadajir ay kala yihiin Xisbigu waxa uu ogaaday in tartanka ugu adage e siyaasadda Soomaaliya uu hadda u dhaxeeyo madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo hoggaanka Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay door bideen in ay isu abaabulaan awood gaar ah oo 3-aad. Xisbiga Wadajir waxa uu isku dayay in uu hoggaan ka noqdo Madasha maadaama Shariif iyo Xasan ay leeyihiin awood siyaasadeed iyo saameyn kalaba, islamarkaana ay halkaasi ku ilaaliyaan magaca iyo saameyenta xisbiga Wadajir balse ma dhicin waana sababta 2-aad oo ay uga baaqdsadeen kamid noqoshada Madasha. Sidoo kale madaxda xisbiga Wadajir ayaa uga baaqday Madasha in haddii ay ka mid noqdaan uusan xisbigooda gooni u hadli karin, waxna u dhaliili karin islamarkaana uu noqon doono mid ku xiran xisbiyada kale, haddii ay arrintaas dhacdana waxa wararka soo baxa ama khudbaha la jeediyo saameynta ugu badan yeelan doono madaxweyniyaashii hore ee dalka, kuwaas oo laga yaabo in ay ku bataan warbaahinta iyo baraha bulshada. Sababta afaraad ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrame u arko in madasha ay ku badan-yihiin oo kaliya xisbiyo hogaamiyaashooda isu dhawyihiin qoys ahaan iyo inyar oo doonaya in ay ku daba-feelmaan oo aad u yartahay rajadooda. Ma jiro war cad oo ka soo baxay xisbiga Wadajir oo ku saabsan sababta ay ugu baaqdeen balse waxaa jiro qoraalo ay qaarkood soo dhigeen baraha bulshada islamarkaana ay ku sheegeen in wado sax aheyn loo maray Madasha dhismaheeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeen dedaalo ay ku dhexdhexaadinayaa dowladda iyo Ahlu Sunna. Nabadoonadda ayaa waxay sheegeen in ay doonayaan in khilaafka labadda dhinac ee dhismaha maamul mideysan lagu dhameeyo qaab nabadoon. Cuqaasha ayaa darafyadda ku tartarsiiyey in ay u turaan danta shacabka iyo dalka, isla markaana meel iska dhigaan dano qaaska ah. Dhinaca kale, kulamo looga hadlayo sidii ammaanka loo sugi lahaa ayaa waxay ka socdaan magaaladda Dhuusamareeb. Shirarkaas ayaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan go’aano, kuwaas oo ku wajahan xasilinta caasimadda si looga fogaado falalka lidda ku ah nabad-gelyadda magaaladda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DF-1.mp3 View the full article
-
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgal Miino baaris ah ka sameeyeen degaannada Koban iyo Bangeen oo ka wada tirsan Gobolka Jubbada hoose. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta u sheegay in ay howl-galkaasi ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, halka tiro intaasi ka badanna lagu dhaawacay. Dhinaca kale, Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa howl-gallo ballaaran ka fuliyay degaanka Baar Sanguuni iyo nawaaxigiisa, halkaas oo ay ku dileen Malleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda Federaalka oo dilay xubno ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay duleedka Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka Jubaland. Iska hor-imaadka oo ka dhacay degaanka Baar-Sanguuni ayaa yimid markii ay Al-Shabaab guluf xoogan ku akeysay halkaas. Al-Shabaab oo war qoraal ah soo saartay ayaa shaacisay in ay ku dishay shan kamid ahaa xoogaga dowladda, oo dhankooda aan wali war kasoo saarin. Xaaladda meesha ay wax ka dhaceen ayaa haatan ah mid caadi ah, waxaana socda dhaqdhaqaaq ay sameynayaa ciidanka. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro noocaan ah waxay ka fulisaa gobolada dalka, iyadda oo mararka qaarna geysatay khasaaro culus. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Qaar kamid ah dhalinyaradda Muqdisho ayaa bilaabay olale ay uga qeyb-qaadanayaan gurmadka fatahaadaha Webiyadda dalka. Da’yarta oo si iskood ah isku xilqaamey ayaa waxay lacago ka uruurinayaa mehradaha, waratadda iyo gaadiidleyda iyaga oo weydiinaya wuxuu awooda. Mid kamid ah dhalintan oo Shabelle la hadlay ayaa wuxuu ka codsaday dadweynaha in ay ku garab siiyaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen shaqadooda. Roobab xoogan oo qaar kamid ah gobolada dalka ka da’ay ayaa sababay in Webiyada ay butaacaan isla markaana ku fatahaan magaalooyinka. Magaaladda Beledwayne ayaa ah halka ugu daran ee dhibaatadda laga soo sheegayo, iyadda oo ay ku dhinteen tobanaan kuna barakaceen tobanaan kale. Hoos ka dhageyso warbixinta oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Soofeysane.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xabsiyada ku gurtay ganacsato ajaanib ah oo ka shaqeysanayey deegaanadeeda. Somaliland ayaa sheegtay in ganacsatadaa ay xabsiga dhigtay ay ka soo kala jeedaan dalalka Jarmalka, Shiinaha, Masar, Burtiqiis, Yeman iyo Suudaan. Mustafe Maxamed Cali ‘Bile’, Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga Somaliland ayaa si rasmiya u xaqiijiyay arrinkaasi, isagoona sheegay in ganacsatadaasi xabsiyada dhigeen ay ka shaqeysanayeen magaalada Wajaale, wuxuuna yiri “Dhawaan Wasaarada ganacsiga waxa ay cabasho uga timi ganacsatada oo ka cabanaayay ajaanib faro badan oo ka ganacsanaayay ganacsigii ay hayeen, waxa ka mid ah ganacsatada soo cabatay kuwa Wajaale iyo Hargeysa”. “Wasaaraduna kormeer ayay samaysay waxaanay tagtay Wajaale halkaas waxaanu ku soo aragnay ganacsato faro badan oo ajaanib ah oo Shiinees iyo kuwo kaleba isugu jirta, ganacsatadaas shiineyska ah oo ka ganacsanayey ganacsigii uu ka ganacsan lahaa qofka muwaadinka ah ee Somaliland waxay iibinayeen tafaariiq iyo jumladba”. Wuxuuna intaas kusii daray Agaasimuhu “Waxayna meherado yar-yar ay ka furteen magaalada Wajaale, ganacsatadaas wasaaradu waa ay soo wada xidh-xidhay oo isugu jiray Shiine, Jarmal, Suudaan, Bortaqiis,Yamaniyiin, Masriyiin iyo Carab kale, markii la waydiiyay ruqsada ay ku shaqaynayaana waxay dhamaantood la soo baxeen liisamo ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah”. Xukuumada Somaliland ayaa si rasmiya ah u shaacin tirada ganacsatadaa ay xabsiyada ku gurtay, balse ku gaabsatay un dalalka ay ka soo kala jeedaan iyo magaaladii ay ka soo qabteen. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya Danjire; James Swan, ayaa sheegay in ay hay’adaha Caalamiga diyaar u yihiin taageerada loogu gurmanayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiyada Jubba iyo Shabeelle. James Swan ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay in ay Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, kala shaqayso gurmadka loo fidinayo Dadka ku dhibaateysan fatahaadaha. Ambassador; Swan, ayaa sheegay in barnaamijka Cuntada Adduunka WFP uu diyaarinayo Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo u gogol xaaraya taageeridda dedaallada wax qabadka Bini’aaddannimo ee Magaalada Baladweyne iyo goobaha kale ee ay dhibaatadu ka jirto. “Waxan aad ugu mahad naqayaa Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya in si ku meel gaar ah loo adeegsado helikobtarrada,si aan Gacan uga geysanno fulinta hawlgallada baadigoobka iyo samata bixinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadaha”ayuu yiri, Danjire, James Swan. Mr; Swan ayaa sheegay in Xafiiska isku xirka arrimaha Bini’aaddamnimada iyo hay’adaha samafalka ay la shaqeynayaan mas’uuliyiinta in si deg-deg ah ay ku gaarsiiyaan gurmadka lagu badbaadinayo Dadka dhibaataysan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-31102019.mp3 View the full article
-
Xildhibaan Cabdiqaadir Xaamud Oo ka jawaabay Hadallo ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas oo ay iskudegaan,Gole & Xisbi yihiin Xildhibaan Cabdiqadir Jaamac Xaamuud, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ahna Xildhibaan ka soo jeeda Sanaag Barri, ayaa ku taliyey in siyaasad cad laga yeesho deegaanka uu ka soo jeedo. Xildhibaan Cabdiqadir Jaamac Xaamuud, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas oo ay isku deegaan iyo isku Gole yihiin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Runtii imika wey iska wanaagsan tahay xaalada Gobolka Sanaag, gaar ahaan Sanaag Barri, in kasta oo wax iska yar jirjiraan, laakiin siyaasad cad in laga yeesho Sanaag Bari oo wixii ka qabyo ah sidii loogu dhamaystiri lahaa inay Xukuumaddu awooda saarto weeye, dhibaatooyinka kale ee ka jira guud ahaan Gobolka Sanaagna, waxaan soo jeedinayaa in xooga la saaro sidii loo hagaajin lahaa”. Mar uu ka hadlaayey hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Bulqaas ayaa wuxuu yidhi “Shirka jaraa’id oo aanu qabanay waxaanu kaga hadalnay arimaha Bariga Gobolka Sanaag, Xildhibaan Bulqaas oo aanu isku Gole nahay, oo aanu in badan wada shaqeeynaynay, oo aanu safaro wada baxnay, safaradaas aanu wada baxnayna aniga wax walba soo dhammeeynayey, haddii ay noqoto xagga Madaxtooyada iyo haddii ay noqoto xagga Madaxweynahaba, labada safarba aniga ayaa soo dhammeeyey, wuxuu ku hadlayo Xildhibaanka maaha inuu ku hadlo, markii aanu Shirka jaraa’iid wada qabanay isaga ayaa ii yeedhay, markaas Xisbi aan ku jiro anigu ma aflagaadeeynayo, ee marka hore waa inaan banaanka uga baxo, laakiin Xisbigiina waan ku jiraya, haddana waan cayaya aniga damiirkaygu I siin maayo, ee waxaan Xildhibaan Bulqaas leeyahay haddii aad doonayso inaad Xisbiga Kulmiye wax ka sheegto marka hore ka bax, waxaad ku hadlaysana inaad ka fiirsato ayaa wanaagsan” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiriir qadka taleefoonka ah xalay lasoo sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Shalay loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiiyeen xubno ka tirsan Madaxda Xisbiyada Qaran, Madaxweyne Farmaajo ayaa Shiikh Shariif ka codsaday inuu la yeeasho kulan gaar ah balse Shiikh Shariif ayaa diiday inuu aqbalo casuumadaas. Shiikh Shariif ayaa u sheegay Farmaajo in shalay wixii ka horreeyey ay taas macquul aheyd balse uu hadda yahay hoggaamiye madal Xisbiyo ku midoobay, haddii uu la kulmayana ay tahay in madasha dhan la casuumo.. Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in markaas kadib uu sheegay inuu arrintaas kasoo tashan doono dibna uu ula soo xiriir doono. Wadahadalka labada Mas’uul ayaa imaanayo xilli maalmo ka hor kulan qarsoodi ah uu Muqdisho ku dhex maray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo xubno ka tirsan Xisbiga UPD. Isbaheysiga Madasha Xisbiyada ee Mucaaradka ah ayaa culeys weyn ku noqday dowladda Federaalka, waxaana muuqata isku-day dowladdu ku dooneyso inay ku dhex gasho Xisbiyada qaar oo ay wada hadalo hoose la furto. Xubnaha mucaaradka ee midoobay ayaa si cad uga digay inay Dowladda Soomaaliya sameysato muddo kororsi taasina ay tahay wax aysan marnaba aqbali doonin. Dowladda ayaa isku dayeyso inay kala furfurto Xisbiyada midoobay si ay culeyska isaga yareyso, waxaana ilaa hadda fashilmay laba isku day oo ay sameysay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somalia has signed a roadmap detailing measures and practical actions to prevent violations against children, release children associated with armed forces, and reintegrate them into communities. The deal which was witnessed by visiting UN Special Representative of the Secretary-General for Children and Armed Conflict, Virginia Gamba, saw Mogadishu recommit to ending the recruitment and use of child soldiers. This comes as the recruitment and use of child soldiers as combatants in armed conflict by terrorist groups such as al-Shabab remains a key concern in Somalia. “The whole United Nations body and the civil society of good faith will support this plan so that across Somalia in all regions, all law enforcement officials, all members of any armed forces will be the first to protect children from violations,” Gamba said in a statement issued by the UN Mission in Somalia (UNSOM) on Wednesday evening. She said the roadmap is in line with action plans signed by Somalia and the UN in 2012 to protect children from recruitment and use by the army. “We will support the possibility of vetting, of screening, of capacity building and of ensuring that children that are captured, or that escape, or children that are in any way released, will also receive the rehabilitation and reintegration needs that they deserve,” Gamba added. According to the UN Report on Children and Armed Conflict, released in June, armed groups forcefully recruited and used in conflict 2,228 boys and 72 girls in 2018 in Somalia. Hassan Ali Mohamed, minister of defense emphasized the government’s commitment to ending children’s rights violations, including forceful recruitment. “The government does not accept the recruitment of under 18 years old. Although there are other elements like al-Shabab and Daesh that are using children under 18 years old. We thank the United Nations Security Council, as well as the UN Secretary-General who has assisted us through the Peace Building Fund,” said Mohamed. Gamba also visited Baidoa where she announced the launch of a 2 million U.S. dollar Peace Building Fund project supporting the prevention of child recruitment and reintegration of children formerly associated with armed forces and groups. View the full article
-
Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in la dhammaystiray isbedel lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Sidaas waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Nebiat Getachew oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa. Mr. Getachew, wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la dejiyay 24 sannadood ka hor, imika lagu sameeyay isbedel uu sheegay inuu la jaanqaadayo dunida iyo gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda la dejiyay ay toddobadii bilood ee u dambeeyay diyaarinayeen khubaro isugu jira diblomaasiyiin iyo macalimiin Jaamacadeed, kuwaas oo hadda dhammaystiray. “Siyasadda cusub ee arrimaha dibadda, waxa si rasmi ah loo daah furayaa maalmahan soo socda, waxaana loo diyaariyay iyadoo la tixgeliyay kobaca bulshada Itoobiya oo markii siyaasadaas hore 24 sannadood ka hor la diyaariyay tiradoodu ahayd 60 milyan oo ruux, haddana ah 100 milyan oo ruux, sidoo kalena waxa lagu saleeyay gobalka, qaaraadda iyo adduunyada.” Afhayeenka oo ka hadlaya saamaynta siyaasadan cusub ee Itoobiya ee Geeska Afrika, wuxuu sheegay in isbedelo badan oo imika soo kordhay ay sababeen isbedelkan cusub, waxaanu yidhi, “Dhalashadii Koonfurta Suudaan, dhammaynta xaaladii colaadna aan ahayn, nabadna ahayn ee Itoobiya iyo Ereteriya, isbedelka xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo badan ayaa sababay in isbedel lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.” Isbedel cusub ee lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxa la filayaa inuu saamayn ku yeesho Somaliland, iyadoo siyaasadaas hore ee Itoobiya ee khaarajigu ay ahayd halka uu ka dhismay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Lama oga in xukuumadda Madaxweyne Biixi la socoto isbedelkan cusub ee ay Itoobiya ku samaysay siyaasadeeda arrimaha dibadda oo muddo 7 bilood ah jidka ku soo jiray. Geeska Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Shalay loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee looga dhawaaqay Muqdisho ayaa shaaciyey qorsho ay Dowladda Soomaaliya la damacsaneyd Madaweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Shiikh Shariif ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya damacsantahay isla markaasna ay tijaabisay in Axmed Madoobe lasoo qabto xarigiisana loo adeegsado ciidamo Ajnabi ah sida uu hadalka u dhigay. Shiikh Shariif ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya isku daygaas sameysay ka hor inta aysan dhicin doorashadii ka dhacday Kismaayo ee mar kale xilka madaxweynimo ee Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe. Wuxuu sheegay in tallaabadaas ay fashilmatay isla markaasna ay suurtageli weysay inkastoo uusan faahfaahin ka bixin qorshahaas iyo Ciidamada Ajnabiga ah la adeegsan rabay iyadoo la rumeysan yahay inuu ula jeeday Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka AMISOM. “Howsha intaas way kasii dheer tahay, aniga waxaan rabaa in aan aad u cadaado, mala socotiin in ciidamo ajnabi ah la rabo in lagu soo qabto Axmed Madoobe? mala socotiin hadda k ahor markii ay doorashada dhaceysay”. Sidoo kale wuxuu sheegay in haddii ay arrintaas dhici laheyd ay keeni laheyd dagaal qabiil oo dib kaga bilowdo Soomaaliya taasoo socon laheyd muddo 100 sano ah sida uu hadalka u dhigay. ” Arrintaas hadii ay dhici lahayd maxaa dhici lahaa? dagaal qabiil oo aan waligiis dhamaan oo boqol jirsada ayaa dhici lahaa,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay in xisbiyada mucaaradka aysan ka aamusi karin waxyaabaha iyo qaladaad kale oo ay sameysay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Ma idin la tahay in aan ka aamusi karno, kama aamusi karno,” ayuu sii raaciyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray xafiiska naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club kaas oo ku yaala degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir. Furitaanka xafiiskan waxaa ka qeyb galay guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti,guddoomiyaha xariirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab iyo mas’uuliyeen kala duwan oo ka kala socda Gobolka Banaadir,Xariirka Kubbadda Cagta iyo sidoo kale macallimiinta iyo taageerayaasha naadiga caasimada ee Muqdisho City Club. Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada maamulka Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti ayaa sheegtay in ka maamul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin talaabada hortabinta leh ay qaadeen maamulka,tababarayaasha iyo taageerayaasha naadiga Dowladda Hoose tan iyo markii dib loo soo celiyay. “Xafiiskan waxuu qabanayaa shaqooyinka caadiga ee naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club oo ah kooxda caasimada,Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an xoojinta iyo fududeenta shaqooyinka horyaala Maamulka iyo macalliminta Muqdisho City Club” ayay Goobjoog u sheegtay Basmo Caamir Shakeeti oo ah Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Xariirka Kubbadda Cagta Dalka Cabadiqani Saciid Carab oo isna madasha ka hadlay ayaa bogaaday da’daalada wanaagsan ay wadaan madaxda kooxda oo kaashanay maamulka Gobolka Banaadir “Waxaa inoo muuqanaysa horomar kala gedisan oo ay sameeyeen madaxda naadiga Dowladda Hoose tan iyo markii dib loo soo celiyay sanadkii lasoo dhaafay,furitaanka xafiiska ee goobjoogka ka nahay wuxuu cadeenayaa in horay loo qaaday talaabooyinka waaweyn waxana lee nahay guulaystay maamulka Muqdisho City Club“ayaa saxaafada u sheegay guddoomiyaha X.K.Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid. 30 Sano ka dib naadiga Muqdisho City Club ayaa bishii August 2019 dalka Zanzibar kaga qeyb gashay tartanka kooxaha qaarada Africa ee Caf Confederation waxaana xidigaha Muqdisho City Club ay sameeyeen rajo wanaagsan,iyagoo mudo dheer ka dib muujiyay da’aal wanaagsan. “Maamulka Kooxda wuxuu iminka ka shaqaynayaa in uu dib u soo cleiyo sharafkii iyo wada shaqeyntii naadigeena lahaa kooxaha caalama waxaana inoo muuqanaysaa horomar fog mustaqbalka soo socda” ayuu Goobjoog ugu waramay Cabdiqaadir Muxidiin Dacar oo ah guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee kooxda Muqdisho City Club ahna la taliyaha maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir. Si kastaba 25 November 2018 ayay aheyd markii dib loo soo celiyay naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club waxaana dib u soo nooleenta kooxdan ku farxiyay halyayadii hore ee soo maray. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Qaahira (Caasimadda Online) – Magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ayaa waxaa ka furmay shirka Baarlamaanada Carabta, kaas oo looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Soomaaliya iyo wadamada Carbeed qaarkood. Shirka Baarlamaanka oo ay ku mideysan yihiin 22-ka dowladood ee Carabta ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Xubno ka socda baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo Baarlamaanka Carbeed hor-dhigay xaaladaha ka aloosan dalka Soomaaliya. Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlay ayaa waxaa kamid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, faragelinta ay dowladaha Shisheeye ku haayaan iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka sanadka 2021. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka oo shirkaasi ka qeyb-galaya ayaa sheegay in Xubnaha Baarlamaanka Carbeed ay amaaneyn dadaalka ay dowladda ugu jirto la-dagaalanka Al-Shabaab,guulaha ay kasoo hoysay arrimaha dhaqaalaha, la-dagaalanka musuq maasuqa iyo sare u qaaadida mashaariicda lagu hormarinayo Caafimaadka iyo Waxbarashada. Sidoo kale waxaa uu sheegay in siweyn looga hadlay faragelinta dowladaha Shisheeye ay Soomaaliya kala kulmeyso,sidoo kalena Baarlamaanka Carbeed ay QM ka codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran si ay tayeynta Ciidamadeeda kor ugu qaado si ay u hesho ciidan ku filan ilaalinta Badeeda, Barigeeda iyo hawadeeda. Ugu dambeynw axaa uu sheegay in Baarlamaanka Carbeed uu ugu baaqay Madaxda Dowladda federaalka iyo xoogaga siyaasada in doorashada xiligii loogu talo galay ay ku dhacdo, iyada oo la ilaalinayo Cadaaladda. Ugu dambeyn Kulanka ay yeesheen Baarlamaanka Carabta ayaa waxa ay uga hadleen xiisada ka dhex-aloosan qaar kamid ah dalalka Carbeed,sida Suuriya iyo Ciraaq taas oo siweyn ay ugu kala qeyb-sameen Baarlamaanka Carbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa su’aal ka keenay sababta loo doortay xildhibaannada golaha shacabka isaga oo yiri “Ma shaqo ayaa naloo doortay mise in aan shirno”? Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa yiri “3-da shaqo ee ay xildhibaannada leeyihiin waa sharci-dejin, isla xisaabtan iyo matalaad, su’aal ayaa idiin weydiiyee, qofka deegaan doorashadii laga soo doortay inta ku laabtay shaqo ka soo qabtay oo baarlamaanka fadhiya yuu yahay? Aad ayey u yar yihiin sida aan aaminsanahay. Dhanka Sharci-dejinta waxaa uu xildhibaan Mahad ka yiri “ Baarlamaankan miyaan aheyn midka la hor keenay sharcigii badalitaanka sharciga bangiga dhexe ee gaalka shaqada loogu raadinayey anisiyey ee gacanta u taagay, baarlamaankan miyaa aheyn midka loo keenay sharciga doorashooyinka oo qodobo dastuuriga ah oo 11 gaaraa lagu buriyey, oo la leeyahay doorasho ayaa lagu qabanaa, markii aan wareysanay nala yiri sharciga ansixiya kadib ayaa dastuurka loo badalaahe, sharciga aan ka shaqeyneyno ama aan ilaalineyno xaguu yaalaa xildhibaanow? Isla xisaabtanka, mudane Mahad salaad waxaa kale oo is weydiiyey “ Baarlamaankan miyaan aheyn kii guddiga naga maaliyadda report inta aan u keenay, niri wax hala doodo meeshan dhibkan ayaa ka dhex muuqda miisaaniyaddii 2018, nagu cambaareeyey, nagula kala diray oo nagula orinaayey? Hadda markii uu soo saray hanti dhowraha wixii wixii innaga aan ka digeynay dhowr bilood ka hor xagee ku dambeyday, hal qof oo xildhibaannada ka mid ah oo yiri miyaa jira haddii guddigii hore loo diiday hadda hanti dhowrka sheegee inta loo waco hala weydiiyo hal qof oo yiri miyaa jiro? Baarlamaanka in la yimaado in la shaqeeya ka horeysa……eedda ma aha waxaa ay u iman waayeenne, meesha wax shaqo ah kama socoto. Xildhibaan Mahad Salaad waxaa uu ku jiraa xildhibaannada fara ku tiriska ah ee marar badan soo jeediyey isla xisaabtan dhab ah, ka sokow in uu qeyb ka ahaa guddiga maaliyadda golaha shacabka ee soo saaray wax isdaba marin miisaaniyadda 2018, sidoo kale waxaa uu golaha geeyey mooshinno aan waxbo laga soo qaadin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan kamid aheyn Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran ee Shalay looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho. Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa sheegay inaysan ka qeyb aheyn madashaad iyagoo arrintaas sabab uga dhigay inuu jiro wadahadal u socdo iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xisbiga ayaa sheegay inaysan fikrad ahaan iyo qorsho ahaan qeyb ka aheyn shirkaas looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran ayna ka cudur daarteen inay ka qeybgaleen. Sidoo kale Xisbiga ayaa sheegay in Xafladdii caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe lagu casuumay balse aysan ka qeybgelin iyagoo tixgelinayo wadahadal u socdo iyaga iyo Dowladda kaasoo la doonayo in lagu sii daayo hoggaamiyahooda xiran muddo dhawr bil ah. xisbiga ayaa sheegay in wadahadalkii u socday Dowladda iyo Xisbiga uu hakad ku jiro maadaama uu khilaaf ka dhex jiro Ururka IGAD oo garwadeyn ka ahaa wadahadalkaas sida ay Caasimadda Online u sheegeen xubo ka tirsan Xisbiga. Xisbiga ayaa dhanka kale xusay inay ka bixi doonaan wadahadalka u socdo iyaga iyo Dowladda haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan dib loo bilaabin. Xisbiga ayaa sheegay inay rajo fiican ka qabaan in lasoo daayo hoggaamiyahooda Shiikh Mukhtaar oo lasoo xiray xilligii ay dhaceysay doorashadii Koonfur Galbeed markaas oo ay Dowladda Soomaaliya u aragtay inuu dhibaato ku yahay musharaxa ay wadatay ee Lafta Gareen. Hadalka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa kusoo aadayo xilli Shalay Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Isbaheysiga Madasha Xisbiyada Qaran kaasoo hoggaamiye looga dhigay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
