Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Madxaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa ka hadlay qaraxii maanta oo kale 14-kii October 2017-kii ka dhacay magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan xuska labo sano guuradii ka soo wareegtay maalintan oo lagu laayey dad badan oo rayid ahaa. Sidoo kale Madxaweynaha ayaa sheegay, tan iyo wixii ka dambeeeyey qaraxii 14-ka October dowladda Soomaaliya ay kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Halkan hoose ka aqriso 14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed. Waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna. Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah. Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu. Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan darrada ah, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool. Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa wasaaradda amniga ee Jubbaland, kaas oo horay uga soo goostay kooxda Al-Shabaab. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cumar Daqal (Taqiyudiin), sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah. Mas’uuliyadda dilkan ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, sida ay ku baahisay barteeda Internet-ka. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay Cumar Daqal uu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan wasaaradda amniga Jubbaland. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninkaasi uu la shaqeynayey sirdoonada Mareykanka iyo Kenya, sida ay hadalka u dhigtay. Taqiyudiin ayaa sanad ka hor ka soo goostay Al-Shabaab, wuxuuna ka tirsanaa xafiiska dacwada ee kooxdaasi Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha Jubbaland oo ku aadan dilka sarkaalkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, iyadoona ciidanka amniga ay howlgallo ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  3. Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay nin hubeysnaa ciidanka amniga ay ku toogteen magaaladaasi. Toogashada ayaa timid, kadib markii uu ninkaasi isku dayey inuu gudaha u galo saldhigga Booliska Dhuusamareeb. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumka uu ka biyo diiday inuu istaago, islamarkaana uu rasaas ku furay ciidankii saldhigga joogay, taas oo keentay in durbo la toogto Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi. Muddooyinkii dambe ammaanka Dhuusamareeb ayaa ahaa mid degan, iyadoona ay ka socdeen howlgallo ballaaran. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka goobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho, Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka sheekeeyey xasuustiisa ku aadan qaraxii xooganaa ee 14 October oo maanta laga joogo muddo 2 sano ah. Taabid oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa sheegay in aan sinaba looga kabsan doonin dhacdadaas oo si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Taabid oo xiliggaasi ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in weli uu xusuusto gurmadkii loo fidiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi iyo sida ay ugu midoobeen Ummadda Soomaaliyeed. Waxaa kale uu sheegay in laga gaabiyey in la fuliyo ballan qaadyadii iyo talo soo jeedintii Guddigii Gurmad Qaran, si loogu diyaar garoobo ama looga gaashaanto dhibaatooyinka noocaan oo kale ah. “Dareen weyn baa la muujiyay Umadda Soomaaliyeed waxay diyaar u aheyd dowladooda inay garab istaagto, naf iyo maal la huro, Alshabaab oo dhibkaas weyn geysata meel looga soow ada jeesto, balse ma aysan dhicin, waxaa loo baahanaa dad ku haga oo hoggaamiya kuna horkaca, si loo xaqiijiyo himiladaas, habacsanaan dhacda iyo ilduuf ka dhacay dowladda, fursadaas ay ka dayacantay dareenkii maalintaas bannaanka u soo baxayna aan laga faa’ideysan, waxay noqotay mid la hilmaamay dadkiina guryahooda isaga laabtaan,”ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed. Qaraxan oo ay ku dhinteen boqolaal qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale ayaan weli ka go’in xasuusta dad badan, iyadoona maanta labo snao kaidb laga xusayo gudaha magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Waxaa hadda socota munaasabad lagu xusayo dadkii ku waxyeeloobey xasuuqii October 14, 2017-kii ka dhacay isgoyska Zoobe. Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabiyeen gobolka Banaadir waxaa khudbadi ka jeediyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka gobolka. Waxaa sidoo kale goobta ku sugan dadweyne badan oo ay ka muuqato murugo, una badan dhalinyaro ka xumaa wixii maalintaas dhacay. Dadka ehaladooda wax ku noqdeen qaraxa ayaa goobta joogay, caroor gaareysa ilaa 3,000 ayaa ku agoontoobey, dhaawaca waa uu ahaa in ka badan 300 halka ay ku dhinteen 687 qof. Haddaba, Sawirada Munaasabadda: Source: goobjoog.com
  6. Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in xalay ay dil ka geysteen qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa la sheegay in loo geystay Oday da’ah oo wade ka ahaa Gaari BL ah, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Ciise Kuube, iyadoona raggii ka dambeeyey dilkiisa ay goobta isaga baxsadeen. Lama oga sababta ka dambeysa dilka ninkaasi, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmadaasi. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
  7. Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho saaka ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Toogashada ayaa timid, kadib markii nin hubeysnaa uu isku dayey inuu xoog ku galo gudaha saldhigga Booliska magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Booliska Saldhigga ay toogasho ku dileen ninkaasi, kadib markii uu diiday inuu istaago. Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi iyo sidoo kale waxa uu damacsanaa. Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka oo ku aadan dhacdadaasi. Ammaanka Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii dambe la xoojiyey, iyadoona la filayo in dhowaan lagu qabto doorashada Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  8. Maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka October ayaa waxaa 2 sano laga joogaa qaraxii xooganaa ee maanta oo kale sanad-kii 2017-kii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Munaasabad lagu xusayo maalintan Madow ayaa saaka lagu wadaa inay ka dhacdo isgoyskaasi oo laga taagay taallo lagu xasuusanayo dhammaan dadkii lagu laayey dhacdadaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo boqolaal dadweyne ah ayaa ka qeyb galaya xuska maalintan. Qaraxii 14-ka October ayaa dowladdu waxa ay xaqiijisay inay ku dhinteen in ka badan lix boqol oo qof oo u badan dad rayid ah. View the full article
  9. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo Ciidamada Jubbaland oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose ee K/Somalia. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheeegay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa saddex askari, sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey. Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidanka Jubbaland ayaa howlgallo ka bilaabay agagaarka magaalada Kismaayo. View the full article
  10. Maanta oo Isniin ah waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo aanu jirin gaari dadweyne oo waddooyinka xiran maraya. Ciidamada ammaanka ayaa taagan waddooyinka, islamarkaana celinaya gaadiidka dadweynaha, una sheegaya in wadadu xiran tahay. Dhammaan waddooyinka soo gala Wadada Makka Al-mukarrama ayaa ah kuwo si adag loo xiray, iyadoo shacabka ay cagta maalayaan. Sababta maanta loo xirey waddooyinka ayaa ah, Xuska 14 October oo lagu qabanayo bartamaha Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in madax sare oo DFS iyo shacab badan halkaasi isugu yimaadaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Maanta waxa ay ku beegan tahay 14 October 2019, waxaana Labo sano kahor maanta oo kale qarax xooggan uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Waxa ay ahayd xilli Casir ah, wadada Zoobe waxa ay ahayd mid aad iyo aad u mashquul ah, waxaana dhan walbo oo isgoyska iyo meelaha ku dhow ah ku sugnaa boqolaal shacab ah. Gaari weyn oo ka yimid dhanka wadada Afgooye ayaa si lama filaan ah ugu qarxay meel qiyaas ahaan wax ka yar 10 Mitir u jirta isgoyska Zoobe. Qaraxaasi ayaa sababay geerida ku dhowaad Kun qof qof oo shacab ah, iyo dhaawac aad u badan, sidoo kalena waxaa halkaasi ku burburay hanti gaareysa malaayiin doolar. Maalintaan waa maalin aysan iloobin shacabka Soomaaliyeed, waxayna ahayd maalin mideysan qalbiyada dadka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan. Maanta waxaa magaalada Muqdisho iyo meello kale oo dalka ah laga xusayaa maalintan madow, waxaana la filayaa in dad isugu jira shacabiyo mas’uuliyiin isugu yimaadaan bartamaha Isgoyska Zoobe oo laga taagay Taallo loogu talogalay in xilli walbo lagu xusuusto dhacdadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa war ka soo saaray weerarkii xalay lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Shabeelaha Dhexe, Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay u geeriyooday Bam lagu weeraray hoygooda Jowhar. Waare ayaa ugu horreyn tacsi u diray shacabka HirShabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumka. Sidoo kale wuxuu sheegay in marxuumka uu ahaa Xubin muhiim ah oo ka baxday Maamulkiisa iyo shacabka HirShabelle. Waxaa kale uu faray hey’adaha ammaanka HirShabelle in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi, sharcigana la soo taago kooxihii ka dambeeyey. Halkan hoose ka aqriso: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Sh/Dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay u geeriyooday Bam gacmeed lagu weeraray hoygooda Jowhar. Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh.dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebe uu uga baryay in janatul fardowsa uu ku galado. Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay In Marxuumka uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Maamulka iyo shacabka Hirshabelle islamarkaana uu hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga. Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal sharcigana la soo taago dadkii ka dambeeyay. Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabelle kula dar daarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan Al-Shabaab islamarkaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumaneysa. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  13. Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha maamulka HirShabelle ayaa cambaareeyey weerar gaadma ahaa oo xalay lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Shabeelaha Dhexe, Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay u geeriyooday Bam gacmeed lagu weeraray hoygooda Jowhar. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare, oo ku hadlaya Afka Golayaasha iyo kan Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii amniga Gobolka Sh/Dhexe marxuum Muxumad Sugaal Cismaan iyo wiil uu dhalay oo xalay u geeriyooday Bam gacmeed lagu weeraray hoygooda Jowhar. Madaxweynaha ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Hirshabelle, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Guddoomiye ku xigeenka Amniga Sh.dhexe marxuum Muxumed Sugaal, waxaana eebe uu uga baryay in janatul fardowsa uu ku galado. Madaxweyne Waare ayaa tilmaamay In Marxuumka uu ahaa xubin muhiim ah oo ka baxday Maamulka iyo shacabka Hirshabelle islamarkaana uu hayay shaqo adag oo muhiim u ah nidaamka Dawliga ah, iyo Xaqiijinta Amniga. Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa faray hey’adaha Ammaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u sameeyaan baaritaan dhab ah oo la xiriira weerarkaasi lagu dilay marxuum Muxumed Sugaal sharcigana la soo taago dadkii ka dambeeyay. Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa guud ahaan Shacbiga Hirshabelle kula dar daarmay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah meelna uga soo wada jeestaan Al-Shabaab islamarkaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka sidoo kalena ay iska hubiyaan cid kasta oo ku soo dhex dhuumaneysa. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-14102019.mp3 View the full article
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) oo weli ku sugan magaalada Kismaayo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Odayaasha dhaqanka maamulka Jubbaland. Kulanka oo is xog-wareysi ahaa ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Senatoro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaaanka Soomaaliya. Ugu horreyn Deni ayaa warbixin guud ka dhageystay dhaqanka Jubbaland, isagoona kula dar daaarmay inay la shaqeeyaan maamulka uu hoggaamiyo, Axmed Madoobe. Sidoo kale wuxuu ku booriyey inay ka qeyb qaataan illaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka Jubbaland. “Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey doorka hoggaanka dhaqanka Jubbaland ee ka shaqeynta illaalinta Amniga, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in lagasii shaqeeyo guud ahaan Horumarka, Midnimada, Adkeynta Amniga iyo illaalinta Guud ee wadajir-ka dadka Jubaland.” Ayuu yiri afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani. Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Garoowe, kadib ka qeyb galkii caleema saarka, Axmed Madoobe oo uu tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  16. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa shaaciyay inuu soo wado buug cusub oo uu kaga warami doono dhacdooyinkii uu la kulmay waqtigii uu ahaa madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay buuggaan inuu si gaar ah ugu muujin doono dhacdooyin uu tilmaamay in ay ka qorsoonaayeen indhaha dadka reer Puntland, laakiin wuxuu iska fogeeyay inuu ka hadli doono beelo, shakhsiyaad ama gobol. Mar la weydiiyay sababaha uu u qoray buuggiisa ugu dambeeyay, ayuu kaga jawaabay, “Dadka kugu waqtiga ah ama aad madaxda u tahay wax badan uma sheegi jirtay, gaar ahaan waxyaabaha ka dhacaya miiska gadaashiisa. Gaas, ayaa ugu baaqay dadkii horey u dhibsaday waxyaabaha ku jira buugga uu dhawaan soo bandhigay, inay ka hadlaan, haddii uu khalad jirana, wuxuu sheegay inuu sixi doono. Buugga madaxweyne Gaas uu ka qoray caqabadihii kala guurka Soomaaliya iyo safar uu ku tagay Puntland sanadkii 2012, ayaa waxaa kasoo muuqday sheekooyin xasaasi ah oo dhex maray isaga iyo siyaasiyiin badan oo qaarkood madaxweynayaal noqday. PUNTLAND POST The post Cabdiweli Gaas oo shaaciyay inuu soo wado buug ka hadlaya waayihiisii Puntland appeared first on Puntland Post.
  17. (CNN)Iran announced on Sunday that it has discovered a new natural gas reserve with the capacity to produce nearly 400 million barrels of gas condensate, which could generate a total of $40 billion. Source: Hiiraan Online
  18. Arab governments criticising Turkey's operation in northeastern Syria don't have a leg to stand on. Source: Hiiraan Online
  19. Addis Ababa (Caasimada Online) – Kenya iyo Ethiopia ayaa kala qeybsaday labada xil ee ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, xilli dalabkii iyo rabitaankii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shaqeyn waayey. Kenya ayaa toddobaadkan heshay oo si rasmi ah ula wareegtay gudoonka urur goboleedka IGAD, kadib shir ay dhowaan madaxda dalalka xubnaha ka ah ururkan ay ku yeesheen Addis Ababa, kaasi oo uu ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa gudoonka IGAD kala wareegaya ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xilkan hayey tan iyo bishii April, xiligii xafiiska uu la wareegay. Jagada guddoonka IGAD ayaa ah mid meerto ah, waxaana dalalkii ugu dambeeyay ee maamulayey tan iyo 2008-dii ay ahaayeen wadamadda Kenya iyo Itoobiya. Hogaamiyeyaasha IGAD ayaa sidoo kale isku raacay in Itoobiya ay noqoto murashaxa ugu muhiimsan ee xilka xoghayaha fulinta oo ah jago kale oo muhiimad gaar ah leh. La wareegitaanka Kenya ayaa soo afjareysa dalabkii Soomaaliya ee ahaa in ay dooneyso xilkaas. Madaxweyne Farmaajo wuxuu sanadkii hore xusay in dalku quudareynayo booskaas. Sanadihii u dambeeyay, Itoobiya, Uganda iyo Eritrea ayaa xilkan qabtay min 5-jeer, Suudaan oo 8-jeer ah iyo Kenya oo 11-jeer ah, halka Soomaaliya oo aas-aastay ururkan ayaaney abid gacanta ku dhigin. IGAD ayaa waxaa la aas-aasay 1986-kii. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaanahan aad ugu dhowaanayey isbahaysina la ahaa Itoobiya, hase yeeshee Addis Ababa wax taageero ah kuma siin rabitaankiisa guddoonka IGAD, waxayna la safatay Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. WASHINGTON (Reuters) - President Donald Trump’s administration is set to impose economic sanctions on Ankara, potentially as early as this week, for its incursion into northern Syria, one of the few levers the United States still has over NATO-ally Turkey. Source: Hiiraan Online
  21. NDP Leader Jagmeet Singh said Sunday he will do "whatever it takes" to keep the Conservatives from assuming power, including forming a coalition government with Justin Trudeau's Liberals. Source: Hiiraan Online
  22. AMMAN (Reuters) - The Syrian army has begun deploying its troops to northern Syria battlefronts to “confront a Turkish aggression” on Syrian territory, state media said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  23. Alive, in good health in Somalia, but without guarantees of when they will be released, today are the only clear premises in the case of the two Cuban doctors kidnapped six months ago in northern Kenya. Source: Hiiraan Online