Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Kampala)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal ayaa safar shaqo ugu baxay wadanka Ugaandha. Wasiirka waxa safarkiisa ku wehelinayay Agaasime-waaxeedka Macdanta ee WT&M, Mudane Cumar Yuusuf Cumar. Safarkan ayay ujeedadiisu ahayd in ay-soo indha indheeyaan nidaamka macdanta-qodista looga wado deegaano ka tirsan wadanka Ugaandha. Ugu horayn waftigu waxa ay Wasaarada Tamarta iyo horu-marinta Macdanta ee dalka Ugaandha kulan kula qaateen wasiiru-dawlaha horu-marinta macdanta Mudane Lokeris Peter. Halkaas oo labada wasiir iska waraysteen khayraadka dabiiciga; gaar ahaan macdanta ee labada wadan iyo sida ugu haboon ee looga faa’iidaysan lahaa, isla-markaana xidhiidh wada shaqayneed loo yagleeli lahaa. Kulankan dhinaca Ugaandha waxa ku wehelinayay Xildhibaan Welfred oo ah Mudane laga soo doorto deegaanka degmada Kisoro oo kaydka tungsten-ka wadanka ugu balaadhan ku jiro. Intaa ka dib, waxa waftigu safar ugu kaceen dhinaca degmada Kisoro oo afar-boqol iyo todobaatan (470 km) koonfur galbeed ka xiga caasimada wadanka ee Kampala. Deegaankan ayaa ah mid hawlaha macdan qodista aad looga yaqaan. Wasiirka iyo waftiga la socday waxay soo booqdeen goobta NYAMULIRO Wolfram Mine oo ah goob macdanta Tungsten-ka laga qodayay tan iyo 1950aadkii. Safarka waxa waftiga ku wehelinayay Mudana Steven Smith iyo John Wambi oo ka mid ah madaxa shirkadda KI Minerals Ltd ee hawsha madax-soo saarista ka wada deegaankaas. Ugu danbayn, waxay waftigu ku soo noqdeen Entebbe oo caasimada wadanka ee Kampala u jirta 45km si ay hawlahoodii shaqo uga sii amba-qaadaan. Source
  2. Ergeyga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa war ka soo saaray qaraxii xooganaa ee sanadkii 2017-kii maanta oo kale ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Mr Swan ayaa sheegay in dilka iyo dhawaaca maalintaasi loo geystay Soomaali fara badan aysan ka go’in xasuustA, islamarkaana AY muruga la qeybsanayaan dhammaan dadka Soomaaliyeed. “Dilka & dhaawac macno-darrada ah ee loo geystay Soomaali farabadan ayaan weli ka go’in xasuusteena,waxaana dhibaatada la qeyb-saneynaa dadkii dhibaatada kasoo gaartay iyo qoysaskooda adkeysiga iyo dhiiranaanta Soomaalida kadib weerarkaas & kuwo kale oo ay geysteen Kooxaha xagjirka ayuu yiri.” James Swan. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Qaramada Middoobay ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabkeeda, islamarkaana ay ka go’an tahay, sidii nabad loogu soo dabaali lahaa guud ahaan Soomaaliya. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka baaqday Xuska 14 October oo lagu qabtay Isgoyskii uu ka dhacay xasuuqa ee Zoobe. Xuska oo ahaa mid aad loo diyaariyey lana filayey inay kasoo qeybgalaan Madaxweynaha ama Ra’isul wasaaraha midkood ayaa mar qura waxaa la arkay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo kaligiis joogo Xafladda isla markaasna farriin ka wado Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay sababta keentay inay labadaan Mas’uul kasoo qeybgeli waayaan Xafladda ay tahay cabsi weyn oo dhanka Amniga ah taasoo keentay inay madaxda ka baaqdaan Xafladda sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ka tirsan Saraakiisha Amniga. Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha uu galay walaac ah in laga yaabo in Al-Shabaab ay munaasabadda la beegsato qaraxyo. Arrintaan ayaa muujineyso halista ay weli Al-Shabaab leeyihiin kadib labad sano qaraxii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya. Hase ahaatee taalada laga taagay bartamaha Isgoyska ayaa lagu soo bandhigay labo gaari oo ku xardhan yihiin sawirka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ah iyagoo dhiig bixinaya labo sano ka hor, waxaana dad badan arrintan ku tilmaameen mid olole siyaasadeed. Dadweynaha Soomaaliya ayaa sawirradaas uga jawaabay “adinka kaligiin ma biixn dhiigga.’ Dowladda Soomaaliya oo qaraxaas kadib ballan qaaday inay Al-Shabaab la dagaalami doonto ayaan weli sameyn tallaabo adag oo laga qaaday Al-Shabaab waxayna in laba sano kadib ay tagi waayaan goobtii qaraxa ay astaan u tahay sida madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre uga gaabiyeen amniga. Sidoo kale waxaa jiro ballan qaadyo ay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha u sameeyeen dadkii dhibaatada kasoo gaartay Qaraxii Soobe kuwaas oo aan weli loo fulin taasina ay qeyb ka tahay baaqashada madaxda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa faray saraakiisha amniga Jubbaland inay u diyaar garoobaan xoreynta deegaanada ka maqan maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka in ay qaataan kaalintooda, islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada amniga. Al-Shabaab ayaaku xoogan deegaanada maamulka Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Dhexe ee K/Soomaaliya. View the full article
  5. Munaasabad ballaaran oo lagu xusayey 14-ka October oo ah maalintii uu dhacay qaraxii Zoobe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka Banaadir, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyo boqolaal shacab ah ayaa ka qeyb munaasabaddaasi. Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo dadweynaha kula hadlay isgoyska 14-October ayaa sheegay in maalintan ay thaya mid aan la’iloobi Karin, islamarkaana aan ka go’eyn quluubta Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaraxii 14-kii October ee sanadkii 2017-kii dhacay uu argagax weyn ku reebay guud ahaan shacabka Soomaliyeed. Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa baaqay shacabka in ay ka shaqeeyaan midnimada, horumarka iyo ammaanka Muqdisho. View the full article
  6. MOGADISHU (HOL) - Two years ago, this day, a truck loaded with explosives drove into Mogadishu supposedly on its way to the UN compound but went burst in Zoobe Junction leaving in its wake over 500 people dead and over 300 others injured. Source: Hiiraan Online
  7. Nin si Khaldan loo xidhay Muddo 19 sandooda oo magdhow helay David Eastman Nin u dhashay dalka Australia oo soo qaatay 19 sano oo xabsi ah si qaldan kadib markii lagu eedeeyay in uu dilay sargaal sare oo booliiska ah ayaa hadda heley magdhow lacageed oo dhan $4.8 milyan oo doolar. David Eastman ayaa sanadkii 1995-tii lagu xukumay xabsi daa’in, isaga oo lagu heystay dilka Colin Winchester oo 6 sano markaas ka hor la dilay, ahaan ku xigeenta taliyaha booliiska federaalka Australia. Dilka sargaalkan ayaa Australia ka dhalisay qalalaase sharci iyo mid siyaasadeed, waxaana lagu furey baaristii ugu weynayd ebed. Mr Winchester ayaa labo xabadood lagaga dhuftay madaxa isaga ooh or taagan gurigiisa oo ku yaala magaalada Canberra ee caasimadda ah, wuxuuna noqday sargaalkii ugu sareeyay ee la dilo booliiska Australia. Kadib Mr Eastman ayaa loo xirey dilka, balse 19 sano kadib ayay maxkamadda rafcaanka xukuntay in si qaldan loo xukumay, tahayna in la siidaayo, lana siiyo magdhow. 100 qof oo marqaati ah ayaa la dhagaystay qiraalkooda xilligii rafcaanka. Intii uu xabsiga ku jirey waxaa dhintay waalidkiis iyo walaalihiis. Qaran News
  8. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed la Wadaagay Xusuusta Dhibaatadii ka dhacday isgoyska soobe ee magaalada muqdisho, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay isagoo ku hadlaya Magaca Guddoonka iyo guud ahaan Golaha Aqalka Sare in uu Tacsi u Dirayo dadkii Soomaaliyeed ee ehelkood ku dhinteen iyo kuwii hantidooda uga baaba’aday Qaraxaasi, wuxuuna Eebe uga baryay dadkii ku dhintay in uu naxariistii jano ka waraabiyo , Gudoomiyaha golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa kuwii ka danbeeyay qaraxii Soobe ee waxyeelada loogu geystay shacabkii soomaaliyeed in uu rabi ka jaasiyo. 2-sano ayaa maanta laga joogaa markii Kooxda arxan laawayaasha ee u soo dhigtay gumaadka ummadda Soomaaliyeed ay dad badan ku xasuuqeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii dadka dhibanayaasha u ah Qaraxaasi ula qeybsan lahayd waxyeelada soo gaartay. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-14102019.mp3 View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa aad u dhalleeceeyey in xuska labaad ee qaraxii 14-kii October loo adeegsaday olole doorasho oo madaxweyne Farmaajo sare loogu qaadayo, xilli sanad iyo dhowr bil ay ka harsan tahay muddo xileedkiisa. Isgoyska Zoobe oo ah halka uu qaraxa ka dhacay ayaa maanta lagu soo bandhigay laba baabuur oo lagu dhejiyey sawirrada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha, oo dhiig u shubaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi, si loogu ammaano. Arrintan ayaa sidoo kale carro ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadweyne badan ay wareejinayaan sawirradaas oo ay ku dhalleeceeyey madaxweynaha iyo taageerayaashiisa. Ma cadda in arrintan ay ku lug leedahay Villa Somalia iyo inay tahay wax ku kooban taageerayaashiisa. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaan Fiqi. 14 Oktoobar 2017 waa Maalin Murugo iyo mahadhooyin xanuun badan ku reebtey qoysas badan iyo umadda Soomaaliyeed, Allaha u naxariisto shuhadadii halkaan ku dhimatay.. Waa ka xumahay in maalintaas olole suyaasadeed ahaan loo adeegsado, umadda Soomaaliyeed oo dhan ayaa dhiig shubtey, oo uu ugu Horeeyey guddoomiyihii hore ee gobolka. Xuska ugu weyn ee dhacdadaas loo dhigayo waxey aheyd in umadda laga dulqaado kooxaha argagixisada ah oo laba sano ka dib shaley hoobiyaal la dhacayey garoonka Aadan Cadde iyo xaafadaha u dhow. Maxey umadda ugu tooran tahay in sanad walba dhacdadaas la xuso ayadoo dilkii umaddu uu meeshii ka sii socdo, dadkii dad ka badanna labadii sano gudaheeda la diley. 14 Oktoobar ma ahan maalin olole siyaasadeed waa maalin murugo iyo xanuun reebtey, madaxda fadhiidka ah ee Villa Somalia waa In ay waxqabad muuqda oo dhiigga dadka lagu badnaadinayo ay la yimaadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. On the second anniversary of the deadly October 14, 2017 suicide bombings in Somalia, the United Nations envoy to the country today remembered the victims of the attack and reaffirmed the world body’s solidarity with and commitment to all Somalis. “Two years have passed since the tragic events of 14 October 2017, in which so many innocent civilians were killed and injured in a senseless attack by violent extremists. The memory is still fresh in our minds. Our thoughts go out to the families of those lost in the attack, as well as to the survivors. Their resilience and strength in the face of such adversity is a testament to the Somali spirit,” said the Secretary-General’s Special Representative for Somalia, James Swan. “Despite such senseless acts of terrorism, Mogadishu and the rest of the country have continued on their path towards peace and prosperity. The United Nations remains committed to supporting all Somalis on this journey” he added. The attack killed at least 587 people and ranks as the deadliest ever terrorist bombing in Africa involving the use of improvised explosive devices (IEDs). Hundreds more were injured in the blast. View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Xoghayihii arrimaha Dibadda xisbiga Waddani Faadumo Siciid, ayaa iska casishay xisbiga Waddani. Marwo Faadumo Siciid ayaa shaacisay in Guud ahaan xisbiga way iskaga baxday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee beelaha Biciide Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale ayaa si adag uga hor yimid qorshaha cusub ee lagu dhammaynayo colaadda Ceelafweyn muddada dheer ka taagnayd. Waxa uu madaxweynaha iyo wasiirkiisa Daakhiliga Maxamed Kaahin ku eedeeyay in ay siyaasadaynayaan hannaanka nabadaynta kadib markii beelaha hoose ee colaaddu u dhexayso lagu koobay arrinta nabadaynta. Waxa uu sheegay in aanay beelaha hadda wada hadalku u socdo oo kaliya saamayn colaadda Ceelafweyn laakiin, dadyow kale dad kaga dhinteen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Nairobi)-Madaxweynihii hore ee Dalka Kenya, Daniel Arap Moi ayaa Fiidnimadii Axaddii ee Shalay loo qaaday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi. Ujeeddada Cisbitaalka loo geeyay ayaa Qoyska Daniel Arap Moi ku sheegeen inay tahay in Xaaladdiisa Caafimaad lagu sameeyo hubin, taasi oo si joogto ah loogu sameeyo. Xoghayaha Saxaafadda ee Daniel Arap Moi ayaa Wargeyska Nation u sheegay in Sababta Moi loo geeyay Cisbitaalku tahay inuu arko Dhakhtarkiisa gaarka ah Dr David Silverstein oo uu baadhitaan ugu sameeyo, ulana socdo Xaaladdiisa. Xoghayaha Saxaafadda ee Moi wuxuu meesha ka saaray inuu jiro wax wer-wer ah oo laga qabo Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Kenya, “Waan xaqiijin karaa in Moi uu booqday Cisbitaalka, si loo baadho Caafimaadkiisa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay arrin iska dabiici ah tahay in Qof walba uu baadhitaan Caafimaad maro, laakiin aanay jirin wax wer-wer ah oo qabo Xaaladda Caafimaad ee Moi oo xilligan da’ ah. Xanuunada uu ka cawdo Moi ayaa waxa ka mid ah mid ka haya Jilibka, kaasi oo ka soo bilaabmay Shil uu sannadkii 2006-kii ku galay deegaanka Limuru. Mr Moi oo Dalka Kenya xukumayey muddo 24 Sanadood ah oo u dhaxaysey 1978 illaa 2002-dii ayaan xilligan ka dhex muuqan siyaasadda Dalkiisa Kenya. Source
  15. (SLT- Tunisia)-Aqoonyahanka diinta ku adag ee Qays Saciid, oo siyaasadda ku cusub, ayaa guul aad u weyn ka gaadhay doorashadii kala baxa ahayd ee Tunisia, isaga oo ka adkaaday maal-qabeenka warbaahinta, Nabiil Quray, sida ay muujineyso natiijo horudhac ah. Saciid, oo si madax banaan u tartamay ayaa helay ugu yaraan 72.5% codadka, sida ay muujineyso natiijada horudhaca ah ee ay sii daysay shirkadda Emrhod, wuxuuna 40 dhibcood kaga adkaaday Quray. Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Tunis, si ay ugu dabaal degaan guusha Saciid, ayaga oo heesayey astaanta qaranka. “Waa maalin taariikhi u ah Tunisia, Tunisa waxay guraneysaa mirihii kacdoonka,” waxaa sidaas yiri Boussairi Abidi oo ah 39 jir makaanik ah. “Qays Saciid wuxuu soo afjari doonaa musuq-maasuqa, wuxuuna noqon doonaa madaxweyne caddaalad ah.” Natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo maanta. Saciid ayaa uga mahad-celiyey da’yarta dalka “inay bog cusub fureen,” wuxuuna wacad ku maray inuu isku dayi doono inuu dhiso “Tunisia cusub”. Qiyaastii 90% dadka da’doodu u dhaxeyso 18 illaaa 25 ayaa u codeeyey Saciid, sida ay muujisay ra’yi uruurin uu sameeyey machadka Sigma. Source
  16. (SLT- Syria)-Ciidamada Syria ayaa maanta galay magaalo ku taalla meel ku dhow xuduudda Turkiga, maalin kadib markii ay dowladda heshiis la gaadhay Kurdiyiinta, si looga hortago howl-galka Turkiga. Wakaaladda wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in ciidamada ay dhaqdhaqaaqyo ka samaynayaan magaalada Tal Tamr oo 20km u jirta xuduudda Turkiga. Waxay sheegtay in ciidamada ay qaadeen tallaabadan “si loo hor-istaago gardarrada Turkish-ka” ayna soo dhoweeyeen shacaka halkaas ku sugan. Heshiiskan aan caadiga ahayn ee ay gaadheen Kurdiyiinta, Syria, iyo Ruuska — xulufada ugu weyn ee dowladda Syria – ayaa yimid afar maalmood kadib markii ciidamada Turkiga ay waqooyiga Syria ka billaabeen howlgal ka dhan ah Kurdiyiinta, kadib bixitaankii ciidamada Mareykanka. “Si looga hortago oo loo joojiyo duullaankan, heshiis ayaan la gaarnay dowladda Syria, oo waajibkeedu yahay inay ilaaliso xuduudaha iyo madax-bannaanida Syria, si ciidamada Syria u tagaan xuduudda ku teedsan Turkiga,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan ay soo saareen Kurdiyiinta. Kurdiyiinta Syria ayaa sheegay inay dareemayaan in Mareykanka uu cidleeyey kadib markii ay kala dhinac dagaalameen xagjiriinta Daacish ee Syria. Madaxweyne Donald Trump ayaa shalay amray in dhammaan ciidamada Mareykanka ee ku hadhsanaa waqooyiga Syria ay ka baxaan halkaas. Source
  17. (SLT- Australia)-Nin u dhashay dalka Australia oo soo qaatay 19 sano oo xabsi ah si qaldan kadib markii lagu eedeeyay in uu dilay sargaal sare oo booliiska ah ayaa hadda heley magdhow lacageed oo dhan $4.8 milyan oo doolar. David Eastman ayaa sanadkii 1995-tii lagu xukumay xabsi daa’in, isaga oo lagu heystay dilka Colin Winchester oo 6 sano markaas ka hor la dilay, ahaan ku xigeenta taliyaha booliiska federaalka Australia. Dilka sargaalkan ayaa Australia ka dhalisay qalalaase sharci iyo mid siyaasadeed, waxaana lagu furey baaristii ugu weynayd ebed. Mr Winchester ayaa labo xabadood lagaga dhuftay madaxa isaga ooh or taagan gurigiisa oo ku yaala magaalada Canberra ee caasimadda ah, wuxuuna noqday sargaalkii ugu sareeyay ee la dilo booliiska Australia. Kadib Mr Eastman ayaa loo xirey dilka, balse 19 sano kadib ayay maxkamadda rafcaanka xukuntay in si qaldan loo xukumay, tahayna in la siidaayo, lana siiyo magdhow. 100 qof oo marqaati ah ayaa la dhagaystay qiraalkooda xilligii rafcaanka. Intii uu xabsiga ku jirey waxaa dhintay waalidkiis iyo walaalihiis. Source
  18. (SLT- Spain)-Maxkamada sare ee dalka Spain ayaa Isniinta maanta ah xukuno xabsi ah ku riday sagaal ka mid ah 12 eedeysane oo loo haysto dhiiri galinta doorkii ay ku lahaayeen sanadkii 2017-dii ololihii fashilmay ee gobolka Catalan madaxbanaanida ku qaadanayay. Xukunada lagu riday shaqsiyaadkan oo iskugu jira 13 ilaa sagaal sanno ayaa ka hooseeya midkii ay dalbanayeen dacwad oogayaasha oo dhan 25 Sanno. Dadka xukunada lagu riday ayaa waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Catalan Oriel Junqueras kaasi oo qeyb ka ahaa ololaha gobolkan uu ku doonayay in uu kaga go’o Spain. Xukunkan ayaa waxaa canbaareeyay madaxii hore ee gobolka Carles Puigdemont waxaana uu sheegay in la gaadhay waqtigii laga jawaab Celin lahaa Arintaan. Mr Puigdemont oo masaafuris ahaan ugu nool dalka Belguim-ka ayaa barta Twitter-ka ku soo qoray waa in aa ka fikirnaa mustaqbalka nolosha ee wiilashayada iyo Gabdhaheena. Source
  19. MOGADISHU (HOL) - An explosive device suspected to have been planted in the residence of a local official in Jowhar went of Sunday killing the official and injuring several others. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay isgooyska Zoobbe sanadkii 2017, inuu dhiirri galiyo sida ay muhiimka u tahay dadaalada Nabadgalyada iyo dagaalka Argagixisada in si wadajir ah looga wada shaqeeyo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhacdadaas ay banaanka soo dhigtay sida aanay Argagixisadu u doonaynin Nolosha dadka Soomaaliyeed oo maalin walba ay dhiigooda si ula kac ah u daadinayaan taas oo mudan in lagaga jawaabo howlgalo iyo dagaal midaysan. Madaxweynahu wuxuu tacsi u diray dhamaan dadkii ehelkooda ku waayay dhacdadaas Maanta oo kale waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in dhabar adayga iyo isku duubnida shacabka Soomaaliyeed ee dhacdadaas kadib ay ahayd wax lagu farxo iyagoo si wadajir ah ugu gurmaday dadkii dhibtu ay gaartay. Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta dhigaysa xus loogu duceynayo dadkii ku dhintay xasuuqii Soobe ka dhacay labo sano kahor, laakiin waxaa dowladda lagu dhaleecayay inaanu jirin qorshe looga gaashaamanayo inaanu dhicin xasuuq lamid ah midkaan. Madaxweynaha Soomaaliya oo warbaahinta dowladda kasii daayay farriin ku saabsan maalin, ayaa sheegay in xoojiyeen hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada. PUNTLAND POST The post Axmed Madoobe: Xasuuqii Soobbe wuxuu nagu dhiirri galinayaa inaan u midowno dagaalka Argigixisada appeared first on Puntland Post.
  21. Madxaweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed u diray fariin ku aadan xuska 14-ka October oo maanta ku beegan. Halkan hoose ka aqriso: 14-ka Oktoobar waa maalin xasuus murugo u leh dadkeenna Soomaaliyeed. Waa maalin aan waynay boqollaal muwaadiniin ah oo uu taagnaa dib u dhiska iyo horumarka dalkeenna. Waa maalin ay argagixisadu si arxan darro ah u xasuuqeen boqolaal muwaadiniin ah oo ku hawlanaa nolol maalmoodkooda, ayna agoomeeyeen kumannaan carruur ah. Qof kasta oo Soomaaliyeed waa uu xasuusan yahay dareenkii muragada lahaa ee ka dhashay weerarkan bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku bartilmaameedsadeen shacabkeenna. Si la mid ah taas waxaa muhiim ah in aan xasuusanno midnimadii, gurmadkii iyo sida dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed ay ugu wada istaageen wax u qabashada shacabkeennii ay dhibaateeyeen cadawgu. Tan iyo wakhtigaas Dowladdu waxa ay xoojisay hawlgallada qorsheysan ee lagaga hor-tegayo falalka waxashnimada ah ee ay soo qorsheeyaan argagixisada Alshabaab, waxa ayna geesiyaasheenna Ciidamada Qalabka sida burburiyeen saldhigyo cadawgu ay ka soo maleegi jireen weerarrada arxan darrada ah, sidoo kalena waxay ciidanku ka xoreeyeen deegganno ay cadawgu ku dhibaateeynayeen muwaadiniinteenna ku nool. Ugu dambeyntii, waxaan Alle u weydniinaynaa naxariistiisa shuhadadii innooga geeriyootay weerarkan, anigoo faraya Xukuumadda in laga warqabo dhammaan muwaadiniintii lixaadkooda ku waayey falkan banii’aadamnimada ka baxsan. View the full article