Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-12102019.mp3 View the full article
  2. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has congratulated Ethiopian Prime Minister, Abiy Ahmed Ali for winning the prestigious Nobel Peace Prize on Friday. “I sincerely congratulate Ethiopian Prime Minister, Abiy Ahmed on his Nobel Peace Prize success this year. “President Farmajo said in his twitter account. The head of state who in Addis Ababa for IGAD meeting added that Ethiopian leader deserves the award and has enjoyed working with him on strengthening horn of Africa regional issues. “He is a deserving winner and I have enjoyed working with him on strengthening regional cooperation, congratulations PM Abiy.” The Norwegian Nobel Committee has decided to award the Nobel Peace Prize for 2019 to Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed Ali for his peace efforts to broker an audacious peace deal with neighboring Eritrea over a border dispute. The conflict between the two raged for two decades after erupting in the late 1990s. Abiy beat out competition from hundreds of nominees for the 100th Peace Prize, including 16-year-old activist Greta Thunberg and New Zealand’s leader Jacinda Ardern. Somali peace activist, Ilwad Elman was among other nominees for the annual prestigious award. View the full article
  3. Barnaamijka waxaa iska kaashanaya Jubbaland Tv iyo Warbaahinta Puntlandi.con Daawasho Waxaan Haduu kasoo daahi waxyar sug wuu soo dagayaaye Source
  4. Kismaayo waxaa ku sugan Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Soomaaliya ugu tunka weyn marka laga Teebo Madaxweyne imFarmaajo iyo Raysal wasaare Kheyre, Waxaa jooga Ninka labaad ee [...] Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa lagu faah faahiyey qarax ciidamo ka tirsan kuwa Alpha Group lagula beegsaday deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa Al-Shabaab ay sheegatay in ay la bartilmaameedsatay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamadaasi oo ka soo ambabaxay deegaanka Lambar Konton, kuna soo jeeday gudaha Muqdisho. Sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa shan askari oo ay ku jiraan saraakiil, sida ay hadalka u dhigtay. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa magacyada saraakiisha ku dhintay qaraxaasi ku kala sheegtay 1-Faarax Caato, 2-Daahir Cabdulle iyo 3-Sharmaarke. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan khasaara ka dhashay qaraxaasi. Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah oo u badan qaraxyo miino la beegsata ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Xubno ka tirsan hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada gobolka Bari oo shir ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi, ayaa sheegay in ay si adag uga soo horjeedan hannaanka xukuumadda Puntland ee haatan jirta ay u wajahayso arrimaha qaar Odayaasha iyo waxgaradka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay curyaamin ku hayso ilaha dhaqaale ee gobolka Bari, islamarkaana ay cadaadis iyo cabburin saartay bulshada ku dhaqan gobolkaasi, gaar ahaanna magaalada Boosaaso, si aysan cabashadooda u soo bandhigin. Waxay xukuumadda ku eedeeyeen in ay kaabayaashii dhaqaalaha magaalada Boosaaso sida, dekeddii iyo garoonkii ay gacanta u gelisay shirkado shisheeye, kuwaasi oo aan wax shaqo ah ka qaban, balse doonaya in ay curyaamiyaan, sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale, waxay ka hadleen arrimo kale oo la xiriira guud ahaan xaaladda Puntland iyo siyaasadda xukuumadda madaxweyne Deni ee ku wajahan dowladda Federaalka iyo dalalka debadda. Haddaba, Muuse Cali Jaamac oo kamid ahaa odayaashii shirka qabtay, ayaa warbaahinta Puntland Post uga warramay nuxurka bayaan ay ka soo saareen shirkaasi. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Odayaasha gobolka Bari oo eedaymo kulul u jeediyay xukuumadda Puntland appeared first on Puntland Post.
  7. Qaar kamid ah murashixiinta u taagan xilka madaxtinimada Galmudug ayaa sharci darro iyo ku tumasho dastuur ku tilmaamay hannaankii loo maray magacaabidda guddiga farsamo ee maamul dhisida Galmudug. Warsaxaafaded kasoo baxay murashixiinta ayaa lagu sheegay in dadka ku jira guddigaan ay yihiin shaqaale dowladdeed oo ka howlgala xafiisyada madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo wasaaraddaha. Murashixiintu waxay ku baaqeen in dib loogu laabto magacaabidda guddigaan islamarkaana laga dhigo guddi madax bannaan oo aan katirsanayn xafiisyada dowladda. Halkaan hoose ka akhriso. The post Murashixiinta madaxtinimada Galmudug oo kasoo horjeestay guddiga dhismaha Galmudug appeared first on Puntland Post.
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo siyaasiga Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) oo ka mid ah Musharraxiinta sanadkan u taagan hoggaanka Galmudug ayaa si weyn uga horyimid guddiga farsamada maamulkaasi oo ay dhowaan magacowday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya. Labada Musharrax oo si wadajir u soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in hanaanka loo maray guddigaasi uu hareer marsanyahay Dastuurka Galmudug iyo shuruucda dalka. Sidoo kale waxa ay sheegeen in xubnaha kala bar ay ka tirsan yihiin shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Odowaa iyo Guutaale ayaa sidoo kalee qoraalkooda ku sheegay in xubnaha qaar ay la shaqeynayeen Musharrax Qoor Qoor oo la sheego inay wadato xukuumadda Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa ay warkan ku sheegeen in dhismaha guddigan aan laga talogelin Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, ayna kala dhalan karto xasilooni darro siyaasadeed. Halkan hoose ka aqriso: Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  9. Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta dambi ku weyday eedeesanayaal loo haystay inay geysteen falal kufsi ah oo ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Eedeysanayaasha oo la horkeenay maxkamada ayaa dhammaantood laga dhaariyay dambiyada loo haystay oo ahaa kufsi. Kadibna guddoomiyaha maxkamadda Sheikh Cabdinuur Jaamac Xuseen, ayaa sheegay mar haddii maxkamadu aysan haynin wax caddeymo ah in raggaasi beri ka yihiin dambiyadooda. Maxkamadu waxay dhaarta ku jiiday shan qof oo afar kamid ah ay ku eedeysnaayeen kufsi wadareed. Halka mid kalena uu kaligiis ku ahaa kiis kufsi ah. Qareenada dacweynayay raggaasi ayaa racfaanka ka qaatay go’aanka maxkamaddu gaartay. Dhawaan, waxaa la filayaa in maxkamada la horkeeno eedeesanayaal loo haysto kufsi iyo dil 12kii bishii Abril ee sanadkaan Garowe loogu geystay haweenay xaas ahayd oo gurigeeda loogu dhacay. Puntland Post The post Maxkamada gobolka Nugaal oo dambi ku weyday rag kufsi ku eedeeysnaa appeared first on Puntland Post.
  10. Kadib markii ay Kenya jabisay Amar Xalay kasoo baxay Dowlada Federaalka Ayaa Xukuumada Federaalku waxay u yeertay Safiirka Kenya ee fadhiya Muqdisho. Ilo wareedyo ku [...] Source
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdigii uu horkacayey hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow toos uga dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Aadan Barre Ducaale oo ah Soomaali Kenyaan iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wafdiga ka socda dowladda Kenya ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe oo saacadaha soo socda qabsoomi doonta. Wararka ayaa sheegaya in diyaarad yar oo nooca Focker ah oo toos uga soo qaatay wafdigan garoonka Jomo Kenyatta ay ku tageen halkaasi. Waa markii labaad oo ay dowladda Kenya jabineyso xayiraada ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saartay hawada Kismaayo. Sidoo kale dowladda dhexe ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay ka dagtay Kismaayo. Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore isku hayey arrinta Badda, ayaa waxaa hadda xiisada sare u sii qaaday caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay horay dowladdu u qaadacday doorashadiisii. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  12. Maanta oo kale, sanadka walba waxaa dalka laga xusaa maalinta Calanka Soomaaliyeed, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 65-sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay Calanka Soomaaliyeed, Calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faani karo. Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay Maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga. Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa lagu heshiiyay dastuur cusub iyo qodobo badan oo aan laga gudbi karin iyo calanka. Calankii Habeenkaas, waxaa laga dhigay calan leh bil oo tilmaamaysa Islaamka, xidigta oo ah Soomlinimada iyo shanta farood oo midnimo iyo wada jir ah. Lakin Markii Talyaaniga uu la wareegay maamulka Soomaaliya 1950-kii, gumeytaha Ingiriiska waxaa uu ku dhaqaaqay talaabooyin waalli ah, ingiriis-ka waxaa uu qaatay waqooyiga Soomaaliya, NFD waxaa uu siiiyay gumeystaha Kenya, Xeebta ama Djabuti waxaa xoogay Faransiiska, Ingiriiska sidoo kale Itoobiya waxaa uu siiyay Somali Galbeed, waxaa arin culus noqotay in dhulkaas iyo dadka degan la isku keeno. SYL, markii ay aragtay in Somaliweyn faraha ka sii baxeyso, Waxaa ay ku fakirtay in la sameeyo Calan qiimo badan oo Soomaaliweyn ka tarjumaya, waliba ka hor inta aan xuriyadda la gaarin 1960-ka. Farshaxano badan ayaa la sameeyay, dad badan ayaa dadaalay, tartan ayaa loo galay sidii Calan Soomaaliyeed loo sameyn lahaa, laakin ugu dambeyntii, Waxaa la qaatay farshaxankii iyo hindisihiisa uu lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada. Maxamad Cawaale Liibaan, Calanka waxaa uu ku sameeyay wax ka yar 24 saac, laakin waxaa uu noqday calan umadda Soomaaliyeed ka tarjuma, isagoo soo bandgigay Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa Shanta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu ka tarjumayaa Cirka iyo badda dhulka Somaalida oo mar walba midabkoodu buluug yahay. Calankan Buluugga ah ee xidigta ka tarjumeysa Soomaliweyn dhexda uga hardhan tahay waxaa la sameeyay 12 October, 1954. Maalintaas wixii ka dambeeyay Soomaalida waxaa ka tarjumayey calankaas, oo ah astaan ka hadleysa Somaliweyn iyo Midnimo qaran. Dhinaca kale, Heesta Calanka, waxaa ay leedahay taariikh gaar ah, heestan, waxaa miraheeda lahaa (AUN) Abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad, Waxaa laxanka lahaa (AUN) C/laahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe). Abwaanka Alifay heesta ayaa ka sheekeeyay in heestaas ay ku jirtay riwaayaddii ay isku barteen Xuseen Aw Faarax iyo Abwaan Qarhse oo Waqooyi ka yimd iyo Fanaaniintii reer Muqdishu. Heesta waxaa ay ku jirtay riwaayad lagu eegayey fanka labada abwaan, Xuseen Aw Faarax waxaa uu sheegay in riwaayadda marka ay dhaxda mareyso oo ay qaadeen heesha calanka in isaga iyo qarhse la siiyay Diploma lagu abaalmarinayo labaadsi abwaan, Diploomadaasi lama bixin ka hor xiligaas ama kadiba, Waxaa ay sidoo kale isla riwaayaddaas ka dhigeen Djabuti iyo Cadan. Xilliga riwaayaddaas Muqdishu lagu dhigay waxaa ay aheyd 1956-dii, labo sano ayuu jiray calanka Soomaaliya, hees sidan u qiimo badan cid u qaatay ma jirin xiligaas ka hor. Miraha Heesta Waxaa ka mid ahaa: Qolobaa calankeedu, waa ceynoo, Innaga keenu waa, Cirkoo kale e, Oon caadna lahayn, Ee caashaqaye. Xidigyahay cadi, Waad noo ciidamisee, Carradaa kaligaa adow curadee cadceeda sideedaa u caan noqo ee Cishadad dhalataad calooshayadii sidii culaygii cidaad marisee Allow ha ku celin cawoy dhaha. Ugu dambeyntii, June 5, 2001 ayuu Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada. Soomaalida Maanta: Waxaan hubaa in Soomaali badan dhiiga iyo damiirkoodu u dhaqaaqay maqalka heesta, Lakin marka aan runta isu sheegno, heesta calanka maanta ma laha dhadhankii hore, dalka waxaa loo kala qeybiyay gobolo, qabiilo, dowlad goboleedyo, ma jirto labo isku fikrad ah, ma jirto labo ka sheekeysta Somaliweyn, Midnimo iyo Mustaqbalka dalka, dadka iyo diinta! Sida uu ii sheegay Jen. Jaamac Maxmed Qaalib, dadkii hore waxaa ay ku faani jireen Calanka, Ciidanka qaranka iyo Soomaalinimada halka maanta lagu faano Maamulka goboleedyada, taageerada iyo lacagaha loo uruuriyo maamul goboleedka ayaa ka xamaadsad badan taageerada Qaranka. Maanta Soomaaliya waxaad ku arkeysaa callamo badan, gobol walba waxaa uu leeyahay calan u gaar ah iyo heesta calankaas, gobol walba waxaa uu leeyahay Dastuur iyo calan ka duwan midka qaranka, Madaxweynayaal tiro badan, waxaa meesha ka baxay micnihii weynaa heesha calanka iyo qaranimada Soomaaliyeed. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Source: goobjoog.com
  13. Wafdigii Dowlada Kenya ay usoo dirtay Ka qaybgalka Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa iminka waxay kasoo degeen Kismaayo. Wafdiga waxaa hogaaminaya Gudoomiyaha Xisbiyada Aqlabiyada [...] Source
  14. Wafdigii Dowlada Kenya ay usoo dirtay Ka qaybgalka Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa iminka waxay kasoo degeen Kismaayo. Wafdiga waxaa hogaaminaya Gudoomiyaha Xisbiyada Aqlabiyada [...] Source
  15. Aden Barre Ducaale oo ah hoggaamiyaha aqlabiyadda xisbiga talada haya ee Jubilee iyo xildhibaanno kale oo dalka Kenaya ah ayaa goordhow soo saaray magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee Jubbaland. Wafdigan waxaa garoon Sayidka ku soo dhoweeyey madaxweynaha la doortay ee Jubbaland mudane Axmed Madoobe. Galabta ayaa lagu wadaa in magaladaasi lagu qabto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Jubbaland, waxaana jooga madax ka socota dowladda federaalka ah, maamul goboleedyada iyo xisbiyada. Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo adkeeyey, waxaana munaasabadan ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Axmed, madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaanno Labada aqal, hoggaamiyeyaasha xisbiyo siyaasadeed iyo mas’uuliyiin kale. Source: goobjoog.com
  16. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan u dhaxeeya magaalada Jowhar iyo sidoo kale deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabellaha Dhexe. Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay iney duulaan ku ahaayeen deegaanno ay ku sugnaayeen Al-shabaab, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in jidka u galeen dagaalyahanno Al-shabaab ah. Weerarkan waxaa ku dhintay saraakiil ciidanka xoogga dalka ah oo uu ka mid ahaa Dhame Xaaji Cabdi Xaaji Xasan Cali, waxaana jira dhaawac ku dhow Shan. Dhanka Al-shabaab lama oga khasaaraha soo gaaray, hase ahaatee dagaalka halkaasi ka dhacay ayaa ahaa mid xooggan sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Jowhar. Al-shabaab ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada Shabeelooyinka. Warkaan wixii kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil geystay khasaare xoogan oo saacadihii la soo dhaafay e ka dhacay duleedka magaalada Berbera ee Somaliland. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari weyn oo siday qaad iyo gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad shacab ah.. Ugu yaraan illaa 10 qof ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 14 kale, sida ay xaqiijiyeen mas’uliiyiin ka tirsan maamulka Somaliland. Dadka ku dhintay shilkan ayaa afar ka mid ah waxa ay ahaaayeen dumar, halka lixda kale ay yihiin Rag. Waa shilkii ugu khasaaraha badan ee sanadkan 2019-ka gudihiisa ka dhaca deegaanada Somaliland. View the full article
  18. Diyaarada sida Wafdiga Dowlada Kenya ayaa waxay soo gashay Hawada Soomaaliya waxayna goor dhow soo caga dhiganaysaa Kismaayo. Masuuliyiinta soo dhaweynaya Wafdiga ayaa waxay iminka [...] Source
  19. Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ka soconaya qabanqaabada munaasabadda caleema-saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo maanta lagu wado iney ka dhacdo magaaladaasi. Ammaanka guud ee magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda ayaa aad loo adkeeyey, waxaana munaasabadan ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo uu ugu horreeyo guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Abshir Axmed, madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaanno Labada aqal, hoggaamiyeyaasha xisbiyo siyaasadeed iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo aaddan ay munaasabadaasi soo gaaraan siyaasiyiin kale oo qeyb ka noqon doona Caleema-saarka madaxweyne Axmed Madoobe. Laanta fulinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diiddan doorashadii uu kusoo baxay Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo xayiraad badan ay kusoo rogtay magaalada Kismaayo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. MOGADISHU (HOL) - Somalia has restarted its ban on direct flights to Kismayu barely a month after a similar directive amid complaints of airspace violation’ by Kenya. Source: Hiiraan Online
  21. MOGADISHU (HOL) - Somalia has restarted its ban on direct flights to Kismayu barely a month after a similar directive amid complaints of airspace violation’ by Kenya. Source: Hiiraan Online
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Wafdigan oo uu horkacayo hoggaamiyaha aqlabadiyada baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa goor dhow ka soo duulay garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi. Wafdiga ka socda dowladda Kenya oo ku wajahan Kismaayo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka, Axmed Madoobe. Lama oga in ay soo mari doonaan Muqdisho iyo in kale, maadaama xalay dowladda Soomaaliya ay mamuucday duulimaadyada tooska ah ee Kenya iyo Jubbaland. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda maamulka hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo K/Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay jabisay xayiraadii xukuumadda Muqdisho ay saartay garoonka magaalada Kismaayo. Arrintaasi ayaa sare u qaaday xiisada labada dal, iyadoona dowladda Soomaaliya ay u yeertay safiirka xukuumadda Nairobi u jooga magaalada Muqdisho. Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo taageerada ugu badan ka hela Kenya ayaa dhaceysa maanta, iyadoona qaban qaabadii ugu dambeysay ay ka socoto Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  23. Maamulka Duulista Hawada ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray amar cusub oo ku wajahan duulimaadyada aadaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland. Waxbixinta waxaa ku xusan oo kale in duulimaad kasta oo ka imaanaya meel ka mid ah Kenya, una socda Kismaayo ay qasab tahay iney soo maraan Muqdisho. Waxaa qoraalka lagu adkeeyey duulimaadyada gudaha iyo dibadda ah ee ku socda Kismaayo, taas oo hey’adda ku sababeysay iney marsiin-doonto baaritaan. Waxaa xusid mudan in horay isu burisay hey’adaasi, oo mar sheegtay in laga qaaday, hadana tiri ma jirin xayiraad la saaray Kismaayo. 23-kii bishii hore ayey ahayd markii shirkadaha duulimaadyada lagu wargeliyey in muddo Saddex cisho ah aanay wax duulimaad ah ka sameyn karin magaalada Kismaayo, kadib warqad ay ka heleen hay’adda duulista hawada dalka. Hey’adda duulista hawada maareeyaheeda ayaa si cad ugu sheegay warbaahinta in aanu jirin wax xayiraad ah oo uu maamulkooda saaray duulimaadyada taga ama ka baxa magaalada Kismaayo. Dhankeeda, war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada Gaadiidka ayaa lagu fasaxay duulimaadyadii diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo Kismaayo. Wasiir ku xigeenka warfaafinta xukuumada Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowlada ay fasaxfay howlihii duulimaadka kadib codsi ugu yimid Shacabka Kismaayo. Arrimahaas kala hadalka waxaa ay keeneen in la ogaaday jaha-wareerka ka jira hey’adaha kala duwan ee dowladda oo kala socda, kana muuqato cabsi iyo kalsooni-darro. Amarkan cusub, lama oga sida uu u dhaqan geli-doono, laakin waa talaabo kale oo dhibaato ku ah bulshada ku dhaqan Kismaayo. Goobjoog News ayaa ogaaday in ay kor u kaceen qiimaha lagu raaco diyaaradaha ilaa $200 halka ay dhibaato la kulmeen ganacsatada, bukaanka iyo cid walbo oo safar ah. Qiimaha Tikit-ka Kismaayo iyo Dhoobley oo horay u ahaa $70 ayaa noqday $ 250. Goobjoog News Source: goobjoog.com