Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,072
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday mas’uuliyiin hore oo ka tirsan maamulka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Cali Axmed Guure (Qoyane) iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheikh Cilmi Cawaale gudoomiyihii hore ee degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in. Dhammaantood waxaa loo heystaa Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas Rashiid Cusmaan Cabdi qaraax oo degmada ka dhacay 19/04/2019ka. View the full article
  2. (SLT-Washington)-Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa xalay cod aqlabiyad leh si rasmi ah xasuuq ugu aqoonsaday, dil-wadareedki ay Imbaraatooriyaddii Cusmaaniyiinta u geystay Armeeniyiinti ku nooleyd Anatoliya oo hadda dhulka loo yaqaano Turkey. Ilaa iyo 405 mudane ayaa haa ugu codeysay, halka 11 kaliyah ay ka aamuseen ama diidday. Waxana tallaabadan loo arkaa mid uu goluhu jawaab ugu dirayo Turkiga oo ku dhawaad hal qarni diidanaa in wixii ku dhacay dadki reer Armenia ayna aheyn xasuuq. Inkasta oo ay madaxweynayaal hore oo Mareykan ah ay dikreetooyin ku aqoonsadeen in uu xasuuq ku dhacay dadka reer Armenia, hadana waxay noqotay markii ugu horreysay oo uu Koongareeska Mareykanka si aqlabiyad leh u aqoonsado. Lama oga inuu Golaha Senetka ku waafaqi doono iyo in kale. Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa markiiba cambaareeyay tallaabadan, ku tilmaamay go’aan ceeb ah oo aanan sinnaba ugu cuntamin shacabka iyo dowladda Turkiga. Wuxuu intaasi ku daray in qaraarka Koongareeska uu yahay mid ay dowladda Turkiga kaga aar-gudanayaan duullaanka ay Ankara ku qaadday waqooyiga Suuriya. Taariikhyahannada ayaa sheegaya in ku dhawaad 1 milyan iyo 500 oo kun oo Armeeniyiin ah ay ku dhinteen gacanta Khilaafadi hore ee Islaamka ee Cusmaaniyiinta inti u dhaxeysay 1915-ki ilaa 1923. Turkiga ayaa ku andacooda in dadkaasi ay ka mid ahaayeen malaayiinti ku dhimatay dagaalki 1-aad ee dunida, sidoo kalana ay intooda badani ku dhinteen gacanta ciidamadi Ruushka ee qeybta ka ahaa dagaalki 1-aad ee dunida. Source
  3. Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo horay u ahaa wasiirkii amniga Soomaaliya aayaa eedeyn culus u jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya. Cabdirisaaq oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dowladda ay ka gaabisay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira deegaanada maamulka HirShabelle. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda looga fadhiyo inay deg deg gurmad ku gaarsiiso dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gobolka Hiiraan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/cos-1.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-30102019-ww.mp3 View the full article
  5. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar. Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane, Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar. “Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha, waxay uga xog-warameen xaaladda guud ee Gobolka Karkaar iyo kan Degmada, Saraakiisha Laamaha Amnigu waxay ka warbixiyeen sida xaaladda Amni ay u wanaagsantahay, horumarada laga sameeyay dhinaca Amniga, Masuuliyiinta heer Degmo waxay ka warbixiyeen hormarka balaaran ee ka socda degmada Qardho ” Ayuu yiri Afhayeen Jaamac Dabaraani. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland Oo Kulan La qaatay Guddiga Amniga Ee Gobolka Karkaar appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun adag ku riday eedeysanayaal uu ku jiro guddoomihii hore degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Cawaale. Kiiskan oo muddo soo jiitamayey ayaa ku qotomay qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga ee degmadaasi, marxuum Rashiid Cusmaan Cabdi, kaas oo dhacay 19/04/2019-ka. Maxkamadda ciidamada ayaa Cali Axmed Guure (Qoyane) oo maqane ah laguna Eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ku wada xukuntay dil toogasho ah, halka guddoomihii Maxaas, Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Cawaale lagu xukumay xabsi daa’in. Sidoo kale maxkamadda ayaa intii ay socotay dacwadda loo heystay raggan soo bandhigtay caddeymo iyo codad la duubay oo muujinaya inay ku lug lahaayee qaraxa lagu dilay mas’uulkaasi. Eedeysanayaashan la xukumay ayaa heysta fursad kale oo ay ku qaadan karaan Rafcaan, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida Soomaliya Waa markii ugu horreysay oo kiis noocaan ah ay qaado maxkamadda ciidamada, laguna helo dambi dil ah mas’uul sare oo si hoore xiriir ula lahaa kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. (SLT-Addis Ababa)-Booliska deegaanka Oromada ayaa sheegay rabshadihi toddobaadki hore ka dhacay dalka Itoobiya oo ay dad badan ku dhinteen dadki ku lug lahaa oo gaadhaya 359 qof in xabsiga loo taxaabay. Taliyaha Booliska Oromada Jeneraal Kafyalew Teferra oo BBC u warramay wuxuu sheegay xaaladda deegaanka Oromada oo ay rabshadaha ugu badan ee dalka Itoobiya ay ka dhaceen inuu hadda xasiloon yahay. Tirada rasmiga ah ee dadka rabshadaha ku dhintayna sida ay boolisku xaqiijiyeen waa 67 qof, Axadda wixii ka dambeeyeyna wax rashado ah ma dhicin ayuu yidhi. Wuxuuna Jeneral Tafari uu sheegay inta ay rabshaduhu socdeen in kaniisado iyo masaajidba dhibaata loo geystay oo qaarkood la gubay. Taliyaha Booliska wuxuu intaasi ku daray 80% (54 qof) dadka rabshadahaasi ku dhintay ay ahaayeen kuwa ku dhintay gacan qaad ka dhex dhacay kooxa iska soo horjeeda oo mudaharaadyo dhigayey. Hase yeeshee, rabshadaha si siyaasadeysan ku billawday marki dambana qaab diimeed iisu beddelay lama dhihi karo “koox hebla waxaa saa gaaray iyo koox hebla intaasa ka dhimatay, balse rabshaduhu markay diin iisu beddeleen labada diimood ee Kirishtanka iyo Muslimkaba ay dad ka dhinteen” ayuu yidhi. Ilaa iyo hadda xogta aan haynana magaalada Adaama waxaa lagu gubay hal masaajid, laba kaniisadood oo meel ka baxsan magaalada ku yaallana waa la gubay ayuu yidhi. Taliyaha oo ka hadlayey rabshadaha dhawaan ka dhacay qayb ka mid ah ee deegaanka Oromada inuu booliska uu ka gaabiyey inuu wax ka qabto iyada oo sida oo kalana lagu eedeeyo rabshadaha iney dhexdhexaad ka ahaayeen wuxuu yidhi: “Booliska deegaanka Oromada si uu rabshadaha uu uga hortago ilaa iyo naf ayuu u huray” isaga oo tilmaamay dadaalka ay booliska u galeen xakameynta rabshadahaasi. Hase yeeshaee, dadka mudaharaadyada isugu soo baxay oo aad u badnaa meelaha qaar waxay ka awood bateen askarti rabshadaha iney ka hortagaan loo howl geliyey ayuu yiri. Source
  8. (SLT-Riyadh)-Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa bishan dhexdeedii booqasho rasmiya ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, si uu dar-dar gelin cusub ugu sameeyo xidhiidhka labada dhinac. Putin ayaa waxa si weyn garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay oo qaabilay Amiirka Abu Dubia, ahna dhaxal-sugaha, Mohammed bin Zayed, iyadoona loo sii galbiyay dhanka madaxtooyada dalkaasi. Bin Zayed iyo Putin ayaa wada-hadalo dheer waxay ka yeeshen sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo weliba maalgashiga. Booqashadaasi uu Putin ku tagay dalkaasi ayaa noqoneysa booqashadiisi labaad ee tan iyo 2007 uu ku tagay dalkaasi, iyagoona kulamo badan wada yeeshay, isla markaana hore ugu wadaxidhiidhi jirey khadka taleefanka. Waxayna booqashadaasi kaga gadisantahay kuwii hore in Madaxweyne Putin uu socdaal Khaliijka ah uu ku soo maray dalka Sacuudiga, isagoona xiligaasi dowladda Sacuudiga la soo saxeexday heshiisyo muhiim ah oo dhanka iskaashiga ah. Madaxweyne Putin ayaa u muuqda mid aad u daneynaya dalalka Khaliijka gaar ahaan wadamada Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo iyagu waqti xaadirkan saaxiib dhow la ah hoggaamiyaha Mareykanka Donald Trump. Sida ay sheegayaan khabiiro daraaseeya arrimaha siyaasada, dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xaqiiqsan in saaxiibtinimada Trump ay wax badan seejisay, isla markaana la gaadhay waqtigii ay dhinaca saari lahaayeen hoggaamiyaha dalka Ruushka. Wadamadaasi ayaa sidoo kale waxa la sheegaya in cabsi baahsan ka qabaan wada-hadalka uu Mareykanku la furayo dowladda Iiraan, oo keeni karta isku soo dhowaansho Mareykanka iyo Iiraan ah, midaasi oo sababi karta in hoos u dhac weyn ku yimaado xidhiidhkii dowladahaasi Khaliijka iyo Mareykanka. Booqashooyinka Putin ee Khaliijka ayaa khabiirada qaar ku micneeyen mid dhabar jab ku ah xidhiidhka Trump iyo dowladda Mareykanka ee sida dhow ula howl-gala dowladahaasi, isla markaana shaki badan abuuri karta. Source
  9. (SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Millatariga Maraykanka ay dileen qofkii lagu waday inuu bedelo hoggaanka ururka IS kadib markii hoggaamiyihii ururkaas Abubakar Baqdadi la diley. Donald Trump ayaa boggiisa twitterka ku soo daabacay; ”Waxaa goordhow la ii xaqiijiyay in qofkii bedeli lahaa Abu Bakar Baqdadi ay dileen ciidamada Maraykanka.” Inkastoo aanu magacaabin Donald Trump qofka uu sheegay in la khaarijiyay ayaa hase ahaatee shalay warar soo baxayay waxa ay sheegayeen in la diley afhayeenkii ururka IS Abu al-Hassan al-Muhajir oo xil sare ka hayay ururka IS. Axadii aynu ka soo gudubnay ayuu Madaxweynaha Maraykanka Trump sheegay in howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada Maraykanka lagu diley hoggaamiyihii ururka IS Abu Bakar Baqdadi. Sarkaal sare oo u hadlay wasaarada arrimaha dibada Maraykanka ayaa sheegay in al-Muhajir lagu diley howlgal kale oo gaar ah. Sidoo kale mas’uul u hadlay maleeshiyada Kurdishka ee YPG ayaa sheegay Axadii in al-Muhajir lagu diley howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ururka Kurdiyiinta iyo ciidamada Maraykanka Waqooyiga Suuriya. Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga aya noqotay dowladdii ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqii Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee u gurmashada dadka ay sameeyeen fatahaadaha xoogan ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa qoraal ka soo baxay waxa ay uga hadashay saameynta ka dhalatay fatahaadaha wabiyada Shabelle iyo Jubba, kuwaas oo ay ku barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed. Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in ugu horreyn ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay fahadahaasi, islamarkaana ay aad uga xun tahay dhibaatadaasi. Sidoo kale waxa ay wasaaradddi sheegtay inay ka qeyb qaadaneyso gurmadka loo fidinayo dadka barakacayaasha ee ku dhibaateysan magaalooyinka ay ka mid tahay degmada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka saaxibada dhow la ah Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraada dhinacyo kala duwan oo ay ugu horreyso dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaa kaloo Turkiga lagu xasuustaa gurmadkii uu dadka Soomaaliyeed u fidiyey sanadkii 2011-kii, xilligaas oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar xoogan oo saameysay dadka iyo duunyada. Hadalka hadda ka soo baxay Turkiga ayaa waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo xaaladdii ugu darneyd ee fatahaada ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan HirShabelle. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns the 3-month jail sentence and fine of 300 USD that a court in Southwest State handed to Abdulkadir Barre Moallim, a freelance journalist on Tuesday, 29 October 2019 Source: Hiiraan Online
  12. Beirut, Lebanon - Cries of celebration went up across Lebanon on Tuesday as protesters demanding the fall of the government celebrated Prime Minister Saad Hariri's resignation Source: Hiiraan Online
  13. The Ethiopian government will unveil new foreign relations policy soon, substituting the existing policy which has been in place for 24 years ago, a spokesperson for the Ethiopian Ministry of Foreign affairs said. Source: Hiiraan Online
  14. A 21-year-old woman has accused a Sydney bar of discrimination for telling her to remove her hijab when she tried to enter the venue. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in dowrkoodi ay ka qaataan sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu ku saameeyeen Hiiraan Gedo iyo daadadka ka dhashey roobabka ka da’ay gobalka Baay. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in xubnaha Dowladda ay mushaharaadkooda qeyb ahaan ay u jaraan,si ay uga qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkaasi Soomaaliyeed oo dhibaataysan. Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo ayaa sheegay in loo baahanyahay in si isku mid ah loogu gurmado dadkaasi,sida ganacsatada wax haysata,culimaa’udiinka iyo qurba joogta Soomaaliyeed intuba. Fatahaadaha webiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa saameyn xooggan ku yeeshey dad badan,waxaa jira khasaare naf iyo maal oo ay ugu darantahay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxaa soo wehliya fatahaadda webiga Jubba ee Gedo iyo daadadkii ka dhashey roobabkii ka da’ay gobalka Baay. Waxaa soconaya dadaalo xooggan oo dowladda Soomaaliya iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ay ugu gurmanayaan sidii dadkaasi Soomaaliyeed loo garab istaagi lahaa. Guddigii ay dowladda Soomaaliya u magacowday howlahaasi gurmadka ayaa wada dadaalo ku aadan sidii samafal deg deg ah loo gaar siin lahaa dadkaasi,iyadoo magaalada Baladweyne dhawaan dowladdu ay gar gaar gaarsiisay. The post Madaxweyne Farmaajo oo mas’uuliyiinta dowladda ugu baaqay in ay mushaharkooda u jaraan caawinta dadka Fatahaaduhu saameeyeen appeared first on Puntland Post.
  16. Marka (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee saddex askari oo ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya oo ku dhintay qarax miino oo loo dhigay ayaa meydadkooda laga soo qaadi la’yahay duleedka magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose. Askartaan oo saarnaa gaari Nooho ah ayaa ka soo baxay magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellada Hoose, waxaana lagu qarxiyay degaan lagu magacaabo Kili Caafimaad oo ku dhow degaanka No 60 ee gobalka Shabeellada Hoose. Ehellada askartaan ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay ku hanjabeen in ay weerari doonaan dadkii soo doono meydadka askartaasi oo ay sheegeen in ay weli yaalaan halkii ay ku dhinteen. “Meydadka 2 kamid ah gaariga banaankiisa ayey ku soo dhaceen, halka midka kalane uu ku jiro gudaha gaariga oo bur buray Al-shabaab-na waa diideen in aan soo qaadano” ayuu Caasimada Online u sheegay qof kamid ah ehellada askartaasi. “Dowladda Soomaaliya waan u sheegnay in ay naga caawiyaan sidii aan usoo qaadan laheyn meydka wiilasheyna laakiin ilaa hadda jawaab kama helin waxaana dhalinyaradu geeriyoodeen Axaddii” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka aan la hadalnay. Waalidiinta askarta ka tirsanaa ciidamada milateriga Soomaaliya ee meydkooda yaalo duleedka Marka ayaa aad uga niyad jabsan taageero la’aanta dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen waxaana degaankaasi uu yahay meel aan Al-Shabaab ku xooganeyn oo ay si caadi ah u maraan ciidamada dowladda Soomaaliya balse ay Al-Shabaab weeraro gaadmo ah ku soo qaadaan waqtiyada qaar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Maxaad ka ogtahay Eygii loo adeegsaday dilka Al Baghdadi iyo Bin Laden Lahaanshaha sawirkaSFGATEImage captionEeyadan noocan oo kale ah ayaa qiimo badan ka jooga caalamka Waxaa maalma kahor la dilay hogaamiyihii kooxda ISIS, Abubakr Al Baghdadi oo ay ciidamada Mareykanka ku weerareen deegaan ku yaala waqooyiga dalka Suuriya. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Al Baqdaadi uu ku cararay god dhulka hoostiisa ku yaala, ka dib markii ciidamada ay gudaha usoo galeen gurigii uu deganaa. Al Baqdaadi ayaa horay u kaxeysaty saddex caruur ah oo dhintay markii uu is qarxiyay. “Wuxuu tegay halkii ugu dambeesay ee godka, waxaana eryanayay eeyga, wuxuu qaraxiyay jaakadii uu xirnaa, waxaana halkaas sidoo kale ku dhintay saddexdii caruur iyo isaga, jirkiisa waxaa gogooyay qaraxa,” ayuu yiri Trump oo fahfaahinayay qaabkii uu u dhintay Al Baqdaadi. Eeyga ka qeyb qaatay hawlgalka ee dhaawcmay ayaa ah nooc ka mid ah eeyda lagu magacaabo K-9, kaas oo markii uu dhaawacmay ay dib ula soo noqdeen ciidanka Mareykanka. Muxuu yahay eeyga loo adeegsaday howlgalka? Eeygan oo lagu magacaabo Cairo ayaa ah xayawaan u tababaran sida ciidamada kumaandoosta, wuxuuna awood u leeyahay in uu uriyo qaraxyada iyo waxyaabo kale. Ciidamada Mareykanka ayaa eeygan u adeegsaday weerarkii ay ku dileen hogaamiyaha kooxda la baxday Khilafada Islaamka, Al Baqdaadi. Waa nooc ka mid ah eeyda loo adeegsaday hawlgalkii ciidanka Mareykanka ee loo yaqaano Belgian Malinois. Ron Aiello, oo ah sarkaal hawlgab ah, horayna uga tirsanaa ciidamada badda ee Mareykanka, haatanna madax ka ah shirkad carbisa eeyda dagaalka loo adeegsado ayaa wargeyska the New York times u sheegay in K-9 ay yihiin laba nooc oo kala ah German shepherd iyo Belgian Malinois, kuwaas oo inta badan loo adeegsado hawlgalada ammaanka ee ay qaadaan ciidamada militariga. Eeyadan noocan oo kale ah ayaa waxaa loo adeegsadaa hawlgalada ammaanka Eeydan ayuu sheegay in ay yihiin kuwa awood u leh in ay uriyaan qaraxyada, kana qeyb qaadan karaan hawlgalada sida ciidanka kumaandoosta ah oo kale. “Haddii ay ciidanka Mareykanka qaadayaan hawlgal, waxay u baahan yihiin eey urin kara qaraxyada, sidoo kalena wax iska dhicin kara.” Ayuu yiri Mr Aiello. Eeyda noocan oo kale ah ayaa heysta tababar heer sare ah, waana kuwa fulin kara weerarro, sidoo kalena qofka ku dili kara daqiiqado. Sanadihii dambe waxaa aad looga deyrinayay tirada eeyda u tababaran qaabka ciidamada gaarka ah, kuwaas oo la sheegay in ay aad u yar yihiin, si weynna loogu baahan yahay, maadaama dunida ay kusoo bateen weerarada ay qaadaan kooxaha lagu tilmaamo argagixisada. Donald Trump ayaa ka hadlay eeyga loo adeegsaday howlgalka wuxuuna sheegay in yy qabtay “shaqo culus oo ah qabashada iyo dilka hoggamiyaha Abu Bakar Al Baqdaadi”. Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @realDonaldTrump Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @realDonaldTrump Qiimaha mid ka mid ah eeyda noocan oo aan tababarneyn ayaa lagu sheegaa in uu ka badan yahay 25 kun oo doolar, waxaanna ku rakiban qalab militari oo kala duwan oo ay ka mid yihiin jaakado ka celiya biyaha, leyrarka iyo kaamerooyinka sahlaya in qofka hagayo uu la socdo hawlgalka ay sameynayaan. Wargeyska The Bloomberg ayaa kusoo warramay in mid ka mid ah eeyda K-9 ee aad u tababaran, qalabkiisana uu u dhameystiran yahay uu qiimahiisa gaarayo 283 kun oo doolar. Eeyga loo yaqaano Cairo Eeydan ayuu Mr Aiello sheegay in marka si wanaagsan loo tababaro ay ban’iaadamka kaga wanaagsan yihiin xagga ammaanka ee urinta walxa qarxa iyo qalabka casriga ah ee loo farsameeyo in ay ogaadaan qaraxyada iyo waxyaabaha amni darrida keeni kara. “Anagu ma sameyn karno waxa eeydaas ay sameynayaan”, ayuu yiri Aiello, oo 1966-dii qeyb ka ahaa askar Amerikaan ah oo la geeyay dalka Vietnam, kuwaas oo watay eeyda dagaalka. Waxaa kale oo uu sheegay in eeydan ay sidoo kale u tababaran yihiin in ay badbaadiyaan nafsadda qofka ban’aadamka. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in uu shaqo wanaagsan qabtay eeyga lagu magacaabo Cairo ee ka qeyb qaatay dilkii hogaamiyaha kooxda IS. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama oo hadlay bilo ka dib dilkii hogaamiyihii Al Qaacida Osama Bin Laden, ayaa sheegay in uu doonayo in uu la kulmo eeygii ka qeyb galay hawlgalkii lagu dilay dilka Osama Bin Laden, kaas oo markii dambe uu la kulmay. Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in magaalada muqdisho ay ka jirto dhibaatooyin badan oo aan la mahdin, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto. Cumar Filish oo aan hadalkaan ka dhihin meel fagaaro ah ayaa dhowr qof oo siyaabo kala duwan ula kulantay oo ay ku jiraan odoyaal u qiray in uu wajahayo culeysyo ka weyn wixii uu filiyay markii loo magacaabay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho. Caqabadda ugu weyn waxa uu sheegay in uu kala kulmayo xubno ka tirsan xukuumadda iyo hay’adaha ammaanka, dhibaatooyinkaas ayuu sheegay in ay ku rideen niyad jab iyo rajo xumo sida ay noo xaqiijiyeen dadkii la kulmay Cumar Filish. “Dhibka aad ku qabtaan booliiska, shacabka oo dhana ay ku qabaan, weriyaashana ay ku qabaan ayaa anna ku qabaa waliba isku mid ayaa ka nahay” ayuu ku yiri qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada muqdisho oo la kulmay duqa muqdisho. “Waxaan isku dayay inaa kow wax ka qabto dhibaatada shacabka si aan u abuuro xiriirka shacabka iyo ciidamada lagana wadashaqeeyo amaanka laakiin waa laga horyimid waliba dagaal ayaa laygula galay dad sare ayaana ku jira kuwa igula dagaalay” ayuu yiri Cumar Maxamuud Maxamed Filish. Cumar Filish ayaa odayaasha u sheegay in dhibka uusan ku qaban oo kaliya saraakiisha ciidamada booliiska balse uu wajahayo dagaal kale oo culus kaas oo saameen ku leh shaqadiisa iyo masuuliyadii loo idmaday. “Kaliya saraakiisha ma ahan dhibka aan qabno hadii aa nahay gobalka ee waxaa dhib intaas ka weyn aan kala kulmeynaa masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, waana ka dhaqaaqi la’nahay” ayuu yiri Cumar Filish oo la hadlay qaar kamid ah odayaasha Muqdisho. Hadalka Cumar Filish ayaa imanaya ayada oo uu sii xumaanayo xiriirka kala dhaxeeya booliska, waxaana dhowaan ay isku dhaceen taliye ku-xigeenka koowaad ee booliiska Cusmaan Kaniif. Halka ka aqri xogtaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Dubai (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa bishan dhexdeedii booqasho rasmiya ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, si uu dar-dar gelin cusub ugu sameeyo xiriirka labada dhinac. Putin ayaa waxa si weyn garoonka diyaaradaha ugu soo dhaweeyay oo qaabilay Amiirka Abu Dubia, ahna dhaxal-sugaha, Mohammed bin Zayed, iyadoona loo sii galbiyay dhanka madaxtooyada dalkaasi. Bin Zayed iyo Putin ayaa wada-hadalo dheer waxay ka yeeshen sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo weliba maalgashiga. Booqashadaasi uu Putin ku tagay dalkaasi ayaa noqoneysa booqashadiisi labaad ee tan iyo 2007 uu ku tagay dalkaasi, iyagoona kulamo badan wada yeeshay, isla markaana hore ugu wadaxiriiri jirey khadka taleefanka. Waxayna booqashadaasi kaga gadisantahay kuwii hore in Madaxweyne Putin uu socdaal Khaliijka ah uu ku soo maray dalka Sacuudiga, isagoona xiligaasi dowladda Sacuudiga la soo saxeexday heshiisyo muhiim ah oo dhanka iskaashiga ah. Madaxweyne Putin ayaa u muuqda mid aad u daneynaya dalalka Khaliijka gaar ahaan wadamada Imaaraadka iyo Sacuudiga, oo iyagu waqti xaadirkan saaxiib dhow la ah hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump. Sida ay sheegayaan khabiiro daraaseeya arrimaha siyaasada, dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xaqiiqsan in saaxiibtinimada Trump ay wax badan seejisay, isla markaana la gaadhay waqtigii ay dhinaca saari lahaayeen hogaamiyaha dalka Ruushka. Wadamadaasi ayaa sidoo kale waxa la sheegaya in cabsi baahsan ka qabaan wada-hadalka uu Mareykanku la furayo dowladda Iiraan, oo keeni karta isku soo dhowaansho Mareykanka iyo Iiraan ah, midaasi oo sababi karta in hoos u dhac weyn ku yimaado xiriirkii dowladahaasi Khaliijka iyo Mareykanka. Booqashooyinka Putin ee Khaliijka ayaa khabiirada qaar ku micneeyen mid dhabar jab ku ah xiriirka Trump iyo dowladda Mareykanka ee sida dhow ula howl-gala dowladahaasi, isla markaana shaki badan abuuri karta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  20. Beledweyne (Caasimada Online) – Tobaneeyo kamid ah maxaabiista magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo ay ka dhaxleen fatahaadda wabiga Shabeelle ee mara magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka hiiraan. Maxaabiistaan ayaa shalay waxaa xabsiyada ugu galay biyo xoog leh kuwaas oo la sheegay in ay baabi’iyeen inta badan xabsiga dhexe ee Beladweyne iyadoo si dhib yar looga badbaadiyay maxaabiistii xabsiga ku jirtay, sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka. “Aniga waxaa iiga xiran walaalkeey maalmahaan dhan waxaan u sheegeynay saraakiisha ciidamada in wiilasha meesha laga saaro laakiin waana diideen haddane waxaa qaaday biyihii oo si dhib leh looga soo badbaadiyay” ayey tiri haweeney ka tirsan dadka ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Maxaabiista ayaa hadda lagu hayaa saldhig ay dagan yihiin ciidamada booliiska Soomaaliya oo ku yaalo gobalka Hiiraan. Magaalada ee xarunta gobalka Hiiraan waxaa ka jiro dhibaatooyin ballaaran oo ka dhashay fatahaadda wabiga Shabeelle kuwaas oo saameeyay guud ahaan dadkii ku noolaa magaalada oo isugu jira nuucyada bulshada ka kooban tahay. Sidoo kale fatahaaduhu ma saameeniin oo kaliya xabsigii Beladweyne balse waxay sidoo kale galeen xaruntii gobalka iyo xarumo kale oo muhiiim ah oo ka tirsan Beladweyne. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.ocm
  21. PRESS RELEASE Somali refugees return home from Yemen in latest UNHCR-facilitated departure With Yemen experiencing prolonged conflict and civilians facing life-threatening conditions, the situation for refugees, asylum seekers and migrants in the country has deteriorated significantly GENEVA, Switzerland, October 29, 2019/ — More than 4,800 Somali refugees have now returned home from Yemen since UNHCR, the UN Refugee Agency, commenced an Assisted Spontaneous Return (ASR) programme in 2017. In the latest departure, a boat carrying 114 Somali refugees left the Port of Aden on Monday and arrived at the Port of Berbera in Somalia today. With Yemen experiencing prolonged conflict and civilians facing life-threatening conditions, the situation for refugees, asylum seekers and migrants in the country has deteriorated significantly. In addition to the dangers posed by ongoing hostilities many refugees are now encountering increased hardship, lack access to basic services and struggle to cover basic needs and sustain themselves given limited work and economic opportunities. UNHCR and humanitarian partners also face significant challenges in ensuring safety, humanitarian assistance and access to essential life-saving services for refugees and asylum-seekers in the country. Some of the refugees returning home in yesterday’s ASR movement told UNHCR they were optimistic about a new life in Somalia and were hopeful that they will be able to secure their livelihoods by starting businesses. One father told UNHCR field staff that he aims to open a small business once home and provide a better life for his four children, including his one-year-old daughter who was the youngest passenger on the boat. As a long-standing refugee host nation and the only country in the Arabian Peninsula which is signatory to the Refugee Convention and its Additional Protocol, Yemen hosts the world’s second largest Somali refugee population, some 250,000 people. Refugee movements from Somalia to Yemen have been taking place since the 1980s. They continued following the outbreak of civil war in Somalia, with many fleeing generalized violence and individualized fear of persecution in addition to the consequences of drought and a lack of livelihood opportunities. “An increasing number of Somali refugees have been approaching us for help to return home. After years of life in exile, the decision to return is a difficult one to make but given prevailing conflict, insecurity and deteriorating humanitarian conditions in Yemen many tell us they are ready to go back and are hopeful about the future,” said Gwendoline Mensah, UNHCR’s Assistant Representative in Yemen. Thirty-seven organized departures have now taken place from Yemen to Somalia since the ASR programme commenced two years ago. The program is facilitated by UNHCR in cooperation with humanitarian partners and authorities in Yemen and Somalia. Those returning home are assisted by UNHCR and partners, including the International Organization for Migration (IOM). They are helped with documentation, transportation and financial support in Yemen to facilitate the journey, as well as return and reintegration assistance in Somalia. Distributed by APO Group on behalf of United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Qaran News