-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Khudbad ka jeedinayay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah. Ugu horeyn Madaxweyne Deni oo ka hadlayey Doorashadii dhawaan ka dhacday Kismaayo ee dib loogu soo doortay Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu si dhow ula socday Doorashadaas. Wuxuu sheegay in Doorashadii Kismaayo ka dhacday ay aheyd mid xalaal ah oo loo maray wadada Dastuurka Dowladda Soomaaliya iyo midka Maamulka Jubbaland. “Wixii halkaan ka dhacay si dhow baan ula soconay, waa doorasho hufan oo xalaal ah, oo runtii haboon in laga soo qeybgalo caleema saarka” ayuu yiri Deni. Wuxuu ugu baaqay dadka aan ku qanacsaneyn doorashada Jubbaland in laga wada hadlo doorashadii dhacday lagana heshiiyo. Wuxuu xubnaha mucaaradka iyo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya isla markaasna wax walba wada hadal lagu dhameeyo. Mar uu soo hadal qaaday doorashada 2021 ayuu sheegay inay Puntland tahay hooyada Ummadda Soomaaliyeed iyadana ay tahay in lagala tashto doorashada dalka ka dhaceyso. Wuxuu sheegay inay Puntland dhar sano sheegeysay inay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah marka dambana la qaban jiray mid Baarlamaan sidaas darteed wuxuu xusay inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah. Ugu dambeyntii madaxdii hore ee dalka soo maray ayuu uga mahad celiyey heerarkii kala duwaan oo ay dalka kasoo bixiyeen, wuxuuna si gaar ah ugu amaanay Shiikh Shariif Shiikh Axmed inuu dalka kasoo saaray marxaladdii kumeel gaarka aheyd. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maamulka Ahlu Sunna ayaa qaadacay guddiga farsamada ee dowladda federaalka ay u soo magacaawday dhismaha iyo qaban qaabinta doorashooyin Baarlamaanka iyo madaxweynaha ee dowlad gobaleedka Galmudug. Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska madaxa Xukuumadda dowlad gobaleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in hannaanka dowladdu ay guddigan u magacaawday uu yahay mid Khilaafsan heshiiskii dhex maray dowladda federaalka ah, dowlad gobaleedka Galmudug iyo xataa dastuurka federaalka ah iyo midka Galmudug Haddaba Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT- Mexico)-Doon yar oo siday Tahriibayaal Afrikan ah ayaa ku degtay xeebaha Koonfurta Mexico, taas oo ay ku dhinteen laba qof halka kuwo kalena la yahay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dawaddu. Doontan ayaa maraysay xadka gobolka Koonfurta dalkaasi ku yaala ee Chiapas halkaas oo ay dhinac u ciirtay. Waxaana shilkaasi doonta Tahriibayaasha siday maydkiisa la helay wiil da’diisu tahay 39-jir, halka maydkii labaad laga helay meel u jirta boqolaal mitir halkii ay doontu ku dhacday. Sidoo kale waxa ay wararku intaa ku darayaan in kooxaha gurmadku ay ee baadigoobka ugu jiray dadkii saarnaa doonta ay soo samatabixiyeen sideed kale oo Tahriibayaal ah oo nool, sida uu sheegtay xafiiska da’wad oogaha ee dalkaasi Mexico. Dhamaan Tahriibayaashan doontu la dagtay ayaa la ogaaday inay ka yimaadeen dalka Cameroon oo ah dal ay mudooyinkii u dambaysay sii kordhaysay khilaafka dhinaca bulshada ku kala hadasha Faransiiska iyo Ingiriisiga ee dalkaasi ku dhaqan. Gobolkan Chiapas ayaa isaguna noqday mudooyinkii u dambeeyey marinka Mexico ay uga gudbaan Tahriibayaashu dalka Maraykanka. Source
-
Millatariga Turkiga iyo maleeshiyo Suuriyaan ah ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada Raas- Al-Ceyn ee dhacda waqooyiga galbeed ee Suuriya, sida uu sheegay sargaal ka tirsan dowlada Turkiga. Weerarka Turkiga ku qaaday Suuriya ayaa galay maalintii afaraad iyadoo looga gol leeyahay in maleeshiyada Kurdiyiinta ee YPG in looga saaro deegaanada ay kaga sugan tahay xadka Turkiga uu la leeyahay Suuriya. Dhanka kale maleeshiyada YPG ayaa beenisay in aroornimada saaka oo sabti lagala wareegay gacan ku heynta magaalada Raas Al-Ceyn. Si kastaba ha ahaatee dagaalada xoogan ee ka socda gobolka Idlib ayaa waxaa ku barakacay kumanaan qoys oo u badan caruur iyo Haween. Source
-
Qaar ka mid murashaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha dowlag gobaleedka Galmudug ayaa si wadajir ah uga soo horjestay magacaabista guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ah luguna magacaabay xubnaha guddigaas. Musharx Cabdiraxmaan Maxamed Odawa iyo Murashax Kamaal guutaale ayaa qoraal si wadajir ah ay u soo saaray ayaa sheegay in hanaanka loo maray soo magacaabista guddiga ay tahay mid hareer marsan dastuurka Galmudug iyo shuruucda dalka u yaalla. Haddaba Akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynihi hore ee Puntland hadda ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay ka qeybgalka Xafladda Caleema saarka ee Madaxweyne Axmed Madoobe. Faroole ayaa sheegay inuu yahay nin ka war qabo marxalidihii ay soo martay Jubbaland, wuxuuna sheegay inay Dowladda Soomaaliya ka baxday heshiisyo ay la galeen Axmed Madoobe oo uu ugu dambeeyey midkii ay soo saxiixeen Ra’isulwasaare Kheyre iyo Taliyaha Nabadsugidda Fahad Yaasiin. Faroole ayaa madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu dib u heshiisiin qabto ka hor inta uusan xilka ka tagin, taas haddii laga waayana ay noqon doonto inay inta kale isaga u heshiiyaan. “Inta aadan tagin dib u heshiisiin sameey, haddii aadan heshiisiin, inta kalaa heshiinaya ama adiga ayay ku heshiinayaan” ayuu yiri Faroole. Faroole ayaa sheegay in ficilada maanta ay waddo dowladda Soomaaliya ay yihiin burburin iyo kala qeybin. Dowladda ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo Nidadaamka Federaalka, islamarkaana aan la hor istaagi karin heshiiska ay gaareen bulshada Soomaaliyeed. “Ficilka maanta socda waa burburin marka waxaana ugu baaqaynaa Madaxweynaha dib u heshisiiniin”ayuu yiri Senetor Faroole. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha aqlabiyada barlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeyb galay xaflada caleemo saarka madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe. Aadan Barre Ducaale ayaa xaflada caleemo saarka kasii daayay farriinta dowladda Kenya, wuxuuna sheegay dowladda Kenya inay si dhow ula shaqeyndoonto madaxweynaha Jubbaland iyo maamulkiisa. Ducaale ayaa caddeeyay danaha dowladda Kenya ee Soomaalia inuu yahay in Soomaaliya hesho xasilooni iyo midnimo, maalintii intaas la helana ay ciidamadooda kala bixidoonaan. Marka uu ka hadlayay sababta dowladda Kenya ahmiyada gaarka ah usiisay dowlad goboleedka Jubbaland, wuxuu sheegay amniga dalkiisa inuu ku xiran yahay amniga Jubbaland. Wafdiga Kenya ayaa dib uga laabtay Kismaayo, marka ay dhameysteen hadal jeedintooda, waxayna madaxweynaha Jubbaland gaarsiiyeen salaan uga timid madaxda Kenya. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo sheegtay inay si dhow ula shaqeyndoonto Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Xisbiga Wadajir oo ka hadlayey Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inay Dowladda soo xiri doonto Alabaabka Nabadda haddii aysan qaban Doorasho marka ay dhamaato waqtiga Dowladda. ” Dhibaatada ay Dowladda Soomaaliya ka geysaneyso dalka waxaa kaliya looga aamusan yahay inay dalka ka dhici doonto Doorasho, haddii ay taas Dowladda sameyn weysana iyadaa soo xirtay Albaabka Nabadda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka xishoon waayey waxyaabo ay ka xishoon jireen jabhadihii dalka soo maray kadib burburkii Dowladdii Maxamed Siyaaad Barre isla markaasna uu xayiraad saaray Magaalada Kismaayo. Sidoo kale Cabdiraxmaan oo sheegay inuu kaftamayo ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kasoo xirmatay inuu Ciidamo duulaan ku ah Soomaaliya uu kasoo helo Ra’isulwasaaraha Itoobiya maadama uu sheegay in dhawaan la guddoon siiyey Nobel Peace Prize taasina ay u diideyso inuu ka qeybqaato colaadaha. Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale dadkii Xafladda kasoo qeybgalay ka codsaday inay ka wada qeyb qaataan sidii Galmudug ay uga dhici laheyd Doorasho xor iyo Xalaal ah oo raali ka yihiin dadka Deegaanka. Wuxuu sheegay inaysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta aysan xaq u laheyn inay soo magacowdo guddiga Farsamada ee Doorashada Galmudug taasina ay tahay wixii ay ku kala tageen Dowladda Dhexe iyo Maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay howlgallo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ciidanku ka wadaan deegaano u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Saraakiisha hoggaamineysa baaritaanadan ayaa sheegay in u jeedka u yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga waddada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh/Dhexe. Sidoo kale howlgalladan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay saraakiil ka tirsanaa HirShabelle lagu dilay nawaaxiga magaala madaxda HrShabelle ee Jowhar. View the full article
-
CAPE TOWN – Rich in hydrocarbons and possessing a favorable geological structure, Somalia holds huge opportunities for investors looking to enter the East African market, said the country’s Minister of Petroleum and Mineral Resources, Hon. Abdirashid Mohamed Ahmed at the Africa Oil & Power conference. “Nowhere is the contribution that the energy industry can make to civil society and economic development greater than in Somalia,” he said, noting that the sector has the potential to greatly enhance stability and economic development. On its path to transforming its petroleum industry and attract the attention of new investors, Somalia has made significant progress in recent years. This year, the country passed a new petroleum law which enabled it to make progress in exploration and development, and attract interest from oil and gas majors ExxonMobil and Shell. “My ministry worked successfully with the six federal member states to develop an equitable and transparent framework for development, focused on the greater good of Somalia and all its people, whilst ensuring that we are highly competitive internationally to attract investment by delivering returns that are consistent with the risks and rewards of developing our off-shore industry,” said the minister Eager to demonstrate to the world that Somalia is open for business, the minister said the country is currently on an international roadshow which will showcase the exploration opportunities available in its hydrocarbons sector. “This includes seismic data recently shot by Spectrum covering 20,185 km. The current licensing round is in respect of up to 15 blocks, covering a total area of approximately 7,500 square miles. The bid round will follow shortly after to ensure that the world knows: Somalia is open for business.” Minister Ahmed also spoke on the attractiveness of the country’s production sharing agreement (PSA) model for offshore oil exploration and development – regarding it as being amongst the most attractive to investors in the frontier basins. The PSA provides a highly attractive regulatory fiscal framework that is both competitive and equitable for both the people of Somalia and international oil companies (IOC). “By equitably linking of royalties and share of revenue closely to the price of oil, the Somalia PSA ensures that IOCs can recover their up-front development costs and earn a fair share profit even if oil prices fall, whilst maximizing the profit going to the Somalian people,” the minister explained. Source: Worldoil.com
-
Taliska 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka oo Fulinaya Qorshaha Xukuumada ee Ku Saleysan Bixinta Xuquuqda Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Maanta Bilaabay Wajiga Koowaad ee Nidaamka Dhaxal Koobka kaa oo Suurta Galinaya in Agoonta Waalidkooda Ku waayay Difaaca Dalka la siiyo Xuquuqdoodi. Abaanduulaha Qaybta 21-aad G/Le Aadan Siyaad Cabdi ayaa magaalada Cadaado ka Daah Furay Howshan waxaana Goob joog ka ah Saraakiil Sare oo ka Tirsan Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Gaar ahaan Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Q,27-aad Dhamme Maxamed Amiin Aadan iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidanka Dhamme Maxamed C/Qaadir Maxamed oo Howlo Shaqo u Jooga Xarunta Taliska 21-aad ee Magaalada Cadaado. Dowlada Soomaaliyeed oo Ahmiyad gaara siineysa Dhismaha Ciidanka Qalabka Sida ayaa Meel wanaagsan Marineysa Hab raaca Diiwaan Galinta Ciidanka iyadoo Bixinta Xuquuqda Agoonta Ciidanka ay Qayb muhiima ka Tahay Qorshaha Bixinta Xuquuqaadka Ciidanka oo ay Dowladdu Ku Guuleysatey. View the full article
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Alpha Group lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho. Qarax oo aha nooca miinada ayaa ciidamadan oo watay gaari Cabdi Bile ah ah lagula eegtay deegaanka Jasiira, sida au Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka auaa sheegaya in ciidamada la qarixyey ay ka soo ambabaxeen deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuna soo jeedeen Muqdisho. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahisay baraheeda Internet-ka. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi lagu dilay illaa shan askari oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo la xariira qaraxaasi miino. View the full article
-
By: Abdi Sheikh The Somali government is keeping some donor funds offshore and none of the ministries have completed last year’s accounts, the auditor general said in a report published on Wednesday. The critical audit comes as World Bank considers forgiving Somalia’s debt burden of $4.6 billion to help the government win greater access to international financing to tackle nearly three decades of lawlessness and violence. The report said $18 million from the European Union, Saudi Arabia and the United Nations did not pass through the treasury’s account at the central bank. Some of the money was kept in offshore accounts with weaker controls. Turkey gave Somalia $20 million in cash, but there was no independent audit trail for it, the report said. “There is a risk that external assistance from Turkey was not banked intact in the Treasury single account in a timely manner,” it read. The police and military – in the frontline of the fight against an al Qaeda-linked al Shabaab insurgency – still have no system to account for vehicles, weapons, and uniforms, according to a more detailed audit of the security sector, also published on Wednesday. Some food provided to soldiers through a government contract had expired and it was still unclear how many soldiers are actually in the army, that audit said, flagging a long-running problem donors have tried to address with a biometric database. Some donors pay monthly stipends to troops listed in their database because the soldiers’ government paychecks often do not arrive. The Somali government, which has no database of its own, also continues to say it has more soldiers than the donors have documented. About 99% of soldiers are paid in cash, the report found. “The lack of a computerized database increases the risk of “ghost personnel” being included in the payroll,” the audit noted. Jarat Chopra, a former World Bank official who worked on Somalia, said the audit showed that Somali financial systems remained weak despite pressure on donors to funnel more money through the government budget. “On-budget support by itself as a means to improve accountability doesn’t work,” he said. “Just because you put money through systems doesn’t mean you improve those systems.” The finance minister did not immediately respond to requests for comment. Source: Reuters
-
A delegation led by the majority leader of Kenyan parliament, Aden Bare Duale has arrived in Kismayo, the administrative capital of Jubbaland state of Somalia on Saturday. Members of parliament from Kenyan-Somalis mainly from the North Eastern are part of the officials from a neighboring state who accompanied Aden Duale. Mr. Duale and his delegation were welcomed by the Jubbaland regional leader, Ahmed Mohamed Islam upon arrival at Sayyid Mohamed Abdulle Hassan International Airport in Kismayo. During their stay, they will take part in the inauguration ceremony of the state President whose election results were rejected by the Federal government of Somalia. The plane transiting the officials landed in Kismayo direct from Kenyan capital without stopover at Aden Abdulle International airport in Mogadishu as per the requirement of the Somali civil aviation authority directive issued to airlines on Friday. Somali government filed a complaint against Nairobi last week with an international civil aviation organization (ICAO) following a violation of its airspace by a Kenyan register Fokker aircraft that breached civil aviation rules. The diplomatic relations between the Mogadishu and Nairobi is not good shape over the maritime dispute that is currently at ICJ since 2014. Attempts by Kenya to convince Somalia to settle the case out of court was not successful. View the full article
-
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu horkacayey ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/Hoose. Wafdigan oo watay diyaarad qaas ah ayaa ka soo duulay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta, iyaga oo si toos ah uga dagay garoonka Kismaayo, xilli markale dowladda Somalia ay xalay xayiraaraad ku soo rogtay duulimaadyada tooska ah ee magaaladaasi. Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland ayaa xubnaha ka socda Kenya ku soo dhoweeyey halkaasi, iyaga oo ka qeyb galaya caleema saarkiisa oo haatan socota. Waa markii labaad oo ay Kenya jabineyso xayiraada ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saartay hawada Kismaayo, iyadoona horay dowladdu ugu dacweysay hay’adda ICAO ee QM, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay ka dagtay Kismaayo. Dhinaca kale, xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyey Kenya. Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyey Shabellle ayaa sheegay in Kenya ay si gar darro ah ugu soo xadgubudtay hawada iyo badda Soomaaliya. Waxa kale uu sheegay Xildhibaanku, haddii ay Soomaaliya lahaan laheyd cududii Milatari ee xilligii bariisamaadka aysan ku soo xadgubi laheyn Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn Xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay isku qaldeyso xisbiga tallada dalkaasi haya ee Jubbalii iyo Jubbaland, islamarkaana waxa ay doonto ka sameysaneyso gudaha magaalada Kismaayo. Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore isku hayey arrinta Badda ee dacwadeedu taallo Maxkamadda ICJ, ayaa waxaa hadda xiisada sare u sii qaaday caleema saarka, Axmed Madoobe oo ay horay dowladdu u qaadacday doorashadii dib loogu doortay. View the full article
-
The United States Agency for International Development (USAID) announced on Friday nearly $50 million in education funding in Somalia. In a statement, the U.S. embassy in the Somali capital of Mogadishu said the five-year program “aims to increase access to quality education and support accelerated learning for out-of-school children and youth who have been persistently left behind.” Dubbed “Bar Ama Baro”, or Teach or Learn, the program brings funding for Somali education by USAID to $65 million. “USAID is currently supporting a $10 million project implemented by UNICEF and a $5 million contribution to the Girls’ Education Challenge program managed by the United Kingdom’s Department for International Development,” the statement added. Somalia welcomed the announcement, saying: “More goodies & goodwill when governance is well driven.” Norway helps Somalia clear external debt Norway also stepped in to help Mogadishu clear its external debt by promising to provide Somalia 3.135 billion Norwegian Krones (roughly $329 million) in form of a bridging loan. “#Somalia is an important partner country for #Norway. Debt relief is essential if Somalia is to continue its stabilization & reform efforts. This is why Norway will provide a bridging loan of NOK 3,135 billion,” the country’s embassy to Somalia said on Twitter. Norwegian Minister of Foreign Affairs Ine Eriksen Soreide said the loan would be an important contribution to promoting reform and stabilization in Somalia. A third of Somalia’s debt is owed to the multilateral development banks including the World Bank and African Development Bank as well as the International Monetary Fund (IMF). View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Maamulka Ahlu Sunna ayaa si cad uga hor imaaday Guddiga Farsamada ee Doorashada Galmudug ee dhawaan ay ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya. Waraaq kasoo baxday Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in magacaabista guddigaan ay baalmarsan tahay Dasuurka Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan qodobada 120 iyo 121, iyo midka Maamulka Galmudug gaar ahaan qodobkiisa 29-aad faraqiisa 4-aad kuwaas oo si cad u sheegayo in Galmudug ay xaq u leedahay ka tashiga aayaheeda iyo dhismaha maamulkeeda. Sidoo kale Shiikh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in magacaabista guddigaan ay baalmarsan tahay heshiiskii dhex maray Ahlu Sunna iyo Dowladda Soomaaliya 03/07/2019. Ugu dambeyntii Shiikh Maxamed Shaakir ayaa ka codsaday Dowladda Soomaaliya inaysan sabab u noqon qalalaase Siyaasadeed iyo inay mar kale Galmudug burburto. Hadalka kasoo baxay Ahlu Sunna ayaa kusoo aadayo xilli qaar ka tirsan Musharixiinta Galmudug ay ka hor imaadeen guddigii ay magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyagoo sheegay inuu baalmarsan yahay Dastuurka Dalka u yaalo. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Ahlu Sunna
-
Popular Contributors
