Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (HOL) - Jubbaland president Ahmed Madobe has said he is ready for talks with the Federal Government noting he is not opposed to President Mohamed Farmaajo and Prime Minister Hassan Khaire. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-12102019.mp3 View the full article
  3. Taliska Booliska Kenya ayaa qoray in ay weerar mini lagu dilay dhowr Qof oo ka tirsan Booliska Kenya xili ay howlgal shaqo oo ay ku [...] Source
  4. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo Khudbad ka jeediyay Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah. Waxaa uu sheegay in dowladdii uu ka ahaa Wasiirka Warfaafinta sababaha ugu badan ee dhibaatadda u keenay ay tahay in aysan aqoonin tanaasul. Waxaa uu sheegay in maanta la jooggo xilli Madaxda dowladda ay u dhaqmi lahaayeen Wanaajinta Hanaanka dowladnimada iyo isku keenida Bulshada Soomaaliyeed. ”Soomaaliyay waad xasuusan doontaane dowladeena Wadahadal ma taqaano, waxay taqaanaa in la daba kaco ama in ay dadka ka adkaato, dadka Soomaaliyeed dabcikooduna waa in la wadahadlo oo la isku tanaasulo oo la is qaato, marka waxaa haboon dadka Soomaaliyeed waxay rabeen in dowladdu la rabto” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay Isbedelka la rajeynaayo in uu ka dhaco Soomaaliya, maadaama dowladda Waqtigeeda uu gabaabsi yahay. “Marar badan waxaa laga hadlaa Hanaanka la rabo in wax isku badalaan, maadaama dowladda Waqtigeeda uu sii dhamaanaayo dhibaatooyinka xoogoodu waxay ka yimaadeen dad raba sidda ay ku yimaadeen si aan aheyn in ay ku jooggaan ama Al-baabkii ay kasoo galeen la xiro oo aan dib loo furin, Al-baabkaasi hadii uusan furnaanin darbi kale ayaa duma marka waxaa la rabaa Cida hoolka timaada in ay ogaato hanaankii ay ku timid” ayuu Mar kale yiri Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  5. Desert Locust has threatened eastern part of Ethiopia and destroyed grass and shrubs in country’s Somali and Afar regional states, the Ethiopian Ministry of Agriculture has disclosed Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta lagu Caleemo saaray Munaasabad weyn oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin kala duwan iyo boqolaal dadweynaha ree Jubbaland ah. Madaxweynaha oo Munaasabadan khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay dhinacyo kala duwan isagoo ugu horayn ka hadlay xaalada Dowlad Goboleedka Jubbaland wuxuu sheegay in doorashadii kadib ay Socdaan dadaalo lagu xalinayo wixii tabashooyin ah ee jira albaabaduna ay u furan yihiin dhamaan dadka ree Jubbaland. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in uu xooga saari doono xoraynta deegaanada maqan iyo daadajinta maamulka si shacabku ay lahaansho u dareemaan waxaa uu intaas ku daray in taasi ay wadada u xaarayso afar sano oo hormar iyo nabadgalyo ah oo dadka ree Jubbaland ay sugayaan. Arimaha amaanka ayuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga shaqeeyo nabadgalyada oo ah waxa ugu muhiimsan isla markana dagaalka Al-Shabaab la xoojiyo si ay u hirgalaan qorshayaasha Dowladnimo iyo dib u dhiska dalka. Isagoo ka hadlayay Madaxweynahu midnimada iyo wadajirka umada wuxuu sheegay in taako kamid ah Dhulka Soomaaliya aanay cidina qaadan Karin isla markana wararka Bulshada lagu beer laxowsanayo ay yihiin kuwo aan mara niyad jabinaynin Shacabka Soomaaliyeed Midnimadooda iyo wax wada qabsigooduna uu sii jirayo. Dowlada Federaalka ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay waalidkii Dowladaha xubnaha ka ahna ay yihiin garbahii ama Caruurtii loona baahan yahay in ay is kaashadan oo si wadajir ah danaha Qaranka uga shaqeeyaan wuxuu Madaxweynahu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay wax walba oo khilaafadka jira xal lagaga gaarayo. Waxaa uu Madaxweynahu sheegay in hanaanka dhamaystirka Dastuurka uu wado khaldan ku socdo ilaa hadana aan la ogayn cida hagaysa mar hadii ay ka maqan yihiin Dowlad Goboleedyada wuxuu sheegay in loo bahan yahay in laga wada hadlo oo laga heshiiyo maadama uu masiirka dalka yahay. Arimaha Doorashooyinka 2020ka ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in wakhtigooda ay ku dhacaan si Nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah si taas loo gaarana ay muhiim tahay in talaabooyin hore hada la qaado oo fursadahaas saamaxaya. Ciidamada AMISOM ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay sida ay uga go’an tahay dadaalkooda Nabad dhalinta Soomaaliya balse loo baahan yahay in wakhti cayiman ay noqoto shaqadoodu si ay dalalkooda iyo qoysaskooda dib ugu laabtaan taas si loo helana ay tahay in shaqo adag ay hada qabtaan oo sidoo kale la dhiso Ciidamada Soomaaliya. Barnaamijka dayn cafinta ayuu Madaxweynahu sheegay in qof walba oo Soomaali ah looga baahan yahay in uu u arko arin mudnaan leh oo la inooga baahan yahay balse marka hore laga fikiro deeqaha ay Dowlada Federaalka ah ka hesho caalamka ma u maaraysaa sidii la rabay waxaa Madaxweynahu uu Caalamka ugu baaqay in isla xisaabtan laga yeesho kaalmada Soomaaliya la siiyo si dayn cafintu u noqoto mid Shacabka Soomaaliyeed faa’iido u leh. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo ballan-qaadyo ka sameeyay munaasabadii caleema-saarkiisa appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho-(Caasimada Online) – War ka soo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyo ka kala dhacay duleedka magaalooyinka Wanllaweyn iyo Balcad oo ka kala tirsan gobolada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose lagu dilay ciidamo ka kala tirsanaa dowladda federaalka iyo maamulka Hir-Shabeelle. Qaraxa koowaad oo ka dhacay meel duleedka ka ah degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa Al-Shabaab waxay war kooda ku sheegteen in ay ku dileen ilaa Afar askari oo ka tirsanaa ciidamo ay sheegeen in ay ka soo baxeen saldhigga Ballidoogle, sidoo kalana qaraxaas lagu dhaawacay 10 askari oo kale sida lagu sheegay warka ka soo baxay Ururka Al-Shabaab. Si gaar ah warka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamada oo watay gadiid tikniko ah oo aad u xoogan ay marayeen kolkii ay qaraxyada la beegsanayeen deegaanka Warmaxan oo dhaca duleedka degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose. Dhanka kale qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad ee Shabeellada Dhexe ayaa waxa ay war kooda ku sgheegteen Al-Shabaab in ay la beegsadeen gaari Cabdi-bile ah oo ay wateen askar ka tirsan ciidamada maamulka Hir-Shabeelle. Qaraxa oo sida ay warkooda ku sheegeen Al-Shabaab ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi-bile ah, iyagoo sheegtay in ay dhaawacyo kala duwan ku gaar siiyeen ilaa Afar askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Hir-Shabeelle. Sheegada Al-Shabaab ee labadaas qarax ayaa ku soo aadeysa iyagoo galinkii dambe ee shalay dagaal ay ciidamo ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle kula galeen duleedka magaalada Jowhar ay ku dileen ilaa shan askari iyo taliyihii ilaalada khaaska ah ee madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. The Arab League on Saturday condemned Turkey’s incursion in north-east Syria and warned of retaliatory measures unless Turkish troops withdrew from Syrian territory. Source: Hiiraan Online
  9. Kismaayo (Caasimadda Online) – Muuse Suudi Yalaxow oo ka mida senatoorada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyey xafladda caleemo-saarka Axmed Madoobe ee magaalada Kismaayo. Wuxuu sheegay in doorashadii Axmed Madoobe ay ahayd wixii la sameyn karay oo aysan fileyn mid ka fiican inay ka dhacdo, wuxuuna u hambalyeeyay Axmed Madoobe isagoo dhinaca kale dhaliil u jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya oo uu sheegay inuusan jirin heshiis kala oo laga raaadinayo. “Heshiis hadda kaddib Farmaajo ku dhiman oo laga raadinayo ma jiro, Farmaajo waxaa labada lugood mid ka heysata Puntland, midda kalena Jubbaland, gacanta midig Galmudug ayuu ku heystaa, waxaa u soo haray Calool iyo Af iyo Gacan bidix oo wax lagu cuni karin, intaasna lalama shaqeyn karo..” ayuu yiri Muuse Suudi oo khudbadiisa ay sacab badan soo jiidatay. Wuxuu sheegay in Farmaajo aanay jirin Qof uu rabo, balse uu adeegsado dad uu sheegay inuu ka dhex hadlo qof walibana uu u adeegsado Qabiilkeeda. “Farmaajo lama maqlo waa is qariya, dadka uu ka dhex hadlaayana waan ognahay hadalkooda ayaa laga gartaa” ayuu yiri Muuse Suudi. Isagoo ka hadlayay amarrada ka soo baxa dowladda Federaalka ayuu sheegay inuu soo wada saaro Madaxweyne Farmaajo loona dhiibo wasiirada, wuxuuna yiri: “Waxaan Codsanaa in la Tashado , Dalka Ceel ayuu ku dhacay , amar walba ee soo baxa waxaa soo saara Farmaajo, amarkiisa ayay wax walba ku dhacaan ” Xafladda caleemo saarka Axmed Madoobe waxaa ku dhammaa mucaaradka Madaxda dowladda Federaalka iyo wafdi ka socday dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. The Minnesota chapter of the Council on American-Islamic Relations on Friday condemned President Donald Trump for targeting the state’s Somali community during his Thursday night rally at the Target Center. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (SMN) – Nabadoon Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah wax garadka beesha Xasan Samadoorte ee Ceyr ayaa eedeyn culus u jeediyey xubno ka tirsan beeshaasi oo uu sheegay in ay ku kaceen dhacdooyin la yaab leh. Nabadoonka oo la hadlay Shabelle ayaa xusay in xubnahaasi oo ay gadaal ka riixayaan ganacsato ay ku howlan yihiin kala qeybinta beesha. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Jufo ka mid ah beel weynta Xasan Samadoorte ay ka saaareen beeshaas, sida ay iyagu sheegteen. Waxa kale uu ku eedeyey xubnahan in ay ku howlan yihiin caleema saarka nabadoon been abuur ah. Ugu dambeyn, Nabadoon Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay beesha Xasan Samadoorte iyo beel weynta Ceyr inay ka hortagaan talloobiyinkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Nabadoon-Cabdiraxmaan-shiikh-maxamuud-sax.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa dib ugu soo laabtay dalka ka dib safar labo maalmood ah oo ay ku tageen magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga uu hogaaminaayey ayaa dalka Itoobiya kula soo kulmay qaar kamid ah Madaxda dalalka Africa,Madaxweynaha ayaa madaxdii uu la kulmay u sheegay in dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay kula tartamaan dalalka Gobolka horumarka iyo wax wada-qabsiga, isagoona adkeeyey in ilaalinta daris wanaagga ay fure u tahay xoojinta xiriirrada laba geesoodka ah. View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Hbeen-12102019.mp3 View the full article
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan barre Ducaale oo ka mid ah Xildhibaanada ka socda dowladda Kenya ee ka qeyb galaya Xafladda caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedyadda Jubbaland ayaa sheegay in Dowladda Kenya iyo Jubbaland uu ka dhaxeeyo xiriir gaar ah. Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya iyo Jubbaland ay ka wada shaqeeyaan Ammaanka Xadka ay wadaaggaan labada dhinac, ayna Jubbaland muhiim u tahay ammaanka guud ee Kenya. Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in dowladda Kenya ay hambalyo u dirayso Madaxweynaha dowlad goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo si wanaagsan uga shaqeeyay Ammaanka Xadka Jubbaland iyo Kenya. ”Jubbaland iyo dowladda Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo aad u wanaagsan oo ku aadan wada shaqeynta dhanka Ammaanka, waxaana hambalyo u diraynaa Madaxweynaha Jubbaland” ayuu yiri Aadan Barre Ducaalle. “Danta Kenya waa mid amni, danteena Jubalanda waa mid Kenya, sababtoo ah amniga Jubaland ayaa ku xiran amniga Kenya.” ayuu yiri Aadan Ducaale. Waxa uu sidoo kale sheegay inay qalad tahay in ciidamada Kenya kaliya farta lagu godo, ayada oo Soomaaliya ay joogaan ciidamo kale oo Afrikan ah. “Annaga wax dan ah kama lahin Soomaaliya, marka laga reebo inay noqoto meel amni ah oo horumarsan. Soomaaliya waxaa jooga ciidamo badan oo Afrikan ah, maxaa kuwa Kenya kaliya farta loogu fiiqaa, naga daaya cunsuriyeynta.” ayuu yiiri Aadan Barre. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  15. Kismaayo (Caasimadda Online) – Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari oo khudbad ka jeedinayey Xafladda Caleemka saarka Madaxweyne Axmeed Madoobe ayaa sheegay in ka qeyb galkiisa caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland uu yahay waajibka saaran Aqalka Sare ee matala dowlad goboleedyada. Abshir Bukhaari ayaa tilmaamay inuu aad usoo dhaweenayo doorashadii ka dhacday Kismaayo taasoo uu ku sheegay inay aheyd mid Sharci ah oo loo maray Dastuurka dalka iyo midka Maamulka Jubbaland. Abshir Bukhaari ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu tanaasul la yimaado, isagoo xusuusiyay mid ka mid ah halku dhigyadii Xisbigiisa Tayo ee uu doorashada ku galay oo ahaa Tanaasul. Abshir Bukhaari ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka taagan ay sabab u tahay Dastuurka oo aan la dhameystiran wuxuuna yiri: ” Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada waxaa laga rabaa in ay u istaagaan dhameystirka Dastuurka, oo aan Cidna lagu halleyn” . Mar uu Abshir Bukhaari ka hadlayey xayiraadii la saaray Shiikh Shariif mar uu doonayey inuu aado Kismaayo ayaa yiri : “Shiikh Shariif in la Celiyo oo uusan dagaalamin hadana dacwo uu furto waxa ay na tusinaysaa sida loo bislaaday iyo inaan sharciga laga weyneyn”. Abshir Bukhaari ayaa kamid ahaa madax badan oo Maanta khudbado xasaasi ah ka jeediyey Xafladdii lagu caleema saarayey madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Qore: Tarabi Jama Saturday, October 12, 2019 Maxay ka dhigan tahay abaalmarinta Nobel Peace Prize (Oslo, Norway) ee Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Dr. Abiy Ahmed ku guulaystay? [...] Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID Oo Ka digay Xubin Madaxweyne Biixi Soo Wado Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu la yimaado sifooyinka hogaamiyaha muuminka ah, isla markaana uu dulqaad muujiyo, sida ugu haboona uu wax uga qabto arinta Ceel-afweyn. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii dhawaan dhexmaray Madaxweynaha iyo Odayaasha Beesha West Burco Clan, waxaanu ugu horeyn yidhi “Madaxweynuhu wuxuu Burco ka yidhi hashu maankeyga gaddaye ma masaar bey liqday waxaan leeyahay Madaxweyne adiga ayaa maanta garbaha ku sita masaarkii, maxaa yeelay Waayeel ma dhaafan ah, Madax-dhaqameed iyo Odayaal ayaa ku yimid, wey ku xog warameen, adiguna wax baad tidhi, laakiin Taliye iyo Ciidankiisu ma kala hadhi karaan, oo lama kala saamixi karo,ee Madaxweyne waayeelka ma dhaafkanka ah ee walib abtiyaashaa ah wanaaga ay muujiyeen iyo duurxulka maad garan, ee dhinac kale ayaad u kacday, iyaguna si duurxula ayey wax kugu sheegeen, waxay ahayd inaad fahanto oo arinta ay kula yimaadeen aad tixgeliso, maantana Odayaashaasi Waayeelka ah ee Salaadiinta iyo Wax-garadka iskugu jira ee abtiyaashi ahi go’aankii aad ku adkaysatay ayey kula qaateen, waana u mahadnaqayaa, dabcan waxayna garwaaqsadeen in is adkayn ka soo socoto mooye, aanu tanaasul iyo dabacsanaan dambe aanay kala kulmayn, balse qofka muuminka ah waxaa laga rabaa inuu ku sifoobo afar sifo oo kala ah dulqaad, deeqsnimo, weji furnaan iyo Samir, hogaamiyaha muuminka ahna waa inuu afartan sifo yeesha, laakiin adigu hore ayaad u tidhi dulqaadku waa doqonimo, sidaas oo ay tahayna Madaxweyne is adkaynta iska daa, oo ku dadaal inaad sifooyinka hogaamiyaha muuminka ah yeelato” Mar uu ka hadlaayey Ceel-afweyn ayaa yidhi “Somaliland arinta Ceel-afweyn si fiican ha ugu gurmato, Madaxweynuhuna karaamadii Shacabka ayuu huwan yahay, ee haddii uu dhawri waayo isaga iyo cidla ayaa is leh, Somaliland haddii la isleeyahay Ceel-afweyn ayey wax ka dhacayaan, meeshii ina buktaba waa nabar, aniguna ma aaminsani inuu jiro heshiis dhamaystiran inuu halkaas ka dhacay, rajadisana soo laabi maayo, oo Somaliland samir ayey heerkaas ku soo gaadhay,arinkaas Ceel-afweyn in badan buu inagu rafanayey ee inay Somaliland u gurmato ayaa loo baahan yahay, karamaadana Shacabka ayaa leh ee Madaxweynuhu inuu dhawro ayaan kula talinayaa, nabadu ma laangadhayso ee laba lugood oo ay isku taagto ayey leedahay, ee Madaxweynuhu nabad laangadhaysa ayuu ka taliyey, ee Odayaash ayuun buu fadhiga kaga kacaayey, ee imikana waxa laga rabaa inuu masuuliyadiisa iyo waajibka ka saaran uu ka guto, wuxuu ku balanqaaday ee ku waajahan Ceel-afweyna uu dhamaystiro” Source
  19. (SLT-Kismaayo)-Masuul ka Tirsan Kulmiyea ayaa ka qayb galay Munaasibadda Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo hadda kasocota Xarunta Kismaayo. Maxamed Aadan Ilkacase oo ahaa agaasimihii hore ee Wasaaradda Shaqo galinta iyo arimaha Qoyska ee Xukuumadda Muuse Biixi ayaa kasoo dhex muuqday kuraasta munaasibadda Caleemo saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo kasocota xarunta maamulkaasi ee Kismaayo. Lama garanayo cidda uu ka qayb galkan ku matalayo iyadoo ay Xukuumaddu go’aan ka qaadatay inaan munaasibaddaasi Magaca Somaliland lagaga qayb gali Karin. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay bedeshay safiirkii u joogay caasimadda Somaliland ee Hageysa danjire Shamsudiin Axmed Rooble. Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladda Itoobiya ku xaqiijisay bedelaada diblomaasigan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in diblomaasigan oo muddo 2 bilood ah ka maqan shaqada xafiiskiisa Hargeysa la bedelay, waxaanay wararku sheegeen in la diyaariyay danjira cusub ee Itoobiya u qaabilsanaan doona Hargeysa, kaas oo la filayo inuu dhawaan soo gaadho Somaliland. Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan, ayaanay u suurtogelin. Shaqada xafiiska Itoobiya ee Hargeysa ayaa la sheegay inay si caadi ah u socoto, waxaana sii wada diblomaasi kale oo ku xigeen u ahaa danjire Shamsudiin. Danjire Shamsudiin oo bishii January ee sannadkan la wareegay shaqada xafiiska Itoobiya ay ku leedahay Hargeysa, ayaa wuxuu bedelay Brigader General Berehe Tesfaye oo muddo 10 sannadood ku siman ahaa wakiilka Addis Ababa ee Hargeysa. Danjire Shamsudiin ayaa ka mid ah khubarada wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxaanu hore safiir uga soo noqday dalalka Djibouti iyo Kenya. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), ayaa ku taliyey in xal waara laga gaadho colaada Ceel-afweyn. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumaddii Axmed Siillaanyo Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Cadaawada soo noq-noqotay ee labada reer ee wada degan Ceel-afweyn ee habar lamaan, maaha colaad iyo dagaal imika bilaabmay,cadawada habar lamaan maaha cadaawad la kowsatay caare iyo bixitaankiisa, ee muddo ayey soo socotay, oo labada reer kolba is laynayeen, haddii hore loogu ducayey, oo heshiis loo kala saxeexay, isla markaana labada dhanba la dhaariyey, oo haddana ay soo noqotay cadaawadii, waxaan leeyahay mar walba aynu u ducayno oo qalbibga aynu uga ducayno, dhiigaas daadanayana ee gardarada lagu daadinayo waa dambi aad u weyn, Dawladduna sida ugu dhakhshaha badan xal waara ha ka dhex dhaliso labada reer, labadan reerna si gaar ah waxaan u leeyahay ALLE ka baqa, oo akhiradiina ilaashada” Source
  22. (SLT-Ruwanda)-Haweenay Reer Somaliland Oo Shir Caalami Ah Ka Dalbatay In Dalkeeda La Aqoosado Iyo Madaxweynaha Ruwanda PAUL KAGAME Oo U Jawaabay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Wajaale)-Dil aad u foolxun oo si weyn u ruxay quluubta dadka ku nool Magaalada Wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa Xalay Fiidkii ka dhacay kaasi oo uu u geeriyooday Hal nin halka ay haweenay iyana u dhaawac culusi kasoo gaadhay. Sida Wargeyska Foore warkan ku helnay, Haweenay Reer Somaliland oo mindi ku hubaysan ayaa falkani fulisay, waxaanay goob suuqa Wajaale Badhtankiisa ah la beegsadatay mindi nin iyada hore u qabayay iyo xaas Cusub oo la sheegay inuu wakhtiga Wajaale ku qabay, waxaanay halkaasi qudha kaga jartay sayigeedii iyadoo dhaawacyo culusna u gaysatay haweenayda ay ka hinaastay ee ninkeedu kadaba guursaday. Dadkii shacabka ahaa ee goobta ka agdhawaa ayaa gacanta ku dhiga haweenayda falka gaysatay oo ciidanka u dhiibay, halka meydkii iyo haweenaydii dhaawac ahayd la geeyay Cisbitaalka Wajaale. Ninka dhintay ayaa sida la sheegay kasoo jeeday Deegamada Somaliland halka haweenayda uu ku arooska ahaa ee Cusubi ee dhaawaca loo gaystay ay dhalasho ahaan kasoo jeeday Gobolka Bahardaar ee Maamulka Axmaarada Ethiopa. Source