-
Content Count
215,072 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibad ballaadhan oo Shirkadda Sompower ku qabatay Magaaladda Hargeysa. Munaasibadan oo lagu soo daah-furayey Mashruuca tamarta laydhka ee laga dhaliyo cad-ceeda oo ku kacay lacag dhan 20 Malyan Oo dollar ayaa hadal u ka jeediyey guddoomiyuhu ku sheegay kaalinta ay ganacsadu ugu jirto horumarka dalka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Boorama (Caasimadda Online) – Warar hadda na soo gaaraya ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Jabhadii Suldaan Wabar ay dowladda Itoobiya gacanta ku dhigtay, kadib markii ay xadkeeda u gudbeen. Ciidamadaasi ka tirsan Jabhada Wabar ayaa waxa la sheegay in kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, ay qaarkood ka gudbeen xadka Itoobiya, midaasi oo dowladdaasina u sahashay inay gacanta ku dhigaan. Somaliland ayaa dowladda Itoobiya ka dalbatay in ay u soo gacan galiso labo ka tirsan ciidamada Suldaan Wabar oo ay gacanta ku hayso, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi. Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in Somaliland ay dalbatay in ragaasi gacanta lagu soo dhigo kadib markii ay dowladda Itoobiya ku wargelisay in xuduudkooda u soo gudbeen ragaasi oo kamid ahaa Ciidamo ka tirsan Jabhada Wabar oo weerar ku qaaday saldhiga dhexe ee Boorama. Weerarka ay Ciidamada Jabhada Wabar ku soo qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama ayaa noqonayo midkoogi ugu horeeyay ee ay soo qaadan kadib rogaal celintoodi, iyadoona ay ugu dambeysay weerar dagaal oo ay gudaha Somaliland ka fuliyaan 2017-kii. Caasimada Online Xafiiska Boorama caasimada@live.com
-
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka oo safar shaqo iyo mid khaas ahba ugu maqnaa dalka debeddiisa, gaar ahaan ahaan qaar kamida wadamada Qaaradda Yurub, waxaa soo dhawayntiisa ka qayb qaatay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray Goleyaasha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka bilowday markii hore shirkii maalgashiga Puntland, isla markaana uu dalka Turkiga kaga qayb galay Shirka maalgashiga Turkiga ee Africa, Madaxweyne Karaash waxa uu tilmaamay sidoo kale inuu socdaal shaqo iyo mid khaas ah-ba ku maray dalal kale oo qaaradda Yurub ka tirsan. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay inuu la kulmay Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qaar kamid ah dalalka Yurub, gaar ahaan kuwa Puntland oo si ballaaran u soo dhoweeyey Madaxweynaha, isla markaana uu la wadaagay horumarka ka socda Puntland iyo nabadgelyada dalka taalla, arrintaasi oo ay si wayn ula dhaceen, kuna bogaadiyeen dowladda. Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka Tacsiyeeyey dadkii ku dhintay waxyeelada Fatahaadda Wabiga Shabeelle, waxaaana uu bogaadiyay dedaalada gurmad ee ay bilaabeen shacabka Puntland, taas oo ah mid lagu yaqaan Puntland iyo shacabkeeda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Ankara)-Turkiga ayaa maanta u yeedhay safiirka Mareykanka ee Ankara sababo la xidhiidha qaraar uu meel-mariyey Aqalka Wakiilada Mareykanka oo si rasmi ah u aqoonsaday “xasuuqii Armenia”. Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa sheegay in safiir David Satterfield loogu yeedhay xarunta wasaaradda, sababo la xidhiidha “qaraarkan oo aan lahayn saldhig taariikheed iyo mid sharci toona.” Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa codeyn ah 405-11 waxa uu salaasadii ku ansixiyey qaraarka oo “xaqiijinaya diiwaan-gelinta Mareykanka ee Xasuuqii Armenia.” Waa markii ugu horreysay ee Aqalka Wakiilada uu ansixiyo qaraar noocan ah, kadib markii marar badan lasoo hordhigay balse lagu guul-darreystay in la meel-mariyo. Sharci-dejiyayaasha Mareykanka ayaa sidoo kale meel-mariyey sharci Ankara saaraya cunaqabateyn la xiriirta howl-galkii ay ka fulisay Waqooyiga Syria ee lala beegsaday Kurdiyiinta. Turkiga waxa ay si xooggan u beenisaa eedeymaha la xidhiidha xasuuqa, waxayna sheegtaa in Armeniyiinta iyo Turkishkaba u geeriyoodeen natiijada dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horreysay billaabay inay gacmahooda isaga qaadaan dhagxaanta dowladda Soomaaliya ay ku goyso waddooyinka magaalada. Ciidamada Dowladda ayaa xalay dhagxaan cusub dhigay waddooyinka jid-cadayaasha loo yaqaan ee xaafadaha Jidadka Sodonka soo gala taasoo sababtay kacdoon ay sameeyeen Dadweynaha Xaafadda. Hase yeeshee dadka ku dhaqan Xaafadahaas ayaa saaka bilaabay inay iska qaadaan dhagxaantaas cusub ee ay kusoo tooseen. Xaafadaha ay dadweynaha billaabeen inay dhagxaanta iska qaadaan ayaa waxaa ka mid ah xaafadaha ku dhow Hotelka Lafweyn iyo xaafadda SIISII, halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u badan oo la arkayey iyagoo gacmaha ku qaadayo Dhagaxaanta lagu xiray xaafadahooda. Qaar ka tirsan dadkaas oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin jidgooyo iyo in cunaqabateyn la saaro xaafadahooda. Muddo laba sano ah waxaa xiran jid cadayaasha soo galo xaafadaha waddada wadnaha, waxayna Dowladda Soomaaliya waday qorsho ay dooneysay in lagu furo jidadkaas dhagxaantana loo geeyo jidka Sodonka iyo Warshadaha. Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo ay kamid yihiin Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Mahad Salaad ayaa aad usoo dhaweeyey arrintaan, waxayna ku tilmaameyn in dhagxaanta ay yihiin kuwa lagu cunaqabateenayo nolosha dadka Muqdisho.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen. Mudane Xasan Cali Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaalladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leesaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen, ayna sababeen dhimasho, barakac baahsan, burburiyeen kaabayaal dhaqaale, ugana sii dareen xaaladii bini’aadninimo ee horay u taagneyd, lana filayo in maalmahaan roobabku sii socodaan, biyaha wabiguna ay sii sare marayaan, arrintaas oo sababeysa daadad dheeraad ah. Mudane Xasan Cali Khayre oo adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto dhibaatooyin nuucaan oo kale in ay dalka kusoo laabtaan. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo gurmad deg deg ah ka dalbatay Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankooda waxaa ay ku ansixiyeen labo sharci oo aad muhiim u ah. Sharciga 1-aad waa Sharciga iibka Qaranka, codeyntii dhacday waxaa ogolaatay ilaa 133 xildhibaan halka 2-xildhibaan ay diideen, waxaana ka aamusay 4 kale. Dhanka kale, waxaa isla maanta la ansixiyey Sharciga Furdooyinka , codeynta golaha waxaa ogolaatay 134 waxaa diiday 5 sidoo kale sedax Xildhibaan ayaa ka aamustay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Xubin kamid ah ururka Daacish, ayaa kaalin weyn ka qaatay guulaha howl-galkii Mareykanka ee maalintii sabtida lagu dilay hoggaamiyihii kooxdaasi Abuubakar Al-Baqdaadi, sida ay sheegtay Washington Post. Wargeyska ayaa waxa uu soo xiganayaa saddex sarkaal oo Mareykan ah iyo kuwa gobolka ah, kuwaasi oo si cad u sheegay in xubin aad ugu dhoweyd Baqdaadi ay soo gudbisay dhaq-dhaqaaqyadiisa safarka iyo weliba hoyga uu ku dhuumanayey. Sarkaal ka mid ah saraakiishaas ayaa waxa uu sheegay inay muhiim u aheyd howl-galkii ciidammada Mareykanka ee 26-kii October ogaanshaha hoyga uu ku dhuumanayo Baqdaadi. Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu ku waramayaa in Xubinta basaaska ah ee soo gudbisay xogtaasi iyo qoyskiisaba in laga saaray magaalada labo cisho kadib howl-galkii guuleystay ee Baqdaadi. Wuxuuna ku waramayaa in Basaaskaasi la siinayo abaal-marinta Mareykanka dhammaanteed ama badh kamid ah, iyadoo hore uu Mareykanku u shaaciyay in cidda soo sheegtay goobta Baqdaadi uu helayo abaal marin dhan 25-milyan oo dollar. Sida uu mid kamid ah Saraakiishaasi u xaqiijiyay Wargeyska in basaaskaasi oo aan weli si rasmiya loo shaacin dhalashadiisa, uu yahay Carab Sunni ah, kaasi oo kooxda Daacish kaga soo horjeestay dilka ay u geysteen qaar kamid ah eheladiisa. Saraakiishan ayaa waxa kale oo ay si wada jira u caddeeyay in Suuriyada Dimuquraadiga (SDF) ay iyadu xubinta basaaska ah ku dhex abuurtay ururka Daacish, iyadoona kadib ku xidhay Sirdoonka Mareykanka oo hubiyay run sheegiisa. Source
-
Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa maanta warqad uu u diray Baarlamaanka Puntland si xasaanadda looga qaado xildhibaan Cawil Xasan Daad, kaasoo sabtidii la soo dhaafay su’aalo adag weydiiyey madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni. Qoraalka waxaa laga codsaday guddoomiyaha golaha wakiilada inuu xasaanadda ka qaado xildhibaanka oo lagu eedeeyey inuu geystay qadaf, si loo soo taago maxkamadda. Akhriso: Qoraalka Source: goobjoog.com
-
Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigtay laba ka mid ah dablaydii habeen hore salaadii subax weerartay saldhiga degmada Borama ee gobalka Awdal. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala. Dablaydan ayaa markii ay hawlgalka fuliyeen waxa ay qaarkood u talaabeen xuduudka Itoobiya ka dib markii ay hawlgal ay ku raad joogaan fuliyeen ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana dawladda Itoobiya ay qabatay laba ka mid ah kooxda hubaysan ee u talowday, ka dib markii ay dawladda Somaliland ku wargelisay Itoobiya inay kooxdaasi u talowday xuduudkooda. Sida uu warkani sheegay dawladda Somaliland ayaa isla shalayba ka codsatay Itoobiya inay u soo gacangeliso labada xubnood ee ay qabatay. Kooxdan oo uu hawlgalkooda sheegtay Suldaan Wabar, ayaa waxa ay fuliyeen hawlgal kooban oo aan sababin wax khasaare ah, waana hawlgalkii u horeeyay ee ay fuliyeen tan iyo intii uu Madaxweyne Biixi qabtay talada Somaliland sannadkii 2017. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maantana loo doortay inuu hoggaamiyo Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda oo la magac baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Xisbiyadii xilkaas u doortay uga mahadceliyey kalsoonida ay xilkaas ugu magacabeen. Shiikh Shariif ayaa mahad celin kadib ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka ku jiro gaar ahaan doorashada la filayo inay dhacdo marka uu dhamaado waqtiga Madaxweyne Farmaajo. Sababta loo Aas’aasay Madashaan ayuu ku sheegay in la abuuro jawi siyaasadeed oo lagu tartamo oo ku dhisan nidaam iyo is ixtiraam si looga gudbo 4.5 loona gaaro marxalad baahsan oo Aas Aaskeedu yahay dadku inay isku raacaan aragti Siyaasadeed. Waxaa uu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in doorashada ay ka dhiman tahay Sanad iyo waxyar hadana aysan muuqan ilaa iyo hadda nidaamka ay doorashada ku geli karaan, sidoo kalena aysan jirin xuriyad ay ku dhaq dhaqaaqi karaan Xisbiyada iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana qofkii doonayo in uu qabto lagu waajibiyey in uu dowladda fasax ka qaato taasina ay Dastuurka kasoo horjeedo sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu si toos ah u caddeeyey inaysan xisbiyada midoobay marnaba aqbali doonin Koox la magac baxday Xooggaga Waddaniyiinta in doorasho lagu galo iyagana ay camiraan sida uu hadalka u dhigay. “Ma aqbali-karno inta koox xoogga waddaniyiinta ah la aruuriyaa la yiraahdo doorashaan galaynaa anaguna aan camirno, dowladdu inadhaheeda ha furto, Shalay Madaxweyne Xasan Sheekh School Polizio in doorasho lagu qabto anagaa ka diidnay maxaa yeelay taliyaha booliska ayaa taageersanaa wuuna naga yeelay, dadkii diidanaa in halkaas doorasho lagu qabtana waxaa kamid ahaa madaxweyne Farmaajo dowladdu ma qaban wixii doorasho laga rabay”ayuu yiri Sheekh Shariif. Magaalada Muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabad kooban oo looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen Xisbiyo dhowr ah oo dalka kajira oo ay qeyb ka yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Eng; Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya bandhigga Tiknolojiyadda ee Dalka Qadar iyo Shirka kooxda heerka sare ee Madasha ammaanka Munich (Munich Security Conference). Shirka iyo bandhiga Isgaarsiinta Qadar oo ay ka soo qeyb galeen madax ka socotay Dalal kala duwan ayaa waxaa daahfurey Amiirka Dowladda Qadar, Tamim bin Hamad Al Thani, Shirkan ayaa muddada uu socdo waxaa looga hadlayaa qodobbo ay ka mid yihiin ammaanka Internetka, horumarinta iyo Isticmaalka Tiknolojiyadda, hal-abuurka Dhallinyarada iyo dooddo kala duwan oo la xiriira isticmaalka adeegyada xukuumad danabeedka (e-government), iyo ganacsiga Ellektarooniga ah (E-commerce). Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa sheegay in ka qeygalka shirarka iyo bandhigyada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin wadaagista khibradaha iyo qorshayaasha, gaar ahaan Dalka Qadar oo ka mid ah kuwa ugu horreeya Dalalka Carabta dhinaca baahinta Tiknolojiyadda. ”Waxaa naga go’an in aan sahmino helitaanka Dalal , Ururro, Shirkado iyo khubaro naga caawiya fulinta siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Tiknolojiyadda ee ay dhowaan Wasaaraddu diyaarisey” ayuu yiri Wasiirka Boostada Soomaaliya, Mudane; Cabdi Cashuur Xasan. Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane; Cabdi Sheekh Axmed ayaa inta ay joogaan Dalka Qadar waxa uu shir gaar ah la yeelanayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dalka Qadar, shirkan oo looga hadlayo iskaashiga Labada Dal ee dhinaca Isgaarsiinta iyo Tikonlojiyadda iyo isticmaalka Tiknolojiyadda ee ka hortagga iyo gurmadka musiibooyinka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - Somali minister for Labour and Social Affairs, Sadik Hirsi Warfa on Tuesday held a meeting with World Bank Vice president, Havez Ghanem in Washington DC of United States. Source: Hiiraan Online
-
Xeer ilaalinta guud ee Puntland ayaa maanta guddoonka golaha wakiilada Puntland, ka dalbaday in xasaanada lagala laabto, Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo dhowaan Su’aal adag weydiiyey Madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Warqad ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland, islamarkaana la gaarsiiyey guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in Xildhibaanku uu ku xadgudbay shuruucda dowlad goboleedka Puntland, loona baahan yahay in dacwad lagu soo oogo. Halkan hoose ka Akhriso: View the full article
-
Idlib (Caasimadda Online) – Xubin kamid ah ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka ee Daacish, ayaa kaalin weyn ka qaatay guulaha howl-galkii Mareykanka ee maalintii sabtida lagu dilay hogaamiyihii kooxdaasi Abuubakar Al-Baqdaadi, sida ay sheegtay Washington Post. Wargeyska ayaa waxa uu soo xiganayaa saddex sarkaal oo Mareykan ah iyo kuwa gobolka ah, kuwaasi oo si cad u sheegay in xubin aad ugu dhoweyd Baqdaadi ay soo gudbisay dhaq-dhaqaaqyadiisa safarka iyo weliba hoyga uu ku dhuumanayey. Sarkaal ka mid ah saraakiishaas ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim u aheyd howl-galkii ciidamada Mareykanka ee 26-kii October ogaanshaha hoyga uu ku dhuumanayo Baqdaadi. Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu ku waramayaa in Xubinta basaaska ah ee soo gudbisay xogtaasi iyo qoyskiisaba in laga saaray magaalada labo cisho kadib howl-galkii guuleystay ee Baqdaadi. Wuxuuna ku waramayaa in Basaaskaasi la siinayo abaal-marinta Mareykanka dhamaanteed ama badh kamid ah, iyadoo hore uu Mareykanku u shaaciyay in cida soo sheegtay goobta Baqdaadi uu helayo abaal marin dhan 25-milyan oo dollar. Sida uu mid kamid ah Saraakiishaasi u xaqiijiyay Wargeyska in basaaskaasi oo aan weli si rasmiya loo shaacin dhalashadiisa, uu yahay Carab Sunni ah, kaasi oo kooxda Daacish kaga soo horjeestay dilka ay u geysteen qaar kamid ah eheladiisa. Saraakiishan ayaa waxa kale oo ay si wada jira u cadeeyay in Suuriyada Dimuquraadiga (SDF) ay iyadu xubinta basaaska ah ku dhex abuurtay ururka Daacish, iyadoona kadib ku xidhay Sirdoonka Mareykanka oo hubiyay run sheegiisa. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-30102019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Digniin Culus Ka Soo Saartay Duufaan Ku Waajan Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
