Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,962
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT- Geneva)-Dhinacyada iskaga soo horjeeda siyaasada Suuriya ayaa markii ugu horeysay isaga horyimid si fool ka fool ah markii ugu horreysay tan iyo markii dagaalka sideeda sano kor u dhaafay uu ka qarxay Suuriya sanadkii 2011-kii. Kulanka oo shalat ka dhacay magaalada Geneva ayaa ujaadiisu tahay sidii looga xaajoon lahaa dajinta dastuur Cusub. Waxaa madasha goob joog ka ahaa 150 xubnood oo ka kala socda dowlada Mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka, kuwaasi oo kulan la qaatay guddiga qoraya dastuurka Suuriya. Xubnaha gudiga oo ku howlanaa shaqadan inkabadan laba sano ayaa la filayaa in ay u bandhigaan qaabka ay u habeeyeen dastuurka cusub ka hor inta ayna u coddeyn shacabka Suuriya. Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan dalka Suuriya Geir Pedersen oo ka hadlay madasha ayaa qiray in ayna aheyn wax sahlan in xubnahaan ay qol iskugu wada yimaadaan balse ay hortaalo howl Adag. Mr Pedersen ayaa intaa ku daray in mustaqbal dalka Suuriya iyo ku xidhan uu gacanta ugu jiro muwaadiniinta Suuriya, balse ay iyagu kaliya ayaa taageeri doonaan. Source
  2. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta sidii dalka looga qaadi lahaa xayiraadda hubka, sidda uu sheegay Taliska Booliska. Sakiya Xuseen, taliye ku xigeenka ciidamadda bileyska, ayaa tilmaamtay in arrintaan ay ahmiyad weyn u leedahay dagaalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidanka Qalabka Sidda ayay ku tartarsiisay in ay door muuqda ka cayaaraan sidii loogu guuleysan lahaa arrintaan. Mid kamid ah shuruudaha lagu xiray in xayiraado la qaado ayay ku qeexday in la helo nidaam hufan oo dhanka maamulka hubka ah. Hadalkan ayay ka sheegtay munaasabad tababar loogu soo xiray ciidamo ka tirsan booliska oo ku saabsanaa hanaanka keydinta hubka. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/DFA-1.mp3 View the full article
  3. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah booqanaya, magaalada Dhahar ee xarunta gobolka High-land, halkaasi oo uu ka dhagax-dhigi doono mashaariic cusub. Madxaweyne Deni ayaa markii uu musharraxa ahaa booqday degmada Dhahar, isagoo ballan-qaadyo kala duwan u sameeyay, haddii uu ku soo baxo doorashada madaxtinimada Puntland. Haddana, sagaal bilood kadib markii la doortay madaxweynaha, ayuu maanta booqanaya degmadaasi Dhahar, iyadoo ay horyaallan in uu wax ka qabto ballan-qaadyadiisi uu bulshada Dhahar u sameeyay xilligii ol’olaha doorashada Puntland. Qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa hadda ka socota magaalada Dhahar, waxaana mas’uuliyiinta degmada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ay u sii diyaar-garobayaan wefdiga madaxweynaha oo saacadaha soo socda halkaasi tegi doono. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo maanta booqanaya magaalada Dhahar ee xarunta gobolka High-land appeared first on Puntland Post.
  4. Beledweyne (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu Maanta gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wasiirka oo ka waramayay xaaladda fatahaadda ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan ka soo darin dhamaan deegaannada sidii ay ahayd 24 saac ka hor, isagoo xusay in goobta ugu qasaaraha badan ay tahay magaalada Beladweyne. “Ilaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan oo dalka ka dhacay ay tahay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhamaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah’ ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray inay jiraan meelo kale oo fatahaado ka dhaceen oo ay ka midyihiin Degmooyinka Baardheere iyo Belad Xaawo oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halka magaalada Bardaale ee Gobolka Baay roobab xoogleh oo ka da’ay ay sababeen inay biyo badan ku rogmadaan magaalada, taasi oo aan ahayn biyo ka yimid Webi balse roobabka ay keeneen daadad xoog badan oo sababtay inay dadku ka barakacaan magaalada. Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay guddi heer sare ah u magacawday arrintan, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay baaq ka saareen oo ah in loo gurmado dadka ay saameysay fatahaaduhu. Wasiir Maareeye ayaa yiri “Runtii dadku waxa ay u baahanyihiin taakuleen, dowladdu wixii karaankeeda ah wey geysay, inkasta airport Beladweyn uu naga xirnaa labo maalmood, waxaa nasiib wanaag ah in uu hadda dib u furmay, oo galabta naloo sheegay in Airport uu furanyahay, Maanta waxaa tegi doona wafdi balaaran oo ay xubnaha guddiga, dad badan oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliya iyo dadkale oo technical ka ah oo ku shaqada leh oo ka socda Wasaaraha ay Maanta tegi doonaan oo gar gaar wada”. Dowladaha Qatar, Turkiga iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa la sheegay in dhankooda ay gacan ka geysan doonaan kaalmo gaarsiinta dadku ay fatahaaduhu saameeyeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Beledwayne (SMN) – Iyadda oo xaalad bini’aadanimo tii ugu darneyd ay ka jirto magaaladda Beledwayne ayaa waxaa isa soo taraya gurmadka loo fidinayo shacabka. Magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa qaarkood waxaa ka socda olale is-xilqaan ah oo lacag loogu uruurinayo dadka ku dhiban magaaladda Beledwayne. Ololahan ayaa waxaa horkacaya dhalinyaro, kuwaas oo ka dan-qaday dhibaatadda taagan, taas oo xukuumadda federaalka door muuqata ka qaadaneyso. Fatahaadaha ayaa si gaar ah waxaa looga soo warinayaa degaanadda ay maraan webiyadda Shabelle iyo Jubba ee koonfurta iyo bartamaha dalka. Hoos ka dhageyso warka oo codka ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Gurmadka.mp3 View the full article
  6. (SLT- Nigeria)-Maxkamada sare ee dalka Nigeria ayaa daaqada ka saartay dacwada hoggaamiyaha ugu weyn Mucaaradka Mr Atiku Abubakar ee ka dhanka aheyd guusha doorashadii madaxtinimo ee bishii Febraayo uu ka gaadhay madaxweyne Maxamaduu Buhaari. Waxaan baadhnay dhammaan dacwadaha noola soo gudbiyay waxaana ku raacsanahay maxkamadda Racfaanka in ayna jirin eedo la xidhiidha in doorashada ay u dhacday qaab musuq maasuq ah, sidaasi waxaa sheegay madaxa cadaalada Tanko Maxamed. Go’aanka ayaa waxaa gaadhay lix ka mid ah garsoorayaasha joogtada ah ee Maxkamada Sare. Mr Tanko ayaa ka gaabsaday in uu caddeeyo sababta rasmiga ah ee xukunkaan uu u qaatay, balse waxuu sheegay in dib ay ka shaacin Doonaan. Xukunkaan ayaa soo afjaraya dacwad maxkamadeed oo sideedii bilood ee la soo dhaafay hadheysay doorashada madaxtinimo oo markii labaad bishii Febraayo dib loogu doortay madaxweyne Maxamaduu Buhaari. Hoggaamiyaha Nigeria oo 76 jir ah ayaa codadkii la dhiibtay helay boqolkiiba 53 sida ay xaqiijiyeen guddiga Doorashada. Hogaamiyaha Mucaaradka Mr Abubakar matalayay xisbiga mucaaradka ah ee (PDP) ayaa la yimid 41 boqolkiiba balse waxuu gaashaanka u daruuray Natiijadan. Source
  7. Beledwayne (SMN) – Wafdi balaaran oo ka socda dowladda federaalka ah ayaa ku wajahan magaaladda Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan. Mas’uuliyiinta oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa waxaa qaybtooda ka tirsan yihiin Guddiga Gurmadka Fataahadaha Webiyadda Jubba iyo Shabelle. Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Maareeyee, ayaa tilmaamay in ay gaarsiin doonaa gurmad ay xukuumadda ugu talogashay dadkaas dhibaateysan. Socdaalka wafdiga ayaa imaanaya xili uu magaaladda ka da’ay roob xoogan, kaas oo laga cabsi qabo in uu hakad geliyo isu socodkii garoonka diyaaradaha. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Wafdi.mp3 View the full article
  8. (SLT- Afghanistan)-Ciidammada Afgaanistaan ee weerrarada qaada ee ay badhitaarto hay’adda sirdoonka Mareykanka ee (CIA) ayaa waxa ay gaysteen tacaddiyo ay ku jiraan dambiyo dagaal, sida lagu sheegay warbixin cusub. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ayaa waxa ay ciidammada ku eedaysay “inay gaysteen dil aan kala sooc lahayn iyo tacaddiyo kale iyadoo aanu jirin wax isla xisaabtan ah”. Tacaddiyadaas waxaa ka mid ah dil aan kala sooc lahayn, dad la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen iyo weerraro lagu qaaday xarumo caafimaad. Qaramada Midoobay iyo wargeyska New York Times ayaa hore waxa ay u soo qaadeen eedaha ah in tacaddiyo ay gaysteen ciidammada weerrarka qaada ee Afgaanistaan. Warbixintan ugu dambaysay ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii bishii Sibteembar ay burbureen wadahadalladii nabadda ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Taalibaan. Source
  9. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-31102019.mp3 View the full article
  10. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu saaka gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wasiirka oo ka waramayay xaaladda fatahaadda ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan ka soo darin dhamaan deegaannada sidii ay ahayd 24 saac ka hor, isagoo xusay in goobta ugu qasaaraha badan ay tahay magaalada Beladweyne. “Ilaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan oo dalka ka dhacay ay tahay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhamaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah’ ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray inay jiraan meelo kale oo fatahaado ka dhaceen oo ay ka midyihiin Degmooyinka Baardheere iyo Belad Xaawo oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halka magaalada Bardaale ee Gobolka Baay roobab xoogleh oo ka da’ay ay sababeen inay biyo badan ku rogmadaan magaalada, taasi oo aan ahayn biyo ka yimid Webi balse roobabka ay keeneen daadad xoog badan oo sababtay inay dadku ka barakacaan magaalada. Mudane Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay guddi heer sare ah u magacawday arrintan, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay baaq ka saareen oo ah in loo gurmado dadka ay saameysay fatahaaduhu. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bogaadiyay dadaallada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka ee kaalmada loogu aruurinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. Hoos ka daawo hadalka wasiir Maareeye PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in saaka gurmad ballaaran la geynayo magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  11. Drug addiction is a source of shame in immigrant communities. Children’s overdoses are often cloaked as heart attacks or unexplainable deaths. Some young Twin Cities advocates are working now to push the problem into the light in the hope of saving lives. Source: Hiiraan Online
  12. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay Casho sharaf loogu sameeyay Beerta Dalxiiska oo ku taala duleedka magaaladda Qardho. Madaxweynaha waxaa kulankan Casho ku wehelinayey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad iyo Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal. Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ay ka midyihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan Maxamuud Axmed Caalim, Xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji iyo Xildhibaan Axmed Daad Diiriye Jaamac. Xildhibaannadan oo uu hoggaaminayo Xuseen Yaaasiin Xaaji Diiriye ayaa sida la sheegayo hore u macaaradsanaa siyaasadda madaxweyne Deni, balse xalay ayaa lagu wada arkay Casho-sharaftii madaxweynaha loo sameeyay. Kulanka Cashada ah oo uu soo diyaariyey Mulkiilaha Beerta Dalxiiska Ganacsade Daahir Cabdullaahi Kilwe, Waxaa Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ku casheeyeen qeybta dhaqanka ee Beerta Dalxiiska, halkaasi oo lagu soo dhoweeyay Cunto dhaqameed iyo Agab dhaqameed. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dhallinyarada reer Puntland ee isu xilqaamay hirgelinta xarunta Beerta Dalxiiska, isagoo ugu baaqay dhammaan dadweynaha reer Puntland in kor loo qaado maalgashiga dalka. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Xildhibaanno hore u mucaaradsanaa madaxweyne Deni oo Casho sharaf kala qeyb-galay appeared first on Puntland Post.
  13. The Federal Government of Somalia (FGS) has renewed its commitment to end the recruitment and use of child soldiers by signing a roadmap detailing measures and practical actions to prevent violations against children, release children associated with armed forces Source: Hiiraan Online
  14. Ex-Somali regional state President Abdi Muhamoud Omar, also known as Abidi Illey, pleaded not guilty and called for immediate release Source: Hiiraan Online
  15. For one night only, this pop-up restaurant will allow Sydneysiders to travel to the Horn of Africa with their tastebuds, as they feast on the unique flavours of Somali and Ethiopian cuisine. Source: Hiiraan Online
  16. Tucking into fresh seafood on a boat anchored in clear turquoise waters, which serves as a floating restaurant, Ahmed Yusuf can hardly believe he is in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  17. Daawo qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu dilay hoggaamiihii ISIS Abubakar al-Baghdadi Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaan Pentagon ayaa soo bandhigtay muuqaalka iyo sawirrada weerarkii ay ku dileen ciidamada gaarka ah ee Mareykanka hoggaamiyihii ururka ISIS Abu Bakr al-Baghdadi. Halkan hoose ka daawo:- Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Khuburada QM, oo ah Guddiga lagu beddelay Kooxda Kormeerka ee Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group), ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku dhex-milantay dekedda Muqdisho. Warbixinta guddiga oo ay si gaar ah u heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u yeelatay inay hesho dokumentiyada alaabaha kasoo degaya dekedda ee la socda maraakiibta (Manifest) kuwaas oo faah-faahiya nooca alaabta soo dageysa, qiimaha iyo cidda iska leh. Sida ay tiri warbixinta, 1-dii illaa 7-dii April 2019, Al-Shabaab ayaa la xiriirtay milkiilayaasha ganacsiyada Muqdisho, kuna war-gelisay in dhammaan alaabaha uga soo degaya dekedda Muqdisho laga rabo inay ka bixiyaan canshuurta Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sidoo kale amartay in dhammaan ganacsiyada Muqdisho laga doonayo inay alaabta ay soo degsanayaan ay ku war-geliyaan qeybta maaliyadda kooxda, ka hor inta aysan lasoo degin, ayada oo ka digtay in xog kasta oo ay soo gudbiyaan laga xaqiijin doono manifestada markabka la socota. Tusaale, dabayaaqadii bishii July 2019, shirkad ganacsi oo fadhigeedu yahay mid ka mid ah dalalka Khaliijka ayaa dekedda Muqdisho kasoo degsatay dhowr kun oo tan oo qalabka dhismaha ah. Horaantii August 2019, Al-Shabaab ayaa wakiilka shirkaddaas ee Muqdisho kula xiriirtay taleefon kuna amartay inuu yimaado maxkamadda Al-Shabaab ee degaanka Mubarak ee Shabeellaha Hoose. Markii uu yimid maxkamadda, waxaa la tusay manifeestadii markabka, taasi oo muujisay sida Al-Shabaab ay awood ugu leedahay inay hesho xog kasta oo ay u baahan tahay. Al-Shabaab ayaa wakiilkii shirkadda ku amartay inuu bixiyo canshuur dhan 70,000 oo dollar. Waxaa sidoo kale lagu war-geliyey in alaabaha lasoo dejin doono mustaqbalka laga doonayo canshuur hormaris ah. Kadib wada-tashi uu la sameeyey maamulka shirkadda, wakiilkii ayaa lacagta ku bixiyey isaga oo mariyey mid ka mid ah bankiyada Muqdisho. Waxaa kadib la siiyey rasiit-ka caddeynaya inuu bixiyey canshuurta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa wuxuu kulan ay Casho wehelisay uu kula qaatay Xubno tirsan labadiisa Gole Beerta Dalxiiska ee ku [...] Source
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo hadal ka jeediyay kulankii maanta ee golaha ayaa ka dhawaajiyay ayaa shaaca ka qaaday saddex mooshin oo horey aan loo ogeyn oo ay ka gudbiyeen xukuumadda Kheyre balse fashilmay. Mahad Salaad oo eedeymo dhawr ah oo uu u jeediyay guddoonka golaha, ayaa sheegay seddaxda mooshin oo ay ka keeneen la xisaabtanka xukuumadda, uu is hor taagay guddoomiye Maxamed Mursal. Mahad Salaad waxa uu ku eedeeyey guddoomiyaasha baarlamaanka in ay xildhibaanada ka hortaaganyihiin la xisaabtayka xukuumadda, 3 mooshin oo isaga iyo xildhibaanno kale ay ugu yeerayeen wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, si loola xisaabtamo su’aalana looga weydiiyo shaqada loo igmaday oo dayacan ayuu sheegay in guddoomiyuhu uu si cad u burburiyay golahana uusan hor keenin. Xildhibaanka ayaa aad u dhaliilay shaqada Baarlamaanka, isagoo baarlamaankaan ku tilmaamay kii ugu liitay baarlamaanadii ka soo shaqeeyay dalkaan, isagoo dhaliilay kana dhawaajiyay sharciyo uu ansixiyay baarlamaankaan 10-aad, sharciyadaas oo uu ka mid yahay kii Banka Dhexe loogu ogolaaday in qof Ajanabi ah uu madax ka noqon karo. Sidoo kale xeer hoosaadka xildhibaanada golaha shacabka oo sida uu sheegay liita ayuu guddoomiyaha Baarlamaanka kula taliyay in dib u habeyn lagu sameeyo. Mahad Salaad ayaa dhamaan xildhibaanada ku eedeeyay in ay iska in dhatirayaan howlihii loo igmaday, isla markaana uu yaryahay xildhibaan dib ugu laabtay oo wax u qabtay dadkii soo doortay. Waxa uu ku taliyay in lhnati-dhowraha qaranka looga yeero fadhiga golaha waxna laga weydiiyo warbixintii muujinaysay lacag badan oo maqan, isagoo quus ka muujiyay in taasi dhacdo tusaalana u soo qaatay guddigii maaliyadda golaha shacabka oo uu isagu ku jiray ee la kala diray markii ay ku dhiiradeen in ay ku dhaqaaqaan isla xisaabtan. Halkaan ka Daawo: Caasi mada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubnaha-30102009.mp3 View the full article