-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa maalintii 2-aad ay dibad-baxyo lagu dalbanayo jidadka in la furo iyo arrimo kale ay ka socdaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Gaadiidleyda gaar ahaa kuwa BL-ka ayaa ka cabanaya jidadka oo xiran, canshuur saa’id ahna laga qaado iyada oo maamulka gobolka ka codsaday in jidadka loo furo sida ugu dhaqsaha badan. Saxmada ugu badan waxaa ay ka jirnay KM4 halka shalay ay ka dhigeen KM5 ilaa Buulo-xuubey, waxaana muuqa iney mar meel u guuraan. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Filish oo markii uu imaanayey balan ku qaaday inuu jidadka furo, 2 bil ayuu joogaa ilaa hadda far ma dhaqaajin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay Shabelle ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada Galmudug. Casir ayaa sheegay in hadda Galmudug ay heysato fursadii ugu fiicneyd, loona baahan yahay in laga faa’iideysto. Sidoo kale wuxuu hoggaanka Ahlu Sunna ka dalbaday inay tanaasulaan, si looga gudbo caqabadaha jira. Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo haatan khilaaf uu ka taagan yahay dhismaha Galmudug, kaasoo ka dhashay magacaabista guddiga farsamada maamulkaasi. View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino uu qabsaday mooto ay la socdeen dad shacab ah. Mootada oo aheyd nooca Fekonta ayaa miinadu ay haleeshay, xilli ay mareysay deegaanka Muuri ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi miino ku dhintay ilaa saddex qof oo saarnaa mootadaasi. Wararka ayaa sheegaya in bartimaameedka qaraxa uu ahaa gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo Milatari ah oo la sheegay inuu waxyar ka gudbay waddadaasi. Gaariga ciidanka iyo Mootada qaraxu qabsaday ayaa mas’uuliyiinta gobolka waxa ay sheegeen inay ku soo jeedeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ma jirto weli cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
(SLT-London)-Booliska Britian ayaa baadhaya geerida 39 qof oo muhaajiriin ah oo saarnaa gaadhiga ka yimid wadanka Bulgaria oo maalmo ka hor lagu arkay agagaarka magaalada London. Dhacdadaan ayaa waxaa loo xidhay darawalkii waday gaadhigaan oo lagu soo oogay dambiyo ay ka mid yihiin dil iyo mustaafurin aan sharci aheyn. Eedeysane Maurice Robinson, oo ka soo jeeda waqooyiga Ireland ayaa wajahaya 39 dacwadood oo ay ka mid tahay in uu garab siinta safaro aan sharci aheyn in uu si dadban u laayay dadkii ku dhintay shilkaan iyo adeegsiga lacagaha Madow. Mr Robinson ayaa la xidhay waxyar kadib markii uu la helay meydadka dadkaan subaxnimadii hore ee arbacada, waxaana la filayaa in maxkamad uu ka soo muuqdo maalinta Isniinta ee bari. Source
-
Madaxaweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray. Guddigan oo ka kooban illaa 14 qof oo u badan xubnaha golaha wasiirada HirShabelle ayaa waxa uu la shaqeyn doonaa midkii uu shalay ku dhawaaqay Ra’iisul wasaare Khayre. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
(SLT-Washington)-Ilhan Cumar oo su’aalo adag weydiisay wakiilka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Suuriya iyo ururka Daacish waxay tidhi: “Waa in aan joojino hubeynta iyo taageeridda maamulada aan naxariista lahayn, waana inaan eegno shuruucdeena dibadda ee meelaha anan u adeegsanayn nolosha iyo bini-aadamka dhibban”, ayey tidhi iyadoo ka hadleysay duullaanka Turkiga ee Suuriya. Turkiga ayaa “si khasab ah” dib ugu celinaya qaxootiga Suuriya oo la geynayo xuduudda, si loo dejiyo “aagga nabadda ah” in kastoo dagaalka aanu weli dhammaan, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka Reuters oo sii xigatay hay’dda u doodad xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Hay’adda kale ee xuquuqda u dooda ee Human Rights Watch waxay sidoo kale sheegtay in “mamulka uu si aan kala sooc lahayn u xidh-xidhayo una musaafurinayo tobannaan qof oo Suuriya u dhalatay kuwaas oo la geeyay Waqooyiga Suuriya, muddadii u dhexeysay January iyo September” ee sannadkan. Laba toddobaad ka hor, Turkiga ayaa billaabay duullaan uu kaga gudbay xuduudda Suuriya si ay u sameeyaan “aag nabad ah” oo laga sifeeyay malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee loo kala yaaano SDF iyo YPG. Dowladda Turkiga ayaa malleshiyaadkaas u aragta in ay la mid yihiin ururo argagixiso. Waxay sheegtay in ay yihiin dhinacyo ka tirsan ururka Kurdiyiinta ee tobannaanka sano ka dagaallamaya dhanka Turkiga ee PKK. Duullaanka wuxuu bilowday ka dib markii ciidammda Mareykanka oo Kurdiyiinta ay ku tiirsanaayeen, ay billaabeen in ay ka baxaan dhanka Xuduudda. Turkiga wuxuu ku doodayaa in deegaannada ay qabtaan ay dejin doonaan 3.6 milyan oo qof oo ah Qaxooti u dhashay Suuriya ah kuwaas oo ka cararay dagaallada sokeeye. Ilhaan Cumar waxay sheegtay : “Waa inaan xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta aan aasaaska ka dhigno”. “Su’asho waxay tahay in haddii Kurdiyiintu xaq u leeyihiin in ay jiraan iyagoo Kurdi ah. Waa inaan bartamaha dhigno xuquuqda iyo sharafta Bini-aadamnimada. Waa inaan sal uga dhigno xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta”, ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysay fadhiga guddiga arrimaha Dibadda u qaabilsan Congress-ka Mareykanka oo su’aalo weydiinayay safiirada. Donald Trump ayaa dhowaan sheegay in labada dhinac la kala dhex dhigay xabad joojin. Balse Ilhaan ayaa ku doodeyso in “Turkiga uu sheegay in uu sii wadadayo howlgalka”. “Waa inaan masuuliyadda qaadno. Taa micneheedu ma ahan hakinta akoono bangiyo; ma ahan xakameynta dhaqaalaha Turkiga, iyadoo sy sii socoto ciqaab wadareed loo geysanayo bulsho aan arrintan dooran”, ayey sheegtay Ilhaan. “Wuxuu macnuhu yahay in si aan caadi ahayn looga fakaro cadaaladda xadgudubyadan. Waa in si dhab ah looga fakaro sidii aan u joojin lahayn hubeynta maamullada naxariista daran”. Xildhibaannadan ka tirsan Congress-ka Mareykanka waxay xubin ka tahay guddiga arrimaha dibadda, waxayna si weyn u dhaliishay wada shaqeynta maamulka Trump uu la leeyahay xukuumadda Erdogan. “Waa in aan aragti cad ka qaadano siyaasadaha dibadda ee halista gelinaya koox dhammeystiran oo dad ah oo si wayn loola dhaqmay sida shay la isticmaalay ka dibna la iska tuuray”, ayey weydiisay mid ka mid ah safiirrada Donald Trump ee arrimaha Bariga Dhexe. Erdogan: Warqaddii Trump qashin-qubka ayaan ku daray Ilhaan ayaa ka dib su’al kale weydiisay Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Suuriya iyo Isbeheysiga la dagaallamaya ISIS, James F. Jeffrey. “In Turkiga uu adeegsado hub kiimiko ah, maxay tahay masuuliyadda arrintas ka saaran Mareykanka?” “Waan baadheynaa eedeynta la soo jeediyay ee ah isticmaalka kiimikada. Waana in aan eegno xaaladaha sababay”, ayuu yidhi Jeffrey. Waxay sidoo kale weydiisay in uu galaangal ku lahaa warqaddii uu Trump u diray Erdogan ee “qashinka lagu dhex tuuray”. James F. Jeffrey Wuxuu yiri: “Qeyb baan ka ahaan in warqadda la gaarsiiyo madaxweyne Erdogan. Madaxweynaha wuxuu la tashadaa xoghayihiisa guud, anagana isaga ayaan farriinta u marinaa, waana sida ay u shaqeyso, waana sida warqadda ay ku timid”. “Ilhaan oo ka falcelisay hadalkaas waxay tidhi: “Waxaan jeclaan lahaa in adinkoo badan aad fikir toos ah ka dhiibataan warqaddaas. Waxayna ila tahay in ay sax tahay in warqaddaas lagu tilmaamo mid ceeb ku ahayd Mareykanka”. Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-27102019.mp3 View the full article
-
Jowhar (Caasimada Onlibne) – Madaxaweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto ku magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha ee maamulkaasi. Guddigan oo ka kooban illaa 14 qof ayaa waxa au u badan yihiin xubnaha golaha wasiirada ee dowlad goboleedka HirShabelle, iyadoona guddoomiye looga dhigay wasiirka gargaarka maamulkaasi, Mudane Cabdi-Mahad Cabdullaahi (Qorgaab). Sidoo kale waxaa xubnaha guddiga ka mid ah guddoomiyeyaasha maamullada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan. Guddigani cusub ayaa ka shaqeyn doono, sidii loogu gurman lahaa dadka shacabka ah ee uu saameeyey wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaano ka tirsan HirShabelle. Shalay ayey aheyd markii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ay garab taagan yihiin Madaxweynayaasha HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug uu ku dhawaaqay guddiga gurmad Qaran ee fatahaadaha, si dowladdu ay u qaadato kaalinteeda.
-
(SLT-Ankara)-Wasiirka Arimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa diiday qorshaha dowlada Jarmalka ee ku aadaan in ciidamo caalami ah la geeyo waqooyiga Suuriya si loo abuuro jawi nabdoon oo ka caagan colaada oo qaxootiga u sahlaya in ay dib ugu laabtaan dalkooda. Xukuumada Ankara ayaa tilmaantay in ayna ku kalsooneyn qorshaha dowlada Berlin oo dhaleeceysay duulaanka millatariga Turkiga ay ku qaadeen Suuriya. Mr Cavusoglu oo sabtidii shalay kulan kula qaatay magaalada Ankara dhiggiisa Jarmalka Cavus Heiko Maas ayaa sheegay in Turkiga uu lumiyay kalsoonida uu ku qabay Jarmalka kadib falcelintii ay ka bixiyeen duulaankooda Suuriya. Wasiirka difaaca Jarmalka Annegret Kramp-Karrenbauer ayaa soo jeedisay qorshe ciidaamo caalami ah oo nabad ilaaliyaan ah lagu geynayo xadka deegaanada waqooyi ee xadka Suuriya kala leedahay Turkiga si loo helo aag ka caagan Colaada. Balse Cavusoglu ayaa sheegay in qorshahaan ay u arkaan mid aan xaqiiqda ka tarjumeyn ayna ka soo horjeedaan soo jeedinta Jarmalka. Ugu danbeyn wuxuu sheegay in arintaan kaliya ayna khuseyn Turkiga balse ay u taallo dowlada Suuriya iyo Ruushka oo taageera xukuumada Bashar Al-Assad. Source
-
(SLT-Lubnaan)-Xoghayaha guud ee ururka Xisbullah Sh Xasan Nasrallah ayaa ka hadlay dibadbaxyada ka socda magaalada Beyruut oo uu sheegay inay dabada ay ka riixayaan dalal Ajnabi ah iyo xisbiyada Mucaaradka. Mr Nasrallah ayaa wuxuu ugu baaqay dibadbaxayaasha in aan loo adeegsan hurinta dagaal Sokeeye oo markale madaxa la gasho Lubnaan. Wuxuu ka gaabsaday in uu soo hadal qaado xisbiyada iyo wadamada maalgalinaya banaanbaxyada, balse wuxuu farta ku fiiqay safaarado fadhigoodu yahay magaalada Beyruut. Sheekh Xasan Nasrullah ayaa ugu danbeyn dibadbaxayaasha uga digay in ayna aqbali doonin in la beegsado xarumaha ay ku sugan yihiin ciidanka Xisbullah. Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Soomaaliya bilaawgii sanadkii 2017, waxyaabihii ugu weynaa ee lagu doortay waxay aheyd dhibaato daran oo dalka ka jirta waxaase muhiimadda ugu weyn ay aheyd in dalkaan uu ka baxo saameenta ballaaran oo ay Itoobiya ku leedahay iyo siyaasadda ammaanka Soomaaliya. Dareenka ka qaybgalayaasha doorashada iyo cod-bixiyaashii Baarlamaanka ee ku sugnaa hoolka doorashada waxa rogay hadal uu jeediyay Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ahaa Musharax Madaxweyne iyo fariin goobaabin iyo dardaaran aheyd oo ay jeediyeen culimadii lagu marti qaaday doorashadii ka dhacday Soomaaliya 2017, kaas oo ahaa in dalka ay saameen balaaran ku leedahay dowladda Itoobiya ayna hadda joogaan hoolka doorashada. Hada waxaa in la’is weydiiyo mudan shalay iyo Maanta yaa badan saameenta Itoobiya ee siyaasadda Soomaaliya? Farqi weyn oo muujinaya hoos u dhac ku yimid saameenta Itoobiya ee siyaasadda gudaha iyo amniga Soomaaliya maanta ma muuqdo balse waxaa muuqata in Itoobiya ay gaartay heerar iyo talaabooyin aysan markii hore ku dhiiran karin taas oo muujineysa in Itoobiya ay sii fidisay saameenteedii Soomaaliya. Xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh: Xiligii uu talada dalka haayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Itoobiya waxay laheyd saameyn ay ku qal-qal gelin karto siyaasadda Soomaaliya sababtoo ah waxay ku xirneed inta ugu badan madaxda dowlad gobaleedyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa dalka ku sugnaa General Gabre oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika, laakiin asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya. Gabre waxa uu ka soo muuqan jiray Kaamiriyoonka xiliyada ay jiraan arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya balse hadda waxa uu galay xubno badan oo uu saameeyay isbadalka ka dhacay Itoobiya. Xasan Sheekh Maxamuud saaxiib dhow uma aheyn Itoobiya mana jirin cadeymo muujinaya in Itoobiya uu ku xiran yahay balse waxa uu ku qabay dhib waxaana loo soo adeegsan jiray dowlad gobaleedyada, ayadoo ay dhacday in marar badan uu warbaahinta ka sheegay in dalalka dariska laga soo abaabulo shirarka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya. Hadda uu talada hayo Madaxweyne Farmaajo: Itoobiya waxay maanta Soomaaliya ku leedahay saameyn balaaran waxayna gaartay heer aan la filayn in ay gaari doonto, ayada oo ay banaanka u soo baxday galaan-gal xoog leh oo siyaasadda iyo amniga ah. Waxaa jira kiisas badan oo muujineysa in Itoobiya ay isku balaarisay siyaasadeed Soomaaliya islamarkaana ay ka fushato dano badan laakiin waxay badashay qaabkii markaas ay wax u qabsan jirtay. Halka ay markii hore gacan saar la lahayd maamul goboleedyada, waxay hadda la xiratay dowladda dhexe, iskana tuurtay maamullada. Waxay ku guuleystay arrimo ay ka mid yihiin:- Itoobiya waxay ku guuleysatay markii ugu horreysay in loo gacan geliyo mid kamid ah halgamayaasha Soomaaliya ee Xorriyad u dirarka ah, Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax. Itoobiya waxay ku guuleysatay in Soomaaliya ay ka dhigto dalkii labaad ee adfuunka ku yaalla oo ONLF u aqoonasda Argigixiso, halka dalka koowaad uu ahaa Itoobiya oo dagaal kula jirta. Yururb, Ameerika, Aasiya, Australia iyo Afrika hal dal oo kamid ah ONLF uma aqoonsan argigixiso marka laga reebo Itoobiya iyo Soomaaliya. Inkasta oo kadib imaatinkii Abiy Ahmed ay Itoobiya taas ka noqotay, dowladda Soomaaliya weli kama laaban go’aankii ay ONLF ugu sheegtay urur argagixiso. Itoobiya waxay markii hore la macaamili jirtay maamul gobaleedyada oo aan laheyn awood ay ku bixiyaan wax danguud ah balse loo adeegsan jiray jebinta Qarankooda balse maanta waxay toos ula macaamishaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxayna si weyn ugu milan tahay siyaasadda Soomaaliya. Itoobiya waxay Shalay ay taageersaneyd Axmed Madoobe oo ka soo horjeeday Xasan Sheekh markii ay dhacday doorashadii tan ka horreysay waxayna markaas usoo dirtay Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya halka maanta ay la safantahay Farmaajo oo ay cadaadis ku heyso Axmed Madoobe. Arintaan waxay muujineysaa in shalay danaha siyaasadeed ee Soomaaliya laga raadin jiray dowlad gobaleedyada balse maanta laga helayo Villa Somalia. Inta jeer ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u safray Itoobiya 4-tii sano ee uu talada dalka haayay waxaa dhowr jeer ka badan safarka Madaxweyen Farmaajo oo xilka hayo muddo ka yar 3 sano walina waxaa u dhiman safaro kale. Itoobiya waxay badashay awoodii xoog ku muquuninta waxayna u badashay in ay la saaxiibto Madaxweynaha Soomaaliya loo dhigo ballamo aan mira dhalin, intoobada ugu badanna lagu mudeeyo waqtiyo aan dhawayn halka qaar kalane looga baxay. Ballamaha looga baxay Soomaaliya waxaa kamid ah in Soomaaliya la siiyo Xogyahaya IGAD waxaana loo magacaabay muwaadin u dhashay Itoobiya, iyo Villa Somalia laga taageero ka hortaga Axmed Madoobe oo guul darro ku soo dhamaatay. Inkastoo ay caqabadahaas iyo kuwa kalaba ay dalka ka jiraan haddane maamulka Madaxweyne Farmaajo ay ku guuleesteen in bulshada Soomaaliyeed ku qanciyaan wax ka fog xaqiiqda dalka taalla. Masuuliyiinta DF waxay sameesteen koox dhalinyaro ah oo baraha bulshada kula dagaala Warbaahinta, siyaasiinta iyo shaqsiyaadka soo bandhiga xaqiiqda Soomaaliya ka jirta, hase waxaa jira malaayiin kale oo kawar qabta dhibaatooyinkaan iyo kuwa kale, kuwaas oo aan lagu guuleysan in la marin habaabiyo. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka digay in xasilooni-darro dheeri ah ay ka dhici doonta dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray inuu cadaaladda horkeeni doono kuwii ka mas’uulka ahaa dhimashada 67 qof oo geeriyooday toddobaadkan. “Shaqaaqooyinkan aan wajanhay waxay noqon doonaan kuwa intan kasii cabsi badan oo adag, haddii aysan dadka Itoobiya midoobin oo aanay mid noqon,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan laga soo saraay xafiiskiisa. “Waxaan si adag uga shaqeyn doonnaaa inaan xaqiijinno joogteynta amarka iyo kala dambeynta, iyo in cadaaladda la horkeeno, kuwii ka mas’uulka ahaa dhibka.” Abiy Ahmed waxa uu xusay in wax u muuqday dibad-bax ka dhan ahaa dowladdiisa ay si deg deg ah isugu beddeleen isku dhacyo ku saleysan jinsi iyo diin. “Waxaa jiray isku day xasaraddan loogu beddelayo mid diimeed iyo mid jinsi. Intii ay tani socotay ayaa ciidamadeenna waxay u noqdeen dhibanayaal,” Ayuu yiri. Waxa uu sheegay in guryo, ganacsiyo iyo goobo lagu cibaadeysto la burburiyey, islamarkaana tiro dad Ethiopian ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn ay barakaceen. Rabashadaha ayaa arbacadii ka billowday magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa iyo inta badan gobolka Oromia, kadib markii Jawar Mohamed oo u ololeeya dadka Oromada uu ciidamada amniga ku eedeeyey inay soo abaabuleen weerar isaga ka dhan ah – eedeymahaas oo booliska ay beeniyeen. Jawar ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii dhiir-geliyey dibad-baxyadii Itoobiya ka dhacay sanaddii tagtay, ee hoggaamiyey in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu la wareego talada dalka. Abiy iyo Jawar ayaa labaduba kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo ah tan ugu badan Itoobiya, waxaana xiisaddan cusub ay halis gelin kartaa isku dayga Abiy Ahmed uu ku doonayo in bisha May ee 2020 loogu doorto ra’iisul wasaaraha dalka ee shanta sano ee soo socota. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
NEW YORK, Oct 26 (KUNA) -- Kuwait has affirmed necessity of enforcing security and stability in Somalia, particularly within framework of executing international curbs on the nation. Source: Hiiraan Online
-
For almost a decade the Libyan capital, Tripoli, has seen a kaleidoscope of conflict. Source: Hiiraan Online
-
Around 140,000 people in Somalia have been forced to flee their homes due to flooding in the Hiraan region, including some 70,000 children, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Idlib (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas werinaya warbaahinta Mareykanka. Militariga Mareykanka weli si rasmi ah uguma dhowaaqin geerida Al-Baghdadi, hase yeeshee madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xalay ku yiri “Wax aad u weyn ayaa dhacay goor dhow.” Waxyar kadib qoraalkaas, ayaa Aqalka Cad waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in madaxweyne Trump uu war weyn shaaca ka qaadi doono 9-ka subaxnimo ee axadda, xilliga saacadda bari ee Mareykanka. Militariga Mareykanka ayaa habeenkii sabtida ee xalay gobolka Idlib ee dalka Syria ka fuliyey howl-gal qorsheysan oo lagu beegsaday Al-Baghdadi. Howl-galka ayaa waxaa toddobaad ka hor ansixiyey madaxweyne Donald Trump. Sarkaal ka tirsan Pentagon-ka Mareykanka ayaa wargeyska Newsweek u sheegay in howl-galkaas lagu dilay Al-Baghdadi. Sidoo kale sarkaal kale ayaa Aqalka Cad u sheegay “inay kalsooni buuxda ku qabaan” in Abu Bakar Al-Baghdadi la dilay. Xubno ka tirsan Taliska Ciidamada Mareykanka ee Howl-gallada gaarka ah ayaa howl-galka fuliyey kadib markii ay heleen warbixino sirdoon oo la isku haleyn karo, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Goobta howl-galka laga fuliyey ayaa waxaa dusha lagala socdaa muddo fog. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
-
Nin Soomaali ah oo soo galay diiwaanka dadka ugu saameynta badan UK Ismaaciil Axmed Ismaaciil Axmed oo ah aasaasaha shirkadda WorldRemit oo ah shirkad u fududeysa in ehellada iyo ganacsatada ay lacag isu diraan iyagoo wadamo kala duwan joooga ayaa ka mid noqday diiwaanka dadka ugu saameynta badan UK. Liiska dadka madow ee ugu sameeynta badan UK ee 2020-ka ayaa la shaaciyay waxa uuna liiska ka kooban yahay boqol qof oo uu namabarka koobaad ku soo baxay Ismaaciil Axmed. Isagoo la hadlay BBC-da ayuu yiri: ”Sharaf weyn ayay iitahay inaan ku guuleysto abaalmarintan. Markii aan ku soo barbaarayay Somaaliland, waxaan arki jiray sida dadka qaxootiga ah ay lacagaha ugu soo diraan eheladooda” Markii aan London waxbarsho u imid oo aan bilaabay inaan lacag u diro eheladayda, waan wareeray oo igu adkaatay qiimaha lacagaha loogu diro xawilaadaha caadiga ah”. Markaasi ka dib ayuu bilaabay hadafkiisa ah inuu raadiyo waddo fudud oo lacagaha loogu xawuli karo dadka Afrika Joogo. Mr Axmed waxa uu ahaa Khabiir ku xeel-dheer Xawilaadda Lacagaha iyo Nidaamka lacagaha laysugu Xawilo, waxaanu xoogga saaray arrimahan, isaga oo Shahaadda PhD cilmiga dhaqaalaha ku diyaarinaya Jaamacadda Imperial College ee magaalada London,” Nin dadka ajaaniibta bara hidaha iyo dhaqanka Soomaalida Tobanka qof ee ugu horreeya liiska dadka ugu saameynta badan Ismaciil Axmed – Aasaasaha iyo Guddoomiyaha WorldRemit Pat McGrath, MBE – Farshaxaniste Make-up-ka ah Michael Sherman – Madaxa Shirkadda, BT Jacky Wright – Madaxa Dhijitaal-ka ee shirakadda Microsoft Stormzy – Farshaxaniste Edward Enninful-Tafaftiraha shirakadda OBE Ebele Okobi – Agaasinka Siyaasadda Dadweynaha ee Afrika, Bariga Dhexe iyoTurkiga Paulette Rowe – Madaxa Facebook u qaabilsan lacagaha Lynette Yiadom-Boakye – Farshaxaniiste Richard Iferenta – Partner, KPMG Qaran News
-
Ilhan Cumar oo su’aalo adag weydiisay wakiilka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Suuriya iyo ururka Daacish waxay tiri: “Waa in aan joojino hubeynta iyo taageeridda maamulada aan naxariista lahayn, waana inaan eegno shuruucdeena dibadda ee meelaha anan u adeegsanayn nolosha iyo bini-aadamka dhibban”, ayey tiri iyadoo ka hadleysay duullaanka Turkiga ee Suuriya. Turkiga ayaa “si khasab ah” dib ugu celinaya qaxootiga Suuriya oo la geynayo xuduudda, si loo dejiyo “aagga nabadda ah” in kastoo dagaalka uusan weli dhammaan, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka Reuters oo sii xigatay hay’dda u doodad xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Hay’adda kale ee xuquuqda u dooda ee Human Rights Watch waxay sidoo kale sheegtay in “mamulka uu si aan kala sooc lahayn u xir-xirayo una musaafurinayo tobannaan qof oo Suuriya u dhalatay kuwaas oo la geeyay Waqooyiga Suuriya, muddadii u dhexeysay January iyo September” ee sannadkan. Laba isbuuc ka hor, Turkiga ayaa billaabay duullaan uu kaga gudbay xuduudda Suuriya si ay u sameeyaan “aag nabad ah” oo laga sifeeyay malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee loo kala yaaano SDF iyo YPG. Dowladda Turkiga ayaa malleshiyaadkaas u aragta in ay la mid yihiin ururo argagixiso. Waxay sheegtay in ay yihiin dhinacyo ka tirsan ururka Kurdiyiinta ee tobannaanka sano ka dagaallamaya dhanka Turkiga ee PKK. Duullaanka wuxuu bilowday ka dib markii ciidammda Mareykanka oo Kurdiyiinta ay ku tiirsanaayeen, ay billaabeen in ay ka baxaan dhanka Xuduudda. Turkiga wuxuu ku doodayaa in deegaannada ay qabtaan ay dejin doonaan 3.6 milyan oo qof oo ah Qaxooti u dhashay Suuriya ah kuwaas oo ka cararay dagaallada sokeeye. Ilhaan Cumar waxay sheegtay : “Waa inaan xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta aan aasaaska ka dhigno”. “Su’asho waxay tahay in haddii Kurdiyiintu xaq u leeyihiin in ay jiraan iyagoo Kurdi ah. Waa inaan bartamaha dhigno xuquuqda iyo sharafta Bini-aadamnimada. Waa inaan sal uga dhigno xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta”, ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysay fadhiga guddiga arrimaha Dibadda u qaabilsan Congress-ka Mareykanka oo su’aalo weydiinayay safiirada. Donald Trump ayaa dhowaan sheegay in labada dhinac la kala dhex dhigay xabad joojin. Balse Ilhaan ayaa ku doodeyso in “Turkiga uu sheegay in uu sii wadadayo howlgalka”. “Waa inaan masuuliyadda qaadno. Taa micneheedu ma ahan hakinta akoono bangiyo; ma ahan xakameynta dhaqaalaha Turkiga, iyadoo sy sii socoto ciqaab wadareed loo geysanayo bulsho aan arrintan dooran”, ayey sheegtay Ilhaan. “Wuxuu macnuhu yahay in si aan caadi ahayn looga fakaro cadaaladda xadgudubyadan. Waa in si dhab ah looga fakaro sidii aan u joojin lahayn hubeynta maamullada naxariista daran”. “Ficillada” Turkiga “waa kuwo aan la difaaci karin”, ayey hadalka ku sii dartay Ilhaan Cumar. Xildhibaannadan ka tirsan Congress-ka Mareykanka waxay xubin ka tahay guddiga arrimaha dibadda, waxayna si weyn u dhaliishay wada shaqeynta maamulka Trump uu la leeyahay xukuumadda Erdogan. “Waa in aan aragti cad ka qaadano siyaasadaha dibadda ee halista gelinaya koox dhammeystiran oo dad ah oo si wayn loola dhaqmay sida shay la isticmaalay ka dibna la iska tuuray”, ayey weydiisay mid ka mid ah safiirrada Donald Trump ee arrimaha Bariga Dhexe. Ilhaan ayaa ka dib su’al kale weydiisay Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Suuriya iyo Isbeheysiga la dagaallamaya ISIS, James F. Jeffrey. “In Turkiga uu adeegsado hub kiimiko ah, maxay tahay masuuliyadda arrintas ka saaran Mareykanka?” “Waan baareynaa eedeynta la soo jeediyay ee ah isticmaalka kiimikada. Waana in aan eegno xaaladaha sababay”, ayuu yiri Jeffrey. Waxay sidoo kale weydiisay in uu galaangal ku lahaa warqaddii uu Trump u diray Erdogan ee “qashinka lagu dhex tuuray”. James F. Jeffrey Wuxuu yiri: “Qeyb baan ka ahaan in warqadda la gaarsiiyo madaxweyne Erdogan. Madaxweynaha wuxuu la tashadaa xoghayihiisa guud, anagana isaga ayaan farriinta u marinaa, waana sida ay u shaqeyso, waana sida warqadda ay ku timid”. “Ilhaan oo ka falcelisay hadalkaas waxay tiri: “Waxaan jeclaan lahaa in adinkoo badan aad fikir toos ah ka dhiibataan warqaddaas. Waxayna ila tahay in ay sax tahay in warqaddaas lagu tilmaamo mid ceeb ku ahayd Mareykanka”. Warqaddii Trump ee “qashin-qubka lagu daray” Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa warqadda Donald Trump “ku dhex riday qashinka”, ka dib markii la gaarsiiyay, sida BBC loo xaqiijiyay. Warqadda la qoray 9-kii bishan October, lana diray ka dib markii ciidamada Mareykanka ay ka bexeen Suuriya, wuxuu Trump ugu sheegay Erdogan: “Ha is adkeynin. Ha noqon doqon”. Dad ka tirsan Madaxtooyada Turkiga waxay BBC u sheegeen in Erdogan uu warqadda “uusan aqbalin gebi ahaanteedaba”. Maalinta warqadda la gaarsiiyay, ciidamada Turkiga waxay billaabeen duullaan ay uga gudbeen xuduudda Suuriya oo ka dhan ah Kurdiyiinta. “Aan ka wada shaqeyno heshiis fiican! Ma dooneysid in aad masuul ka noqotid dilka kumannaan qof, anigana ma doonayo in aan masuul ka noqdo burburinta dhaqaalaha Turkiga – Waana sameyn doonaa,” ayuu Trump ku qoray warqadda. “Taariikhda sida aad dooneyso ayey kuu xusi doontaa haddii aad midda saxda ah iyo qaabka wanaagsan aad u sameyso tan. Weligaa waxaad noqon doontaa qof xun, haddii wax wanaagsan aysan dhicin.” Taas isagoo ka jawaabaya, ilo ku dhow madaxtooyada Turkiga waxay sheegeen: “Madaxweyne Erdogan waa la soo gaarsiiyay warqadda, wuu diiday waxa ku qoran oo dhan, wuxuuna ku daray qashinka”. Isha: BBC Somali
-
Federaalnimadu maxay tahay? Federaalnimadu waa nidaam dastuuri ah oo qeexaya qaabka loo wadaagayo awoodaha maamulka siyaasadda iyo khyaraadka waddan, kaas oo siinaya gobollada maamul hoosaad dhab ah laakiin ku siman gobolkooda, kaas oo u madax banaynaya inay maamulaan degaanadooda. Dawlad goboleedyadu awood sharci iyo mid dastuur toona uma laha maamulka kore ee waddanka sida siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca, lacag samaynta, bixinta Passporada, ururinta canshuuraha; ilaalinta xuduudaha dhulka, hawada, iyo badda, maamulidda dekedaha, iyo garoomada diyaaradaha, bixinta jinsiyadaha, iyo gelidda heshiisyada caalamiga ah. Muxuu noqon karaa xiriirka ka dhexeeya dawladda dhexe iyo gobollada Xiriirka Dawladda dhexe iyo gobollada ka dhexeeya ma ah mid ay is bur-burin ee waa mid ay is buuxiyaan, ma aha mid tartan ee waa mid tacaawun ah, ma aha mid ah dawlado is garab yaal ee waa mid dawlad sare iyo maamul hoosaadyo hoos imaanaya dawladdaas sare. Federaalnimadu ma aha tartan, iska hor imaad dhex yaal dawaladda dhexe iyo gobollada iyo doqonimo siyaasadeed oo an u danaynay danta waddaka iyo tan bulshada Soomaaliyeed. Nidaamka Federaalnimadu ma ku habboon yahay Soomaaliya Nidaamka Federaalnimada waxaa loo qaata si loo xalliyo khilaafka siyaasada iyo kan mujtamaca/qbaliga ah ee dhex yaal dal ay wadaagaan dad kala diin, kala dhaqan, kala luqad, kala midab, ama kala dano ah, isla markaana dadka dalkaas ku nool aysan kalsooni isku qabin. Soomaaliya waxa ka jira uun tan kalsooni darrada qabaailka dhex taal, taasna ma keenayso in Soomaaliya qaadato nidaamka federaalka. Sidaa awgeed nidaamka federaalku kuma habboona Soomaaliya, wax aan dhib ahayna kuma soo kordhin waddanka. Qabaa’ilkii uun buu sii kala qabiyay oo sii kala fogeeyay halkii uu ka midayn lahaa mujtamaca. Waxa kaloo federaalka loo qaataa in gobollada dalka oo la gaarsiiyo horumar iyo adeegyo dhamays tiran, taas oo keenaysa in gobol walba saami fiican ka helo wuxu soo saaro iyo canshuuraha laga uruuriyo gudihiisa, iyadoo dawladda federaalkuna ay gobol walba kabayso, saami ka siinayso khayraadka iyo canshuurah dawaldda dhexe uruuriso. Waddankaada lama mucaarado ee qof iyo siyaasaddiisa ba la mucaaradaa Mucaarad waa la noqon karaa oo dawlaadda markaas jirta iyo madaxdeedaba mucaarad waa lagu noqon karaa laakin sax ma aha in mucaarad lagu noqdo waddanka, dawaladnimada, qaranimada, midnimada, iyo horumarka dalkaada. Ma aha in mucaaradku u dhaqmaan in haddii sida ay iyagu rabaan aan la helin in wax walba la bur-buriyo, iyagoo aan eegayn mustaqbalka jiritaanka dalka Soomaaliya. Dal iyo dawlad lama bur-buriyo ee waxaa mucaarad lagu noqdaa qof iyo aragtidiisa siyaasadeed ama mabdi’iisa iyo xisbigiisa. Tusaale ahaan, caleemo saarkii Axmed Madoobe waxa yimid Kismaayo diyaarad ay la socdeen wafdi ka socda dawladda Kenya oo uu hoggaaminayay xildhibaan ay isku hayb yihiin Axmed Madoobe. Diyaaraddaas waxay ku xad gudubtay xayiraad diyaaradaha ka saarnaa duulimaad ay Kismayo toos ugu tagaan, laakiin mucaaradkii ka qayb galay xafladda Axmed Madoobe midna kama hor imaan xad gudubkaas. Waxaa is waydiin leh, sidee u dhici kartaa in diyaarad Kenya ka timid ay ugu degto gobol ka mid ah Soomaaliya iyadoo an fasax ka haysan dawladda Soomaaliya? Sidee u dhici kartaa in mucaaradkii Soomaalidu ay taageeraan in dawlad shisheeye ku soo xadgubto hawada dalkooda, isla markaasna ay u riyaaqaan una sacabo tumaan khudbadii wafdigii Kenya ka jeediyeen madasha, taasoo uu ula dhaqmay maamul goboleedka jubaland sidii dawlad gaar ah. Yaa khatar badan waxa mucaaradku raadinayaan iyo dhibka soo gaaraya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya. Haddii mucaaradku beeri ka maalin talada qabtaan maxay samayn doonaan oo ka yeeli doonaan rabitaanka Kenya oo ah inay xoog iyo xeel hadba kii u suurooba kula wareegaan qayb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya iyo khayraadka ku jira. Ka horjeedka laga soo horjeedo dawladda maanta iyo madaxdeeda ma aha in waddanka iyo dawladnimada loo bur-buriyo. Mucaaradki ma markii ay talada qabtaan bay noqonayaan waddaniyiin wanaagsan oo daacad ah? Qofkaad rabto inaad barato, dadka uu ku xiran yahay baa la bartaa. Bal aan dib u fiirino cidda hiil iyoo hooba had iyo jeer heegan ula ah mucaaradka Soomaaliya. Mucaaradka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan Shiikh Shariif, Hassan Sh.Maxamud, Cabdiraxman Cabdi Shakur, Ina Cabdirashid Cali Sharmake, Siciid Deni, Axmed Madobe, iyo Fiqi waxay taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ka helaan dalal iyo ururro cadow u ah Soomaaliya. Sidaas oo ay tahay badankooda uma qalman inay dal maamulaan. Tusaale ahaan, markii wax laga waydiiyay Shiikh Shariif oo madaxwayne ahaa markii Ina Cabdi Shakuur saxiixay MoU-dii Kenya lagula heshiiyay inay badda Soomaaliya la wareegto, wuxuu yiri waxba kama ogayn heshiiskaas ee ha la waydiiyo Ina Cabdirashid, iyo Cabdiraxman C. Shakur. Sidee buu Shiikh Shariif rabaa inu mar kale madaxwayne uga noqdo Soomaaliya isagoo dembiga intaa le’eg ka galay dalka iyo dadka Soomaaliya. Waxaan u baahan nahay mucaarad waddani ah, waddankana aan dhiig iyo dembi ka gelin. Xalka Soomaaliya waa in masuuliyiinta talada dalka qabanaysa oo dhan ay doorasho qof-iyo-cod ah ku yimaadaan. Xuquuq simanna ay isku yeeshaan dawaldda dhexe, goballada, iyo degmooyinka dalka oo dhan. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Popular Contributors
