-
Content Count
213,970 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gud. cusub ee Dhahar Cabdifitaax Maxamed Salaad Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland, ayaa sheegtay in ay soo geba-gabaysay dhismaha Golaha Degaanka degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan. Liiska xildhibaannada cusub ee Golaha Degaanka Dhahar oo ay soo xuleen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa shalay wasaaraddu shaacisay, waxayna isla xalay doorteen guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen cusub. Golaha oo ka kooban 27 xubnood ayaa guddoomiye u doortay, Cabdifitaax Maxamed Salaad, kadib markii uu helay 14-cod, isagoo hal cod kaga guulaystay musharrixii ku soo xigay, Daahir Maxamed Maxamuud oo isna helay 13-cod. Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka degmada Dhahar, ayaa loo doortay Maxamed Muuse Cabdirixmaan, waxaana sidaasi ku dhammaystirmay maamulka cusub ee loo dhisay degmadaasi Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan. PUNTLAND POST The post Puntland oo maamul cusub u dhistay degmada Dhahar appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa warbixin fahfaahsan oo dul istaageysa arrimo badan uu wuxuu kasoo saarey xaaladda wadamada aduunka ee dagaalka adag kula jira wax loogu yeero “argagixisadda”. Warbixinta oo quseysa sanadkii 2018-kii ayaa bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka lagu daabacay 1-dii November ee sanadkan 2019. Ugu horeyn, warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda iyo saaxiibadooda oo kordhiyay cadaadiska Al-Shabaab ay ku riixday in ay bedesho xeeladeeda. Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa u wareegsaday adeegsiga walxo qarxa, iyaga oo ka baaqsaday fulinta howlgaladda waaweyn, sida ku xusan qormadda. “Iyadda oo cadaadiska jiro, haddana Soomaaliya ayaa wali gabaad u ah argagixisadda, sababtoo ah kooxaha oo adeegsada qoysaskooda”. Soomaaliya ayaa xubin buuxda ka ah Isbaheysiga ka dhanka ah kooxda la magacbaxday Dowladda Islaamka oo qaybo kamid ah dalka ku sugan. “Tani waxay fursad u siisaa in ay qortaan dagaalyahano cusub, qorsheeyaan howlgalo gudaha iyo dibada ah si lamid ah lacago uruurinta”. Badda howlgaladda ay labadda koox – Shabaab iyo Daacish – fuliyeen 2018-kii waxay ku beegsadeen huteelada, xarumaha dowladda iyo saldhigyadda. “Weerarada ayaa u ogolaa kooxaha in ay qabsadaan hub, rasaas, darees, agab ciidan iyo saanad,” ayay daboolka ka qaadey warbixinta. Sharciga la dagaallanka argagixisada Sidda ku cad warbixinta, Mareykanka ayaa ku dhaliilaya dowladda federaalka in aysan wax horumar ah ka sameynin xeerka la dagaallanka argagixisada. Sharcigan oo ay meelmariyeen Golaha Wasiiradda ayaa haatan horyaala Golaha Shacabka, wuxuuna u baahan yahay akhrin saddexaad iyo meelmarin. “Ma jirin isbadal la taaban karo oo ku yimid qaab dhismeedka sharciga Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada iyo hanaanka sharci fulinta ee sanadkii 2018,” ayaa lagu yiri warbixinta. Hindise Sharciyeedkan ayaa kamid ah ajendeyaasha ugu horeeya ee kalfadhiga 6aad ee Aqalka Hoose uu ka doodi doono kulamadda soo aadan. “Amniga xadka Soomaaliya oo aad u dabacsan ayaa u sahleysa argagixisada in ay u talaabaan wadamada deriska kana soo talaabaan marka ay fal sameeyaan”. Gabagabadii, iskaashiga aduunka ee ka dhanka ah argagixisadda Soomaaliya oo ay iska kaashanayaa xulufo badan oo caalami ah ayay warbixinta tooshaka ku ifineysaain uusan 2018-kii ahayn “mid aad u buuran”. Isha: Garowe Online
-
Maxamed Bin Salmaan oo la tuhmayo inuu ‘xiriir jaceyl’ la leeyahay Lindsay Lohan Waxaa sii xoogeysanaya warar ay werinayaan qaar ka ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in xiriir jaceyl oo qarsoodi ah uu ka dhexeeyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salaman iyo aktaradda Mareykanka ee Lindsay Lohan. Wargeyska Daily Beast ayaa weriyey in Bin Salman iyo Lohan ay aad isugu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa, islamarkaana uu caalamka oo idil ugu duulinayey diyaaraddiisa gaarka ah, islamarkaana ugu qubeynayey haddiyado. Haddiyadaha uu Bin Salman siiyey Lindsay ayaa waxaa ka mid ah credit card ay ku jirto lacag badan. Mar dad ku dhow Lindsay la weydiiyey waxa ka jira xiriirka waxay sheegeen in ayada iyo Bin Salman is-garanayaan, balse ma aysan bixin faah-faahin intaas ka baxsan. Dad arrintan xog-ogaal u ah, kuna dhow Lindsay oo 33 jir ayaa sheegay inay si joogto ah isku weydaarsadaan farriin qoraaleedyo, balse waxay beeniyeen inuu siiyey haddiyad lacageed iyo inuu xiriir jaceyl ka dhaxeeyo midkoodna. Linday Lohan ayaa fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana dadka ku dhow ay sheegeen in la kulankeeda badan ee madaxda carabta ay mar kasta abuuri karto warar xan ah oo ku saabsan xiriiro jaceyl. Qof kale oo ayada ku dhow ayaa yiri “madaxa carabta marka ay arkaan way waashaan.” Xiriir lala sameeyey Maxamed Bin Salmaan iyo dad ku dhow waa ay diideen inay ka jawaabaan xiriirkan la tuhmayo, hase yeeshee waxay qireen in Lindsay ay marar badan Sacuudiga u timid sare u qaadiidda magaca boqortooyada iyo arrimo kale. Qaran News
-
CIA waxay isku dayday iney afgambi igu sameyso” Dowladda Eritrea ayaa soo saartay warmurtiyeed aan horay looga baran iyada oo warmurtiyeedkeeda ku eedeysay iney laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ay Eritrea u maleegtay afgambi. Waxayna xukumadda Asmara warmurtiyeedkeeda carrabka ku dhufatay laanta sirdoonka Israa’iilna iney afgambigaasi la damacsanaa gacan ka geysatay. Dowladda Eritrea waxay sheegtay in afgambigi Militari lala damacsanaa sanadka marka uu ahaa 2011-ka, balse hadda ay heleen macluumaad dhammeystiran oo afgambiga la damacsanaa muujinaya. Afgambigi la damacsanana waxaa qayb ka ahaa ayey tiri xukumadda Asmara in kacdoonna shacab gudaha Eritrea laga abaabulo si awoodda dowladda loo wiiqo. Warmurtiyeedka ka soo baxay xukumadda Asmara oo ku qornaa afka Tigreega waxaa si toos ah looga magac ***** shaqsiyaadka iyo laamaha afgambiga loo maleegayey ka qayb qaatay ee ay sheegtay iney ku kulmeen magaalada Nairobi. Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR waxay CIA ku amartay inuu gacan ka geysto sidi ay shacabka Eritrea uga qixi lahaayeen dalkooda waa sida warmurtiyeedka Xukumadda Asmara lagu sheegaye. “Kooxaha afgambiga maleegayeyna” kooxda qaranka kubadda cagta Eritrea iney dalkooda ka baxsadaan oo ay waddamo kale magangalyo weydiistaan ayey ku dhiirragelinayeen ayaa lagu yiri warmurtiyeedka. Waxaana taa tusaale ugu filan kooxda kubadda cagta Eritrea oo Nairobi ciyaar kaga qayb galayey ee diiday iney dalkooda dib ugu noqdaan. Dhawaanna waxaa dalka Uganda iska dhiibay afar ciyaartooy oo Eritrea u dhashay oo noolal dhuumaaleysi ah oo cabsi badan ku jooga dalka Uganda ayey Asmara ku sheegtay warmurtiyeedkeeda. Laanta Sirdoonka Israa’iilna waxay ka shaqeyneysay ayey tiri warmurtiyeedka Asmara ka soo baxay iney diyaariso xoga been ah oo ku saabsan iney xukumadda Asmara ay xiriir la leedahay kooxaha argagixisada ee Bariga Dhexe ka dhaqdhaqaaqa. Iyada oo ay Moosad marar badan saraakiisha sarsare ee ka tirsan ciidamada Eritrea ay ku eedeysay iney ka shaqeeyaan tahriibinta dadka. Waxyaabaha kale ee lagu sheegay xogta sirta ay shaacisay dowladda Eritrea waxaa ka mid ah: “Dowladda Eritrea inuu si fudud isbeddel uga dhaco ma aha mid suuragalayo, sidaa darteed dowladda Eritrea si looga takhaluso, in la adeegsado xoogag dibadeed oo aqoon u leh ciidanka Eritrea iyo sida ay u shaqeeyaan ay lagama maarmaan tahay. Dowladda shuruudahaasi buuxin kartana ay tahay maamulki wayaanaha uu horkacayey ee Addis Ababa ka arriminayey” ayey tiri. Dokumantiga sirta ee ay shaacisay xukumadda Asmara ee ay warmurtiyeedkeda ku sheegtay waxaa kale oo ka mid ahaa: “Dowladda Itoobiya awoodda ciidan uu dalka Eritrea leeyahay daraasadda ku saabsan ee loo soo gudbiyey inuu yahay mid dhab ah oo muddo gaaban suuragelin karo in xukumadda Asmara laga takhaluso, laakiin waxaa lagu wargeliyey ‘iney degdegin’.” “Balse iyagu waxay damacsanayaayeen dagaalki dhacay 1998 kaddib iney rabeen markale iney dagaal soo qaadaan. Dowladda Eritrea si loo afgambiyana Qaramada midoobay iyo Hay’adaha bahwadaagta la ahna waxay Itoobiya xilligaasi ka heleysay taagero buuxda. Dowladda Eritrea sababata ay warbixintan xasaasiga ee ay muddo qarineysay xilligan ugu soo beegtay ayaan caddeyn. Iskudaygi loo sameeyey iney dowladaha Mareykanka iyo Israa’iil iney eedda loo soo jeediyey jawaab ka bixiyaanna ma noqon mid suuragasha. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay Gaashaanle Sare Cali Maxamed Nuur oo ahaa Taliyaha Guutada 1-da April, gaashaanle Aadan Axmed Cali Gaaseey ammaan duulaha Guutada 1-da April, taliyaha urur hoos yimaada Guutada 1-da April oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Maxamuud Masdile iyo ammaan duulaha ururka. Dhamman saraakiishan ayaa waxaa loo xiray weerarkii lagu qaaday Saldhigga Ceelsaliini oo ay ku dhinteen in ka badan 30 kamid ah Milateriga Soomaaliya. Saraakiishaan oo madax u ahaa ciidanka weerarkaas ku dhamaaday ayaa muddo todobaadyo ah lagu hayey wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya kadib markii lagu eedeeyay dayacaad ciidan iyo mid hub. Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ragaan su’aalo laga weydiiyay weerarkii xanuunka badnaa oo ay Al-Shabaab ka fuliyeen xerada Ceelsaliina iyo hub iyo gaadiid halkaas lagu qabsaday. Xubno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in qaar kamid ah saraakiishaan si kumeel gaar ah shaqada looga fariisiyay waxaana suurta gal ah in ay xilka laga qaado maadaama la sheegay in ay jirtay dayacaad laga baaqsan karay. Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo daganaa xerada Ceelsaliini waxaa ku dhintay in kabadan 30 Askari, waxaana sidoo kale Al-Shabaab ku qabsadeen 8 gaari iyo saanad ciidan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay degmada Dangoroyo kaga qeybgalay kulanka Bulshada degmada Dangoroyo oo ujeedkiisu ahaa xog-wareysiga Bulsho iyo Dowladdeeda. Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa kulanka kala qeybgalay, Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan degmada Dangoroyo, Hogaanka dhaqanka, Aqoonyahannada, Culimada, Siyaasiyiin Puntland xilal kasoo qabtay iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha kala duwan ee degmada Dangoroyo. Kulanka waxaa lagu bilaabay Casho sharaf, kadibna Hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo hadalka furay ayaa bogaadiyey waxqabadka Dowladda, waxay sidoo kale Bulshada Dangoroyo uga mahadcelisay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni in uu fuliyey ballanqaadkii ahaa inuu wakhti fiican siiyo dadka deegaanka oo habeen ku hoydo Dangoroyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaadkii kulanka la hadlay Bulshada degmada, wuxuu ka mahadceliyey soo dhoweynta iyo kulankan oo muhim u ahaa Bulshada iyo Dowladdaba, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay Dowladdu ku howlantahay hirgelinta codsigii deegaanka ee dhismaha Wadada Eyl iyo Dangoroyo. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in kulamo gaargaar ah uu la qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada Dangoroyo si uu u dhegaysto baahiyaha ka jira deegaanka iyo siday u kala muhimsanyihiin, kadibna ay Dowladdu ku go’aan qaadanayso markii ay waxqabad noqoto. Kulanka Madaxweynaha iyo Bulshada degmada Dangoroyo ayaa qeyb ka ah, kulamada Madaxweynuhu uu la yeeshay Bulshooyinka uu booqday. Waxaana Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hogaaminayo ay caawa ku hoydeen Degmada. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland Oo Caawa Ka Qeybgalay Kulanka Bulshada Degmada Dangoroyo appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Sacuudiga ayaa markii u horeysay taariikhda waxa lagu qabanayaa Ciyaarta musaaracada ee WWE, oo ay ka qeyb qaadanayaan, isla markaana loo qabanayo haweenka. Sacuudiga ayaa mudooyinkii u dambeeyay aad u dabciyay sharciyadii adkaa ee dhanka Masraxyada madadaaalada, midaasi oo suurtagal ka dhigtay in ciyaartan lagu qabto dalkaasi. Ciyaarta ama tartanka Lagdenka ayaa waxa lagu wadaa in uu ka qabsoomo caasimada dalkaasi ee Riyadh, iyadoona loo qaban doono labo koox oo haween ah oo lagu kala magacaabo Stars Natalya iyo Lacey Evans. Goobta tartaankaasi lagu qabanayo oo lagu sheegay garoonka boqor Fahad oo ku yaala caasimada dalkaasi ee Riyadh, ayaa waxa uu qaada dad gaadhay lixdan iyo sideed kun oo qof, lamana oga in Haweenka ka qeyb qaadanaya ciyaartaasi ay ku soo labisan doonan dhar xijaaban iyo inkale. Sacuudiga ayaa qaaday sanadihii u dambeeyay talaabooyin badan oo uu ku fasaxayo arrimo mamnuuc uga ahaa haweenka dalkaasi, taasi oo ay ugu dambeysay in haweenka dalkaasi ay fagaareyaasha kala duwan ee tartamada ciyaaraha laga daawado ka fiirsan karaan. Dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale waxay hore u qaaday xayiradii haweenka ka saarnayd inay keligood Baabuurta kaxaystaan, waxa kale oo ay fasaxayday in Lamaaneyaasha Ajaanibka ah ee aan is qabin ay wada geli karaan qolalka huteellada Sucuudiga, arrinkaasi oo hore mamnuuc uga ahaa dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
2 November 2019, Mogadishu – the National Union of Somali Journalists (NUSOJ) with support from UN Women and the International Federation of Journalists (IFJ) today commemorated in Mogadishu this year’s International Day to End Impunity for Crimes Against Journalists under the theme “End the Violence and Harassment against Women Journalists”. Over 50 journalists from the local media were joined by senior officials from the federal government and judiciary to remember murdered journalists and to challenge the impunity enjoyed by armed individuals and groups who threaten, attack, torture and murder journalists in Somalia. In his address to the commemorative event, Somalia’s Justice Minister Hassan Hussein Hajji has vehemently condemned the unpunished crimes against journalists, particularly the impunity of violence and harassment against women journalists. “Somalia had witnessed a significant decrease in the number of harassments, killings and arbitrary arrests since the current Government came into office in early 2017 when compared to the previous years. Our government has likewise taken trustable actions to create a favourable environment in which journalists can exercise their basic human rights”. “Judging by the brutality and extent of dangers and attacks on journalists in direct response to their journalism work, I reaffirm the Federal Government’s solid commitment to bring those responsible for attacks on journalists to justice in order to send a signal that media professionals must not be silenced through violence and other organised crimes, and culprits must not get away with killings and other maltreatments,” said Minister Hassan Hussein Hajji. During his speech, NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman stated that “journalists in this country have been experiencing persecution, intimidation, and physical assaults, yet quick investigations and final verdicts are rare. Indeed, the government has this year taken important and laudable steps against those who attack journalists but impunity persists. We continue to report relentless intimidation and physical and verbal attacks against journalists. Women journalists are victims of deeply ingrained misogynistic attitudes and discriminatory actions in addition to violence directed against them because of their gender. We all need to sincerely stand-up for justice to end the current injustice.” Speaking on behalf of the judiciary, President of Benadir Regional Court Adv. Muse Moallim Mohamed sent a message to Somali journalists that the courts are ready to punish those who kill or attack journalists but urged them to always use the constitution to defend their rights. “Any person who commits crimes against journalists should be prepared to face the full force of the law and our judges are equipped to speedily tackle gender-based violence case with severe punishment. The safety and dignity of Somali women and girls are non-negotiable”, adding “no one is above the rule of law,”. Awil Mohamud Abdi, President of NUSOJ Supreme Council noted that impunity is miserably a lingering problem that fuels the continued suppression of journalists’ rights in Somalia. “A killer of a journalist is convinced that he will not face justice. In addition to this, women journalists are both legally and physically unsafe in practicing journalism because of their gender. We also need to expose those who provide a cover-up for killers of journalists.” “We are deeply concerned about the ongoing attacks on journalists in the number of areas of the country, though the number of murdered journalists has reduced in the past three years. Especially we are worried about the many human rights waves of abuse against women journalists that went unreported. I say this because journalists play a vital role in exposing human rights abuse, and ensuring that journalists, specifically female reporters, are able to carry out their work free from harassment and violence is thus an essential foundation in the defense and promotion of human rights in Somalia” said Deeq Suleyman Yusuf, Director General of the Ministry of Women and Human Rights Development. During different panels discussions, the participants made concrete recommendations to government to take effective measures to end the practice of violence and harassment against women journalists, ensure accountability and justice for journalists who are victims of human rights violations and abuses and comply with Somalia’s international and continental human rights obligations and commitments. Scroll down for pictures: View the full article
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay dagaal ka qarxa deegaanada Galmudug, gaar ahaan deegaanada ay maamusho Ahlu-Sunna Waljamaaca. Cabdiraxmaan ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in ay Ahlu-Sunna uga baxday balan ay la gashay oo ahayd in la siiyo 35 xildhibaan sida uu habeen ka hor Dhuusamareeb ka qiray wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sebriye. Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyene Farmaajo oo ola-olihiisii doorashada ku soo galay kelmado ahaa “Siyaasaddu been maaha, siyaasadu khayaano maaha, siyaasaddu waa xal raadin iyo erayo la mid ah uu maanta khayaano siyaasadeed oo laga xishoodo kula kacay Ahlu-Sunna, oo uu sheegay in saamigii siyaasadeed ee loo balan qaaday uu noqday oo kaliya fure lagu galay Dhuusamareeb. “Waxaa yaan darro ah in iyadoo masiibo qaran ay ka taagantahay magaalada Beledweyne ay dowladdu intii ay u gurman lahayd dadka dhibaateysan ay awoodeedii iskugu gaysay in ay xoog ku maquuniso Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo dhan” ayuu yiri C/Raxmaan C/Shakuur. Waxa uu sheegay in ciidamadii loogu tala galay in ay xiligaan dagaal kula jiraan Al-Shabaab ay maanta xabad ka ridayaan Matabaan, isagoo uga digay ciidankaas inay geystaan dambiyo dagaal kulana taliyay in madaxda ku amreysa dagaalada nuucaas ah ay amarkooda ku fuliyaan oo kaliya warqad rasmi ah. “Taliyaha qeybta 21aad ee xoogga dalka, taliyaha guutada 15aad ee qeybtaas, taliyaha NISA, taliyaha ciidanka Haram-cad iyo taliyaha ciidanka Danab waxaan uga digayaa in ay fuliyaan amar qaldan, waxaan hada aragnaa kuwo leh amar ayaa la igu siiyay in aan dad weeraro oo cadaaladda ka baxsan la’ hadii aad is leedahay dalka sharci kama jiro oo cid wax kaa qaadeysa malahan, waxaa ku qabanaya sharci caalami ah oo meel aad ka gasho aadan heli doonin” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Hadii uu dagaal ka qarxo Galmudug waxa uu sheegay in ay dhimanayaan oo kaliya dad reer Galmudug ah, isgoo ciidanka Ahlu-Sunna iyo kuwa dowladda dhexe ka dalbaday in ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara dagaal. Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa odayaasha dhaqanka, dowladda federaalka iyo Ahlu-sunna Waljamaaca ugu baaqay in khilaafka jira lagu xaliyo wada hadal oo marnaba aysan dhicin in colaad loo durbaan tumo. Halkaan ka Daawo: Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-02112019.mp3 View the full article
-
Garowe-(Caasimada Online)-Xildhibaanadii shalay magaalada Qardho ugu tagay Madaxweynha Puntland Saciid Cabdullahi Dani ee dhambaalka raali galinta ah uga waday xildhibaan Cawil Xasan Daad ayaa iyaga oo careysan mar kale caawa ka soo muuqday Warbaahinta. Xildhibaanada oo gaarayay ku dhawaad 20 mudane oo deegaan doorashadoodu tahay gobolka Mudug ayaa sheegay in xildhibaan Daad uu ku kacay fal kale oo aysan isku ogeyn, iyagoo ku eedeeyay abaabulkii maanta ee baarlamaanka Puntland uu ku laalay codsigii xeer ilaalinta ee xasaanad ka daadista oo ay la laabatay xeer ilaalintu inta aan codka loo qaadin, isla markaana uu maanta hadal xanaf leh mar kale ka jeediyay kulankii golaha. Xildhibaanadu waxay sheegeen in ay Madaxweyne Dani ka raali galinayeen in mar kale uu xildhibaan Cawil Daad ku kacay wax aan u haboonayn sida ay sheegeen maslaxadda, isla markaana ay kala balameen in aysan soo laaban. Markii ay Madaxweynaha ugu tagayee Qardho ayey sheegeen in uu u wakiishay xildhibaan Daad oo ay isku deegaan doorasho yihiin, isagoo ka sagootiyay magaalada Gaalkacyo oo ay ka baxeen, siiyayna gaarigiisa si ay ugu tagaan Qardho. Halkaan ka Daawo Xildhibaanada oo arintaas ka hadlaya Caasimada Online Xaafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Reporters Without Borders (RSF) calls for the immediate release of Osman Yonis Borogeh, a journalist who was detained and beaten by Djibouti’s police for two days last week and was re-arrested yesterday. Source: Hiiraan Online
-
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maanta ku qabatay xaflad aad u heer sareyso taasoo lagu xusaayay maalinta caalamiga ah ee joojinta dambiyada aan la ciqaabin ee laga galo suxufiyiinta. Munaasabadaan ayaa waxaa ururka NUSOJ ku gacan siiyay hay’adda QM ee UN Women iyo Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ. Xuska maalintaan oo halku dhig looga dhigay JOOJI DHIBAATEYNTA IYO CABSI GELINTA LOO GEYSTO SUXUFIYIINTA HAWEENKA AH ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaliya oo uu hor kacayay Wasiirka Wasaarada Cadaaladaee D owlada Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, hogaanka sare ee ururka NUSOJ iyo saxafiyiin kor u dhaafaya 50 qofood. Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay isla xisaabtan iyo in cadaalada la hor geeyo ku dhibaatada u geysto siuxifiyiinta. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dowlada ay qaaday tilaabooyin ay ku ciqaabeyso kuwa dhibaatada u geysta suxuyiinta sida dilka wariyaasha iyo ku xadgudbida wariyaasha. Avv Xasan Xuseen ayaa ku booriyay suxufiyiinta gaar gabdhaha suxufiyiinta inay dowlada marwaliba ku wargaliyaan cidii dhib ugaysata si sharciga loohorgeeyo oo loo ciqaabo, sidoo kalena ay soo gudbiyaan cidwalboo bulshada dhib ugeysata. Wasiirka ayaa ururka NUSOJ ku amaanay marwaliba sida ay saxafiyiinta Soomaaliyeed u garab taaganyihiin ayna ugu doodaan xaquuqdooda sidii ay uheli lahaayeen. Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed ayaa asna suxufiyiinta Soomaaliyeed u diray fariin ah in maxkamaduhu ay diyaar u yihiin in ay marsiiyaan ciqaabta ay mudan yihiin kuwa dilka iyo dhibatada u geysta suxufiyiinta balse waxaa uu kula dardaarmay inay dastuurka dalka isku ilaaliyaan sidoo kalena aysan cidna ku xadgudbin kaliya xaqiiqda tabiyaan. Gudoomiyaha Golaha Sare ururka NUSOJ Cawil Maxamuud Cabdi oo ugu horeyn munaasabda kahadlay ayaa ka warbixiyay in xaalada ay wariyaasha Soomaaliyeed ku shaqeeyaan gaar ahaan dhibaatooyinka ay la kulmaan gabdhaha saxafiyiinta ah sidoo kale waxa uu codsi ujeediyay maamulada dalka ka jira isagoona ka codsaday inay saxaafada xoriyadeeda ilaaliyaan oo ay xariga iyo caburinta ka daayaan. Cumar Faaruuq Cismaan oo ah Xoghayaha Guud ururka NUSOJ oo isna munaasabada kahadlay ayaa sheegay in suxufiyiintu ay yihiin dheggihii iyo indhihii bulshada waxa uu sidoo kale hadalkiisa raaciyay in suxufiyiinta Soomaliyeed ay yihiin dhibanayaal si joogta ah loo beegsanayo ayagoo loo dhibaateynayo maxaa bulshada ugu gudbisaan xaqiiqada. Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in kuwa dhibaatada u geysta suxufiyiinta aan inta badan la ciqaabin, ayadoo aanba lasoo hadal qaadin tacadiyada ka dhanka ah gabdhaha suxufiyiinta ah. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka iyo Xuquuq Aadanaha Mudane Deeq Suleeman Yuusuf ayaa sheegay dhibaatada loo geysto gabdhaha suxufiyiinta ay tahay dhibaato ku saleysan jinsiga oo loogu talagalay in gabdhaha suxufiyiinta ah loogu geysto xadgudubyo ka dhan ah xuquuqdooda aas-aasiga ah, ayadoo uu walaac ka muujiyay ciqaab la’aanta kuwa haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha wariyaasha ah u geysto gaboodfalo aan loo meel dayin. Kulankan ayaa gunaanadkii laga soo saaray talo soo jeedino ku aadan sidii loola dagaalami lahaa dambiyada aan la ciqaabin ee ka dhanka ah suxufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa loo geysto gabdhaha suxufiyiinta. View the full article
-
(Caasimada Online – Muqisho) Taliye kuxigeenkii hore ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Ismaaciil Cusmaan ayaa bartiisa Facebook soo dhigay akhbaar aanay dad badani fahamsaneyn isagoo ka digay heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Qatar, kaasoo ku saabsanaa isticmaalka dhanka dayax gacmeedka Isgaarsiinta, isagoo ka dhawaajiyay in Qatar ay isticmaaleyso dayax gacmeedka wax basaasa. Mr Ismaaciil Cusmaan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay shacabka la wadaagto heshiiska ay la saxiixatay ee ah in la wada isticmaalo dayax gacmeedka dhanka Isgaarsiinta. “Dowladda Qatar ayaa isticmaasha Turkey’s Gokturk-1 Reconnaissance Satellite, kaasoo loogu talagalay in ay ku basaasaan dalalka deriska la ah, Soomaalia maanta laga saxiixay in dayax-gacmeedka wax basaasa ay Qatar ka isticmaali karto gudaha Soomaaliya, kaasoo keeni doono mishaakil hor leh iyo dhibaato Somalia uga timaado dagaal Joqraafiyeedka geeska Africa ka socda (Geo-Ploitical War within the Horn of Africa)” ayuu yiri Ismaaciil Cusmaan. Waxaa uu sheegay in dowladda Qatar ay leedahay shirkad lagu magacaabo Es’hailSat’s Communication, kaasoo looga faa’iideysanayo wadamada Bariga Dhexe ay u heli lahaayeen adeegyada dayax gacmeedyada laser ku salaysan ee xawaaraha dheer (High Speed Internet). “Dowladda Soomaaliya ma waxay saxiixday in Qatar ay isticmaasho Spy Satellite Gokturk-1? Haddaan arrintan maanta lakala caddeyn waxay Soomaaliyaa geli doontaa weji cusub oo berri keena in Soomaaliyaa ay noqoto goob dagaal oo ay ku hardamaan wadamada Khaliijka oo la kala safan Ruushka, Mareykanka, Iran, Turkey, Ingiriis iyo China”ayuu yiri Ismaaciil Cusmaan. Waxaa uu soo jeediyay inuu kula talinayo qof walba oo daneynaya inuu sameeyo daraasad si uu wax uga ogaato khatarta nagu soo fool leh. “Ma aha mucaarad iyo muxaafid doodeyda, balse waxaan arkaa mishaakil aanan maanta diyaar u ahayn oo aqoon darro haysa madaxda dalka ay nagu hagayaan. Inta aanan gelin god siyaasadeed ay adkaan doonta sida looga soo baxo, waxaan haysanaa fursad aan maanta uga hortagi karno ama ay dowladda nagula hadli karto isla markaana nala wadaago waxa ay soo saxiixeen”ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Soomaaliya aanay xilligan maamulin Isgaarsiinta dalka, isla markaana adeegyadaas ay bixiyaan shirkado gaar loo leeyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Deegaan lagu magacaabo Ceel-Cadde oo hoos taga degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe casir liiqii galabta waxaa ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Qaasim Furdug oo ah guddoomiyaha degmada Balcad iyo Cismaan Xaadoole oo isna ah taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Hir-Shabeelle. Inta la xaqiijyay seddax ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka shan kalana waa ku dhaawacmeen, kuwaas oo iskugu jira dhinacyadii dagaalamay. Dagaalka ayaa ka dhashay muran la xariira gacan ku haynta bar koontorool oo laga galo deegaanka Ceel-cadde oo dhaca duleedka bari ee magaalada Muqdisho, kaas oo maamulka degmada Balcad uu horay u sheegtay in maamul ahaan uu isaga hoos tago. Ciidamadii ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa haatan lagu dabiibayaa Isbitaalka Keydsanay ee duleedka magaalada Muqdisho. Xiisad colaadeed oo u dhaxaysa dhinacyadii dagaalamay ayaa caawa ka taagan deegaanka, waxayna dadka ku nool deegaanka Ceel-cadde noo sheegeen in ay jirto waan-waan colaadda lagu daminayo oo ay wadaan odayaasha dhaqanka deegaanka. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta socdaal u kuur-gal ah ku tagay magaalada Baladweyne ayaa la wadaagay bulshada iyo maamulka heer Degmo iyo Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay hay’adaha heer Federaal samata-bixinta dadkeenna dhibaataysan iyo xal u helista musiibadan dabiiciga ah. Madaxweynaha ayaa qiimeeyey gacanta ay ka geysteen Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha oo Xukuumaddu ay u xilsaartay yareynta khasaaraha iyo isku duba ridka hawlaha gargaarka deg-dega ah, isagoona bogaadiyey midnimada iyo is-garab istaagga ay muujiyeen dadka deegaanku. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Hay’adaha Dowlaldda ee ay khuseyso dhammeystirka qorshaha kahor-tagga musiibooyinka dabiiciga ah, kaas oo xal waara u ah dhibaatooyinkan soo laalaabtay ee galaaftay nolasha iyo hantida muwaadiniinteenna. “Halka waxaan u imaannay in aan idinla qeybsanno xanuunka iyo dhibka aan ka aragnay fatahaadahan oo soo noqnoqday. In kasta oo tabarteenno la egtahay waa in aan u istaagnaa ka hortagga dhibaatooyinkan, Waxaan Alle naxariistiisa Janno u weydiinaynaa dhammaan muwaadiniinta nooga shahiiday.” Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey dowladaha ka soo jaawabay qeylo-dhaantii ku aaddanayd musiibadan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan shacabka iyo xukuumadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Madaxweynaha ayaa dhiirri geliyey dadaallada isku tashiga iyo samafalka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka bilaabeen gudaha magaalooyinka dalka, jaaliyadaha iyo goobaha shaqada, kuwaas oo loogu gurmanayo walaalaheenna ku dhibaataysan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen. Hoos ka daawo hadalka madaxweyne Farmaajo PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo faray hay’adaha dowladda in la dardar geliyo hawlaha gurmadka Fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal. Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland waxaa banaanka hore ee degmada Dangoroyo kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda , Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Dangoroyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaare kula hadlayey dadweynaha Dangoroyo, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in waxyaabihii ay dadka deegaanka hore uga codsadeen oo ay ka mid aheyd dhismaha Wadada Dangoroyo iyo Eyl, uu ku faraxsanyahay in dhowaan shaqadeedu bilowmayso, oo wafdi uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha oo arrimahaasi u yimi uu asbuucan booqday Eyl. Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhiirigeliyey dadka degmada Dangoroyo ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo Nabadgelyada guud ee Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey degmada Dangoroyo appeared first on Puntland Post.
-
Diyaarad siday gargaar loogu talagalay dadka ay fatahaaddu saamaysay oo ay soo dirtay dawladda Jabuuti ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho. Gargaarkan ayaa ah wejigii labaad ee Dowladda Jabuuti ay kaga qeyb qaadaneyso gargaarka loo fidinayo dadka ay saameeyeen Fatahaadda Wabiga gaar ahaan shacabka magaalada Baladweyne. Diyaaradaan ayaa siday gar gaar isugu jira daawo, Joodariyaal,Maro kaneeco iyo teendhooyin loogu talagalay inay hooy ka sameeystaan dadka ka barakacay guryahooda. Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Aadan xasan Aadan oo ku wareejiyay gudiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin walaalo islamarakaana ay la qeyb-sanayaan dhibaato walbo oo soo wajahda. Wasiirka Gargaarka Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Soomaaliya ahna guddoomiyaha Gudiga Qaran ee fatahaadaha ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne ismaaciil Cumar Geele iyo Guud ahaan Shacabka iyo Dowladda jabuuti garab istaaga ay u muujiyaan mar xalad walbo uu dalkeynu ku jiro, waana Dowladdii ugu horeysa ee diyaarad gar gaar ah keenta tan iyo markii ay fatahaadaha ka bilawdeen qeybo ka mid ah dalka kuwaas oo socdo Mudo ka badan todobaad oo sameyn ku yeeshay dalka iyo Duunyada intaba. View the full article
-
Shirkadda isgaarsiinta Sometel ayaa maanta soo bandhigtay adeegyo cusub oo muhiim u ah dadweynaha, kadib munaasabad ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho. Adeegyada ay shirkadda soo bandhigtay ayaa waxaa ka mid ah adeegga New Bundle Package iyo sidoo kale adeeg loogu magac daray Kobciye. Madaxa xiriirka arrimaha bulshada ee Sometel ayaa faah faahiyey adeegyada ay soo kordhisay shirkadda, wuxuuna sheegay inay faa’iido weyn ka heli doonaan Ardayda. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/som.mp3 View the full article
