-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Saddex Qoddob oo dalku ku gaadhi karto Hodantinimo dhaqaale. Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay maanta soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu daabacay shalay Warsidaha East African Business Week, oo ka soo baxa dalka Uganda, oo ku saabsaneyd shirkii maalgasjhiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tamarta ee dawladda JSL ay khamiistii shalay ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Warsiduhu wuxuu soo xigtay war-murtiyeed uu soo saaray madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku caddeeyey in kaabeyaasha dhaqaalaha, Tamarta iyo soo saarista khayraadka dalku ay fure u noqon karaan horumar dhaqaale oo ay gaadho Somaliland Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu iftiimiyey inuu ku rajo weyn yahay in soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee JSL ay yareyn karto saboolnimada isla markaana u horseedi karaan shacabka Somaliland inay gaadhaan barwaaqo dhinaca dhaqaalaha ah. Md. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland, wuxuu war-murtiyeedkaas ku xaqiijiyey in madasha maalgashigu ay qayb ka tahay dedaalka ay Somaliland ugu jirto inay u hesho taageero dibadeed soo saarista khayraadka dalka. Wargeysku wuxuu intaas ku daray in madaxdii lagu soo martiqaaday shirkii maalgashiga uu ka mid ahaa Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Kenya Mr. John Munyes oo ku guubaabiyey ganacsatada dalkiisa inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ay soo bandhigeen madaxda Somaliland. Wargeyska East African Business Week oo aad wax uga qora Somaliland, ayaa sheegay in shirkii maalgashiga ay faahfaahin ka bixiyeen Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Waxa kaloo shirkaasi goob joog ka ahaa David Stanton oo ah Agaasimaha Guud Ganacsiga bariga Afrika iyo Wakiilka Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB). Waxa soo Turjumay Cumar Maxamed Faarax Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Daahir Aweys oo weli xabsi guri ku ah gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa ka hadlay falkii Arbacadii lagu khaariyey Almas Elman oo lagu dhex dilay xarunta Xalane ee taliska ciidamada AMISOM. Muuqaal uu iska soo duubay, Xasan Daahir Aweys oo soconaya ku dhowaad 16 daqiiqo ayaa waxa uu kaga hadlay dhacdadaasi oo weli lagu hayo baaritaan. Ugu horreyn wuxuu Tacsi u diray ehellada iyo qaraabada ay ka baxday marxuumad Almas Elman oo aheyd diblomaasi hore iyo ruux u dhaqdhaqaaqa nabadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ka hadlay aqoontii uu ulahaa Aabaheed oo halyey ahaa, kaas oo uu tilmamay inay daris ahaayeen, islamarkaana uu wax u qaban jiray dadka. Xasan Daahir Aweys ayaa xusay in toogashada lagu dilay Almas ay aheyd mid ku talagal ah oo kaligeed lagu khaarijiyey, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale uu sheegay in halka lagu dilay oo ah meel amaan ah, lagana ilaaliyo ammaanka dalka ay abuureyso shaki weyn oo ku aadan amniga xaruntaasi. “Meesha gabadha lagu dilay oo dadkaan is leeyihiin waa meel ammaan waaye oo ammaankiina laga ilaaliyo, hadii la is lahaa inaysan warkaasi sax aheyn meeshii waa ka soo baxaysaa.” ayuu yiri, Xasan Daahir Aweys. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hubka gabadha lagu dilay uu yahay mid qaas ah, islamarkaana ay isticmaasho hal qolo, walow uusan shaacin cida ay tahay. “Hubka gabadha loo isticmaalay qaas waaye, dad badan oo Soomaali ahna waa lagu dilay hub qaas waaye, qolaana iska leh hub iska fakadana maaha.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa, Xasan Daahir Aweys. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in nolosha dadka Soomaaliyeed ay tahay nolol wada col ah, islamarkaana weligeed la’is dili jiray, wuxuuna laf ahaantiisu sheegay inuu labo mar ka bad-baaday isku dil dil oo la doonayey in lagu khaarijiyo isaga. “Anaga ka Soomaali ahaan waa nolol wada col waaye waxa inta nala dilay hadda uma horreyso weligeed waa nala dilaayey, aniga xittaa laba goor ayaa la’isku dayey in la’idilo, marka cadow badan ayaan leenahay.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey, Sheekha. Marxuumad Almas Elman oo shalay Aas Qaran loogu sameeyey gudaha magaalada Muqdisho ayaan weli la ogeyn cida ka dambeysay dilkeeda, balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado baaritaan dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi. Halkan hoose ka daawo Muqaalka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/Xasan.mp4
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda DP World ayaa shaacisay inay ka go’an tahay inay dekedda Bebera ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhigto mid casri ah oo heer caalamiya. Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin uu daabacay East African Business Week, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA). Guddoomiye Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder, ayaa sheegay inay shirkadoodu 442ka Milyan ee doolar ugu maalgelinayso marsadda Berbera, si ay u noqoto dekedda ugu weyn, isla markaana ugu muhiimsan ee dalalka Geeska Afrika. Mr.Federico Banos-Linder wuxuu caddeeyey in ay dhammaytireen wejigii koowaad ee casriyeynta dekedda Berbera, isla maraana ay hadheen laba qaybood oo kale. Sarkaalka u hadlay DP World wuxuu sheegay inay Boqolkiiba Konton Kordhiyeen shixnadaha Koontiinarrada dekedda Berbera, halka ay Boqolkiiba Toddobaatan isbeddel weyn lagu sameeyey adeegyada marsaddaas. “Waxaanu dhammaystirnay wejigii koowaad ee dib u habeynta marsadda Berbera, oo ka mid ah saddexda qaybood ee casriyeynta dekedda Berbera. Waxaanu kordhinay Boqolkiiba Konton shixnada Kontiinarrada. Waxa kaloo aanu boqolkiiba Toddobaatan hirgelinay horumar weyn oo laga fuliyey dekedda Berbera,”ayuu yidhi Ku-xigeenka Xidhiidhka Dibadda u qaabilsan Shirkadda DP World Mr.Federico Banos-Linder. Waxa kaloo uu intaas ku daray in dekedda Berbera ay sannadkii dhoofi doonaan 4 Milyan oo xoolo ah,waxaanu tilmaamay in muddo sannad ka yar ay dhoofiyeen 1.5 Milyan oo xoolo ah,waxaanu masuulkaasi sidaas ka sheegay khudbad uu ka jeediyey shirweynihii lagaga hadlayey maalgashiga Somaliland ee lagu qabtay Magaalada Nairobi. Sidoo kale, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire, ayaa tafaasiil ka bixiyey khayraadka dihin ee Somaliland oo ay ka mid yihiin isticmaalka tamarta,noocyada macdanta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland. Waxa soo Turjumay Cumar Maxamed Faarax Source
-
(SLT-Hargeysa)-Hay’adda Duulimaadyada Rayidka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u bilaabmeen duulimaadkii tooska ah ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi. Heshiis ay dhawaan Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kena Uhuru Kenyatta ayaa waxa ku jiray in dib loo bilaabi duulimaadyada tooska ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, ka dib khilaaf hore u soo kala dhex galay labada dhinac. Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa shalay si toos ah waxaa uga duushay diayaarad ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasoo rakaabka saaran si toos ah uga dajisay Nairobi. Ka hor heshiiska Farmaajo iyo Kenyata ay kala saxeexdeen, waxa qasab ahayd in diyaaradda ka duusha Muqdisho ay sii marto oo lagu sii baadho Magaalada Wajeer ee Dalka Kenya. Source
-
Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u dayactir ku sameynayso ilaa 10 kanaal oo ku yaala gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, si loo yareeyo fatahaadda ka dhasha Webiga Shabeelle. Wasiirka Beeraha dowladda Federaalka Siciid Xuseen Ciid ayaa Warbaahinta u sheegay in dayactirka kanaaladan loo adeegsan doono yareynta Fatahaadaaha uu sameeyo Webiga Shabeelle. “Waxaan dhameystirnay kanaalka weyn Birimo sugundaariyo ee ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana hadda qorsheyneynaa in Wasaaraddu ay dib u dayactir ku sameyso shan kanaal oo gobolka Shabeelaha Dhexe ah iyo shan Shabeelada Hoose in la dayactiro, waana tobanka kanaal ee ugu waa weyn” ayuu yiri Wasiirka Beeraha. Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in sababta ugu weyn ee uu fatahaadda ku sameyo Webiga Shabeelle ay tahay in webiga uu aasmay oo carro ay ka buuxsantahay. “Dhowr siyaabood ayuu Webiga Shabeelle fatahaad ku sameeyaa, tan koowaad waa webiga oo aasmay, isla markaana aan muddo helin wax dayactir ah, tan labaad oo ah in biyaha webiga meelo qaldan laga furo oo ay sameeyaan biyo baxo, taasi oo ay inta badan adeegsadaan argagixisada Al-Shabaab oo difaac ka dhiganeysa” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka. Mudane Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe mideysan oo arrinta biyaha la xiriirta haddii ay tahay tan webiga iyo kuwa kale ee caadiga ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo wadda Qorshe lagu yareynayo Fataahaadaha Webiga Shabeelle appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dib u dayactir ku sameynayso Wasaaradda 10 kanaal oo ku yaala gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelah Dhexe, si loo yareeyo fatahaadda ka dhasha Webiga Shabeelle. Mudane Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dayactirka kanaaladaan looga gol leeyahay yareynta fatahaadda,. “Waxaan dhameystirnay kanaalka weyn Birimo sugundaariyo ee ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana hadda qorsheyneynaa in Wasaaraddu ay dib u dayactir ku sameyso shan kanaal oo gobolka Shabeelaha Dhexe ah iyo shan Shabeelada Hoose in la dayactiro, waana tobanka kanaal ee ugu waa weyn” ayuu yiri Wasiirka Beeraha. Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in sababta ugu weyn ee uu fatahaadda ku sameyo Webiga Shabeelle ay tahay in webiga uu aasmay oo carro ay ka buuxsantahay. “Dhowr siyaabood ayuu Webiga Shabeelle fatahaad ku sameeyaa, tan koowaad waa webiga oo aasmay, isla markaana aan muddo helin wax dayactir ah, tan labaad oo ah in biyaha webiga meelo qaldan laga furo oo ay sameeyaan biyo baxo, taasi oo ay inta badan adeegsadaan argagixisada Al-Shabaab oo difaac ka dhiganeysa” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka. Mudane Saciid Xuseen Ciid Wasiirka Beeraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe mideysan oo arrinta biyaha la xiriirta haddii ay tahay tan webiga iyo kuwa kale ee caadiga ah. View the full article
-
(SLT-Dubai)-Dalalka Khaliijka ayaa in muddo ah wada qorshe ay ku qabanayaan shir weyne caalami ah, oo ay si rasmi ah ugu dhowaaqayaan inay xidhiidh diblomaasiyeed oo rasmi ah la yeelanayaan Israa’iil, waxaa sidaas weriyey warbaahinta Middle East Eye iyo Alkhaleej. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin dhammaan dalalka doonaya inay sidan sameeyaan, haddana waxaa la ogyahay yahay inay hormuud ka yihiin Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Bahrain. Saddexdan dal ayaa hadda si hoose oo aan shaacsaneyn ula xidhiidha Yahuudda. Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa bilihii ugu dambeeyey ogolaanayey in fallanqeeyayaasha siyaasadeed ee dalkiisa ay si shaacsan u difaacaan Israa’iil. Xitaa waxay difaacayeen weerarkii ugu dambeeyey ee Israa’iil ay ku qaadday Gaza oo lagu xasuuqa 32 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 8 isku qoys ah. Hadafka ugu dambeeya ee Bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ah dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi ayaa ah in la beddelo ra’yul caamka shacabka Carabta, ka hor ku dhowaaqista go’aanka ay xidhiidhka ula yeelanayaan Israa’iil. Tani waxay sidoo kale ku qasbi kartaa inay la heshiiyaan Qatar oo muddo laba sanno ah ay ku hayaan xanibaad. Mohamed bin Salmaan iyo Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa garowsan awoodda warbaahineed ee Qatar iyo taleefishinkeeda Aljazeera oo qorshahooda ka bixin kara argti taban. Si kastaba, ma cadda haddii Qatar ay sidaas ogolaan doonto, xitaa haddii ay la heshiiyaan. Qatar, Turkey iyo Iran waa saddex ka mid ah dalalka Islaamka ee qadiyadda Falastiiniyiinta ay ka go’an tahay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah darawallada gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa saaka banaanbax ballaaran ka dhigay magaalada Muqdisho. Dibadbaxa oo muddo socday ayaa waxaa looga soo horjeeday maamulka gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Darawallada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka gobolka uu ku soo rogay lacago dheeraad ah oo aysan awoodin inay bixiyaan. Sidoo kale waxa ay sheegeen in dhibaatada xirnaashaha wadooyinka loogu sii daray inay lacago bixiyaan, taas oo ay tilmaameen inay cabasho ka yihiin, si wax looga qabto. Dibadbaxayaasha oo aad u careysnaa ayaa isugu soo baxay waddooyin muhiim ah, sida isgoysyada Afarta Darjiin, Fagax iyo Towfiiq ee magaalada Muqdisho. Weli ma jirto jawaab ay ka bixisay dowladda cabashada dadweynaha, gaar ahaan gaadiidleyda oo marar badan banaanbaxyo ka dhigay waddooyinka Muqdisho. Cabashada gaadiidleyda ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa soo jiitameysay, tan iyo markii dhagxaan waa weyn lagu xiray inta badan waddooyinka Caasimadda.
-
Taliska Qeybta Booliiska gobolka Nugaal, ayaa saaka oo Sabtiya saldhiga dhexe ee caasimadda Garoowe ku soo bandhigay Khamri, Xashiish, toorayo iyo agab kale oo ay adeegsadaan dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee dhaca iyo furashada ka gaysta gudaha magaalada. Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay, in hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Garoowe ay ku soo qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo dhibaato dhac iyo furasho u gaysta dadka shacab ah, kuwaasi oo inta badan adeegsada maandooriyaal halis ah sida khamriga iyo Xashiishka. Maandoriyaashan dhalinyaro keliya laguma soo qaban, balse sida ay saraakiishu sheegeen waxa jira dad kale ka ganacsada khamriga iyo xashiishka iyo qaar isticmaala oo si dhuumasho ah gudaha magaalada ku soo geliya. Taliska ayaa digniin adag u diray dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaala maandooriyaasha waxaana ay ku hanjabeen in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo falalkaasi lagu qabto Hoos ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Booliiska Garoowe oo soo bandhigay maandooriyaal iyo agabka wax lagu dilo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Madaxweyne Donald Trump ayaa weeraray safiir ka marag kacaday baadhitaanka Trump ee Ukrain, isaga oo ku andacoonaya inay diidday in sawirkiisa la suro safaaradda Mareykanka ee Ukraine. Mr Trump ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in danjirhii hore Marie Yovanovitch ayna doonayan in sawirkiisa la suro safaaraadda Mareykanka ee magaalada Kyiv, balse madaxweynaha ma aanu sheegin faaf-faahin dheeraad ah. Ms Yovanovitch ayaa toddobaadkii hore ku marag kacday in shaqada looga eryay sheegashooyin been abuur ahaa oo ay sameeyeen dad ujeeddooyin gaar ah leh. Waxay ka mid ahayd 12ka marqaati ee ku marag furay dhageysigii dacwadda xil ka qaadista madaxweyne Trump, taasi oo ay suurogal tahay in madaxweyne Trump uu xilkiisa ku waayo musuqmaasuqa la sheegay inuu ku kacay. Muxuu Madaxweyne Trump u sheegay warbaahinta Fox? Wareysi dhanka telefoonka ah ee uu Trump siiyay Fox ayuu ku difaacay shaqa ka ceyrinta Ms Yovanovitch. ”Danjirahan, oo uu qof kasta leeyahay waxay ahayd cajiib, sawirkayga ma ayna surin safaaradda”, ayuu yidhi Mr Trump. ”Waxay safaaradda madax ka ahayd ku dhowaad muddo laba sannadood ah”. ”Waxay iga sheegtay waxyaabo xun xun, wayna i difaaci waysay, marka anigana waxaan leeyahay xuquuqda aan ku beddeli karo safiirka.” ayuu yidhi Trump. ”Qoraalada Twitter-ka ee Trump waxay ahaayeen kuwo cabsi gelin ah”, ayay tidhi Yovanovitch. Maxaa shaqada looga eryay Marie Yovanovitch? Marie Yovanovitch oo ah 33 Jir ka hawl galeysay safaaradda Mareykanka ee magaalada Kyiv ayaa bishii May shaqada laga erayay sababo weli mugdi ku jira. Waxay sheegtay in dadaaladeedii ka dhanka ahaa musuqmaasuqa ay sababeen in shaqadeedii ay ku weydo. Ms Yovanovitch ayaa sheegtay in cadawgeeda ay u muuqdeen inay xulafeysi ka heleen maamulka Trump, kuwaasi oo ay sheegtay inuu ka mid yahay qareenka gaarka ah ee maaxweyne Trump Rudy Giuliani. Source
-
Waxaa saaka 9:30 subaxnimo lagu wadaa inu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo kulan la qaato hoggaanka xisbiyada qaran ee dalka ka jira. Sida ay Goobjoog News u sheegeen qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha axsaabta la ballamiyey, waxaa ay Villa Somalia tagayaan iyada oo aan loo sheegin wax ajende ah, oo waa fariin uu soo diray uun agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade. Kulankan ayaa lagu waday inuu dhaco khamiistii laakin baaqday, waxaa xusid mudan in uu daba socdo midkii uu madaxweyne Farmaajo la yeeshay labadii kursiga uga horeysay ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shaarif. Farmaajo oo waqtigiisa ka harsan yahay hal sano ayaa u muuqda inuu soo dabcay, lana hadlayo dad la rabay inuu mar hore la hadlo. Wararka kulankaas kala soco halka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Ankara)-Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen Mid ka mid ahaa saraakiishii ugu muhiimsanayd Kooxda Khilaafada Islaamka ee Daacish. Sarkaalka la qabtay oo lagu magacaabo Yusuf Huba ayaa kooxda Daacish u qaabilsan samaynta Bambooyinka iyo Tababarka sida loo sameeyo, waxaana laga soo qabtay magaaladda waqooyiga suuriya ku taalla Asas Wasiirka oo la hadlayay wargayska maalin laha ah ee Xoriya waxaa uu sheegay in ninka la qabtay oo magaciisa xadhigaga ah uu ku sheegay Abu Jihaydiin Nasar Al Cubaydi loo haysto inuu ka dambeeyay 20 weerar oo daafaha Caalamka ka dhacay, islamarkaana uu ahaa ninka masuulka ka ahaa tababarka dhalinyarada isqarxisa. Ciidammada maraykanka ayaa howlgal ay ka sameeyeen gudaha ciraaq waxay ku dileen hoggaamiyihii kooxda daacish Baqdaadi bishii hore. Source
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen deegaanka Ceel-Saliini ee gobolkaasi. Ugu yaraan illaa afar askari oo la socotay gaariga lala eegtay qaraxa ayaa dhaawacantay, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan ciidamada huwanta ee ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa weeraro gaadmo ah kala kulma dagaalyahannada Al-Shabaab ee ku xoogan gobolkaasi. View the full article
-
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xukuumadda federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka arrimiso Jubaland. Madaxweyne ku xigeenka oo wareysi siiyay BBC-da ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo iyo mas’uuliyiin ku sugan gobolka Gedo oo ka goostay dowlad goboleedka Jubaland kuna biiray dowladda Federaalka Soomaaliya Balse wuxuu sheegay in haddii ay jiraan mas’uuliyiin culays lagu saaray in ay Jubaland ka tegaan oo dowladda federaalka isu dhiibaan ay arrintaasi xor u tahay isagoo intaasi raaciyay in mas’uulkii ka tirsan Jubaland ee dowladda Federaalka isu dhiiba ay booskiisa qof kale u magacaaban doonaan. Mar wax laga weydiiyay sababta uu u tegi waayay degmooyinka gobolka Gedo ee Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow oo ka tirsan Jubaland ayuu Maxamuud Sayid Aadan sheegay in uusan doonayn in rabshado ay halkaasi ka dhacaan. Xiisadda siyaasadeed ee degmooyinkaasi galbeedka gobolka Gedo ayaa ka dhashay xarig bilo ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo ilaa iyo haatan u xiran dowladda federaalka. Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo baxayay warar ah in ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland oo si toos ah uga amar qaadanayay Cabdirashiid Janan ay markii dambe ku biireen kuwa dowladda dhexe. PUNTLAND POST The post Jubaland oo sheegtay in xilka laga qaadayo mas’uulkii isu dhiiba Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Axmed Macalin Xasan ayaa shaaca ka qaaday in si toos ah loo bilaabay duuliyaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, kadib markii dhawaan heshiis ay Kenya wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya. Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha hawada Axmed Macalin Xasan oo u warramay Warbaahinta ayaa hoosta ka xariiqay in duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ay faa’iido weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed oo kalhore dhibaato ku qabay marista Wajir ee Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya. “Dhawaanahan waxaad la socotaan in shacabka Soomaaliyeed ay dhib weyn ku qabeen maritaanka magaalada Wajir marka ay u sii socdaan Nairobi, halkoo aad ay dhibaato badan kala kulmi jireen iyo flight ka oo ku dheeraada, diyaaradda marka ay Muqdisho ka kacda 50 daqiiqo ayay u soconeysaa Wajir, halkaas ayaana la joogayaa Wajir, hadana 50 daqiiqo ayay u soconeysaa magaalada Nairobi, markii hore ay tooska ahayd, diyaaradda waxa ay Nairobi u socon jirtay halsaac iyo bar” ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista oo hadalkiisa ku daray “Dhawaan markii Madaxweynaha Dalka uu booqasho ku tegay Nairobi waxaa mira dhalkeeda noqday in dhibkaas uu Alle ka qaado Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana dib loo bilaabay duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, kaasi oo maanta si rasmi ah uga bilowday Muqdisho, wixii maanta ka dambeeyana diyaaradaha ka kaca Muqdisho waxa ay si toos ah u tegi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya”. Maareeyaha hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa hoosta ka xaqiiray in diyaaradaha ka duula qaar ka mid ah Gobollada dalka aysan si toos ah u tegi doonin garoonka Jomma Kenyatta ee magaalada Nairobi, isla markaana ay mari doonaan magaalada Wajir, waxaana uu intaa ku daray in diyaaradaha ka duula Muqdisho ay si toos ah u tegi doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Tallaabadaan ayaa ah mid wax weyn u tareysa bushada Soomaaliyeed ee daneyneysa inay helaan duulimaad toos ah oo ay ku tegaan Nairobi, halka markii hore ay mari jireen magaalada Waji View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda kulan la yeelan doono xisbiyada siyaasada ee heysta shahaadada KMG ah. Kulankan ayaa noqon doono kii u horreeyay ee Madaxweyne Farmaajo la qaato inta badan xisbiyada siyaasadda ee dhowaan uu diiwaan geliyay guddiga doorashooyinka Qaranka. Farriimo laga diray Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyay xisbiyada siyaasadda inay isugu yimaadaan kulan uu Madaxweyne Farmaajo la qaadan doono, kaasoo dhici doonao maanta. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu kala hadli doono xisbiyadan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka oo dowladda Federaalka dooneyso in la qaato nidaamka doorasho ee qof iyo cod ah. Dhowaan ayey aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya uu Madaxtooyad aku qaabilay hoggaanka madasha xisbiyada Qaran. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-23112019-sax.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegayaa in uu saaka kulan la qaadan doono urur-siyaasadeedyada ka dhisan magaalada Muqdisho ee haysta Shahaadada KMG ah ee Xisbinimo. Xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa ku war-geliyay urur-siyaasadeedyada ka dhisan Muqdisho ee guddiga doorashooyinka Soomaaliya sida KMG ah u siiyay shahaadada Xisbinimo in ay soo xaadiraan kulan uu saaka oo Sabtiya la qaadan doono madaxweynuhu, kaasi oo ka dhici doona xarunta madaxtooyada Villa Somalia. Madaxweynaha ayaa sida la sheegayo urur-siyaasadeedyadaasi kala hadli doona arrimaha doorashooyinka soo socda hannaanka ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya u doonayso in doorashooyinkaasi loo qabto. Xeel-dheerayaasha hillaadiya siyaasadda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in kulankaasi madaxweynuhu ku wargeliyay urur-siyaasadeedyada ka dhisan Xamar ujeedkiisu yahay in bulshada lagu marin-habaabiyo si looga jeediyo kulan uu todobaadkii tegay la qaatay madaxweynayaashii isaga ka horreeyay ee Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamuud. Madaxwene Farmaajo iyo madaxweynayaashii ka horreeyay ayaa la tuhunsanyahay in ay arrima hoose kaga wada-hadleen kulankii Arbacadii la soo dhaafay marka laga reebo qodobada uu warbaahinta ka sheegay Xassan Sheikh. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaadanaya urur-siyaasadeedyada ka dhisan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ee Wadajir ee uu hoggaamiyo, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qaadacay shirka Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xisbiyada dalka, kaas oo lagu wado in maanta oo sabti ah ka ka dhoco gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. War ka soo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay inaysan ka qeyb geli doonin shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Madaxtooyada, wuxuuna xisbigu ku tilmaamay mid maaweelin ah. Sidoo kale xisbiga ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu door ka qaado kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020-ka, hadddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinkaaasi. “Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay in uu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020, haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka, wuxuuna Xisbigu dhab u qaadanayaa wada tashiyada, Marka uu Madaxweynuhu si cad shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyo una balanqaado in uu san hal maalin ku darsan doonin muddo xileedkiisa”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xisbiga mucaaradka ee Wadajir Hoggaanka xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale shuruud ku xiray ka qeyb galka shirkan, taas oo ah in dowladdu ay magdhow ka bixiso weerarkii khasaaraha dhaliyey ee 17 December 2017-kii lagu qaaday guriga C/raxmaan Cabdishakiir ee magaalada Muqdisho. “Waa in cudurdaar iyo magdhaw ka bixiso dowladdu dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geystay haddii uu Madaxweynuhu cadeeyo mowqifkaas ayuu Xisbigu diyaar u yahay in la xaajoodo dowlada”ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in shirka uu ka dhaco xarunta madaxtooyada, waxaana ka qeyb galaya laa 57 xisbi oo warbixin ka dhageysan doono madaxweynaha, sida ay noo xaqiijiyeen xubno sare oo ka tirsan Villa Soomaaliya. Waxyaabaha laga hadli doono ayaa waxaa ugu horreeyo doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadka 2020-ka iyo nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto markii xiligaasi la gaaro, taasi oo aragti la iska weydaarsan doono. “Waxaa na balamiyay madaxweynaha Soomaaliya maalinta sabtida ah, ajandaha wali noolama soo gudbin balse waa uun kulankii ugu horeeyay oo looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya” ayuu yiri mid ka mid ah guddoomiyaasha xisbiyada dalka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho ku qaabilay madasha xisbiyada oo ay kala hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.
