-
Content Count
213,976 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The commander of U.S. Africa Command visited Somalia on November 5 as part of his trip to the African continent. General Stephen Townsend met with the President of Somalia, the U.S. Embassy Mogadishu Chargé d’Affaires, Brian Neubert, and senior US and Somali military leadership in Mogadishu. The visit offered an opportunity to meet with the troops and assess the progress of the campaign against terror networks in the region. “Our commitment to helping our Somali partners improve security and develop their defense institutions is a top priority,” said Gen. Townsend. “Security also requires continued efforts and coordinated support from the international community to make it work.” The U.S. provides assistance to Somalia in the areas of diplomacy, development, and defense. Townsend noted the threats posed by the terrorist networks to African partners, US interests in the region and US homeland, calling for vigilance and cooperation to keep both Somalia and the region safer. “Terrorists need to know that we will pursue them relentlessly to disrupt and degrade them today and prevent their spread tomorrow,” he said. View the full article
-
Xarardheere (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa ku waramaya in xalay duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday koonfurta gobolkaas, gaar ahaan deegaan hoos taga degmada Xarar-dheere. Deegaan lagu magacaabo Deeqlo oo hoos taga degmada Xarardheere ayaa lagu duqeeyay xarumo ay ku lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Dadka ku nool deegaankas ayaa warbaahinta u sheegay in saqdii dhexe ee xalay ay ku baraarugeen daryanka gantaallo ay diyaaraduhu ku garaacayaan xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankas. Dadka ku nool deegaanka la duqeeyay wali ma aysan xaqiijin khasaaraha ka dhashay duqeyntii xalay ka dhacday gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Deeqlo oo hoos taga degmada Xarar-dheere. Sidaan oo kale deegaan kale oo lagu magacaabo Jiracle oo u dhaw deegaanka Caad ee isla koonfurta gobolka Mudug ayaa habeeno ka waxaa duqeyn ka fuliyay diyaarado, walow aan wali la ogeyn khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay duqeyntaas, isla markaana aysan jirin cid wali sheegatay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ammaanka Soomaaliya uu wax badan iska badelay, tan iyo markii Mareykanka uu kordhiyey howlgalkiisa Milatari ee dalka. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika oo shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa faah faahin ka bixiyey howlgaladii ugu dambeyay iyo dadaallada ay xukuumadda Washington ka wada gudaha Soomaaliya. Steven Townsend, taliyaha ciidamada Africom oo markii labaad booqasho ku yimid Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay ku guuleysteen in Al-Shabaab ka saaraan deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Waxa uu intaa ku daray in howlgalladaasi ay horseedeen in uu soo hagaagay ammaanka goobaha laga saaray Al-Shabaab, inkastoo buu yiri roobabkii da’ay ay gaabis ku keeneen howlgallada Milatari. Dhinaca kale Mr. Townsend waxa uu ka hadlay weerar dhowaan ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigooda Bali-doogle, isagoo sheegay in weerarkaasi laga hortagay, islamarkaana la dilay dhammaan dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Taliyaha waxa uu sheegay in aysan jirin khasaare dagaalkaasi ka soo gaaray dhinacooda iyo kuwa ay xulufada yihiin ee dowladda Soomaaliya Mar Shabelle ay weydiisay khasaaraha shacabka ka soo gaara duqeymaha ay ciidamada Mareykanka ka geystaan gudaha Soomaaliya ayaa waxa uu ku jawaabay in isaga tan iyo markii uu xilkan la wareegay saddex bilood ka hor, ay aad uga taxadareen in khasaare uu shacabka soo gaaro. Mareykanka ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo dowladda Soomaaliya ka gacan siiya dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ee xaslinta dalka Soomaaliya oo muddo dheer ku soo jiray colaado. View the full article
-
M/weyne Muuse Biixi Oo Magacaabey Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Somaliland Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah u magacaabey taliyaha cusub ee ciidanka booliska Somaliland kadib markii uu dhawan geeriyoodey taliyihii hore .Cabdillaahi Fadal Iiman Madaxweyne Biixi ayaa taliyaha cusub ee ciidanka Booliska u Sarreeyo Guuto Mohamed Aadan Saqadhi (Dabagale) Qaran News
-
In ka badan 20 xubnood oo ka kooban cuqaasha iyo nabaddoonada gobolka Bari, ayaa dowladda Puntland u gudbiyay cabasho ka dhan ah duqeymo bishii hore ka dhacay gobolka Bari oo lagu laayay dad rayid ah. Qoraalka cabashada ah ee ka soo baxday cuqaasha iyo nabaddoonada gobolka Bari, ayaa manta la horgeeyay Baarlamanka ,waxaana mudanayaasha u akhriyay xoghayah golaha wakiilada Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Qoraalka waxaa lagu sheegay in 25-October ee sannadkan ay diyaarado duqeeyeen dad rayid ah oo ku sugnaa togga Cameyra ee degmada Isku-shuban oo ka tirsan gobolka bari , halkaasina lagu dilay laba qof oo shacab ah mid kalena lagu dhaawacay. Cuqaasha iyo nabaddoonada ku saxiixan warqadda oo ay weheliyaan ehelada dadka la sheeday in la laayay, ayaa dowladda Puntland ka dalbaday, in la caddeeyo cidda ka dambaysay falkaasi, islamarkaana lagula xisaabtamo dhibki ay gaysatay. Hoos ka daawo muuqaalka https://youtu.be/xAaof_j_Tg4 PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo loo gudbiyay cabasho la xiriirta duqeymo lagu laayay dad rayid ah oo ka dhacay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika, Jeneraal Stephen Townsend, oo manta booqasho aan la sii shaacin ku tegay magaalada Muqdisho, ayaa halkaasi kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Taliyaha oo uu weheliyo arrima-fuliyaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Brian Néubert, ayaa kulan la yeeshay madaxweyne Farmaajo, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Taliska Maraykanka ee Afrika. Booqashada Jeneraal Townsend ee Soomaaliya ayaa ah tiisii labaad tan iyo intii uu xilka qabtay bishii Julaay. Waxaana intii uu Soomaaliya joogay uu la kulmay madaxda Soomaaliya iyo ciidamada Maraykanka, isagoo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab. Taliyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ISIS ay halis ku yihiin Soomaaliya iyo dawladaha kale ee Afirka ee ay iskaashiga leeyihiin iyo weliba dalkan Maraykanka. Waxa uu sheegay inuu qasadkoodu yahay inay weeraraan Maraykanka inkastoo ayuu yiri aysan lahayn kartidii ay ku fulin lahaayeen weerar noocaas ah oo ka dhan ah Maraykanka, haddana ‘waxaa loo baahan yahay feejignaan’ sida lagu sheegay war saxaafadeedka. Waxa uu sheegay in Maraykanku ay Soomaalida ka caawinayaan sidii ay u dhisan lahaayeen tasiilaadka asaasiga ah ee ay kaga hortagi lahaayeen qorshayaasha argagixisada. PUNTLAND POST The post Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Qaaradda AFrika oo la kulmay madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka bilowday nawaaxiga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in deegaano hoos yimaada degmadaasi la soo dhoobay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka qarxo halkaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan ciidamada dowladda Soomaliya ay Ahlu Sunna kala wareegeen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay roobab mahiigan ah ay ka da’een qeybo badan oo ka mid ah gobolkaasi. Roobabkan oo da’ayey xalay illaa maanta ayaa sameyn waxa ay ku yeesheen duulimaadyada garoonka diyaaradaha Beledweyne oo gabi ahaan xirmay. Sidoo kale roobabka ayaa hakiyey socdaal ay maanta Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ku tagi lahaayeen gudaha magaaladaasi, si ay ugu kuur galaan xaaladaha nololeed ee ka jira halkaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in robabkani ay saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqa isku socodka xaafado ka tirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray fatahaado ka dhashay wabiga Shabelle, waxaana inta badan barakacay qoysaskii daganaa degmadaasi. View the full article
-
Ankara (Caasimada Online) ― Haweenay la dhalatay hogaamiyihii hore ee ururka Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi ayey dowladda Turkiga ku xirtay gudaha Suuriya, sida uu shaaciyay Sarkaal Turki ah. Wakaalada Reuters oo soo xiganeysa Sarkaal sarre oo ka tirsan dowladda Turkiga, ayaa sheegtay in gudaha Suuriya ay ciidamada Turkigu ku xireen haweenaydaasi la dhalatay Baqdaadi. Wakaalada ayaa xustay in xariga haweenaydaasi uu Turkigu uga danleeyahay in uu weydiiyo Su’aalo si uu uga helo xogo, iyagoona ku xiray magaalada Azaz ee waqooyiga Suuriya. Sarkaal ay wakaaladu soo xiganeyso ayaa ka dhawaajiyey in haweenaydaasi oo lagu magacaabo Rasmiya Awad, isla markaana ay da’deedu tahay 65-jir lagu qabtay weerar uu dhowaan Turkigu ka fuliyay meel u dhow magaalada ay gacanta ku hayaan ee Azaz. Haweenaydan ayaa waxa la sheegayaa in ay la socdeen shan kamid wiilasheeda xiliga ay gacanta ku soo dhigayeen ciidamada Turkigu. Sarkaalka Turkiga ah ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ay dowladiisu ay rajeynayso in ay xogo badan ka heli doonto Baqdaadi walaashii, wuxuuna yiri “Waxaan ka helaynaa xogo qiimo leh leh walaasha Baqdaadi, kuwaasi oo ku saabsan sida uu gudaha uga shaqeeyo ururka Daacish”. Abuubakar Al-Baqdaadi, hogaamiyihii hore ee ururka Daacish ayaa waxa la dilay dhamaadka bishii hore, xili ay weerar ku qaadeen ciidamada gaarka ah ee Markeykanku, isagoo hoygiisi uu ku dhuumanayey ku sugan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Guddiga gurmadka fatahaadaha ee culimada iyo ganacsatada oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyey dadaallada gurmadka ah ee ay wadaan. Afhayeenka guddigan oo lagu magacaabo, Sheekh Aadan Sheekh Cabdulle Diiriye ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan lacag dhan 9,557,42 Doller, islamarkaana ay weli wadaan gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka jira dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Akoono badan ay fureen, kuwaas oo lagu caawinayo lacagaha soo kala dadka dhibanayaasha ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Cod-1-Wiilo.mp3 View the full article
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay madasha Maamul baahinta Puntland, taas oo uu u jeedadiisu tahay dardargalinta siyaasadda maamul baahinta Puntland iyo sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose ee Puntland. Furintaanka shirkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey masuuliyiinta Wasaaradaha la shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, qaar kamid ah Guddoomiyayaasha degmooyinka iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in mashruucaan horumarinta degmooyinka Puntland uu yahay masuuliyad wadareed la wadaago, isla markaana mudada uu shaqaynaayey faa’idooyin badan laga dhaxlay. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa dhinacyada shirka ka qayb galay ku booriyay inay go’aan ka gaaraan sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose, maadaama muddo howshiisa laga soo shaqaynaayey. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo furay Shirka Madasha Maamul Baahinta ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeyn saacadihii la soo dhaafay laga fuliyey agagaarka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa lala beegsaday deegaanka Deeqle oo la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi, sidoo kale lama oga halka laga leeyahay diyaaradaha fuliyey. Inta badan Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa xukunno kala duwan ku ridday sagaal ruux oo lagu soo eedeeyay in ay ka mid ahaayeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa xabsi da’in ah ku xukuntay, Axmed Cabduqaadir Axmed ,halka shan ruux oo kala ah 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye,iyagana lagu xukumay min 15-sano oo xarig ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi gaaraya min 8-sano ku xukuntay 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo -Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar Maxkamadda Ciidamada ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto,sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur Shuute. View the full article
-
Diyaaraddii gargaarka gaysay Baardheere Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxay gaarsiiyay Diyaaraddii ugu horeysay oo siday Gargaar loogu talagalay dadkii ay Fatahaada sameeyeen. Diyaaradan ayaa siday gargaar iskuugu jiro Daawooyin , Maro kaneecooyin , Teendhooyin, bustoyaal iyo agabyo kala duwan oo ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu talagashay gargaarka dadka ay fatahaadu Saameeysay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed oo ay waxyeeladu ay ka soo gaartay fatahaadaha roobabka ka da’ay degaanno kala duwan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gurmad gaarsiiyay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Haweeney lagu eedeeyay inay ka tirsaneyd Al-shabaab ayaa maanta lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay inay Alshabaab u qaabilsaneyd kala gudbinta hubka iyo qaraxyada. Haweeneydaan oo lagu magacaabo Saafi Ciise Arwaax ayaa saraakiisha denbi baarista u sheegtay sidii ay ugu biirtay Al-shabab iyo waxa ku kalifay, waxayna inay ku qalqaalisay haweeneyd deris la ahayd oo ninkeeda uu ku dhintay qarax uu farsameynayey. Waxay sheegtay in sanadkii 2018 ay ku biirtay Al-shabaab, iyadoo qaabilsaneyd kala gudbinta hubka fudud oo ay maleeshiyada Al-shabaab ku howlgalaan, waxayna intaas ku dartay inay kooxda ku biirsiay haweeney ay deris ahaayeen oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay, Saafi Ciise waxay sheegtay inay soo martay duruufo kala duwan sida inay soo martay laba guur oo fashilmauy, kadibna ay Al-shabaab ku biirtay, iyadoo ka tegi jirtay xaafado fara badan oo ku yaalla cirifyada magaalada Muqdisho, iyadoo kala gudbineysa Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, Qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, iyadoo caddeysay in xiriiriyaha shabakadda laga hagi jiray banaanka magaalada gaar ahaan, degaanka Mubaarak. Maxkamada Ciidamada Qalabka sidas ayaa xukunno kala duwan ku ridday sagaal ruux oo lagu soo eedeeyay in ay ka mid ahaayeen kooxda argagixisada ee Al-shabaab. Maxkamadda ayaa xabsi da’in ah ku xukuntay Axmed Cabduqaadir Axmed ,halka shan ruux oo kala ah 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye,iyagana lagu xukumay min 15-sano oo xarig ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi gaaraya min 8-sano ku xukuntay 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo -Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar Maxkamadda Ciidamada Xoogga ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto,sida uu warbaahinta dowladda u xaqiijiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-05112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horay uga digay waxa haatan ku dhacay Ahlu Sunna ayaa markale ka hadlay xaaladda ku sii xumaaneysa ururkaasi oo hadda khilaafkii ugu xumaa uu kala dhexeeyo dowladda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dadka deegaanku in badan ay ku faraxsan yihiin in Ahlu Sunna laga itaal roonaaday, meeshana laga saaro, taasina uu ku ogaaday, kadib xiriir uu la sameeyey dadka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la inkiri karin in Ahlu Sunna in ay deegaanka u keeneen nabad, islamarkaana u soo halgantay, iyadoo dagaal la gashay Al-Shabaab, wuxuuna ku taliyey in la xoojiyo amniga, si aan loogu darsan Ahlu Sunna Waljamaaca. Halkan hoose ka aqriso: Ahlu-sunna horay waxaan uga dignay in aysan ku ballan furin Madaxweyne Xaaf, kuna kadsoomin heshiiska khudba sirada ah ee dhaldhalaalka iyo dhalanteedka leh ee kooxda N&N. Dhegaha ayey ka furaysteen. In badan oo dadka deegaanka ah oo siyaabo kala duwan u xariirnay ayaa ku faraxsan in Ahlu-sunna laga itaal roonaaday, meeshana laga saaro. Waxay ku doodayaan in ASWJ a yihiin caqabad deegaanka kaga horgudban dawladnimo iyo horumar nololeed. Waa dood macno samayn karta, haddii kuwa Ahlusuna laga adkaysiinayo ay iyaga wax dhaami laahaayeen. Lama inkiri karo in Ahlu-Sunna in ay deegaanka u keeneen nabad, kana daafaceen argagexisada Al-Shabaab, waxaa kaloo iyana la dafiri karin in ay ku guul daraysteen ka mira dhalinta guusha iyo sidii ay ugu rogi lahaayeen mid dadku wada leeyahay oo dowladnimi iyo horumar horseeda. Haddaba dadka ku doodaya in Ahlusunna Alle dhinac u dhaafiyo, waxaa horyaalla imtixaan weyn waana in deegaanku uusan ASWJ u darsan. Dadka deegaanka waxey maanta haystaan nabadgelyo iyo in ay argagexiso iska daafaceen. Halbeegga lagu eegayo in ASWJ laga reystay waa inta ay hadda haystaan oo horumar nolol iyo maamul dadku wada leeyihiin lagu daray. Kooxda la baxday N&N ujeedkoodu dowlad dhisid maaha, horumar gaarsiin maaha, dib u heshiisiin maaha, deegaan xoreyn maaha. Waa sidee talada dalka ugu soo laabannaa 2020. Inta maanta ku faraxsan in ASWJ laga takhalusay, fariintaan iga gunta. Kooda N&N maalintii ay madaxweynahooda la soo baxaan ayaa idinku danbaysa, waxaana ku xiga isbaaro meel walba taal, Al-Shabaab deegaanka qabsada si toos ah ama si dadban, dadkoo macno la’aan loo dilo, ganacsiga oo isku socon waaya, canshuur xad dhaaf ah iyo dhac, amnigu faraha ka baxa, ku ballan fur cid walba oo maanta kala shaqeeyey in ay ASWJ ka takhalusaan, kaddibna la yiraa yaa Ahlusunna iyo Sheekh Shaakir meel ku sheega. “Nin dawee la leeyahay Denbi uu badh leeyahay Xalka doon la leeyahay Isaguu u daranyuu Inuu daaro ma ogola Daaraanta mirirka leh Anna deyste ma ogoli” Abwaan Gaariye (AUN). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Loolanka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan dhul-badeedka Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso, ayaa waxaa qeyb ka noqday quwado caalami ah oo midba dantiisa gaarka ah uu wato, sida Mareykanka, UK, France, Italy iyo Norway. Sida ay qortay warbaahinta lagu daabaco qoraalalda cilmiga ku dhisan ee The Conversation ee dalka Australia, dalalkan ayaa la kala saftay Soomaaliya iyo Kenya. Dowladda UK ayaa taageero u muujisay Soomaaliya, laba sabab dartood. Midda koowaad, xiriirka UK iyo Kenya ma wanaagsaneyn tan iyo markii la doortay Uhuru Kenyatta, oo markii ii xukunka qabtay loo haystay eedeymo la xiriira dambiyo dagaal oo ka dhashay kaalinta la tuhunsan yahay in uu ku lahaa rabshadihii dhacay kadib doorashadii 2007. Intii uu xukunka hayey Uhuru, Kenya waxa ay kasii durqeysay UK, una dhowaaneysay Mareykanka iyo Shiinaha. Sidaas darteed UK waxa ay taageeradeeda ku xoojisay Soomaaliya, ayada oo eeganeysa danaheeda dhaqaale ee gobolka.’ Midda labaad, Britan waxay Soomaaliya la leedahay xiriir muddo soo jiray marka ay noqoto sahminta shidaalka. Tusaale shirkadda British Petroleum (BP) ayaa dowladdii hore ee Soomaaliya ka haysatay heshiis shidaal sahmin, ka hor inta aysan burburin 1991-kii. Norway ayaa sidoo kale taageereysa Soomaaliya. Norway ayaa ka mid ahayd dalalkii gorgortanka ugu weyn ka sameeyey shirkii shidaalka Soomaaliya ee lagu qabtay London. Waxaan sidoo kale meesha ka mrneyn in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu haysto dhalashada Norway, iyo xaqiiqda ah in Kenya ay horey u cayrisay shirkadda shidaalka Norway ee Statoil. Dhinaca kale, Mareykanka ayaa taageeraya Kenya, sababo la xiriira in labada dal ay ka mideysan yihiin dagaalka argagixisada, iyo in shirkado Mareykan ah ay ka faa’iidi doonaan haddii dhulka badeedka la isku hayo loo xukmiyo Kenya. Safiirka Mareykanka ee Kenya Kyle McCarter ayaa horey u sheegay in mowqifka dowladda Mareykanka uu yahay in xiisadda labada dal lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, taasi oo ah sida Kenya ay rabto. Mareykanka iyo Kenya ayaa sidoo kale saxiixday heshiis ganacsi oo ku kacaya 100 milyan oo dollar. Sidoo kale, Faransiiska ayaa taageeraya Kenya, sababo la xiriira in Kenya ay qandaraas ku siisay shirkadda Total Oil ee Faransiiska inay shidaal sahmin ka sameyso dhul badeedka lagu muransan yahay. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
