Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,976
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Tehran)-Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan aayatulaahi Cali Khumeyni ayaa meesha ka saaray wadahadallo ay la galaan Washington, maalin ka hor xuska 40 guuradii ka soo wareegtay markii la afduubtay shaqaalaha safaarada Mareykanka ku lahaa ee caasimada Tehraan. Kuwa u maleynaya wada xaajoodka Mareykanka in uu xalinayo dhibaatada jirta xaqiiqdii wey qaldanyihiin ayuu yidhi Mr Khumeyni intii lagu guda jiray khudbad uu shalay Jeediyay oo lagu baahiyay Website-ka uu gaarka u Leeyahay. Waxba kama soo bixi karaan wadahadal aan la galno Mareykanka, maxaa yeelay xaqiiq ahaan malaha go’aan qaadasho dhab ah ayuu yidhi. Bishii November 4-teedii sanadkii 1979-kii ayaa arday u dhashay Iiraan waxay ku xoomeen dhismaha safaarada Mareykanka ee Tehraan iyaga oo afduub ahaan u qabsaday shaqaalaha Safaarada. Ardayda ayaa dalabkooda waxaa uu ahaa in lagu soo wareejiyo boqorkii hore ee Mr shah, Mohammad-Reza Pahlavi oo xidhiidh la lahaa Mareykanka oo ay xilka lagaga tuuray kacaanka Islaamiga ahaa ee Iiraan ka dhacay 11-kii bishii Febraayo sannadkii 1979-kii. Boqor Shaah ayaa markaasi lagu dabiibayay cisbitaal ku yaalla Mareykanka kadib markii uu xanuun soo ritay. In la xaliyo arrintaan ayaa waxay qaadatay 444 maalmood waxaana ugu dambeyn la sii daayay 52 qof oo u dhashay Mareykanka oo afduub ahaan loogu haystay dhismaha Safaarada. Sannadkii 1980 ayaa gabi ahaanba si rasmi ah labada waddan waxay gooyeen xidhiidhkii dhanka diblumaasiyadda oo ay lahaayeen. Balse Khumeyni ayaa aaminsan in dhibaatada ayna ka bilaaban qabsashada dhismaha Safaarada Mareykanka ee Tehraan ayna hore u lumiyeen shacabka dalkaasi kalsoonida ay ku qabeen Washington. Ciidanka Sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaan CIA-da ayaa sanadkii 1953-dii afganbi talada kaga tuuray iyaga oo kaashanaya dowlada Ingariiska Ra’isul wasaarihii Iiraan Mohammad Mossadegh, kaasi oo mas’uul ka ahaa soo saarida shirkada shidaalka oo hada ay ku naalooneyso IIraan. Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay faraca Daacish ee Soomaaliya ayaa ugu horreyn lagu soo dhooweeyay hoggaamiyaha cusub ee kooxdaasi, Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi, kaas oo lagu bedalay hoggaamiyihii la dilay Abuubakar Al-Baqdaadi. Daacishta Soomaaliya ayaa sheegtay inay u hoggaansami doonto awaamiirta hoggaamiyaha Al-Qurayshi, kaas oo la magacaabay Khamiistii la soo dhaafay, kadib markii bishii la soo dhaafay weerar qorsheysanaa Mareykanka uu ku dilay Al-Baqdaadi. Sawir laga soo qaaday xubno ka tirsan kooxdan oo daraasiin ah, islamarkaana fadhiya geed hoostiisa ayaa sheegay inay taageerayaan hoggaanka cusub, islamarkaana ay si dhow ula shaqeyn doonaan. Sidoo kale waxa ay sheegtay Daacishta Soomaaliya inay sii wadi doonto dagaalka ay waddo iyo weerarada ay ka geysasto gudaha Soomaaliya. Kooxdan oo uu hoggaamiyo, Sheekh Cabduqaadit Muumin oo horay uga goostay Al-Shabaab ayaa ku xoogan dhulka Buuraleyda goboka Bari ee maamulka Puntland. Waa markii ugu horreysay oo Daacishta Soomaaliya ka hadasho dilka hoggaamiyihii hore Al-Baqdaadi iyo magacaabista kan cusub ee Al-Qurayshi, kadib weerarkii uu Mareykan ka fuliyey gobolka Idlib ee dalka Syria, kaas oo ahaa mid qorsheysan oo laga baaran dagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. (SLT-Lubnaan)-Dibadbaxayo ballaadhan ayaa markale ka bilaamay dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Lubnan. Mudaharaadyada oo u muuqday iney yara istaageen kaddib marki uu Ra’iisul Wasaarihii dalkaas Sacad xariiri uu ku dhawaaqay inuu is casilayo, ayaa haatan dib u soo noqday. Dadka mudaharaadaya waxay dowladda ku eedeynayaan iney sidii la rabay uga jawaabin shacabka waxyaabaha ay ka cabanayeen. Ra’iisul Wasaarihii dalka Lubnaan ayaa is casilay salaasadii la soo dhaafay balse dibedbaxayaasha haatan dib ugu soo laabtay waddooyinka ayaa waxay sheegayaan in ayna weli qanacsanayn, oo waxa ay doonayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro dowladda haatan jirto oo isbedel lagu sameeyo habka siyaasadda dalkaasi. Mudaaharaayasha ayaa maamulka haatan jira waxay ku tilmaameen inuu yahay mid musuq daashaday sidoo kalana loo aaneynayo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalka Lubnaan iyagoona wacad ku maray inay sii wadi doonaan dibedbaxyada illaa uu dalkooda ka dhaco isbedel dhab ah. Dhanka kale waxaa jiray mudaaharaadyo kale oo lagu taageerayay madaxweyne Michel Aoun, kuwaasi oo aaminsan in Michel uu yahay ninka saxda ah ee isbedel ka sameyn kara dalka Lubnaan. Source
  4. Daacish garabka gudaha Soomaaliya ayaa beyca la galay hoggaamiyaha cusub ee kooxda Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi. Sawirro ay soo dhigeen Telegram iyaga oo 10-neeyo ah ayey beycadan ku dhaarteen iney daacad u noqonayaa Quraishi. Quraishi ayaa la magacaabay khamiitii iyaga oo ku dhaartay iney u aargudayaan hoggaamiyihii hore Al-baqdaadi. Abuubakar Al-Baqaadi waxaa uu Mareykanka ku dilay bishii hore weerar uu ka fuliyey waqooyiga Suuriya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. kulankaan oo ka dhacay xaruunta Taliska Booliska degmada Guriceel, waxaana isugu yimid saraakiisha ciiqamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan bulshada magaaladaasi. Kulankaan sidoo kale waxa goobjoogka ahaay masuuliyiin ka socotay maamulka degmada, madaxda Garsoorka degmada, culumada deegaanka iyo shacabka magaalada. Kulanka waxa looga hadlay xoojinta midnimada ,wadajirka iyo nabada deegaanka iyo sidii shacabka iyo dowladu isaga kaashanlahaayeen xaqiijinta amaanka degmada. Masuuliyiinta iyo bulshada degmada Guriceel ee madasha ka hadlay ayaa balan qaaday in ay si dhow ula shaqeynayaa ciidamada qalabka sida ee ka shaqeynaya ammaanka. View the full article
  6. (SLT-Garoowe)-Xildhibaan Maxamed Warsame oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland ayaa guud ahaan iska casilay xubinimadiisii, warqad uu soo diray oo laga hor akhriyay golaha ayuu xildhibaanku ku sheegay in sababo isaga u gaar ah uu shaqada uga tagay. Xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa cod gacan taag ku aqbalay is casilaada Xildhibaan Maxamed Warsame, Faysal Cumar Gees-diir ayaa lagu wadaa in uu booskaan buuxiyo kuna soo biiro xubnaha baarlamaanka Puntland. Xildhibaanka is casilay ayaa ka mid ah xubnaha baarlamaanka Puntland kasoo gala Gobolka Bari. Source
  7. Wasiirka amniga HirShabelle, C/qaadir Aadan Jeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Jeelle ayaa kulamo looga hadlayo amniga ka bilaabay halkaas, isagoona la qaatay saraakiisha Booliska HirShabelle ee ku sugan degmadaasi. Sidoo kale wasiirka ayaa la kulmay qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, wuxuuna ka xog wareystay xaaladaha dhanka nolosha ee ka jirta halkaasi. Buulo-Burte ayaa waxaa maalmihii dambe ka jiray dhibaatooyin dhinaca amniga ah, iyadoona qeylo dhaan xoogan ay ka soo yeereysay shacabka magaaladaasi. View the full article
  8. Madaxweynaha ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo la hadlay warbaahinta ayaa baaq muhiim ah u diray dhaliyarada ku sugan maamulkaasi. Karaash ayaa ka dalbaday dhalinyarada inay ka shaqeeyaan horumarinta amniga iyi sidoo kale ka hortaga Tahriibka oo ka mid ah dhibaatooyinka heysta Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in dhalinyaradu ayaa kaalin firfircoon ka qaataan dib u dhiska dalkooda. Halkan hoose ka dhagey Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Karaash.mp3 View the full article
  9. Daadad ku rogmaday degaanka Towfiiq Roobab mahiiggaan ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay degaanno ka tirsan Puntland, ayaa la soo sheegayaa in ay meelaha qaarkood khasaare ka gaysteen. Dadka Degaanka Towfiiq ee gobolka Mudug ayaa soo sheegay, in roobabka dayrta ee halkaasi ka da’ay 24-kii saac ee la soo dhaafay, ay daadad xooggan ka sameeyeen degaanka, islamarkaana ay xool badan kala tageen qoysas reer guuraaya. Sidoo kale, Sawiro laga soo qaaday degaanka Towfiiq oo la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya ari bakhtiya oo dul sabbaynaya biyaha roobka ee ku soo rogmay degaankaasi. Roobabka mahiiggaanka ah, ayaa tan iyo habeen hore ka da’yay degaanno ka tirsan gobollada Bari, Nugaal, Karkaar, Gardafuu iyo Sanaag, gaar ahaanna dhulka xeebaha eek u teedsan badweynta Hindiya iyo badda Cas. PUNTLAND POST The post Khasaare ka dhashay roobab mahiiggaana oo ka da’ay Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaarado dagaal ka geysteen deegaanno ka mid ah gobollada Baay iyo Jubbada Dhexe. Diyaarado dagaal ayaa Labo gantaal ku dhuftay saldhig la sheegay in Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Buulo-fulay ee gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan. Duqeyntan waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidamada sida gaarga u tababaran ee DFS iyo Al-shabaab, lamana oga khasaaraha halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay. Dhanka kale, diyaarado dagaal ayaa la sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Duqeyntan ayaa lala eegtay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, kaasi oo lagu magacaabayey Macalin Ibraahim Abuu Xamsa, ahaana madaxii isku xirka Al-qaacida iyo Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkaasi uu dhintay, lamana hayo faah faahinno intaan ka badan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo soo gaaraya Buulo-Burte ayaa ku warramaya in xalay askar ka tirsanaa ciidanka dowladda, lagu dilay duleedka degmadaasi, kadib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Askarta la dilay oo labo ahaa, islamarkaana ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay ilaalo ka hayeen Ceel Biyood laga qodayo duleedka magaalada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmadaasi ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dilka askartaasi ay fuliyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladda ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyey dhacdadaasi, islamarkaana ay haatan baaritaano xoogan ka wadaan qeybo ka mid ah Buulo-Burte. Ammaanka degmadan ayaa mudddooyinkii dambe ahaa mid aad looga deyrinayey, waxaana weeraro iyo dilal qorsheysan ka fulinayey dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhankooda gobolka ka wada howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Milatari oo Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay heystaan. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-04112019-sx.mp3 View the full article
  13. Waxaa soo kordhaya xilligan khilaafka maamul ee ka taagan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, kadib markii dhowaan wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabelle u magacawday degmadaasi guddoomiye cusub. Waxgaradka ku sugan degmada Buulo-burde oo warbaahinta la hadlay waxa ay ka horyimaadeen magacaabista guddoomiyahaasi. Waxay sheegeen in ay sugayeen oo kaliya in guddoomiyaha cusub ku yimaado doorasho gole deegaan, inta ka horreysana howsha uu sii hayo ku simaha guddoomiyaha degmadaasi. “Annaga waxa aan yeeleyno ma ahan in gole deegaan oo aan la dhisin guddoomiye la magacaabo, wasiirka arrintaasi wuu ku fashilmay, waxaana u sheegeynaa in haddii aan nahay waxgaradka Buulo-burde aan aqbali doonin guddoomiyaha cusub ee naloo soo magacaabay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkii waxrbaahinta la hadlay. Sida ay waxgaradkan sheegeen, waxay u baahan yihiin dhismaha gole deegaan, kadibna lasoo doorto guddoomiyaha degmadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa taliye cusub u magacowday degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, kadib markii ay shalay kala wareegtay ururka Ahlu Sunna Waljamaaca oo in muddo ah ka talinayey degmadaasi. Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa taliyaha degmadaasi u magacaabay Zakariye Cali oo ka mid ah saraakiisha dhalinyarada ee dhowaan dowladda geysay deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Sarkaalkan ayaa isaga iyo ciidamo uu wato shalay aroortii hore waxa ay ciidamada Ahlu Sunna kala wareegeen degmada Guriceel, kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya ururkaasi iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan madaxa xukuumaadda Galmudug oo dhankiisa ka hadlay xiisadahani ayaa si kale u dhigay arrinta, wuxuuna beeniyey in Ahlu Sunna lagala wareegay degmooyinka Matabaan iyo Guriceel, isagoo sheegay inay si wadajir ah halkaas uga howlgalaan ciidamada isku dhafka ah ee la sameeyey, sida uu hadalka u dhigay. Lama oga sida uu xaalku noqon doono, balse waxaa marba marka ka dambeysa ka sii daraya xiisada labada dhinac oo ka dhalatay magacaabista guddiga farsamada doorashada ee maamulka Galmudug. Xaaladda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa saaka degan, kadib shaqaaqado labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay magaalooyinkaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  15. kulanka waxa uu ka dhacay xaruunta Taliska Booliska degmada Guriceel, waxaana isugu yimid saraakiisha ciiqamada qalabka sida ee dowlada federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan bulshada magaaladaasi. Kulankaan sidoo kale waxa goobjoogka ahaay masuuliyiin ka socotay maamulka degmada, madaxda Garsoorka degmada, culumada deegaanka iyo shacabka magaalada. Kulanka waxa looga hadlay xoojinta midnimada ,wadajirka iyo nabada deegaanka iyo sidii shacabka iyo dowladu isaga kaashanlahaayeen xaqiijinta amaanka degmada. Masuuliyiinta iyo bulshada degmada Guriceel ee madasha ka hadlay ayaa balan qaaday in ay si dhow ula shaqeynayaa ciidamada qalabka sida ee ka shaqeynaya amaanka magaalada. PUNTLAND POST The post Saraakiisha ciidamada dowlada Federaalka oo kulan u qabtay bulshada Guriceel appeared first on Puntland Post.
  16. Ola Salem was, by all accounts, fearless. As a teenager, she stood up to the managers of an amusement park after she was not allowed on rides because she was wearing a head scarf. She worked out at a boxing gym and was considered a fierce protector at the domestic violence shelter where she volunteered. She went skydiving. Source: Hiiraan Online
  17. Baydhabo (Caasimadda Online) – Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa walaac ka muujiyey xad gudubyo uu sheegay in si isdaba joog ah lagu hayo Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka koonfur Galbeed kaasoo ka socdo Magaalada Baydhabo. Xisbiga ayaa sheegay in Maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen si cabsi gelin ku hayaan Shacabka reer Koonfur Galbeed isla markaasna taasl oo marayo xad gudubyo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatul Qowlka. Xisbiga wuxuu cod dheer ku cambaareeyey habdhaqanka qalafsan ee lagula kacaayo bulsha weynta koonfur Galbeed iyo xariga iyo xukunka cadaalada ka fog ee lala beegsanayo dadka fakar ahaan kaduwan maamulka Lafta gareen. Hadalka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa kusoo aadayo Xilli Magaalada Baydhabo lagu xiray ku dhawaad 60 qof oo fikir ahaan kasoo horjeedo Maamulka Koonfur Galbeed. Dadka la xiray oo isugu jiro Saxafiyiin iyo Odayaal dhaqmayeedyo ayaa waxaa ugu magac weyn: 1= Maalaq Kaskay. 2=Liiban Ibrahim Amin 3= Abdiqaadir Bare Macalin. 4= Hassan Macalin Isaaq. Halkaan hoose ka akhriso Cambaareynta kasoo baxday Xisbiga Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. She knocked on Canada’s door and begged for protection. Instead, she was turned away, handcuffed and jailed — and no one even cared to ask her why she fled her native Burundi. Source: Hiiraan Online
  19. Democratic presidential candidate Bernie Sanders rallied with U.S. Rep. Ilhan Omar on the University of Minnesota campus Sunday night, ripping President Donald Trump and calling for a mass movement in 2020. Source: Hiiraan Online
  20. Mevlut Cavusoglu’s remarks come at Organization of Islamic Cooperation (OIC) Somalia Contact Group meeting in Doha Source: Hiiraan Online
  21. Kuwait has expressed its determination to hold a donor conference to back education in Somalia next year, Assistant Foreign Minister for International Organizations Affairs Ambassador Nasser Al-Hayen said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  22. Somalia’s Islamic State affiliate, one of the most important outposts of the militant group, swore allegiance in a statement on Sunday to the new leader named by the organisation following the death of Abu Bakr al-Baghdadi. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa hadda waxaa hakad ku jira qabashada ciyaarta kama dambeysta ah ee degmooyinka gobalka Banaadir, taas oo baaqatay 24-kii bishaan kadib markii korontada laga jaray garoonka Eng Yariisow oo ay kuwada sugnaayeen kumanaan shacab ah iyo kooxaha degmooyinka Dharkeynley iyo Waabari oo ciyaartaasi ku balansanaa. Qabashada Ciyaartaan ayaa u xayiran khilaaf culus oo u dhaxeeya guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in aad uu usii xoogeestay Khilaafka Wasiirka iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir kaas oo gaaray in guddoomiye Cumar Filish loogu hanjabo in xilka laga qaadi doono. “Hadii aadan wax ka badalin wadashaqeynta gobalka iyo wasaaradda waxaa halkaan keeni doonaa guddoomiye la shaqeyn kara xukuumadda iyo wasaaradda” ayaa lagu yiri Cumar Filish sida uu noo sheegay mid kamid ah masuuliyiinta wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya. “Wasiir Khadiija waxay madaxda qaranka u sheegtay in aysan qabsoomi karin ciyaarta degmooyinka ilaa laga heshiiyo gobalkana ogolaado in uu la shaqeeyo wasaaradda waana laga aqbalay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka aan la hadalnay oo ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa u muuqda in uu wajahayo jahwareer xoog leh kaas oo curyaamiyay shaqadii uu qaban lahaa, iyadoo ay arintaan muujineyso heerka uu gaarsiisan yahay u madaxbanaani la’aanta dhanka shaqada ee guddoomiyaha gobalka maadaama ay ciyaaraha hada socda yihiin tartan heer gobal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com