-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo uu berri ka ka furmayo shir-madaxeedka 13-aad ee dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya. Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa haatan ka dhex taagan madmadow dhanka hoggaanka ah, waxuuna khilaafka ugu badan ka jiraa Xoghayaha ururka oo uu la tashi la’aan ku magacaabay guddoomiyaha Ururka ahna Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo xubin ka ah ururka ayaa doonayey in xilkani meerto noqdo, si markooda uu ugu soo aado, balse ma dhicin. Dowladd Soomaaliya ayaa sida la sheegay shirkaas la tagaysa soo jeedinta qorsheyaal lagu taabo gelin karo dib u habeynta IGAD si dalalka xubnaha ka ah ay si siman uga faa’iideystaan, lagana dhigo Urur Goboleed ahmiyaddiisa koowaad ay tahay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Gobolka.
-
Somalia’s Interior and Federal Affairs Minister, Abdi Mohamed Sabriye held talks with Galmudug election technical committee on Thursday. Sabriye and a delegation from the Federal government arrived in Dhusamareb, the Galmudug administrative capital on Wednesday to assess the poll preparations process. The discussions focused on the upcoming regional polls slated in the state from tomorrow Friday. The Minister urged the committee tasked to oversee the democratic process to follow the guidelines of the Interior and Federal Affairs on state elections regulations. The selection of the members of the regional assembly will kick off on 29th November and conclude in the mid-next month for the swearing-in ceremony. According to the recently released time table, the election of the President and his deputy is scheduled to be conducted on 23rd December. There are more than five candidates for regional state leadership including former Interior Minister, Abdirahman Odowa and Ahmed Abdi Kaariye, current state Minister for public works and housing and former Villa Somalia chief of staff, Kamal Gutale. View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Kulan madaxeedka caadiga ah ee urur goboleedka IGAD ayaa markii ugu horreysay muddo 10 sano ah, berri ka dhacaya magaalada Addis-Ababa xilli qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah uu ka dhaxeeyo khilaaf xooggan. Kulankan ayaa lagu go’aamin doonaa cidda noqon doonta guddoomiyaha cusub ee ururka. Waxaa sidoo kale si rasmi ah loogu xaqiijin doonaa xogahayaha cusub ee ururka oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya, Workneh Gebeyehu. Hase yeeshee khilaaf u dhaxeeya Jabuuti iyo Kenya ayaa hoggaamin kara in labadooda iyo Soomaaliya-ba ay ku waayaan in madaxdooda ay beddelaan guddoomiyaha xilka ka degaya ee Abiy Ahmed. Wargeyska Daily Nation ayaa ilo-wareedyo diblomaasiyeed kasoo xigtay in Soomaaliya iyo Jabuuti oo kasoo horjeeda in hoggaanka ururka ay qabato Kenya, ay diideen inay mowqifkooda beddelaan. Sida ay sheegeen diblomaasiyiinta xogtan bixiyey, waxaa sidaas darteed suurta-gal ah in saddexda dalba ay waayaan xilkan, loona doorto dal kale. “Kursiga wuxuu aadi karaa Uganda ama Sudan” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Daily Nation, oo sheegay in tallabaadaas loo qaadi karo si looga fogaado isku dhac. Kenya ayaa Jabuuti dhowaan kaga adkaatay helidda taageerada Ururka Midowga Afrika, oo ayiday musharaxnimada Kenya ee kursiga Golaha Ammaanka QM. Hase yeeshee Jabuuti ayaa diiday inay ka harto loolanka, waxayna Midowga Afrika ku eedeysay inaysan codeyntii ay Kenya ku adkaatay u marin nidaamkii saxda ahaa. Soomaaliya, oo taageero u muujisay Jabuuti, ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin ka dhan ah Nairobi. Muqdisho iyo Nairobi ayaa waxaa ka dhaxeeya xiisad ka dhalatay muran badeed, oo hadda ay u fadhiso maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ICJ. IGAD ayaa ka cabsi qabta in hadi kursiga la siiyo Kenya, ayada oo ay diidan yihiin Soomaaliya iyo Jabuuti, ay xiisad hor leh kasii dhex abuuri karto ururka, waana taas sababta ay macquulka u tahay in dal aan saddexdaba ahayn la siiyo.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-28112019.mp3 View the full article
-
(SLT- Asmara)-Ereteria ayaa ku eedeysay dowladda Qatar khalkhal-galin ay ka wado gudaha dalkaas, toban qodob oo eedeymaha sal u ah ayay baahisay wasaaradda warfaafinta Ereteria, kuwaaso kala ah. 1.In dib loo abaabulo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee mucaaradka Ereteriya; in la mideeyo ururadooda isla markaana taageero dheeri ah u fidiyo kuwa dambe; 2.In si gaar ah diiradda la saaro dhalinyarada reer Eritrea; mideeyaan ururadooda kuna dhiirigeliyaan inay ku kacaan ficillo fallaago oo ka dhan ah dawladda Ereteriya; 3.In la abuuro xagjirnimada diineed ee kooxaha Islaamiyiinta mucaaradka ah ee Ereteriya isla markaana ay ku kiciyaan kacdoonka muslimiinta Ereteriya ee ka soo horjeedda dalkooda. 4.In Ereteria lagu beero nacaybka qowmiyadaha iyo nacaybka ka dhex jira dadka reer Eritrea; 5.In la bilaabo dadaallo lagu kicinayo mudaaharaadyo iyo bannaanbaxyo ka dhacaya magaalooyinka Ereteriya, kuwaas oo looga soo horjeedo Dowladda; 6.In dalka Sudan lagu tababaro xubnaha mucaaradka ee ka shaqeynaya weerarada gaadmada ah iyo dilalka saraakiisha sare ee dawladda; si loo fududeeyo dhexgalka gudaha Eritrea oo ay u fushadaan danahooda gaarka ah; 7.In la dilo hoggaamiyeyaasha saameynta leh ee Ereteriya; 8.Inay ku kacaan falalka carqaladaynta dhaqaalaha ee Ereteriya; 9.In la xoojiyo dacaayadda cadaawada ah; 10. In la shaaciyo xadgudubka xuquuqda aadanaha ee ka jira dalka Ereteriya, iyadoo loo gudbinayo ururada caalamiga ah iyo dalal shisheeye. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Wadamada Kenya iyo Jabuuti ayaa labadooduba laga yaabaa inay lumiyaan loolanka ay ugu jiraan xilka hogaaminta urur gobolleedka IGAD. Matalayashaa xubnaha ka ah ururka ayaa khamiista maanta ah uu kulan uga socdaa magaalada Addis Ababa iyagoo ka Arinsanaya cidda noqon doonta hoggaanka xiga. Kulanka ayaa lagu wadaa in uu socdo ilaa iyo maalinta berito oo Jimcada si loo xaliyo khilaafka ka dhaxeeya wadamada IGAD. Dhanka kale guddiga ayaa la filayaa in ay ansixiyaan xoghayaha Cusub ee dhowaan la magacaabay ee Mr Workneh Gebeyehu. Guddiga Wasiirada xubnaha ka ah wadanada IGAD ayaa u coddeyn doona wadanka xiga ee hoggaamin doona ururka iyadoo si weyn ay ugu dagaalamayaan Jabuuti iyo Kenya. Si kastaba ha ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in xilkaan ay la wareegaan wadamada Suudaan iyo Uganda Midkood. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya mudane Benfender ku qaabiley hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in UK iyo Jubaland ay “isla qireen in ficillada ay dowladda federaalka ka waddo gobolka Gedo ay yihiin sharci-darro.” “Sidookale Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kawada hadley dhaqdhaqaaqyada sharciga baalmarsan ee ay Dowlada federaalku ka wado gobolka Gedo, taas oo la isla qirey inay tahay faragelin qaawan oo aan sal iyo raad kulaheyn dastuurka dalka cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda qaadeyso DFS.” Ayaa agu yiri qoraalka. Sida qoraalka lagu sheegay , kulanka dhexmarey Madaxweynaha iyo safiirka ayaa sidoo kale laga wadada hadley xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo arrinta ay DFS ahi ka wado qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo. Madaxweyne Axmed ayaa sheegay in nooca doorashada 2020/2021 loo baahanyahay inay noqoto mid dastuurka waafaqsan Soomaaliduna kuwada qanacsantahay, taas si loo xaqiijiyana ay u baahantaahay in loo maro wadada ugu munaasibsan ee ay bulshada Soomaaliyeed kuwada qanacsanyihiin, hor u socodka dalka iyo nidaamka dowladnimana laga dhex arki karo. “Safiirka Dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiriir wadashaqeyneed iyo isfahan rasmi ah ay gaaraan Dowlada federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si horumar dhankasta uu dalku u gaaro doorasho loo wada dhanyahayna dalka uga dhacdo taas oo uu safiirku si gaar ah madaxweynaha uga codsadey inuu uga shaqeeyo sidii xalwaara looga gaari lahaa arrintaas.” Ayaa lagu yiri qoraalka. Safaaradda Soomaaliya ee UK, weli wax hadal kama aysan soo saarin kulankan, mana cadda in hadalkan loo tiriyey safiirka uu sax yahay.
-
MOGADISHU - A Somali senior official warned that a UN Security Council resolution earlier this month to extend an arms embargo on the country would prolong the survival of terrorist organizations in the Horn of Africa region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda Post-da, isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda. Istaraatiijiyadda iyo siyaasadda Qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo loo dejiyay shanta sano ee soo socota (2020-2024), ayaa loo qorsheeyay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka oo ay wadaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan oo isugu jira dawladda, shirkadaha, hay’adaha ka shaqeeya horumarinta iyo cid kasta oo ay khuseyso. Shirka golaha guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu ansixiyay dib ugu biiritaanka Soomaaliya ee ururka la dagaallanka Ayaxa ee waddamada Bariga Afrika. Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo taabaneysa dhinacyada kala duwan ee lagu horumarin karo teknolojiyada, sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, ganacsiga iyo adeegyada kale ee dawladda, ayaa fulinteeda waxaa ka qeyb gelaya wasaaradaha ay khuseyso ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed. View the full article
-
(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada-hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad-galyada. Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyagoo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira. Source
-
Asmara (Caasimada Online) – Xiisad xooggan ayaa ka dhex dillaacay Qatar iyo Eritrea oo ah laba ka mid ah dalalka xulafada la ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay maanta oo khamiis ah soo saartay waxa ay ku eedeysay Qatar in dalkooda ka waddo kicin dadweyne, khaarijin, dhibaateyn dhaqaale, iyo kharbudaad dhinac walba ah. “Kadib markii sanadkan ay Qatar ku guul darreysatay inay Sudan u adeegsato masrax ay kasoo qaado ficillo argagixiso oo ka dhan ah Eritrea, naf la-caarinimada Qatar sare ayey usii kacday ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda ayaa soo bandhigtay 10 dhibaato oo ay sheegtay in Qatar ay ku hayso Eritrea, kuwaas oo kala ah: 1 – Inay dib isugu abaabushay hogaamiyayaasha mucaaradka Eritrea, mideysay ururadooda, islamarkaana ay siisay taageero lagama maarmaan u ah. 2 – In aysi gaar ah diiradda u saartay dhallinyarada Eritrea, mideyday ururadooda, islamarkaana kicisay si ay uga qeyb qaataan ficillo kacdoon oo ka dhan ah dowladda Eritrea. 3 – Inay xagjirnimo diimeed ku beertay mucaaradka Islaamiyiinta ah ee Eritrea, sidaas darteedna ku dhiiri-gelisay Musilimiinta Eritrea inay qaadaan kacdoon ka dhan ah muwaadiinta kale. 4 – Inay kala qeybsanaan jinsiyeed iyo naceyb ku dhex beertay shacabka Eritrea. 5 – Inay billowday dadaal ay ku dhiirigelineyso dibad-baxyo ka dhan ah dowladda Eritrea oo ka dhaca magaalooyinka dalkaas. 6 – Inay tababar Militari gudaha dalka Sudan ku siisay xubno mucaarad ah oo ka tirsan kooxda Ikhwaanul Muslimiin, tababarkaas oo ku saabsan sida loo aaso miinooyinka, loo fuliyo weerarada ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, iyo dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah saraakiisha dowladda ee caanka ah, ayna fududeysay sidii xubnaha loo soo gelin lahaa dalka Eritrea, si ay u fuliyaan howl-galladooda. 7 – Inay khaarijisay hoggaamiyayaal saameyn leh oo Eritrean ah. 8 – Inay Eritrea ka fulisay ficillo lagu wiiqayo dhaqaalaha Eritrea. 9 – Inay sare u qaaday dacaayad cadaawad ku dhisan oo ka dhan ah Eritrea. 10 – Inay xadgudubyada xuquuqda aadanaha Eritrea ka buun-buunisay ururada caalamiga ah iyo dalal shisheeye, ayna u adeegsatay baahinta dukumentiyo iyo muuqaalo been abuur ah. Qatar ayaa horey sidan oo kale waxaa taageeridda argagixisada ugu eedeeyey dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Bahrain, kuwaas oo xiriirka u jaray. Madaxweyne Farmaajo wuu diiday markaas inuu xiriirka u jaro Qatar, maadaama la rumeysan yahay inay ka dambeysay inuu ku guuleysto doorashadii 2017. Si kastaba, xiisaddan cusub aya aku qasbi karta inuu dhan raaco.
-
There has been a huge outpouring of public generosity from Somali communities across the country and beyond for the hundreds of thousands of victims of floods that have wreaked havoc in the southern regions of Hiran, Gedo, Jubaland and Bay. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maalgashadayaal u dhashay dalka Shiinaha, kuwaasi oo Puntland u yimi inay maalgashi ka sameystaan. Maalgashadayaasha u dhashay Shiinaha ayaa ka socda shirkadda U-TON HONG KONG, waxayna Puntland u yimaadeen si ay u maalgashtaan Xoolaha Nool, kalluunka iyo sidoo kale Koronto laga dhaliyo ilayska qoraxda. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey soona dhoweeyay in ganacsatadan Shiinaha ka yimi ay maalgashi ku sameystaan Puntland, Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland soo dhoweynayso dadka dalka maalgashanaya, taasina qeyb ka tahay siyaasadda maalgashiga ee Dowladda Puntland. Kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Mudane, Maxamed Rooble Cabdi (Ilyaas) iyo Ganacsadaha Shirkadda Green Land Cadbulqaadir Nuur Xasan Isbatoore oo kala shaqeynaya Shirkadda U-TON HONG KONG arrimaha maalgashiga Puntland. Hoos ka daawo sawirada iyo muuqaalka PUNTLAND POST The post Kusimaha Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Maalgashadayaal u dhashay dalka Shiinaha appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug si rasmi ah uga bilabaatay howlaha doorashada Maamulka Galmudug oo ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inaysan u hakan doonin khilaafka kala dhaxeeyo Maamulka Ahlu Sunna. Guddiga Farsamada Maamul dhisidda Galmudug ayaa guda galay howshii ugu horeysay ee bilowga u ah soo xulidda xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, iyagoo la kulmay odayaasha dhaqanka ee saxiixayo Xildhibaanada cusub ee uu yaalan doono maamulkaas. Guddiga Farsamada iyo Odayaasha leh saxiixa xildhibaanada Galmudug ayaa Maanta ku kulmay Dhuusamareeb, waxayna ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa geeddi socodka dhismaha Galmudug. Maalinta Sabtida ee soo socoto ayaa la filayaa in la xareeyo odayaasha dhaqanka, waxayna guddiga iyo odayaasha ka wada shaqeyn doonaan howsha soo xulidda Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo noqon doono 89. Xildhibaanada Maamulkaas ayaa waxaa loo qeybsan doonaan sida uu qabo dastuurka Galmudug ee ah hab qeybsiga Beelaha, waxaana la raaci doonaa habkii markii hore loo soo xulay xildhibaanada waqtigooda dhamaaday. Todobaadkan ayay aheyd markii Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug uu ku dhawaaqay jadwalka doorashada Galmudug, iyadoo la filayo in geeddi socodka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug la soo gabagabeeyo dhammaadka bisha December ee soo socota. Maamulka Ahlu Sunna ayaa qaadacay tallaabadaan ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna iska diiday 15 Xildhibaan oo ay u ogolaatay Dowladda Dhexe, waxayna Ahlu Sunna go’aan ku gaartay inaysan qaadan doonin tiro ka yar middii lagula heshiiyey ee aheyd 35 Xildhibaan.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada. Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka. Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka soo qeyb galaya shirkan. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijineysa siyaasaddeeda ku aaddan Gobolka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale ee Gobolka. View the full article
-
Dalka Eritrea ayaa qoraal uu maanta oo khamiis ah soo saaray waxaa uu ku eedeeyey dalka Qatar in Dooxa ay dalkooda ka waddo kicin dadweyne iyo kharbudaad dhinac walbo ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Eritrea waxaa ay leedahay Qatar markii ay ku guuldareysatay dhibaatadii ay ka soo wadday dhanka bariga Suudaan ayey gudaha dalka ka bilowday fulinta 10 qodob oo kharbudaad iyo dhibaato ah. Qodobada ay Eritrea ku eedeysay maamulka Tamiim waxaa ka mid ah : Abuuris fitno xagga diinta ah, kicin dadweyne gaar ahaan dhalinyarada, abuurista amni darro iyo degenaanshiyo la’aan dalka ah iyada oo la shirqoolayo, lana dilayo dad muhiim ah. Waxaa kale oo ka mid ah; Mideynta mucaaradka Eritrea, in hanti siiso jamciyaad dhibaato wada, kicinta muslimiinta Eritrea, in dadka dalkaasi loo kala qeybiyo isir kala sooc, boorinta dibad baxyo ka dhan ah dowladda, faafinta daacayadaha in Eritrea ay ka dhacaan arrimo ka dhan xuquuqul insaanka iyo weliba tababarka kooxo dil geysta. April sanadkan ayey Eritrea sheegtay arrimo la mid ah qodobadan ay ku heysato dalka Qatar, laakin waxaa muuqato in maamulka Tamiim sii wado. Dalka Qatar oo hoy u ah kooxo badan oo Islaamiyiin ah waxaa xiriirka u jaray dalal badan oo Khaliijka iyo Carabta kala ah, waxaana lagu eedeeyey in maamlgelin iyo gabbaad siiyo argigixisada. Labada dal waxaa ay xiriir soke la leeyahay maamulka hadda jooga Villa Somalia, waxaan la ogeyn in dhexdhexaadin uga bannaan tahay iyo in kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday xilliga kama dambeysta ah oo ay ku dhawaaqi doonto ololaheeda ay ku baadi goobeyso kursiga aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Kursigan oo ah mid ay leedahay Afrika, gaar ahana dalalka Bari, ayaa waxaa isku haysta Jabuuti iyo Kenya. Midowga Afrika ayaa horey u taageeray musharaxnimada Kenya, hase yeehee Jabuuti ayaa ku gacan seertay, kuna adkeystay inay tartameyso. Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in iyadoo cuskaneysa xeerarka Midowga Afrika ay rajo fiican ka leedahay kursiga Golaha Ammaanka ee waqtigiisu yahay 2021-2022 sida lagu sheegay war saxaafadeedka kasoo baxay ergada joogtada ah ee Jabuuti ee QM. 5-ta Bisha December ee sanadkaan ayey Howlgalka Jabuuti ee Qaramada Midoobey sheegtay inay soo sharixi doono musharaxooda ku matali doono booskaas. Dowladda Jabuuti ayaa Caalamka ka codsatay in lagu taageero sidii ay u heli laheyd kursigaas oo uu tartan adag kala dhaxeeyo dowladda Kenya oo iyadana dadaalkii ugu dambeeyey ku bixineyso inay kaga guuleysato Jabuuti. Jabuuti ayaa sheegtay inay wax badan kaga qeyb qaadan karto xaaladaha ka jiro Caalamka maadaama ay sheegtay ay aqoon iyo qibrad fiican ka heysato Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Midowga Afrika. War saxaafadeedka Jabuuti ayaa lagu dhex sheegay howlaha ay qabatay, waxaana ka mid ah dadaalladeeda nabad dhlinta Soomaaliya sida howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka tahay iyo shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee laba jeer qabatay. Dowladda Somaliya ayaa xilli hore shaacisay inay taageersan tahay dowladda Jabuuti ayna ku garab taagan tahay sidii ay ku heli laheyd Kursigaasi. Kenya oo dhankeeda damac wayn uu kaga jiro helitaanka Kursigaan ayaa iyadana galaangal xoog leh waxa ay ka wadaa dalalka Afrika si ay taageero uga hesho.
-
Loolan Adag Oo Ka Dhashay Boos Tartan Loo Gelayay Dalada Sonyo. Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo ka mid ah ururrada Bulashada Rayidka ah ee Somaliland waxa dhawaan ka bannaanaaday jagada xilka Agaasimaha Fulinta, waxaana sidii caadiga ahayd ay dalladdu naadisay cid kasta oo danaynaysa buuxinta booskaasi. Sida ku cad bayaan ay dalladdu soo saartay waxa booskan bannaanaaday soo codsaday ku dhawaad 150 qof oo dhallinyaro ah waxaana ugu dambayn imtixaanka u fadhiistay xubnihii ku soo baxay short List-ga. Sida uu dhigayo sharciga shaqaale-qorista ee dalladdu waxa imtixaanka shaqaalaha la doonayo qaada koox isugu jirta xubno ka socda BOD-ka SONYO, sarkaal ka tirsan wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada iyo xubno kale, taasoo keenta in SONYO lagu majeerto ururrada dalka ee sida caddaalada ah loogu soo baxo shaqo-qoristeeeda waligeedna aan hore loogu arag wax muran ah iyo is qabsi toona. Afar xubnood ayaa ugu dambayn isugu soo hadhay imtixaan afeedkii ugu dambeeyey (Interview) waxaanay kala ahaayeen Cabdixamiid Maxamed Cumar, Sharmaarke Ismaaciil Idiris, Cabdalle Quulle Xasan iyo Saxardiid Maxamed Cismaan. Waxaana dhibco sare ku soo baxay oo mansabkan ku guulaystayCabdixamiid Maxamed Cumar. Markii uu muwaadinkaasi lagu magacaabo Cabdixamiid ku guulaystay jagada loo tartamay waxa sidii sharciga ahayd ku dhawaaqay oo soo saaray kooxdii Imtixaanka qaaday, waxaanay Wasaaradda Shaqo-galinta oo qayb ka ahayd guddida imtixaanka qaadday ay soo saareen Bishan 22-keedii qoraal uu ku saxeexan yahay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Mudane Cabdirashiid Ibraahim Sh. Cabdiraxmaan. Warqaddaasi oo uu ku socodsiiyay Guddoomiyaha SONYO, Cabdixamiid Maxamed Cumar (Ninka Shaqada ku guulaystay), Golaha sare ee SONYO, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiirka Shaqo-galinta A/Bulshada iyo Qoyska. Warqadddaasi oo Agaasimuhu ku caddeeyey Shaacinta Guulaystaha Xilka Agaasimaha SONYO Gudoomiyaha Dalada dhalinyarada ee somaliland ayaa warqad uu ku sheegayo in imitixaanka lagu kala guulaystay soo saaray wuxuuna sheegay in agaasimaha fulinta ee dalada dhalinyarada ee sonya loo doortay cabdixamiid M. Omar Ku Dhawaaqista agaasimaha cusub ee dalada dhalinyarada sonyo ayaa waxa warqad ka soo saaray wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland taas oo uu ku sheegayo in dib loo dhigo tartanka lagu shaaciyay agaasimaha fulinta dalada sonyo isla markaana aanay iyagu ogalayn waxaana taasi muujisay in wasiirka dabada laga riixayo isla markaana dhanka xukuumada cadaadis lagaga waddo Wasiirka Ciyaaraha oo shaqadii dhalinyarta la fadhiistay ayaa waxa uu soo dhex-galay tartanka xalaasha ah ee dalada ka dhex dhacay taasna waxa sababay masuuliyiin madaxtooyada ka socday oo laga guulaystay isla markaana watay masuulka guulaystay kii ku xigay taas oo sababtay in dhanka wasiirka ciyaaraha laga soo wareego Wasiirka ciyaaraha ayaa warqada diidista soo saaray 26.11.2019 taas oo ka hor imanaysa xiligii wasaarada shaqo gelinta qoyska iyo arrimaha bulshada ogaysiinta siisay 22.11.2019 Ugu danbayn gudoomiyaha dalada sonyo ayaa wasiirka ciyaaraha ka soo daba saaray warqad sheegaysa in imitixaankii loogu tartamayay agaasimaha fulinta dalada sonyo lagu guulaystay isla markaana aan wax hada hadhay jirin agaasimaha fulinta ee dalada dhalinyarada ee sonyo uu yahay Cabdixamiid M. Omar. Source
