Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,993
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo ka qayb gelaya shir sanadeedka madasha Nabadda Paris, ayaa halkaasi kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergey Lavrov. War-saxaafadeed ka uu soo saaray Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Kulanka oo qayb ka ahaa, shir-doceedyada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo madaxda ka qayb geleysa shirka madasha Nabadda Paris. Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha amniga, nabad-gelyada iyo taageerada saaxiibbada Soomaaliya ee dib-u-kabashada dalka, sida lagu xusay war-saxaafadeedka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan doceed la qaatay, wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto. Kulanka oo looga hadlay xoojinta xariirka labada dowladood ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka sheegay in taageerada Filand ay qayb wayn ka qaadatay dadaallada nabadeynta iyo dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo la kulmay wasiirada Arrimaha Dibadda Finland iyo Ruushka appeared first on Puntland Post.
  2. When passengers call for a ride in the northern Somali port town of Bossaso using a local taxi hailing app, they are invariably surprised to see Ikran Yusuf Abudllahi sitting behind the wheel. Source: Hiiraan Online
  3. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay si rasmiya u shaacisay in tixgelin gaar ay siin doonto dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland. Mareykanka ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay nidaam kayd oo wanaagsan, gaar ahaan dhanka Hay’daheeda, isla markaana ay tixgelin gaar ah siin doonto Dhukumintiyada ka soo baxa Hay’daha Somaliland. Wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Dhukumintiyada dhalashada, kuwa guurka iyo dhimashada, ee ka soo baxa Somaliland ay u aqbalayaan qofka marka uu dalbanayo dal ku gal dalkooda. Wasaarada ayaa qoraal ay Mareegteeda internetka ku baahisay, ku xustay in nidaamka keyd ee dowladda federaalka Soomaaliya uu ka wanaagsan yahay midka Somaliland. Warbixintaasi ay soo saartay Wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanku, ayaa waxa laga dheehan karaa heerka kalsooni ee uu Mareykanku ka qabo Dhukumintiyada Dowladda federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Deputy District Attorney Ilan Zur told the jury he has a slam-dunk case for second-degree murder against Daniel Russell. Source: Hiiraan Online
  5. Princess Haya bint al-Hussein, the estranged wife of Dubai's ruler Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum, appeared in a British court on Tuesday for the latest hearing in the couple's legal battle over the welfare of their children Source: Hiiraan Online
  6. Al-Shabab extremists in Somalia remain “a potent threat” to regional peace and are now manufacturing home-made explosives, expanding their revenue sources and infiltrating government institutions, U.N. experts say. Source: Hiiraan Online
  7. Sports Illustrated did something unprecedented last spring, although it was Halima Aden who really made history: At 21, the Somali American fashion model appeared in the magazine’s swimsuit issue dressed wrists-to-ankles in a burkini—beaming, lounging on a beach in Kenya, the country where she spent much of her childhood in a refugee camp before moving to St. Cloud, Source: Hiiraan Online
  8. 87 ka mida Culimada ugu caansan Dunida Muslimka oo shaaciyey Go’aan ka dhan ah Imaaraadka Carabta 87 ka mid ah culimada ugu caansan dunida Islaamka, ayaa Carabta iyo Mulimiinta kale ugu baaqay inay ku dhaqaaqaan qaadacaad siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah Imaaraadka Carabta. Waxay Imaaraadka Carabta ku eedeeyeen inay fuliyaan shirqoolo ka dhan ah Muslimiinta Islamarkaana ay ku cayaarayaan nolosha Muslimiinta dalalka Yemen iyo Libya. Culimada ayaa bayaan ay soo saareen waxay ugu baaqeen ganacsatada muslimiinta ah inay ka guuraan Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay qaadacaan inay waxa kala soo degaan dekedaha dalkaas, sababtoo ah waa mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn Imaaraadka. Waxay sheegeen in Imaaraadka Carabta ay dhaqaalahooda u adeegsanayaan inay ku dilaan Muslimiinta, ku iibsadaan calooshood u shaqeystayaal, ku agaasimaan afduubyo ka dhan ah dowlado sharci ah, islamarkaana ay ku hor-istaagaan rajada dadka Carabta ah ee sameynaya kacdoonada si ay isaga dul-qaadaan maamullada daba-dhilifyada ah ee caburinta ku haya. “Imaaraadka waxay sidoo kale shirqoolaan walaalaha Falastiin ayaga oo la safan Yahuudda.” Ayaa lagu yiri bayaanka. Culimada ayaa baaqooda saldhigga ugu dhigay aayadaha qur’aanka iyo axaadiista sheegaya “inay qasab tahay in cadowga la wiiqo dhaqaale ahaan, si looga hortago burburka iyo fisqiga ay ku fidinayaan dhulka Islaamka.” Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeer uu galabta ku tagay mid ka mid ah baraha koontorool ee laga soo galo magaalada Muqdisho uu ku soo arkay askar lacago baad ah ka qaadaya dadka shacabka ah. Mahad-Alle ayaa sheegay in socdaal uu ku tagay Isgoyska Ex koontorool Afgooye oo Bar koontorool ay ku leeyihiin ciidamada Booliska uu ku soo arkay askar aan heysan wax boono ah, isla markaana gadiid-leyda ka qaadaya lacago baad ah. Isgoysa Ex koontorool Afgooye ayaa ka mid ah goobaha ugu waaweyn ee lagu qaado canshuurta maamulka gobolka uga soo xaroota gaadiidleyda, sidoo kale waa goob lagu baaro gaadiidka dhanka koonfureed soo gala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen ilaa labo askari oo ka tirsan ciidanka Booliska ee ku sugnaa bartaas koontorool, kuwaas oo lasoo qabtay iyagoo qaadaya lacag aan sharci aheyn, waxuuna Mahad-Alle warbaahinta u soo ban dhigay lacag badan oo shilin Soomaali ah, taas oo sida uu sheegay askarta la xiray ay si sharci darro ah uga qaadeen gaadiidleyda dhanka koonfureed ka soo gasha magaalada. Mahad-Alle ayaa sidoo kale sheegay inay sharciga marsii doonaan askarta ay soo qabteen galabta ee shacabka ka aruursanayay lacagaha baada ah ee aan lagu qaadeyn boonadii ay ugu tala gashay dowladda hoose ee Xamar. Ibraahim Mahad-Alle guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in xilliga ay soo qabanayeen ragaan uu kormeer ku tagay goobo badan oo ku kala yaala degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qaado canshuurta maamulka gobolka uga soo xaroota gaadiid-leyda Muqdisho. Caaimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Tripoli (Caasimada Online) – 87 ka mid ah culimada ugu caansan dunida Islaamka, ayaa Carabta iyo Mulimiinta kale ugu baaqay inay ku dhaqaaqaan qaadacaad siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah Imaaraadka Carabta. Waxay Imaaraadka Carabta ku eedeeyeen inay fuliyaan shirqoolo ka dhan ah Muslimiinta Islamarkaana ay ku cayaarayaan nolosha Muslimiinta dalalka Yemen iyo Libya. Culimada ayaa bayaan ay soo saareen waxay ugu baaqeen ganacsatada muslimiinta ah inay ka guuraan Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay qaadacaan inay waxa kala soo degaan dekedaha dalkaas, sababtoo ah waa mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu weyn Imaaraadka. Waxay sheegeen in Imaaraadka Carabta ay dhaqaalahooda u adeegsanayaan inay ku dilaan Muslimiinta, ku iibsadaan calooshood u shaqeystayaal, ku agaasimaan afduubyo ka dhan ah dowlado sharci ah, islamarkaana ay ku hor-istaagaan rajada dadka Carabta ah ee sameynaya kacdoonada si ay isaga dul-qaadaan maamullada daba-dhilifyada ah ee caburinta ku haya. “Imaaraadka waxay sidoo kale shirqoolaan walaalaha Falastiin ayaga oo la safan Yahuudda.” Ayaa lagu yiri bayaanka. Culimada ayaa baaqooda saldhigga ugu dhigay aayadaha qur’aanka iyo axaadiista sheegaya “inay qasab tahay in cadowga la wiiqo dhaqaale ahaan, si looga hortago burburka iyo fisqiga ay ku fidinayaan dhulka Islaamka.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga khubarada QM ee Soomaaliya oo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa sheegay in intii lagu guda jiray muddo xileedkoodii koowaad, ay isticmaalka waxyaabaha qarxa ee Al-Shabaab ay gaartay heerkii ugu sarreeyey taariikhda Soomaaliya, ayada oo korortay saddex meelood meel, marka loo barbardhigo sanadkii tagay. Sida ay warbixinta tiri, taxliilin dhanka kiimikada ah oo la sameeyey kadib qaraxyada Al-Shabaab qaarkood, ayaa muujisay in markii ugu horreysay ay kooxda Al-Shabaab awood u yeelatay inay sameysato bambooyinka ay qaraxyada ku fuliso, ayada oo sidaas sameeneysay illaa ugu yaraan Bishii July ee 2017. Sidoo kale, uma muquato in Al-Shabaab ay hor-istaagi karto dhaqaale la’aan, ayada oo sida lagu sheegay warbixinta, ay habka canshuuraha ee u eg kan maafiyada oo kale ee Shabaab ay ka adeegsato koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya uu kooxda soo geliyo dhaqaale badan. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inuu ogaaday in Al-Shabaab ay sii ballaarisay dakhli soo xareynteeda, kadib markii ay billowday inay canshuur ka qaaddo badeecooyinka kasoo dega dekedda Muqdisho. Sida warbixinti tiri, ku dhex milinka Al-Shabaab ee hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan 2019 garay heer aad u sarreeya, kadib markii qof naftiisa huray, oo la tuhunsan yahay inay ka tirsaneyd Al-Shabaab ay isku dhex qarxisay xarunta gobolka Banaadir , kuna dishay duqii Muqdisho, allaha u naxariistee Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo sagaal mas’uul oo kale. Gabadhaas iyo gabar kale oo ka caawisay qaraxa, ayaa ka dhex-shaqeynayey xarunta gobolka, waxaana goor dambe la ogaaday inay adeegsanayeen magacyo been abuur ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa maalmihii u dambeeyay baraha bulshada ay ku kulmaan aad loogu hadal hayey oo la isla dhex wareegayey, warar sheegaya in dekedda Berbera lagu qabtay Konteenar saanad ciidan ah. Arrintan ayaa waxaa si rasmi ah u xaqiijiyay Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, Maxamuud Cali Ramaax, isagoona sheegay in uu tagay dekedda Berbera, isla markaana uu soo xaqiijiyay in Konteenarkaasi la qabtay oo gudaha dekedda yaalo. Xoghaye Ramaax ayaa sheegay in weligeed aysan gudaha Somaliland ka dhicin in lagu arko inuu qof shacab ah uu soo dejiyo saanad ciidan, markaana Xukuumada looga baahanyahay inay talaabo ka qaado. Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid, Maxamuud Cali Ramaax, oo arrintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yiri “In horta saanad ciidan lagu arko qof shicib ah oo soo dejinaya weligeed may dhicin”. “Hadday dhacdana xukuumadda ayaa weligeed la wareegi jirtay, way dhacday gobalka Sanaag markii aan joogay oo dad is yidhi ka ganacsada xukuumadda la wareegtay, waad ogaydeen oo kuwii ku xidhxidhnaa wixi lagu eryanayay waxay ahayd saanad ciidan”. Wuxuuna intaas kusii daray “Sharciga hala mariyo, waanan soo hubiyay oo waan tagay dekeda oo wuu jiraa konteenarkaasi, mana aha inay dadku ka hadlaan ee waa in ciidanku toos ula wareegaa”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Madaxa Sirdoonka Nayjeeriya Ahmed Rufai Abubakar ayaa lagu arkay isagoo Muqdisho jooga kulamana la qaadanaya Agaasimaha Sirdoonka Dowlada Federaalka Soomaaliya Fahad Yaasiin. Booqashadaan Ahmed Rufay [...] Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka dalka Nigeria ee National Intelligence Agency (NIA) ayaa caawa ku sugan magaalada Muqdisho, isaga oo booqasho laba maalin qaadaneysa maanta kusoo gaaray caasimadda. Axmed Abubakar Rufaaci ayaa kulan la qaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yaasiin, sida lagu sheegay qoraal kooban oo barta twitter-ka ay soo dhigtay hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya. “Axmed Abubakar Rufaaci iyo Fahad Yaasiin, ayaa kala saxiixday isfaham iyo wada shaqayn buuxda oo dhexmarta labada Hay’adood ee labada dal.” Sida lagu sheegay qoraalka NISA. Nabad-sugidda Soomaaliya ma aysan bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer. Hase yeeshee bilihii dhowaa waxaa soo badanayey madaxda sirdoonka caalamka ee soo gaaraya Muqdisho. 17-kii September, Taliyaha Siradoonka wadanka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa, ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho isaga oo la kulmay agaasime Fahad Yaasiin, oo ay ka wadahadleen sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen khibradda NISA ay u leedahay la-dagaalanka argagaxisada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanah-aWarraka-12112019.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta toos uga soo muuqday bartiisa Facebooka ayaa qeyb ka mid ah hadalkiisa uga hadlay sida uu wax ku wado Madaxweyne Farmajo. Xasan Daahir ayaa sheegay in si gaar ah uu diiradda u saarayo ka hadalka Madaxweyne Farmaajo, maadaama wixii ka halaaba ay ka wada halaabayaan dalka. “Walaalow dhaqankaaga, sida uu u socdo, sidii laguu qaabilay, sidii aad ku timid iyo sidii lagu doortay is mahalahan, meeshaan ayaan in kala socdaa qaabka aad u socotaan oo aad wax ku wadaan waa qaab aan munaasab u aheyn, dad iyo dalka 30 sano ku soo jiray fitno, xasilooni darri, is xoogid iyo is dil dhaqankaan laguma xasili karo wadadeedna kuma socotaan” ayuu yiri Xasan Daahir. Isagoo sii hadlayay ayuu yiri, “Waxyaabaha dareenka i galiyay Farmaajo waxaa ka mid ah adigoo yiri oday nabadoon ah ayaa dalka ka noqonayaa, ayaad dadka waxooda dhaceysaa oo aad caburineysaa, Farmaajo ragu walaalow wax u dhaama malahan ee jooji xoogaan aad wax ku dooneyso wax ku heli maysid waana uga darayaa dalkaane”. Xasan Daahir ayaa sheegay in madaxweye Farmaajo uu ku socdo maskaxdii Maxamed Siyaad Barre. “Waxaan dareemayaa in wadciga ama waqtigu uusan is laheyn balse aad ku socoto maskaxdii Maxamed Siyaad Barre, walaalow iga raali ahaaw wadcigaan lagu jiro iyo kii uu ku soo shaqeeyay Maxamed Siyaad isma lahan, balan qaadkaagii iyo waxaad ku dhaqmeysana is malahan, maskaxdaada iyo waqtiga lagu jirana is malahan meeshaasna wax aan la mahdin ayaa ka imaan kara” ayuu yiri wadaadka xabsi guriga ah ee Xasan Daahir Aweys. Halkaan ka daawo  strong>Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimad Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay odayaasha beesha uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kulankaas oo ka dhacay Hotel Lafweyn ee magaalada Muqdisho. Odayaasha beesha uu ka soo jeedo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guud ahaan siyaasiinta iyo waxgaradka beesha Mudulood ayaa berri ku ballamay mid kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho waxaana loo yeeray Xildhibaanada ay Mudulood ku leeyihiin labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya. Qaar ka mid ah odayaasha ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan aqbali karin sidii loola dhaqmay Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya iyo hadalkii daba joogay ee Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ee digniinta ahaa. Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in kulanka Mudulood kadib maalmo kadib la qaban doono kulan ay u dhanyihiin beelaha Hiraab, islamarkaana looga hadli doono qatarta dalka ka jirta. Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaaanka Soomaaliya ee Mudulood ka soo jeeda ayaa berri kulankaasi ka qayb gali doono waxaana la filayaa in go’aano ay ka soo baxaan sida ay noo sheegeen odayaasha dhaqanka Mudulood qaarkood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay Nairobi ka heleen ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru ay kulmayaan Saacadaha soo socda ayna ku [...] Source
  19. Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Wadani ayaa qoraal ay soo saareen uga soo horjeestay guddiga doorashada Somaliland kaas oo maanta qaar ka mid ah ay ansixiyeen golaha wakiilada. Haddaba, Halkan ka Akhriso MAWQIFKA RASMIGA AH EE LABADA XISBI MUCAARAD UCID IYO WADDANI. Ugu horreyn waxa aanu shacabka Somaliland ee sharafta leh u sheegaynaa annaga oo ka xun in hannaankii geedi-socodka dimuquraadiyadda ee Somaliland oo ahaa mid ku salaysan dastuurka isla markaana bulshada Somaliland u soo martay dariiq dheer oo ay ku baxday wakhti iyo hanti umadeedba, si loo helo doorasho xor ah oo xalaal ah oo ku fadhida hal cod iyo hal qof in xukumadda KULMIYE ay god dheer ku ridday gacantoodana ku gawracday. Sidaa darted, waxa ay labada xisbi mucaarad, ee UCID iyo WADDANI cadaynayaan in Komishinkii doorashooyinka qaranka ee la sugayay laga duway shuruucda dalka iyo shuruudihii uu xeerku u dhigay xulista iyo ansixinta xubnaha komishinka doorashooyinka qaranka, taas oo meesha ka saartay dhex-dhexaadnimadii iyo garsoorkii ay xisbiyada ugu xaq-soori lahaayeen. Haddaba kadib Markii ay labada xisbi u caddaatay in xukuumadda KULMIYE ay baal martay heshiiskii saddexda xisbi qaran ku galeen madaxtooyada ee beesha caalamkuna ku dhexjoogtay, isla markaana ay caddaatay in Golihii Wakiiladda laga dhigay saylad, isla markaana hantidii umadda loo adeegsaday danaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE. Markii labada xisbi mucaarad ku qanceen in Madaxweynuhu uu burburiyay doorashooyinkii iyo dimuquraadiyadii dalkan ka hana qaaday ee Somaliland ku soo caano maashay, isla markaana uu caddaystay nidaam kelitalisnimo. Waxa ay labada Xisbi qaadeceen wadashaqaynta xubnaha lagu sheegay Komishinka ee lagu keenay sifada jujuubka ah, kaas oo loo maray dariiq sharciga baal marsan. Waxa ay labada xisbi ku baaqayaan shir wada tashi ah oo lagaga arinsanayo xaaladda uu dalk marayo qaranka Somaliland oo masiirkiisu uu gebi ka laalaado. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo hay’aadaha iyo dowladaha deeq bixiyayaasha ayaa shir ku yeeshay Washington. Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’aadaha kala ah FAO ,EU , USAID, DFID, masuuliyiin ka socotay dowlada Talyaaniga, Midowga Yurub iyo madaxda Mashruucyadda GEEL iyo CCAP kuwaas oo wada shaqayn kala dhaxayso Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya. Ajandaha shirka ayaa ahaa sii wax la iskaga waydiin lahaa xog uruurintii la sameeyay iyo sidii la iskula wadaagi lahaa, sidii looga wada hadli lahaa qaabka bixinta shatiga Kalluumeysiga iyo cusbooneysiinta habka cusub ee laysan bixinta, casriyeyn ku saabsan hindisaha xogta kalluumeysiga iyo heshiiska wadaagida dakhliga ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda. Wasiir Bidhaan oo kulanka hadal kooban ka jeedayay ayaa sheegay in qorshaha 2020-ka Wasaaradda ee bixinta shatiga sanadkan furo u noqon doono dakhli kororka dowladda, waxaana uu intaas ku daray inay yaraatay qaabka ka Kalluumeysiga sharci darrada. Balse Bidhaaan ayaa xusay in ay jiraan kiisas dhowra oo dhacay sanadkaan oo gacanta lagu hayo dadkii sida sharci darrada u Kalluumeysanayay iyo doomohoodii. Shirkan ayaa ku soo aaday iyadoo dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay aad isugu khilaafsan yihiin arrimaha Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda. PUMTLAND POST The post Wasiir Bidhaan: Waxaa yaraaday Kalluumeysiga sharci darrada ee Badda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (SMN) – Ku simaha duqa Muqdisho ahna gudoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, ayaa kormeer isla xisaabtan ah ku sameeyay baraha Kontarool ee lagu qaado canshuuraha gaadiidka. Ibraahim Cumar Mahad-Alle (Ibraahim Dheere) ayaa waxaa kormeerka ku wehliyey xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir. Intii ay socdeen howlgaladda ayaa waxaa gacanta lagu dhigay shaqsiyaad si sharci daro ah u qaadayey canshuur boona la’aan ama canshuur aan tixraac la heyn. Ibraahim Dheere ayaa daboolka ka qaaday in ay ka go’an tahay dagaalka ay kula jiraan xubnaha noocaan ah, ayna sii laba jibaari doonan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Yee.mp3 View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM ayaa lagu waramayaa in ay dib soo celiyeen gudoomiyeyaashii degmooyinka Beled Xaawo, Luuq iyo Doolow. Illo wareedyo ayaa u sheegay idaacadda Shabelle ee magaaladda Muqdisho in xubnahaan laga watay hoygooda lana geeyay wadanka Itoobiya. Warbixinadda ayaa daboolka ka qaadaya in lagala hadlay tacadiyo shacab loogu geystay gobolka Gedo, taas oo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ka dambeeyo. Mas’uuliyiinta ayaa la sheegayaa in ay iska fogeeyeen eedeymahaas, waxayna meesha ka saareen in ay wax kaalin ah ku lahaayeen. Wararka ayaa inaas ku daraya in laga codsaday in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si cadaaladda loo geeyo cidii geysatay xadgudubyaddaas. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Ciidanka-Itoobiya.mp3 View the full article