-
Content Count
213,984 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa farageliyey xiisad salka ku heysay dilal la xariira aanooyin Qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Ku simaha guddoomiyaha gobolka, ahna guddoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Ibraahim Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la xaliyey xiisadii ka taagneyd Kaxda, kadib kulamo uu la qaatay odayaasha dhaqanka ee degmadaasi. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya gacan bir ah lagu qaban doono cidkasta oo fal ami darro ah ka geysata halkaasi. Dhankooda odayaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir inuu soo farageliyo xiisaddaasi, islamarkaana uu si deg deg ah ku xaliyo, iyagoo sheegay in ay kala shaqeyn doonaan xasilinta amniga. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xilkii laga qaaday taliyaha saldhigga Booliska degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana xog ay heshay Caasimadda Online ay sheegeysaa in sababta xilka looga qaaday ay tahay amni darada ka jirta Degmadaasi Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ka dhacayey dilal ku saleysan aanooyin qabiil, waxaana lagu dilay dad badan. Taliyaha xilka laga qaaday ee Kaxda ayaa awood u yeelan waayey inuu xaliyo dhibaatada amni xumo ee ka taagan degmadiisa. Sida xogta ku helnay maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in taliye cusub loo magacaabo degmada, kaas oo la filayo inuu noqdo mid xal u keeni karo dhibaatada ka jirto halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaga qeybgalayaa shirka dadeynaha iyo horumarinta, waxaana soo qaban qaabisay QM. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalkeenna. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.” Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade). Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo magaalada Kismaayo kula kulmay Wafdi kasocday hay’adda IOM oo uu hogaaminayo Mr Matthew DeCristofano IOM oo gacanta ku haysa xarunta DDR ee dhaqan celinta ee Kismaayo ku taala taas oo lagu dhaqan celiyo Dagaalamayaasha kasoo xarooda Al-Shabaab ayaa sheegay iney doonayaan yareenta qatarta Al-shabaab. “Waxaan rabnaa inaan yareyno khatarta Al-Shabaab marabno in dhalinyaro soomaaliyeed intaa ka badan xabad ku sii dhintaan ayagoo fikrado khaldan aaminsan, Sidaa daraadeed waa in loola dhaqmaa sida ugu haboon ee lagaga dhaqi karo fikradaha ay aaminsanyihiin ee ay dadka ku gumaadayaan ayuu yiri Madaxweynahu. “Al-Shabaabka soo xaroonaya waa inay arkaan waxa markay duurka ku jireen ee ay dagaalamayeen ay aaminsanaayeen iyo waxa ay ka aaminsanyihiin dowladnimada ee ah wax diinta ka baxsan wax ka badalan sidaa daraadeed waa in loo helaa culimo diin ahaan ugu sharaxda farqiga xagjirnimada iyo Dowladnimada si ay u fahmaan khaladka ay kujiraan uguna tanaasulan dad laynta iyo fikradaha xagjirka ayuu yiri Madaxweynahu. Dhallinyaro badan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey isaga soo baxayey ururka Al-shabaab, waxaana ay kusoo biiriyeen dhanka DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah, kuwaasi oo tilmaamay in markii hore la qalday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, kaasi oo ka dhacay gobolka Mudug. Maleeshiyaad ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen gaari dhuxul siday, kaasi oo marayey deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120-km u jira magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Hal qof oo ka mid ahaa dadkii gaariga saarnaa ayaa dhintay Labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka Dhagtuur, halkaasi oo lagu daweynayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay ka fuliyeen koonfurta gobolka Mudug. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday gaari siday Dhuxul oo ay la socdeen dad rayid ah, xilli uu marayey deegaanka Dhagtuur ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay hal qof oo shacab ah, iyadoona uu sidoo kale ku dhaawacmay mid ka mid ah maleeshiyaadkii qaaday weerarkaasi. Lama oga sababta ka dambeysa weerarkan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan waxaa gobolka Mudug ku soo laa laabta dilal salka ku haya Aanooyin Qabiil oo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka ah oo ku wada sugan gobolkaasi. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - The British government has renewed its travel advisory against Somalia warning its citizens to leave the country for fear of terrorist attacks and kidnappings. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) - The British government has renewed its travel advisory against Somalia warning its citizens to leave the country for fear of terrorist attacks and kidnappings. Source: Hiiraan Online
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaaasi uu ka dhacay weerar qorsheysan oo ay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan. Weerarka oo ka dhacay deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120 KM dhanka koonfureed ka xiga degmada Galkacayo ayaa waxaa lagu qaaday dad rayid ah oo la socday gaari siday Dhuxul, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka. Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka uu ku dhawaawamay mid kale, qofka dhintay ayaa ka mid ahaa dadka Dhuxusha shidayey, halka midka kale uu ka mid ah maleeshiyaadkii fuliyey weerarka. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi oo xiisad cusub ka abuurtay deegaanada dhaca koonfurta Mudug. Inta badan waxaa dilalka ka dhaca gobolka Mudug ay salka ku hayaan kuwa la xariira Aanooyin Qabiil, taas oo in muddo ah xal loo la’yahay. Mamaullada dariska ah ee Galmudug iyo Puntland oo marar badan ka shiray weeraradan ayaa isla gartay in meel looga soo wadajeesto maleeshiyaadka huwan maga Qabiilka ee dhibaatooyinka kala duwan ka geysta qeybo ka mid ah gobolka Mudug. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
-
DCI boss George Kinoti on Monday was on the spot for the delayed investigation into a sex tape linked to Wajir Woman Representative Fatuma Gedi. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey ammaanka oo xalay ka dhacay degmada Waajid ee gobolka Bakool. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha ciidanka dowladda, kuwa K/Galbeed, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta degmadaasi. Intiisa badan shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii la’isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee gobolkaasi. Lafta Gareen oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshihii ugu dambeeyey ee lagu furayo wadooyinka ay jareen Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Bakool inay la shaqeeyaan ciidamada, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad gelyada. Shalay ayey aheyd markii wafdi uu hoggaaminayo Madaxaweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ay gaareen degmada Waajid, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Wararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan qeybo badan ka mid ah gobolkaasi. Howlgallada ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab qarax miino ay kolonyo ka tirsan AMISOM kula eegteen deegaanka Muuri ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa kadib ayaa waxaa la sheegay inuu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac, inkastoo aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay halkaasi. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay sheegtay in qaraxaasi miino ay ku gubtay mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana dhaq dhaq dhaqaaqyo Milatari laga dareemayaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya View the full article
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Shirweynaha ururka ONLF oo lagu qabtay magaalada Godey ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa lagu doortay hoggaan cusub oo uu yeeshay ururkaasi. In ku dhow 600 oo Ergo ah ayaa ka qeyb gashay shirkaasi iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ururkan oo muddo la dagaalamayey dowladda Itoobiya, hadana isku bedalay mid siyaasadeed ayaa waxaa xilka guddoomiyaha ku tartamay illaa laba musharrax oo kala ahaa, Cabdiraxmaan Sheekh Maadeey iyo Axmed Yaasiin. Maadeey oo ka mid ahaa aas aasayaashii ONLF ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee ururkaasi, wuxuuna helay 340 cod, halka musaharraxa kale uu la yimid 251 cod, sida uu natiijada guddiga qabtay doorashadaasi. ONLF oo u dagaalami jirtay xoreynta dhulka Soomaali Galbeed ayaa sanadkii hore joojisay dagaalkii ay waday waxaana ay ku dhawaaqday inay tahay xisbi siyaasadeed. Arrintaasi ayaa waxa ay ku timid, kaddib heshiis ay la galeen xukuumaadda Ra’iisu lwasaraaha Itoobiya, Abiye Axmed oo isbedal ballaaran ka sameeyey dalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
Jabhadda ONLF oo shirweyne uga socday magaalada Jigjiga ayaa xalay waxay halkaasi ku doorteen guddoomiye cusub, kadib doorasho dhacday. Dr. C/raxmaan Sheekh Mahdi ayaa loo doortay guddoomiyaha ONLF, wuxuuna helay 340 cod, halka Axmed Yaasiin oo la tartamayey uu helay 251. Doorashadan ayaa ahayd mid ay ka qeybgaleen dhammaan xubnaha guddiga, waxaana lasoo gabagabeeyey shirweynihii ururkan u socday. DR. C/raxmaan ayaa ka mid ahaa aas-aasayaashii ONLF, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa guddiga fulinta ee ururkaasi. ONLF ayaa dagaal badan usoo gashay sidii lagu xoreyn lahaa deegaannada Soomaalida ee Itoobiya, balse xukuumadda Abi Axmed oo ay wadahadal la galeen ayaa sahashay iney joojiyaan dagaallada, raadintoodana ku bedeleen qaab nabadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-12112019.mp3 View the full article
-
The Subtle Art of Reforming Financial Governance in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The World Bank, with our partners, has been supporting the Federal Government of Somalia's Financial Governance Committee that was created in 2014 which has helped cut costs and strengthen accountability. Source: Hiiraan Online -
Wararka ka imaanaya koonfurta gobolka Mudug, ayaa in halkaasi uu ka dhacay weeraray sababay dhimasho iyo dhaawac. Weerarka oo ka dhacay degaanka Dhagtuur oo ku yaalla koonfurta gobolka Mudug, ayaa sida la sheegayo lala beegsaday dad Dhuxusha halkaasi ka shidi jiray, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay hal ruux mid kalena waa ku dhaawacmay. Wararku waxay sheegayaan, in malayshiyaad degaanka u dhashay oo ka caraysan shidista Dhuxusha ay weerarka gaysteen, kadib markii kooxda Dhuxusha shidaysay ay ka dhega-adaygeen amar horay uga soo baxday bulshada degaanka oo lagu joojiyay Dhuxul-shidista. dadka degaanka Dhagtuur, ayaa horay awaamiir uga soo saaray joojinta jarista Dhirta iyo gubista Dhuxusha, taasi oo sida ay sheegeen xaaluf iyo nabaad-guur ba’an u keenaysa dhulka xoola-daaqeenka ah. PUNTLAND POST The post Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, waxaa Talaadada manta ah ka furmaya shir caalamiya oo ku saabsan Horumarinta Dadweynaha. Shirkan oo uu soo qaban-qaabiyay Sanduuqa Qaramada Midoobay ee Horumarinta Dadka (UNFPA), ayaa looga hadlayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer Qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Soomaaliya waxaa shirka uga qeyb-galaya madaxweyne Farmaajo, oo isaga iyo wefdi uu hoggaaminayo ay shalay gaareen magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi Kenya. Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku weheliya; Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade) iyo mas’uuliyiin kale. Wafdiga Madaxweynaha, waxa halkaasi uga sii horreeyay diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Shir Caalamiya oo ku saabsan Horumarinta Dadweynaha oo maanta ka furmaya magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda la qaadi doono dacwad Xisbiga Himilo Qaran ka soo gudbiyay xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xisbiga Himilo Qaran, ayaa bishii October ee sanadkan Maxkamadda sare ee dalka dacwad geystay,kadib markii Garoonka Aadan-Cadde loo diiday in uu ka dhoofo Hoggaamiyaja Xisbiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xilligaasi u safri lahaa magaalada Kismaayo, si uu uga qeyb-galo caleema-saarkii Axmed Madoobe. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo la hadlay laanta Afka Soomalaiga ee VOA-da ayaa sheegay in dacwaddaas ay u gudbiyeen Hay’adda Saadaasha Hawada oo laga dacwoonayey,isla markaana maalmaha soo socda la baabi doono dhegaysiga dacwaddaasi. Waxaa uu sheegay in Sharciga Garsoorka dalka uu qabo hadii Xisbi uu dacwad u soo gudbiyo ina y u sii gudbiyaan dadkii laga dacwoonayay markii ay kasoo jawaabaana dacwada la qaado. Sidoo kale, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa xusay in dacwadaan ay tahay mid Sharci ah,isaga oo meesha ka saaray in ay faragelin kaga imaan karto dhinaca xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxkamada sare ee Soomaaliya oo dhegaysan doonta dacwad uu dowladda ka gudbiyay Xisbiga Himilo Qaran appeared first on Puntland Post.
-
ONLF OO DOORATAY GUDDOOMIYE CUSUB Ururka ONLF ayaa caawa magaalada Godey ee dowlad deegaanka Soomaalida oo maalmihii la soo dhaafay shir-weyne uga socday ku dooratay Guddoomiye cusub. Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee ururka ONLF, ka dib markii uu helay 340 cod oo ka mid ah ku dhawad 600 oo ergo oo codeynayey, halka ninkii la loolamayey Axmed Yaasiin uu helay 251 cod. Maadey ayaa ka mid ahaa asaasayaashii ururka ONLF, wuxuuna ku jiray Guddiga fulinta. Cabdiraxmaan Sh. Mahdi Maadey Ururka ONLF ayaa muddo dheer ku jiray halgan uu ku doonayay in ku xoreeyo deegaanada Soomaalida Itoobiya balse waxay heshiiyeen dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, markii laga saaray liiska argagixisada kaddib isbaddalladii ka dhacay dalka Itoobiya. ONLF ayaa hadda ka dib noqonaysa xisbi siyaasadeed, waxaana u qorsheysan in ay ka qeybgalaan doorashada soo socota ee deegaanka Soomaalida ka dhici doonta sannadka dambe. Qaran News
