Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Soomaaliya, oo sheegay in ay fulinayaan amar ka soo baxay Ra’iisul wasaare xukuumadda Federaalka Xassan Cali Khayre, ayaa gebi ahaanba joojiyay qorista Shaqaale cusub. Qoraal ku taariikhaysan 24-ka bishan November, oo ka soo baxay Guddiga laguna socod-siiyay dhammaan hay’adaha dowladda Soomaaliya, ayaa lagu wargeliyay in aan wax shaqaale ah la qorin karin ilaa iyo amar dambe. Guddiga ayaa sheegay, in wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda lagu wargelin doono xilliga ay munaasib noqoto qorista shaqaale cusub, balse wixii intaas ka horreeya la joojiyay qaadashada shaqaale cusub. Hoos ka akhriso qoraalka Guddiga PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo joojisay qorista Shaqaale cusub ilaa amar dambe appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-Hargeysa)-Fannaanada Caanka Ah Ee Farxiya Kabayare Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Hargaysa, halkan hoose ka DAAWO Source
  3. NAIROBI (HOL) - Kenya has cleared flights from Mogadishu to fly directly into Nairobi but instructed that flights from other parts of Somalia must detour to Wajir for clearance. Source: Hiiraan Online
  4. (SLT-Hargeysa)-Wararka aan ka helayo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxa ay sheegayaan in hadda xabsiga loo taxaabay guddoomiyahii Xisbiga WADDANI ee gobalka Saaxil Sheekh Saleebaan Siciid Cali. Sababta loo xidhay illaa hadda lama oga, balse wararku waxa ay intaa ku darayaan in aan xadhigiisu la xidhiidhin murankii u dhexeeyay Xukuumadda iyo Xisbiga WADDANI Source
  5. Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa saaka magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Guddoomiyaha Xisbiga ONLF C/raxmaan Maadeey iyo xubno la socday. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu hambalyeeyay doorashada Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga ONLF C/raxmaan Maadeey oo dhowaan lagu doortay magaalada Godey. Qoraal kooban oo ka so baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu xaqiijiyay kulankaan oo lagu sheegay inuu ahaa mid ay kasoo baxday natiijo iyo is afgarad. “Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka gudoomiyaha Xisbiga ONLF iyo xubno kamid ah wafdigiisa kula kulmey magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya” ayaa lagu yiri qoraalkaan. Labada dhinac ayaa yeeshay is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo isku wadida bulshada dal iyo dibadba, waxaana uu ku soo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Jubbaland. “Kulankan oo ahaa Hambalyo madaxweynuhu ugu hambalyeynayay doorashada gudoomiyaha cusub ee xisbiga ONLF mudane Cabdiraxmaan Maadey, is xogwareysi dhanka siyaasadda geeska Afrika iyo iskuwadida bulshada dal iyo dibadba ayaa kusoo dhamaadey is afgarad buuxa iyo sidii loo ilaalin lahaa isku duubnida ummada Soomaaliyeed dalkastaba ha joogaane” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Jubbaland. Kulankan ayaa ahaa mid la sugayay inay labada dhinac yeeshaan, iyadoo qaar ka mid ah warbaahinta dalka Itoobiya ay qoreen in kulanka Madaxweynaha Jubbaland iyo Guddoomiyaha ONLF ay qaban qaabisay dowladda Kenya. Madaxweynaha Jubbaland oo doorashadii uu ka soo laabtay muran badan ka dhashay ayaa maalmahaan ku sugan Nairobi halkaasoo uu kulamo kula leeyahay Mas’uuliyiinta dowladda Kenya iyo wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay Nairobi.
  6. Dab xooggan ayaa ka kacay dhismo ay deganaayeen dad u badan Soomaali, kaasi oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka. Wararku waxay sheegayaan in dabkan uu si gaar ah uga kacay dabaqa 14-aad ee dhismo ka kooban 25 dabaq, waxaana la sheegay in halkaasi ku dhinteen Shan qof oo Afar qof Soomaali yihiin, sidey sheegeen Soomaalida ku nool magaaladaasi. Soomaalida dhimatay ayaa badi sababsaday sida la sheegay neefta oo ku dhegtay, maadaama ay waayeen goob ay ku baxsadaan, ama ay hawo ka helaan. Waxaa soca baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan sababta keentay in dabkan uu kaco, iyadoo ciidamada Booliiska ay howshaasi wadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT- Minneapolis)-Ugu yaraan laba qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad ka kacay dhisme ku yaalla magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka. Waaxda caafimaadka gobolka ayaa shaacisay magacyada afar ka mid ah shan qof oo dabkaas ku dhintay waxaana ay kala yihiin; Jerome Stewart, 59jir ah; Nadiifa Maxamuud, 67 jir ah; Maryan Maxamed Maxamuud, 69 jir ah; iyo Amatalah Adam, 58 jir ah. Maryan Maxamed Maxamuud, iyo Nadiifa Maxamuud ayaa la xaqiijiyay in ay Soomaaliyihiin,kuwaas oo degganaa dhismaha uu dabka ka kacay. Maryan Maxamed waxaa ay degganeyd dabaqa 27aad ee dhismaha,waxaana neefta ku celiyay qiica ka dhashay dabka sida ay sheegeen hay’adaha gurmadka. Laba Gabdhood oo ay dhashay ayaa isku dayay in ay hooyadood u gurmadaan waxaana loo ogolaaday in ay tagaan qeybta hooyadood degganeyd laakiin markii ay marayaan dabaqa 17aad ayey hooyadood oo kor ka soo carartay ku waayeen qiica. Fardowsa Yuuruf oo ah mid ka mid ah labada Gabdhood ayaa sheegtay in Hooyadood intii ay nooleyd ku dardaarantay in lagu aaso Soomaaliya, haddana ay qaban qaabinayaan sidii ay dalka ugu soo celin lahaayeen. Nadiifa Maxamuud, ayaa qaban qaabada aaskeeda waxaa uu ka socdaa Magaalada sida uu sheegay Imaamka Masaajidka Daarul Hijra Shariif Maxamed. Dabaqa ayaa la sheegay in ay ku noolaayeen dadka da’da ah iyo dadka kaligood nool, halkaas oo ay sidoo kale dhowr qof oo kale ku dhaawacmeen. Source
  8. Ankara (Caasimadda Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaaray heshiis cusub oo is-afgarad ah, kadib socdaal uu dalkaasi ku gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa maanta wadahadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu magaalada Ankara, iyagoo kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood ee Somalia iyo Turkiga. Labada wasiir arrimo dibadeed ayaa ka wadahadlay xiriirka labo geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh. Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir ayaa waxa uu ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, is-dhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga. Qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavasoglu ayaa sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen uu sii xoojin doono iskaashiga ka dhaxeeya labada Wasaaradood, isla markaana mar walba ay taageeri doonaan walaalaheena Soomaaliyeed sida uu yiri. “Waxaan ka wada hadalnay xiriirkeena wanaagsan iyo arrimaha gobolka Wasiirka Arrimaha dibadda walaalkey Axmed Ciise Cawad, heshiiska aan la saxiixaday waxaa uu soo xoojin doonaa iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradaheena”ayuu yiri Mevlut Cavasoglu. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa xoogeystay wixii ka dambeeyay sanadkii 2011kii markaas oo macluul daran oo ka jirtay Soomaaliya oo Madaxweynaha Turkiga oo xilligaas ra’isalwasaare ahaa yimid Muqdisho kana billaabay gargaar iyada oo Turkigu kaddibna sii ambaqaaday taageerada Soomaaliya ee amaanka, dib u dhiska, Waxbarashada, Ganacsiga iyo wixii la mid ah.
  9. (SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay xilliga kama dambeysta ah ee ay ku dhawaaqeyso ololaheeda ay ku dooneyso kursiga aan joogta ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Jabuuti ayey ku sheegtay in iyada oo cuskaneysa xeerarka Midowga Afrika ay han sare ka leedahay kursiga golaha ammaanka ee mudda xileedkiisu yahay 2021 ilaa 2022. Howlgalka Jabuuti ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in 5ta Bisha December ay si rasmi ah ugu dhawaaqayaan musharraxnimadooda iyaga oo caalamka ka codsaday in lagu taageero kursiga oo uu tartan adag kala dhaxeeyo dowladda Kenya. Jabuuti ayaa sheegtay in khibradaha ay ka heysato Ururrada Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka oo ay dhaam xubin ka tahay wax badan uga tari doono xaaladaha ku gedaaman caalamka. Howlaha ay soo qabatay Jabuuti ee ku jira war-saxaafadeedka waxaa ka mid ah dadaalladeeda nabad dhlinta Soomaaliya sida howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka tahay iyo shirarkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee laba jeer ka dhacay dalkaas. Source
  10. (SLT-Dubai)-Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta u qaabilsan Tababarka iyo Taakuleynta ciidanka Puntland ee PMPF. Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qanciyay, in ay sii wadaan Qandaraaska shirkadda PDG oo dowladda Imaaraadka ay adeega iyo Saadka u soo marin jirtay ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa bishii June ee sannadkan hakisay Logistic-kadii ay ciidanka PMPF u soo marin jirtay shirkaddaasi PDG, kadib markii uu khilaaf ba’an soo kala dhex-galay Saamileydii ku midaysnaa PDG, islamarkaana uu khal-khal ku yimid hawlihii shirkaddaasi. Sidoo kale, saraakiisha Imaaraatiga ayaa wakhtigaasi ku hanjabay, in ay gebi ahaanba Qandaraaska kala laaban doonaan shirkadda PDG, kadib markii la xallin waayay khilaafka u dhexeeya Saamileyda ku midaysan Shirkadda. Balse, madaxweynaha Puntland ayaa sida la sheegayo mas’uuliyiinta Imaaraadka u xaqiijiyay, in xal rasmiya laga gaadhay khilaafkii u dhexeeyay Saamileyda PDG, isagoo ku qanciyay in ay sii wadaan Qandaraaska PDG ee Taakuleynta ciidanka PMPF. Wararku waxay intaas ku darayaan, in madaxweynuhu safarkiisi soo geba-gabeeyay, isagoo la filayo in uu maalinta Sabtida soo socota dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland. Source
  11. Madaxweynaha iyo safiirka Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya mudane Benfender ku qaabiley hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Kulanka dhexmarey Madaxweynaha iyo safiirka ayaa laga wadada hadley xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo arrinta ay DFS ahi ka wado qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo. Madaxweyne Axmed ayaa sheegay in nooca doorashada 2020/2021 loo baahanyahay inay noqoto mid dastuurka waafaqsan Soomaaliduna kuwada qanacsantahay, taas si loo xaqiijiyana ay u baahantaahay in loo maro wadada ugu munaasibsan ee ay bulshada Soomaaliyeed kuwada qanacsanyihiin, hor u socodka dalka iyo nidaamka dowladnimana laga dhex arki karo. Safiirka Dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiriir wadashaqeyneed iyo isfahan rasmi ah ay gaaraan Dowlada federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si horumar dhankasta uu dalku u gaaro doorasho loo wada dhanyahayna dalka uga dhacdo taas oo uu safiirku si gaar ah madaxweynaha uga codsadey inuu uga shaqeeyo sidii xalwaara looga gaari lahaa arrintaas. Sidookale Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa kawada hadley dhaqdhaqaaqyada sharciga baalmarsan ee ay Dowlada federaalku ka wado gobolka Gedo, taas oo la isla qirey inay tahay faragelin qaawan oo aan sal iyo raad kulaheyn dastuurka dalka cawaaqib xumada ka dhalatana ay masuuliyadeeda qaadeyso DFS. Ugu danbeyn safiirka dalka Ingiriiska ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey sida Madaxweynuhu muhiimada gaarka ah u siiyey adkeynta amniga iyo la dagaalanka argagixisada ee deegaanada Dowlad goboleedka Jubbaland. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo kulmay appeared first on Puntland Post.
  12. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa lagu sheegay in dhankooda ay dhaqan geliyeen dhammaan qodobadii lagu heshiiyey 14-kii November ee sanadkan. Qoraalka waxaa lagu xusay in duulimaadyada ka taga Muqdisho ay toos u tagi-doonaan Nairobi halka kuwa meelaha kale ka yimid mari doonaan Wajeer. Dhanka kale, dal ku galka diblomaasiyiinta, shaqaalaha dowladda iyo xildhibaannada ayaa lagu bixi doonaa Airportiga Nairobi. Source: goobjoog.com
  13. A couple of years ago Dr Abdirahman Duale Beileh , the Finance Minister of the Federal Government of Somalia, wrote a popular called Soomaaliya Waa Mashruuc (Somalia is a Project). When the Somali National Television played the song Dr Beyle had been the Foreign Minister of a Government unable to rein in run- away corruption. Dr Beileh at Brookings Institution Dr Beileh extolled the use of mobile money in Somalia despite the fact that the mobile money in circulation in Somalia is denominated in US Dollars. In 2014 the first post-transition government of President Hassan Sheikh Mohamud drew up a plan to print Somali Shillings in Sudan. The plan has not come to fruition. State collapse meant that no authority has a powers to print Somali Shillings that can be viewed as a legal tender throughout Somalia. In such a monetary situation the national currency of Somalia cannot be fully fungible, one of the criteria for money to be a unit of account. At Africa Growth Initiative at Brookings Doha Center Brookings Growth Summit Dr Beileh pounced at the opportunity to differentiate the incumbent Federal Government from its predecessor and Federal Member States. He questions on what basis Somalia, a homogeneous country, has adopted federalism. He said that citizens were not keen on federalism. “Only regional leaders are” he added. A catalogue of achievements attained by the Federal Government predisposes Dr Beileh to get gung-ho about centralism. The Federal Government embarked on successful security reforms that save roughly US$ 10 million previously pocketed by corrupt commanders and managers in the name of phantom soldiers and civil servants in Mogadishu and nearby regions. At an event for the Somali community in USA, Dr Beileh vowed to sue any organisation that describes the Federal Government as corrupt. ” Every year we meet the targets set for us in revenue generation. We follow strict and transparent procurement procedures” the Finance Minister added. There is a risk that progress in governance may unravel if the Federal Government uses its political platform to deride foundations upon which it is standing. © Puntland Post Monthly, 2019 The post Federalism-bashing Finance Minister of Somalia appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Delhi)-Diblumaasi sare oo u dhashay dalka Hindiya ayaa ku baaqay in maamulka Delhi uu la jaanqaado hanaanka Israa’iil deegaameynta kaga wado dhulka Falastiin. Muuqaal socday in ka badan hal saac oo la soo dhigay baraha Bulshada ayaa qunsulka Hindiya ee magaalada New-York Mr Sandeep Chakravorty, wuxuu ku baaqay in dowlada ay dib u dajin uga sameyso shacabka Hinduuga gobolka Kashmiir. Isaga oo la hadlayay koox Hinduu ah oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa wuxuu sheegay in xaalada amni ee gobolka Kashmiir ay kaliya ku soo hagaagi karto arintaan. Arintaan ayaa waxaa ka cadhooday shacabka muslimiinta ee gobolka Kashmiir, oo afartii bilood ee la soo dhaafay uu saaran yahay bandow. Mr Chakravorty ayaa yidhi ma ogi sababta aan u raaci la’nahay wadada Israa’iil haddii shacabkooda si nabad ah ugu nool yihiin anagana waan awoodnaa si la mid ah in aan sameyno ayuu yidhi. Hindiya ayaa kumanaan Askari bishii Agoosto u dirtay gobolka Kashmiir iyadoo wacad ku martay in ay la dagaalami doonto waxa ay ugu yeedhay kooxaha Argagixisada. Source
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida lagu qoray Defenceweb, Shirkadda soo saarto Gaadiidka kala duwan ee Ciidanka ee lagu magacaabo Navistar ayaa waxaa la siiyey mashruuc ay gaadiidka dagaalka ku geyneyso Soomaaliya . 25 Bishaan November ayaa shirkadda Navistar la siiyey heshiis ku kacaya $26 748 087 Milyan oo dollar oo ay ka heshay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, waxaana lagu sheegay heshiiskaas inuu yahay mid qiimihiisu go,an yahay. Shirkaddaan ayaa lagula heshiiyey inay Ciidanka Soomaaliya usoo saarto laba nooc oo ah gaadiidka ciidamada oo dhex dhexaad ah oo ah kuwa ganacsi ahaan loo soo saaro gaar ahaan noocyada 6×6 General Transport Truck iyo 6×6 Wrecker Vehicle Recovery Truck oo wato qalabkii lagu dayactiri lahaa. Sida heshiiska dhigayo Shirkadaan ayaa laga doonayaa inay gaadiidkaas iyo qalabka dayactirka ay Soomaaliya gaarsiiso sanadkan 2022 laguna wareejiyo Dowladda Soomaaliya. Gaadiidka la filayo inay shirkadaan Soomaaliya keento ayaa waxaa kamid ah 7000-MV oo ah kuwa qaado xamuulka dhulka ayna isticmaalaan inta badan ciidamada Dowladaha Adduunka. Gawaaridaan ayaa la sheegay in midkiiba uu qaadi karo culeys gaarayo ilaa 5 Tan, waxaana xusid mudan inuu leeyahay qol lagu keediyo hubka, waxaana markiiba raaci karo 20 Askari, waxaana sidoo kale kamid ah gawaaridaas kuwa qaadi karo illaa 13 Tan, Askari iyo Kunteenarada sahayda loogu qaado ciidamada. Gawaaridaas la filayo in Soomaaliya la keeno ayaa waxaa kamid ah mid si weyn u anfici doono Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirto Al-Shabaab, waana Wrecker oo ah Gaari la tacaali karo miinooyinka jidadka lagu aaso, sidoo kalana ka hor tagi karo gantaalada kala duwan waxayna leeyihiin goob ay isku badbaadin karaan 2 ilaa 3 Askari marka lala helo Qarax, wuxuuna qaadi karaa illaa 36 Tan. Gaarigaan ayaa waxaa ku xiran qalab Balastic ah oo lagu magacaabo ‘Incrovised Explosive Devise (IED)’ kaasoo qabanayo shaqada ah in la qaboojiyo qaraxyada iyo miinooyinka lala beegsado, wuxuuna ku xiran yahay qeybta dambe ee gaariga. Mareykanka ayaa Soomaaliya siinayey kaalmo military si ay uga qeyb qaadato dagaalka ka dhanka ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, balse waxay joojisay Bishii December 2017 markii Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay ku fashilmeen inay soo gudbiyaan xisaab xirka cuntooyinka iyo Shidaalka la siin jiray Ciidamada balse waxaa dib loo bilaabay Bishii July ee sanadkaan inkastoo aysan aheyn sidii markii hore looga bartay. Dowladda Mareykanka ayaa adkeysay joogitaankeeda Militari ee Soomaaliya sanadkii 2006, waxayna saldhigyo ku kala leeyihiin Kismaayo iyo Balidoogle halkaas oo ay ka qaadaan weeraro lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Saldhigga ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya ayaa ah midka Balidoogle, waxaana ku socdo dhismo casri ah iyadoo lagu bixiyey 12 Malyan oo Lacagta mareykanka waxaana la filayaa in la dhameeyo dhammaadka sanadkaan. Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin heshiiskaas Soomaaliya lagu keenayo Gawaarida dagaalka oo casri ah, waxaana xusid mudan haddii ay arrintaas suurta gasho inay ciidamada Dowladda ka caawin doonto dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab. Soomaaliya weli waxaa saaran cunaqabateynta hubka, mana helin ciidamada Dowladda Soomaaliya qalab casri ah tan iyo burburkii Dowladdii Siyaad Barre, waxayna taas keentay inay ciidamada Dowladda ka adkaan waayaan Al-Shabaab oo ka taliyo deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya.
  16. (SLT-Nairobi)-War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya kaas oo u muuqday in la soo gaadhsiiyey Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in Kenya dhaqan gelisay heshiiskii ay dhawaan wada galeen Madaxweynayaasha labada dal. Sida lagu sheegay qoraalkan waxaa ay dowlada Kenya bilowday inay joojiso duulimaadyadii sida tooska ah ugaga soo baxay magaalada Muqdisho inay soo maraan magaalada Wajeer iyo in sidoo kale diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan marka ay tagaan dalka Kenya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa caddeysay in diyaaradaha toos uga dagayo Nairobi ay yihiin kaliya kuwa Muqdisho kasoo dhoofo balse kuwa kale ay mari doonaan Magaalada Wajeer. Sidoo kale Kenya ayaa raja waxaa ay ka muujisay in Soomaaliya ay dhankeeda dhaqan gelin doono heshiiska Madaxweyne Farmaajo iyo uhurru Kenyatta ay ku wada galeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Source
  17. Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyee waxay Xalay oo Arbaco ah ku geeriyooday Magaalada London Yusuf Axmed Kheyr. Marxuumku wuxuu soo qabtay Jagooyin badan wuxuuna qayb [...] Source
  18. (SLT-Qaza)-Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa ku hanjabay in si rasmi ah dalkiisa uu u goyn doono xidhiidhka kala dhaxeeya Mareykanka. Mr Cabaas ayaa sheegay in aqalka cad uu Jabiyay sharciga caalamiga ah ee Israa’iil ka xanibay deegaameynta ay ka wado dhulka Falastiin oo Washington ay taageertay. Waxaan diyaar u nahay in xidhiidhka aan u jarno Mareykanka ayuu yidhi madaxweynaha Falastiin oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Moscow ee caasimada Ruushka. Dhanka kale dibadbaxyo waaweyn oo lagu gubay calanka Mareykanka ayaa ka dhacay daanta galbeed iyo magaalada Gaza. Shacabka Falastiin ayaa sheegay in dhimasho ay diyaar u yihiin ayna aqbali doonin go’aanka Mareykanka ku taageeray dhul boobka Israa’iil. Source
  19. Nairobi (Caasimadda Online) – War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya kaas oo u muuqday in la soo gaarsiiyey Safaaradda Kenya ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyey in Kenya dhaqan gelisay heshiiskii ay dhawaan wada galeen Madaxweynayaasha labada dal. Sida lagu sheegay qoraalkan waxaa ay dowlada Kenya bilowday inay joojiso duulimaadyadii sida tooska ah ugaga soo baxay magaalada Muqdisho inay soo maraan magaalada Wajeer iyo in sidoo kale diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan marka ay tagaan dalka Kenya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa caddeysay in diyaaradaha toos uga dagayo Nairobi ay yihiin kaliya kuwa Muqdisho kasoo dhoofo balse kuwa kale ay mari doonaan Magaalada Wajeer. Qoraalkan ayay dowlada Kenya ku sheegtay inay si aad ah ugaga go’an tahay inay fuliso heshiisyada labada dal. Sidoo kale Kenya ayaa raja waxaa ay ka muujisay in Soomaaliya ay dhankeeda dhaqan gelin doono heshiiska Madaxweyne Farmaajo iyo uhurru Kenyatta ay ku wada galeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa diyaaradii ugu horeysay ee si toos ah ugaga duusha Muqdisho waxa ay ka degtey magaalada Nairobi.
  20. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa wuxuu u sheegay gudoomiyeyaasha degmooyinka in lala xisaabi doono. Cumar Maxamuud Maxamed ayaa tilmaamay in gudoomiyihii degmadiisa ay ka dhacaan falal liddi ku ah amniga lana tacalai waaya xilka laga qaadi doono. Si gaar ah wuxuu tibaaxay in maamulkii degmadiisa ay ka dhacaan dil isla markaana soo qaban waaya gacan ku dhiigleyaasha xilka laga qaadi doono. Dhinaca kale, Cumar Filish ayaa wuxuu ku booriyey ciidanka ammaanka in ay door wanaagsan ka cayaaraan sidii loo xaqiijin lahaa nabad-gelyadda. Hadalkan ayaa wuxuu ka sheegay kulan uu la qaatay saraakiisha ammaanka ee ku howlan sugitaanka iyo xasilinta amniga magaala madaxda waddanka. View the full article
  21. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Arrimaha bulshada ee Golaha Aqalka Sare Axmed Macalin Cumar Nadiir ayaa Madaxda Dowlad goboleedyada ugu baaqay inay ku ixtiraaman oo ay ugu dambeeyaan, si xal looga gaaro mad-madoowga siyaasaded ee wali udhaxeeya dowlada iyo madaxda maamul goboleedyada qaar, maadaama ay iyagu u taagan yihiin sida uu hadalka udhigay matalaadda dowlad, goboleedyada, xubnaha ka ah dowlada dhexe ee Soomaaliya. Mr Nadiir ayaa tilmaamay in Dalku uu u baahan yahay Masuuliyad wadareed, islamarkaana labada dhinac looga fadhiyo inay ku dadaalaan sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen si xal looga gaaro dhamaan khilaafyada jira. Dhinacooda ayaa wuxuu caddeeyay in ay xooga saari doonaan sidii ay maamulada dalka ka jira iyo dowlada Soomaaliyeed isugu soo dhawaan lahaayeen si loo qaboojiyo khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira waddanka. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gudiga Garsoorka Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Caruurta ee golaha Aqalka Sare ZamZam Ibraahim Cali oo u warantay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa dalab u dirtay Wasaarada gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XFS. Mr Zamzam ayaa codsatay in ay Tirakoob rasmi ah ku sameyso meelaha ay ku dhimaateysan yihiin shacabkii ku barakacay Saameynta Roobabkii ka da’ay gobolka banaadir, si loo ogaado qoysaskaasi inta uu la egyahay khasaaraha hantiyadeed ee soo gaaray, maadaama xaafadaha qaar ay guryihii ka dumeyn. Hadalka Sanetar ZamZam Ibraahim Cali ayaa ku soo aadaya xili Wasaarada gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ay saacadihii la soo dhaafay Maamulka gobolka Banaadir ku wareejisay Deeq kala duwan oo loogu talagalay dadka saameynta ay ku yeesheen Daadadka Roobabka, islamarkaana inta aan la qeybin ay tahay muhiim in dadka Muqdisho ee loo qeybinayo deeqdaasi laga helo tirakoob rasmi ah, si waxa lahayo iyo qoysaskuba ay isku ekaadaan. View the full article
  23. Alle ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada London ee xarunta waddanka Ingiriiska ku geeriyooday, wasiirkii hore ee Amniga dowladda Puntland, Gen Yuusuf Axmed Khayre oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayey isbitaal ku yaalla London. Geerida Gen. Yuusuf Axmed Khayre, waxaa Puntland Post u xaqiijiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo xiganaya xubno kamid ah Qoyska Marxuumka, waxaana ay tacsi u direen Eheladii, Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan umadda reer Puntland ee uu ka baxay Marxuumka. Ex. Wasiir Yuusuf Axmed Khayre, waxa uu ka soo shaqeeyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, sidoo kale waxa uu kamid ahaa ergooyinkii lagu as’aasay dowladda Puntland sannadkii 1998-dii. Xilalka uu Puntland ka soo qabtay waxaa kamid aha, in uu soo noqday Taliyaha Booliiska Puntland iyo wasiirka Amniga, waxaana lagu tilmaami jiray in uu ahaa Khabiir dhanka Arrimaha ciidamada ah, islamarkaana uu xilligiisi Dib u-habayn muhiim ah ku sameeyay Booliiska iyo wasaaradda Amnigaba. PUNTLAND POST The post Wasiirkii hore ee Amniga Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  24. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-28112019.mp3 View the full article
  25. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaalada Ankara wadahadal laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu, iyagoo kala saxiixday heshiis sare u qaadaya iskaashiga iyo wax wadaagga labada wasaaradood. War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Labada wasiir arrimo dibadeed, ay ka wada-hadleen xiriirka laba geesoodka iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa wax u adeegaya dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh. Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir uu yahay mid ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, isdhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee Soomaaliya iyo Turkiga. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Hehsiis is- Afgarad ah appeared first on Puntland Post.