Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,984
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalkeenna u leeyahay shirkani maadaama Hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalkeenna. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.” Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade). View the full article
  2. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay isaga baxeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay baneysay deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolkaasi. Lama oga illaa iyo hadda sababta, balse ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa durbo dhaq dhaqaaqyo Milatari ka bilaabay halkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan dib u garashada ay sameeyeen dagaalyahannadooda. Xaaladda ayaa hadda ah mid kacsan, waxaana dadka ku sugan agagaarka degmada Xarardheere ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey, sida ay sheegtay Villa Somalia. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Safarka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, oo shirka marti-gelineysa, ay weli ka dhaxeyso xiisad ka dhalatay muranka badda, ayna dadka qaar u arkaan mid aan habbooneyn. Hase yeeshee Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay in shirkan uu muhiim u yahay. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.” Inkasta oo sida ay madaxtooyada sheegtay shirka muhiim yahay, haddana dadka diblomaasiyadda yaqana ayaa rumeysan inay ku filneyd in wafdi wasiiro ah oo ka socda wasaaradaha qaabilsan arrintan shirka loo diro. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade). Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Waajid gobolka Bakool ee K/Soomaaliya. Lafta Gareen oo la hadlayey dadweynaha ku dhaqan degmadaasi ayaa ku dhawaaqay howlgallo cusub oo waddo furis ah. “Runtii howlgallada waa ay bilaaban doonaan oo ciidamadu waa ay u diyaar garoobeen,waxaana idiin sheegayaa Reer Waajid safarkeena xiga ee aan Waajid ku imaaneyno Jidka ayaan kusoo safri doonaa kuna laaban doonaa ayuu yiri” Madaxweynihu. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu la kulmo maamula Waajid iyo saraakiisha ammaanka ee degmadaasi. MadaxweyneLafta Gareen ayaa maalmihii dambe booqasho ku bixinayey deegaanada K/ Galbeed, waxaana socdaalkiisii ugu dambeeyey uu ku tegay degmada Bardaale. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  5. Maxakamadda daraja koowaad ee Boosaaso ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday labo nin oo lagu eedeeyey in ay dhac u geysanayeen shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Raggan ayaa maxkamadda sida ay sheegtay waxa ay ku heshay in xilliga habeekii ah ay dhac baahsan ka geysanayeen xaafadaha Boosaaso. Sidoo kale maxkamadda ayaa waxa ay soo bandhigtay qoray mac-mal ah la sheegay in raggaasi ay adeegsan jireen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/vvv.mp3 View the full article
  6. It was 9:00 PM on a Thursday night, November 7th 2019 in the normally quiet town of Garowe- the capital of the autonomous Puntland State in Somalia. Most people were in bed getting ready for a good night’s sleep when, all of a sudden, the quiet atmosphere of the town was disrupted by the sound of machine guns and semi-automatic small weapons. People rushed to their phones to call friends and family members to check their safety, and to know “what the heck was happening in the town”. The information of the mysterious gun-fight spread quickly through social media platforms: The president has ordered troops from the presidential guard forces to attack and capture the parliament building which is guarded by members of the police force! The raid ended after 30 minutes of intense gun battle that killed 3 people including 1 combatant from each side, and a well-respected local businessman who owned a shop next to the target building. Earlier on the same day, the parliament went on a three-day recess. On the other side of the town, the minister of finance has just finished distributing cash to 53 MPs from the chamber of 66 members who reported to his house for the cash handouts. Credible sources confirm that each member was handed 20,000 US dollars, more than 1 million dollars in total! The money was a reward for each MP who would sign, on the spot, a motion of no confidence against their own speaker Mr. Abdihakim (Dhobo). The motion was handcrafted by the state president Mr. Said Deni. The next morning, the parliament was ordered to convene a quick session to announce the removal of their speaker. Why would the president order a raid on the legislative body of his administration and forcefully remove the speaker? Well, the answer is quite simple- given the severely dysfunctional and corrupt nature of politics in Somalia: The president intends to subordinate the legislative branch and make it in-effective, akin to how dictators operate in many parts of Africa. Mr. Abdihakim Dhobo was seen as a man of integrity who was determined to keep the parliament independent from the executive and ensure accountability among different branchs of the administration. His forceful removal is seen as “the kiss of death” to accountability within Mr. Deni’s government. It is believed that- through his removal- Mr. Deni wants to clear the way for predatory contracts between his government and companies from the United Arab Emirates and China. The proposed deals include concessions of key infrastructure facilities including Bosaso airport as well as mining operations in Bari and Sanaag regions. Such deals are expected to disproportionately benefit the foreign companies and fill the pockets of very few individuals in the president’s inner circle. On the other hand, the removal of the speaker has angered his constituency in Sanaag and Bari regions and might lead to fresh conflicts in the area similar to what had happened in during President Adde Muse’s regime in late 2000s. By: Abdi Isse isseabdi@aol.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  7. NAIROBI (HOL) - President Mohamed Farmaajo left for Kenya Monday to attend the 25th anniversary of the International Conference on Population and Development (ICPD). Source: Hiiraan Online
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qayb-gelayo shirka dadweynaha iyo horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay shirkani maadaama hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalka. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Wafdiga Madaxweyne ku wehliya shirka Nairobi waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Diiriye Xersi. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Nairobi appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi oo uu albaabada u xirnaa lagu soo qaaday doorashadii muranka dhalisay dhowaan ka dhacday magaalada Kismaayo. Ilo ku dhow shirka ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyey in Axmed Madoobe la hor dhigay in beesha caalamaka ay dooneyso in doorashadaasi dib loogu celiyo, si loo xaliyo khilaafka u dhexeeya dhinacyada isku haya hoggaaminya maamulka Jubbaland Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in arrintaasi uu si aad ah uga biya diiday, Axmed Madoobe oo ay haatan si weyn isku hayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale waxaa kulanka lagu soo qaaday arrimo la xariira dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa labadaani gobol dhaq dhaqaaqyo Milatari ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ee ka howlgala halkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir iyo saraakiisha laamaha amniga dowladda ayaa maanta kulan looga hadlayey amniga ku yeeshay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa falalka liddiga ku ah amniga ee mararka qaar ka dhaca degmadaasi. Saraakiishii ka hadashay kulanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada qeyb qaato sugida amniga magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe walaac xoogan laga muujinayey amniga degmooyinka Kaxda, Dharkenley iyo Wadajir ee gobolka Banaadir. View the full article
  11. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada amniga iyo waxbarashada ayaa gaaray magaalada Paris oo ay uga qayb gelayaan shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo maanta furmaya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu socdo shirka madasha oo looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka, waxuu kulamo gaar ah la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka. Marka uu soo dhammaado shirka oo socconaya muda sedax maalin ah, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu u safrayaa magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee Midawga Yurub. Halkan hoose ka daawo Sawirro: View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-11112019-sx.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Salaad Cali Jeelle oo hadda ka mid ah siyaasiyiinta taageersan dowladda oo ay lacagta ku siiso inay warbaahinta ka difaacaan, ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynayaashii hore ee soo maray Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed. Salaad Cali Jeelle oo sidoo kale degan mid ka mid ah hoteellada Muqdisho oo ka jawaabayey hadalkii Shalay kasoo yeeray Shiikh Shariif ee ahaa inay Dowladda Soomaaliya Muqdisho ka saari doonaan haddii aysan dhibaatada joojin ayaa sheegay inuu ugu baaqayo siyaasiyiinta ku midoobay Xisbiyada Madasha Qaran inay lafahooda u turaan isla markaasna aysan is dhibaateyn. ” Xisbiyada qaran waxaan ugu baaqayaa inay lafahooda u turaan isla markaasna aysan is dhibaateen, ma jirto cid dagaal guul ku gaartay” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle . Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in madaxweyne kasta oo soo maro dalka uu leeyahay afar sano oo muddo xilliyeedkiisa ah isla markaasna siyaasiyiinta laga rabo inay ilaaliyaan dowladnimada ayna sugtaan waqtiga yar ee u haray Dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay haddii ay Dowladda Soomaaliya dambi gasho isla markaasna ay mucaaradka dacwo qabaan inay u gudbiyaan Maxkamadaha dalka balse uu ka xun yahay in qori caaradiisa wax lagu raadiyo sida uu hadalka u dhigay. Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay dambiyo badan galeen intii ay xukunka hayeen aysana jirin cid diiday inay dhameystaan waqtigii Dastuurka u ogolaanayey. Halkaan hoose ka daawo hadalka Salaad Cali Jeelle oo dhameystiran Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. MOGADISHU (HOL) - Somali government has termed statements by former president Sheikh Sharif Ahmed as ‘astonishing’ and not befitting the status of a former head of state. Source: Hiiraan Online
  15. Somalia’s cabinet approved an 18% increase in the government’s budget for next year to $460 million, the finance minister said. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka rabaan inay ka mid noqdaan dhalinyaro nadiif ah, isagoo tilmaamay in aanay u baahneyn kuwo naafada ah. Hadal uu ka jeediyay Munaasabad uu kula hadlayay ciidamada ayaa sheegay in dhalinyarada ay ka rabaan kuwo ay da’dooda u dhaxeyso 18-jir illaa 25 jir. “Dhalinyaro nadiif ayaa rabnaa oo 18 jir illaa 25 ah, nimanka da’da ah oo farsamada lagu soo qoray xoogaa farsamadooda ayay ku fakanayaan waa u dulqaadaneynaa, laakiin kuwo il la’ kuwa, lugo la’ iyo kuwa gacmaha la’ waa dhaqaajinayaan halkaan lagama rabo”ayuu yiri Mahad C/raxmaan. Hadalka Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliya ayaa wuxuu niyad jab ku yahay ciidamada qaar ee naafada ah kuwaasi oo u soo dhaawacmay Qaranka. C/raxmaan C/shakuur oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay tallaab ka qaado Taliyaha oo meel kaga dhacay dadka naafada ah. “Haddii wasiir waxbarasho xilka looga qaaday in uu Jaamacadaha dalka dhaliilay, bal aan dhowro waxa ay madaxda dalku ka yeelaan ninka meel kaga dhacay dadka naafada ah. Inkastoo ognahay in isagoo dad soo xasuuqay la dalacsiiyey, haddana waxaan is leenahay yaan laga quusan damiirkooda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. The second batch of humanitarian aid provided by the State of Qatar through Qatar Fund for Development for those affected by the flood disaster in the Federal Republic of Somalia arrived to the Somali capital, Mogadishu, on Thursday evening. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisada Madaxweynayaashii hore iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in khalkhal gelinta loo geystay safarka Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud uu saameyn karay badqabkooda, wuxuuna ku tilmaamay mid fuduul ah oo aan la qaadan karin. Sidoo kale wuxuu ka digay isku day kasta oo uga sii dari kara xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kadib markii shalay, Sheekh Shariif uu sheegay in uu Muqdisho ka saari doono dowladda, haddii aysan ka waantoobin waxa ay wado. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo sii hadlayey ayaa dowladda ka dalbaday inay joojiso waxa u muuqda daandaasiga, sida uu hadalka u dhigay. “Khalkhal gelinta safarka Madaxweynayaashii hore, oo xataa bedqabkooda saameyn karay, waa faduul aan la qaadan karin. Waanse ka digayaa isku day kasta oo amniga caasimadda uga sii dari kara. Dowladduna waa in ay ka qaangaarto waxa hadda u muuqda daandaansiga.” wasiirkii hore ee arrimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo madaxdii hore, taas oo ka dhalatay kadib socdaal ay shalay Madaxweynayaashii hore ku tageen degmada Beledweyne oo la sheegay in dowladdu ay isku dayday inay is hortaagto wafdigaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha xisbiyada Qaran ee uu guddoomiye u yahay, Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta wejiga labaad gargaar ay ugu talageen dadka ay saamyeeyen fatahaadaha u diray degmada Bardaale ee gobolka Baay. Wafdigan oo goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa hoggaminaya guddoomiyihii hore Baarlamaankii KMG ahaa, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Lacagta ay geyn doonaan Bardaale ayaa dhan 100,000 oo Dollerka Mareykanka ah, taas oo qeyb ka aheyd 200,000 oo Dollar oo madasha xisbiyada ugu deeqday fatahaadaha. Gargaarkan ayaa qeyb ka noqonaya gurmad xoogan oo loo fidinayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale. Shalay ayey aheyd markii wafdi ay hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay gaareen Beledweyne oo ay geeyeen 100,000 oo Doller iyo gargaar loogu talagalay dadka ku nool magaaladaasi. Safarkaasi oo la siyaasadeeyey ayaa waxaa ka dhashay xiisado u dhexeeya madaxdii hore ee dalka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana labada dhinac hadallo kulul ay isku mariyeen dhanka warbaahinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. More details are coming out of an attack reported on the outskirts of Somalia’s southern port city of Kismayo on Sunday night. The assault which was one of the biggest raids in months was targeted a military base run by Jubaland state forces, according to local residents, who spoke to Radio Shabelle via phone on Monday morning. It is not clear how many casualties were caused by the attack. In response to the ambush, Jubbaland state troops have launched operations to search for the attackers who are believed to be Al-Shabaab members. Al-Shabaab frequently attacks allied forces’ bases in the Jubba regions of southern Somalia as part of its attempt to oust the UN-backed Somali Government and expel the foreign troops. View the full article
  21. Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, mudane, Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkii ka barakacay fatahaadda webiga Shabeelle uu ku sameeyay degmada iyo deegaanada hoostaga ay heysato dhibaatooyin badan oo dhanka nolosha ah. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaas ay soo wajahday hoy la,aan,Cunno yari iyo Caafimaad darro,isagoo Guddiga gurmada Fatahaadaha ee ay magacaawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in dadkaas ay gargaar deg deg ah soo gaarsiiyaan maadaama Dowladda Soomaaliya ay arrintaas u wakiilatay guddiga. Axmed Xuseen Afrax,Guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo qurba joogta ka soo jeeda degmada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka lagu bad baadinayo nolosha dadka danta yar ee ay fatahaaddu ku saameysay degmada iyo deegaannaa hoostaga oo qoysas badan ay ka barakaceen. Degmada Mahadaay iyo deegaanno badan oo hoostaga ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay fatahaada uu sameeyay webiga Shabeelle,iyadoo dadki ka barakacay ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah. View the full article
  22. Somali Federal Government said it is very concerned about a comment made by the former head of state, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed on Sunday. Minister for Information, Mohamed Hayir Mareye termed the remarks made by the former President after he visited flooded hit city of Beledweyn as “astonishing”. Sheikh Sharif blamed President, Mohamed Abdullahi Farmajo’s government for disrespecting the constitution through violation of freedom warning that if the current administration will not desist they will use all necessary to stop it. He condemned an alleged attempt by the aviation authority to block his flight trip to deliver aid to affected citizens in Hiiran region. “The Somali government is surprised by the remarks made by the former President Sharif Sheikh Ahmed,” The Information Minister Mohamed Abdi Mareye said. “The remarks are below the status and dignity of what was expected from the former leader.” Press Statement from the Ministry of Information appealed to the former President to respect his status and avoid a move that harms his national reputation. “The Somali government, former head of states and all others that value the development of the country have the responsibility to safeguard the unity, safety, and security of the nation.” The statement said. View the full article
  23. Guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxda dowladda federaalka ah ku eedeeyey in aaney dadka u gargaarin, ogoleynna in loo gargaaro. Mudane Sheekh Shariif oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Inta dadka lagala qeyb qaato xanuunka, baahidooda la dul istaago intaas ayaan u soconay, siyaasad ma jirin. Dowladda ma fahamsano wixii loo doortay, ma fahamsano sharciga lagu doortay, diyaar uma aha xuquuqda muwaanka Soomaaliyeed ee lagu aaminay iney ilaaliso, haddii inta ay istaagto gargaarka dadka u baahan yihiin gaarsiin lahaayeen, waxaan dhihi laheyn mahadsanidiin ku jeer, laakin meeshii waxbo ma geyneyno, baahideeda kuma filnin, intan baxno oo biyo lugaha gishanno ayaan soo noqoneyaa, sawir ayaan iska soo qaadeynaa, qofkii aadayana ma aadi karo”. Madaxweyne Shariif waxaa uu sawir ka bixiyey sida wax u dhaceen, waxuuna yiri” “ Xamar xilli dambe ayaa nala qaaday, markii Balaweyne kor tagtay oo garoonkii aragnay, waa na soo celiyey, Xamar marka aan ku soo dhownahay ayaa Pilot-kii waxaa la dooday madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo dhahay garoonka waa qoyan yahay, laguma degi karo halka madaxweynaha uu dhahay, waxaas waxbo kama jiraane, waan idin celinaa na dheh, ninkii maskaxdiisa waa is badashay, xiriir ayuu sameeyey, isla markii diyaarad militari oo Itoobiyaan ah, oo midda aan wadanay marka ugu yar tahay labo mar ka culus ayaa ka degtay, waa maqlay, waa kala jiireeyey, waa na geeyey, garoonka mid ciid leh ayuu ahaa, marka beenta intaas la eh ma fileyn”. Guddoomiyaha madasha xisbiyada Mudane Shariif waxaa uu ka hadlay in ay dhismo u dan leeyihiin “Innaga mucaarad waa nahay, laakin mucaarad wax dhisaya ayaa nahay, maxaan wax ku dhiseynaa? sharci, ciidamo miyaa nagu aragteen aniga Xasan Sheekh oo wadano, weligeen miyaan idiin kala hadlnay dowladda hala dumiyo, innaga waxaan leenahay sharciga hala ilaaliyo, waxa ugu horeeyana waa xuriyadda muwaadinka”. Madaxweynaha waxaa uu soo hadal qaaday in la isweydiiyo waxa ka dhalan kara carada iyo caburinta muwaadinka Soomaaliyeed isaga oo yiri “Garoonka diyaaradda haddii dad laga celiyo, maxaa dhici kara isma weydiiyaan, dadkan qoryihii waa heystaan, weli xanuunkii waa hayaa, cadaalad darradii waa dul saaran tahay, albaabadii waa xiran yihiin, jid la mari kara ma jiro, haddii qofkii aad ceejiso, maxaa ka imaanaya, qofka normalka ah caqligooda waa ka hooseeyaa”. Ugu dambeyntii, madaxweyne Sheekh Shariif oo caro ka muuqato waxaa uu sheegay in haddii dhibka laga joojin waayo ay xoog isaga qaban doonaan kuwa dhibka wada, lana aqbali doonin **********nimo, waxaa uuna arrinkaas ka yiri “Magaaladan mooriyaan ayaa heysan jirtay sow ma aha? Waa lala dagaalamay waa la bixiyey, Itoobiyaan ayaa soo galay maxaa lagu sameeyey, waa la bixiyey, Shabaab ayaa qabsaday, waa laga adkaaday, maka xoog badan yihiin dadkaas? Walahi, tuma Walahii, tuma Walaahi haddii aysan joojin waan bixineynaa, qofka aan sharci ilaalin, muxuu nagula joogaa, **********imo ma yeeleyno, sharciga in la isku xukumo ayaan rabnaa”. Madasha xisbiyada qaran oo shalay gargaar u waday dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyn ayey xariyaar ku sameeyeen qaar ka mid ah hey’adaha dowladda iyaga oo ka been sheegay cimilada, taasi oo markii dambe been noqotay, wafdigiina uu geeyey gargaarkii. Goobjoog News Source: goobjoog.com