-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegayo in qaar ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Puntland ay maxaabiis kala baxeen xarunta Maxkamadda Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Maamulkaas. Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug ee dowladda Puntland, G/sare Jaamac Maxamed Axmed, ayaa sheegay inay ciidamada xoog kusoo galeen gudaha maxkamadda isla markaasna ay xoog kula baxeen laba maxbuus oo markaas xukun lagu riday kadib markii lagu helay fal dambiyeedka lagu soo eedeeyey ee ah inay iibiyaan khamriga. Mid kamid ah ciidamadii weerarka kusoo qaaday Xarunta Maxkamadda ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana ciidamada weerarka soo qaaday u suurtagashay inay wataan maxaabiistii la xukumay sida uu xaqiijiyey Taliya G/sare Jaamac Maxamed Axmed. Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Booliiska gobolka Mudug ay ka shaqeyn la’ yihiin, ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka oo uu ku eedeeyay in ay qeyb- ka yihiin Khamriga iyo daroogada la soo geliy gudaha magaalada Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi. Waxaa kale oo uu caddeeyay in uu dacwad ka dhana ciidanka Daraawiishta u gudbiyay Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Yuusuf, si wax looga qabto dhibaatada ay Gaalkacyo ka wadaan ciidanka Daraawiishta sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa xaqiijiyey in Maanta ay ciidamada Booliska Gobolka Mudug u suurtagashay inay gacanta kusoo dhigaan illaa 1500 dhalo oo khamri kadib howlgal laga sameeyey gudaha Magaalada Gaalkacyo.
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay baaritaan ku sameyneyso kiis ku aadan musuqmaasuq oo ka dhacay Balidoogle. Xafiiska xeer-ilaalinta xeer-beegtadda milatariga ayaa shaaca ka qaadey. in saraakiisha eeda ku jira loo haysto lunsasho qalab iyo dayacaad shaqo. Xasan Cali Nuur Shuute, gudoomiyaha maxkamadda ciidamadda, ayaa tilmaamay in baaritaanka kadib la maxkamadeyn doono taliyeyaasha la eedeeyay. Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili isbedelkii afaraad lagu sameeyay Taliska Ciidanka Kumaandooska Danab oo saraakiisha ay ka tirsan yihiin. Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ay gaareen hogaanka cusub iyo waliba Guddi ka socda Maxkamadda Ciidamadda. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Balidoogle.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal kasoo baxay Guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kaddib amar kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ilaa Amar-dambe lagu joojiyey qorista Shaqaale Cusub oo ay qaadaneyso Dowladda Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo ku taariikheysnaa 24-ka bishan November laguna socodsiiyay dhammaan hey’addaha dowladda ayaa lagu wargeliyay in aan la qori karin illaa amar dambe shaqaalaha isku bedelka ee ka yimaada Hey’addaha iyo wasaaradaha ee leh qoondo miisaaniyadeed iyo kuwa aanan laheyn intaba. Sidoo kale Go’aankaan oo ah mid kumeel gaar ah ayaa Hay’adaha Dowladda iyo Wasaaradaha waxaa lagula socod siiyey in dib loogu soo sheegi doono xilliga ay munaasibka noqoto in dib loo bilaabi karo qorista Shaqaalaha. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa socday tirakoob ku socday shaqaalaha Hey’addaha dowladda, taasoo ah markii labaad oo dowladdu ku sameyso diiwaan gelin shaqaalaha rayidka ee wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda. Go’aankaan kasoo baxay Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay ansixiyeen miisaaniyadda sanadka 2020 oo gaareysa $459.5 Milyan.
-
Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in degaanka Weydow ee duledka Muqdisho ay ku dishay askari ka tirsan ciidanka dowladda. Askariga oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Yare ayaa kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee Injineerada ku howlan dhismaha wadada Muqdisho iyo Afgooye. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in kooxaha hubeysan ay meesha ka baxsadeen ayna horey u sii qaateen qoriga askariga. Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga uu iska caabin sameeyay, wallow aan lasoo sheegin hadii ay khasaaro dhalisay rasaastiisa. Inta badan dilalka noocaan ah ayaa ka dhaca gudaha iyo daafaha Muqdisho, waxaana markii lasoo wariyo gaara goobtaas laamaha ammaanka oo baara. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-28112019.mp3 View the full article
-
Balli-doogle (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaalya, xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida iyo saraakiil baarayaal ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa xerada tababarka ciidamada gaarka ah ee Danab ee Bali-Doogle. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute iyo saraakiishaan kale ay u tegay halkaas baaritaan lagu sameynayo agab ciidan oo la wayay. Agabkan ayaa waxaa in la waayey soo sheegay saraakiisha cidiamada, mana cadda illa aiyo hadda cidda ka dambeysay. Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ayaa shaaca ka qaaday natiijada baaritaanka agabkan la xaday iyo maxkamadaynta ay ka dhici doonto xerada dhexdeeda, waxaana uu sheegay in Bali-doogle uu joogayo qof dambi la’aan ah, hadii kalana Muqdisho loo qaadayo qof Xukuman. Dhinaca kale, is-beddel xagga dhismaha iyo hoggaanka lagu sameeyay ciidamada Danab ee ku jira Saldhigga Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose. Xeer Illaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in uu bilawday isla xisaabtan oo marnaba aan leysku deyn doonin in la dayaco Agabka Ciidamada, isla markaana Ciidamada Danab aan laga fileyn wixii halkaasi ka dhacay. Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa sheegay dayacaada halkaasi ka dhacday in la isugula xisaabtami doono.
-
The United Nations Food and Agricultural Organization (FAO) handed over 12 fishing vessels with inboard diesel engines to Puntland State authorities on Wednesday. The vessels are meant for local fishing co-operatives working on the Puntland coast. “The vessels are another contribution from the Coastal Communities Against Piracy (CCAP) Project, generously funded by the European Union, which works to develop a vibrant fisheries sector that harnesses the great potential offered by Somalia’s coastline by providing decent employment opportunities young people along the fisheries value chain,” said John Purvis, FAO’s CCAP Project Manager in Somalia. The boats will be distributed among various fish farmers in the state in an effort to boost their produce for income-generating activities. “Puntland state is committed to ensuring that these vessels contribute to generating income and opportunities to youth in the coastal communities of Puntland. We thank you FAO and the European Union for their longstanding and continued support to develop our fisheries sector,” said Abdiqani Gelle Mohamed, Minister of Fisheries and Marine Resources, Puntland State of Somalia. Despite having the longest coastline of Africa, Somalia’s fisheries sector still holds a huge potential to be developed. It is currently estimated to only account for roughly one percent of Somalia’s Gross Domestic Product. FAO believes developing a solid fisheries sector is crucial not only to put a halt to illegal activities in the sea but also for improving Somalia’s food security. The fisheries sector is key to boosting fish consumption among the population, thereby improving Somalia’s fragile food security situation. View the full article
-
Somalia’s international partners* (listed below) welcome the recent meeting between President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo and two former Presidents, Hassan Sheikh Mohamud and Sheikh Sharif, which discussed Somalia’s priorities and the importance of preserving open political space. They also welcome the consultations between President Farmaajo and more than 50 political parties, as a positive step to foster inclusive dialogue ahead of the 2020 ‘one-person, one-vote’ elections. We encourage further engagement among key stakeholders at both the national and Federal Member State level to ensure inclusive dialogue with a view to a broad consensus on peaceful, free, fair, transparent and credible ‘one-person, one-vote; elections which will be a historic moment in Somalia’s state-building process. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmay Mette Knudsen oo ah Safiiradda dowlada Denmark u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles . War-saxaafadeed ka soo baxay Jubaland, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ayaa Safiiradda warbixin kooban ka siiyay xaalada guud ee Jubbaland, doorashadii Jubaland ka dhacday iyo Xaalada Siyaasadeed ee hadda dalku marayo. War-saxaafadeedka ayaa intaasi ku daray, in madaxweynaha Jubaland uu safiiradda la wadaagay aragtida Jubbaland ee doorashada 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorasho loo wada dhanyahay maangalna ah loo suuro galin karo, taas oo uu sheegay inay u baahantahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale, Mrs. Mette Knudsen ayaa sheegtay in danta Soomaaliya iyo tan beesha caalamkuba kujirto in wada shaqeyn rasmi ahi dhex marto dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo dalkana loo xoreeyo argagixisada, sida lagu xusay war-saxaafadeedka Jubaland. Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyey dowladda Denmark mashaariicda hormarineed ee ay ka wado Jubbaland oo uu ugu horreeyo mashruuca Kalluumeysiga oo ay hay’adda DRC waxbadan ka qabatey. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay safiir ka socotay dowladda Denmark appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug ee dowladda Puntland, G/sare Jaamac Maxamed Axmed oo waresyi siiyay Puntland Post, ayaa eedayn kulul u jeediyay ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka Mudug oo uu sheegay in ay shalay weerar ku qaadeen Maxkamadda magaalada Gaalkacyo, islamarkaana xoog kula baxeen maxaabiis ku eedaysan in ay Khamriga ka ganacsadaan oo Maxkamaddu xukuntay. Taliyaha ayaa sheegay, in ciidan hubaysan oo Daraawiishta Puntland iyo malayshiya-beeleed ka kooban ay weerar ku qaadeen xarunta Maxkamadda degmada Gaalkacyo oo markaasi xukuntay laba eedaysane oo lagu helay ka ganacsiga Khamriga, kadibna ay gudaha Maxkamadda xoog ugala baxeen labadii xukmane. G/sare Jaamac Maxamed Axmed, ayaa tilmaamay in Booliiska magaalada Gaalkacyo ay weerarkaasi ku qabteen, mid kamid ah ciidankii Daraawiishta Puntland ee xoogga ku soo galay Maxkamadda, balse aan lagu guulaysan in la soo qabto labadii xukmane ee ciidankaasi kala baxeen gudaha Maxkamadda. Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Booliiska gobolka Mudug ay ka shaqeyn la’ yihiin, ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka oo uu ku eedeeyay in ay qeyb- ka yihiin Khamriga iyo daroogada la soo geliy gudaha magaalada Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi. Waxa kale oo uu caddeeyay, in uu dacwad ka dhana ciidanka Daraawiishta u gudbiyay Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Yuusuf, si wax looga qabto dhibaatada ay Gaalkacyo ka wadaan ciidanka Daraawiishta sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale, Taliyaha ayaa ka warbixiyay in ka badan 1500 oo dhalo oo Khamriya, kaasi oo saaka lagu gubay Gaalkacyo, kadib markii ay soo qabteen ciidanka Booliiska gobolka Mudug. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Ciidanka Daraawiishta Puntland oo weerar culus ku qaaday Maxkamadda Gaalkacyo ayaa xoog kula baxay maxaabiis xukman appeared first on Puntland Post.
-
The fiftieth anniversary of the military coup that cut short Somalia’s experiment with parliamentary democracy stirs up passions in Twittersphere. Views exchanged by those still enamoured of the kacaan (revolution) day and those who find it abhorrent to this day realise that 280 letters cannot deliver a nuanced view of a regime that bit the dust nearly 29 years ago. The zeal with which each camp presented its view reminded this columnist of Chou En Lai’s dictum on the French Revolution (some say it was about 1968 student revolt): It is too early to tell about the impact of the Revolution. The impact of the Somali military coup runs deep in the Somali political discourse. Is the failure to reflect on that fateful day in a level-headed manner to do with the language Somalis use to discuss their politics? Language here does not refer to the mother tongue of Somalis upon which the military regime bestowed dignity of orthography in 1972. It alludes to terms used to describe a political phenomenon. One of those terms is kelitalisnimo (Dictatorship) which was never allowed to feature on the government-run mass media. Fifty years is a long time in a country’s history. The military regime inherited a system nurtured and run by civilian leaders. Armed opposition movements that toppled the military regime had not shared post-dictatorship goals. Unlike the military commanded by Major Mohamed Siad Barre before overthrowing the civilian government, the opposition did not have one leader able to steer Somalia towards a more prosperous and democratic path. Those facts might make kacaan enthusiasts look winners in tweet exchanges. The military regime was autocracy. Sam Hill defines “autocrats as those who came to power and held on to it through undemocratic means. It turns out badly 99% of the time, measured both by the rights of people in those countries and their economies. ” According to Simon. 99 % of autocracies resulted in failed or failing states. State collapse followed the ouster of the military dictatorship. To many Somalis it is difficult to be on the guard against the military regime’s approach to history. The regime described its predecessor government as dowladdii musuqmaasuqa (the corrupt government) and yet corruption reached its zenith under the military regime. Major General M. S. Barre In Monetary and Exchange Rate Policies 1960-2001, Mohamed Dalmar Abdurahman recounts how the junta abolished the Somali Central Bank Law that prevented civilian leaders from printing money or using Somalia’s hard currency reserves. The military regime leaders reneged on their promise to return to barracks. To stay in power longer than desired in the national interest is an indefensible argument. That is partly why the 1991 political change was both violent and fruitless . © Puntland Post Monthly, 2019 The post In Coup D’etat We Trusted appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD. Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada. Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa iska xog-wareysan doona qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka. Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka soo qeyb galaya shirkan. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo u safray Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Minneapolis (Caasimadda Online) – Dab xooggan ayaa ka kacay dhismo ay deganaayeen dad u badan Soomaali, kaasi oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka. Wararku waxay sheegayaan in dabkan uu si gaar ah uga kacay dabaqa 14-aad ee dhismo ka kooban 25 dabaq, waxaana la sheegay in halkaasi ku dhinteen Shan qof oo Afar qof Soomaali yihiin, sidey sheegeen Soomaalida ku nool magaaladaasi. Maxamuud Noor oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Minnesota ayaa waxaa ay sheegay in dadka badi ay u geeriyoodeen Neefta oo ku xirantay sababo la xiriira qiiqa dabka oo aad u badnaa. Waxaa soca baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan sababta keentay in dabkan uu kaco, iyadoo ciidamada Booliiska ay howshaasi wadaan. Xaafaddan uu dabka ka kacay ayaa loo yaqaanaa Muqdisho yareey, marka la’eego sida ay Soomaalidu ugu badan yihiin.
-
Shirkii Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga Guud ee Puntland, Wuxuu Goluhu Baaq Nabadeed u diray xaaladda colaadeed ee ka jirta deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag iyadoo Goluhu uu uga digey cidkastoo hurinta ka qeyb qaadanaysa in ay ka waantowdo. Goluhu wuxuu warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada oo ka warbixisay waxqabad la xiriira guulaha laga gaaray joojinta xaalufka deegaanka, iyo Guddiga kala-xadeynta Shaqooyinka Hayáddaha iyo Wasaaraddaha oo iyana Golaha usoo gudbiyey qorsheyaasha shaqo ee ay dejisteen iyo siday u kala horeeyaan. Arrimaha kala ee laga hadlay waxaa ka mid ah saameyntii roobabakii ka da’ay gobolada Gardafuu, Sanaag iyo Cayn iyo halka uu marayo gurmadka loo fidinayo goboladaasi. Ugu danbeyn Goluhu wuxuu soo jeediyay in Guddiyada Xukuumadda ee ka kooban Afarta Guddi ay Baarlamaanka uga warbixiyaan waxqabadkii xukuumadda ee 9kii bilood ee u danbeeyay, taasi oo qeyb ka ah wadashaqeynta Goleyaasha Dowladda iyo in Shacabka lala wadaago waxqabadka xukuumadda. PUNTLAND POST The post Maxaa looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaya magaciisa iyo Kan Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Axmed Kheyr oo ku geeriyoodey magaalada London ee dalka Ingiriiska. Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Axmed Kheyr waxa uu soo noqday Wasiir Amni iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, waxaana uu ka mid ahaa haldoorka Puntland ee bud-dhigga u ahaa aas-aaskii Puntland, waxa uu door wanaagsan ka qaatay nabadda, xasiloonida iyo dhismaha ciidanka Booliska Puntland. Waxa uu ku suntanaa karti, hufnaan iyo wadan jacayl. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa uu si gaar ah tacsi ugu dirayaa shacabka Puntland, ciidanka qalabka sida ee dowladda Puntland, gaar ahaan ciidanka Booliska Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey Marxuum Yuusuf Axmed Kheyr, wuxuuna Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, uuna deris uga dhigo Suubanihii Rasuulkeena Maxamed SCW. DHAMMAAD The post Ku simaha madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Gen. Yuusuf Axmed Kheyr appeared first on Puntland Post.
