Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,993
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in deegaanka Cadayga oo hoostaga degmadaasi xalay lagu diley guddoomiyahii deegaankaasi iyo sidoo kale ku xigeenkiisa. Koox hubeysan ayaa la sheegay in xalay saq dhexe ay hoygooda kala baxeen mas’uuliyiintan, kadibna ay dileen sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan degmada Balcad. Guddoomiyaha la diley ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulle Xasan Xaaji halka ku xigeenkiisa lagu magacaabayey Cilmi Qooje Xasan. Illaa iyo hadda ragga wax diley lama oga waxa ay ahaayeen, iyadoo mas’uuliyiinta gobolka Shabellaha dhexe ay sheegeen in baaritaan ku wadaan. Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidanka xoogga dalka, waxaana lasoo sheegayaa in halkaasi baaritaanno ay ka wadaan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Maalmahan Caasimadda Dalka Qadar ee Dooxa waxaa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah; 1. In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo. 2. Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka. 3. Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar. 4. Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran. 5. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha. a. Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada. b. Sidoo kale Dowladda Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha. Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood. Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar. Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka Qadar ,Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu. Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen Guddi ka kooban Lix xubnood oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska. Source: goobjoog.com
  3. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre , ayaa Shalay kulamo gaar gaar ah kula qaatay Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka France, Wasiirrada arrimaha dibedda Dalalka Russia, Sergey Lavrov iyo dhiggiisa Finland, Pekka Haavisto. Kulanka RW Kheyre iyo Wasiirrada arrimaha dibedda Ruushka iyo Findland ayaa qeyb ka ahaa shirka madasha nabadda Paris, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira nabadda iyo xoojinta iskaashiga Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Dalalkaas. Dowladaha Ruushka iyo Soomaaliya ayaa lahaa xiriir qoto dheer oo dhinacyo badan ah, iyadoo ay haatanna Dowladda federaalku waddo qorshayaal lagu sii horumarinayo cilaaqaadka ka dhexeeya Labada Dowladood. Source: goobjoog.com
  4. Duubabka Beesha Mudulood ayaa shir deg deg ah isugu yeeray Xildhibaanada labada Aqal ee Federaalka Soomaaliya, Sida aan xogta ku helnay kulanka wuxuu ka dhan [...] Source
  5. Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Suleymaan Maxamuud Xaashi ayaa dhaca ka qaadey in Xukuumada Federaalku ay isku dayday iney khaarajiso Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif [...] Source
  6. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre , ayaa kulamo gaar gaar ah kula qaatay Magaalada Paris ee Caasimadda Dalka France, Wasiirrada arrimaha dibedda Dalalka Russia, Sergey Lavrov iyo dhiggiisa Finland, Pekka Haavisto. Kulanka RW Kheyre iyo Wasiirrada arrimaha dibedda Ruushka iyo Findland ayaa qeyb ka ahaa shirka madasha nabadda Paris, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira nabadda iyo xoojinta iskaashiga Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Dalalkaas. Dowladaha Ruushka iyo Soomaaliya ayaa lahaa xiriir qoto dheer oo dhinacyo badan ah, iyadoo ay haatanna Dowladda federaalku waddo qorshayaal lagu sii horumarinayo cilaaqaadka ka dhexeeya Labada Dowladood. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran Suleymaan Maxamuud Xaashi oo wareysi bixiyey ayaa markale ka hadlay dhacdadii sii hurisay xiisada dowladda iyo Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Suleymaan ayaa sheegay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay damacsaneyd in diyaaraddii siday wafdiga madasha xisbiyada Qaran inay goosato shidaalka, kadibna la waayo, sida uu hadalka u dhigay. Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in diyaaradda loogu talagalay inay ku degto 45 daqiiqo, balse ay hawada ku jireen wax ku dhow laba saacadood, islamarkaana qatar la galiyey noloshooda. “Xukuumadda waxay damacsaneyd in diyaaradda shidaalka goosato oo madaxdii hore iyo xildhibaanada la socotay halkaa lagu waayo qatar baa nala geliyay, waa la ogyahay 2 saacadood wax ku dhaw ayaan hawada ku jirnay waxaana diyaaradda loogu talagalay iney 45 daqiiqo ku caga dhigato Beledweyne.” ayuu yiru gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran, Suleymaan Maxamuud Xaashi. Dhinaca kale wuxuu guddoomiyaha tafaasiil ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Madaxweunhihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif ee ahaa in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo uu ka saari doono gudaha magaalada Muqdisho. Suleymaan ayaa tilmaamay in hadallada uu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada Qaran kaliya laga soo qaatay erayo gaar ag, si loogu qariyo xayiraadii lagu sameeyey. “Sheekh Shariif waxaa uu hadalkiisa ku soo qaatay, Itoobiyaan, hoggaamiye kooxeedyo oo dadka Soomaaliyeed ay iska saareen,marka hadii dowladda ay sharciga ku dhaqmi weyso in la iska saaro ceeb mahana, sida Cumar Al-Bashiir Madaxweynihii Suudaan ayuu yiri.” ayuu markale yiri, Xildhibaan Suleymaan Maxamuud Xaashi. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in dadka Soomaaliyeed aan la marin habaabin, islamarkaana ay dowladdu ilaaliso Dastuurka iyo shuruucda u taalla dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. MOGADISHU (HOL) - Close to 400,000 farmers are set to benefit from a $10 million climate adaptation investment project signed Tuesday between the government of Somalia and the UN Development Programme (UNDP). Source: Hiiraan Online
  9. Guddiga dib u hawl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay dalka Qadar ka helaan fursado Shaqo ayaa la kulmay guddiga dhiggooda ah ee dalka Qadar. Heshiiska labada dal, waxaa la saxiixay sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo hawl geliyey dabayaaqadii bishii September ee sannadkan, kaddib markii Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey dalka Qadar halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka midyahay Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Maamulka, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalka Qadar Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu. Wasaaradaha Shaqada ee labada dal waxay soo magacaabeen guddi ka kooban lix xubnood oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska. Waxaa maalmahaan caasimadda Dooxa shir ku lahaa guddiga isku xirka iyo dib u hawl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee labada dal, waxaana xalay guddigu uu saxiixay qorshe haw-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah; 1. In labada dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha dalka dibadiisa loo qaadayo. 2. Waxaa la isla gartay in dawladda Soomaaliya qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono dalka Qadar sannadka 2022-ka. 3. Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyed uu u furanyahay suuqa shaqada ee dalka Qadar. 4. Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran. 5. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan xafiisyo ka masuul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha. a. Soomaaliya waxaa u qaabilsan xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada. b. Sidoo kale dowladda Qadar waxaa u qaabilsan xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha. Labada guddi ayaa kullankooda hoosta ka xariiqay in sida u degdeg badan ay hawshu loo billaabo si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira labada wasaaradood. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Qadar oo dib u hawl-geliyey heshiis ay kala saxiixdeen 1983 appeared first on Puntland Post.
  10. Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho xalay saqdii dhexe guddoomiye & ku xigeenkiisa loogu geystay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Toogashada oo ay fuliyeen rag hubeysan oo aan la garan heybtooda ayaa waxaa loo geystay guddoomiyaha deegaanka Cadayga, Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii, Cilmi Qooje Xasan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in ragg dilka fuliyey ay xalay mas’uuliyiintaasi kaxeysteen, kuna toogteen meel banaanka ah deegaanka Cadayga ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dhacdadaasi oo dadka deegaanka ku abuurtay cabsi iyo wal wal xoogan. Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad iyo kan gobolka oo ku aadan dilkaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen halkaasi, islamarkaana ay ka bilaabeen baaritaano lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey toogashadaasi. Muddooyinkii dambe waxaa duleedka Balcad dhaq dhaqaaq xoogan ka waday Al-Shabaab oo inta badan weeraro jid gal ah ka fulisa waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, lamana xaqiijin karo in weerarkaasi ay iyadu fulisay. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  11. Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka oo ka dhacday agagaarka Jilib ee jubada dhexe lagu dilay sarkaal ka tirsan xarakada Al-shabaab. Sida ay sheegeyso Africom, duqeynta waxaa ay dhacday 12/11/2019 , iyaga oo intaasi raaciyey in aaney dilin ama waxyeello soo gaarin wax rayid ah. Duqeynta Mareykanka ay fuliyaan ayaa noqotay habka keliya ee Al-shabaab lagula dagaalo gudaha Soomaaliya kadib markii xukuumadda federaalka ah ay ku guuldareysatay qorshihii ahaa “Al-shabaab ayaa ku saareynaa 2 sano”! Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – War ka soo baxay taliska Afrika ee Mareykanka ayaa waxaa looga hadlay duqeyn shalay diyaaradaha dagaalka dalkaasi ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya. Duqeynta oo ka dhacday magaalada Jilib ayaa waxa ay AFRICOM shaacisay inay ku dishay xubin sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. Warbixinta AFRICOM ayaa lagu sheegay in sarkaalka la dilay uu muhiim u ahaa isku xirka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda, islamarkaana uu xiriir toos ah la lahaa kooxda Al-Qaacida oo dagaal xoogan ka wada dalal badan oo ku yaalla caalamka. Mareykanku ma shaacin magaca sarkaalka la dilay, balse wuxuu tilmaamay in duqeyntaasi aysan wax khasaare ka soo gaarin dadka rayidka ah. Sidoo kale wuxuu sheegay in weerarkaasi ay ka qeyb qaateen ciidamada Soomaaliya oo uu ku aamanay doorka ay ka qaadanayaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka weerarada xagga cirka ah ee ay ka fuliso koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  13. Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xusen (Guudlaawe) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay shirweyne deg deg ah. Guudlaawe ayaa sheegay in shirkan oo dhowaan dhici doono diirada lagu saari doono dhibaatooyinka ka dhashay fataahadaha ku dhuftay deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka faa’ideysan doonaan dowladda dhexe, gaar ahaan wasaaradda qorsheynta, si xal loogu helo fatahaadaha soo laa laabtay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/guu.mp3 View the full article
  14. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo dalka Faransiiska uga qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay habboon tahay in bah-wadaagta Caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta dib u dhiska dalka. Mudane Khayre ayaa saaxiibada Soomaaliya ugu baaqay, in ay mudnaanta kowaad siiyaan maalgelinta dib u dhiska hay’adaha dowliga ah ee dalka, si loo gaaro himilooyinka horumarka ay hiigsanayso Soomaaliya “Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb-galay dood halkaasi lagu qabtay, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ku hawllantahay dib u-dhiska hay’adaheed dowliga ah, islamarkaana ay hiigsaneyso in ay dib u soo celiso kaalintii ay dunida kaga jirtay. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo Caalamka ugu baaqay in ay maal-geliyaan dib u-dhiska hay’adaha dowliga ah ee dalka appeared first on Puntland Post.
  15. Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabey oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee maamulkaasi. Carabey ayaa sheegay in haatan uu meel wanaagsan marayo dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay, islamarkaana ay ku bixiyeen waqti iyo judi badan. Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka shaqeyn doonaan dar-dar gelinta dib u soo celinta adeegyada aas aasiga u ah shacabka ku dhaqan gobollada Galgaduud iyo Mudug. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/CARA.mp3 cARABEY View the full article
  16. Diiwaan-gelinta musharrixiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, ayaa sida qorshaysan la soo geba-gabaynayaa maanta oo Arbaco ah. Guddiga doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland, ayaa maalmihii la soo dhaafay diiwaan-gelinayay musharrixiinta u tartamaysa qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamanka. Saddex musharrax oo kala ah; Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ilaa iyo hadda si rasmiya isu diiwaan-geliyay tartanka doorashada guddoomiyaha Baarlamanka oo la qorsheeyay in ay dhacdo Khamiista berriya. Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, ayaa Khamiistii hore xilka laga qaaday, kadib markii ay mooshin ka gudbiyeen 44 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka. Mooshinka oo sida la sheegay ay dabada ka riixaysay xukuumadda Puntland, ayaa soo bilowday kadib markii la xallin-waayay khifaal ba’an oo in mudda ah u dhexeeyay madaxweyne Deni iyo guddoomiye Dhoobo. PUNTLAND POST The post Diiwaan-gelinta musharixiinta u tartamaya guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo maanta la soo geba-gabaynayo appeared first on Puntland Post.
  17. Paris (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Paris ayaa ka hadlay arrimo ku aadan taageerada ay beesha caalamka siiso dowladda federaalka ah ee Soomaalya. Ugu horreyn Khayre ayaa ayaa sheegay in ay habboon tahay in saaxiibbada caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib u kabashada Dalka. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dalalka beesha caalamka inay hal arrin wax ka bedalaan, taas oo ah qaabka ay hadda ku caawiyaan shacabka iyo dolwadda Soomaaliyeed. “Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Waxa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu cadeeyey in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseedda in ay soo ceshato kaalintii ay dunida horay ugu laheyd. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dalka Faransiiska u tegay ka qeyb galka shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo shalay furmay, kaas oo diirada lagu saarayaa xal u helidda dhibaatooyinka kala duwan ka jira daafaha caalamka. Caasimada Online Xafiiska Paris caasimada@live.com
  18. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo Dalka Faransiiska uga qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay habboon tahay in saaxiibbada Caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib u kabashada Dalka. “Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood uu ka qeyb galay waxa uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseedda in ay soo ceshato kaalintii ay Dunida horay ugu lahayd. View the full article
  19. ​This map, created by the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs, depicts the Jilib District of Somalia's Middle Juba region. UNOCHA graphic. Source: Hiiraan Online
  20. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay qarax xoogan ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay gudaha degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in ciidamadaasi lala bartilmaameedsaday, xilli ay ku lugeynayeen gudaha degmadaasi. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ayaa baahisay in ay la eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, walow aysan cadeyn inta uu la egyahay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah maamulka degmada Mahadaay iyo taliska AMISOM oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala goosha deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article
  21. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ku war-gelinaysaa in fatahaadihii Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo hoos u dhac ku yimid, hadii roobab yimaadana weli cabsida fatahadaha meelaha qaar wey jirtaa. Halkan hoose ka akhriso: warsaxaafadeedka ay xaaladihii ugu dambeeyey ee fatahaadaha ay ka soo saartay Dowladda Soomaaliya Halkan hoose ka akhriso: War-Saxaafadeed Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ku war-gelinaysaa in fatahaadihii Webiyada Jubba iyo Shabeelle oo hoos u dhac ku yimid, hadii roobab yimaadana weli cabsida fatahadaha meelaha qaar wey jirtaa. Dowladdu, waxay mahad celin balaaran u jeedinaysaa ganacsatada Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibadda gurmadka xoogga leh oo ay u fidiyeen walaalahooda ku wax yeeloobay daadadka ku soo rogmaday iyo fatahaadaha webiyada. Sidoo kale,Dowladdu waxay marlabaad umahadcelinaysaa Dowladaha saxiibada caalamka ee gurmadka fatahaadaha ka gaystay gacan wayn. Gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee fatahaaduhu saameeyeen wuxuu u socdaa si habsami leh, waxaana laga gaaray guulo lataaban karo muddo kooban. Dwladda soomaaliya waxay rajo weyn ka qabtaa inuu si guul ah ay ku soo gaba gaboobaan labadii weji ee hore qorshii ay dejisay dowladu ee afarta weji ahaa inkastoo ay dadku ay u baahanyiihin caawin ilaa inta ay dib uga soo ceshanayaan noloshoodii. Sidoo kale waxaa hada bilaabmaya wejigii sadexaad in dib ugu celin dadka barakacay guryahoodii iyo dayactirka iyo dib u hawlgelinta goobihii adeega Bulshada sida iskuuladii, goobihii Caafimaad iyo wixii la mid ah. Waxaa hada bilaabmaya wejigii sadexaad iyo kii afraad ee Qorshaha, sidaas awgeed, Dawladdu waxay Shacabka Soomaaliyeed, Ganacsatada iyo Dawladaha Saaxiibka la ah Soomaaliya waxaanu ka codsanaynaa in ay sii wadaan Gurmadka iyo Taakulada la gaadhsiinayo dadka ay roobabka iyo Fatahaadu wax yeeleeyeen. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-13112019-sx.mp3 View the full article
  23. Militariga Maraykanka ayaa war ka soo saaray duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan gobolka Jubada dhexe ee koonfurta Soomaaliya Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa looga warbixiyay duqeynta diyaaradeed ee Mareykanku ka gaystay gobolka Jubbada dhexe. Qoraalka waxaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay duqeyn diyaaradeed ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe halkaasina ay ku dileen hal xubin oo ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab. AFRICOM waxay sheegeen in duqeynta lala beegsaday Al-shabaab aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee degaankaasi ku sugan. PUNTLAND POST The post Militariga Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeyn uu ka gaystay koonfurta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  24. London (Caasimada Online) – Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska ayaa amray in safaaradda UK ee magaalada Muqdisho aysan bixin karin adeegyada Qunsuliyadaha, iyadoona lagu wargeliyey dhammaan dadka u dhashay dalkaasi. Warkan ayaa lagu sheegay in dadka u baahan adeegyada safaaradda ay la xariiri karaan safaaradaha UK ee ku yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ee Caasimadaha dalalka Kenya iyo Itoobiya. UK ayaa go’aankan u sababeysay cabsi weyn oo ay ka qabto ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Sida lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK, waxaa jira macluumaad sheegaya in ay jiraan in weeraro argagixiso oo la qorsheynayo in ay ka dhacaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya. Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka fogaadaan meelaha ay dadka isugu yimaadaan, sida hoteellada, munaasabadaha ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo meelaha kale ee bartilmaameedka u noqon kara kooxaha weerarrada geysta. Sidoo kale waxay dowladdu intaasi ku dartay in gudaha Soomaaliya marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland ay ka dhici karaan qatar dhinaca afduubka ah, sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK. Digniintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ee aad u yaraadeen weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliyo gudaha magaalada Muqdisho, taas oo loo sababeynayo xirnaashiyaha waddooyinka waa weyn ee ku yaalla gudaha Caasimada. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
  25. Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Bolivia ayaa Talaadadi shalay go’aamisay in haweeneyda Jeanine Anez ay noqoto madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaasi. Go’aanka ayaa ku soo beegmay saacado kaddib marki uu madaxweynihi hore ee Bolivia Evo Morales isaga degay xilka isagoo u duulay waddanka Mexico oo uu ka helay magangalyo siyaasadeed. Jeanine Anez oo ka tirsan mudanayaasha xisbiga mucaaridka ugu jira golaha Senetka ee dalkaasi ayaa ku adkeystay in aysan jirin cid kaga sarreysa sharci ahaan in ay noqoto madaxweynaha kumeel-gaarka ah, kaddib marki ay horay isu casileen madaxdi ka sarreysay. Mudanayaasha xisbiga madaxweyne Morales ayaa qaaddacay sheegashada madaxtinimada ee Anez, iyaga oo ku sababeeyay in kooramka fadhigi baarlamaanka uu ahaa mid aanan helin tiradi loo baahnaa. Bolivia ayaa ku jirta xaalad siyaasadeed oo cakiran tan iyo inti uu xilka madaxtinimada iska casilay Morales. Kaddib marki uu shalay ka dagay Mexico, ayuu Evo Morales u mahadceliyay madaxweynaha Mexico Andres Manuel Lopez Obrador oo uu ku sheegay inuu yahay qof badbaadiyay noloshiisa. PUNTLAND POST The post Anez oo sheegatay in ay tahay madaxweynaha Bolivia appeared first on Puntland Post.