Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,984
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa markii u horeysay sheegay in talada xukuumada Somaliland ay u gacan gashay Rag Milliteri ah. Waddani ayaa ka dhawaajiyey in Milliteriga loogu talo galay cadowga soo duula, balse aan looga baahneyn in muwaadiniinta reer Somaliland ay ku qabtaan gacan adag. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa arrintaasi ka dhawaajiyay, isagoona xusay in Mas’uulka ugu Sareeya Somaliland ee Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Arrimaha guduhu ay yihiin Milliteri. Xirsi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynuhu uu xilalka ugu waaweyn ku taxay niman Milliteri ah, kaasi oo uu ugu dambeeyay Taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, wuxuuna yiri “Waxa la moodaa inaynu wada Militeriga noqonay, oo madaxweynihii waa Militeri, wasiirkii arimahaa guduhu waa militeri, taliyihii ciidanka waxa loo soo bedelay taliye militeri ah”. “Taliyihii ciidanka asluubta waxa laga dhigay taliye militeri, militeriga cadowga loogu tallogalayey gacantii adkayd ee militeriga hoos u dhiga”. Xirsi ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Ciidamada Somaliland ay yihiin kuwa ugu mushaarka yar ee ku shaqeeya duruufaha adag, isla markaana loo baahanyahay in loo kordhiyo mushaarka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  2. Marka laga hadlayo arrinta doorashada iyo weliba sida ay suurto-gal u noqonkarto waa mid aad u xasaasi ah ayna adagtahay in la rumaysto soomaaliya in ay gelikarto doorasho qof iyo cod ah. Shakhsi ahaan waxaan ahay dadka aaminsan in ay adagtahay doorasho qof iyo cod ah in ay ka qabsoonto wadankan, iyada oo la sameeyo dhowr arrimood oo mubiim ah mooyee. Arrimha aan aaminsanahay in ay hortaaganyihiin doorshada ama adkaynaya ayaa ah dhawr qodob oo inta badan ay macquultahay in ay dadku ila qabaan. Xuduudihii waddanka oo aan xidhnayn Tiro-koob sax ah oo aan laga hayn bulshada soomaaliyeed. Dhul ay adagtahay in laga codeeyo sababo amni iyo in dhulka qaarkiis ay maqanyihiin oo aysanba ogolayn in ay ka dhacdo doorasho, sida deegaannada somaliland. Nidaamka xisbiyada oo u baahan ansaxin iyo weliba buuxinta shuruudaha oo ay u horrayso in ay sameeyaan xafiisyo ku yaalla waddanka intiisa badan. Intan oo arrimood oo jira awgeed waxaad mooddaa in ay adagtahay qabsoomidda doorashada la tuhmaayo 2021. Waxaa jira hawlo badan oo ay qabteen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo weliba xeelado kale oo ay ku qabaanayaan doorashada waddanka. Sidee doorashadu ay noqon doontaa? Xuuraamin iyo la-sheekaysi aan la yeeshay Guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee soomaaliya, waxa ay caddeeyeen in ay sameeyeen hannaan cusub kaas oo sahlaya doorashada qofka iyo codka ah ee la filaayo. Guddigu waxa ay ku hawlanaayeen muddo dheer hannaanka ay noqonayso doorashadu, ilaa maanta iyo maalintii la magaacabayna waxa ay sameeyeen shaqo wanaagsan oo la taabankaro, una muuqata in ay tahay natiijo soo dhowaysay hannaankii doorashada qofka iyo codka noqon lahayd. Waxa ay sameeyeen jaan-gooynta qaabka doorashada iyo weliba goobaha ay ka dhacayso, waxa ay diyaariyeen degmooyinka ay ka qabsoomayso iyaga oo weliba wada-tashi la yeeshay bulshooyinka deegamadii ay tageen waa sidaa ay ii sheegen e. Waxa ay guddigu sheegeen in doorashadu ay noqon-doonto 24 Degmo oo ka tirsan maamul gobolleedyada kuwaas oo weliba ay ku sameeyeen sahmin dhamaystiran. Marka la eego shaqada ay qabteen guddigu oo ahaa in ay dhammaystireen haddana waxaad mooddaa in ay jiraan shaqooyin badan oo dhiman taas oo ku noqon karta caqabad hannaanka ay wadeen muddooyinka. Maxaa hor-is-taagikara shaqadii ay qabteen guddiga doorashooyinku? Waxa uugu weeyn ee caqabad ku noqonaysa waa in golaha baarlamaanka Soomaaliya aysan ansaxin hannaanka doorashada iyo wixii ay soo qabteen guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka. Waxyaabaha uugu weeyn ee sababaya in aysan baarlamaanku ansaxin hannaanka doorashada qof iyo codka ah ayaa noqonaysa in qaar ka kim ah golaha baarlamaanku ay xulafo la yihiin siyaasiyiin mucaarad ku ah xukuumaddan iyo in ay qaarkood iyagu yihiinba kuwo rajo ka leh hoggaanka waddanka, waxana ay aaminsanyihiin haddii uu waddankani galo qof iyo cod in ay suuro-gal tahay xukuumadda hadda jirtaa in ay soo laabato, maadama inta badan xukuumaddan ay taageere ka haysato shacabka intiisa badan. Dhanka ka kale xildhibaannada qaarkood waxa ay aaminsanyihiin in xukuumaddani ku shuban doonto doorashada qofka iyo codka ah. Waxaa jira xildhibaanno badan oo iyagu aanba doonayn in waddanku ka gudbo hannaanka ku dhisan 4.5 oo ay go’aanka leeyihiin baarlamanku, waayo darajada baarlamanka ayaa u ah halka waddo ee ay siyaasadda kaga cayshaan. Ma qabsoomaysaa doorashadu wakhtigii loo asteeyay oo ku beegan “2021-February”? Marka la eego wakhtiga doorashada iyo hannaanka socda ama laga yaabo in uu yimaaddo, waxa ay u eegtahay in ay doorashadu dib u dhacdo iyada oo weliba xilligaas dawladdu soo bandhigto qorshayaal doorasho oo ka duwan kuwii hore, fulintooduna ay macquultahay in ay qaadato wakhti. Waxa suurto-gal noqonaysa in nidaamka ay ka hor-yimaaddaan maalmul Gobolleedyada iyo weliba xubnaha wakhtigaas u taagan qabashada hoggaanka soomaliya, jiid-jiidkasi waxa uu sababikaraa in uu qaato wakhti dheer kaas sababa in doorashadu ay dhaafto wakhtegeedii. Sida oo kale doorashadan ay dalwddu qorshaysay ee ah qofka iyo codka haddii ay fusho, waxaa wakhti qaadanaya xilliga soo bixista natiijada iyo weliba Ku qancinta tartamayasha natiijada, maaddaama ay tahay markii uugu horraysay ee waddunku galo doorasho caynkan ah. Muddadan lugu jiro kala guurka wejiga cusubna leh uuma malaynaayo wax xumaan ah in ay leedahay haddii laga gudbaayo hannaankii hore ee hab-qabysiga beelaha ah ku dhisnaa. W/Q: Cumar Rodol Cumarrodol@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Puntland, Mudane Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa maanta gaaray degmada Dhahar ee waqooyi galbeed gobolka Sanaag, si uu ballaariyo ololaha ka dhanka ah maamulka Siciid Deni. Boqolaal dadweyne ah ayaa Dhoobo Dareed iyo wafdiga la socda ku soo dhoweeyey halkaasi, kuwaas uga hortagay duleedka magaalada. Guddoomiyaha xil ka laga qaaday oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyey shacabka Dhahar soo dhoweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna sheegay inay is xog wareysan doonaan, islamarkaana inta uu joogo uu la qaadan kulamo kala duwan. Wixii ka dambeeyey Khamiistii la soo dhaafay oo kalsoonida ay kala laabteen Dhoobo Daareed xildhibaano gaaray 49 Mudane ayaa waxa uu dib ugu laabtay gobolka uu ka soo jeedo ee Sanaag, isagoona ka horyimid xil ka qaadistii lagu sameeyey. Waxa kale uu sheegay in yahay guddoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka Puntland, islamarkaana loo awood sheegtay, sida uu hadalka u dhigay. Lama oga halka ay saldhigan doonto xiisadan, iyadoona guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland ay taageero u muujiyeen beelaha degangobolka Sanaag, gaar ahaan Beesha uu ka soo jeedp oo sheegay inay ka tashan doono aayaheeda Puntland. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  4. PRESS RELEASE London, UK Monday, November 11th 2019 The Federation of International Employers (FedEE) writes at 10:00 am BST Embargo: Immediate release A personal reflection by Robin Chater, from the international Think Tank FedEE. Whatever went wrong? The 90s and now I remember the 7th of August 1998 very well because that was the day I resolved to stop travelling by plane. The attacks on two US embassies in East Africa brought to the fore an organisation called al-Qaeda and I knew instinctively that their next target must logically be an aircraft. The golden age of the 1990s was over and the World’s post-war regained innocence was destroyed. I never flew again until 2003, by which time the post 9/11 security blitz and hysteria had made the entire World so bleak and distrustful. The cold war had ended, but a far dirtier one had begun. Things had all been so different after Mikhail Gorbachev had announced on December 7th 1988, to a stunned UN Assembly, that the Soviet Union would no longer meddle in the affairs of eastern European countries. The World held its breath – and even doubted its own optimism when events in Tiananmen Square seemed to reverse the tide a year later. But as the year turned in 1989 Francis Fukuyama was declaring the “end of history”, a message that rang out as it was finally realised that western liberalism had triumphed. Looking back, for those of us that were around at the time, the 90s meant more than the fall of the iron curtain. It was the era of Microsoft and Apple, MTV, “Friends” and wall-to-wall Nirvana, it was the time when Germany reunited, the EU was born through the Maastricht Treaty and Mandela was released from prison. Yes, there was the Rwanda massacre, the first Iraq war and the death of Princess Di, but somehow all seemed essentially set for a positive future and no-one really distrusted change. But how the benefit of time improves perspectives. Now we can not just ask what went so horribly wrong, but can no longer hope for anything else. The first crack in the liberal Utopia came as greed – a throwback from the Bush and Thatcher years – met economic naivety for many people who had started online trading. I can recall back in 2005 meeting a complete stranger at a petrol filling station who went into raptures about how much money they had made by trading on-line that day. “What was the secret to selecting a winner?” I asked. “That’s the beauty of it, they are all going up every day.” So, what first went wrong was that the huge bubble burst and “the beauty of it” was no more. The truth was out – that western liberalism was inextricably linked to a flawed capitalism that could never be sustained. By the time the recession was over a cultural implosion had taken place that few of us can still articulate, but only know by its uncomfortable aftermath. Nothing is as it was, or truly works any more. Look at Google trends for proof – we are all more interested in lies, but also in politicians. We respect the law, but not lawyers and no longer believe in words like “trust”, “democracy” or “authority”. The feeling that is more evident as we search the net is fear: fear of uncertainty, foreigners, crime and the future itself. What thus defines the World as we enter the third decade of this millennium is that we no longer have any faith in the future. This is reflected so well in social movements such as the French “yellow vests”, and protest groups in Chile and Hong Kong. What started with one issue quickly spread to a multitude of discontent. The mass of people do not really know for sure what they want any more, but they do not want the status quo. In fact, what unites everyone is the act of protest itself. Like in the anarchist collectives of Barcelona during the Spanish civil war, the revolution must be perpetuated because it is the ambivalence and confusion that is the fundamental unifying purpose. It is not the end of history that has taken place, but the death of the future. We no longer wish to know what it will be like in 50 years time. Futuristic movies will now find it very hard to find the Hollywood money to make them. Neither is nostalgia something to shed tears on the Ipad. It is all about “now” and a stark reality that we can no longer escape from. We believe in nothing and can no longer wait for dreams we anyway doubt. Hedonism does not come anywhere near to the state we thirst for, but until then a crazy hell will do. For further information please contact Eustace Fernsby at the FedEE Press Office on press@fedee.com and 0044 203 608 4412. What is FedEE? The Federation of International Employers (FedEE) is a leading corporate membership organisation for multinational companies. It was founded in 1998, with financial assistance from the European Commission. Today it is an independent body with corporate members all around the globe. Qaran News
  5. Ururka ONLF ayaa caawa magaalada Godey ee dowlad deegaanka Soomaalida oo maalmihii la soo dhaafay shir-weyne uga socday ku dooratay Guddoomiye cusub. Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee ururka ONLF, ka dib markii uu helay 340 cod oo ka mid ah ku dhawad 600 oo ergo oo codeynayey, halka ninkii la loolamayey Axmed Yaasiin uu helay 251 cod. Maadey ayaa ka mid ahaa asaasayaashii ururka ONLF, wuxuuna ku jiray Guddiga fulinta. Cabdiraxmaan Sh. Mahdi Maadey Ururka ONLF ayaa muddo dheer ku jiray halgan uu ku doonayay in ku xoreeyo deegaanada Soomaalida Itoobiya balse waxay heshiiyeen dowladda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, markii laga saaray liiska argagixisada kaddib isbaddalladii ka dhacay dalka Itoobiya. ONLF ayaa hadda ka dib noqonaysa xisbi siyaasadeed, waxaana u qorsheysan in ay ka qeybgalaan doorashada soo socota ee deegaanka Soomaalida ka dhici doonta sannadka dambe. PUNTLAND POST The post ONLF oo dooratay Guddoomiye cusub appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-111119.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf oo la hadlay lanta Af-Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay dacwaddii Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu ka gudbiyay madaxda dowladda federaalka. Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan dacwadaas maalmaha soo socda ay billaabi doonaan dhageysigeeda dacwadda uu u soo gudbiyey Xisbiga Himilo Qaran eek u aadan xayiraadii garoonka Aadan Cadde loogu geystay Madaxweyne Shariif Sheikh. Baashe Yuusuf guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in haatan ay maxkamaddu awood u leedahay in ay qabato kiiskaas ayna madax banaantahay, isagoo sheegay in dhinicii kale ee ay ku socotay dacwadu ay la wadaageen ayna ka soo jawaabeen. Xisbiga Himilo Qaran oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka hogaamiyana uu ka yahay madaxweynihii dowladdii ku meel gaarka Shariif Sheikh Axmed ayaa dacwad ka dhan ah xayiraddii safar uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo bishii September u gudbiyay Maxkamadda Sare. Halkaan ka Dhageyso: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/cod-1-abdiqani-.mp3 Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay uga qeyb galayaan shir caalami ah oo ku saabsan Horumarinta Dadweynaha. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Marwo Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xersi (Fuursade). Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Nairobi appeared first on Puntland Post.
  9. MOGADISHU (HOL) - A campaign body representing the interests of disabled persons in Somalia has condemned what it termed as ‘discriminative remarks’ by the head of the Custodial department in Somalia. Source: Hiiraan Online
  10. MOGADISHU (HOL) - A campaign body representing the interests of disabled persons in Somalia has condemned what it termed as ‘discriminative remarks’ by the head of the Custodial department in Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo la hadlay VOA ayaa wax laga weydiiyay hadal caro badan dhaliyay oo dhawaan ka soo yeeray, kaas oo ahaa in qof naafo ah aan looga baahneyn in uu qorto ama ka sii mid ahaado ciidanka Asluubta. Taliye Mahad ayaa sheegay in hadalkaas oo buun buuniyay si ka duwan sidii uu ula jeeday, isagoo tilmaamay in ay u yimaadeen dad naafo oo doonayay in ay qortaan ciidanka Asluubta, balse uu ku war galiyay in aysan qora karin ciidanka. Sidoo kale waxa uu sheegay in aysan jirin qof ku naafoobay iyaga oo ka tirsan ciidanka Asluubta oo uu shaqada ka eryay, isla markaana dadkii naafada ahaa ee u yimid uu u sheegay in ay shaqo u raadsadaan hey’adaha kale ee dowladda, maadaama sida uu sheegay igaya ay ka helayaan shaqooyin ay ka bixi karaan. Taliyaha ayaa tilmaamay in dadka buun buuninaya hadalkiisii uu u aqoonsanayo nabadiid iyo dad been sheeg ah oo sida uu sheegay horay u jiri jiray, hadalna sida loo dhigay uusan u dhihin. Dood weyn iyo cambaareyn ayaa ka dhalatay hadal uu taliya ciidanka Asluubta Soomaliyed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu ku yirin “Loogama baahna ciidanka Asluubta ee aan hoggaamiyo qof naafo ah, lug ha la’aato, gacan ha la’aato, il ha la’aato ama xubin kale ha la’aatee”. Ururrada u dooda xuquuqda dadka naafada ah, siyaasiyiin iyo bulsho kale ayaa aad u cambaareeyey hadalka ka soo yeeray taliyaha ciidanka Asluubta. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka mid ahaa dadkii ka fal celiyay hadalka taliyahaan ayaa yiri, “Hadii dowladdu ay hadda ka hor wasiirkii waxbarashada xilkii ugu qaaday Jaamacadaha dalka ayuu wax ka sheegay hada waxaan ka sugeynaa in taliyahaan u gafay dadka naafadaa ee qarankooda u naafoobay ay xilka ka qaado”. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/14f2795a-f1e8-427e-929c-2de6cc6d5cbb_48k.mp3 Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo has landed in the Kenyan capital, Nairobi on Monday, to attend the 25th anniversary of the International Conference on Population and Development (ICPD). President Farmajo and his delegation received a warm welcomed on arrival at JKIA and is expected to present the country’s progress on the empowerment of girls and women. ICPD will deliberate on reproductive health and human rights among other issues. The forum will also seek actionable commitments to address gender-based violence and harmful practices such as Female Genital Mutilation (FGM). This year marks the 25th anniversary of the groundbreaking for the International Conference on Population and Development, which took place in Cairo in 1994. During the conference, leaders articulated a bold vision regarding the relationships between population, development and individual well-being. Its program of action, adopted by 179 governments, recognized that reproductive health, as well as women’s empowerment and gender equality, are the pathway to sustainable development. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa galabta soo gabagabeysay dhageysiga dacwad loo heystay xubno lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo loo heysto dilal ay ka geysan jireen daafaha galbeed ee magaalada Muqdisho. Xubnaha la xukumay ayaa tiro ahaan gaaraya Afar ruux kuwaas oo lagu kala magacaabo 1-Shuceyb Cabdullaahi Maxamed, 2-Maxamed Cismaan Maxamed, 3-Ismaaciil Maxamed Xuseen iyo Saadaq Cabdi-Jabaar Cumar Xuseen. Ragaan ayaa lagu eedeeyay in ay dilal u geysteen dad iskugu jiray saraakiil ciidan askar iyo dad shacab ah, kuwaas oo lagu dilay dagmooyinka dhaca galbeedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Cali Maxamed Cali oo ka mid ah Abaayaasha dhalay mid ka mid ah dadkii la dilay ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in uusan garaneyn sababta loo dilay wiilkiisii oo gacanta ku hayay nolosha isaga, xaasaskiisa iyo sagaal caruur ah oo uu dhalay, kaas oo ka mid ahaa dadka ay dileen xubnahaan. Xeer ilaa liyaha maxkmada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Korneyl Cabdullahi Buulla Kamey ayaa Maxkmaada ka dalbaday in ragaan ay yihiin dambilayaal galay danbiga lagu soo eedeeyay waxaana uu dalbaday in lagu xukumo dil toogasho ah. Guddoomiyaha Maxkmada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in dhawaan ay Maxkamaddu go’aan ka soo saari doonto xukunka ragaan dhageesiga dacwadana ay intaan ku egtahay. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland ay kulamo aan loo kala kicin ku leeyihiin madaxtooyada maamulka Jubbaland ee magaaladaas. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), labadiisa ku xigeen Maxamuud Sayid Aadan iyo Cabdullahi Luga-dheere iyo guddoonada baarlamaanka maamulkaas ayaa xalay ilaa maanta kulamo aan loo kala kicin kuleh magaalada Kismaayo. Kulamadaan ayaa looga arinsanayaan sidii ay ka yeeli lahaayeen shuruud ay Beesha Caalamku hor dhigtay hoggaanka ugu sareeya ee Jubbaland. Kismaayo waxaa kale oo ku sugan xubno ka socday Beesha Caalaka, kuwaas oo gaaray maalmo ka hor, waxaana la sheegay in madaxda Jubbaland ay ku war galiyeen fariin guud oo ay uga sideen taageerayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya, taasoo ah in marnaba aysan Beesha Caalamku aqbaleyn doorashadii 22-kii August ee sanadkan ka dhacday magaalada Kismaayo ee markii seddaxaad dib loogu doortay Madaxdeyne Axmed Madoobe. Madaxda sare ee Jubbaland sida madaxweynaha, ku xigeenadiisa, guddoonada baarlamaanka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ayaa kulamo soo bilaawday galinkii dambe ee shalay uga arinsanaya waxii ay ka dhihi la haayeen jawaabta ay ka sugeyso Beesha Caalamka ee ah in aysan aqbal aheyn doorashadii dhacday sidaas darteedna ay ogolaadaan in la qabto doorasho kale. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland oo naga dalbaday in aanaa adeegsan magaciisa iyo codkiisa ayaa xaqiijiyay arintan waxa uuna sheegay in hoggaanka Jubbaland ay haatan ka baaraan degayaan wixii ay ka dhihi la haayeen jawaabta laga sugayo. Lama oga go’aanka ka soo bixi doona kulamada madaxda sare maamulka Jubbaland, sidoo kale Xildhibaanka noo waramay ee ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ayaa ka gaabsaday in uu saadaaliyo waxa ka soo bixi kara kulamada iyo waxa ilaa hadda la isla meel dhigay. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo, wixii xilligaas ka dambeeyana waxaa marba marka ka dambeysa cadaadis iyo culeys siyaasadeed ay ku waja heysay maamulka Madaxweyne Madoobe iyo gobolada uu ka arrimiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Washington (SMN) – Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallin ayaa Gobollada dalka Mareykanka ka bilowday Olole loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay kasoo gaartay fatahaadda Gobollada Hiiraan, Bakool iyo Gedo. Ololahan ayaa si gaar ah wax loogu tarayaa haweenka iyo dhallaanka ay noloshooda saameynta xoogga leh ay ku yeesheen fatahaaduha, maadaama ay yihiin qeybta ugu ballaaran ee u baahan gurmadka waara. Marwada oo la hadleysay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Columbus ee dalka Mareykanka ayaa la wadaagtay xaaladda bini’aadannimo ee ka taagan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen, waxa ayna sidoo kale uga warbixisay dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu gurmadeen. “Dadka Soomaaliyeed waligoodba waxay caan ku ahaayeen is taakuleynta, maantana kumaba sii jirto oo 70kun oo qoys wax ka badan ayaa magaalooyinkaas ka barakacay. Maanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadkaas.” Marwo Seynab Macallin oo bogaadisay isku xirnaanta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Gobollada Maraykanka ayaa tilmaamtay in dadaalkeeda ku aaddan isku-xirka howlaha gurmad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas Maraykanka uu kaabaayo qorsheyaasha Qaran ee lagu samata-bixinayo dadkeenna dhibaataysan. Olalaha Marwada Koowaad oo ka bilowday Gobolka Columbus ayaa qorshuhu yahay in ay Marwadu gaarsiiso Gobollada kale ee Dalka Maraykanka, oo ay ugu horreysiinayso magaalada Seattle Washington, si ay u dardar geliso dadaallada wax-ku-oolka ah ee dib loogu dhisayo nolasha dadkii ay saameeyeen fatahaaduhu, gaar ahaan haweenka iyo dhallaanka. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Colombus ayaa inta ay socotay munaasabaddu waxa ay iska ururiyeen lacag dhan $137,000 (boqol, soddon iyo toddoba kun oo doollar) oo si degdeg ah loo gaarsiin doono magaalooyinka Beledweyne, Bardaale, Baardheere iyo deegaannada kale ee ay fatahaaduhu saameeyeen. View the full article
  16. Nairobi (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa waxaa uu gaarey magaaladda Nairobi, caasimadda waddanka Kenya, halkaas oo si balaaran oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Wafdiga Madaxweynaha ee ku wehliya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Nuur Diiriye Xers. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-11112019.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay xaalada siyaasadee ee xilligaan ka jirta dalka iyo hadalkii kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed & jawaabtii dowladda. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay niyad jab weyn ka qaadeen hadaladii asbuucyadii ugu dambeeyey kasoo baxayey Siyaasiyiinta Mucaaradka ah. “Waxaa ugu baaqayaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee madaxda ka ah xisbiyada ee dalkaan soo hoggaamiyay waqtiyo kala duwan inay yareeyana xasaradaha dhibaatooyinka shacabka dhibsanaya oo u keeni kara niyad jab ay ka niyad jabaan dowladnimo soomaaliyeed, shacabka uma dulqaadan karo, mas’uuliyadda waa la wadaagaa, erayo aan munaasib aheyn baa ka soo baxay afafka siyaasiyiin saaxibo ah, walaalo ah oo aan looga baahneyn inay sidaas u dhaqmaan”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. Cali Geedi ayaa sheegay in lawada ogyahay dhibaatada laga soo maray dhisitaanka Dowlad Soomaaliyeed kadib burburkii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu sheegay in Maanta ay kaliya tahay in la gargaaro dadka dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha wabiyada lana joojiyo hurinta colaadaha. Cali Maxamed Geeddi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay xurmeyso madaxdii hore ee dalka, isla markaana dhowrto mansabka ay leeyihiin. “Dowladda Soomaaliya ee hoggaanka Mas’uuliyiinta ah waxaa laga rabaa inay madaxdii ka horeeyay soo dhoweeyaan inay xurmeeyaan, inay mansabka ay leeyihiin ee qaranka shaarkiisa horay u soo howdeen inay ku dhowraan ayaa laga rabaa, maadaama aanay boqoortooyo ah oo berri xukunka ka degi karaan una baahan karaan in iyagana la xurmeeyo”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi. Waxaa uu ugu baaqay Madaxweynayaashii hore ee soomaaliya inay yareeyaan xasaradaha iyo waxyaabaha ay Shacabka dhibsanayaan,isla markaana Shacabka u dul qaadan karin hadallada kazoo yeeraya Siyaasiyiinta iyo Madaxda Xisbiyada. Ugu Dambeyntii Cali Geedi ayaa ku baaqay in la wada sugo Xilliga doorashada isla markaasna cid kasta ay la timaado markaas waxa ay heyso. Halkaan hoose ka daawo hadalka Cali Geedi Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen ayaa sheegaya inuu si hoose uu Muqdisho uga socdo qaban qaabada Mudahaar wata kacdoon ka dhan ah Madaxweyne [...] Source
  20. Boosaaso (Caasimadda Online) – War murtiyeed kasoo baxay Isbaheysiga Beelaha Gobolka Bari ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey deegaanada Maamulka Puntland. War Murtiyeedka ayaa looga hadlay weerarkii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Puntland iyo xil ka qaadistii la sheegay in lagu sameeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas oo hadda isaga tagay Magaalada Garoowe. Maamulka Puntland ayuu ishabeysiga ku eedeeyey inuusan ku dhaqmin Dastuurka u yaalo maamulkaas taasina ay caqabad ku tahay horumarkii la filayey in la gaarsiiyo Dadka Puntland. Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameystiran Bismilaahi Raxmaani Raxiim Date11/11/2019 War-Murtiyeed ka soo baxay Isbahaysiga Beelaha gobolka Bari Xaaladda Maanta ay ku sugan tahay Puntland Maamulka Puntland oo 21-jirsaday waxaa u degsan dastuur iyo shuruuc haddii la xurmeeyo, si hufanna loogu dhaqmo waxaa hubaal ah in la mahdinayo, dalkanna la agarsiin karo horumar dhinac walba ah. Nasiib darro weli lama gaarin himiladii ay reer Puntland ku taamayeen, maxaa yeelay xukuumadihii isaga dambeeyey hogaanka dalka ayaa ku guul darreystay inay hirgeliyaan aaladda dhabta ah ee bulsho horumar lagu gaarsiin karo, taasoo ah hannaanka axsaabta badan iyo tartanka furan ee siyaasadeed oo ku saleysan hal qof iyo hal cod, Xukuumadihii isaga dambeeyey Puntland halkii laga rabey inay xilkooda u gutaan si dastuurka iyo sharciga waafaqsan, waxay dhaqan ka dhigteen in ay dadka u garba duubaan in lagu negaado nidaam beeleedka lagu fashilmay, lagana dhaxlay eexda, musuqmaasuqa, caddaallad darrada, sed-bursiga iyo boobka hantida ummadda Puntland. Sidoo kale waxay adeegsanayaan xeelad, caburrin, cadaadis iyo xukun maroorsi. Ku dhaqan la’aanta dastuurka wuxuu dheliyey in koox gaar ahi ay awooda dowladnimo u adeegsato si gaar ah, waana arrinta keentay in dadweynaha ay dareemaan shaki, tuhun iyo kalsooni darro laga qabo hannaanka maamulka Puntland. Sidoo kale nidaamkaasi wuxuu dhaawacay is aaminaadii, isbahaysigii iyo is walalaysigii ay dadweynaha reer Puntland ku soo caano maaleen, caqabado bandanna kaga soo gudbeen. Isbahaysiga beelaha gobolka bari markii uu si dhab ah u qiimeeyey duruufahan ka jira Puntland waxay arkeen in ay xaaladeedu aad u culus tahay oo haddii ay waayo hore ka duwaneyd qeybaha kale ee Soomaaliya manta waxay ku sugan tahay xaalad iyo marxalad aad u fool xun, taariikhda soomaaliyanna meel xun ka geli doonta, haddaan la helin ehel ka samata bixiya. Waana arrinta keentay in la yagleelo Isbahaysiga Beelaha gobolka Bari iyagoo u arka in go’aankaasi uu yahay gudasho mas’uuliyad taariikhi ah iyo waajib wadaninimo. Yoolka Isbahaysiga beelaha gobolka Bari waa gaaris bulsho mideysan oo caddaallad, sinaan iyo horumar harsanaysa, waxaynna ku miditayaan asteenta nidaam dowladeed oo bedela xaqiiqada hadda ka jirta Puntland, taasoo ah dal hodon ah oo dadkiisu yahay sabool. Weerarkii iyo Xil ka qaadistii caddallad darrada aheyd ee guddoomyaha Baarlamaanka Puntland Waxaan cambaareynaynaa, kanna xunahay haddaanu nahay isbahaysiga beelaha gobolka Bari falkii foosha xumaa ee lagu weeraray hoolka baarlamaanka Puntland iyo xil ka qaadistii sharci darrada aheyd ee lagu sameeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/Xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo dared) iyadoo si ula kac ah loo baalmaray dastuurkii dalka u degsanaa iyo xeer hoosaadkii baarlamaanka Puntland. Horaa waxaa loo yiri “Ninna caadadii ma daayo, bahalna ceyriin ma daayo’ xikmadaas oo loola jeedo in xildhibaanadii baarlamaanka Puntland oo horay xoogaa lacag ah ku ansixiyey iyagoon arag heshiiskii dhexmaray shirkadda DP-WORLD oo ka diiwaan gashan imaraadka carabta iyo dowladda Puntland, shirkadaas oo lagula heshiiyey in lagu wareejiyey dekadda Bosaaso. La yaab malaha in isla xildhibaanadii oo lacag la siiyey in ay si sharci darro ah xilka uga qaadaan Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland, tallabadaas oo dhaawac weyn iyo qalqal u geysatay xasiloonindii iyo amnigii guud ee deeganada Puntland. Sidoo kale dhacdadaasi waxay dhaawac u geysatay midnimadii iyo wadajirkii beelihii isu bahaystay dhismaha maamul goboleedka Puntland. Haddaba, isbahaysiga beelaha gobolka bari wuxuu ku baaqayaa in dhamaan dadka waxgaradka, aqoonyahanka,cullimaa’udiinka, haweenka iyo dhalinyarada reer Puntland isugu yimaadaan shirar guud oo lagu samata bixinayo laguna badbaadinayo Puntland. Wabilaahi towfiiq Waxaa soo diyaariyey guddiga qoraalka ee Isbahaysiga beelaha gobolka Bari Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Kaxda. Xog ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeysa in sababta xilka looga qaaday Taliyaha ay tahay arrimo amni darada ah ee ka taagan Degmada Kaxda. Todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho ka dhacayey dilal ku saleysan aanooyin qabiil, waxaana lagu dilay dad badan. Taliyaha xilka laga qaaday ee Kaxda ayaa awood u yeelan waayey inuu xaliyo dhibaatada amni xumo ee ka taagan degmadiisa. Sida xogta ku helnay maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in taliye cusub loo magacaabo Degmada kaasoo la filayo inuu noqdo mid xal u keeni karo dhibaatada amni ee ka jirto halkaas. Seddex Maalin ka hor ayey aheyd markii degmada Kaxda lagu dilay ilaa 4 qof halka Shan kalana lagu dhaawacay kadib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay dadkaas ku sugnaayeen. Arrintaan ayaa loo aaneynaa inay la xiriirto aano qabiil ,iyada oo todobaadyadii la soo dhaafay degmada Kaxda ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay laba maleeshiyo beeleed, waxaana la sheegay in beelaha ay kala wataan laba ciidan oo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta la sheegayaa inuu magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ugu ambabaxay ka qeybgalka shir ujeedadiisu tahay in 2030-ka meel fiican laga gaaro qorshaha caafimaadka galmada iyo xadididda taranka. Mas’uuliyiinta shirkan ka qeybgalaya ayaa lagu wadaa iney balanqaad ka sameeyaan arrimihii lagu heshiisyey shirkii dadka iyo horumarka ee 1994. Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa sidoo kale shan arrin oo kala ah: caafimaadka galmada iyo taranka oo qayb ka ah caafimaadka guud, maalgelinta loo baahan yahay in lagu xaqiijiyo dhammaan yoolalka barnaamijka ICPD, kala duwanaanshaha dadka iyo awooda ay u leedahay in lagu dhaqaaqo kobaca dhaqaalaha iyo horumarka joogtada ah, tillaabooyinka lagu soo afjari doono gacan-qaadka ku saleysan jinsiga iyo dhaqamada waxyeelada leh iyo xaquuqda daryeelka caafimaadka galmada iyo taranka iyo arrimo kale. Warbixinta ururka UNFPA waxaa ku jirta iney jiraan in ka badan 232 million oo doonaya in aaney uur qaadin balse aan isticmaalin waxa looga hortago, maalin walbo waxaa dhinta ilaa 800, weliba arrimo la daaweyn karo inta uurka lagu sido ama xilliga dhalmada, ilaa 33,000 ayaa lagu qasbaa guurka halka sanad walbo 4 million loo gudo qaab fircooni ah. Shirkan oo inta badan haweenka lagu awood siinayo, waxaa iska kaashanaya Kenya, Denmark iyo ururka UNFPA Soomaaliya malahan siyaasad la xiriirta xadiditaanka taranka, caafimaadka galmada iyo arrimo badan oo shirka looga hadlayo, waxaana jooga wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka, wasaaaradda caafimaadka iyo hey’ado kale oo dowladda Soomaaliya uga wakiil ah arrimaha la xiriira qoyska iyo caafimaadka, matali kara, ugana aqoon badan madaxweynaha, ee waa maxay sababta uu madaxweynaha u aaday Kenya? Tan iyo February 2019 ma fiicneyn xiriirka Kenya iyo Soomaaliya, Villa Somalia waxaa ay Goobjoog New u sheegtay madaxweyne Farmaajo markii uu tagayey Koonfur Afrika bishii May ee sanadkan inuu diiday marista Kenya, isaga oo ka degay Tanzania, waxaa kale oo shirarkii ay Soomaalida u tagi jirtay Nairobi loo wareejiyey Adis Ababa, Haddaba, maxaa isbadalay? Villa Somalia waxaa uu muuqato iney kala hadleyso, isna badashay siyaasadeeda la xiriirta Kenya wixii ka dambeeyey shirkii qaramada midoobey ee New York kolkaas oo xogheyaha qaramada midoobey u sheegay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo wada hadal ku aadan badda. Mareykanka, Ingiriiska, midowg Yurub iyo Afrika ayaa iyaguna ku cadaadiyey Farmaajo inuu wada hadal la galo Kenyaatta si wada hadal loogu dhammeeyo muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya. Shirkan oo 3 maalin socon-doona waxaa lagu wadaa in shir dooceed ah uu dhex maro madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo midka Kenya Uhuru Kenyatta, arrinta ugu muhiimsan ee looga hadlayo waa badda, Kenya ujeedkeeda waa mid cad waana in kiiska laga soo celiyo maxkamadda ICJ. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada Amniga iyo Waxbarashada ayaa gaaray magaalada Paris ee caasimadda Faraniiska halkaasi oo ay uga qayb gelayaan shirka sanadlaha ah ee Madasha Nabadda Paris oo maanta furmaya War-saxaafadeed ka soo baxaya xafiiskiiska Ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in mudada uu socdo shirka Madasha oo looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka uu Ra’iisul wasaaruhu kulamo gaar ah la qaadan doono qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka. Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu xusay in marka uu soo dhammaado shirka oo socconaya mudda saddex maalmood ah uu Ra’iisul wasaare Khayre u safri doono magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee Midawga Yurub. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre oo faahfaahiyay qodobada looga hadlayo Shirka Paris appeared first on Puntland Post.
  24. Al-Shabaab militants reportedly vacated from areas in Mudug region in the past 24 hours. Reports indicate that Al-Shabaab fighters left Deeqlo and Marale, located on the outskirts of Harardhere district of the region. It is not yet known the reason behind the withdrawal of the militants, however, Galmudug forces have already started military exercises there. There has been no word from al-Shabaab about the retreat of its fighters. There is a tense situation in the areas around Harardhere as local residents say they are worried that fighting will erupt there at any time between Al-Shabaab and regional troops. View the full article