Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waddani party Chairman Cabdiraxmaan Cirro @CirroSL WADDANI party welcomes the statement of international community regarding the concerns of Somaliland delayed elections, arbitarary detensions and restrictions of freedom of expressions. Qaran News
  2. Baraawe (Caasimadda Online) – Xisbiga Amni iyo Cadaalad oo uu Hogaamiye u yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo xabsi guri ugu jiro Dowladda Soomaaliya ayaa hor imaaday safar uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ku tagay Dalka Jabuuti. Safarka Lafta Gareen ee Jabuuti ayaa salka ku hayo sidii maal gelin loogu heli lahaa dhismaha Dekadda Baraawe oo la filayo in waqtiyada soo socdo uu ku shaqeeyo maamulka Koonfur Galbeed maadaama ay magaaladaas tahay Caasimadda rasmiga ah ee maamulkaas. Xisbiga Amni Iyo Cadaalad ayaa ku doodayo in madaxweynaha Koonfur Galbeed lagu soo doortay qaab aan sharci aheyn sidaas darteedna uusan awood u laheyn inuu mashaariic kusoo qaato dhismaha Dekadda Baraawe. Xisbiga ayaa sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed ay ka jirto dhibaato badan iyo musuq maasuq isla markaasna aan weli xal loo helib dhibaatadii ka dhacdo Baydhabo ayna ugu baaqayaan Dowladda Jabuuti inaysan soo faragelin arrimaha Koonfur Galbeed ayna joojiso mashaariicda ay dooneyso inay ku bixiso dhismaha Baraawe inta laga helayo madaxweyne sharci ah oo ay ku qanacsan yihiin dadka Koonfur Galbeed sida lagu qoray war saxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad. Xisbiga ayaa intaas ku daray in deegaanada Koonfur Galbeed ay ka jiraan dhibaato ka dhan ah bini,aadanimada iyo Xoriyadda lana xirayo cid kasta oo ka ra’yi duwan maamulka talada hayo iyadoo intaas dhan ay jiraana aysan caqli gal aheyn in mashaariic loo raadiyo dhismaha Dekadda Baraawe. Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo lagu qoray luuqadda Ingiriiska
  3. Ankara will resist efforts by its NATO allies to persuade it to back an alliance defense plan for the Baltics and Poland until its demands are met over a plan for Turkey’s defense, a Turkish diplomatic source said on Wednesday Source: Hiiraan Online
  4. Ambassador of Denmark to Kenya Mette Knudsen @Metknu Concern about the continued delay in conducting elections in #Somaliland as well as arbitrary arrests and limitations on freedom of expression. #Denmark fully behind this statement @DKinSomalia @DanishMFA @JeppeKofod @RasmusPrehn @somalilandmfa Quote Tweet EU Del in Somalia @EU_in_Somalia · 20h JOINT STATEMENT ON DELAYS TO SOMALILAND PARLIAMENTARY AND LOCAL COUNCIL ELECTIONS – European External Action Service https://europa.eu/!pP39Nc 10:04 AM · Nov 27, 2019·Twitter for iPhone 23 Retweets 42 Likes Paperbook @Paperbook2 · 19h Replying to @Metknu @DKinSomalia and 4 others Have you ever seen an opposition party that refuses to go to the Supreme Court every time there is a dispute? Qaran News
  5. Executive Committee of Somali Democratic Party (SDP), a party that is governing Somali region of Ethiopia in the South Eastern parts of the country, unanimously passed decision on Tuesday November 26,2019 to end its existence as SDP and join Prosperity Party (PP), Source: Hiiraan Online
  6. Mother of ‘bullied‘ Somali girl, 12, who drowned in river accuses police of racism after they ‘failed to properly investigate her death‘ – sparking probe by force watchdog Source: Hiiraan Online
  7. Somalia’s ratification of a key convention to protect internally displaced people in Africa is a landmark achievement for the country and the African continent, UNHCR, the UN Refugee Agency, said today. Source: Hiiraan Online
  8. Itoobiya oo ka walaacsan ‘kulan ay agaasintay Kenya’ oo Nairobi ku dhex maray Axmed Madoobe iyo Gudoomiyaha Cusub ee Jabhada ONLF Dowladda Itoobiya ayaa walaac ka muujisay kulan ay abaabushay Kenya oo Nairobi ku dhex maray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo hoggaamiyaha ONLF Cabdiraxmaan Mahdi Madey, waxaa sidaas qoray wargeyska Addis Standard. Kulanka ayaa waxaa si gaar ah u agaasimay, fududeeyey, islamarkaana lacag ku bixiyey Machadka Rift Valley ee Kenya. Xiisadda Jubaland iyo Itoobiya ayaa sare usii kaceysay wixii ka dambeeyey bishii August, ka hor doorashadii Axmed Madoobe, markaasi oo mas’uulinta Jubaland ay diideen inay garoonka Kismaayo ka degto diyaarad ay saarnaayeen agab iyo ciidamo Itoobiyan ah. Jubaland ayaa sidoo kale toddobaad ka hor cabasho ka muujisay faro-gelin xoogan oo ciidamada Itoobiya ay ka wadaan gobolka Gedo, ayaga oo taageeraya madaxweyne Farmaajo. Hoggaamiyaha ONLF, Cabdiraxmaan Mahdi Madey ayaa bishii August, ka hor inta aan xilkan loo dooran waxa uu ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uga digay faro-gelinta Jubaland. “Kismaayo waxay ku taalla goob muhiim ah. Hadii halkaas isbeddel uu ka dhacana waxay saameyn doontaa waddanka oo dhan. Waxaan aaminsanahay in Axmed Madoobe uu shaqo wanaagsan qabtay. Mana hubo in haddii dad kale ay meesha yimaadaan uu amniga sidan sii ahaan doono. Waxaan ka baqayaa haddii aynan ka fiirsan faro-gelinta halkaas, inay saameyn doonto gobolka oo dhan, sababtoo ah waxaa jira ciidan cadow ku ah Itoobiya, oo Axmed Madoobe uu hadda la dagaalayo.” Lama yaqaan ujeedka iyo waxa looga hadlaya kulanka kulanka Nairobi ee Axmed Madoobe iyo Cabdiraxmaan Mahdi, sida uu qoray Addis Standard. Dhinaca kale, sarkala sare oo ku dhow madaxweyne Axmed Madoobe ayaa beeniyey inuu wax kulan ah ka dhaay Nairobi. “Joogitaanka hogaamiyayaasha Jubaland iyo ONLF ee Nairobi waa mid isku aaday oo kaliya. Ma jiro wax kulan ah oo dhacay, haddii ay kulmaanna waxay noqon doontaa kaliya inay isa salaamaan.” Ayuu yiri. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegay in amarkii lagu hor-istaagay in xildhibaan Dalays Xasan Aadan ay ka dhoofto garoonka Muqdisho, oo ay aaddo gobolka Gedp uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in maamulka garoonka lagu amray in ilaa amar dambe aysan xildhibaanada baarlamaanka aadi karin Gedo iyo sidoo kale siyaasiinta mucaaradka ah hadii ay dhacdana in ay ka baxaan garoonka Muqdisho ay ku bixi karaan oo kaliya amar sare. Sababta amarkaan loo soo saaray ayaan lala wadaagin saraakiisha garoonka diyaaradaha Muqdisho balse waxay u muuqataa mid la xariirta isbadalada amni iyo kuwa siyaasadeed oo ay Itoobiya kawado Gedo. Xildhibaan Dalays Xasan Aadan waxay kasoo jeedaa gobolka Gedo, waxayna ku beel tahay madaxweynaha, hase yeeshee waxay ka mid tahay siyaasiyiinta fikir ahaan diidan madaxweynaha. Wareysi ay siisay VOA-da markii la xanibay Isniintii ayay ku tiri “Dowladda hadda jirta cid kasta oo ka ra’yid duwan waxay la galaysaa dagaal.” Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa ka cabsi qaba in xildhibaanada tagaya Gedo ay caqabad ku noqdaan qorshaha ay dowladda kula wareegeyso gobolka ayada oo kaashaneysa ciidamada Itoobiya. Korneel C/llaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa sheegay in amarka lagu hor istaagayo Xildhibaan iyo qof kale oo sare uu yahay mid ka yimaada Madaxweynaha talada haaya balse aysan bixin karin qof kale. “Kaliya madaxweynaha ayuu ka imaan karaa amarka nuucaas ah ma jirto qof kale oo qaadan kara, hadii uu qaatana waa go’aan qar iska tuurnimo ah” ayuu yiri Korneel C/llaahi Cali Macow. “Haddii uusan aheyn amar ka soo baxay madaxweynaha waxay aheyd inuu jawaab ka bixiyo sababtoo ah wax sahlan ma ahan in Xildhibaan xasaanad leh la hor istaago waliba degaankiisa u socda” ayuu yiri Korneel C/llaahi Cali Macow. Korneel Macow ayaa ku taliyay in Golaha Shacabka ay u yaraan Madaxweynaha Soomaaliya halkii ay u yeereen wasiirka amniga Soomaaliya iyo Taliyaasha Booliiska iyo socdaalka. Madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumadda ayaa ilaa hadda ka hadlin is hortaagii lagu sameeyay Xildhibaan Dalays Xasan Aadan oo ka tirsan Golaha Shacabka. Hay’adda NISA oo markii hore la sheegay inay bixisay amarka ayaa iska fogeysay, sida ay xubno ka tirsan u sheegeen Caasimada Online.
  10. Ugu yaraan 5 ruux ayaa dhintay,4 kalena waa ku dhaawacmeen dab Arbacadii shalay ka kacay xaafad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka. Dabkan ayaa ka kacay Daar ay ku nool yihiin dadka waayeelka ah iyo dadka kaligood nool oo ku taalla xaafadda Cedar ee magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Maxamuud Noor oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in 5 ruux ee ku geeriyooday dabkaasi ay 4 kamid ah Soomaali yihiin halka qof 5-aadna uu Oromo yahay. Xildhibaanka ayaa tilmaamay in uu socdo baaritaan lagu hayo sababta dhalisay dabka iyo sidoo kale baaxadda khasaaraha rasmiga ah ee uu gaystay, isagoo xusay in dib laga soo bandhigi doono xogta oo dhammaystiran. PUNTLAND POST The post Soomaali ku geeriyootay dab ka kacay magaalada Minneapolis ee waddanka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  11. British Ambassador to Somalia Tweet Ben Fender @benfenderfco UN, IGAD and major international partners call for Somaliland parliamentary and local council elections to take place ‘without any further delay’, welcome mediation efforts and express concern at ‘seemingly arbitrary detentions’ and increased restrictions on free expression. Qaran News
  12. Abu Dhabu (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta u qaabilsan Tababarka iyo Taakuleynta ciidanka Puntland ee PMPF. Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qanciyay, in ay sii wadaan Qandaraaska shirkadda PDG oo dowladda Imaaraadka ay Adeega iyo Saadka u soo marin jirtay ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa bishii June ee sannadkan hakisay Logistic-kadii ay ciidanka PMPF u soo marin jirtay shirkaddaasi PDG, kadib markii uu khilaaf ba’an soo kala dhex-galay Saamileydii ku midaysnaa PDG, islamarkaana uu khal-khal ku yimid hawlihii shirkaddaasi. Sidoo kale, saraakiisha Imaaraatiga ayaa wakhtigaasi ku hanjabay, in ay gebi ahaanba Qandaraaska kala laaban doonaan shirkadda PDG, kadib markii la xallin waayay khilaafka u dhexeeya Saamileyda ku midaysan Shirkadda. Balse, madaxweynaha Puntland ayaa sida la sheegayo mas’uuliyiinta Imaaraadka u xaqiijiyay, in xal rasmiya laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Saamileyda PDG, isagoo ku qanciyay in ay sii wadaan Qandaraaska PDG ee Taakuleynta ciidanka PMPF. Wararku waxay intaas ku darayaan, in madaxweynuhu safarkiisi soo geba-gabeeyay, isagoo la filayo in uu maalinta Sabtida soo socota dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo la kulmay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Militeriga Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyey amniga caasimadda, isagoo ka dalbaday in la bilaabo wada shaqeyn dhex marta iyaga iyo laamaha amniga gudaha. Guddoomiye Cumar Filish ayaa saraakiisha Militeriga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda waxa uu u bandhigay qorshahooda sugidda amniga caasimadda, waxuuna shaaca ka qaaday in isaga iyo guddoomiyaasha degmooyinka uu balan adag meel u yaallo. “Hadii Dagmada gudaheeda wax lagu dilo oo qofkii wax ku dilay isagoo nabad ah uu baxsado , Dagmadaas Gudoomiye cusub aa loo magacabaa, waliba nin sarkaal ah oo Militery ah Cabdi bilahiisa iyo ciidankiisa wato Gudoomiye ugu dhigeynaa ballanka aan qabno waa kaas, marka inuu habeen iyo maalin degmadiisa amnigeeeda u soo jeedo ayaan isku ogeyn” ayuu yiri Guddoomiye Filish. Guddoomiyaha ayaa saraakiishii goobta ku sugneed u sheegay inay ka go’antahay inuu magaaladaan ka dhigo mid amni ah, waxuuna ka dalbaday in hadii uu culeyso ku yimaado amniga gudaha ay garab u noqdaan laamaha amaanka gudaha, isagoo u balan qaaday dhankooda in hadii ay iyagu culeys kala kulmaan amniga dibadda ama furimaha ay garab sii doonaan. Halkaan ka Daawo
  14. Soomaaliya laga soo bilaabo shirkii Carta waxay wax ku qabsanaysay nidaamka beelaha ee 4.5ka oo ah 4 beelood iyo beesha shanaad , taasoo xal loo arkay inay Soomaali isku aamini karto oo lugu gaari karo nidaamka dawladnimo maadaama dawladii hore ay u burburtay cadaalad daro iyo dulmi loo geystay beelaha qaar . Madaxweynayaashii soo maray dalkaan laga soo bilaabo shirkii carta(Cabdullahi Yusuf ilaa Xasan Shiikh) waxay ilaa xad isku dayi jireen inay isku dheeli tiraan awood qaybsiga beelaha si loo abuuro kalsooni iyo isu soo dhawaansho umada Soomaaliyeed ee kala irdhowday . Madaxweynaha hada talada haya Maxamed Cabdullahi Farmaajo wuxuu gabi ahaanba iska indha tiray dhamaan qaybtii Beesha Direed ku lahayd qaybaha kala duwan ee dawladda marka laga soo tago waasiirada iyo wasiir ku xigeenada . Tusaale ahaan taliyaasha ciidaamada oo loo qaybsan jiray shanta beelood madaxweyne Farmaajo markuu xilka qabtay wuxuu meesha ka saaray qaybtii Beesha Dir ku lahayd , dhamaan taliyaasha kala ah Nabadsugida, Booliska, Taliyaha guud ee ciidamada xooga, Asluubta, Abaanduulaha, taliyaha lugta iyo dhamaan ku xigeenadooda Beesha Direed xal xubin lagama siin marka laga soo tago Taliye ku xigeenka labaad ee Booliska . Waxaa wax lala yaaba ah madaxweynaha beesha uu kasoo jeedo ee Beesha Daarood inuu isugu daray taliya ciidanka booliska iyo taliya ciidanka lugta taasoo ah qabyaalad aan geed loogu soo gaban iyo dib usoo celin dhaqankii sababay in dalkaan uu burburo . Dhacdadii u danbeysay ee Madaxweyne Farmajo ku duudsiiyay qaybta Beelaha Direed waxay ahayd wuxuu xilka ka qaaday Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Dahir wuxuuna ku badalay nin ay isku reeryihiin taaso si cad u muujinaysa dagaal cad oo uu kula jiro Beesha direed . Arinta cajiibka ah ayaa ah Beesha Direed ma lahan madaxweyne , Raysul wasaare, gudoomiye baarlamaan intaas iyadoo aan loo xaqsiin ayaa hadana meelihii kale ee awal nidaamka 4.5ku u ogalaaday lugu wadaa xil ka qaadis . Waxaa kale oo intaa dheer, Somaliland oo isir ahaan ku abtirsata beesha Direed waxay dawladda Farmaajo kula kacday cunaqabatayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aan abid la arag oo keenaysa cuqdad iyo sii kala fogaansho hor leh . Intaas marka la isku soo xooraamiyo waxaa laga maarmaan ah in xisbiyada siyaasada dalka , kuwa isbadal doonka ah iyo dhamaan danleyda siyaasadeed in arintaa aan laga aamusin oo loo istaago wax ka qabashadeed inta aysan reebin saameeyn xun oo an wax laga qaban Karin oo umada soomaaliyeed sii kala fogeynaysa. Waxaan shaki ku jirin in beri la arki doono beelo badan oo cabanaya oo la hareer mariyay xuquqdoodii siyaasiga ahayd . Sida aan xogta ku hayno Beesha Direed waxay ku maqantahay talo iyo go aan ay ka qaadan doonaan siyaasad guracan ee Farmaajo ku maamulayo dalka . Waxaa qoray: Ahmed-Kaashin Abdi kooshin.ahmed73@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen taageerayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya ayey ku sheegeen inay soo dhoweynayaan kulankii dhawaan dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaal hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo ay sheegeen in looga wada hadlay arrimaha siyaasadeed ee dalka. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyey kulan kale oo ka dambeeyey kii wada qaateen seddaxda Madaxweyne, kaas oo uu Madaxweyne Farmaajo ku qaabilay in kabadan 50 xisbi siyaasadeed oo dalka ka jira. Kulamadaas ayey saaxiibada Soomaaliya ku tilmaameen tallaaboyin wanaagsan oo dhiira-gelin u noqon kara wadahadal loo dhan yahay ka hor doorashada 2020-ka oo la doonayo inay noqoto mid qof iyo cod ah. “Waxaan dhiira gelinaynaa wada shaqeyn dheeri ah oo ka dhex bilaabata daneeyayaasha muhiimka ah ee heer qaran iyo heer dowlad-goboleedba, si loo hubiyo wadahadallo loo dhan yahay, iyadoo la eegayo is waafajinta dhinacyada xoriyadda, cadaaladda, hufnaanta iyo aaminaadda, si loo qabto doorasho hal-qof iyo hal cod ah, taas oo taariikhi u noqon doonta geedi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka. War-saxaafadeedkan ayaa waxaa wadajir u soo saaray dhinacyada kala ah: Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Talyaaniga, Kenya, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United Nations, United StatesAmerica.
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanha-Warraka-27112019-sax.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Shirkii u dhexeeyay Dowladaha Afrika iyo Talyaaniga oo ay Soomaaliyan kujirto ayaa maanta lagu soo geba gebeeyay magaalada Milano ee dalka Talyaaniga,iyadoo Soomaaliya uu u matalayay wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan halkaasi. Mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday shirkan oo loogu magac daray (Afrika & Italt Business Week) ayaa diiradda lagu saarayay sidii wadamada Talyaaniga iyo Afrika ay isaga kaashan lahaayeen ganacsiga Dalxiiska Soomaaliyana ay kujirto. Sida uu Wakaaladda SONNA u sheegay agaasimaha waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya mudane C/risaaq Cabdi Cabdullaahi oo kamid ah wafdiga wasiir Maareeye uu hoggaaminayo ee shirkaasi ka qeybgalay. Mudane Maxamed Cabdi Xayir(Maareeye) iyo wafdigiisa ayaa shirkaasi ku soo bandhigay fursadaha dhanka ganacsiga Dalxiiska ee kajira Soomaaliya,maadaama dalka uu haatan ka soo kabanayo burburkii,islamarkaana uu cagta saaray dhabihii horumarka. Sidoo kale waxaa wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu kulamo gooni gooni ah uu la yeeshey qaar kamid ah madaxdii ka qeybgashey shirkaasi,waxaana kamid ahayd wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda ee Talyaaniga (Emanuela Claudia Del Re ) oo ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga labada dal iyo in dowladda Talyaanigu ay taageerto qorshayaal lagu horumarinayo warbaahinta dalka. Khudbad uu ka jeediyay furitaanka shirkaasi ayuu wasiirku ku ammaanay dowladda Talyaaniga sida ay dhabarka ugu ridatay martigelinta muhaajiriinta Afrikaanka ah,kuwaasi oo dalkaasi galaya,iyagoo ka gudbaya badda Mediterraneanka ee isku xirta dalalka Afrika iyo Qaaradda Yurub. Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid ah wadamada galaangalka ku leh taageerada Soomaaliya,waxaana jira xiriir soo jireen ah oo ka dhexeeya labada dowladood,taasi oo fursad u siinaysa Soomaaliya in ay ka faa’ideysankarto barnaamijyadan horumarinta ganacsiga Dalxiiska. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo wasiirkii arimaha gudaha dowladda Soomaaliya, haatana lagu wado inuu noqdo mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2020/21 Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu uga hadlayo sharciga doorashooyinka Qaranka oo maanta loo qeybiyey xildhibaanada golaha shacabka. Cabdikariin Guuleed ayaa guddiga soo diyaariyey sharcigaas ku amaanay wax ka bedel loo baahnaa oo uu sheegay inay ku sameeyeen qodobada qaar, isagoo sheegay inay jiraan dhaliilo kale oo uu wali sharcigaas ka qabo. Halkaan Hoose ka akhriso qoraalka Mr. Guuleed oo dhameys tiran: QABYO QORAALKA SHARCIGA DOORASHOOYINKA. Waxaan si guud u soo dhaweynayaa qabyo qoraalka wax ka badalka sharciga doorashooyinka ee gudiga baarlamaanku uu maanta u qeybiyay xubnaha golaha shacabka. Haddaba anigoo marka hore ku amaanaya gudiga sharafta leh dadaalka weyn ee ay ku bixiyeen inay sharciga si guud u soo waafajiyaan dastuurka ku meel gaarka ee dalka u yaala iyo wadatashiga balaaran ee ay sameeyeen intaba, haddana waxaa jira arimo dhawr ah oo aan qabyo qoraalka ka qabo sida: 1. In kasto aynu ognahay in sharcigu uu yahay mid guud (Universal) oo aan sanad doorasheed gaar ah khuseynin, haddana waxay aheyd in gudiga ay wax ka soo yiraahdaan suurta galnimada in sharcigaan doorasho loogu gali karo sanadka 2020, maadaama uu shaki weyn ka jiro suurta galnimada qabsoomidda doorasho qof iyo codkiisa, sababaha soo socda awgeed: A. Xaaladda amaan dari ee dalka ka taagan, taaso keenaysa in qeybo badan oo dalka ka mid ah aysan ka qabsoomi karin doorasho qof iyo codkiis ah. B. Waqtigii doorashada golayaalka sharci dajinta ee baarlamaanka oo ay ka harsan tahay in ka yar hal sano. T. Sharcigii Soomaalinada (Citizenship law) oon weli shaqadiisa aan la bilaabin waqti iyo dood siyaasadeed badannna u baahan. J. Tirintii iyo tirakoobkii cod bixiyayaalka oo aan la heynin iyo ayadoo ay muuqato in mudada gaaban ee dhiman laga gaarin arinkaas. X. Heshiis iyo isfaham la,aanta siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada gacanta ku haya goobaha doorashadaas ay ka dhici laheyd. Kh. Uradada siyaasadeed ee curdinka ah ee Dalka ka hana qaaday oo aan weli gaarin xaaladihii ay uga bixi lahaayeen ururninada uguna gudbi lahaayeen heer loo aqoonsan karo Xisbi siyaasadeen, iyadoo ay weliba sii dheertahay inaysan soo muuqanin ififaalo muujinaya in ay shuruudaha ku xeeran Xisbinimada ee ay ku soo buuxin karaan mudada ka dhiman xili Doorashada Dalka ee 2020. 2. Waxaa ka muuqda sharciga dulduleelo sharci oo dhiiragalin kara, horseedina kara muddo kororsi Hay’adaha dastuuriga ah ee haatan jira, arinkaas oo khatar siyaasadeed iyo amniba galin karta dalka, dib u dhac weynna ku keeni karta. Gabagabadii waxaan is leeyahay in sharcigu uu oga baahan yahay xildhibaanada sharafta leh dood iyo falanqeyn weyn, si loo helo hanaan sharci doorasho oo xaaladaha haatan jirana looga gidbo, mistaqbalkana la jaanqaadi kara.
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahan safar shaqo ku joogay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa halkaasi kula kulmay mas’uuliyiinta UAE u qaabilsan Tababarka iyo Taakuleynta ciidanka Puntland ee PMPF. Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in uu mas’uuliyiinta Imaaraadka ku qanciyay, in ay sii wadaan Qandaraaska shirkadda PDG oo dowladda UAE ay Adeega iyo Saadka u soo marin jirtay ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa bishii June ee sannadkan hakisay Logistic-kadii ay ciidanka PMPF u soo marin jirtay shirkaddaasi PDG, kadib markii uu khilaaf ba’an soo kala dhex-galay Saamileydii ku midaysnaa PDG, islamarkaana uu khal-khal ku yimid hawlihii shirkaddaasi. Sidoo kale, saraakiisha Imaaraatiga ayaa wakhtigaasi ku hanjabay, in ay gebi ahaanba Qandaraaska kala laaban doonaan shirkadda PDG, kadib markii la xallin waayay khilaafka u dhexeeya Saamileyda ku midaysan Shirkadda. Balse, madaxweynaha Puntland ayaa sida la sheegayo mas’uuliyiinta UAE u xaqiijiyay, in xal rasmiya laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Saamileyda PDG, isagoo ku qanciyay in ay sii wadaan Qandaraaska PDG ee Taakuleynta ciidanka PMPF. Wararku waxay intaas ku darayaan, in madaxweynuhu safarkiisi soo geba-gabeeyay, isagoo la filayo in uu maalinta Sabtida soo socota dib ugu soo laabto magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. PUNTLAND POST The post XOG: Deni oo dowladda Imaaraadka ku qanciyay in ay sii wadaan Qandaraaska PDG appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT- Manchester)-Nin Soomaali ah, oo isku dayay inuu dilo saddex qof, oo uu ku jiray askari ka tirsan booliska Britain ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah. Mahdi Maxmuud ayaa falkaas ku geystay weerar uu toorri u adeegsaday oo ka dhacay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Manchester. Ninkan 26 jirka ah, ayaa toorri la dhacay lammaane wada socday, ka dibna wuxuu weeraray askari lagu magacaabo Lee Valentine, oo ka howlgalayay Manchester Victoria, dabayaaqadii sannadkii lasoo dhaafay. Waxaa hore loogu sheegay in 11 sano oo xabsi ah lagu xukumi doono ka dib markii uu qirtay saddex nooc oo dambi ah, oo dhammaantood la xidhiidha isku day dil iyo fal argagixisanimo ah. Maxkamadda Manchester Crown ayaa ku dhawaaqday xukunka. Maxamuud ayaa marka hore lagu xidhi doonaa meel ka mid ah cisbitaal amnigiisa si weyn loo adkeynayo. Garsoore Stuart-Smith, oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sida ay wax u dhaceen u sheegay Mahdi, oo daggan xaafadda Cheetham Hill ee magaalada Manchester, wuxuuna ku yidhi ; “Waxaad adigoo si daggan ugu dhex socda goobta tareennada laga raaco aragtay lammaanaha”. “Kadib waad daba raacday, waxaad lasoo baxday mid kamid ah toorriyahaaga waadna ku weerartay. Waxaad weerartay adigoo damacsan inaad disho”, ayuu yidhi garsooraha. Garsooraha ayaa sheegay in dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah ay ninkan u horseedeen inuu ku fikiro arrimo jihaadi ah, laakiin uu qaadan karay mas’uuliyadda buuxda ee weerarka uu geystay. Maxamuud ayaa marka cisbitaalka laga saaro loo gudbin doonaa xabsi uu noloshiisa ku dhameysan doono. Maxkamadda ayaa horay loogu sheegay in Maxamuud uu daba socday lammaanaha, oo da’dooda lagu sheegay 50-meeyo, abaare saacaddu markii ay ahayd 21:00 GMT, 31-kii bishii December. Wuxuu ku dhawaaqay erayada “Allahu Akbar” iyo “ha noolaado khaliifada”, kadibna wuxuu ku weeraray toorri. 13 dhaawac oo ninka haweeneyda la socday soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah jab, halka haweeneydana dhaawaca wajigeeda ku dhacay uu gaadhay ilaa lafta. Mr Valentine, oo 31 jir ah ayaa rasaas ku riday Mahdi, balse waxay ku hakatay jaakaddiisa, mana aysan curyaaminin. Askariga oo ka tirsanaa booliska gaadiidka ee Britain ayaa garabka laga tooriyeeyay ka hor inta aan ninka weerarka fulinayay la xidhin. Middi kale oo nooca jikada lagu isticmaalo ah ayaa laga helay Mahdi jeebkiisa, booliska Manchester ayaana sheegay inay sidoo kale ka heleen waxyaabo badan oo muujinaya fikradaha argagixisada. Afar askari, oo uu ku jiro Mr Valentine (qofka labaad ee dhinaca bidix) iyo labo shaqaale oo kale Maxamuud, oo heysta dhalashada Netherlands, asal ahaanna kasoo jeeda qoys Soomaali ah, ayaa UK tagay isagoo 9 jir ah, waxaana lagu xagjireeyay dhinaca internet-ka, sida ay booliska ku warrameen. Det Supt Will Chatterton ayaa yiri: “Kani wuxuu ahaa weerar argagax leh oo dhacay mid ka mid ah maalmaha ugu mashquulka badan sanadka waana ogahay in dadka waxyeelladu gaartay ay waligood xasuusnaan doonaan arrintaas. “Shaki kuma jiro waxa dhici lahaa haddii uu Maxamuud adeegsan lahaa middida weyn ee ku jirtay jeebka jaakaddiisa”. Maxamuud aabihiis, oo warqad u diray garsoorka maxkamadda, ayaa sheegay in qoyskiisu ay dadka dhaawacmay u duceynayeen tan iyo markii uu dhacay weerarka “argagaxa” leh, wuxuuna sheegay inuu aad uga mahadcelinayo jawaabta degdegga ah ee ay ciidanka amnigu bixiyeen. Wuxuu intaas ku daray in qoysku ay aad uga “argagaxeen”, ayna “naxdin weyn” dareemeen markii ay maqleen waxa uu wiilkiisa sameeyay, isagoo sheegay in haddii uusan dhibaato dhinaca maskaxda ah qabin uusan sameyn lahayn ficil noocaas ah. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Ku Baaqay In Loo Gurmado Dadka Reer Saylac, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshe ay doonayaan in dalka ay uga qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, markii lagaaro dhamaadka sanadka 2020-ka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa marar badan sheegay in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana aysan jiri doonin muddo korarsi iyo in dib loogu laabto nidaamka soo xulista Baarlamaanka ama nidaamkii doorasho ee ugu dambeysay ee ahaa doorasho dadban. In kastoo madaxda dowladda Soomaaliya ay doonayaan in dalka ay ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah ayaa hadane waxaa muuqda ilaa 7 qodob oo diideysa in doorasho nuucaas xiligaan ay dalka ka dhacdo, islamarkaana loo baahan yahay in laga fikiro qorshe kale oo isbadal maamul lagu gaaro 13 bil kadib. Qodobada diidaya in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa ka mid ah ilaa 7-daan qodob oo muhiim ah doorashooyinka nuucaas oo kale ah. 1 – In la ansixiyo sharci doorashooyinka dalka oo ka soo gudbay Golaha Wasiirada, islamarkaana hadda horyaalla Golaha Shacabka kadib markii ay soo gudbiyeen guddi dib u eegis ku sameeyey sharcigaasi. 2 – In tiro koob lagu sameeyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed maadaama uu dalka ka soo kabanayo bur bur iyo dhibaatooyin, islamarkaana aysan jirin tiro koob sax ah oo la sameeyay, kaas oo la isku raacsan yahay. 3 – Diiwaan gelinta cod-bixiyaasha ayaa sidoo kale ah qodob kale oo muhiim ah oo aysan la’aantiis waxba socon karin. 4 – Sidoo kale dalka kama jirto kalsooni amni waxaana qatar weyn ku ah Al-Shabaab, xataa ma jirto kalsooni amni oo lagu qabo magaalooyinka ay dowladda maamusho iyo kuwa maamul gobaleedyada. 5 – In la sameeyo Maxkamadda dastuuriga ah ee kala saari laheyd Xisbiyada markii la isku qabsado ama muran ka yimaado natiijada doorashada 6 – Dhameestirka qabya qoraalka dastuurka oo muddo dheer soo jiitamayay, kaas oo aan ilaa hadda xal laga gaarin. 7 – Iyo in la dhameeyo wadahadala Soomaaliya iyo Somaliland oo aan marna fariisan tan iyo wixii ka dambeeyay Xukuumadda hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Falanqeeyaasha arimaha Soomaaliya iyo dadka yaqaana arrimaha doorashooyinka ayaa sheegay in ilaa laga helo 7-daas qodob in aysan dalka ka dhicin karin doorasho xor iyo xalaal ah oo ay dadweynaha Soomaaliyeed ku doortaan qofkii ay u baahnaayeen. Siyaasiga Cabdiraxaman Cabdishakuur Warsame ayaa todobaadkaan Yurub ka sheegay qaar kamid ah qodobadaan waxa uuna kamid yahay boqolaal kale oo aragtidaan aaminsan.
  23. Five people died early Wednesday in a fire on the 14th floor of a Minneapolis public housing high rise, and three others were hospitalized, authorities said. Source: Hiiraan Online