-
Content Count
213,994 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland uu maanta doortay Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl. Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Puntland: Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo la kulmay gudoomiyaha cusub ee Baarlamanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane; Xasan Cali Khayre, iyo madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub. Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Federica Mogherini, oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga, ayaa adkeysay sida ay midowga Yurub ka go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata Bulshadeeda hal abuurka leh ee Dhallinyarada u badan iyo kheyraadkeeda dabiiciga ah. Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu la qaatay Federica Mogherini ayaa qeyb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midowga Yurub. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu socdaal ku tago magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. Madaxweyne Biixi ayaa la sheegaya in uu dhamaadka bishan uu socdaal shaqo ku tagi doono dalka Kenya, inkasta oo xogta safarkaasi si rasmiya loo ogeyn, haddana ma cad in uu marti qaad uu ka helay Madaxweynaha Kenya uu ku tagayo. Wararka laga helayo safarka Biixi ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in safarkiisa uu Kenya ku tagayo dhamaadka bishan ay ka soo shaqeeyen siyaasiyiin miisaan culus ku leh dalka Kenya. Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa in uu Nairobi kulan kula yeesho Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, taasi oo ka dhigaysa Biixi madaxweynihii saddexaad ee Somaliland, ee ay qaabilan madaxweynayaasha Kenya. Safarkan la filayo in uu Madaxweyne Biixi ku tago dalka Kenya ayaa waxa uu ku soo aadaya xili ay hore u sheegeen siyaasiyiin Kenyan ah in Biixi uu socdaal ku iman doono Nairobi inta uusan dhamaan sanadkan. Dowladda Kenya ayaa culeys weyn kala kulmeysa qaar kamid ah siyaasiyiinteeda miisaanka culus, kuwaasi oo ku cadaadinaya in Kenya ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Somaliland. Siyaasiyiintan oo qaarkood wasiiro ah ayaa xoojinta xiriirka Somaliland u arka tallaabo lagu cadaadinayo Dowladda Soomaaliya oo xiisad dhanka muranka badda ah ay kala dhaxeyso Kenya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-14112019.mp3 View the full article
-
Taliska ciidanka xoogga dalka, qeybta 60-aad ayaa sheegay in maalmaha soo aaddan ay bilaabi doonaan howlgallo lagu furi doono waddooyinka u xiran Xarakada Al-shabaab. Jeneraal Maxamed Sheekh C/laahi, taliyaha cusub qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan u furi doonaan waddooyinka xiran, shacabkuna uu si xor ah ku isticmaali doono. Meelaha ay ciidanka xoogga dalka howlgalkaan ka fulin doonaan ayaa ah gobollada Koonfur Galbeed oo waddooyin badan aanay shacabku mari karin. Al-shabaab ayaa go’doon geliyey qaar ka mid ah degmooyinka gobollada dalk, waxaana ay xirteen waddooyinka gala degmooyinkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, iyo madaxweyne ku-xigeenka midawga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub. Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Federica Mogherini, oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga, ayaa adkeysay sida ay midowga Yurub ka go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata Bulshadeeda hal abuurka leh ee Dhallinyarada u badan iyo kheyraadkeeda dabiiciga ah. Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu la qaatay Federica Mogherini ayaa qeyb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midowga Yurub. Source: goobjoog.com
-
Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa maanta waxaa ka dhacday doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, kadib markii bishan 7-deedii ay xildhibaannada Puntland eryeen guddoomiyahoodii C/xakiin Dhoobo Daareed. Doorashada maanta ayaa ka dhacday xarunta baarlamaanka Puntland, waxaana ku tartamay Saddex musharrax, kuwaasi oo kala ah: 1- Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil 2- Xildhibaan Cali Axmed Saalax 3- Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed Musharraxiinta kala ah Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil oo 34 cod helay iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo isna helay 17 cod ayaa usoo gudbay wareegga Labaad. Ugu dambeyn, xildhibaannada Puntland ayaa guddoomiye u doortay Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17 Cod. Guddoomiye Jibriil waxaa horyaalla shaqooyin aad u badan, isaga oo maalmaha soo aaddan la filayo in xilka si rasmi ah uu ula wareeggo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Puntland Parliament on Thursday elected Abdirashid Yousuf Jibril as a new speaker. Three candidates, Abdirashid Yousuf Jibril, Abdijamal Osman Mohamed, and Ali Ahmed Dhahar took part in the election. Abdirashid received 46 votes of the MPs in the round three of the voting, while his rival Abdijamal Osman Mohamed saved 17 votes, the election commission announced. In a brief speech after the victory, he promised to be a leader that has a compromise and tolerance, working closely with the various institutions of the government. Last week, Puntland Parliament kicked out the former speaker Abdihakin Dhoobo-daareed, who had been in office less than a year. View the full article
-
Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo has called upon the Somali business community in neighboring Kenya to play their part in the efforts to provide humanitarian assistance to citizens affected by the flooding in the country. More than 200, 000 people were affected by the flash floods in three main regions namely Hiran, Bakol and Lower Jubba following heavy torrential rains in the past weeks. The head of state was speaking during a meeting with the business people in Nairobi after attending the United Nations coordinated International Conference on Population and Development on Wednesday. President Farmajo, who briefed them on the recent political and security development back home appealed to the diaspora community in the East African state to help his government rebuild the reclaimed embassy in Nairobi. “The diplomatic mission belongs to you; we need you to play a key role in its refurbishment to show the world that we can do it.” The event which took place at the Somali embassy was also attended by other government officials that accompanied the President in his visit including, the State Minister for Foreign Affairs, Abdulkadir Ahmed Khayr, Health Minister, Dr. Fowzia Abikar Nur, and Ambassador Ahmed Nur Tarsan. View the full article
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,kadib markii 7-dii Bishaan ay Baarlamaanka Maamulkaas xilkii ka qaadeen guddoomiyahoodii Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed. Doorashada oo ka dhacay hoolka Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ku tartamay Saddex musharax oo kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed. Wareega koowaad oo codeynta ayaa waxaa u soo gudbay musharixiinta kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 34 Cod iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo helay 17,waxaana Wareego koowaad ku haray Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar). Wareega labaad oo doorashada ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, waxaana Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland ku guuleystay 4 Sano ee soo socota Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil kaas oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 17 Cod. Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf waxaa uu siyaasadda Puntland ku soo biiray sannadkii 2014, xilligaasi oo uu agaasimaha waaxda Warfaafinta ka noqday madaxtooyada Puntland, isagoo xilkaasi hayay 5-tii sano ee xukuumadii Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayuu ku soo biiray sannadkan 2019, waxaana laga soo doortay degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha cusub ayaa lagu tilmaamaa shakshi saamayn weyn ku leh siyaasadda Puntland ee ku wajahan arrimaha gobolka Sanaag. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay xilka ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib markii ay mooshin ka keeneen, waxaana muddo todobaad gudihiis ku dhacday xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore iyo doorashada Guddoomiyaha cusub. Halkaan ka daawo Shirqool lagu dili rabay Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo la shaaciyey Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garowe (SMN) – Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu doortay gudoomiye cusub markii xilka ka qaadeen afhayeenkii hore. Doorashadaan oo ay codkooda ka dhiibteen 63 mudaneyaal ayaa waxaa ku tartamay Cali Axmed Dhahar, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed. Coddeynta oo laba wareeg loo galay ayaa waxaa kusoo baxay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo noqday afhayeenka cusub ee Golaha wakiiladda. Natiijadda wareega koowaad ee coddeynta Cali Axmed Dhahar 12 cod Cabdijamaal Cismaan Maxamed 17 cod Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 34 Natiijadda wareega koowaad ee labaad Cabdijamaal Cismaan Maxamed 17 Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 46 View the full article
-
Puntland parliament elects Abdirashid Jibril as new speaker
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
GAROWE (HOL) - Puntland parliament Thursday elected Abdirashid Yusuf Jibril as the new speaker following the ouster of immediate former office holder Abdihakim Ahmed Dhoobo. Source: Hiiraan Online -
Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibrill Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta guddoomiye cusub u doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kadib markii ay todobaadkii hore xilka ka xayuubiyeen guddoomiyihii hore, Cabdixakiin Maxamed Axmed ( Dhoobo). Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 63 mudane, ayaa Cabdirashiid Yuusuf Jibriil 46-cod ka helay wareegii labaad, halka musharrixii ku soo xigay Cabdi jamaal Cismaan Maxamed uu isna helay 17-cod. Saddex xubnood oo keliya ayaa ka maqnaa fadhiga Baarlamanka. Doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, waxaa ku tartamay saddex musharrax oo kal ah; guddoomiyaha la doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed. Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf waxaa uu siyaasadda Puntland ku soo biiray sannadkii 2014, xilligaasi oo uu agaasimaha waaxda Warfaafinta ka noqday madaxtooyada Puntland, isagoo xilkaasi hayay 5-tii sano ee xukuumadii Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Sidoo kale, Baarlamanka Puntland ayuu ku soo biiray sannadkan 2019, waxaana laga soo doortay degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha cusub ayaa lagu tilmaamaa shakshi saamayn weyn ku leh siyaasadda Puntland ee ku wajahan arrimaha gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo doortay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa hadda magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland ka socota doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamulkaasi. Arrintan ayaa imaaneya kadib markii guddoomiyihii hore Dhoobo Direed shaqada laga diray 7-badii bishan, waxaa mooshin ka keenay ilaa 45 mudane. Doorashada maanta ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku tartamaya 3 Musharax oo kala ah Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cabdijamaal Maxamed Cusmaan iyo Cali Axmed Saalax. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ayaa sheegaya in dalalka dariska ay yihiin saamiley dano ka leh Soomaaliyeed, isla markaana ay adeegsadaan siyaasiyiinta , xildhibaannada, dowlad goboleedyada iyo qeybo kale. Farmaajo oo arrinkaas ka hadalaya waxaa uu yiri ““Dowladaha dariska oo saamileyda qeyb ka ah, oo dano qaran ka leh dalkii, oo iyagu naftigooda rabo iney saameyn ku yeeshaan waxa shaqeynaya, haddii qaarkood ku jeclaan waayaan, oo uma arkaan in aadan la shaqeyneyn, waxaa ay heystaan iney ku soo dhex maraan dowlad goboleed, waxaa ay heystaan iney ku soo dhex maraa 2,000 oo siyaasiyiinta ahaa, waxaa laga yaabaa iney ku soo dhexmaraan xildhibaannadii, waxaa laga yaabaa iney ku soo dhexmaraan dowladda dhexdeeda, marka iyagu naftigoodu waxaa weeye in aad xiriir fiican la yeelato”. Dhinaca kale, Farmaajo waxaa uu intaasi ku daray in hadda ay Khaliijka ku soo biireen, mar uu ka hadlayey waxaa uu yiri “Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay iney hadda Khaliijka ku soo biireen “Hadda waxaa nagu biiray khaliijka, oo iyagu naftigoodu qeyb ka ah howlaha socda, caqabadahaas oo dhan ayaan mid weliba waxaan ku heynaa xargo si dowladdu u shaqeyso, oo u hano qaado, oo wax la taaban karo, waqtiga yarka ah ay heysato u qabato”. Farmaajo ayaa safar shaki badan ku jooga magaalada Nairobi, lamana oga ujeedkiisa rasmiga ah ee uu halkaasi u tagay, mana jirto cid wax ka og jadwalkiisa shaqo iyo cidda uu la kulmayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo kala ah Shuceyb C/llaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdijabaar Xuseen. Labadan dhalinyaro ayaa loo heystaa inay ka qeyb qaateen dilal ka dhacay magaalada Muqdisho oo loo geystay askar ka tirsan ciidanka dowladda. Saadaq Cabdijabaar ayaa loo heystaa inuu ka mid ahaa Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta fulisa dilalka qorsheysan, waxaana lagu qabtay dilka Marxuum Ex Dable Maxamuud Xasan Ibraahim oo la dilay bishii March ee sanadkan 2019. Eedeysanaha kale Shuceyb C/llaahi Maxamed ayaa isna loo heystaa dilka 3 askari iyo qof shacab ah oo ka ganacasanayay Hilibka, waxaana Maxkamadda ku soo eedeysay inuu siyaabo kala duwan ugu dilay Muqdisho illaa saddex askari laga soo bilaabo sanadkii 2017 illaa 2018. Shceyb ayaa si gaar ah loogu soo eedeeyay inuu dilay Saddex askari oo lagu kala magacaabo Marxuum Ex- S/X/le X. Xuseen Macalin Cali Jilacow 28/06/2017, Marxuum Ex- G/le Bol. Yuusuf C/laahi Max’ud 09/12/2017 iyo Marxuum Ex- L/x/le Bol, C/laahi Ibraahim Xasan (Gambar) 05/05/2018,, halka Marxuum Cabdi Cali Max’ud oo ahaa nin shacab ah oo ka ganacsanaayay hilibka (Kawaanle) uu dilay taariikhda marka ay aheyd 27/11/2018, waxaana uu sidoo kale dhaawac xabadeed uu u gaysatay Dhibane C/raxmaan Max’ed Cali. Sidoo kale Maxkamadda ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Maxamed Cismaan Axmed iyo Ismaaciil Aweys, kuwaasoo iyana loo heysto falal xiriira amni daro ka qeyb qaadashada d Labadan Eedeysane ayaa loo heystaan inay qorsheynayeen dilka gabar qaadka ka ganacsatada, waxaana ka fashilmay isku dayga dilkooda, kaddib markii Ciidamo ka tirsan Booliska oo howlgal ku jiray ay gacanta ku dhigeen raggan, xilli ay wateen mooto bajaaj, kuna hubeysnaayeen Bastoolado. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa sheegtay in qofkii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada uu ka qaadan karo racfaan. Halkaan ka daawo Shirqool lagu dili rabay Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo la shaaciyey Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay kulan gaar ah la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in 3-dii sano oo ay joogeen ka shaqeeyeen xasilooni siyaasadeed. Madaxweynaha oo arrinkaas ka hadalaya waxaa uu yiri “Waxaan aaminsanahay in aan ku soconno 3 sano, 3 sano aan joognana waxaan aaminsanahay in wax badan noo hagaageen, howl badan, oo aad u fara badanna ay noo dhiman tahay, waxyaabaha aan ku guuleysanay waxaa ka mid ah: in aan fahmay caqabadaha dalka heysta, runtii dowlad ahaan wax heerkan na soo gaarsiiyey, oo u eg in aan fadhiid nahay, oo aanu horay u socon waxaa ay aheyd xasilooni siyasaadeed la’aan, dalku xasilooni siyaasadeed ma laheyn muddo dheer, waad la socotaan dalku waxaa hormaraa marka siyaasadiisa ay degan tahay, dadka mas’uuliyiinta wada shaqeyn leeyihiin, shacabku fahamsan yihiin dowladooda meesha ay u socoto, waxay aheyd arrin aan ka gaabinay, laakin innagu aan fahamnay, in dowladdu ay xasilan tahay, madaxweynaha iyo PM-ka wada shaqeyn leeyihiin, xukuumadda iyo baarlamaanka wada shaqeyn leeyihiin, shacabka iyo dowladda wada shaqeyn leeyihiin, Madaxweyne Farmaajo waxaa uu rajeynayaa in isaga iyo ra’isul wasaare Xasan Kheyre ay sii wada joogi doonaan sanadka haray“Waxaa ugu horeeya oo dhibaatooyinka inta badan ka taagnaan jireen waa madaxweynaha iyo PM-ka, 3 sano waa xalinay arrintaas, waxaan rajeynayaa sanadka noo harayna in aan ku dhameystirno inuusan dhicin xasilooni la’aan siyaasadeed ineysan dhicin. Farmaajo ayaa safar shaki badan ku jooga magaalada Nairobi, lamana oga ujeedkiisa rasmiga ah ee uu halkaasi u tagay, mana jirto cid wax ka og jadwalkiisa shaqo iyo cidda uu la kulmayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warbixin cusub oo ay soo-saareen baareyaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in militeriga Kenya ay mas’uul ka yihiin 5 weerar oo loo geystay shirkad isgaarsiin oo ku taalla waddanka Kenya deriska la ah ee Soomaaliya iyo waliba duqeymo lala eegtay goobo ay deggan yihiin dad rayid ah iyadoo halkaas lagu dilay laba qof. Ciidanka Kenya ayaa weeraray qalab shirkad isgaarsiin oo Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 illaa 2019 iyadoo ujeedku ahaa in isgaarsiinta laga jaro xarrakada Alshabaab kuwaas oo damacsanaa inay qaraxyo fuliyaan, waa sida quburo amni ay ku sheegeen warkii ugu dambeeyey ee kasoo baxa kuwaas oo u gudbiyey golaha ammaanka isniintii. Kooxdan quburada ah kuwaas oo dabagal ku sameeya cunna-qabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in ciidanka Kenya ay weerareen 12 taawar oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ee saldhiggeedu yahay magaalada Muqdisho. Quburadan dhanka amniga ah waxay sheegeen inay si madax bannaan u xaqiijiyeen shan weerar oo ka dhashay dhimashada laba qof oo shacab ah sida guddiga cunna-qabateynta ee Qaramada Midoobay ay xaqiijiyeen. Qof waardiye ah iyo qof kale oo ay qaraabo yihiin ayaa ku dhintay duqeyn ay ciidamada Kenya u geysteen xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Hormuud bushii July 2018 sida warka kasoo baxay guddigan Qaramada Midoobay lagu sheegay. Ciidamada dalka Kenya dhankooda wey iska fogeeyeen ku lug lahaanshaha weerarradan intii lagu guda jiray shir ay la lahaayeen quburo ka socotay Qaramada Midoobay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa wuxuu baaq u diray shacabka ku nool magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Ibraahim Cumar Mahad Alle, gudoomiye ku xigeenka Maaliyada, ayaa ku waaniyey dadweynaha in ay la shaqeeyaan laamah aammaanka. Mr Ibraahim Dheere ayaa hoosta ka xariiqay in maamul ahaan ka go’an tahay sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatooyinka amniga. Gobolka Banaadir ayuu xusay in uu ku dedaali doono sidii loo xoojin lahaa kaalinta dadweynaha ka cayaaraan nabad-gelyadda. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili shalay maamulku soo bandhigay laba ruux kuwaas oo lagu eedeeyay falal liddi ku ah xasiloonida. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Amni.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
