Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa markale ku celiyey in ciidamadiisa qeybta ka ah howgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM aysan ka bixi doonin Soomaaliya, ilaa la helo nabad waarta. Madaxweyne Uhuru ayaa sidaasi yiri mar uu ku sugnaa xero lagu carbiyo milatariga dalkaasi oo ku taalla magaalada Nakuru oo ah tan afaraad ee ugu weyn dalka Kenya. Inta ay jirto ayuu yiri madaxweyne Kenyatta khatarta Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka in ciidamadiisa ay sii laba jibaari doonaan howgalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay qeyb libaax leh ka qaadanayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa Soomaaliya, islamarkaana loo wiiqi lahaa awoodooda, si nabad ay u helaan dalalka dariska. Ciidamada milatariga ee Kenya aya markii ugu hoRreysay Soomaaliya soo galay sanadkii 2011, kadib weeraro isbada joog oo uga yimid dhinaca Al-Shabaab,walow markii dambe si rasmi ah ay uga mid noqdeen ciidamada Kenya howkgalka AMISOM ee Soomaaliya View the full article
  2. (SLT-Muqdisho)-Dowladda Sacuudi Carbaiya ayaan weli wax jawaab ah kasoo bixin safiir ay xukuumadda Federaalka u magacowda dalkaas muddo ku dhaw lix bilood ka hor. Warbaahinta gudaha oo xiganeysa mid ka mid ah dadka u dhaw xukuumadda ayaa shaacisay in Sacuudi Carbiya ay qaaday tallaabo diidmo ah, inkastoo ayna jawaab usoo dirin, haddana aamusnaantooda waxa ay si diblomaasiyan ah u dhigantaa sida la fahamsan yahay diidmo. Saraakiil kala duwan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in Sacuudiga ay si cad u diideen safiirka la magacaabay maadaama ayna jawaab kusoo bixin muddo 90 maalmood gudahood ah, oo ah waqtiga ugu badnaan la sugo in laga falceliyo digreetooyinka noocan ah. Xidhiidhka u dhaxeeya labada dowladood ayaa la dareemayaa inuu hoos u dhacay tan iyo markii uu dilaacay khilaafkii u dhaxeeyay wadamada Khaliijka Carabta, waxaana la fahamsan yahay in Sacuudiga aanu ku qancin sida ay Soomaaliya ugu dhawdahay dowladda Qatar oo ay xidhiidhka u jareen isaga iyo isbaheygisiiga. Cabdiakiin Xasan Ashkir ayaa digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo loogu magacaabay inuu yahay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, balse digreetadu ma noqon mid la aqbalo iyadoo dhawr jeer ay safaro halkaas ku aadeen saraakiil sar sare oo dowladda Soomaaliya ka tirsan si ay arinta u xaliyaan basle lagu guuldareystay. Soomaaliya waxay qiratay iney mowqifka khilaafka Khaliijka Carabta dhex-dhexaad ka tahay, hadana waxey dadka siyaasadda falanqeeya fahamsan yahiin inay dhanka Qatar u jilicsan tahay Source
  3. Guddiga farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay odayaasha soo xulaya baarlamaanka cusub ee maamulkaasi. Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha soo xulista baarlamaanka 2-aad ee dowlad goboleedka Galmudug. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa inay isku afgarteen in la xoojiyo wada shaqeyntooda, lana dadajiyo howlaha doorashada maamulkaasi. Bisha December ee beri noo bilaabaneyso ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweyne ee maamulka Galmudug. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Doorashada Cabdirashiid Riyo-raac, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Xubinta Guddida Doorashooyinka Ee UCID Oo Xaaraan Ku Tilmaantay Doorashada Cabdirashiid Riyo-Raac, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Riyad (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudi Carbaiya ayaan weli wax jawaab ah kasoo bixin safiir ay xukuumadda Federaalka u magacowda dalkaas muddo ku dhaw lix bilood ka hor. Warbaahinta gudaha oo xiganeysa mid ka mid ah dadka u dhaw xukuumadda ayaa shaacisay in Sacuudi Carbiya ay qaaday tallaabo diidmo ah, inkastoo aysan jawaab usoo dirin, haddana aamusnaantooda waxey si diblomaasiyan ah u dhigantaa sida la fahamsan yahay diidmo. Saraakiil kala duwan oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in Sacuudiga ay si cad u diideen safiirka la magacaabay maadaama aysan jawaab kusoo bixin muddo 90 maalmood gudahood ah, oo ah waqtiga ugu badnaan la sugo in laga falceliyo digreetooyinka nucaan ah. Xiriirka u dhaxeeya labada dowladood ayaa la dareemayaa inuu hoos u dhacay tan iyo markii uu dilaacay khilaafkii u dhaxeeyay wadamada Khaliijka Carabta, waxaana la fahamsan yahay in Sacuudiga uusan ku qancin sida ay Somaliya ugu dhawdahay dowladda Qatar oo ay xiriirka u jareen isaga iyo isbaheygisiiga. Cabdiakiin Xasan Ashkir ayaa digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Farmaajo loogu magacaabay inuu yahay safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, balse digreetadu ma noqon mid la aqbalo iyadoo dhawr jeer ay safaro halkaas ku aadeen saraakiil sar sare oo dowladda ka tirsan si ay arinta u xaliyaan basle lagu guuldareystay. Soomaaliya waxey qiratay iney mowqifka khilaafka Khaliijka Carabta dhex-dhexaad ka tahay, hadana waxey dadka siyaasadda falanqeeya fahamsan yahiin iney dhanka Qatar u jilicsan tahay.
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa sheegay inay joojiyeen siidhkii dalka dibaddiisa laga keeni jiray, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada huwanta ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi. Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyey howlgallo cusub ka bilaabay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka dhaqaaqaeen dhanka deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi. Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa ujeedka ku sheegay inuu la xariiro sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanadaasi. Xaaladda aya ah mid kacsan, waxaana haatan dadka deegaanka soo wajahday cabsi la xariirya in dagaal uu ka qarxo halkaasi. View the full article
  9. Warbixin uu soo saaray xafiiska xiriirka iyo howlaha bin’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay khasaaraha ka dhashay fatahaadihii ugu dambeeyay ee ka dhuftay Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu xusay in fatahaadaha ay saameeyeen dad gaaraya 574,000 , halka boqolaal kalena ay ku qasbeen in ay guryahood ka barakacaan. Sidoo kale warbixinta ka soo baxday xafiiska xiriirka iyo howlaha bini’aadanimada QM ayaa tilmaameysa in tiro intaasi ka badan ay xilligan u baahan yihiin biyo nadiif ah, adeeg caafimaad iyo cunooyin. Magaalada Beledweyne ayaa ah meelaha ugu badan ee fataahadaha, waxaana ku barakacay in ka badan 231 kun oo qoys. Beledweyne ayaa hadda laga dareemayaa soo kabashi,waloow nolosha aysan wali sideedii hore ku soo laaban. View the full article
  10. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada DFS, maleeshiyaad deegaanka oo isku dhinac iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Gedo. Dagaalka oo ka dhacay duleedka Baardheere ayaa waxaana uu yimid, kadib markii dadka deegaanka ay ka biyo diideen xoolo lagu sheegay Zakawaad oo ay weydiisteen Al-Shabaab. Abaanduulaha ciidanka Xoogga qeybta Baardheere, Maxamed Cali C/laahi ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa 6 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna dhaawaceen tiro kale. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka ay ku gubeen labo gaari oo ay lahaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/ccc-1.mp3 l View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-30112019-we.mp3 View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca Uganda ayaa ka digay in wakhti loo qabto ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay in laga fiirsado ciidamada la dhimayo. Mbasu Mbadi oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Difaaca Uganda ayaa sheegay in Uganda ay waxqabad muuqda ka sameeyeen Soomaalia mar uu magaalada Muqdisho kula kulmay taliyayaasha ciidamada dalkiisa eek u jira hawlgalka AMISOM. Taliye ku xigeenka wuxuu soo bandhigay sida ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa wadankiisa Uganda ay hormuud ugu yahiin hormarka ay dowladda Soomaaliya sameysay maadaama ay hadda maamusho magaalooyin waaweyn oo aysan markii hore gacanta ku heynin. “Dhiigeena iyo dhididkeena ayaa ku daatay nabadda Soomaaliya, hadda ganacsigu waa mid furan, Dowladdana wey shaqeyneysaa, si aan la mid aheyn 2007, waxeyna wakhtigaas ku shaqeyneysay Kenya” ayuu yiri Mbasu Mbadi. Hadalkaas kasoo yeeray wuxuua ahaa mid uu digniin uga dhigayo beesha caalamka kuwaas oo ku fakaraya iney wakhti u qabtaan bixitaanka ciidamada Uganda ee gudaha Soomaaliya ama in la dhimo, wuxuuna soo jeediyay in mar walba arinta lagu saleeyo sida ay xaaladda Soomaaliya tahay.
  13. Lix xubnood oo ka mid ah Komishanka Cusub ee Somaliland ee muranka adagi ka aloosan yahay ayaa doortay Gudoomiye & Gudoomiye-xigeen. Waxay Gudoomiye u doorteen Cabdirashiid Riyo-raac oo ah Shaqsiga Ismaandhaafka iyo muranka adag ee ka dhex oogan xisbiyada & Xukumada Xudunta u ah,Halka Gudoomiye xigeena loo doortay Mustafe max’ed Daahir oo isaga laftiisana la sheegay inaanu buuxin shuruudaha lagu fuudhiyo Xubinta noqon karta Komishan Qaran Waa Kuma Cabdirashiid Riyo-raac Halkan ka daawo:- Qaran News
  14. Kulank ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxay ku doorteen guddoomiye cusub. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa loo doortay C/rashiid Riyo Raac, iyadoo xubnaha guddiga ay sheegeen in shaqsiga u qalmo qabashada xilkan. Doorashadan ayaa imaaneysa xilli horey u jirtay cabasho badan oo laga muujinayey guddiga doorashada Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray laba kamid ah Nabaddoonada gobolka Bari, oo shalay ka soo muuqday warbaahinta, iyagoo dhaliilaya xukuumadda Puntland. Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo shalay dowladda Puntland ku dhaliilay heshiisyo ay sheegeen in ay la gashay Imaaraadka Carabta. Odoyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka soo horjeedan, Heshiiska DP world iyo garoonka diyaaradaha Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka, sida ay hadalka u dhigeen. Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga gobolka Bari, oo diiday in la xigto magacyadooda, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay xariga labada Nabaddoon, waxaana ay sheegeen in hadda loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso. Nabaddoonada ayaa mid kamid ah xalay gurigiisa laga qabtay, halka kan kalena saaka suuqa laga qabtay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha aan xiganayno. PUNTLAND POST The post Nabaddoono lagu xiray magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  16. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweynaha Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ka hadlay ciidamo Itoobiyaan ah oo dhowaan la geeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Odowaa oo war qoraal ah soo saaray ayaa si gaar ah ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sheegay in ciidamada dowladdiisu geysay magaaladaasi aysan cabsi galin doonin, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedada ciidamada Itoobiya loo geeyey Dhuusamareeb ay tahay in lagu boobo dooorashada dhowaan ka dhaceysa gudaha degmadaasi. Halkan hoose ka aqriso: Madaxweyne Farmaajo iyo ciidamada Ethopia Madaxweynaha markii uu doorashada raadinaayay wax ugu wayn ee uu ku soo ganbaday waxa ay aheyd inuu wax ka qabanayo faragalinta Ethopia ay Soomaliya ku hayso. Madaxweynuhu maba daahin ee markuu xilka qabsadayba waxa uu si aan xishood laheyn u billaabay in uu dadka Soomaliyeed ku cabburiyo ciidamada dowladda Ethopia. Dhacdooyinka soo socda ayaa marqaati u ah xogtaan hoos ku xusan: Waxa uu 2017, asaga oon xilka sanad hayn, dalka Ethopia u gacan galiyay Mujaahid Qalbi-dhagax, isla markaana ONLF ku tilmaamay ururu argagixiso. Soomali badan oo aan ka mid ahaa iyo barlamaanka Soomaaliya haddi aysan ka dhiidhi lahayn, waxay maanta nagu wada ahaan lahayd ceeb qaran, balse waxay hadda ku kooban tahay asaga iyo kooxdii la ogeyd. Waxa uu 2018 ku afduubay doorashadii Koonfur Galbeed, laguna xasuuqay dad badan oo reer Baydhaba ah oo dalbanaayay xuquuqdooda dastuuriga ah. Sidaa si la mid ah ayaa ciidamada Ethopian ka ahi ugu soo afduubeen Mukhtaar Roobow oo illaa hadda aan sharciga la hor keenin. Waxa uu isku dayay in uu ku weeraro Kismaayo ciidan Ethiopian ah si ay ugu soo afdubaan Madaxweyne Axmed Madoobe, laakin Madoobe oo ka khibrad badan kooxda Farmaajo ayaa xiray airport ka Kismaayo, kuna jaray baabur jidka ay diyaaraddu ku dagato, sidaas ayayna ciidamadii uu madaxweynuhu soo kireystay ku fashilmeen. Waxaa hadda ka socda deegaannada Gedo afduub iyo caga jugleyn ay u gaysnayaan ciidamada Ethiopia cid kasta oo Madaxweynaha ka ra’ayi duwan oo joogta deegaannadaas ama tageersan Madaxweyne Madoobe. Waxaa ugu danbeeya kuwa uu hadda ku sii daabulayo Dhuusamarreeb si uu ugu boobaan doorashooyinka Galmudug una soo afduubaan musharraxiinta kasoo horjeeda aragtidooda, illeen ma aaminsana in si xor iyo xalaal ah nooga adkaan karo. Haddaba waxaan xasuusinayaa Madaxweynaha filimkaas hore ayaan usoo galnay waxa uuna ku dhamaaday ciidamadii Ethopia oo dhammaa 50 kun oo dhaawac iyo dhimasho sita oo ka qulqulay dalkeenna. Mudane Madaxweyne waxaa Youtube-yada ka buuuxa warkaagii shalay, dhaqankaaga maantana cid walba waa arkayasaa, waxaan kuugula talin lahaa inaad is daba qabato, nama cabsi galinayaan ciidamada aad Dhuusamreeb ku sii daabulayso, dadka reer Galmudug na ma aha kuwa baqdin galinta wax looga helo.
  17. Sawir hore: Dekedda Boosaaso Xubno ka tirsan odoyaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta gobolka Bari ,oo shalay shir ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa si adag u dhaliilay Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso oo ay sheegeen in aan waxba ka fulin. Odayaasha ayaa xukuumadda Puntland u soo jeediyay in heshiiskaasi laga laabto, maadaama sida ay ku tilmaameen aysan waxba ka fulin qodobadii lagu heshiiyay, islamarkaana uu curyaamin ku yahay dhaqaalaha Puntland. Sidoo kale, waxay dalbadeen in garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE laga soo celiyo, shirkad laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta oo ay sheegeen in dowladdu ku wareejisay. Haddaba, Siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo laba kamid ah odoyaasha wax dhaliilsan oo la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay waxa ay diiddan yihiin. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah odoyaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Bari oo sheegay in aan waxba ka fulin Heshiiskii DP World appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Hargeysa)-Guddida cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa Guddoomiye u doortay Cabdirashiid Riyo-raac fadhi ay maanta yeesheen, halka guddoomiye ku xigeena u Doorteen Mustafe Maxamed Daahir Dhawal. Cabdirashiid ayaa ahaa xubinta ay sida weyn uga soo horjeedeen xisbiyada mucaaradka. Guddida dhexdhexaadinta oo maanta la kulmaya madaxweynaha ayaa la sheegay in ay shalay ka digeen in guddidu guddoomiye doorato inta ay dhexdhexaadinta wadaan. Source
  19. Laba bil ka hor ayaa Warbaahinta Puntlandi.com oo soo xiganaysay ilo Dublamaasiyadeed waxay shaaciyeen in Madaxweyne Farmaajo uu Saaxiibkii Abiy Ahmed uu ka dalbadey Ciidamo [...] Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Lacagti Miisaniyada ugu jirtay Xisbiyada Somaliland ayaa la dhimay sida ku Cad li faaqa Misaaniyada ay ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland. Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta ansixiyey Odoroska miisaaniyada Qaranka ee 2020. Golaha ayaa dood dheer ka dib waxay raaciyeen waxna ka bedeleen Miisaaniyadii dawladu u soo gudbisay golaha waxaanay ku lifaaqeen Goaanadan hoos ku qoran. Soo Jeedinta Miisaaniyadda 2020. Soo jeediinta dooda Mudaneyaasha ee Miisaaniyadda Qaranka 2020 qodobada ka soo baxay ee lagu ansixiyey Miisaaniyada guud ee Qaranku waa sidan 1) In Madax/xigaha 26404408 ee kabka Xisbiyada laga jaro lacag dhan 3,500,000,000 (Saddex Bilyan iyo shan boqol oo milyan) lacagtaas oo loo wareejinayo Cusbitaalada waaweyn ee Dalka (Hargeysa, Berbera, Borama, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood) 2) in Mad/xigaha 2211348 ee Miisaaniyadda Wasaarada Arrimaha Dibada ee sanduqa aqoonsi raadinta Somaliland laga jaro 1,500,000,000/= (Hal bilyan iyo shan boqol oo milyan ) Bilyan oo lagu daro qoondada Wakiilada si ay uga qayb-qaataan aqoonsi raadinta. Soo jeediinta Guddida dhaqaalaha ee Miisaaniyadda qaranka 2020. In Miisaniyadda 2020-ka ee dawladdaha hoose laga saaro miisaniyadda dawladda dhexe madaama oo hore gole goaan uga soo saaray in la kala qaado miisaniyaddaha dawladda dhexe iyo miisaniyadda dawladdaha hoose In Miisaniyadda dawladda hoose ay dib uga wada shaqeeyaan guddida dhaqalaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda arrimaha gudaha, maadama aan miisaniyaddan ina hor taala aanay faah faahsanayn isla markaana ay ka maqantahay qaybtii ka hadlaysay kharashka kuna koobantahay dakhli guud oo kaliya. In Mashaaricaha iyo deeqaha kale ee aan ku jirin Miisaniyadda sanadkan 2020-ka ka wada shaqeeyaan Guddida Dhaqalaha ee Golaha Wakiilada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka si loogu soo daro Miisaniyadda sanadka dambe ee 2021 haddii Allahu ka dhigo In mashaaricaha socda iyo deeqda qaranka oo aan hadda ku dhamayn Miisaniyaddan ay ka wada hawl galaan guddida dhaqalaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta, warbixina looga soo gudbiyo golaha kalfadhiga soo socda. Si loo hubiyo hirgalinta iyo xaqiijinta Miisaniyadda in warbixinta xisaad xidhka uu soo gudbiyo Hanti-dhawraha guud xilliyadda uu u cayimay xeerka hanti dhawr-ka Guud ee Qaranka Waa in la raacaa muddooyinka uu u cayimay soo gudbinta miisaniyadda qaranka sida uu dhigaayo xeerka maamulka maaliyadda taas oo guddida iyo golahaba siinaysa wakhti waafi ah oo lagu falan qeeyo isla markaana laga dodo Miisaniyadda In kaalmada ururka Naafada ee DAN lagu daro Miisaniyadda 2020-ka Waa in la sameeyo hannaan cashuureed oo lagu dhiiri galinaayo waxsoosaarka dalka. Share this: Source
  21. Waxaa maanta oo Sabti ah la shaaciyey magacyada Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada cusub ee maamulka Galmudug . Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacyada 44 Odey dhaqameed u gudbisay Gudiga farsamada maamul dhisida Galmudug. Odayaashan ayaa maanta lagu wadaa in la xareeyo, si ay u bilaabaan soo xulista xildhibaannada cusub ee Galmudug oo tiradoodu gaareyso 89 Mudane. Hoos ka akhriso magacyada odayaasha soo xulaya xildhibaanada cusub ee Galmudug PUNTLAND POST The post Waa kuwee odayaasha soo xulaya baarlamaanka cusub ee Galmudug? appeared first on Puntland Post.
  22. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Tuesday conducted an awareness training for Somalia National Army (SNA) personnel in Kismayo, the administrative capital of Jubbaland State, to educate soldiers on human rights as well as mainstreaming gender into their operations. The training was attended by over 60 SNA soldiers and officers operating in Jubbaland State. They were taken through important lessons such as security sector reforms, gender mainstreaming, and prevention of conflict-related sexual violence, sexual exploitation, and abuse. Colonel Mohamed Bedel Hassan, commander of the 11th Division of the 43rd battalion of SNA in Jubbaland, who spoke after the training, said the soldiers had learned valuable skills that would enable them to execute their duties diligently. “Today, at our 43 battalion headquarters, the training was held on the dangers of recruiting children into the forces, deforestation, environmental protection and taking care of our neighborhoods. The training went well and we hope such training to continue in the future. The training is important because helps us clean and protect the environment,” the Col. Added. Hamouda Mohammed Kanu, the Head of AMISOM Security Sector Reforms stated that the workshop was aimed at increasing the awareness and understanding of the soldiers about human rights issues. CONDUCT AND DISCIPLINE “It was to sensitize them on issues of security sector reform, issues of conduct and discipline, issues of gender mainstreaming, issues of international humanitarian law and issues of environment protection and child protection,” Hamouda said. Brigadier Juma Mwinyikai, AMISOM Sector 6 Commander reminded the soldiers to relate with the civilian population and during their operations and protect the most vulnerable members of the community, especially women and children. “You should be aware of civil-military cooperations, how to relate in uniform with our brothers and sisters who are not in uniform, how men and women in uniform relate with the population and the civilians in villages and towns, also the issue of security sector reforms. We tackled international humanitarian law, human rights, gender, child protection, and conflict-related sexual violence,” Brig. Mwinyikai said. Mohamed Hussein Hassan, a Somali SNA soldier, said the training had given him important lessons on human rights and the protection of vulnerable people. “I thank the organizers of this important training which includes how not to violate human rights and how we need to protect the environment, protect vulnerable people and all those we swore to protect,” Hassan said. View the full article