Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,984
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo muddo ay ku sugnaayeen. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah Dagaalyahannadii Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ayaa faarujiyey saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen halkaasi, si ay ula wareegeen gaca deegaanadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab la saaray culeys xoogan, islamarkaana duqeymihii u dambeeyey ee lala beegsaday ay sababeen inay dib uga gurtaan deegaanada Deeqlo iyo Maraale. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka dhacay saraakiisha Al-Shabaab oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ka socda nawaaxiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Muddooyinkii dambe ciidanka Milatariga Soomaaliya, kuwa daraawiishta Galmudug iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyey howlgallada ka socda gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ay weli ko xoogan yihiin dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  2. MOGADISHU (HOL) - Former president and opposition leader Sheikh Sharif Ahmed has declared the opposition will ‘decisively fight back’ any attempts by the federal government to suppress its activities in the country. Source: Hiiraan Online
  3. Guddoomiyaha Xisbiga UPD , xubinna ka ah madasha xisbiyada qaran, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladda federaalka ah ku mashquulaan, shaqana ka dhigtaan cidda garoonka ka baxeysa ama ka soo dageysa. Mudane Xasan Sheekh oo arrintan ka hadalaya waxaa uu yiri “Nasiib darro 7-badii subaxnimo , 11-kii iyo jarjar ayaan ka baxnay, dowladda federaalka ah mas’uuliyidda ugu sareysa hoggaanka dalka, mas’uuliyadda lama wadaago, madaxweynaha ayaa dalka mas’uul ka ah, xukuumadda ra’isul wasaaraha ayaa mas’uul ka aha, labadoodu iney shaqo ka dhigtaan hebel diyaar ha raaco, hebel uu raacin, hebel diyaaradiisa dib haloo dhigo, dalkan waxaa uu leeyahay hey’ad duulis oo mas’uul ka ah, ninkii madaxda ahaa intan u yeernay ayaan ku niri “ Hey’adda duulista iyada ayaa garoomada, hawada mas’uul ka ahe, amarkaaga miyey diyaaradda ku joogtaa? “ Maya ayuu dhahay, aniga amarkeyga kuma joogto”, wixii ka soo hara marka wixii ay ku joogto waad garan kartaa, madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha isku tagaan, hal xafiis isla fariistaan, maanta oo dhan telefoono ku jiraan hebelow adiga xagga ka riix, oo wiilasha shaqaalaha ay ciriiri geliyaan, oo ay dhibaan, innaga Baladweyne inta aanan tagin, diyaarad midda aan wadanay 4 jeer ka miisaan weyn ayaa ka degtay”. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu tilmaamay in garoonka Baladweyn aaney biyo ku jirin isaga oo edeb darro ugu yeeray waxa lagu sameeyey”Garoonka diyaaradaha Baladweyn, meel yar oo biyo ugu jiraan iska daaye, boorka ka kacayey xisaab ma leh, edeb darro iyo dulmi iyo been sheeg ayey aheyd garoonkaa saan iyo inta ayaan saan ah, marka dowlad hoggaankeeda waxaas ku mashquulsan yahay, goorma ayey kacee oo wax qabsanee? Ugu dambeyntii, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in dalka aaney wax shaqo ah ka soco isaga oo yiri “Dalka meesha uu taagan yahay waa meeshaas, shaqo ma jirto, dowladnimo lagama shaqeeyo”. Madasha xisbiyada qaran oo shalay gargaar u waday dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyn ayey xariyaar ku sameeyeen qaar ka mid ah hey’adaha dowladda iyaga oo ka been sheegay cimilada, taasi oo markii dambe been noqotay, wafdigiina uu geeyey gargaarkii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka warbixiyey dadaallada xoogan ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka. Waare ayaa sheegay in la soo gabagabeeyey wejiga 1-aad ee gurmadka oo ahaa badbaadinta dadka, islamarkaana uu haatan socdo wejiga labaad ee Samafalka. Wejiga labaad wuxuu tilmaamay in laga shaqeynayo kaliya sidii dadkaasi dhibaateysan loo gaarsiin lahaa cunto, biyo nadiif ah iyo daawo. Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha HirShabelle ku baaqay in aan loo kala harin u gurmaashada dhammaan dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalooyinka Bardaale iyo Beledweyne. “Gurmadka Fatahaadda wuxuu ahaa Saddex weji, kan Koowaad wuxuu ahaa badbaadinta dadka wuuna inoo dhammaaday, waxaan hadda ku jirnaa wejiga Labaad oo ah Samofalka, xagga cuntada, xagga biyo dhaaminta, hoyga, daawada, nadiifinta magaalada, Todobaadkan ama kan dambe waxaan rajeeneynaa inuu inoo dhammaado, waxaana bilaabi doonnaa wejiga Saddexaad oo ah dib u kabashada, waxaan u baahannahay in la fuliyo Shan Mashruuc oo arrintaasi wax looga qaban karo oo ugu horreeyo Garoonka diyaaradaha in laga shaqeeyo rajo fiicanna waan leenahay.” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle. Dowladda federaalka oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ayaa wada qorshe ballaaran oo gurmad iyo caawimaad deg deg ah loogu fidinayo dadka dhibaateysan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  5. Warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in malayshiyaadka Al-shabaab ay isaga baxeen degaanno ka tirsan koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Al-shabaab ayaa ka baxay degaannada Deeqlo iyo Maraale oo hoosyimaada degmada Xarardheere, kadib markii cabsi xoogan ay kasoo wajahday dhanka Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgallo ka wada halkaasi. Wakaaladda Wararka SONNA, ayaa ka soo xigatay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda in malayshiyaadka Al-shabaab ay ka carareen degaannada hoostaga Xarardheere, kadib markii ciidamada Federaalka iyo saaxibadood todobaadkii la soo dhaafay ay duqeyn ka geysteen dhulkaasi. Wakaaladda ayaa sheegtay, in ciidanka dowladdu ay halkaasi ka wadaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga saarayo degmada Xarardheere iyo tuulooyinka hoosyimaada ee dhaca koonfurta gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la sheegay in ay ka baxday degaanno ka tirsan koonfurta gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  6. Sanatorada Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Golahaasi, waxayna uga arrinsan doonaan Hindise Sharciyeedka Istaraatiijiyada Qaranka. Golaha Aqalka Sare ayaa waxa maanta hor yaalla ajandaha ah akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Istaraatiijiya Qaranka, iyagoona dood adag ka yeelan doono sharcigaasi Sidoo kale Sanatorada Aqalka Sare ayaa la filayaa in ay wax ka dhimis iyo wax ku darid intaba ay ku sameeyaan Hidise Sharciyeedka Istaatiijiyada Qaranka. Aqalka Sare oo ku jira Kalfadhigii lixaad ayaa waxaa hor yaalla sharciyo muhiim ah oo laga sugayo inay meel mariyaan. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Puntland oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sida ay shalay dowladda ula dhaqantay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Ugu horreyn Gaas ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadaasi, wuxuuna sheegay in madaxdii hore ay mudan yihiin in la ixtiraamo, islamarkaana loola macaamilo si degan. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre inay dajiyaan xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka. “Waa ka xumahay runtii waxa dhacay, horayna u dhacay, maantana dhacay waa nasiib darro, Madaxweynayaasha dalka ayay soo xukumeen, in la ixtiraamo ayay mudan yihiin qof kasta oo soomaali ka mudan yihiin, waqti adag bey wadankaan u soo shaqeeyeen oo Madaxweynayaal u soo ahaayeen.”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ugu dambeyn wuxuu dowladda kula taliyey in ay keento qorshe lagu xasilin karo xiisada jirta hadda, si loo yareeyo shidada haatan taagan iyo is mari-waaga siyasaadeed ee u dhexeeya madaxda dalka iyo mucaaradka. “Sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa”ayuu yiri C/weli Gaas. Shalay ayey markale is qabteen madaxda dowladda iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka oo booqasho ku tegay Beledweyne, inkastoo dowladdu lagu eedeeyey in ay siyaasadeysay socdaalkaasi oo sababay xiisado hor leh oo u dhexeeya labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysnaa oo xalay ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa rag hubeysan ay ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saaka bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi . Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  9. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ku aadanaa in dolwadda uu ka saari doono Muqdisho, haddii aysan joojin dhaq dhaqaaqyada ay wado. Maxamed Cabdo Xayir Maareeye ayaa sheegay in hadalkaasi uu ku noqday mid filan waa ah, islamarkaana uu dhaawacayo nabad galyada iyo horumarka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd inuu u damqado dalkiisa, islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii loo xasilin lahaa. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-soofaysane-2.mp3 View the full article
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay haatan wadaan wejiga Labaad ee u gurmashada dadka uu saameeyey fatahaadda Wabiga Shabelle. Waare ayaa tilmaamay in uu dhammaaday wejigii Koowaad ee gurmadka, kaasi oo ahaa badbaadinta dadka, wejiga Labaadna yahay dhanka Samofalka. “Gurmadka Fatahaadda wuxuu ahaa Saddex weji, kan Koowaad wuxuu ahaa badbaadinta dadka wuuna inoo dhammaaday, waxaan hadda ku jirnaa wejiga Labaad oo ah Samofalka, xagga cuntada, xagga biyo dhaaminta, hoyga, daawada, nadiifinta magaalada, Todobaadkan ama kan dambe waxaan rajeeneynaa inuu inoo dhammaado, waxaana bilaabi doonnaa wejiga Saddexaad oo ah dib u kabashada, waxaan u baahannahay in la fuliyo Shan Mashruuc oo arrintaasi wax looga qaban karo oo ugu horreeyo Garoonka diyaaradaha in laga shaqeeyo rajo fiicanna waan leenahay” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle. Magaalada B/weyne waxaa weli ka soconaya dedaallada loogu gurmanayo shacabka uu saameeyey fataahadda Wabiga Shabelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-11112019-ok.mp3 View the full article
  12. Guddoomiyaha Maxkamada Abukar Cabdinuur Jaamac Maxkamadda Derejada kowaad ee degmada Boosaaso, ayaa xukuntay laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Labada eedaysane ayaa sida maxkamaddu sheegtay, waxaa lagu helay in ay gudaha Boosaaso dhac iyo furasho ugu gaysteen dad shacab ah, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay geed-macmal ah oo ay u ekaysiiyeen qoryaha fudud. Eedaysanaha kowaad, Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe) ayaa maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah. Eedaysanaha labaad, Faysal Cabdinaasir Cabdullaahi ayaa isna maxkamaddu ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah. Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in ay jiraan eedaysanayaal kale oo aan weli la horkeenin, iyadoo ka dalbatay xeer-ilaalinta in si dhakhso ah loo horkeeno eedaysanayaash maqan. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Maxkamadda Boosaaso oo xukun ridday appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha dalka Shiinaha Mr. Xi Jinping ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magalada Athenis ee dalka Griigga ,halkasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn heer sare ah oo ay hormuud ka yihiin madaxda dalkaasi. Booqashada Madaxweynaha oo qaadaneysa muddo 3-cisho ah ,waxaa inta uu joogo dalka Giriigga uu madaxda dalkaasi kala hadli doonaa sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga ganacsi iyo kan dhaqaalaha ee ka dhexeeya labada dal. Madaxweynaha Shiinaha wxa uu mudada uu joogo dalka Girigga uu boooqan doonaa dekada Piraeus oo ay maamusho shirkada shixnadaha Cosco ee ay leeyihiin Shiinaha . Waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 10 alaabada dalka Shiinaha uu u dhoofiyo dalalka Yurub,waxa ay sii maraan dekedda Piraeus oo kulaasha biyaha badda Meditareeniyamka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Shiinaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray dalka Giriiga appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil hore uga tirsanaa hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa hadda xilla sare ka haayo ciidamada amaanka oo la soo xariiray Caasimada Online ayaa muujiyay walaac xoog leh oo ay ka qabaan amaanka madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda. Saraakiishaan oo naga codsaday in aanan adeegsan magacyadooda ayaa Caasimada Online u sheegay in ay jirto dayacaad amni oo weyn oo halis ku ah ammaanka madaxweyiyaashii hore ee dalka islamarkaana aysan ku baraarugsaneen madaxda dhibaatada ay wajahayaan. “Saacad walba ayay Shabaab beegsan karaan. Ka sokow Shabaab, dalka waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed oo xoog leh dilalka iyo weerarada dhacana kaliya ma fuliyaan Al-shabaab ee waxaa jira falal argigixiso oo ku lug leh siyaasadaha is diidan oo ay geestaan dad la yaqaano balse loo saariyo Al-Shabaab waxaana ii muuqda in hogaamiyaashaasi ay dayacan yihiin” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo aan qarinay magaciisa iyo xilka uu ka haayo Booliska. “Baaritaan dheer lama marsiiyo dadka ka qaybgala xafladahooda, sidoo kale ma ahan dad la yaqaano, waxay u badan yihiin arday laga soo aruuriyay jaamacadaha kuwa ay keeneen arday kale oo ah dhalinyaro xaafadeed, qaarkood waa iska yimadaan baaritaanka la marana aad ayuu u jilacsan yahay waxaa dhici karta in qaraxyo lala soo galo, sidoo kale waxaa dhici karta in ay toogasho dhacdo mana heestaan ciidan ilaaliyo oo ka baara halka ay u socdaan meesha ay fariisanayaan iyo dadka u soo dhaawanaya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan Booliiska Soomaaliya. Sidoo kale Saraakiil hore oo ka tirsan hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay qalad tahay in madaxdii hore ay ku safraan hal diyaarad, sidoo kalane ay aadan magaalo ay ka jirto qatar amni oo ka kooban laba nuuc oo kala ah. Qatarta amni ee dalka ka jirta oo ka imaan karta argigixisada dalka ama dhinacyo kale, iyo qatarta labaad biyaha magaalada ku soo fatahay oo ay ka dhalin karto xaalado amni oo halis ah, oo labadooda ay mar qura ku bixi karaan. Masuuliyiintaan ayaa madaxdii hore ee qaranka ka dalbaday in ay joojiyaan safarada halka diyaarad ah sidoo kalane ay kordhiyaan taxadarkooda balse aysan ku koobin oo kaliya iska ilaalinta qartarta Al-Shabaab laakiin ay ogaadaan saameentooda iyo dalka ay rabaan in ay ku dhax shaqeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Wasiir Maareeye Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, oo si adag dowladda ugu hanjabay, kadib markii ay shalay laba jeer isaga iyo wefdigiisa ku xannibtay garoomada diyaaradaha Muqdisho iyo Beledweyne. “Magaaladaan **********aa heysan jirtay sow maaha, waa lala dagaalamay waa la raacdeeyay mise waa beentey, Itoobiyaanaa soo galay maxaa lagu sameeyay waa la eryay,Shabaabaa qabsaday, Maka xoog badan yihiin dadkaan. Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi hadeysan joojin waan bixineynaa” ayuu yiri Sheikh Shariif. Wasiirk Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xalay saqdii dhexe warbaahinta u sheegay in hadalka Sheikh Shariif uu layaab iyo filan-waa ku noqday dowladda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in uu ilaaliyo sharaftiisa iyo karaamadiisa, islamarkaana taxaddar ka muujiyo wax kasta oo dhaawacaya magaca Qaran ee uu xambaarsanyahay Sheikh Shariif. “Warka ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa mid la yaab iyo filanwaa ku noqday ummada Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof hore dalkaan xil astaan qaran u soo noqday.” Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mr Maareeye. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay laba jeer xannibaado kala duwan u geysatay wefdi ka socday xisbiyada ka dhisan Muqdisho, oo ay hoggaaminayeen madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamed, kuwaasi oo gurmad u siday dadkii ku waxyeelloobay fatahaadda Beledweyne. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay hanjabaadii Sheikh Shariif appeared first on Puntland Post.
  16. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u jawaabtay madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, kadib shir jaraa’id oo uu qabtay. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri sidan: Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad ula yaabtay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Mudane Shariif Sheikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ahaa hadal filan-waa ku noqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaasoo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan Astaan Qaranka u soo noqday. Sidaas Awgeed, waxaanu Madaxweynihii hore Shariif Shiekh Axmed ugu yeeraynaa in uu dhowro magaciisa iyo sharaftiisa, kana taxadaro wax kasta oo dhaawacaya muuqaalka Qaran ee uu Xambaarsan yahay Madaxweyne hore. Dawladda Soomaaliyeed, Madaxdii hore ee Qaranka iyo cid kasta oo doonaysa horusocodnimada Dalkan waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta Midnimada, bad-qabka iyo amniga guud ee Dalka. Ummadda Soomaaliyeed waxay manta hiigsanaysaa horumar iyo nabad, cid kasta oo hogaanka soo qabatay waxaa laga sugayaa in ay ka qayb qaataan xoojinta iyo ka miro dhalinta himilooyinka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso codka wasiir Maareeye: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/11/Codka-Maareeye.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Toddobaadyadii la soo dhaafay, gudaha Soomaaliya, dowlad-goboleedka Hirshabelle – oo ka kooban gobollada Hiraan iyo Shabeelle – waxaa ku dhuftay, ka dib bilooyin abaar ah, roobab mahiigaan ah oo sababay musiibo bini’aadannimo in ka badan laba boqol iyo saddex iyo toddobaatan kun oo barakacay iyo tobannaan dhintay. Fatahaada wabiga shabeelle ayaa waxyeeleeyay guryo, dalagyo iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo burburiyey dhamaan noocyadii dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha, halka isbitaal kuyaala magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan dhanka galbeed ee muqdisho uu xirnaa. Nasiib darrose, si kastaba ha noqotee, wixii hadda dhacay si ballaadhan ayaa loo filayay. Horaantii sanadkii hore magaalada Beledweyne waxaa ku soo fatahay daadad rabshado wata oo Talyaanigu wuxuu u qoondeeyay 6 milyan oo Euro miisaaniyaddii 2019 ee dib-u-dhiska barkadihii hore ee bilaa-haadka ahaa soddonkii sano ee dagaalka sokeeye ka dib dhicitaankii. General Siyaad Barre. Laga soo bilaabo 2018, sidaa darteed, mashruucu wuxuu lahaa inay soo diyaariso FAO iyadoo lala kaashanayo dowlad goboleedka Hirshabelle oo ay dowladda dhexe u soo bandhigtay dowladda dhexe shaqsi ahaan Wasaaradda Beeraha laakiin bishii Luulyo ee la soo dhaafay, ka dib markii la soo saaray “wareegtada howlgalka” , Iskaashiga horumarineed wuxuu Soomaaliya u yareeyay 6 milyan oo doolar, taas waxaa la oran karaa waa xaq maalinta ku xigta markii Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya, Saciid Xuseen Iid, uu ku sugnaa Rome doorashada Agaasimaha Guud ee cusub. ee FAO. Haddaba, wax yar uun ka dib daadadkii maalmihii la soo dhaafay, ayay FAO u dirtay qabyo-qoraalka mashruuca riwaayadda Guddoomiyaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware kaas oo taleefanka naga soo gaadhay, oo xaqiijiyey helitaanka dukumintiga, laakiin wuxuu sheegay in aanu samayn inaad wax ka ogaato jarista lacagta Talyaani taasoo, asaga, had iyo jeer la heli karo iyadoo lagu saleynayo macluumaadka la helay laba bilood ka hor. Waxaan markaa u yeernay Wasiirka Beeraha Saciid Xuseen Iid oo amaaney shaqada wanaagsan ee Talyaanigu ka qabtay Soomaaliya, laakiin isaga xitaa lacagtii lama goynin, maxaa yeelay, waxaa lagu saleynayaa kulan lala yeeshay guddiga dhibaatada ee daadadka. Toddobaadkii hore, Talyaanigu wuxuu xaqiijiyay helitaankiisa. Wadahadal khadka taleefanka ah oo aan ku yeelanay Rome ayaa xaqiijiyay in ay jiraan lacago loogu talagalay dib u dhiska bangiyada wabiga Shabeelle, laakiin ay ku jiraan saadaalintii ay ku bixi lahaayeen 2020. Haddii xisaabtu aysan fikir aheyn, 6da milyan ee loogu talagalay dib-u-dhiska Dowlad-goboleedka Hirshabelle sanadka 2019 waxaa lumiyey iyadoo aan laga warqabin mas’uuliyiinta Soomaaliya oo Wasiirka Beeraha uu leeyahay mas’uuliyadda ugu weyn ee ah inuusan waqtigiisa ku soo bandhigin mashruuca. . Falanqayn qoto dheer ayaa waxay horseeday in la hubiyo in aysan ahayn markii ugu horreysay ee lacagaha loogu talagalay Soomaaliya aan lagu kharash gaarin dib-u-dhacyada ku yimaada horumarinta mashaariicda iyo dib-u-dhacyadaasi inta badan waxaa sabab u ah maqnaanshaha heshiisyo laba geesood ah oo toos ah oo u dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya oo aan horey u jirin. wali dib ayaa loo soo celiyay ka dib dhicitaankii Siyaad Barre. Ilaa iyo hadda isku dayga Soomaaliya ee jihadaasi ma noqon wax natiijo ah. Si loo taageero mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, Talyaanigu wuxuu maraa dhinac saddexaad (FAO, UN, IFAD, iwm). Sidaa darteed faafinta buqcadda oo ka hortagaysa in Soomaaliya ay si toos ah u ogaato deeqsinimada Talyaaniga iyadoo ay soo noqnoqonayso luminta tabarucaadka loo baahan yahay si loo yareeyo dhibaatada daran ee dadkeeda. Haddii dhibaatooyinkaas si weyn looga guuleysan karo iyadoo la raacayo sharuudaha heshiiska laba geesoodka ah, way adkaan lahayd in laga gudbo dhibaato kale oo inta badan ka dhaceysa kiisaska: doorashada qandaraasleyaasha. Laakiin halkan su’aashu ma aha diblomaasiyad iyo sharci dejin midna. Sidoo kale, hoo, waxaa ku xaddidan xiriirka u dhexeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya oo keliya. Waxaa qoray: Wargeyska la Repubblica ee Rome W/T: Muuse Maxamuud Jiisow
  18. It was a cold and cloudy day at Toronto Pearson International Airport but spirits were high and the mood was celebratory in Terminal 1 as Ethiopian Airlines celebrated the first arrival of its new Airbus A350 to the city and country. Source: Hiiraan Online
  19. Kenya's population census figures have been released, causing controversy among some groups who feel the results are not fair or accurate. Source: Hiiraan Online
  20. Higher than usual rains are expected to continue throughout November and December. Source: Hiiraan Online