-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliye, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa halkaasi kula kulmaya mas’uuliyiin ka tirsan ururka Midowga Yurub. Wasiir Sadiiq, ayaa ugu horreynba la kulmay madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol. Kullanka waxaa si qoto dheer looga hadlay Shaqada, Xuquuqda Shaqaalaha, Daryeelka Bulshada iyo Dib-u-habeeynta Shaqaalaha Rayidka. “Inta uu kullanka socday waxaan si aad ah u caddeeyay ajandahayaga ,waxaana codsaday in Midowga Yurub door taageerro ku yeesho dadaallada aan ku dooneyno dib u habeynta shaqaalaha iyo shaqo abuurka.” ayuu yiri wasiir Warfaa oo Midowga Yurub ku ammaanay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol – wuxuu muujiyay inta uu kullanka socday sida ururka ugu qanacsanyahay dadaallada socda ee dib u habeynta shaqaalaha iyo Daryeelka Bulshada, wuxuu markaa caddeeyay Midowga Yurub inuu garab taaganyahay qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta, fursadaha shaqadana ay ku helayaan ‘kuwa ugu muhiimsan’. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa dadaal ku bixinaya xal u helida shaqo la’aanta iyo daryeelka bulshada,waxaana muddada uu ku suganyahay Brussels uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta Belgium, Midowga Yurub iyo hay’adaha caalamiga ah oo arrimahaa uu kula hadlayo. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa, waxay ku doorteen guddoomiyaha cusub ee Komishanka Somaliland. Xubnaha Komishanka ayaa guddoomiye u doortay Cabdirashiid Riyo Raac, kaasi oo xubinimadiisa uu muran badan ka abuuray xisbiyada mucaaridka Somaliland iyo Xukuumada Muuse Biixi. Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland, Waddani iyo Ucid ayaa hore uga hor imid Cabdirashiid Riyo Raac in uu kamid noqdo xubnaha komishanka, balse ay isla markiiba ay ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland. Xisbiyada ayaa Riyo Raac u arkayey xubin aan dhex-dhexaad ka noqon karin xisbiyada iyo Xukuumada, kuna eedeynayay in uu dhinac la yahay xukuumada Muuse Biixi, oo iyadu u muuqata mid dabada ka riixeysay doorashada Riyo Raac. Guddiga ayaa sidoo kale waxay Mustafe Daahir oo isagna ka mid xubnaha Komishanka u doorteen Guddoomiye kuxigeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland. Waxa ayna doorashadani ku soo aadeysa xili uu weli muran baahsan oo aan la xalin ka taagan-yahay komishankan cusub ee doorashooyinka Somaliland, midaasi oo sii kicin karta xiisada xoogan ee hore uga taagneyd Komishanka. Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay la daala dhaceysay murano iyo xiisado siyaasadeed, kuwaasi oo qaarkood ay dhowaan abuureen rabshado ka dhana ah amniga iyo deganaanshaha deegaanadeeda.
-
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu soo warramayaa in saaka dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee K/Soomaaliya. Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa laga dareemayaa duleedka magaalada Baardheere ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay u dhaqaaqeen, iyagoo wata gaadiidka dagaalka galbeedka magaaladaasi oo ay ku sugan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyado laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi, maadaama Al-Shabaab dhankooda ay bilaabeen abaabul xoogan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-30112019-sx.mp3 View the full article
-
ONLF oo ka warbixisay kulankii ay la qaadatay Axmed Madoobe
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha guud ee ururka ONLF, Mudane Cabdiraxmaan Maadey oo la hadlayey waraabinta ayaa markii ugu horreysay faah faahin ka bixiyey kulankii uu dhowaan la qaatay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe. Maadey ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ahaa mid is xog wareysi ah, islamarkaana looga hadlayey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Jubbaland. Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in kulanka intiisa badan diirada lagu saaray khilaafka xoogan ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulkaasi, kaas oo cuuryaamiyey wada shaqeyntiI labada dhinac. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kula taliyeen, Axmed Madoobe in wax weliba lagu dhameeyo wadahadal, si loo soo afjaro khilaafka dowladda iyo Jubbaland. Cabdiraxmaan Maadey guddoomiyaha cusub ee hoggaanka ONLF ayaa sidoo kale ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad kala af iyo diin ah ay ku mideysanyihiin hal dowlad islamarkaana looga baahan yahay Soomaalida inay ka shaqeeyaan horumarkooda. ONLF oo muddo dagaal jabhadadeed kula jirtay dowladda federaalka Itoobiya ayaa hadda isu bedashay urur siyaasadeed, kadib markii ay heshiis la gashay xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Abiy Axmed. -
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa halkaasi kula kulmaya mas’uuliyiin ka tirsan ururka Midowga Yurub. Wasiir Sadiiq, ayaa ugu horreynba la kulmay madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol. Kullanka waxaa si qoto dheer looga hadlay Shaqada, Xuquuqda Shaqaalaha, Daryeelka Bulshada iyo Dib-u-habeeynta Shaqaalaha Rayidka. “Inta uu kullanka socday waxaan si aad ah u caddeeyay ajandahayaga ,waxaana codsaday in Midowga Yurub door taageerro ku yeesho dadaallada aan ku dooneyno dib u habeynta shaqaalaha iyo shaqo abuurka.” ayuu yiri wasiir Warfaa oo Midowga Yurub ku ammaanay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol – wuxuu muujiyay inta uu kullanka socday sida ururka ugu qanacsanyahay dadaallada socda ee dib u habeynta shaqaalaha iyo Daryeelka Bulshada, wuxuu markaa caddeeyay Midowga Yurub inuu garab taaganyahay qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta, fursadaha shaqadana ay ku helayaan ‘kuwa ugu muhiimsan’. PUNTLAND POST The post Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo la kulmay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
-
Maama Xaawa Aden Madaxa xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo ee (GECPD), Maama Xaawo Aden Maxamed, ayaa ku guuleysatay biladda caalamiga ah ee Macallinka sannadka 2019ka, oo uu bixiyo telefishinka afka Ingiriiska ku baxa ee laga leeyahay dalka Turkiga ee TRT World Citizen.Waxay ay ku mutaysatay 20 sanno in ka badan oo ay ka shaqeynaysay waxbarista Gababdhaha Soomaaliyeed, Dadka laga tirada badanyahay, iyo Barakacayaasha. Maama Xaawo , ayaa markii lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay biladda caalamiga ah, waxay sheegtay inay aad ugu faraxsantahay, isla markaana ay la qeyb sanayso dadka la shaqeeya. Waxaa ay horey ugu guuleysatay bilada Nansen, oo ay bixiso hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR iyo biladdo kale oo ay ku heshay shaqooyinka badan ee ay u qabatay bulshada. Biladda Nansen Refugee Award ayaa ah biladaha ugu muhiimsan ee ay bixiso Qaramada Midoobay. Mrs. Xaawo Aden oo aas’aastay xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo ee (GECPD), ayaa ilaa sannadkii 1995, waxay ka shaqaynaysay waxbarashada gabdhaha, daryeelka gabdhaha loo geystay gacan hadalka iyo gudniinka fircooniga ah. PUNTLAND POST The post Maama Xaawo Aden oo ku guuleysatay abaal-marin heer caalami ah appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa Kenya uga adkaatay loolan loogu jiray u dhoofinta xoolaha dalka Cuman, gaar ahaan lo’da, waxaa sidaas weriyey wargeyska Africa Intelligence. Wargeyska ayaa sheegay in kulan horaantii bishan November dhex maray safiirka Cuman ee Kenya Saleh Sulaiman Al Harthi iyo wafdi ka socday rugta ganacsiga Kenya uu safiirka shaki xoogan ku geliyey xiriirka dalkiisa iyo Kenya. Kulankaas oo ay goobjoog ka ahaayeen ganacsatada lo’da ee Kenya ayaa niyad jab kala laabtay kadib markii Cuman ay sheegtay inaysan hadda iyo wixii ka dambeeya iibsan doonin lo’da Kenya. Safiirka ayaa go’aankaas qaatay inkasta oo ay horey u jirtay in kulan dhacay 15-kii October looga hadlay iibsiga Cuman ee lo’da Kenya, hase yeeshee aan heshiis lagu gaarin. Saleh Sulaiman Al Harthi ayaa ganacsatada Kenya u sheegaty in hadda iyo wixii ka dambeeya ay Cuman iibsan doonto lo’da Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixinta. Al Harithi, ayaa sida ay warbixintu sheegtay, si shaqsiyan ah ugu ololeeyey in dalkiisa uu iibsado lo’da Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay Kenya aad uga dhowdahay Cuman. Kenya waxay lumisay suuq muhiim ah, oo Soomaaliya ay kala wareegtay, ayaa lagu yiri warbixinta. Cuman ayaa dhoofsata lo’ aad u badan, waxaana ka sakow midda ay ayada u baahan tahay, ay sidoo kale lo’da usii iibgeysaa dalka Iran, maadaama Iran ay saaran tahay cunaqabateyn caalami ah, oo aysan toos usoo dhoofsan karin.
-
Ninkii weerarka ka geystay buundada London oo la dilay+Magaciisa & Xoggo kale Booliska magaalada London ayaa toogtay oo dilay ninkii weerarka mindida ka geystay biindada London, shalay JImcihii, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Usman Khan oo jiday da`da 28. Saraakiisha booliska ayaa shaaciyay in dhacdadan ay ahayd mid argagixiso ah, islamarkaana la mindiyeeyay dad gaaraya ilaa 5 ruux oo ay labo u dhimatay dhaawacyada loo geystay. Waxaa sidoo kale ay boolisku sheegeen in ninkanu horay arrimo argagixiso loogu eedeeyay. Ninka falkaas geystay oo ku geeriyooday isla goobta ayaa la rumeysan yahay inuu xirnaa garan loo ekeysiiyay mid ay ku rakibanyihiin walxaha qarxa, oo laakiin been abuur ahaa, sida ay boolisku ku warrameen. Baarista ay wadaan hay`adaha ammaanka ayaa wali socota, waxaana madaxa ciidanka la dagaallanka argagixisada ee UK, oo lagu magacaabo Neil Basu uu sheegay in ay hadda si gaar ah u baarayaan ujeeddada ka dambeysay weerarkaas. Wuxuu intaas ku daray in saacaddu markii ay ahayd 14:00 – xilliga London – booliska loogu yeeray toorriyeyn ka socotay meel u dhow buundada, waxaana markii ay goobta gaareen uu askari ka mid ah ciidamada xabado ku riday gacan-ku-dhiiglaha. Muuqaal laga duubay dhacdadan ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana laga arkayay nin ay dad shacab ah dhulka ku muquuninayeen. Nin kale oo dhar suud ah xirnaa ayaa la arkayay isagoo kasii cararaya ninka kale, waxaana sida muuqatay uu heystay toorri weyn. Salkaal lagu magacaabo Basu ayaa shir jaraa’id oo uu warfidiyeenka u qabtay ku yiri: “Nin la tuhunsanaa ayey toogasho ku dileen ciidamo si gaar ah u hubeysan oo ka socday booliska magaalada London, waxaana idiin xaqiijin karaa in ninkaas uu ku dhintay isla goobta”. Qaran News
-
Aas loo sameeyay soomaalidii ku geeriyootey dabkii ka qarxay Fooqa Mineapolis+Sawirro Magaalada Burnsville oo u dhow Minneapolis ayaa waxaa lagu aasay qaar ka mid ah dadkii Soomaalida ahaa ee ku dhintay dab saacadihii hore ee Arabacadii qabsaday daar ku taal xaafadda CEDAR RIVERSIDE ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Shan ruux oo ay labo soomaali tahay ayaa dabkaasi ku dhintay, waxaana la sheegay in labadaasi ruux ay ahaayeen haween lagu kala magacaabo Maryan Mohamud (69-jir), Nadifa Mohamud (67-jir). Bulshada Soomaalida ayaa dhaqaale u ururisay eheladii dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay masiibadaas. Qaran News
-
Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran, oo kamid ah Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho, ayaa si adag u beeniyay in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud la geeyay, Ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsanayn howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM. “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn”ayuu yiri Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed Maalin oo ah Xog-hayaha Himilo Qaran. Xildhibaanka oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale tilmaamay in Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya oo ka wada- tirsan AMISOM ay horay u joogeen magaalada Dhuusamareeb mudda gaaraysa saddex bilood. “Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran, ayaa dhinaca kale nasiib-darro ku tilmaamay in Madasha la baxday Xisbiyada Qaranka oo xisbigiisa Himilo Qaran uu kamid yahay, ay warar aan la hubin ka soo baxaan, isagoo ku dhaliilay warkii ay sheegeen ee ahaa in ciidamo Itoobiyaana oo aan ka tirsaneyn AMISOM la geeyay Dhuusamareeb. “Waxaase nasiib darro ah in Madasha xisbiyada Qaran oo markii hore loo aasaasay in wax lagu saxo uu hadalkaan aan la hubsan ka soo baxo – Dhuusamareeb innaga ayaa ku sugan oo xog-ogaal u ah waxa ka jira,Mucaaradnimadu waa inaaney ka hor imaan danaha dadka aan matalno, waana in aan lahaanno aragti ka durugsan danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta“. PUNTLAND POST The post Xoghayaha Xisbiga Himilo Qaran oo beeniyay in ciidamo Itoobiyaana la geeyay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID, Injineer Feysal Cali Waraabe ayaa ka warbixiyay kulamo magaaladda Nairobi uu kula qaatay wakiilo ka socday beesha Caalamka iyo siyaasiyiin Soomaaliya ah oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay siyaasiyiinta ka wada hadleen kana tashadeen in ay ka hortagaan qorshe uu sheegay inay ay wadaan madaweyne Farmaajo, Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo dalal kale oo Dekadaha Soomaaliya loogu wareejinayo Itoobiya. Waxaa uu sheegay in ay madaxda ka shireen sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa, waxaana uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uu wado qorshe dekadaha Soomaaliya loogu wareejinayo Itoobiya. “Laba mid ayuu ku saabsan yahay safarkeyga Beesha Calamka iyo Siyaasiyiin Soomaali ah oo aan la kulmay iyo inaan ka hortagno qorsho ay wadaan xubno uu kamid yahay safiirka Mareykanka ee Kenya, madaxdii Soomaalida ee aan kulanay waxaan ka wada-hadalnay inaan Itoobiya ka badbaadino badeena ayuu yiri” Feysal Cali Waraabe. Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeyey Madaxweynaha in uu doonayo in dekadaha deegaanada Maamulka Somaliland uu gacanta u galiyo Itoobiya oo uu sheegay in ay doonayaan in ay ku milmaan Geeska Afrika oo ay ku darsato dulka Soomaalida. Madaxweyne Farmaajo ayaa bartamihii sanadkii tagay waxa uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kula heshiiyey inay si wadajir ah u maal-gashtaan afar deked oo ku yaalla Soomaaliya, taasi oo kuwa dhaliila ay ku qeexeen inuu afar dekad u gacan geliyey Itoobiya.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya xaaladda uu ku sugan yahay Saciid Fadhaye oo ah filimqaade Soomaali ah oo la socdey gaarigii ay saarneyd Almaas Elman oo todobaad ka hor xabad kula dhacday deegaanka Xalane ee magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah dad ay shaqo wadaag yihiin ayaa walaac ka muujiyey xorriyada iyo badqabka Saciid, waxaana ay sheegeen in qoyskiisa ay walwal qabaan, ayna Baasaboorkiisii ka qaateen laamaha ammaanka dawlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana aanu xor aheyn maskax ahaanna uu liito. Mowliid Xujaale oo ah saxafi Soomaaliyeed isla markaana isla shaqeeyeen saaxiibana yihiin ayaa inoo sheegay in Saciid Fadhaye uu hay’adaha baaritaanka gacan siiyey, balse aan loo sheegin sababta Basaboorkii looga qaatay iyo baaritaanka halka uu marayo, isla markaana uu u baahan yahay xornimadiisa in soo celiyo. Lataliyaha amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Cabdi-Siciid Muuse Cali oo ka jawaabayey eedeymahan oo baraha lagu qoray ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray wuxuuna ku sheegay in “qofka kaliya ee geeskeeda fadhiyey gabadha markii ay xabadu ku dhacday waa goobjoogaha dilka Almaas oo baaritaan lagu hayo” Dhinaca kale BBC-du waxay maanta la xiriirtay la taliyaha amniga ee madaxweynaha Soomaaliya Cabdisiciid wuxuuna yiri “Siciid u ma xirna dawladda, laakiin waa jirtaa in Baasaboorka laga qaaday si aanu dalka uga bixin, waana sabab la xiririta Booliiska oo su’aalo uga baahan”. Sidoo kale xafiiska arrimaha dibada Britain oo ay BBC-du kala xiriirtay kiiska ayaa afhayeen u hadley wuxuu si kooban inoogu soo qoray “waxaynu caawinaynaa nin British ah oo lagu xiray Soomaaliya, waxaana la xiriirnaynaa masuuliyiinta dawladda”. Xigasho: BBC Somali
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si xooggan u canbaareyey “faragelinta qaawan ee ciidanka Itoobiya ku hayaan Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo lubbaland, gaar ahaan Gobollada GaIgaduud iyo Gedo.” Qoraal kasoo baxay xisbiga ayaa lagu yiri “Waxaa cad in ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISOM ee maanta gaaray Dhuusamareeb in maarnulka Farmaajo uu doonayo in uu ku afduubo doorashada Galmudug, sidii uu sanadkii horeba ka sameeyey doorashadii Koonfur Galbeed, halkaasoo doorashadii lagu boobay, la laayeyna shacab bannaanbaxayey, xabsigana la dhigay musharrax madaxweyne iyo dad kaloo ka blyo diiday faragelinta maarnulka Farmaajo.” Xisbigu ayaa sheegay inuu shaki wayn ka qabo wax uu ugu yeeray “xiriirka mugdiga leh ee ka dhexeeya taliyaha Nabadsugidda Soomaaliya iyo gaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Itoobiya. “ “Waxaa cad in taliyaha Nabadsugidda oo kaashanaya Dowladda Qatar uu ka faa’iidaysanayo xiriirkiisa saraakiisha ciidnaka Itoobiya xilliga kala guurka ah ee ay Itoobiya ku sugan tahay. Waxaa muuqata in madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya aysan ka dhabeynin ballan qaadkii ahaa in aysan aqbali doonin faragelin shisheeye.” Ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Farmaajo wuxuu shacabka Soomaaliyeed u ballan qaaday in uusan adeegsan doonin shisheeye, gaar ahaan Itoobiya, halka uu Dr Abiy Ahmed ballan qaaday in uu joojin doono faragelinta Itoobiya ee dowladaha deriska ah, tixgelinna siin doono rabitaanka shucuubta Gobolka.” Xisbiga ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed in uu dib u eegis ku sameeyo siyaasaddiisa ku aaddan Soomaaliya, waxaana uu ugu digay in ciidanka Itoobiya loo adeegsado dano gurracan iyo cabburin lagula kaco shacabka Soomaaliyeed. “Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya midkoodna dani uguma jirto in ay soo celiyaan tijoobiyinkii horey loogu hoogay, keliya waxey kordhinaysaa kala aamin baxa labada shacab, waxeyna xoojinaysaa xagjirka iyo kooxaha argagexisada ah.”ayaa lagu yiri qoraalka. Xibsiga Wadajir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba in ay isku abaabulaan sidii ay uga hortegi lahaayeen faragelinta Itoobiya, waxaana uu xisbigu sheegay inuu diyaar u yahay in uu hormood ka noqdo abaabulka kacdoon oo dalka gudahiisa iyo dibadiisa ka hirgala loogana soo horjeedo faragelinta Itoobiya. Shalay ayaa sidoo kale Madasha Xisbiyada Qaran, waxay warqad u direen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, uguna baaqeen inuu joojiyo faro-gelinta ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Beelaha qaar ee degga Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa la qorsheynayaa inaanan xubno laga siin Baarlamaanka labaad ee loo soo dhisi doono Maamulka Koonfur Galbeed. Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo Arbacadii ku kulmay Magaalada Baydhabo ayaa waxay isu raaceen in tirada Baarlamaanka cusub laga dhigo 95 xubnood, halka midka uu waqtigiisu dhammaaday ay tiradoodu ahayd 149 xubnood. Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu dhigayaa in tirada Baarlamaanka ay tahay 95 xubnood, balse waxaa tirada Baarlamaanka la kordhiyay xilligii uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ka dib markii beelaha qaar ay ku ashtakoodeen inaanay wax xubno ah ku lahayn Baarlamaanka. Go’aankii ay Arbacadii soo saareen Odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa ku cad in beelihii dib looga soo daray Baarlamaankii hore aan wax xubno ah laga siin Baarlamaanka cusub, inkastoo aan arrintaasi Saxaafadda lala wadaagin. Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa waxay ku doodayaan in beelahaasi aanay deegaan sax ah ku ahayn Gobolka Shabellaha Hoose, sidaasi daraadeedna aan loo baahnaynba in ay xubno ku yeeshaan Baarlamaanka xigga. Odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasii Xasan Maxamed (Lafta-gareen), si ay ugu cadeeyan mowqifkooda ku aadan inaanan beelahaasi lagu soo darin Baarlamaanka cusub. Inkastoo Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dhawaan sheegay in tirada Baarlamaanka cusub laga dhigi doono 95 mudane ayaan hadana sheegin in meesha laga saarayo iyo in kale xubnaha beelaha lagu tilmaamay inay dul-saar ku yihiin Gobolka Shabellaha Hoose. Dhanka kale waxaa soconaya dadaalo ay macquul tahay in tiro yar xitaa beelahaasi ay ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka soo socdo, oo lagu wado in lagu soo xulo Magaalada Baydhabo. Si kastaba ha-ahaatee haddii ay guuldareystaan dadaalada lagu doonayo in beelahaasi ay xubno ku yeeshaan Baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed ayaa waxay markaasi culeys ku noqon doontaa Maamulka Madaxweyne Lafta-gareen.
-
By: Sakariye Cismaan With full elections unlikely in 2020, the incumbent is trying to lock down the support of lawmakers who will again select the president. Although it has not officially kicked off, Somalia is already effectively in the thick of an election season. The current administration’s mandate will end in 2020 and President Mohamed Abdullahi Mohamed (known as “Farmaajo”) has been busy manoeuvring in order to secure a second term. As of yet, no electoral model has been agreed for 2020, but Somalia is unlikely to hold nationwide one-person-one-vote polls despite the government’s insistence and the international community’s hopes. With the Islamist militant group al-Shabaab still launching attacks and seizing towns, the security situation has not improved sufficiently since the last electoral process in 2017. Additionally, Somaliland’s self-declaration as an independent state means it will not participate in any Somalia-wide polls. Given these circumstances, the most likely scenario is that the country’s next president will once again be selected by the 329 members that make up the Lower House and Upper House of parliament. Before that, however, regional states will hold their own electoral processes to select those national lawmakers. State legislatures will vote for senators to take up seats in the Upper House. Traditional clan elders will put together electoral colleges of voters that will select MPs to go to the Lower House. Given that Somalia has no truly independent electoral commission, the national government can exert considerable influence in these processes. Thinking ahead to 2020, President Farmaajo has been taking advantage of this in order to fill parliament with as many supporters as possible. The balance of parliament The number of seats in Somalia’s parliament, divided by region, will look this: President Farmaajo can expect significant support from several of these regions. Somaliland’s members, for instance, are largely imposed by the government in Mogadishu given that the region refuses to take part in Somalia’s national politics. The federal government also appoints the governor of Benadir, which will allow it to influence the selection of that region’s representatives. Meanwhile, the Farmaajo administration was been able to install its candidate of choice in South West and managed to bring the leadership of Hirshabelle into its fold. It has found it harder to influence some other regions. Puntland held successful elections in early-2019 during which it explicitly warned the federal government not to interfere. And Jubaland carried out a tumultuous process, marred by the banning of some opposition leaders and boycotts by others, that led to the re-election of the incumbent – though the result is yet to be recognised by the Federal Government or international community. Adding this all together, there are 187 lawmakers from regions under the relative influence of the Farmaajo administration. This is about 57% of the total and slightly higher than the 184 votes the president garnered in 2017, but the support of all these parliamentarians is not assured. This is why the Farmaajo Administration has recently focused its efforts on Galmudug, the final state yet to hold regional elections. All eyes on Galmudug Earlier this year, Prime Minister Hassan Ali Khayre embarked on an exceptional 40-day stay in Dhusmareb, the designate capital of Galmudug. The visit was hailed a success as it helped resolve two potentially problematic issues. First, the Prime Minister managed to ease divisions that had led the region to have two parliaments and two presidents based in separate towns. As part of this, he persuaded the regional president Ahmed Gelle to accept an election. Gelle had previously refused, insisting that he was due a whole four-year term after he replaced his predecessor who resigned in 2017. Second, Khayre helped put to an end, at least for now, to the rule of the unelected but powerful religious sect Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ) in Dhusmareb and neighbouring towns. This was unlikely to have been achieved without the help of the federal government. Its intervention was notably lauded by the opposition as well as the government’s supporters. Since that visit, some of the positives of the prime minister’s stay have been undone. Despite the constitution stating that regional elections are matters for federal member states, the government in Mogadishu put together an electoral commission and flew it to Dhusmareb this October. The dismayed Galmudug administration responded by appointing its own electoral commission. Galmudug has now started its process of selecting lawmakers. Given the unclear balance in parliament, Farmaajo will be hoping its outcome definitively cements his authority and allows him to comfortably win a second term in office in 2020. An effective judiciary Since the establishment of Federal Member States in recent years, successive governments in Mogadishu have attempted to intervene in regional elections to secure their own power. This is unlikely to change until Somalia builds a judiciary that is strong and independent enough to enforce the constitution in an impartial manner. As it stands, there is little separation of powers in Somalia today. Both the current and previous administrations installed their own chief judges in the High Court, placing the judicial branch under the control of the executive. Somalia faces many hurdles, but without an earnest attempt to rectify this issue, it is unlikely to ever transition to a universal franchise and away from in its current state of perfect political paralysis. Sakariye Cismaan is a political commentator, researcher and analyst on Somalia Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa diiday “eedeymo been abuur ah” oo uga yimid dowladda Eritrea, oo shalay Doha ku eedeysay inay dalkeeda ka waddo “arbushaad dhan walba ah.” Qatar ayaa sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn koox ama kooxo ku sugan dalka Eritrea, taasina ay dowladda Eritrea “si wanaagsan uga war-hayso.” Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay shalay soo saartay ku eedeysay Qatar inay “hubeeneyso kooxo islaamiyiin ah oo dalkaas ka jira, iska horkeeneyso shacabka Eritrea, islamarkaanna abaabuleyso kacdoon lagu ridayo dowladda dalkaas.” Bayaan maanta kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Qatar ayaa lagu sheegay inay aad ula yaabtay bayaanka ay deg degta usoo saartay wasaaradda warfaafinta Eritrea, intii ay mari lahayd hanaanada diblomaasiyadda iyo sharciga ah ee la aqoonsan yahay. “Tani waxa sare u qaadeysaa shakiga laga qabo ujeedka dhabta ah iyo dhinacyada ka dambeeyey bayaanka aan garowshiiyaha lahayn” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibedda Qatar. Bayaanka ayaa lagu sheegay in Qatar ay bishii April dhambaal cabasho ah u gudbisay safiirka Eritrea ee Qatar, islamarkaana muujisay sida aysan ugu faraxsaneyn qoraal la mid ah kii shalay oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Eritrea. Bayaanka ayaa lagu yiri “Safiirka Eritrea ee Midowga Africa waxa uu sanadii 2017 Qatar ka codsaday inay dhex-dhexaadiso dalkiisa iyo Jabuuti oo muran xuduudeed ka dhaxeeyey. Haddii Eritrea ay wax shaki ah ka qabtay dhab ahaanta eedeymahan nacasnimada ah ee kasoo baxay wasaaraddeea warfaafinta, ma sameyn lahayn codsi noocan ah.” Wasaaradda arrimaha dibedda Qatar ayaa ugu baaqday wasaaradda warfaafinta Eritrea “in ay eegto xaqiiqda iyo xudunta dhibaatada, intii ay sameyn lahayd eedyemo been abuur ah oo ka dhan ah dal saaxiib ah oo dadka Eritrea ay xushmad u hayaan.”
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “dowladda federaalka Soomaaliya oo garowsanayd fursadaha horumarineed, iskaashi iyo ganacsi ee muhiimka ka dhigay dib u eegid lagu sameeyey qaab-dhismeedka Ururkan, waxa ay mar kasta u olaleynaysay in IGAD ay noqoto madal ka soo dhalaasha himillada ay ku qabaan shucuubta Gobolka, kana tarjunta dhammaan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dowladaha ku mideysan.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhinaca kale u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan. Go’aanka lagu doorto Xamduuk, oo ku dhisnaa heshiis ay gaareen dhinacyada, ayaa loo arkaa mid xal ah oo xilkan looga dhex bixiyey dalalka Kenya, Jabuuti, iyo Somalia oo aad isugu hayey. Caasimada Online ayaa shalay qortay khilaaf u dhaxeeya Jabuuti iyo Kenya ay hoggaamin karto in labadooda iyo Soomaaliya-ba, ay ku waayaan in madaxdooda ay beddelaan guddoomiyaha xilka ka degay ee Abiy Ahmed. Soomaaliya iyo Jabuuti, oo aad uga soo horjeeday in hoggaanka ururka ay qabato Kenya, ayaa diiday inay mowqifkooda beddelaan. Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa waxa uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Suudaan. Sidoo kale, Madaxweynhuhu waxa uu soo dhaweeyey magacaabista Xoghaya Guud ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, waxa uuna adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhaw ula shaqaynayso hoggaankan cusub, si loo gaaro hiigsiga muhiimka ah ee ururkeenna iyo arrimaha hortabinta u leh awood-siinta Gobolka.
