-
Content Count
213,993 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa ka hadlay Siyaasiyiinta horjeedda ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in siyaasiyiintaasi oo dhan ay yihiin shaqo doon, sidaasna ay ku mucaaradayaan dowladiisa. “Siyaasiyiinta bannaanka taagan ee hor-taagan idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinaya kuligood waa shaqo doon, oo waxay yaqaaneen wixii ay soo dhadhamiyeen maalin walba waxbaa la bedelaa in la abuuro siyaasiyiin cusub oo aan laga faa’iideysan, qaar waa aamusan yihiin, qaarna dagaal ayey ku jiraan, oo in lugaha la haayo, hebel waa qeylinayaa ee bal haloo yeero, waa caqabad dad badan ku baraarugsaneyn” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Farmaajo ayaa siyaasiyiintii maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka hadlayay oo ay ka mid yihiin madaxweynaayashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ku tilmaamay kuwa xanaaqsan oo maamulkiisa kasoo horjeedda. Waxaa uu sidoo kale sheegay in cabaqado weyn ay dowladda Soomaaliya kasoo wajaheen dalalka dariska la ah Soomaaliya, maamul goboleedyadda, Khaliijka Carabta iyo meelo kale. Maamul Goboleedyada ayuu ku eedeeyey inay isku dayayaan la wareegitaanka awoodda Dowladda Dhexe iyagoo adeegsanayo Dowladaha dariska sida uu hadalka u dhigay. Dowladda ayuu sheegay in ay dadaal badan ku bixisay in ay ka hortagto Khilaafaadka soo gala dhex gala Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo baarlaamanka. Halkaan hoose ka daawo khudbadda madaxweyne Farmaajo
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanaha-Warraka-13112019.mp3 View the full article
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Ciidama beeleedka maanta magaalada Boosaaso soo galay waxay ahayd mid la saadaalinayay maalmaahaan oo dhan sababo la xiriira tallaabada ay qaaday xukuumadda Deni oo ay kula wareegeyso shirkadda PDG. PDG waa shirkad illaa muddo dheer soo shaqeenaysay, waxaa leh ganacsato reer Bari ah uu ugu tun weynyahay ninka Maanta ka danbeeyay abaabulka ciidamada soo galay Boosaaso oo loogu yeero Bashiir C/llaahi Saalax Deer. Shirkadda ayaa ciidamada PMPF-ta ee Imaaraadka taageerto u qaabilsanyihiin wixii loogistika ah, halkaas oo ay macaash fiican ganacsatadaasi ugu jirtay ka hor inta aysan isku dhicin saaxiibbadii markii hore ku shirkoobay. Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Deni, galaanlgalka fiicanna ay ku leeyihiin kooxda loo yaqaan “Aaraan jaan” oo ah koox abaabulan oo ganacsato reer Garoowe ah ay u badan yihiin ayaa isku dayayey inay la wareegaan saamilaydii ugu waawayneyd shirkadaas loo yaqaan PDG, ayagoo ka faa’iideesanaya awoodda Dowladnimo. Waxaa xusid mudan ganacsatada haatan gadoodsan ee reer Boosaasada u badan inay ahaayeen kuwii sababta u ahaa in Deni ku guuleeysto dooorashada ka dib markay ku wareejiyeen 7 cod wareeggii u dambeeyay ee tartankii doorashada madaxtinimada Puntland 8-dii Jenuary 2019. Si kasta oo la isugu dayey xallinta khilaafka “PDG” iyo in wada hadal lagu dhameeyo waxay ka suura gali weyday dhinaca Deni iyo xulafadiisa Aaran Jaan, waxayna soo jiitamaysay lixdii bilood ee u dambaysay. Ganacsata ayaa lixdaas bilood si iskood iyo lacagtooda waxay ugu dabarayeen qarashaadka ku baxaya ciidamada PMPF, waxaana xusid mudan ka dib markii cadaadis badan ay odayaal saareen madaxweynaha in bishii hore dhamaadkeeda la bixiyay lacagtii oo aan wax faa’iida aysan ku jirin , wixii faa’iidada ahaana loo wareejiyay shirkadda ay samaysteen Aaran Jaan. Markuu Bashiir C/llaahi Saalax deer uu ka quustay waxa uu isku dayay inuu bal cadaadis dhinaca ciidanka saaro, waxaana uu ciidamo Beeleedyo ku aruuray Magaalada gudaheeda oo dhowr xarumood kala fadhiya, ciidanka xoogiisana waxaa fadhi u ahaa Carmo. Saaka waxaa soo ruqaansaday ciidankii deganaa Carmo waxayna iska hor imaad kooban u dhexmaray ciidamadii joogay barta controlka ee Boosaaso, waxay gacan ka heleen ciidamadii magaalada hore usii joogay sidaasayna ku soo galeen. Iskudayo ay sameeyeen ciidamada dowlada inay kaga horjoogsadaan inay soo galaan magaalada waa ay suura gali waayay ka dib markii awood loo sheegtay. Dhinaca kale Ciidamada kacdoonka gobolka Bari ayaa ka hadlay sida ay u arkaan xilka qaadistii gudoomiye Dhoobadaareed, iyagga oo sheegay in ay u arkaan xaq daro. Sarkaal ka tirsan hoggaanka ciidamada oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland u aqoonsan yihiin Cabdixakiin Dhoobadaareed. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in ujeedkoodu yahay in la helo Puntland la wada leeyahay, isagga oo ku baaqay shirweyne wada tashi oo ay isugu yimaadana Beelaha ku midoobay dhismaha Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Barre Yuusuf oo ah Xildhibaan hore oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay lacag badan ku bixineyso daganaansho la’aanta degaanada Somaliland iyo Puntland. Xildhibaanka ayaa sheegay in ay hayaan xog ku aadan dadka daga Galbeedka Somaliland ay dowladda Soomaaliya ka shaqeysay in ay sameestaan jabhado islamarkaana ay dooneyso daganaansho la’aan ka bilaabata Soomaaliland. “Odayaasha degaanka ayey dowladda lacag siiyay ee Saraakiisha Galbeedka Somaliland si loo abuuro xoogag hubeysan oo dowladda ka soo horjeeda waana bilaawday dhaq dhaqaaqaasi” ayuu yiri Cabdi Barre Yuuusf oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay hada daganaansho la’aan xoog leh ay ka abuurtay degaanada Puntland oo qaar ka mid ah shacabka gobolka Bari ay ku dhaqaaqeen dagaal ka dhan ah xukuumadda Deni. “Waxay iska horkeentay hogaanka Puntland waxaana ka dhashay beelaha gobalka Sanaag iyo Bari in ay dowlada ku kacan mana ahan wax loo dulqaadan karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi Barre Yuusuf oo ah Xildhibaan hore ee Baarlamaanka. Dhowr qof ayaa sidoo kale horey ugu eedeeyey dowladda Soomaaliya in ay wado abaabulka qalalaaso ka bilaawda dhulka dagan ee Soomaaliya sida Puntland iyo Somaliland mana jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya. Xiriir ay Caasimada Online la sameysay xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha way diideen inay jawaab ka bixiyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
In the past days, the Qatari capital city of Doha was hosting a meeting of the Joint Commission from Somalia and Qatar, who agreed: 1. To exchange the list of companies dealing with recruitment issues overseas. 2. It is agreed that the Somali Government should have a part in the World Cup staff in Qatar by 2022. 3. The government of Qatar emphasizes the importance of Somali workers being open to the labor market in Qatar. 4. It was agreed to create a complete database of Somali staff. 5. The two Ministers agreed to establish offices responsible for labor relations. a. Somalia is responsible for ministry’s office for Arab Affairs. b. Qatar is also responsible for the International Labor Relations Office. The two committees underlined that the work should be started as soon as possible so that Somali workers would have the opportunity to work and promote co-operation. The Somali-Qatar joint committee on providing opportunities for Somali nationals to work in the country met with its counterpart in Qatar. The agreement between the two countries, signed in 1983 and re-enacted in late September of this year, was signed by the Minister of Labor and Social Affairs of the Federal Government of Somalia, Sadik Hirsi Warfa in Qatar, where he met with various officials including the Minister of State for Development, Labor and Social Affairs, Mr. Mohamed Bin Yusuf Al-Uthman Fakhruu. The Ministries of Labor of the two countries have appointed a six-member committee tasked with coordinating and implementing the agreement. View the full article
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheyre met with Russian Foreign Minister, Sergey Lavrov at the sidelines of the Paris Peace Forum on Tuesday. Kheyre and Lavrov discussed the State of Peace and Security in Somalia and the efforts of the international community in Somalia’s recovery process. Mogadishu and Moscow had strong diplomatic ties backed by defense cooperation before 1977. Former Somali President, Mohamed Siyad Barre ordered the Soviets out of a base in the port city of Berbera after providing military support to Addis Ababa on the 1977 war between the neighboring states over a land dispute. Meanwhile, while in French capital, Somali PM met with several other global leaders and briefed them about the achievements and challenges of his government. The premier held bilateral talks with the host President, Emmanuel Macron and discussed potential areas of mutual cooperation and quest for debt relief efforts. While addressing the Paris Peace Forum, Prime Minister, Hassan Kheyre appealed to the member states that no country should be left behind in the quest to achieve sustainable development goals View the full article
-
American forces killed a militant affiliated with the al-Shabaab group in a Nov. 12 airstrike, US Africa Command announced. The strike was part of an ongoing partnership with the Somali government to “maintain pressure on al-Shabaab’s network and levels of leadership while countering violent extremist intentions and actions. … Strikes near Jilib disrupt al-Shabaab’s freedom of maneuver,” AFRICOM Operations Director Army Maj. Gen. William Gayler said in a release. AFRICOM said no civilians were injured or killed in the airstrike, though non-governmental organizations such as Amnesty International argue the Pentagon underreports civilian casualties in Somalia. The command did not say which aircraft conducted the strike. The US has reported dozens of airstrikes against al-Shabaab and Islamic State group members in Somalia this year. AFRICOM Commander Army Gen. Stephen Townsend and Brian Neubert, the American charge de affairs to the Embassy of Mogadishu, also met with Somali President Mohamed Abdullahi Mohamed and Somali National Army Chief of Staff Gen. Mohamed Ali Barise Nov. 5 to discuss joint security developments. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 24-kii ee ugu dambeysay waxaa xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho laga dareemayaa abaabulka Banaanbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya, kaas oo ku aadan go’aankii muddo saacado ah lagu xanibay Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ku wajahnaa Beladweyne. Sidoo kale abaabulka ayaa si weyn waxaa looga dareemayaa baraha bulshada ku kulmaan ee Internet-ka oo dad lala wadaagay. Caasimada Online waxay isku dayday in ay hesho dadka ka dambeeya abaabulka Banaanbaxaan balse waxaa heli weynay shaqsiyaadka abaabualaya dibadbaxa. Qaar kamid ah dhalinyarada loo xil saaray qaban qaabada ayaa noo sheegay in aysan jirin qof isku xir oo banaanbaxa wada balse uu ku bilaawday hadal heyn iyo dareen dadka qaar ay ka qaadeen qal qalkii amni ee dowladda ay gelisay Shariif iyo Xasan Sheekh. Dhalinyaradaan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay dareenkooda si nabad galyo ah ku muujiyaan oo ay isugu yimaadaan laga soo bilaabo Liido ilaa KM 4 ee magaalada Muqdisho. Bilooyin ka hor ayaa mar sidaan oo kale la isugu dayay in magaalada lagu qabto dibax balse waxaa la sheegay in markii dambe xayiraad dheeraad ah oo magaalada lagu soo rogay loo baajiyay iyadoo wararka qaarna ay markaas sheegeen in uu aad u yaraa abaabulka banaanbixii la filyay. Waxaan sidoo kale la ogeyn in sidaas oo kale mar kale loo baajin doono banaanbaxaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Brussels kula kulmay guddoomiyaha guddiga midawga Yurub ee Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah, Neven Mimica. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Neven Mimica ayaa looga hadlay xaalada dalka, gaar ahaan arrimaha dib-u-qaabeynta ee dowladdu wado. Neven Mimica oo caddeeyay in midawga Yurub ay sii wadayo taageeradiisa arrimaha dib-u-habeynta ee guulaha wanaagsan laga gaaray, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay maal gelin xooggan oo wax ku ool ah, si loo gaaro horumarka la hiigsanayo. Ra’iisul Wasaaraha oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, u yimid inuu kulamo la qaato hoggaanka cusub ee Midawga Yurub. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safiirka Qatar ee Soomaaliya ka guddoomay doomo, Cagafyo iyo gaadiid kale oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Munaasabad lagu qabtay gudaha dekadda Muqdisho, ayuu ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad celiyay dowladda Qatar deeqdaan ay maanta soo gaarsiiyay iyo taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda ay la garab taaganyihiin. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in doomaha iyo gaadiidka kale ee maanta dowladdu ka heshay Qatar ay uga faa’iideysaneyso beereaha, adkeynta amniga iyo howlaha kale ee muhiimka ah. Dowladda Qatar oo xilliya badan oo dhibaato adag jirtay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si buuxda u taageeray, ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, uuna ka dhexeeyo iskaashiga dhaqaale iyo amni, waxayna mashaariic badan oo horumarineed ka wadaa gudaha dalka. View the full article
-
Dooxa (SMN) – Maalmahan Caasimadda Qadar ee Dooxa waxaa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah; 1. In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo. 2. Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka. 3. Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar. 4. Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran. 5. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha. a. Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada. b. Sidoo kale Dowladda Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha. Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood. Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar. Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane; Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka Qadar ,Mudane Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu. Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen Guddi ka kooban Lix xubnood oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-13112019.mp3 View the full article
-
Maalmahan Caasimadda Dalka Qadar ee Dooxa waxaa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah; 1. In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo. 2. Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka. 3. Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar. 4. Waxaa la isla gartay in la abuuro diiwaan laga heli karo xogta iyo macluumaadka shaqaalaha Soomaaliyeed oo dhammaystiran. 5. Labada Wasaaradood waxay isla garteen in ay yeeshaan Xafiisyo ka mas’uul ah xiriirinta arrimaha shaqaalaha. a. Soomaaliya waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka arrimaha Carabta ee Wasaaradda Shaqada. b. Sidoo kale Dowladda Qadar waxaa u qaabbilsan Xafiiska xiriirka Caalamiga ah ee Shaqaalaha. Labada Guddi ayaa hoosta ka wada xarriiqay in sida ugu dhaqsiyaha badan howsha loo billaabo, si shaqaalaha Soomaaliyeed ay fursad shaqo u helaan korna loogu qaado wada shaqeynta iyo xiriira Labada Wasaaradood. Guddiga dib u howl-gelinta heshiiska Soomaaliya iyo Qadar ee ku saabsan fursad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay Dalkaasi ka helaan fursado shaqo ayaa la kulmay Guddiga dhiggooda ah ee Dalka Qadar. Heshiiska Labada Dal, waxaa la saxiixay Sannadkii 1983-dii iyadoo dib loo howl-geliyey dabayaaqadii September ee Sanadkan, kaddib markii Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa uu safar shaqo ku tagey Dalka Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda hormarinta maamulka, shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Dalka Qadar ,Maxamed Bin Yusuf Al-uthman Fakhruu. Wasaaradaha Shaqada ee Labada Dal waxay soo Magacaabeen Guddi ka kooban Lix xubnood oo loo xil-saaray isku xirka iyo dhaqan-gelinta heshiiska. Isha: Goobjoog
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada kala ah guddiga gurmadka fatahaada iyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa maalmo ka hor warqad cabasho ah u qoray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxayna warqadaasi aheyd mid ka dhan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Guddiyadaan ayaa cabashadooda salka ku heysay in lacago kumanaan dollar ah oo loo yaqaan “sharuur” lagu xujeeyay in ay bixiyaan si loogu qabto barnaamijyo toos ah oo shaqadooda ku saabsan islamarkaana laga sii deen lahaa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in warqad ay ku qorneed cadad lacageed oo laga soo dhiibay xafiiska wasaaradda warfaafinta, taas oo lagu badalanayay barnaamij loo qaban lahaa guddiga gurmada fatahaadaha loo geeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya isagoo heesta cabasho ka horeysay oo ay gudbiyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo laba jeer war looga joojiyay lacag ay bixin waayeen. 23-kii August, Caasimada Online ayaa sidoo kale qortay in Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ay warbaahinta qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo ka ganacsiga hantida qaranka. Kheyre ayaa wasiirka warfaafinta ku amray in uu soo saaro warsaxaafadeed lagu joojinayo in wararka laga sii daayo warbaahinta dowladda lacag yihiin wixii xiligaas ka dambeeyo maadaama ay weriyaasheedu mushaar qaataan baahinta shaqada dowladana aanan lacag lagu xirin. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa todobaadkaan soo saaray warqadaas waxaana hadda lacag la’aan laga dhigay guud ahaan wararka ka baxa hay’adaha warfaafinta ee dowladda sida radio muqdisho iyo sntv oo markii hore lacag ahaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
BOSASO (HOL) - A deadly clash broke out in Bosaso Wednesday afternoon between local militias and state government forces with reported casualties. Source: Hiiraan Online
-
Maanta duhurnimadii waxaa kantaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhexmaray ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan iyo ciidan kale oo ka soo ruqaansaday degmada Carmo. Ciidamada ka soo kicitimay degmada Carmo oo isugu jiray kuwa ka tirsan Daraawiishta Punttland iyo maleeshiyo beeleed waxaa watay Ciise Yulux, waxayna doonayeen in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aysan is hor-taag ku sameyn ciidan kale oo ka tirsan kuwa dowladda. Inta la xaqiijiyey hal askari oo ciidankii kantaroolka ka tirsan ayaa ku dhintay isku dhacaas, halka ay ku dhaawacmeen labo kale. Ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo oo 20 gaari oo 16 ka mid ah yihiin kuwa dagaal watay ayaa markii dambe loo ogolaaday in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, waxayna markii ay gaareen dageen xarunta shirkadda PDG. Shirkadda PDG ayaa taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF, waxaana muddooyinkii u dambeeyey taagnaa khilaaf iyo muran u dhaxeeyey mulkiilayaasha shirkadaas iyo dowladda. Ciise Yulux ayaa ka mid ah ragga saamiga ku leh shirkadda PDG oo tan iyo 2011 taakulaynta u qaabilsanayd ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Ciise Yulux oo ka mid ahaan jiray hoggaamiyaashii burcad badeedda Soomaalida kuwii ugu caansanaa ayaa tan iyo 2016 ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, wuxuuna ka qeybgalay dagaaladii Puntland iyo Daacish ku dhexmaray buuraha Cal-miskaat ee gobolka Bari. Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa hadda caadi ah, mana jirto cid ka tirsan dowladda oo ka hadashay arrintan. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyey ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal Boosaso ka qarxay, Khasaaraha ka dhashay & Ciidamo gudaha magaalada galay. Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in uu joogsaday dagaal ka dhacay Kontoroolka magaaladaas iyo agagaarkiisa, kaas oo dhexmaray ciidamo hubeysan oo katirsan kuwa ammaanka ee Puntland iyo isla ciidan kale oo kayimi magaalada Carmo ee gobalka Barri. Dagaalka ayaa ku bilowday sida ay wararku sheegayaan markii ay ciidamada socodka ku jiray la kulmeen gaadiid dagaal oo ay Dawlada Puntland leedahay, kuwaas oo ay is rasaaseyn dhexmartay. Iska horimaadkaas ayaa sababay dhaawac 2 askari, sidda ay sheegayaan warar ka madax banaan labada dhinac ee dagaalamay. Saraakiisha ammaanka ee Booliska gobalka Barri waxay diideen in ay faahfaahin ka bixiyaan dhacdadan, waxaana ay sheegeen in ay dib ka hadli doonaan arrimahan oo ay ka jawaab bixin doonaan. Ciidamadii ka tagay magaalada Carmo ayaa galay gudaha magaalada Boosaaso, waxayna wataan ku dhawaad 10 baabuurta dagaalka ah, iyadoo ay wararku sheegayaan in ay tagayaan xarunta shirkada lagu magacaabo PDG. Isku dhaca labada dhinac ka sokow, wada hadalo ay garwadeen ka ahaayen Odayaasha dhaqanka oo xalay lafilayay in ay dhexmaraan Madaxweynaha Puntland & Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa baaqday. Qaran News
-
Ciidammo militari ah oo loo daabulay jaamacadaha ku yaal Itoobiya Dowladda Itoobiya ayaa ciidammada militariga u daabushay jaamacadaha kala duwan ee ku yaal gobollada Amxaarada iyo Oromada si loo joojiyo qalalaasaha hareeyay jamacadahaas. Sabtidii waxay rabshado ka dhaceen jaamacadda Woldiya ee ku taal gobolka Amxaarada, waxaana halkaas lagu dilay 2 ardey kaddib markii qowmiyadaha qaar uu dagaal ku dhexmaray halkaas. Waxaan sidoo kale rabshadaha ku dhaawacmay 12 ardey. Wararka waxay sheegayaan in rabshadaha ay sidoo kale ku faafeen jaamacado kale oo ku yaal Itoobiya. Itoobiya waxaa kusoo batay rabshado u dhexeeyo qowmiyadaha qaar ee wada dego dalka labadii sanno ee lasoo dhaafay, waxaana ka barakacay in ka badan 2 milyan oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey. Horraantii bishan ayay aheyd markii, maamulka Tigreega uu shaaca ka qaaday in ardeyda kasoo jeeddo halkaas aanan loo dir doonin jaamacadaha ku yaal gobolka Amxaarada. Rasaas laga maqlayo magaalada Dhirdhaba Magaalada Dhirdhaba Wararka ka imaanayo magaalada Dhiridhaba ee bariga Itoobiya ayaa sheegaya in hadda magaalada laga maqlayo rasaas xooggan kaddib markii rabshado ay halkaas hareeyeen. Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Dhirdhaba ayaa BBC u sheegay in xiisad ay ka taagan tahay halkaas, rabshadaha waxay u dhexeeyaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada. Waxaana hadda magaalada la geeyay militariga Itoobiya si ay xiisadda u dejiyaan kaddib markii booliska ay ku guuldareysteen inay ka hortaggaan colaadda. Goobjoogayaal ayaa sidoo kale BBC u sheegay in dhimasho ay jirto balse aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay rabshadahaas. Rabshadahan ayaa imaanaya kaddib markii dhawaan ardey kasoo jeeddo gobolka Oromada lagu laayay jaamacadda Waldiya oo ku taal gobolka Amxaarada, waxaana weerarkaas ku dhintay 2 ardey halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen. Qaran News
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inay qeyb kamid ah la wareegeen ciidamadii Maanta weerarka kusoo qaaday. Ciidamadaan oo u abaabulan qaab qabiil isla markaasna ka tirsan Beesha Cali Saleebaan oo wato tobaneeyo gawaarida dagaalka ah ayaa qabsaday qeybo kamid ah Magaalada Boosaaso kadib iska hor imaad ka dhacay Koontaroolka laga soo galo Magaalada. Ciidamada isku dhacay ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen kuwo suga amniga Koontaroolka laga galo Boosaaso iyo Ciidan la sheegay in uu watay Taliye lagu magacaabo Ciise Yulux. Ciidamada ayaa la sheegay inay qabsadeen jidka galo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso iyo agagaarka Xarumaha ay dagan yihiin Hey’adaha Save the Children, WFP iyo UNDP. Tiro ku dhow shan qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen isku dhacaasi dhexmaray labada Ciidan iyada oo mid ka mid ah dhinacyada dagaallamay ay ka baxeen Degmada Carmo islamarkaana doonayeen in ay galaan gudaha Boosaaso. Maleeshiyada hubeysan ayaa la sheegay inay gurmad u aheyd Ciidamo ay leedahay Hey’ad heysatay saadka Ciidamada Badda oo la sheegay inay saaka xiratay waddooyinka Boosaaso. Wararka ayaa sheegaya inay magaalada ka taagan tahay xiisad ka dhalatay qandaraas lagala laabtay Hey’adda PDG oo heysatay saadka Ciidamada Badda Puntland ee ay tababartay Shirkadda Saracen. Halkaan ka daawo Beesha Mudulood Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelaneyso Halis Kusoo Wajahan Shiikh Shariif Iyo Xasan Shiikh Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
