Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,994
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Raga lagu riday xukunada kala duwan Maxkamadda derejada kowaad ee ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka Xukun dil ah ku ridday laba xubnood oo sida maxkamaddu sheegtay lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab. Shuceyb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Jabaar Xuseen ayaa lagu helay in ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen dilalka qorshaysan islamarkaana ay xilliya kala duwan ay magaalada Muqdisho ku dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya. Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi daa’im ku xukuntay laba eedaysane oo kale Maxamed Cismaan Axmed iyo Ismaaciil Aweys kuwaasi oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo in ay qorsheeyeen isku day dil oo ay doonayeen in ay ku khaarajiyaan gabar ka ganacsata Qaadka balse ay ka hortageen ciidamada amniga. Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee ciidamada Qalabka oo ku dhawaaqay xukunnada kala duwan ayaa sheegay in raga la xukmay dhammaantood ay hastaan 30 cisho oo Rafcaan ah. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Muqdisho: Maxkamadda ciidamada oo dil iyo xabsi daa’in ku xukuntay xubno ku eedaysan Shabaabnimo appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka bilaabaneysa xarunta Golaha wakiilada Puntland, kadib markii xilkaasi si degdeg toddobaadkii hore looga qaaday guddoomiyihii hore C/xakiin Dhoobo-Daareed. Waxaa doorashada u taagan saddex musharax oo kala ah: Xildhibaan Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed, waxayna saddex musharax kasoo jeedaan beesha guddoomiyihii hore oo awood qeybsi u leh xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in doorashada ay tahay mid aan xiiso badan lahayn oo abaabulkeedu hooseeyo, iyadoo loo saadaalinayo inuu kusoo bixi doono Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la sheegay inuu shaqsiyan heysto fursadda ugu wanaagsan ee xilkaasi uga soo bixi karo. Saddexdan Musharax ayaa maalmihii la soo dhaafay olole ka wadeen Garowe, waxaana ay xod-xodasho iyo xusul duub badan ka dhex wadeen Xildhibaanada Baarlamaanka, si ay codkooda u helaan. Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, waxaana la saadaalinayaa inuu soo bixi karo Musharax ay taageersan tahay Madaxtooyada Puntland. Halkaan ka daawo Shirqool lagu dili rabay Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo la shaaciyey Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) –Maanta suuqyada Magaalada Muqdisho kuwoodii Hilibka lagu iibiyo ayaa haawanaya, kaddib markii shaqa joojin ay sameeyeen ragga hilibka Geella ka ganacsada. Saddexda Berri ee soo socota ayay sheegeen ganacsatadu inaysan keeneyn hilib suuqyada Muqdisho islamarkaana ay sameynayaan dibad bax. Ganacsatada Hilibka iibiya ayaa debad baxooda u sababeeyay kaddib markii lagu kordhigay lacag 100 doollar ah halka marka hore laga qaadi jiray 200$, hayeeshee hadda kaddib laga doonayo inay bixiyaan lacag 300$ ah. Lacagta 100$ka doollar ee dheeriga ku ah ganacsatada ayay sheegeen inaysan bixin Karin, waxaana ay sheegeen in lacagtaasi ay ka qaadaan qolo ay ku sheegeen inay dalaalaan xoolaha Geella. Halka maamulka gobalka banaadir ay ku sheegeen inuu ka qaado lacagta 200$ taasoo ay ku tilmaameyn culeys aan laga bixi karin. Dadka Muqdisho ayaa Maanta intooda badan iibsanayo Malayga badalka Hilibka maadaama la joojiyey ka ganacsiga Hilibka. Dhawaan ayey aheyd markii Gaadiidleyda Muqdisho ay shaqo joojin sameeyeen iyagoo ka cabanayo canshuur xad dhaaf ah oo laga qaado iyo jidadka oo weli xiran. Halkaan ka daawo Shirqool lagu dili rabay Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo la shaaciyey Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Beledwayne (SMN) – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa ku dhawaaqay in uu cadaaladda marsiinayo dad musuqmaasuqay gurmadka Beledwayne. Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshadda gobolka Hiiraan ayaa wuxuu u digay qof walba oo ku fekeraya in uu wax is-dabamarin sameeyo. Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadda ay dabagal badan ku sameyn doonan shaqsiyaad laga shakisan yahay. Tani ayaa kusoo aadeysa markii shalay la qabtay laba qof kuwaas oo leexsaday gurmad loo waday shacabka dhibaateysan ee Beledwayne. Shaqsiyaadkaas ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgal abaabulan oo ciidamada ka sameeyeen magaaladda Beledwayne. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/HirShabelle-1.mp3 View the full article
  5. Guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka dowladda Federaalka , Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo ku sugan magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida, ayaa ka hadlay doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee la filayo in ay dhacdo 2020/2021-da. Guddoomiye Mursal, ayaa sheegay in doorashadu ay ku dhici doonto wakhtiga loogu talo galay, oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku iman doona doorashada, isagoo xusay in Barlamaanka Soomaaliya uu ka doodi doono shuruucda looga baahanyahay doorashada soo soo soo socota. “Doorashada xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa haddii Alle idmo, Waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada” ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da. Sidoo kale, wuxuu sheegay in mudda xileedka dowlad kasta oo la doorto ugu qoran Dastuurka ay tahay afar sano oo keliyah, islamarkaana dowladda walba ay haysato afar sano, marka afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Mursal oo sheegay in doorashada Soomaaliya ay wakhtigeeda ku qabsoomi doonto appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmahanba ku sugnaa dalka Itoobiya, gaara ahaan Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu ku casuumay dhiggiisa Itoobiya ayaa waxaa uu ka hadlay doorashada la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka dambe. Mursal ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto xiliga loogu talo galay, oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku iman doona doorashada, barlamaanka Soomaaliyana uu ka doodi doono shuruucda doorashada soo soocta. “Doorashada xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa haddii Alle idmo, Waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada”, ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da. Waxaa kale oo uu sheegay in mudo xileedka dowlad walba ay ku qoran tahay dastuurka, oo dowladda walba ay heysato afar sano, marka afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono. Barlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay sharciga doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka, waxaana guddigaas uu kulamo ugu tegay inta badan maamulada dalka, si ay uga ra’yi dhiibtaan sharciga doorashada. Xulista guddiga doorashada ee barlamaanka uu magacaabay ayaa timid, kadib markii xukuumadda federaalka ay barlamaanka u gudbisay sharciga doorashada, taas oo keentay in golaha shacabka ay guddi u magacaabaan ka soo tala biixnta soo jeedinta dowladda. Doorashada xubnaha barlamaanka Soomaaliya oo haatan ay ka harsan tahay sanad ayaa wali waxaan la ogeyn qaabka ay u dhici doontaa doorashada iyo nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonto, arrintaas oo dad badan ay ka dhowrsugayaan. Qaar kamid ah axsabata mucaaradaka ayaa dowladda ku eedeeyay in ay damacsan tahay muddo kororsi, walow aysan marnaba xukuumadda ka hadlin in ay damacsan tahay arrin noocaas ah. Halkaan ka daawo madaxweyne Farmaajo oo weeraray Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Khayre iyo madaxweyne ku-xigeenka Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa Kula kulmay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay xariirka ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Federica Mogherini oo sidoo kale ah wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda amniga, ayaa adkeysay sida ay Midowga uga go’antahay in Soomaaliya ay ku taageeraan hiigsigeeda dhismaha Soomaaliya ku tillaabsata siyaasad loo dhanyahay, amni, dhaqaale ahaanna horumarsan oo ka faa’iideysata bulshadeeda hal abuurka leh. Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu uu ka la qaatay Federica Mogherini ayaa qayb ka ah shirar uu Brussels kula qaadanayo hoggaanka midawga Yurub. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub Oo Brussels Ku Kulmay appeared first on Puntland Post.
  8. Garowe (SMN) – Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu dooranayaa afhayeenkooda rasmiga ah. Xildhibaanadda ayaa waxay kala dooran doonan dhowr murashax, kuwaas oo ku baratami doona coddeynta oo aad isha loogu hayo. Doorashadan ayaa ka dambeysay markii ay kalsoonida kala noqdeen afhayeenkooda Cabdixakiim Dhooba Daareed oo qaadacay. Puntland ayaa ah maamul goboleedka ugu da’da weyn federaalka ka jira Soomaaliya, oo ah dal dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-14112019.mp3 View the full article
  10. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa sheegay in uu ku bogaadinayo ganacsatada dareenka waddaniyeed ee ay u qabaan dalkooda iyo doorka ay ka qaataan xal u helista duruufaha ku xeeran. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada uu hoggaaminayo ee ku saleysan taabbo gelinta hannaan dowladeed oo maamuus leh, ayna ku faani karaan dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Safaaraddeena Nayroobi si ay u yeelato muuqaal ka tarjumaya hiigsigeenna qaran, hanka iyo kartida ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed. “Dhismaha Safaaraddan idiinka iska leh. Waxaa loo baahan yahay in aad dib u dayactirtaan oo kaalin weyn aad ka qaadataan, si dadka shisheeye aynu ugu muujinno wajiga dhabta ah ee Soomaaliya iyo hawlkarnimada dadkeenna.” Dhinaca kale, madaxweyne farmaajo waxa uu si adag u dhaliilay siyaasiyiinta iyo mucaaradka ah dhaliilsan dowladda “ Siyaasiyiinta bannaanka taagay ee hor-taagan idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinaya kuligood waa shaqo doon, oo waxay yaqaaneen wixii ay soo dhadhamiyeen maalin walba waxbaa la bedelaa in la abuuro siyaasiyiin cusub oo aan laga faa’ideysan”. Munaasabadan oo lagu qabtay xarunta Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya waxaa ku wehliyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Danjire Maxamuud Axmed Tarsan, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade, La-taliyeyaal iyo diblomaasiyiinta ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi. Hoos ka daawo khudbadiisa iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo si adag u dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradsan dowladdiisa appeared first on Puntland Post.
  11. It seems like every day a new workout is popping up-have you heard about “Shock Therapy,” the first workout studio in New York City to offer a fitness class that features an electrical muscle … Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha, Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isaga oo ku sugan magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi, ayaa uga warbixiyey xaaladda guud ee siyaasadda dalka, fursaha jira, iyo caqabadaha haatan ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada uu hoggaaminayo ee ku saleysan taabbo gelinta hannaan dowladeed oo, ay ku faani karaan dadka Soomaaliyeed. Farmaajo waxa uu sheegay inay jiraan sida uu hadalka udhigay siyaasiyiin Careysan oo ka soo horjeeda Nidaamka dowladnimada ee somaliya, kuwaas oo qaarkood uu sheegay inay horay u soo dha’dhamiyeen howlaha haatan ay hayaan madaxda talada heysa. Madaxweyne farmaajo oo hadalkiisa siiwata ayaa soo hadal qaaday in dhibaatooyinka jira xiligaan ay qeyb ka yihiin madaxweynahayaasha dowladgoboleedyada qaar oo uu tilmaamay inay raadinayaan helida Awooda dowlada dhexe oo kale, kuwaas oo ku mashquulsan dhismaha Ciidamo iyo tastuur ugaar ah iyaga. Ugu Dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ugu baaqay ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen fatahaadaha dalka ka jira. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu ku boorriyay ganacsatada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Safaaradda Nayroobi si ay u yeelato muuqaal ka tarjumaya hiigsiga qaran, hanka iyo kartida ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed. “Dhismaha Safaaraddan idiinka iska leh. Waxaa loo baahan yahay in aad dib u dayactirtaan oo kaalin weyn aad ka qaadataan, si dadka shisheeye aynu ugu muujinno wajiga dhabta ah ee Soomaaliya iyo hawlkarnimada dadkeenna.” Munaasabadan oo lagu qabtay deegaanka Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya waxaa ku wehliyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Danjire Maxamuud Axmed Tarsan, Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade, La-taliyeyaal iyo diblomaasiyiinta ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi. View the full article
  13. U.S. President Donald Trump welcomes Turkey's Pressident Tayyip Erdogan at the White House in Washington, U.S., November 13, 2019. REUTERS/Tom Brenner Source: Hiiraan Online
  14. DAKAR, Senegal — Gambia, the smallest country in continental Africa, took an unprecedented step this week in the realm of international justice: It filed a lawsuit at the United Nations’ top court accusing Myanmar of genocide against Rohingya Muslims. Source: Hiiraan Online
  15. Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka ee saaka dhacaysa, waxa ku tartamaya saddex musharrax oo kala ah; Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cali Axmed Dhahar iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Saddexda musharrax, ayaa maalmihii la soo dhaafay waday loollan ku aaddan kala jiidashada xildhibaannada Baarlamanka Puntland, inkastoo doorashadan lagu tilmaamay mid ka saamayn yar tii lagu doortay guddoomiye Cabdixakiin Dhooba-daareed. Sida ay sheegayaan xeel-dheerayaasha Siyaasaddu, doorashadan kama muuqdo abaabul xooggan iyo loollan adag, sida tii dhacday 4-Jannaayo ee sannadkan oo lagu doortay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Balse, haddana waxay saadaalinayaan in musharrax Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu yahay midka ugu fursadda fiican, marka loo eego abaabulka ol’olihiisa iyo miisaanka siyaasadeed ee uu ku leeyahay gobolka Sanaag. PUNTLAND POST The post Doorashada guddoomiyaha Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  16. A new report by United Nations special investigators says Kenya's military was responsible for five attacks on telecommunications masts in neighbouring Somalia, including strikes that killed two civilians. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Khubrada QM ee Soomaaliya oo soo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay ka been sheegtay kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Nairobi iyo Muqdisho. Guddiga ayaa sheegay in Kenya ay marin habaabisay shirkii ay dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Spectrum Geo (oo hadda la baxday TGS) ku qabteen magaalada London, 7-dii February, kaasi oo lagu soo bandhigay xogta daraasad shidaal sahmin oo lagu sameeyey ciidda xeebaha Soomaaliya. Kenya ayaa toddobaad kadib shirkaas u yeertay safiirkeeda Soomaaliya, ayada oo ku dooday in dowladda Soomaaliya ay shirkaas ku xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku yaalla aagga gaarka ah ee dhaqaalaha Kenya (Exclusive Economic Zone). Si kastaba, Guddiga Khubrada QM ee Soomaaliya ayaa sheegay in xogta lagu soo bandhigay shirkaas aysan wax shaqo ah ku lahayn aag badeedka lagu muransan yahay. Guddiga waxa uu sidoo kale sheegay in wax xirmooyin shidaal ah aan lagu xaraashin shirkaas, sida ay Kenya ay sheegtay. Warbixinta Guddiga ayaa meesha ka saareysa mid ka mid ah sababihii ay Kenya u adeegsatay in dagaal diblomaasiyadeed oo xooggan ay ku qaado Soomaaliya tan iyo markaas. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan horey ugu beenisay in xirmooyin shidaal ay xaraashtay, waxayna sidoo kale sheegtay in dhul badeedka sahminta laga sameeyey aanu ku jirin midka muranka ka taagan yahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Booliska dalka Norway oo la wareegay hantida wiilkii weeraray masjidka al-Noor si uu magdhow ahaan loogu siiyo dadkii uu waxyeelleeyay Booliska deegaanka Asker iyo Bærum ee duleedka caasimadda Oslo ayaa la wareegay hantida maguurtada ah ee wiilkii weerarka u geystay masjidka al-Noor Philip Manshaus, kuwaas oo ka kooban guri iyo garaash. Hantidan oo uu leeyahay boqolkiiba sagaashan ayuu ku leeyahay magaalada Oslo, waxaana qiimeheeda lagu qiyaasay 5.9 milyan oo kroner. Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ay tallaabadani qaadayaan si ay u xaqiijiyaan bixinta magdhow lasiiyo dadka uu waxyeellada ugu geystay weerarkiisa. Tallaabadan cusub ee uu boolisku kula wareegay hantidiisa ayuu kasoo horjeestay Philip Manshaus oo 22 jir ah, waxaana uu sheegay in uu la tiigsan doono sharciga. Wiilkan oo ku hubeysnaa qori darandoori u dhaca ayaa masjidka deegaanka Bærum ee duleedka Oslo ku furay rasaas, balse waxaa hakiyay oo qoriga kula dhagay labo waayeello ah oo ka mid ah jameecada masaajidka. Baaris boolisku ku sameeyeen gurigiisa ayaa waxa ay ka heleen meydka gabar ay “walaalo” ahaayeen oo ay waalidkiis soo korsadeen taas oo kasoo jeeday asal ahaan dalka Shiinaha. Gabadhan ayaa la sheegay in uu dilay ka hor inta uusan u dhaqaaqin dhanka masjidka. Ujeedka weerarkan ayaa looga shakisan yahay fal cunsurinimo oo neceyb ajaaniibta ah, waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah odayaashii qabtay. WARQADDA BOOLISKA KASOO BAXDAY: Qaran News
  19. Istanbul (Caasimada Online) – Wargeyska Arab Weekly ayaa warbixin uu qoray ku sheegay in inkasta oo dalalka Qatar iyo Turkey ay u muuqdaan xulufo, haddana ay kusii kala durqayaan loolan xooggan oo u dhaxeeya oo ka socda gudaha dalka Soomaaliya. Warbixinta ayaa sheegtay in labada dal ay ku loolamayaan qaar ka mid ah maamulka dekedaha Soomaaliya iyo mashruucyada kale ee kaabayasha ah ee laga fulinayo Soomaaliya. Turkey ayaa gacanta ku haysa dekedda ugu weyn Soomaaliya ee Muqdisho, halka Qatar ay hadda isku dayeyso inay maal-gashato dekedda Hobyo ee gobolka Mudug. Wargeyska oo soo xiganaya qaar ka mid ah warbaahinta dalka Turkiga ayaa sheegaya inuu burbur wajahayo is-xulufaysigii u dhaxeeyey labada dal ee gudaha Soomaaliya. Qatar iyo Turkey ayaa kula loolamay Soomaaliya, ugana guuleystay xulufadii Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Wargeyska oo soo xigtay sarkaal Soomaali ah ayaa sheegay in Qatar ay gudaha Soomaaliya ka qaadatay go’aanno ay diidaneyd Turkey. Wargeyska ma uusan shaacin waxa ay ahaayeen mowqifyadaas. Xiisadda labada dal ayaa kasoo billaabtay dalka Qubrus, kadib markii Turkiga uu billaabay inuu xeebaha dalkaas ka baaro gaas. Goobahaas ayaa ahaa kuwa horey xuquudooda ay dowladda Qubrus u siisay dowladda Qatar. Warbixinta ayaa sheegtay in wafdi dhowaan ay Qatar u dirtay Soomaaliya ay adeegsadeen siyaasado ka dhan ah dowladda Turkiga, aadna ay uga hor-yimaadeen. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowaan wargeyska Daily Sabah ee Turkiga oo ku xiran madaxweyne Erdogan uu qoray in taleefishinka Aljazeera oo ay Qatar leedahay uu faafinayey dacaayado ka dhan ah howlgalka Turkiga uu ka fuliyey waqooyiga dalka Syria. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com
  20. Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddiga Qaramada Midoobay ee UN Monitoring Group, ayaa warbixinteedii sanadlaha aheyd ee sanadkan 2019, waxay ku sheegtay in shirkad ay leedahay dowladda Itoobiya ay hubka ka iibiso Somaliland. UN Monitoring Group ayaa sheegtay in Shirkadaasi oo lagu magacaabo Metals and Engineering Corporation (MetEC), ay sidoo kale hub ka iibiso maamulo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, inkasta oo aysan xusin. Guddigaasi ayaa waxay sheegen inay heshay Dokumentiyo cadeynaya in hub la kala iibsaday sanadihii 2013 ilaa 2015, iyadoona la kala siistay hubkaasi lacag ka badan saddex milyan oo dollar. Warbixintaasi ayaa sidoo kale waxa lagu soo bandhigay Warqad qoraal ah oo uu qorey Taliyihii hore ee Ciidanka Somaliland, Generaal Ismaaciil Shaqale, midaasi oo sheegaysay in Somaliland ay shirkada MetEC ka heshay hub qiimihiisu dhan yahay 698,600 oo dollar, taasi oo ay ku taariikhaysaneed 28 September 2014. Waxa ugu dambeyntiina Warbixintaasi lagu sheegay in shirkada Metals and Engineering Corporation (MetEC), ay maamulada Somaliland iyo Puntland ula dhaqmi jirtay sida dalal madax banaan, sidaasina uga iibin jirtay hubka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag uga hadlay xubnihii ay shalay ansixiyeen Golaha wakiilada Somaliland, isagoona luuqad adag kula hadlay Madaxweyne Biixi. Golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay waxay ansixiyeen lix xubnood oo kamid ah xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo ay labo kamid ahi si weyn uga soo horjeeden Xisbiyada mucaaridku. Guddoomiye Ciro ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku dhaqmayo caragsi, isla markaana ay qaadi doonaan talaabo kasta oo hogaan xumada Biixi looga bad-baadinayo Somaliland. Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale waxa uu taageerayaasha xisbiga Waddani uu faray inay kala qeyb qaataan halgan uu sheegay in Somaliland lagaga bixinayo maamul xumada uu baday Madaxweyne Muuse Biixi. “Waxa aanu Muuse xasuusineynaa in aanu Somaliland xoog iyo xabad midna ku qabsan kuna haysan karaynin” ayuu yiri Guddoomiye Ciro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa. Wuxuuna intaas kusii daray ” Haddii uu ku sii wado carigsiga iyo sharci jiidhka, waxa aanu ku dhaqaaqi doona tallaabo kasta oo Somaliland lagu bad-baadinayo”. “Waxaan faraya taageerayasha Xisbiga iney u diyaar garooban halgan iyo hawl adag oo dalka lagaga bad-baadinayo Maamul Xumada Muuse Biixi baday”. Hadalkan Guddoomiye Ciro ayaa u muuqda mid uu fariin hanjabaad ah ugu dirayo Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana uu ku baaqayo in la sameeyo kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Xukuumada talada Somaliland haysa ee uu Biixi hogaamiyo. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. UNITED NATIONS — Al-Shabab extremists in Somalia remain “a potent threat” to regional peace and are now manufacturing home-made explosives, expanding their revenue sources and infiltrating government institutions, U.N. experts say. The panel of experts’ report to the Security Council, circulated Tuesday, said a significant escalation of U.S. airstrikes targeting al-Shabab militants and leaders has kept the al-Qaida-linked group “off-balance” but has had “little effect on its ability to launch regular asymmetric attacks throughout Somalia.” The report said al-Shabab’s assault on Jan. 15 on a commercial business complex in Nairobi, Kenya, containing the DusitD2 Hotel “illustrates the danger the group continues to pose to regional peace and security.” That attack killed 21 people as well as four gunmen. The experts also cited “an unprecedented number” of attacks across the Kenya-Somalia border by al-Shabab in June and July, “possibly in an effort to exploit strained relations between the two countries.” The panel, which monitors sanctions against Somalia, also reported on the arrest last Dec. 17 of a Somali national linked to the Islamic State extremist group in Bari, Italy, in connection with a planned attack on the Vatican and other targets to coincide with Christmas celebrations. The experts said the plot by Omar Moshin Ibrahim, also known as Anas Khalil, to plant a bomb in St. Peter’s Basilica in Rome on Christmas Day “was rudimentary and had little chance of success.” Intercepted communications indicated Ibrahim devised the plan on his own and was not directly tasked by Islamic State operatives outside the country, the panel said. Still, the Vatican plan was the first instance in which Islamic State elements in Somalia “were directly linked to an attempted terrorist attack outside the country,” it said. After three decades of civil war, extremist attacks and famine, Somalia established a functioning transitional government in 2012 and has since been working to rebuild stability. But U.N. Secretary-General Antonio Guterres has said it must still tackle violent extremism, terrorism, armed conflict, political instability and corruption. The panel stressed that while an African Union peacekeeping mission and the Somali army hold the majority of urban centers in Somalia, “al-Shabab maintains direct control or influence over vast swaths of the hinterland and is able to cut off main supply routes” and isolate government pockets. The experts said that for the first time they obtained “definitive evidence that al-Shabab has been manufacturing home-made explosives since at least July 20, 2017,” based on post-blast analyses carried out by the U.S. Federal Bureau of Investigation. The data established that al-Shabab carried out at least 11 attacks with improvised explosive devices in Somalia using home-made explosives, they said. Al-Shabab previously relied on military grade explosives, obtained mainly from remnants of war and munitions captured from the AU peacekeeping mission, the experts said. “The manufacture of home-made explosives means that the group may now have access to far more readily available inputs for the construction of such devices,” they said. During the past year, the panel noted, al-Shabab carried out “an unprecedented number of improvised explosive device attacks.” It said al-Shabab used improvised explosive devices to kill and injure civilians in restaurants, marketplaces, camps for displaced people, shopping centers, government offices and hotels. The experts said al-Shabab’s infiltration of government institutions reached the office of Mogadishu’s mayor on July 24, when a female suicide bomber blew herself up and killed at least 10 people, including Mayor Abdirahman Omar Osman and three district commissioners. Al-Shabab said afterward that its target had been the new U.N. envoy to Somalia, James Swan, who had left the office minutes earlier. The experts said it later emerged that the suicide bomber had been employed at the office since May 2018 under an assumed identity. They said an accomplice, also employed in the office under a false name, was still being sought. In a briefing to reporters last week, Somali intelligence chief Fahad Yasin said the country’s intelligence agency has rolled out new background screening of all government workers to find al-Shabab infiltrators. Mogadishu is experiencing a period of calm because of a number of efforts including the deployment of hundreds of undercover officers and surveillance cameras across the city, Yasin said. Further checkpoints have been set up in Mogadishu to help stop al-Shabab from smuggling in explosives and attackers. The U.N. panel’s report said money is not a limiting factor for al-Shabab, saying its “taxation” of all aspects of Somalia’s economy “is undiminished, and has likely expanded.” The experts cited preliminary evidence indicating al-Shabab has started taxing imports into the port of Mogadishu. “The group also continues to take advantage of virtually unregulated mobile money and domestic banking services to collect and transfer revenues throughout the country,” the report said. Source: AP