-
Content Count
213,994 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay kulankii dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay facebook hoos ka aqriso Madaxweyne Farmaajo cid ka aqrisanaysa in uu dhuunto majirto ee inta Ummadda hor yimaado ha u sheego waxa uu Kenya kula heshiiyay! Warsaxaafadeedka galabta ka soo kala baxay Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda Kenya waxa lagu sheegay in labada Madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Uhuru ku heshiiyeen in arrinta dacwada Badda ee taala Maxkamadda Cadaalada Adduunka (ICJ) lagu xaliyo hab labada dhinac wada oggolyihiin. Taasoo micnaheedu yahay in dacwada Badda la soo celiyo kadibna wada hadal lagu xaliyo. Haddaba, waan aragnay mowqifka rasmiga ah ee dowlada Kenya waxaan ka codsanaynaa Madaxweyne Farmaajo in uu Ummadda hor yimaado runtana ka sheego waxa dowlada Kenya uu kula heshiiyay. Arintaan waa arin masiiri ah oo qaranimada Soomaaliya taabanaysa, mana jirto cid ka aqrisanaysa Madaxweynaha inta qolkiisa hoosta ka xirto in aamusnaan iyo dhuumasho uu Ummadda ku siro! Halkaan ka daawo Shirkii jaraa’id ee labada Madaxweyne
-
Presidents Uhuru Kenyatta and Somalia’s Mohamed Farmaajo have committed to safeguard Kenya-Somalia bilateral relations despite the divisive maritime dispute before the International Court of Justice. Foreign Affairs CS Monica Juma said in a statement on Thursday that President Farmaajo “expressed his confidence that the ICJ issue would be resolved in a mutually acceptable manner and not affect our bilateral relations.” They also restored issuance of travel visas on arrival arrangement for citizens of the two nations. Additionally, the two leaders agreed to restore direct flights from Mogadishu to Nairobi in a week. Uhuru met Farmaajo at his hotel, rather than State House, where he has been receiving other dignitaries. Uhuru met and discussed Kenya-Somalia relations on the sidelines of the ICPD25 summit that ended on Thursday. “They [Uhuru and Farmaajo] reaffirmed the invaluable relations between Kenya and Somalia as neighbours.” “The two principals agreed to bring normality to our bilateral relations and do everything to ensure peaceful relations including obtaining visas on arrival to encourage free movement of our people,” Juma said in a tweet. Farmaajo further expressed gratitude Kenya’s role in AMISOM and hospitality to Somali refugees. Mid last month, the ICJ for the second time this year postponed the maritime delimitation case to 2020, a move that was widely seen as a tactical and strategic move by Kenya to push for an out-of-court settlement. This was after Kenya’s Foreign Affairs CAS Ababu Namwamba met Somalia Prime Minister Hassan Khaire on October 2 in a follow up to the New York talks between Uhuru and Farmaajo. This was under the chairmanship of Egyptian President Abdelfatah Al Sisi, who is the AU chairman. The two leaders had met on September 24, but Somalia had insisted the rapprochement would not affect the ICJ case. Through Somalia Presidency’s director of communications Abdinur Mohamed, Mogadishu said they had agreed to work towards normalising relations without any implications for the maritime case at the ICJ. At the time, a Kenyan-Somali committee to negotiate the maritime border dispute was formed. The committee would start working towards “adopting measures for restoring confidence and resolving all problems so as to normalise bilateral relations”. External pressure cannot be ruled out of these developments. US Ambassador to Kenya Kyle McCarter just last month told a local daily that the dispute “has to be addressed quickly.” “We have been working to get President Farmaajo and President Kenyatta to come to the discussion table. I’ve been to Mogadishu to speak to the Somalia resident. I told him to pull off the court case,” Ambassador McCarter said.
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo ku soo booqday hooyga Madaxweynuhu uu ku degan yahay magaalada Nayroobi. Labada Madaxweyne oo iska xog-wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska. Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraaid oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru waxa uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya martisoorka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ee ka qeyb galayey Shirka Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Horumarka ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab. Dhankiisa, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nayroobi, isagoona tilmaay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah. Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nayroobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-14112019-sax.mp3 View the full article
-
Farmaajo iyo Uhuru Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulan ku qaatay magaalada Nairobi, waxayna iska xog-wareysteen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska. Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraa id oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru waxa uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya martisoorka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga dowladda Federaalka Somaaliya ee ka qeyb galayey Shirka Caalamiga ah ee dadweynaha iyo horumarka ee Qaramada Midoobay. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab. Dhankiisa, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nairobi, isagoona tilmaay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah. Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nairobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas. Kulanka labada Madaxweyne ayaa ku soo aadaya iyadoo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ay dhawaan dib u dhigtay xiiska muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in muranka labada dal lagu dhameynayo wada hadal, inkstoo dowladda Soomaaliya ay ku adkaysanayso Maxkamadda. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo kulmay, shir jaraa’idna wada qabtay appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU, SOMALIA - Ahmed Sabrie woke up to find his house half-submerged in fast-rising flood waters. Source: Hiiraan Online
-
Kulan goordhow soo dhamaaday oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in labada dal iska afgarteen arrinta badda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa barteeda Twitter-ka ku qortay in Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay sida uu uga rajo weyn yahay in kiiska badda ee maxkamadda yaalo lagu xaliyo qaab ay labada dhinac raali ka yihiin, oo aan saameyn xiriirka labada dal. Isla kulanka waxaa la sheegay in la fududeynayo socodka oo diyaaradaha toos uga degi doonaan Joma Kenyatta, fiisayaadha diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha rayidkana lagu qaadan doono isla garoonka. Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya inuu jiray kula qarsoodi ahaa oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay dhexmaray labada Madaxweyne iyaga oo isla meel dhigay qodobada maanta la sharciyey iyo qaar la qariyey. Xiriirka labada dal ayaa aad u xumaa tan iyo February ee sanadkan, taasi oo keentay In Nairobi qaado talaabooyin waali ah, waxaase muuqato in Kenya ay aragtay isbadal dhanka Soomaalida. Goobj Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barteed twitter-ka kadib kulanka ku sheegtay in Farmaajo uu Kenya u sheegay “inuu ku kalsoon yahay in kiiska maxkamadda ICJ ee ka dhaxeeya labada dal lagu xalin doono hab ay labada dalba ku wadi qanci karaan.” Sidoo kale, qoraal lasoo dhigay bogga madaxtooyada Kenya ee facebook ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo muujiyey inuu kalsoon yahay in “muranka badda ee u dhaxeeya labada dal oo hadda hor-yaalla maxkamadda ICJ lagu xalin doono hab ay labada dal ku wada qanci karaan.” Farqiga labada qoraal ee madaxtooyada Kenya iyo wasiirka arrimaha dibedda u dhaxeeyey ayaa ah kaliya in madaxtooyada tiri muranka-badda, halka Juma ay tiri kiiska ICJ, oo isku macno un ku dhamaanaya. Labada qoraalba laguma bixin wax faah-faahin oo ku saabsan waxa loola jeedo hab lagu wadi qanci karo, hase yeeshee Kenya ayaa muddo olole ugu jirtay in la gaaro xal labada dalba ay ku wada farxi karaan, oo ka baxsan maxkamadda. Kiiska maxkamadda ICJ ma noqon karo mid ay ku wada qancaan labada dal, sidaas darteed waxay u eg tahay inay jiraan arrimo kale oo aan weli sharaxaad laga bixin. Waxay sidoo kale sheegtay in la isku afgartay in kiiska ICJ uusan saameyn ku yeelan xiriirka labada dal. Dhanka kale, qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada dal ay isku raaceen in dib loo soo celiyo xiriirka labada dhinac, islamarkaana la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nairobi iyo Muqdisho. Villa Somalia ayaa sidoo kale sheegtay in la isla gartay in masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas. Qoraalka Villa Somalia laguma soo darin warka ay Kenya ku sheegtay in madaxweyne Farmaajo sheegay in kiiska ICJ lagu qancinayo hab ay labada dal ku wada qanci karaan. Halkaan ka daawo Shirkii jaraa’id ee labada Madaxweyne Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somalian President Mohamed Farmaajo has said the Kenya-Somalia maritime dispute issue will be resolved in a mutually acceptable manner. Foreign Affairs CS Monica Juma said in a tweet that President Farmaajo “expressed his confidence that the ICJ issue would be resolved in a mutually acceptable manner and not affect our bilateral relations.” Uhuru met Farmaajo at his hotel, rather than State House, where he has been receiving other dignitaries. Uhuru met and discussed Kenya-Somalia relations on the sidelines of the ICPD25 summit that ended on Thursday. “They [Uhuru and Framaajo] reaffirmed the invaluable relations between Kenya and Somalia as neighbours.” “The two principals agreed to bring normality to our bilateral relations and do everything to ensure peaceful relations including obtaining visas on arrival to encourage free movement of our people,” Juma said in a tweet. Farmaajo further expressed gratitude Kenya’s role in AMISOM and hospitality to Somali refugees. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan Nairobi ku yeesheen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya. Uhuru Kenyatta. Hoos ka aqriso qoraalka. War-saxaafadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo ku soo booqday hooyga Madaxweynuhu uu ku degan yahay magaalada Nayroobi. Labada Madaxweyne oo iska xog-wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska. Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraaid oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru waxa uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya martisoorka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ee ka qeyb galayey Shirka Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Horumarka ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab. Dhankiisa, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nayroobi, isagoona tilmaay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah. Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nayroobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas. Halkaan ka daawo Shirkii jaraa’id ee labada Madaxweyne
-
Nairobi (SMN) – Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wada hadallo ay Nairobi ku yeesheen goor dhow ku gaaray heshiis diblumaasiyadeed oo lagu soo celinayo cilaaqaadkii labada dowladood. Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa ka mid ah 1- Duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi in dib loo billaabo si deg deg ah, meeshana laga saaro garoonka Wajeer. 2-in la sii ambaqaado iskaashi labada dowladood Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in wada hadalladaan aysan saameyn ku yeelan doonin kiiska horyaalla maxkamadda ICJ ee dacwadda hadda. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada. Golaha ayaa ansixiyay siyaasadda qaran ee qaxootiga soo guyo-noqonaya iyo barakacayaasha, xeer Nidaamiyaha qaran ee ka Saaridda dadka hoyga ama dhulka ay degganyihiin iyo baratakoolka ku Meel-gaarka ee qeybinta dhul hoy u noqda dadka muteysta ee qaxootiga Soo Guryo-noqonaya. Shirka golaha ayaa sidoo kale looga hadlay billaabidda wajiga labaad gurmadka fatahaada oo ka kooban, amniga guud ee dalka iyo howl-gallada lagu baacsanayo argagaxisa. View the full article
-
Somali military court has today sentenced two al-Shabaab assassins convicts to death for the murder of five people in the Somali capital Mogadishu. According to the statement by the court, the convicts identified as Sadiq Abdijabar Hussein and Shueb Abdullahi Mohamed were found guilty of killing four soldiers and one civilian. Hussein was said to have killed Mohamud Hassan Ibrahim, a police officer in March 2019, while Mohamed was found guilty of killing four people including Abdullahi Ibrahim Hassan, Yusuf Abdullahi Mohamud, Abdi Ali Mohamud, and Hussein Moalim Ali Jilacow. The court also sentenced two others for being al-Shabaab members and attempt and conspiracy to kill a woman. The two, Ismail Aweys and Mohamed Osman Ahmed were to have fallen in the hands of the police after the plan to eliminate the woman failed. The court sentenced the two to life in prison. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka aheyd Mudane Cali Maxamed Geeddi uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow. Madaxweyne Farmaajo waxa uu u rajeyey walaalkiis Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo dhammaan qoyska ay ka baxday marxuumaddu in uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan, iyadana hooygeeda ka yeello Janatul Firdoows. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun, Waxaa na soo gaaray warka murugada leh ee ku saabsan geerida ku timid Alle ha u naxariistee, hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow, Waxaan si guud murugada ula qeybsanayaa qoyskii iyo ehelkii ay ka baxday, gaar ahaan walaalkeey Raiisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi.” Madaxweynaha ayaa marxuumadda Alle u weydiiyey dambi dhaaf iyo in uu qabrigeeda uga dhigo beer janno, aakhirana kala yeelo safka shuhadada iyo addoomada Alle ee suubban. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi wada-hadallo kula leh madaxweynaha dalak Kenya Uhuru Kenyatta. Warkan ayaa waxaa shaaca ka qaaday agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur Maxamed, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka. Cabdinuur ayaa sheegay in kadib wada-hadallada ay labada madaxweyne qaban doonaan shir jaraa’id oo ay ku faah-faahin doonaan waxyaabaha ay isku afgarteen Illaa hadda lama yaqaan waxa ay ku saabsan yahiin wada-hadallada u socda labada dhinac, mana cadda in xiisadda badda ay qeyb ka tahay. Naga filo faah-faahin iyo waxa kasoo baxa wada-hadallada dhowaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland, Cabdirashiid yuusuf Jibriil oo khudbad u jeediyay mudanayaasha Baarlamanka, ka hor inta aan la dooran, ayaa soo bandhigay waxqabadkiisa, haddii uu ku guulaysto hoggaanka Baarlamanka. Guddoomiyaha cusub ayaa ballan-qaaday in uu ilaalin doono ku dhaqanka Shuruucda iyo Dastuurka dowladda Puntland, islamarkaana uu la xisaabtan gelin doono Barnaamijyada Xukuumadda Puntland ay u soo bandhigto Golaha Wakiilada, si hufnaan loogu adeego bulshada. Sidoo kale, wuxuu ballan-qaaday in uu ka shaqeyn doono, dhawrista Xasaanadda mudanayaasha iyo sare u qaadidda aqoontooda, si loo heho xildhibaanno fahamsan Xeerarka iyo Dastuurka Puntland, kuna dhaqma Shuruucda dalka. Mudane Jibriil ayaa dhinaca kale tilmaamay, in uu difaaci doono Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo sida uu sheegay ay fara-gelin xooggan ku hayso xukuumadda Federaalka, isagoo xusay in uu Golaha Shacabka Federaalka kula xisaabtami doono saamiga ay Puntland leedahay. Guddoomiyaha oo mar kale guushiisa kadib hadal kooban jeediyay ayaa yiri “ Iftiin baa ii muuqda, waxaan arkaa midnimada Puntland oo lama taabtaan ah, waxaan arkaa dhulka Puntland oo aan cadowgu ku soo dhiirran Karin”. Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Muxuu ballan-qaaday Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dilay meel u dhow hotelkii hore ee Lafweyn oo ku yaalla inta u dhaxeysa isgoyska Fagax iyo xaafada Siisii ee magaalada Muqdisho. Dilka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Baar Feeynuus oo xilligaas uu ku sugnaa askariga la dilay, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online. Dilka kadib ayaa ciidamo booliis ah oo ku sugnaa meel aan ka fogeen halka dilka uu ka dhacay waxay toogteen mid ka mid ah raggii dilka geystay. Ciidamada ayaa goobta waxaa ay ka qaadeen meydadka askarigii ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo shaqsigii ka dambeeyey dilkaas, iyaga oo howlgal aan wax najiijo ah kasoo bixin halkaasi ka sameeyey. Shalay ayay aheyd markii sidoo kale ciidamada booliska degmada Wadajir ay qabteen laba ka mid ah rag suuqa degmadaasi ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka degmada Wadajir, kuwaas oo isku dayayay inay baxsadaan. Si deg degta leh ee ay booliska uga jawaabayaan dilalka, ayaga oo durba qabanaya ama dilaya dableyda gaysata ayaa muujineysa sida waxqabadka booliska gobolka Banaadir uu sare ugu sii kacayo. Halkaan ka Daawo Villa Somalia oo lagu helay musuq maasuqii ugu weynaa iyo Qaramada Midoobay oo tallaabo qaadeyso Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Somali Prime Minister, Hassan Ali Kheire has met with deputy President, Federica Mogherini in Brussels of Belgium. They discussed the strong cooperation between the European Union and Somalia at all levels, from peace and security to economic development and support for the strengthening of democracy. The prime minister briefed Mogherini on the progress achieved by the government in security, economic reforms, and promoting democracy. Mr. Kheire has commended the support of the European Union to Somalia saying the EU plays a very important role in Somalia’s recovery. On her side, Mogherini has expressed EU’s strong commitment to supporting the Federal Government’s state-building vision towards a politically inclusive, secure and economically progressive Somalia, where best use is made of its entrepreneurial and youthful population and vast natural resources to the benefit of all Somalis. She said the EU is committed to supporting peace and prosperity in Somalia and, together with the Member States, supported Somalia’s state-building with €3.7billion since 2015. The EU’s engagement in Somalia has intensified over the years, with the EU remaining the largest donor both in terms of political engagement as well as financial and technical support and expertise. Since 2008 the EU has provided more than €1.2 billion to the country through various financial sources. plays a very important role in Somalia’s recovery. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay xukunno ku ridday afar dhalinyaro. Shaqsiyaadkan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay Muqdisho ka geysteen dilal qorsheysan. Shuceyb Cabdullaahi Maxamed, 23-jir, ina Wiilo Axmed Maxamed, ku dhashay Diinsoor, ayaa garka loo geliyey xukun dil toogasho ah. Saadaq Cabdijibaar Cumar Xuseen, 21-jir, ina Kaamilo Maxamed, kuna dhashay Xamar, ayaa waxaa isana loo go’aamiyey dil toogasho. Maxamed Axmed Cismaan Cumar, 24-jir, ina Aamino Siidow Farey, ku dhashay Xamar, ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa’in Ismaaciil Maxamed Aweys, 24-jir, ina Baarliin Sheekh Aadan, ku dhashay Kismaayo, xarunta KMG Jubaland, ayaa helay xabsi daa’in. Inta badan maxkamadda ayaa waxay xukuno ku ridaa xubnaha lagu soo eedeeyo Shabaabnimadda ee loo tiiriyo dilal iyo qaraxyadda. View the full article
-
Popular Contributors
