Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Wasiirada oo ansixiyay Istaraatiijiyadda qaran Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa meel mariyay Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda dalka. Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda oo Golaha u gudbisay Xeerkaasi, ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu Dalku yeesho. Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in siyaasaddan ay ku timid wada-tashiyo muddo dheer qaadatay oo lala yeeshay dhammaan daneeyayaasha kala duwan ee siyaasaddan. Mudane. Canshuur ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu leeyahay mid ka mid ah Isgaarsiinta ugu casrisan Qaaraddan Afrika, hase yeeshee ay ku shaqeyn jireen Suuq uusan ka jirin sharci iyo siyaasad, balse Saddexdii Sano ee la soo dhaafay ay Wasaaraddu waqti galisay sidii loo sameyn lahaa nidaamkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa shirkadaha. Sidoo kale, Wasiirka ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasaddan, wasaaradaha Isgaarsiinta ee dowlad goboleedyada, daneeyeyaasha kale ee fikirkooda ka soo dhiibtay muddadii wada-tashiyada iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo taageero farsamo ku caawisay sidii loo heli lahaa siyaasad casri ah. Halkaan ka akhriso Istaraatiijiyadda Goluhu Ansixiyay PUNTLAND POST The post Wasaaradda Boostada oo faah-faahisay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda appeared first on Puntland Post.
  2. Nairobi (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay kulan xasaasi ah ku yeesheen madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo C/Naasir Seeraar oo kamid ah Xubnaha mucaaradsan Axmed Madoobe kana soo horjeeda dib u doorashadiisii. Wararka horudhaca ah oo kulankaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xal laga gaaray khilaafkii Axmed Madoobe iyo Cabdi Naasir Seeraar ee ka dhashay doorashada, iyada oo dhex-dhexaadin labada mas’uul ay garwadeen ka yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Kenya. Cabdi Naasir Seeraar Maax iyo Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig oo ka tirsan Golaha Shacabka oo labaduba kasoo horjeedaan Axmed Madoobe ayaa mid kasta taageerayaashiisa Magaalada Kismaayo waxaa ay u doorteen Madaxweynaha Jubbaland, hayeeshee C/Naasir Seerar uu si lama filaan ah ku tegay Nairobi kulana kulmay Axmed Madoobe, halka Cabdi Rashiid Xidig aan weli wax war ah dhankiisa kasoo bixin. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kadib doorashadiisii sheegay in uu diyaar yahay in uu xaliyo cid kasta oo wax ka tabanayesa, waxaana maalmahaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu kulamo kula qaadanayay siyaasiyiin iyo madax ka tirsan Beesha caalamka. Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diiday dib u doorashadiisii ayaa weli uu u dhaxeeyaa khilaafkii ka dhashay doorashada taas oo aan weli xal loo helin. Axmed Madoobe ayaa Nairobi ka wado kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiin Soomaali ah iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, wuxuuna waqti badan ku bixinayaa sidii uu xal ugu heli lahaa khilaafka ka dhashay doorashadii dib loogu doortay ee ka dhacday Kismaayo.
  3. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo ay maanta kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Urur Goboleedka IGAD. Hoggaamiyaasha dalalka IGAD ayaa shir-madaxeedaasi uga arrinsanaya, qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay. Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada Dhaqaalaha iyo Nabad galyada. Waxa kale oo hoggaamiyeyaasha IGAD ay iska xog-wareysan doonaan qorsheyaasha ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo xasaradaha ka jira waddamada Gobolka, waxaana warbixinno looga dhegaysan doona Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira. Madaxweyne Farmaajo, ayaa madaxda dalalka IGAD la wadaagi doona , aragtida dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka. Sidaasi waxaa sheegtay Villa Somalia. Sidoo kale, Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee kasoo qeyb galaya shirkan. PUNTLAND POST The post Shir Madaxeedka Hoggaamiyaasha Urur gobolleedka IGAD oo maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-2911-2019.mp3 View the full article
  5. Two new studies are offering insights into the long-term effects of intermittent fasting on human health. The research suggests fasting for just one day a month over many years can lengthen lifespan and enhance cardiovascular health, Source: Hiiraan Online
  6. Saudi Arabia oo wajahaysa Halis kaga soo fool leh Dimoqraatiyiinta Mareykanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa wajahaysa halis cusub, kadib markii ay sarre u kacday rabitaanka Dimuquraadiyiinta Mareykanka, ee ay ku doonayaan in lagu soo rogo cunaqabteyn. Dimuquraadiyiinta Mareykanka ayaa dhowaan bilaabay inay hogaamiyaan olole xoogan oo ka dhan ah Sacuudiga, kaasi oo ay ku dalbanayaan in Boqortooyada la saaro cunaqabateyn ama laga qaado talaabooyiin adag. Dacwadan Dimuquraadiyiinta ayaa salka ku haysa dilkii Wariyihii Sacuudiga ahaa ee Jamal Khashoggi ee lagu dhex dilay safaarada Sacuudiga ee Istanbul ee dalka Turkiga iyo dagaalka lagu hoobtey ee Sacuudiga ka bilaabay Yemen. Waxa sidoo kale ololaha Dacwadeed ee Dimuquraadiyiinta Mareykanka ka qeyb ah xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kuwaasi oo raba in Dowladda Sacuudiga arrimahaasi darteed looga qaado talaabo adag. Valueimpression Placeholder Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa inta badan waxa ka dhaxeeya xiriir sare oo diblomaasiyadeed, kaasi oo uu Trump u arko mid faa’iido badan u leh dowladda Mareykanka. Musharaxiinta Dimuquraadiga Mareykanka ee hadda hogaamiya ayaa iyaguna qaba in uusan muhiimad weyn laheyn xiriirka Sacuudiga ee Mareykanka, sida ay dhowr jeer ku muujiyeen hadaladooda iyo khudbadaha qaar. Dowladda Sacuudiga ayaa iyaduna waxay qabtaa wal-wal xoogan oo ku aadan qofka ku guuleysan doona doorashada Mareykanka haddii Madaxweyne Donald Trump uu lumiyo doorashada soo socota ee November 2020 ama ka horba la casilo. Qaran News
  7. Kenya oo mucaaradka Itoobiya uga raadineyso guddaha Soomaaliya fariisimo cusub Khilaafkii, iyo wadashaqeyn la’aanta u dhaxaysa Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya ayaa galay marxalad cusub, kaddib markii ay soo jiidatay dareenka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Golaha Ammaanka markii uu warbixin ka dhagaystay Ergayga QM Mudane James Swan, Guddoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), iyo Danjire Abukar Daahir Cusman Baale, ayuu ugu baaqay Dawladda Soomaaliya iyo dhammaan Maamul-goboleedyada dalka ka jira inay dib u billaabaan wadahadalladoodii si ay u xalliyaan khilaafka u dhexeeya. Khilaafka u dhexeeya Mudane Axmed Maxamed Islaam-Madoobe, iyo Xukuumadda dhexe, ka sokow gobolka Jubbaland waxuu noqoday goob ay si gaara ugu hardamaan dalalka Itoobiya iyo Kenya. Labada​n dal oo deriska la ah Soomaaliya, dhul iyo dad Soomaali ahna ay qayb ka yihiin dalalkooda, islamarkaasna ​ciidamadoodu qayb ka ​yihiin AMISOM, ayaa ​loollan ka dhex bilowday si mid waliba gooni ahaan u ilaashado danihiisa siyaasadeed, dhaqaale, iyo ammni. Dowladda Itoobiy​a waxay ku dhaliishay Kenya inay ku abuurayso gudaha maamul-goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya xoogag ka dhan ah qarannimada Itoobiya, islamarkaasna, halis ku ah xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka guud ahaan. Halka Kenya a​y ku eedaysay dalka Itoobiya inay gacan siinayso xukuumadda Soomaaliya, si ay meesha uga saarto Mudane Axmed Madoobe oo gacan saar la leh dowladda Kenya. ​Hadabba maxaa ka jira eedaha ay isdhaafsanayaan labadan dal ee dariska la ah Soomaaliya? Maxaase run ka ah, doodda mucaaradka Soomaaliya ee dhahaysa, xukuumadda Soomaaliya waxay ciidamada Itoobiya u adeegsanaysaa cabburinta mucaaradka, iyo maamul goboleedyada? Waxaan la ogyahay, in Soomaaliya u loogan tahay cadawgeeda, maadaama cudud ciidan, dhaqaale, iyo hay’addo dowladeed dhammaystiran, haddana midaysan intaba aysan lahayn. Waxay Xukuumadda​ Soomaaliya la soo baxda​y tabo siyaasadeed oo dalka looga badbaad​iyo jabka ay la maaggan yihiin xoogagga shisheeye ay horkacayaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed. Taasoo ka dhigan “Majo dhooqo midba marbaa la bixiyaa”. ​Xukuumadda Soomaaliya oo u aragtay fursad isbeddelka ku dhacay hoggaanka Itoobiya waxay isbahaysi la samaysatay Itoobiya, iyo Erateriya. Heshiiska ay galeen saddexdan dal waxuu saameynayaa dhaqaalaha, siyaasadda, iyo nabadgelyada. Bilowgiiba waxaa heshiiskaan si isku mid ah u dareensaday dowladda Kenya oo u aragtay in Soomaaliya ay ka baxday siriqdii ay ugu jirtay Kenya iyo Itoobiya oo isku dhinac (dan) ahaa, iyagoo heshiis ku ahaa in Soomaaliya aysan helin dowlad midaysan oo shaqaynaysa, iyo madaxda maamul gobeleedyada oo qaarkood taageero siyaasadeed, iyo hub ay ku wiiqaan dowladda dhexena ka heli jiray Itoobiya. Waxaa xusid mudan, in waajibaadka AMISOM ay ka mid tahay, la dagaallanka Alshabaab iyo inay Dowladda dhexe ka caawiyaan sugidda amniga, tababarka ciidan qaran, iyo ka hortagga waxii keeni kara khal-khal amni. Dowladda Soomaaliya oo ka faa’iidaysanaysa heshiiska ay la gashay Itoobiya, iyo Erateriya waxaa u suurto galay labo arrimood: (1) In Itoobiya ay joojiso gacansaarkii ay la laheed maamul goboleedyada, taasoo xukuumadda u oggolaatay in barnaamijyadeeda ay ku tayaynayso hay’adaha dowladda u gacan banaanaato, iyo (2) Inay dhisto ciidamo, tayaysan, tiro kooban, kuwaas oo leh muuqaal qaran. Welwelka mucaaridka ee la xiriira adeegsiga ciidamada Itoobiya ee Dawladda Federaalka waxuu ku salaysan yahay dhacdadii xiritaankii Roobow iyo faraggelinta Dawladda Federaalka ay ku samaysay doorashadii Koonfur Galbeed, halkaasoo ay ka dhistay talis goboleed hayin u ah, balse ka hor imanaya rabitaanka dadweynaha Koonfur Galbeed. Haddaba waxaa muhiim ah, in mucaaradka ogaal u yeeshaan hadalkooda, iyo ficilkooda si aysan danahooda gaarka u dhaawicin danaha qaranka, iyagoo qasdigoodu yahay oo qudh ah xukuumadda mucaarada! Arrinka khuseeya khilaafka u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo gobollada, waxaa habboon in mucaaradka haddaysan ka odayayn karin khilaafka inay ka aamusaan ama dhedhexaad ka ahaadaan oo aysan “dabka bansiin ku shubin.” ​Dhanka kale, Kenya oo u aragta halis isbahaysiga ay samaysteen Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya, ayaa waxay isku dayaysaa inay fariisimo u hesho mucaaradka Itoobiya ee saldhigooda ahaan jiray dalka Erateriya, kuwaasoo saldhigyadoodii la baabbi’yay horraantii sanadkan, kaddib markii ay heshiiyeen Itoobiya iyo Erateriya. Mudane Cabdiraxmaan Mahdi Madey, oo loo doortay hoggaanka OLNF November 11, ayaa soo gaadhay maalintii Axadda ee Nofeembar 24kii garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyay Nairobi masuuliyiin Kenyaan ah. Walaaca Itoobiya ayaa ah, in Mudane Axmed Madoobe oo mar xiriirkiisa muhiim u ahaa amniga Itoobiya, ​inuu mar qudha ah u gudbay dhanka Kenya, sida uu qoray wargeyska Addis Standard. Wargayska oo soo xiganaya ilo iyo xog diblomaasiyadeed ayaa qoray, in Kenya ay martiggelinayso shir uu qaban qaabiyay oo uu maalgeliyay Machadka Rift Valley ee Kenya, kaas oo u dhexeeya masuuliyiin heer sare ah oo ka socda Jabhada OLNF oo uu hoggaaminayo gudoomiyaha xisbiga, Cabdiraxmaan Mahdi Madey, iyo masuuliyiin sarsare oo ka socda Maamul-goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne goboleedka Axmed Maxamed Islaam Madoobe ( Addis Standard November 26, 2019). Dowladda Itoobiya horay waxay maamulka Mudane Axmed Madoobe ku eedaysay in saraakiil danbiyo xuquuqda aadanaha ka gaystay gobolka ismaamulka Soomaalida Itoobiya xilligii Cabdi Maxamed hayay talada ay Jubbaland siisay gabbaad. Falanqeeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya, waxay rumeysan yihiin inkastoo aragtidii dunida ka qabtay Soomaaliya wax badan iska baddaleen, misna go’aanadda Golaha Amaanka waxaa ka muuqda inaysan weli meesha ka bixin fikradda ku salaysan “Qaran xoog leh oo ay Soomaaliya yeelataa waxuu ​halis ku yahay waddamada deriska la ah.” Haseyeeshee, go’aanka Golaha wuxuu raacay talabixintii Guddiga Khubarada (Panel of Experts), wuxuuna ku salaysan yahay in Guddiga uusan gacan ka helin Xukuumadda si ay talabixintooda u ebyaan. Dhanka kale xukuumadda iyo Guddiga waxaa u dhexeeya xurguf la xiriirta habka ay uu u shaqeeyo guddiga iyo halka ay fariisin ka dhigteen oo ah Nairobi, iyadoo ay Xukuumada dacwad horey uga gudbisay, balse aan natiija dhalin. Waxaana suurtaggal ah, inay Soomaaliya sii saarnaato cunaqabataynta hubka, haddii dadaallada Dowladdu waddo oo lagu dhisayo ciidan qaran aysan taageerin dhammaan shacabka Soomaaliyeed muxaafid iyo mucaaradba! Waxaana quman in aan la siyaasadeyn barnaamijka dhismaha ciidan qaran, iyo sugidda amniga. W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. BAGRAM AIR BASE, Afghanistan — President Trump visited Afghanistan for the first time on Thursday, delivering Thanksgiving greetings to U.S. troops deployed here in America’s longest-running war and announcing he had resumed peace negotiations with the Taliban. Source: Hiiraan Online
  9. Soomaali ku dhimatay dab ka kacay daar dheer oo ku taal Minneapolis Shan ruux oo ay labo soomaali tahay ayaa dhintay, halka 4 qof oo kalena cisbitaalka la dhigay, ka dib markii mid ka mid ah daaraha dhaa-dheer ee ku yaalla xaafadda Cedar ee Soomaalidu ku badan tahay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota uu dab ka kacay. Dabka ayaa waxaa uu ka kacay guri ku yaal dabaqa 14-aad ee daartan oo ay daggan yihiin dadka xanuunsan, kuwa da’da ah iyo dadka kaligood nool. Afar ka mid ah dadka ku dhintay ayaa magcohooda la shaaciyay, waxaana ay kala yihiin Amatalah Adam oo 74 jir aheyd, Maryan Mohamud (69-jir), Nadifa Mohamud (67-jir) iyo nin isna magaciisa lagu sheegay Jerome Stuart oo 59 jir ahaa. Booliska oo aan wali shaaci magaca qofka shanaad ayaa sheegay in uu isna yahay qof da`ah, ayna gadaal magaciisa ka shaacin doonaan. Sarkaal u hadlay waaxda dab-damiska ee magaalada Minneapolis Chief John Fruetel ayaa warbaahinta u sheegay in wali uu socdo baaritaan ku aadan qaabka uu dabku u dhacay iyo waxa sababay, balse uu isagu qiyaasayo in uu si shil ahaan u dhacay. Dadka dagganaa daartan ayaa dibedda loo wada dareershay markii uu dabku kacay. Qaran News
  10. The parking lot at the Islamic Institute of Minnesota was overflowing, and so was the Burnsville mosque, where some 600 people gathered to mourn two of the five people who died early Wednesday in a high-rise apartment fire in Minneapolis' Cedar-Riverside neighborhood. Source: Hiiraan Online
  11. A campaign account for Danielle Stella, a pro-Trump Republican candidate for Congress, was banned from Twitter after it published a violent comment about the Democrat she hopes to unseat next year, Minnesota representative Ilhan Omar. Source: Hiiraan Online
  12. KITCHENER -- For the first time since Tuesday's fatal shooting on Highway 7/8, the family of the man killed is speaking out. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa waxay shalay tababar u soo xirtay boqolaal askari oo Soomaali ah, kuwaa oo ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira maleeshiyada Ururka Al Shabaab. Askartan ayaa waxaa tababarka loogu soo xiray Xarunta Taliska Ciidamada Turkiga ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho (Turksom), ka dib markii tababar uu heerkiisu sareeyo ay ku soo qaateen dalka Turkiga. Ciidamadan oo Kumaandoos ah ayaa waxaa loogu talagalay in ay ka qayb qaataan dagaalka Ururka Al Shabaab looga xoreynayo qaybo ka mid ah Gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya. Munaasabad ballaaran oo ciidamadan loogu wareejinayay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay Xerada Turksom, waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Hawlgalka Ciidamada Turkiga, General Varmeyez. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa waxaa uu Dowladda Turkiga kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.
  14. Ankara (Caasimada Online) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag uga digay isku dayo uu sheegay inay wadaan qolo uusan carabaabin, kuwaasi oo sii xoojinaya kala qeybsanaanta ka dhex jirta Muslimiinta. Erdogan ayaa sheegay in qolooyinkaasi ay muujinayaan kala duwanaashaha qowmiyadaha iyo madaahibta diiniga, kuwaasi oo uu sheegay inay Shiicada iyo Sunniga ay ka dhigaan labo diin oo kala duwan. Madaxweyne Erdogan ayaa arrinkaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay maalintii Khamiistii gaba-gabada shirkii lixaad ee Golaha Shuurada diinta, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen madaxda Arrimaha Diinta ee caasimada Ankara. Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dunida Islaamka uu ku soo kordhiyay mowqif mideysan oo ka dhan ah weerarada lagu qaado goobaha ay ku cibaadeystaan muslimiintu. “Waxaa jira kuwa si qoto dheer khilaaf uga dhex abuuraya Muslimiinta, iyaga oo muujinaya kala duwanaashaha qowmiyadaha iyo mad-habyada diiniga” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan. Wuxuuna intaas kusii daray Erdogan “Waxaana gacan ka geysanay in adduunka Muslimka ah uu meel uga soo wada jeesto, kana qaato mowqif mideysan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo meelaha muqadaska ah ee Muslimiinta”. Madaxweyne Erdogan ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Golaha shuuradu uu xal u helo arrimaha casrigan marka laga eegayo dhinaca diinta iyo aragtiyaha aadanahaba, isagoona carabka ku adkeeyay inaysan qiimeynaynin fikirka caqiido ee diinta ka soocaya nolosha.
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmay Mette Knudsen oo ah Safiiradda dowlada Denmark u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles . War-saxaafadeed ka soo baxay Jubaland, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ayaa Safiiradda warbixin kooban ka siiyay xaalada guud ee Jubbaland, doorashadii Jubaland ka dhacday iyo Xaalada Siyaasadeed ee hadda dalku marayo. War-saxaafadeedka ayaa intaasi ku daray, in madaxweynaha Jubaland uu safiiradda la wadaagay aragtida Jubbaland ee doorashada 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorasho loo wada dhanyahay maangalna ah loo suuro galin karo, taas oo uu sheegay inay u baahantahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Sidoo kale, Mrs. Mette Knudsen ayaa sheegtay in danta Soomaaliya iyo tan beesha caalamkuba kujirto in wada shaqeyn rasmi ahi dhex marto dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo dalkana loo xoreeyo argagixisada, sida lagu xusay war-saxaafadeedka Jubaland. Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyey dowladda Denmark mashaariicda hormarineed ee ay ka wado Jubbaland oo uu ugu horreeyo mashruuca Kalluumeysiga oo ay hay’adda DRC waxbadan ka qabatey. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale shalay magaalada Nairobi kula kulmay safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Ben Fender, oo ay ka wada-hadleen arrimaha Soomaaliya iyo doorashada 2021. Kulamadan ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka yihiin dadaallo ay beesha caalamka ku dooneyso in lagu xaliyo xiisadda u dhaxeysa Jubaland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
  16. Riyadh (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa wajahaysa halis cusub, kadib markii ay sarre u kacday rabitaanka Dimuquraadiyiinta Mareykanka, ee ay ku doonayaan in lagu soo rogo cunaqabteyn. Dimuquraadiyiinta Mareykanka ayaa dhowaan bilaabay inay hogaamiyaan olole xoogan oo ka dhan ah Sacuudiga, kaasi oo ay ku dalbanayaan in Boqortooyada la saaro cunaqabateyn ama laga qaado talaabooyiin adag. Dacwadan Dimuquraadiyiinta ayaa salka ku haysa dilkii Wariyihii Sacuudiga ahaa ee Jamal Khashoggi ee lagu dhex dilay safaarada Sacuudiga ee Istanbul ee dalka Turkiga iyo dagaalka lagu hoobtey ee Sacuudiga ka bilaabay Yemen. Waxa sidoo kale ololaha Dacwadeed ee Dimuquraadiyiinta Mareykanka ka qeyb ah xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, kuwaasi oo raba in Dowladda Sacuudiga arrimahaasi darteed looga qaado talaabo adag. Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa inta badan waxa ka dhaxeeya xiriir sare oo diblomaasiyadeed, kaasi oo uu Trump u arko mid faa’iido badan u leh dowladda Mareykanka. Musharaxiinta Dimuquraadiga Mareykanka ee hadda hogaamiya ayaa iyaguna qaba in uusan muhiimad weyn laheyn xiriirka Sacuudiga ee Mareykanka, sida ay dhowr jeer ku muujiyeen hadaladooda iyo khudbadaha qaar. Dowladda Sacuudiga ayaa iyaduna waxay qabtaa wal-wal xoogan oo ku aadan qofka ku guuleysan doona doorashada Mareykanka haddii Madaxweyne Donald Trump uu lumiyo doorashada soo socota ee November 2020 ama ka horba la casilo.
  17. PRESS RELEASE African Football Development in FIFA’s Agenda The FIFA President mentioned the possibility of creating an African League that would see the best clubs from the continent play against each other ZURICH, Switzerland, November 28, 2019/ — Today in Lubumbashi, Democratic Republic of Congo (DRC), the FIFA President visited the site of TP Mazembe’s new football stadium, which will be able to hold 50,000 fans, and the club’s youth academy. Infantino and the delegation were greeted by TP Mazembe fans, including the fan brass band who sang and danced for the delegation as they toured the sites. In TP Mazembe’s Football Academy, Moïse Katumbi, club president and Vice-President of the new World Football Club Association, gave the group, which included FIFA Secretary General and General Delegate for Africa Fatma Samoura, CAF President and FIFA Vice-President Ahmad Ahmad, FIFA Legend and Special Advisor to CAF President Samuel Eto’o, FIFA Legend and CEO of the FIFA Foundation Youri Djorkaeff, FIFA Deputy Secretary General (Football) Mattias Grafström, a tour of the facilities. The group had the opportunity to see several classes in action and paid a surprise visit to young footballers studying biology and French. They also observed a class dedicated to helping children who have difficulties reading and writing. A press conference then took place where the FIFA President informed members of the media about FIFA’s plans to support and develop football in the DRC and Africa. He spoke about three specific pillars: refereeing, infrastructure and competitions, as well as FIFA’s plans to develop these hand in hand with CAF and the African football stakeholders. The first pillar, refereeing, will create a professional and elite group of African referees who will be independent of administrative and political bodies. This follows on from CAF’s last Executive Committee meeting at which a decision to implement reforms in the refereeing sector was approved. The second pillar, infrastructure, will see FIFA mobilise companies and entrepreneurs to gather around USD 1 billion with the objective of building at least one stadium that complies with FIFA’s standards in each African country. The third pillar, competitions, focuses on developing new and better competitions to generate more revenues so that the African clubs can retain talented players. The FIFA President mentioned the possibility of creating an African League that would see the best clubs from the continent play against each other and the organisation of regional competitions and youth tournaments to further help the development of young players in Africa. Speaking at the press conference, FIFA President Infantino said: “What I want, what FIFA wants and what football needs is to see African football shine. We want to bring it to the highest of heights and show the world the outstanding talent and amazingly gifted players your continent possesses. To do this, we want to implement a three pillar approach: refereeing, infrastructure and competitions. In close cooperation with CAF, the 54 member associations across Africa and other stakeholders, I am positive that we will make African football reach the top level where it should be because the quality and potential are definitely here.” Distributed by APO Group on behalf of Fédération internationale de football association (FIFA). SOURCE Fédération internationale de football association (FIFA) Qaran News
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-28112019.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa qaabilay ku xigeenka Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga iyo mas’uuliyiin kale oo isla xafiiskaas ka tirsan. Kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020/2021 iyo siDdii loo Fududeyn lahaa dhamaan shuruucda muhiimka u ah howlaha doorashooyinka oo uu hadda golaha gacanta ku hayo. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Duqeyn caawa ka dhacday duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa amniyaadka Al-Shabaab iyo darawalkiisii, xilli ay ka bexeen degmada Jilib kuna wajahnaayeen deegaan kale oo hoos taga degmadaas, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya. Saraalkiil ka tirsan dowladda, oo Caasimada Online la hadlay, ayaa sheegay geerida sarkaalkaas oo magaciisa lagu soo koobay Asad, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha ugu saameeynta badan qeybta amniyaadka ee Al-Shabaab, sidoo kale saraakiisha aan ka soo xiganay geerida ninkaan ayaa sheegay in dhawaan loo magacaabay amiirka guud ee amniiyaadka Al-Shabaab. Warbixinta lagu xaqiijiyey dilka Sarkaalkan ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyey inuu ka soo dagaalamay qaar ka mid ah wadamada caalamka, sida Afgaanistaan iyo Ciraaq. Dhinaca kale wax yar uu ka dib markii ay dhacday duqeyntu ayaa xarun ku taal gudaha degmada Jilib oo shir ugu soo gaba gaboobay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa laga maqlay is-rasaaseyn xoog leh oo u dhaxaysay dagaalyahano ka wada tirsan Al-Shabaab, kadib markii sida la sheegay ay kala shakiyeen. Iska hor imaadkaas oo mudo socday ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ilaa shan dagaalame oo uu ku jiro sarkaal goobta ku sugnaa oo la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka istiraatiiyada xogta , walina lama oga dhaawacyada ka dhashay is rasaaseyntaas. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeynta lagu dilay sarkaalka.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuukar Soomow oo magaalada Muqdisho goob fagaare ah kula hadlayey boqolaal culumada dariiqada Suufida ah ee Ahlu-Suuna Waljamaaca ayaa sheegay inuu diiday in la kulanka madaxda dowladda intii uu dalka joogay Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Sheekh Soomow ayaa sheegay in hadda ay diyaar u yihiin inay la kulmaan madaxda ugu sareysa dowladda federaalka oo markii hore ay ku gacan sareyn kulamo ay ka soo dalbadeen, isagoo taas sabab uga dhigay joogitaanii Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Sidoo kale Sheekh Soomow waxa uu u balan qaaday culumadii uu la hadlayey inuusan la dhuuma doonin hadii uu kulan dhex marayo isaga iyo madaxda dowladda, waxa gooni ahna uusan haatan ka rabin. “Ahlu-Sunna kuligeen dowladdaan taageersanahay oo waan rabnaa, dowladdu dadka taageersan yeysan baabi’in, waxaan ka soo horjeednaa in dalka lagu faafiyo caqiido aan aheyn Ashcariya Imaa Turiidiyah’dowladana waxaan ka codsanaynaa inay nagu gacan siiso”, ayuu yiri Sheekh Soomow. Hadalkiisa ayuu intaa ku sii daray, “Dadkaan caqiidadooda ku ilaaliya caqiidadooda suuban ee Ashcariyah, wasaaradda awqaafta iyo arimaha diintana looma dhiibi karo qof aan aaminsanayn, nagama amar ee waa codsi, waxaan kaloo ka cod sanaynaa dowladda in xataa wasaaradda waxbarashada oo manhajka dadka lagu qarxinaayo uu ka imaan karo cid aan caqiidatu Ashcariyah aaminsaneyn inaan loo dhiibi karin. Halkaan Ka Daawo
  22. Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo today traveled to the Ethiopian capital, Addis Ababa, to attend the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) summit. Leaders of IGAD countries are discussing a new reform plan of IGAD, on the basis that the organization equally reflects all stakeholders’ interests. The leaders will also discuss strengthening regional cooperation on economic and security issues. The IGAD leaders will review the successful plans for stabilizing regional states, and hear reports from committees to implement existing agreements and challenges. President Mohamed Abdullahi Farmajo will share with IGAD leaders about the vision of the Federal Government of Somalia based on the reorganization of the region as a platform for the common interests of the state. During the meeting, President Farmajo is expected to hold separate meetings with regional leaders attending the conference. View the full article