-
Content Count
214,011 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulan wadajir ah. Kulankaan oo ah mid muhiim ah ayaa Ajandihiisu yahay meel-marinta habraaca ansaxinta dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid KMG ah oo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo kadibna afti loo qaado, si uu u noqdo mid rasmi ah. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye oo maanta dib ugu laabtay Dhuusamareeb ayaa ka hadlay xaaladda magaaladaasi, gaar ahaan dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay. Sabriye oo xubno ka tirsan dowladda iyo saraakiil ay ku soo dhoweysay halkaasi ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda gali doono doorashada maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan u hakan doonin Ahlu Sunna oo hoggaankeedu ay si weyn uga soo horjeedaan dhaq dhaqaaqyada dowladda ee dhismaha Galmudug. Wasiirka ayaa sheegay in waqti badan uu kaga baxay Dhuusamareeb, islamarkaana loo baahan yahay in laga gudbo caqabadaha haatan ka jira magaaladaasi. Lama oga sida uu xaalku noqon doono, iyadoona hoggaanka Ahlu Sunna ay dhaq dhaqaqyo siyaasadeed iyo abaabul ka dhan ah dowladda ay ka wadaan halkaasi. Doorashada Galmudug oo isugu jirta mida madaxweynaha iyo baarlamaanka ayaa lagu wadaa in la qabto bishada December ee soo socoto, sida lagu sheegay jadwalka doorashada ee uu shaaciyey guddiga ay dowladdu u saartay dhismaha Galmudug.
-
JOINT STATEMENT ON DELAYS TO SOMALILAND PARLIAMENTARY AND LOCAL COUNCIL ELECTIONS Brussels, 27/11/2019 – 07:55, UNIQUE ID: 191127_10 Joint Statements We, the undersigned regional and international partners* of Somaliland, recall the significant agreement between political parties in July 2019 which recognised the “critical importance of holding the long due Parliamentary and Local Council Elections” and “agreed to hold the elections as soon as they will be politically and technically possible”. We are concerned that events have significantly undermined these commitments to the detriment of Somaliland’s democratic credentials and international standing. Likewise, we are deeply concerned by instances of seemingly arbitrary detentions and by increased restrictions on freedom of expression. We are especially concerned by the decision of the Guurti to extend both House of Representatives and Guurti’s mandates to January 2022 and January 2023 respectively. Both Houses, established to represent the women and men of Somaliland, have been sitting for a period much too long by any democratic standards. Local councils have been operating without a democratic mandate since April 2019. We therefore call on the government and all political actors to reaffirm, through both words and deeds, the long-standing culture of mutual agreement, consensus and compromise, to find a way through this current impasse in order for both parliamentary and local elections to take place without any further delay, well before the end of the calendar year 2020. As long-standing partners for the progress of Somaliland during the last 25 years, we praise the ongoing local mediation efforts and underline that for us to support the electoral process, it must promote political inclusiveness and the full respect of the law. As a solid foundation of such a process, there needs to be an Electoral Commission that inspires broad trust from all political actors as well as from the citizens of Somaliland. Only strong, democratically elected institutions can deliver the development outcomes that the people of Somaliland deserve. This is also what we as partners expect from our cooperation with Somaliland. *United Nations, IGAD, European Union, United States of America, Germany, United Kingdom, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, The Netherlands, Finland, France, Italy, Greece, Switzerland Qaran News
-
HARGEISA (HOL) - The UN and other members of the international community have expressed concern over the delayed elections in Somaliland following a decision by the Parliament to extend its terms between two and three years. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xubnaha beesha caalamka ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Somaliland, gaar ahaan dib u dhac ku yimaada doorashooyinka golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka ee maamulkaasi. War ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay is gaar ah uga walaacsan tahay mudda kordhinta loo sameeyey labada gole. “Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay go’aanka Guurtida ee muddo kordhinta loogu sameeyay labada gole.” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxay beesha caalamku intaasi ku dartay ”Waxaan ka walaacsanahay dib u dhaca doorashooyinka iyo dhacdooyinkii ka dhacay Somaliland in ay si weyn u wiiqeen sumcadda dimoqraadiyadeed ee Somaliland iyo heerka caalamiga ah. Sidoo kale, waxaan si aad ah uga walaacsanahay xariga u muuqda mid aan sharciga ku dhisneyn iyo xayiraadaha kordhaya ee xorriyadda hadalka.” Dhinaca kale warbixinta ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la ixtiraamo heshiiskii xisbiyada iyo xukuumadda ee bishii Luulyo 2019-ka, si loo qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca maamulka Somaliland. Waxa kaloo beesha caalamku sheegtay inay walaacsan tahay caburinta lagu hayo siyaasiyiinta iyo wariyeyaasha ka howlaga deegaanada maamulkaasi. Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqday xukuumadda iyo xisbiyada siyaasadeed inay ka shaqeeyaan degenaashaha iyo xaqiijinta doorashooyinka guud ee Somaliland.
-
Maanta baarlamaanka ee Soomaaliya labadiisa aqal waxaa loo qeybinayaa waxka bedelka sharaciga doorashooyinka iyo warbixinta guddiga ee sharcigan. Waxaana markii ugu horeysay la ogaan-doonaa sida ay noqon doonto nidaamka doorashada 2020-ka iyo sida ay ku taliyeen guddiga. Sharciga doorashada waxaa ay golaha wasiirada ansixiyeen May 2, 2019, waxaana golaha shacabka la horkeenay 22 May halka ay guddiga maanta warbixinta keenay ay saareen 21 july 2019. Xildhibaan Cabdirasaq Maxamed ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in guddiga sameeyeen ilaa 64 kulan oo ah dowlad goboleedyada, xisbiyada iyo bulshada rayidka ah. Dhanka kale waxaa kale oo la meelmarin-doonaa habraaca anisixinta dib u eegista dastuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Duulaanka Itoobiya ee Gedo wuxuu macnaynayaa ujeeddada iyada iyo Kenya ay u joogaan Soomaaliya! Jubbaland waa cabatay!…OO yaaba is gaaray?!… wali waxaan garan la’nahay waxa laynaga maagay, talada iyo fikirkeenana waxay ku soo urureen qaab aad moodayso inaan wada qarweyno!…waa hadlaynaa, khalad baan arkaynaa, laakiin ma saxayno! Waxaan sheegaynaa talo kuma dhaqmayno!… Maxaa innagu dhacay?!…Baddeenii baa Kenya iska sheeganaysaa oo maalin kasta niman aanan annaga dooran oo aanan keensan oo siday ku yimaadeen aan ognahay u yeer-yeeranaysaa oo talo meel la dhiganaysaa oo qaybo dalkeenii ah nin u saxiixayaa! Waase haddii aan sidaas u dulownay!…Maxaa ina aamusiiyay?! Golihii-Shacabka baa loo iibiyay oo loo gaday niman la doonayo in qallinkooda laynoo adeegsado!…niman aan rumaysnayn wixii aan dhiganay ama aan ku heshiinay (Dastuurkii) sidee bay wakiil inoogu yihiin?!… Ummad waxaynu nahay xor ah! Waxaan marar badan ku celceliyay Awoowayaasheen waxay u dagaalameen oo u dhinteen GOBANIMMADEENNA laakiin annagu oraah baan ku difaaci la’nnahay dhaxalkii ay awoowayaasheen inoo dhaafeen!! Waxay innagu soo simmeen dal xor ah oo dowlad ah laakiin maanta waa kaalinteenii siiba dadka dhallin-yarada ah! Ololaha colaadeed ee ciidammada Itoobiya ka wadaan gobolka Gedo waa mid ka dhashay heshiisyada huursan ee dadka laga qariyay, markaan sidaas leeyahay malaha runtaan ka baqayaayee wax qarsoonba ma jiraan!… maamulka Jubbaland hiil buu u baahnyahay waxaana muuqata Abiy Axmed iyo Farmaajo heshiiska ay galeen inuu yahay midka horseeday xad gudubka ay ciidammada Itoobiya ku soo galeen gobolka Gedo, ee maamulka Jubbland ee Soomaaliyeed!…Arrintan ma aha sida dad badan ay moodayaan mid Jubbaland ku ekaan doonta, laakiin waa mid soconaysa oo aan joogsanayn gaaraysana dhammaan gobollada Puntland, Somaliland, waana midda Galmudug lagu qabsan doono aakhirka, waxaana in dadka Soomaaliyeed inay fahmaan ay tahay in Koonfur-Galbeed iyo Hirshabeelle ay yihiin sal-dhigyo ciidamo Itoobiyaan oo ka amar qaata si toos ah madaxda sida aan kor ku soo xusay talada dalka loogu dhiibay. Markii ugu horeysay 1996-kii ayeey ciidammada Itoobiya ku soo xad gudbeen xuduudda iyo ciidda Soomaaliyeed, iyagoo ku marmarsoonaya inay ku raad joogaan argagixiso Soomaaliya gudaheeda kaga soo duushay, duulaankaas oo runtii ahaa mid dhibaato ma hadho ah ugu tagay dadka Soomaaliyeed ee gobolkaas ku dhaqan ayaa waxaa Itoobiya ku taageeray Qarammada Midoobay (QM), iyagoo sabab uga dhigay inay Itoobiya xaq u leedahay inay is difaacdo!…waxaase nasiib daro ahayd in cabashadii dadkii shacabka ahaa ee gobolkaas aan cidina uga garaabin, iyadoo waliba ciidammada Itoobiya ay geysteen tacadiyo xagga bini aadanimmada ah oo ay laayeen dad badan oo shacab ah oo waxba galabsan, isla markaasna ay dhac iyo boob badan ka geysteen magaalooyinka Baled-Xaawo iyo Luuq! Waxaana jiray warar soo baxay oo sheegayay in ciidammadaas ay kula kaceen shacabka xad gudubyo ay ka mid ahaayeen inay dadka xilliyada habeenimmada ah guryaha ugu dhaceen oo ay halkaas ka geysteen kufsi baahsan isla markaasna qoriga caaraddiisa ku qaateen waxayaabo qiimaha leh sida lacagta, dahabka iyo electronics-ka. Dacwadii Jubbaland wali James Swan waa ka jawaabi la’yahay, maxaad sababta u malaynaysaa?! SHaki la’aan Jubbaland marka la fiiriyo doorashadii ka dhacday waxay u dhaqantay sidii uu dastuurka qorayay, waxayna ku adkaysatay inay iyada is maamusho si madax bannaani buuxda ah oo xuquuqda uu dastuurka siiyay dowlad-goboleeddada waafaqsan, khaladaadkii ka dhacay doorashadii la qabtay waxaa abuuray oo si ku talo gal ah u sameeyay madaxweyne Farmaajo oo ku talo galkiisu ahaa in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu xukunka ka tuuro xataa haddii ay ku kacayso dadka shacabka ah dhiiggooda, waxaana middaas cadayn u ah sida uu ula dhaqmay maamulkaas dastuuriga ah, haddii ay tahay inuu ka garab dhisay madaxweynayaal kale ama ciidamo Itoobiyaan ah ha ku dalbado! Waxaase Alle mahaddiis ah in dad-weynaha Jubbaland ay midnimo muujiyeen ammaankoodana adkaysteen! Waxaase ayaan daro kale noqotay in colaaddii Farmaajo aysan halkaas ku dhammaan oo ciidamo Itoobiyaan ku soo hoggaamiyay Jubbaland, waxaana la xirxiray maamulkii Gedo ka jiray ee Jubbaland, waxaana jira dhibaatooyin soo gaaray dadka shacabka oo qaarkood deegaanadoodii ka bar-kacay, sidaasoo kale waxaa jira khasaaro kala duwan oo naf iyo moodba isugu jira inkastoo aan la heli karin warar sugan oo la xiriira wax-yeelada ciidammada Itoobiyaanka ay ka geysteen deegaannadaas ay soo galeen. Arrimahaas oo dhan aduunka isagoo u jeedo ayuu ka aamusanyahay, laakiin Farmaajo Kenya ayuu heshiis la galay aduunka oo dhan baa u hambalyeeyay!…Yaa Salaam!!.. Waa arrimahaan waxa la doonayo in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan!… Maxaa duulaankaan gar-darrada ah ee lagu soo qaaday dal xor ah, oo waliba xubin ka ah Qarammada Midoobay, dunida uga aamustay?! Waa midda la doonayo dadka Soomaaliyeed inay qaadaa-dhigaan macneeyaan, siiba dhallin-yarrada wax-baratay waa inay falanqeeyaan, fasiraad u helaan, waxa ay ka fahmaanna ay dad-weynaha ku war geliyaan, war-baahinta uga sharaxaan!…Waxaase Alle mahaddii ah, ugu dambeyn 10 casho ka dib cabashadii Jubbaland in Madashii Xisbiyada ay ka dhiidhiyeen duulaanka ama faro-gelinta guumeysigu ka dambeeyo ee ay Itoobiyo ku hayso Soomaaliya, waxaase loo baahanyahay in guddomiyaha Madasha Xisbiyada SHiikh SHariif Axmed uu qoraal rasmi ah oo mowqifkooda ah uu u gudbiyo safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho, isla markaasna uu ogeysiin siiyo xafiiska Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta. Wakiilka xafiiska Qarammada Midoobay, James Swan, wuxuu ka aamusay oo uusan wali wax jawaab ah ka bixin cabashadii ay gudbisay dowlad-goboleedka Jubbaland November14, 2019, taasoo ay kaga cabanaysay duullaanka Itoobiya ay ku soo qaaday gobolka Gedo, ee Jubbaland. Jawaab la’aanta Swan waxay noqon kartaa inuu ogyahay in ciidammada Itoobiya ay fasax ama codsi ka yimid dowladda federaal-ka ah (Farmaajo) ay ku soo galeen gobolka Gedo, sababtaas awgeedna uu u arko inay sharci ku joogaan… waana sababta ugu muhiimsan ee uu cudur daarka ka dhigan karo, laakiin taasi ma noqonayso cudur daar ku filan dhaqanka ciidammada Itoobiya iyo waxyaabaha ay ka sameeyeen gobolkaas oo runtii xad-gudub ku ah qaranimmada Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ah. Itoobiya iyadoo ciidamadeeda ay ka mid yihiin hawl-galka AMISOM in ciidamo kale ay dalka Soomaaliya soo geliso, oo waliba ay burburiyaan dowlad-goboleed ka tirsan dowladda federaal-ka, waxay meel-ka dhac ku tahay qaranimmada Soomaaliya!… Xataa ciidamo ka tirsan AMISOM qaynuun ahaan ma dhex geli karaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowlad-goboleeddada iyo federaal-ka, waayo xilkooda kama mid ah… Jawaab la’aanta wakiilka QM James Swan, ayaa dhinaca kale waxay qayb ka tahay qorshayaasha iyo barnaamijyada ay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ka leedahay Soomaaliya laguna ilaaliyo ciidammada AMISOM, si gaar ahaaneedna Itoobiya. Madasha Xixbiyada yeey wakiil ka yihiin?!…Burhaantiina muujiya!…Hala arko Waxaa Madasha Xisbiyada hor yaala hawlo adag, xubno badan oo iyaga ka mid ah ayaa fari ku godantahay oo dhibaatooyinka jira qaarkood loo haystaa inay lug ku lahaayeen, hasa yeeshee haddii ay maanta wax saxayaan wax tarkooda waa loo baahanyahay, arrimaha ugu muhiimsan waxay tahay in dad-weynaha iyo midnimadooda ay raadiyaan, inay dad-weynaha xogta dhibaatooyinka uu dalka wajahayo ay la socodsiiyaan oo ku baraarujiyaan!… Itoobiya iyo Kenya, hawlaha ay ka wadaan dadlka gudihiisa u turjumi karaan shacabka, dal kasta oo faraha kula jira arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya waa inay u fasiri karaan shacabka biyo dhaca siyaasaddiisa ku wajahan Soomaaliya!…dhammaan talaabooyinkaas waxay sare u soo qaadi karaan lixo jeclaha ay dad-weynaha u qabaan dalkooda, waxayna soo dhoweynaysaa midnimmada ummadda. Xaaladdu waxay maanta maraysaa meel aad khatar u ah, dalku ma laha Gole-Shacb, mana laha hay’ad kale oo la xisaabtamaysa Golaha-Fulinta, sidaas aawgeed xisbiyada mucaaradka ah waxay ku soo beegmeen xilli munaasab ah waa haddii ay gartaan kaalinta u banaanee!…shaki yuusan idinka gelin Golaha-Shacabka waxaa iibsaday waxa loogu yeero Beesha Caalamka, waayo lacagta xildhibaannadii ummadda u dhaartay lagu laaluushay ama lagu gatay waxaa bixiyay dalal shisheeye ah!…si dalka u u noqdo mid aan la kala xigin, danta laga leeyahayna laga qunsado iyadoo aysan jirin cid dantiisa ilaalinaysa!…Marka Xisbyada mucaaradka waa ay dadaaleen, wayna ahayd inay ka hadlaan xad-gudubka Itoobiya! Waxaa loo haystaa shakhsiyaad iskood isaga socda oo aan lahayn dad ay wakiil ka yihiin, waxaana fiicnaan lahayd inay qabtaan isu soo baxyo (Rallies) iyo kulano ay dadka kula hadlayaan, iyo waliba inay abaabulaan bannaan baxyo dad-weyne oo ay ku diidayaan fara-gelinta shisheeyaha; Itoobiya, Kenya, Maraykan, Ingiriis…iyo ku xad-xgudubyada xudduudaha Badda iyo Beriga ee ay wadaan Itoobiya iyo Kenya?!… Duulaanka Itoobiya iyo sheegashada badda Soomaaliyeed ee Kenya, Sal-dhigyada ciidammada shisheeyaha ah ee gobollada laga dhisay iyo hawl-galka AMISOM intuba waa mid waana isku ujeeddo!…laakiin shacabka?!…shacabka?!…waa la halmaamay, dowlad la hadasho ma leh, dowlad wax uga baahan ma leh (koleey cod ku tahay) xiriirkii iyaga iyo siyaasiyiinta dalka waa la kala gooyay, sidaas aawadeed siyaasadda dalka kaalin kuma leh…waxaana shaxdaas dhigay oo jeexay waxa loogu yeero Beesha Caalamka!…. Balse ka feker, kulankii uu soo qabanqaabiyay Kyle McCarter safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya ee dhex maray Farmaajo iyo Uhuru November 14, 2019, ka dib maxay Kenya ugu yeertay madaxweynaha Jubbaland?!…Madasha Xisbiyada maxay arrintaas kaga tashatay?!… W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Duulaanka Itoobiya ee Gedo wuxuu cadayn u yahay danaha guumeysigu ka leeyahay Soomaaliya! appeared first on Puntland Post.
-
Ilo’ wareedyo muhiima, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu bisha soo socota December, socdaalkii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay uu ku tegi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Madaxweyne Deni oo haatan ku sugan magaalada Dubai ee xarunta Ganacsiga waddanka Imaaraatiga, halkaasina u jooga arrimo la xiriira Qandaraaska shirkadda PDG oo qaabilsan Adeega iyo Saadka ciidanka PMPF, ayaa sida la filayo maalmaha soo socda dib ugu soo laabanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Ka hor intaan madaxweynaha Puntland u dhoofin waddanka Imaraadka Carabta, ayaa la xaqiijiyay in ay khadka Taleefonka ku wad-hadleen Deni iyo Farmaajo, islamarkaana ay isla garteen in madaxweyne Deni uu bisha soo socota ee December Muqdisho yimaado, si looga wada-hadlo arrimaha ay ku muransan yihiin dowladda Puntland iyo Villa Somalia. Balse, weli xog sugan lagama hayo qodobada ugu muhiimsan oo miiska u saran labada dhinac ee Puntland iyo dowladda Federaalka, marka laga reebo qaar kamid ah dadka siyaasadda odorosa oo sheegaya in doorashada 2020/2021 ay kamid noqon doonto qodobada laga wada-hadli doono. PUNTLAND POST The post XOG: Deni oo socdaalkii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay ku tegi doona magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga so gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka sameeyey dhinaca degmada Afgooye ee gobolkaasi. Wabiga ayaa ku soo fatahay xaafadaha Baalguri iyo Damaley, iyadoona dadka deegaanku ay haatan bilaabeen inay ka barakacaan halkaasi. Fatahaada ayaa timid, kadib daadad ka dhashay roobab xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa durbo tegay xaafadaha uu ku soo fatahay Wabiga Shabelle. Najax ayaa sheegay inay haatan wadaan gurmad xoogan oo loo fidinayo dadka ay saameeyeen daadadkaasi oo hadda ku dhibaateysan duleedka degmada Afgooye. Sidoo kale wuxu ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo dowladda federaalka inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadkaasi, si loo badbaadiyo noloshooda. Xaaladda ayaa haatan ka sii dareyso, welina gurmad mahelin qoysaska dhibaateysan.
-
Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane; Saddiiq Xersi Warfaa,ayaa sheegay in Dowladda federaalku ay dedaallo lixaad leh ugu jirto in si isku mid ah loo gaarsiiyo Bulshada Soomaaliyeed barnaamijka daryeelka Bulshada oo waara. Mudane; Warfaa oo khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha Adduunka ee ILO, kaa oo ka socda magaalada Geneva ee Dalka Switzerland ayaa ku nuux-nuuxsaday juhdiga ay Dowladdu ku bixineyso taabba gelinta barnaamijkan iyo ka Mira dhalintiisa. “Iyadoo aynu taageero ka heleyno Bah-wadagteenna horumarinta, waxaan billownay qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta ee aad muhiimka u ah, si aan u hirgalinno nidaamka daryeelka Bulshada oo waafaqsan xeerka daryeelka Bulshada ee Qaranka, marka laga hadlayo awoodda maaliyadeed, waxaan ku faraxsan-nahay in July 2019-ka -Guddiga fulinta ee hay’adda Lacagta Adduunku (IMF) ay kulmeen si ay u soo gaba-gabeeyaan la tashiga qodobka 4-aad ee ku saabsan Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen in siyaasadaha dhaqaalaha iyo qaab-dhismeedkeeda ee hoosta looga qeexay SMP- Afaraad ay buuxiyeen heerarka siyaasadaha ee la xiriira qorsheynta deynta. “ayuu yiri Wasiirku. Wasiirka ayaa sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha tubtiisa horumarinta Bulshada iyo dhaqaalaha ay horay u muujiyeen in maal-gashiga waaxaha Bulshada, gaar ahaan daryeelka Bulshada iyo Biyaha ay heli doonaan qoondeyn miisaaniyadeed oo ballaaran, ka dib deyn cafinta. Wuxuu rajo wanagsan ka muujiyay dedaallada socda ee deyn cafinta ee guulaha laga gaaray inay dhammeystirmaan , taas oo uu sheegay inay horseedeyso horumar dhaqaale iyo isku filnaasho uu dalku gaaro. “Iyadoo la tixraacayo Siyaasaddeena daryeelka Bulshada ee Qaranka, Dowladda Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an inay horumariso hannaan daryeelka Bulsho ee waara ,waxaannu ka faa’iideysan doonnaa dhammaan kheyraadka-yaga oo aannu u adeegsan doonno sidii loo hubin lahaa in la gaaro mabda’a ah ”Cidna inaan laga tagin” iyadoo looga faa’iideynayo marka hore inta nugul.” ayuu yiri Wasiirku. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirro, wakiillo iyo hoggaamiyeyaasha Ururro caalami ah, iyadoo Soomaaliya ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Dhacdo ugub ah oo aan hore Somaliland uga dhicin ayaa dul hoganaysa Dalladda Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO, waxaana muuqata farogalin toos ah oo awood ka saraysaa ay ku curyaaminayso sii jiritaanka Mustaqbalka Dalladdan. Imtixaan loo galay jagada agaasimaha fulinta SONYO oo ay wada qaadeen Wasaaradda Shaqo galinta JSL iyo Golaha fulinta ee SONYO oo ay soo xeraysteen dad gaadhaya 150 qof, ayaa waxa ay dallada dhalinyarada SONYO iyo Wasaarada shaqogalinta oo u qaabilsan dawlada qaadista imtixaanada shaqooyinku ay ku shaaciyeen (Lifaaqa hoose ka fiirso) inuu ku guulaystay Muqaadin /Aqoonyahan da’yar oo reer Somaliland ah oo lagu magaabo Abdihamid Mohamed Omer. Balse waxa arin layaablihi kasoo yeedhay Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed, waxaanu soo saaray warqad uu shaqada kaga hakinayo muwaadinkaasi imtixaanka ku helay jagadaasi. Sidoo kale Waxaa isna ka falceliyey oo u jawaabay Wasiirka, Gudoomiyaha dallada Sonyo oo sheegay inuu nidaam sharciya ku tartamay kuna guulaystay Abdihamid, haddana yahay shaqaale sonyo ah. HALKAN HOOSE KA AKHRI LIFAAQYADA WARKAN CAJIINKA AH. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in aanu aqoonsaneyn jiritaanka labada golle ee guurtida iyo wakiillada, kuwaasoo uu sheegay in wakhtigoodii sharciga ahaa uu ka dhammaaday. “Golaha baarlamaanka iyo guurtidaba waxaan u arkaa inay sharci darro yihiin, waxay soo saaraanna ay sharci darro yihiin. Sharci oranaya guurtidu ha joogto, oo markuu odaygu dhinto inankiisu ha maamulo ma jiro, sidoo kale sharci oranaya baarlamaanka hadduu wakhtiga ka dhaco haloo kordhiyo, oo oranaya ilaa in baarlamaan lasoo doorto ha fadhiyaan isagana ma jiro, arrintaasna waxaa nagu billaabay maamulkii kan ka horreeyay ee Kulmiye”, ayuu yidhi Faysan Cali Waraabe. Dhinaca kale wuxuu ka hadlay, muranka ka taagan xisbiyada mucaaradka iyo guddiga doorashada, wuxuuna sheegay inay imika war ka sugayaan guddi dhexdhexaadin ah oo hawshaasi u kacday, taaas oo uu sheegay inuu wanaag iyo is afgarad ka filayo. Mar Faysal la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd in guddoomiyeyaasha xisbiyada qudhooda lagu eedeeyo inay xilka isku dhajiyaan ayuu sheegay in isagu uusan ilaa hadda helin qof uu kursigaas uga nasto. “Anigu intaas baan ku jiray, haddaan arko qof karti leh, oo xisbiga u qalma, oo sharciga iyo xeerarkiisa fulinaya, waan iska nasan lahayn, laakiin wax nidaam leh oo xisbiga usoo galaya inuu ajandahaas fuliyo Somaliland kuma jiro. Iska daa inay xisbi ku jiraane, Somaliland-ba hadduu maanta ka waayo xil ayuu Xamar tagayaa. Bal ii sheeg hadduu jiro qof aan ku aamino xilka guddoomiyaha xisbiga, anigaa uga kacaya”, ayuu yidhi. Source
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Waqdariya ee gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid deggan, kadib markii shalay halkaasi ku dagaallameen maleeshiyaad dhul isku haysto. Dagaalkii shalay dhacay waxaa ku dhintay Saddex qof, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 5 qof, sidey inoo xaqiijiyeen dad ku dhow halka lagu dagaallamay. Deegaanka lagu dagaallamay waxaa xalay illaa iyo saakay ku qulqulayey ciidanka Somaliland iyo waxgarad, kuwaasi oo kala dhex-galay maleeshiyaadkii dagaallamay. Waxgaradka ayaa bilaabay durba kulamo ay la kala yeelanayaan Labada dhinac ee is haya si xaaladda loo qaboojiyo, wax walbana lagu dhammeeyo wadahadal iyo is faham. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka ka imaanaya Hargeysa ayaa sheegaya in xalay xabsiga laga sii daayey xubno ka tirsan xisbiga Wadani oo ku xirnaa gudaha magaaladaasi. Ciidanka Booliska ayaa xabsiga ka sii daayey xoghayaha guud iyo afhayeenka xisbiga mucaaraadka Wadani oo u xirnaa xukuumadda Muuse Biixi. Xubanahaan oo aan la soo taagin wax maxkamad ah ayaa sii deyntooda waxa ay ku soo aadeysaa, iyadoo deganaasho laga dareemayo deegaanada Simaliland. Tallaabada lagu sii daayey xoghayaha iyo afhayeenka Wadani ayaa waxaa soo dhoweeyey guddoomiyaha xisbigaasi, Mudane Cabdiraxmaan Cirro. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalooyinka Somaliland laga dareemayey xiisad u dhexesay xisbiga Wadani iyo xukuumadda Somaliland. View the full article
-
Wabiga Shabelle ayaa lagu soo waramayaa in xilligan uu ku fatahay deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Fatahaaddan ayaa saameysan beeraley ku dhaqan halkaasi, waxaana deegaannada Wabiga ku fatahay kormeeray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Shabellaha Hoose. Ibraahim Aadan Cali Najax, guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose iyo xubno la socday oo gaaray halkaasi ayaa ka qeybqaatay biyo celin laga sameynayey deegaannadaasi qaarkood. Guddoomiye Najax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xirista illaa Afar meel oola sheegay in Wabiga uu markii hore soo jabsaday, balse wuxuu tilmaamay in dadku gurmad u baahan yihiin. Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay iney wadaan qorsheyaal kale oo loogu gurmanayo shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle. Wabiga Shabelle oo mara gobollada Hirshabelle iyo Sh/hoose ayaa ku fatahay deegaanno dhowr ah oo ka mid ah Saddexda gobol, wuxuuna saameeyey dadkii ku noolaa deegaanadii uu ku fatahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Xildhibaanada aqalka Kongreska Mareykanka ayaa madaxweyne Donald Trump ku casuumay in uu kasoo qeybgalo dhageysiga dacwadda la doonayo in xilka lagaga qaado. Trump ayaa 4-ta bisha Diseemabar lagu wargeliyay in uu horyimaado xildhibaanada aqalka kongreska ee dhageysanaya dacwadda loo haysto. Jerrold Nadler, guddoomiyaha guddiga garsoorka ee qalka Kongreska ayaa sheegay in laba mid un ay noqon doontaa, oo kala ah in Madaxweynaha uu kaso qeybgalo dhageysiga dacwadda iyo ” in uu joojiyo ka sheegashada hannaanka”. Haddii uu Madaxweyne Trump ka qeybgalo kulankaas, waxaa loo wareysan doonaa sida qof marqaati ah. U yeedhista madaxweyne Trump ayaa gogol xaar u ah tallaabada xigta ee qorshaha xil ka qaadista madaxaweyne Trump, kaasi oo ku saabsan wicitaankii dhanka taleefonka ee dhexmaray Madaxweyne Trump iyo dhiggiisa Ukarine, Volodymyr Zelensky. Wicitaankaas dhanka taleefonka ayaa madaxweyne Trump waxaa uu dhiggiisa Ukraine ka dalbaday in uu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo haatan kamid ah siyaasiyiinta u hanqal taagaya doorashada madaxtinimo ee Mareykanka. Joe Biden iyo wiil uu dhalay ayaa horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaaska ee dalka Ukraine. Baaritaankan ayaa lagu ogaanaya in madaxweyne Trump uu taageerada milateri ee uu Mareykanka siiyo Ukraine u adeegsaday dano siyaasadeed, sii uu Ukarine cadaadis ugu saaro baaritaanka Biden, hasayeeshee madaxweyne Trump ayaa dhowr jeer ku celceliyay in uusan wax khalad ah gelin. Toddobadkii hore, guddiga sirdoonka ee aqalka Kongreska ayaa soo gabagabeeyay dhageysiga dacwadda loo heysto Trump oo ay daawanayeen shacabka Mareykanka, waxaana kulamadaas lagu wareystay dhowr marqaati. Guddiga ayaa sidoo kale kulamo ay albaabada u laaban yihiin la yeeshay marqaatiyaal wax ka ogaa eedeymaha loo heysto madaxweyne Trump. Adam Schiff, guddoomiyaha guddiga sirdoonka ee xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegay in guddiga hogaaminaya baaritaanka oo ay kamid yihiin sirdoonka, xafiiska arrimaha dibadda iyo kor joogteynta ay haatan ka shaqeynayaan warbixinta, taas oo lasoo bandhigi doonaa 3-da bisha Disembar. Muxuu Jerrold Nadler yidhi? Mr Nadler ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu Trump ku wargeliyay kasoo qeybgalka dhageysiga dacwadda loo heysto. “Madaxweynaha isaga ikhtiyaar iskaleh, haddii uu rabo waxaa uu heytsaa fursad lagu matali kari ama uu isaga aaamusi karo ka sheegashada marwalba uu ka yahay hannaanka”. Wuxuu intaa ku daray in dhageysiga ay tahay fursad lagaga wada hadli kara waxyaabaha dastuuriga ah ee lagu saleynayo xil ka qaadista. Sidoo kale guddiga garsoorka ayaa la filayaa in ay bilaabaan qabya qoraalka qorshaha xil ka qaadista, kuwaas oo kala ah in Madaxweynaha uu galay khaladaad ka dhan ah dastuurka. Source
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalado dhinaca nolosha ah ay ka jiraan deegaano hoos yimaada degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Cuduro kala duwan oo ay u dhinteen ku dhowaad shan qof ayaa lagu soo warramayaa inay ka dilaaceen deegaanadaasi. Mid ka mid ah waxgradka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dhibaatooyinka ka jira halkaasi, isagoo baaq u diray dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-cadaani-.mp3 Cee View the full article
-
(SLT- Tell Aviv)-Muwaadin Falastiini ah oo qabay cudurka Cancer-ka ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla wadanka Israa’iil sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka amniga Salaasadii Shalay. Ehelada Saami Abuu Diyaakh ayaa ku eedeyay xukuumada Tell Aviv in ay dayacday xaalada caafimaad ee wiilkooda taasi oo keentay inuu u dhinto cudurka hayay. Geerida muwaadinka reer Falastiin ayaa ku soo beegmaysa xilli xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidanka Amniga Israa’iil iyo garabyada hubeysan ay ka taagan tahay dhulka Israa’iil ay sida sharci darrada ah ku dhisaneyso. Dhanka kale markii la shaaciyay in uu dhintay Saami Abuu Diyaakh ayaa dibadbaxyo xooggan galinka danbe ee shalay ay ruxeen daanta galbeed. Toddobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii dhowr qof oo falastiini ah oo u badnaa rayid ay ku dhinteen duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Israa’iil ka gaysteen daanta galbeed iyo magaalada Gaza. Source
-
Laamaha ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa mamnuucay in magaaladaasi lagu qabto shirarka siyaasadeed ee aanay ka warhayn dowladda federaalka Soomaaliya. Waxa ay sheegeen in marnaba aan la qabankarin shir aan fasax looga qaadan dowladda federaalka, waxaana Milkiilayaasha Hoteellada ku yaalla Dhuusamareeb loo geeyey warqado digniino ah oo arrintan ku aaddan. Cid walbo oo qabata shir aan fasax looga haysan dowladda federaalka, kuna saabsan siyaasadda ayaa la sheegay in tallaab adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markaan u muuqata mid cadaadis xooggan sii saareysa siyaasiyiin ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee aragti ahaan dhankeeda aad uga fog. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka aloosantahay xiisad siyaasadeed oo u dhexaysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu-Sunna. Xiisadda ayaa salka ku haysa, is-mari-waa ku aaddan dhismaha dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaanna arrimaha doorashada, waxaana hoggaanka Ahlu-sunna ka biya-diidsanyahay, sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u maamulayso doorashada maamulkaasi Galmudug. Guddiga doorashada Galmudug ee ay magacowday dowladda, ayaa todobaadkan shaaciyay, hab raaca doorashada iyo soo xulista xidhibaannada, taasi oo ay ku gacan-sayreen hoggaanka sare ee Ahlu-sunna. Iyadoo khilaafkaasi taaganyahay, ayaa haddana dowladda Federaalku waxay ku adkaysanaysaa in doorashada, sidaasi lagu qaban doono, islamarkaana ay wakhtigeeda ku dhacayso. Sidoo kale, dowladdu waxay xoojisay amniga magaalooyinka waaweyn ee gobolka Galgaduud, gaar ahaanna degmada Dhuusamareeb, iyadoo halkaasi ku daabushay ciidamo dheeraad ah, kana mamnuucday in shirar aan laamaha amnigu ogayn in la qabto. Tallaabadaasi, ayaa loo fasiray mid cadaadis dowladdu ku saarayso hoggaanka sare ee Culimaa’uddiinka Ahlu-sunna, si ay ugu hoggaansaman nidaamka ay Villa Somalia u maamulayso doorashada Galmudug. PUNTLAND POST The post Xiisad ka aloosan magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
(SLT- Kashmiir )-Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay weerar bambo gacameed loo adeegsaday oo ka dhacay Ismaamul Kashmiir oo hindiya Maamusho, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga. Madaxda laamaha Amniga ayaa sheegay in laba dagaalyahan lagu dilay weerarkaan xilli bilihii la soo dhaafay ay xaalad kacsanaan ah ka jirtay dhulka Muslimiinta tan iyo markii xukuumada Delhi ay bandow ku soo rogtay. Altaf Khan oo ka mid ah saraakiisha booliska ayaa sheegay in koox dabley ah ay bamka koowaad ku soo tuureen ciidanka Amniga balse isla goobta lagu khaarijiyay. Bamka labaad ayaa wuxuu ka qarxay goob Bakhaar oo ku dhow afaafka hore ee laga galo Jaamacada Kashmiir, waxaana ku dhaawacmay afar qof oo rayid ah sida uu xaqiijiyay sargaal diiday Magaciisa. Dowlada Hindiya ayaa gabi ahaanba ka jartay gobolka Kashmiir adeegyada Internet-ka Isgaadhsiinta 5-tii bishii Agoosto, waxaana arintaan si xooggan u canbaareeyay dowlada Pakistan. Source
-
Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa xalay xabsiga kasii daayey Mas’uuliyiintii xisbiga Wadani kuwaasi oo maalmo kahor lagu xirey magaalada Hargeysa. Waxaa dib u helay xorriyadooda, Khadar Xuseen oo ah xoghayaha guud ee xisbiga Wadani, Afhayeenka xisbigan Barkhad Jaamac iyo sidoo kale Cabdi Ibraahim oo isna mas’uuliyiinta Wadani ku jira. Xarrigoodan ayaa ka dambeysay kadib markii xisbiga Wadani uu ku dhowaaqay mudaaharaad ka dhan ah xukuumadda Muuse Biixi, kadib khilaaf ka dhashay guddiga doorashooyinka Somaliland. Xisbiga Wadani ayaa soo dhoweeyey siideynta mas’uuliyiintan, iyadoo ay jireen dedaallo ay bixiyeen guddi dhex-dhexaadin ah oo si iskooda isku xilqaamay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Twitterka ee howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay kulan dhex maray Ra’iisul wasaaraha xukummadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, Danjire Donald Yamamoto, iyo kooxda Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya. Kulankaan ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay xaaladaha kala duwan ee hadda ka jira dalka, sida lagu sheegay qoraalka. Sidoo kale waxaa shirkaan oo ahaa mid gaar ah diirada lagu saaray sidii horamar looga sameyn lahaa nabadda, xasiloonida,iskaashi u dhaxeeya dowladda dederaalka ah, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ee taageerta Soomaaliya. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale madaxda dowladda dhexe ka dalbatay inay heshiis rasmi ah la galaan dowlad goboleedyada, si xal looga gaaro khilaafka jira. Mareykanka ayaa sheegay inay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka Soomaaliya, qorshaha kala guurka iyo doorashada 2020-ka. Warkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan xiisad xoogan ay u dhexeyso dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, gaar ahaan maamullada Puntland iyo Jubbaland. Khilaafkan oo cuuryaamiyey wada shaqeynta labada dhinac ayaa waxaa haatan laga digayaa inuu sii socdo, si aysan markale dib u dhac ugu imaan horumarka ay hiigsaneyso Soomaaliya.
-
(SLT-Lubnaan)-Raysal wasaaraha xilka ka sii dagaya ee Lubnaan Saciid Xariiri ayaa ku dhawaaqay salaasadii shalay in aanu dooneyn in uu hoggaamiyo dowlada xigta. Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo ay soo baxayeen maalmihii la soo dhaafay warar sheegaya in uu soo dhisi doono dowlad wadaag ah oo samatabixin karta dhaqaale la’aanta ka jirta Lubnaan. Mr Xariiri ayaa is-casilay bishii la soo dhaafay kadib dibadbaxyo waaweyn oo ruxay dalkaasi kuwaasi oo shacabka ay ku dalbanayeen in maamulka talada hayo uu xilka ka dago. Tan iyo 29-kii bishii October ayaa xisbiyada siyaasadda waxay ku kala qeybsameen raysal wasaaraha xiga ee la soo magacaabi doono iyadoo dhowr musharrax ay xilka u soo Istaageen. Warar laga helay qasriga looga arimiyo Lubnaan ayaa sheegaya in maalinta Khamiista ah uu madaxweyne Michel Aoun kulan la qaadan doono guddiga sharciga Baarlamaanka si uu ugala arinsado magacaabida raysal wasaaraha xiga. Source
-
Popular Contributors
