-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in haatan ay wadaan qorshe uu maamulkaasi ku sameysanayo Map u gaar ah. Dhabancad ayaa tilmaamay in hadda ay wadaan daraasad cusub oo la xariirta calaameynta sohdimaha Puntland. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay jiraan degmooyin badan oo ku biiray Puntland burburkii dowladdii kadib, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ww-1.mp3 View the full article
-
By: Hassan Keynan In October 2019, members of the Norwegian Nobel Committee (NNC) gathered in their iconic and hermetically sealed enclave not far from the North Pole and awarded the 2019 Nobel Peace Prize to Abiy Ahmed Ali for two main achievements: 1) His efforts to achieve peace and international cooperation. 2) His decisive initiative to resolve the border conflict with Eritrea. How accurate are these two statements? Do they stand up to detailed and objective scrutiny? Let’s examine. Peace with Eritrea It’s is better and more practical to start with statement point 2, because it is easier to find facts supporting it. Prime Minister Abiy Ahmed displayed a great deal of courage and enlightened leadership in the way he approached and handled the conflict between his country and Eritrea. Of course, it takes two to tango, and this achievement would not have been possible without the cooperation of his counterpart, President of Eritrea. On this the NNC is on relatively solid ground. Destabilization in the Horn of Africa Region However, for point No. 1 it is quite difficult to go along with the stance and judgement of the Nobel Committee. Beyond the boundary separating Ethiopia and Eritrea, there is not any credible evidence indicating that Prime Minister Ahmed has promoted genuine peace and international cooperation. In fact, there is plenty of evidence to the contrary. The UN and Western diplomats based in the Horn of Africa accuse the Prime Minister Ahmed and his government of engaging in illegal activities aimed at destabilizing fragile neighboring countries, especially South Sudan and Somalia. Dirty War with Somalia In the case of Somalia, PM Abiy Ahmed deployed his army to intervene in regional elections in Southwest State of Somalia and in fact influenced the outcome of the election using unlawful and illegitimate means of violence. Three months ago, Premier Ahmed dispatched military planes carrying special operations commandos from the Eastern Command based in Harar to the coastal city of Kismayo to hijack the regional elections in Jubbaland. This attempt was so crude and so ugly that it reminded people of the character and tradition of mercenary armies for hire. The dirty mission in Jubbaland failed because it provoked a sense of outrage and ultimately a huge backlash that forced the invading units to return to where they came from. Now, Ethiopia under the leadership of the 2019 Nobel Peace Prize Laureate is in the process of destabilizing the Galmudug State of Somalia with a view to meddling in the planned regional elections there. This is the third time in a row Premier Ahmed waged a nasty campaign of destabilization in one country alone. How can a leader so determined to recklessly gamble with regional stability be a promoter of peace and international cooperation? Peace with Eritrea and Dirty war with Somalia are not propositions that can be reconciled. Hassan Keynan is a retired former senior UN Official who worked in Africa, Asia and Europe. keynanhassan@yahoo.com Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (filish) ayaa maanta Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar hishiis kula saxiixday Dhigiisa Magaalada Dooxa Md: Jamal Madar. Hishiiska labada magaalo ayaa ah hishiis mataanayn oo noqonayo markii ugu horeeysay taariikhda labada Magaalo. Hishiiskaan mataanaynta ah ayaa waxa uu ka koobanayahay 10 qodob oo ay labada magaalo iska kaashan doonaan sida dib u dhiska magaalada, isdhaafsiga aqoonta & xirfadaha, horumarinta adeegyada bulshada ee assaasiga ah sida Caafimaadka, nadaafadda iyo dhiraynta magaalooyinka, mas’uuliyiinta & hoowlwadeenada labada magaalo oo booqashooyin ku kala bixin doono Magaalooyinka Muqdisho iyo Dooxa si looga wada shaqeeyo barnaamijyo mid ah oo lagu horumarinaayo labada magaalo. Waxaa sidoo kale ka mid ah hishiiskaan in labada magaalo iska kaashadaan horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga iyo sidoo kale in labada magaalo ay ka wada faa’iideestaan barnaamijyada iskaashiga & horumarinta oo ay qabtaan labadooda doowladooda ee Soomaaliya iyo Qadar. Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dooxa isagoo ka qaybgalayay Madasha DOOXA ikana mid ah wafdi rasmi ah oo soo gaaray dalka Qadar kaas uu hogaaminayay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Shir ay ka qeyb galeen wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno ka mid ah maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta lagu qabtay M/Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey wasiirka boostada isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale waxaa shirka warbixin looga dhageystay guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Najax oo ka warbixiyey xaaladda adag ee degmada Afgooye. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan degmadaasi ay tahay mid daran, islamarkaana dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u baahan yihiin gurmad degdeg ah. Ugu dambeyn mas’uuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa isla gartay in isbuucaan gudihiisa deeq gaar gaar ah la gaarsiiyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Dhowaan ayey aheyd markii wabiga Shabelle uu fatahaad hor leh ka geystay deegaano ka tirsan gobolkaasi Shabeelaha Hoose. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-15122019-sxb-.mp3 View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa khudbad ka jeediyay madasha 19-aad ee Dooxa Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Khudbadiisa uga hadlay dowrka ganacsatada ee badbaadinta bulshada iyo dib-u-dhiska dalka, fursadaha dalka ka jira, sharciyada ganacsiga dhiirri gelinaya ee dowladdu meel marisay iyo rejada laga qabo in Soomaaliya ay noqoto jiha ay dunidu kusoo hirato. Dowrka Ganacsatada Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxa kaliya ee bulaalay dadkana badbaadiyay uu ahaa ganacsiga gaarka loo leeyahay oo hantay kalsoonida dadka. “Si muuqata ayay ganacsatada Soomaaliyeed u ahaayeen laf-dhabarta dalkeenna 30kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo keenayay badeecooyinka iyo adeegyada kale ee dalka looga baahan yahay. Xitaa markii ay adkayd in ay dadku isugu gudbaan gobol ilaa gobol, bahada ganacsigu waxa ay awoodi kareen in ay meel kasta oo dalka ah isaga gooshaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Isgaariinta Casriga Ah “Soomaaliya waxa ay leedahay mid ka mid ah isgaarsiinta ugu wanaagsan qaaradda Afrika, adeeg xawaaladeed oo casri ah oo adeegyo siiya Soomaalida iyo dad aan Soomaali ahayn oo ku nool dunida dacalladeeda, Habka xaawaadalaha lacagta ee mobile-lada loo adeegsado, kaas oo bishii sameeya 155 milyan oo xawilaad ah.” Ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku sheegay Khudbaddiisa Madasha Dooxa. Dowladda iyo Dhiirri gelinta Ganacsiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda oo dadaal xooggan ku bixineysa dhiirri gelinta ganacsiga iyo ganacsatada una sahleysa maalgashiga Soomaaliya, ay saddexdii sano ee la soo dhaafay meel marisay sharciyada arrintaas la xiriira ee ay kamidka yihiin Xeerka Maamulka Maaliyadda, Sharciga Isgaarsiinta, Sharciga maalgashiga iyo Sharciga la dagaallanka musuqmaasuqa, kuwaas oo dhamaan sahlaya in Soomaaliya ay noqoto meel soo jiidata maalgashadayaasha. Soomaaliya waxa ay leedahay Imkaaniyaad aad u mihiim ah, Xeebta aad ugu dheer qaaradda Afrika, Khayraad kalluun oo aan wali sidii la rabay looga faa’iideysan, beero, macaadin, shidaal , gaas iyo adeegyo kale. Ra’iisul Wasaaruhu waxaa kale oo Khudbaddiisa ku sheegay in Khayraadka Soomaaliya ceegaaga ee maalgashiga u baahan uu horseedi karo in dhaqaalaha Soomaaliya uu si dhaqso ah u kobco, taas oo hagaajineysa xaaladda nololeed ee dadka hadii si wanaagsan looga faa’iideystana ay suugal noqoneyso Xaqiijinta amniga cuntada oo joogto ah, Abuurista fursado shaqo oo aad u badan, horumarka ganacsiga heer qaran iyo caalamkaba iyo Uruurinta dakhli badan iyo kordhinta wax soosaarka gudaha. Soomaaliya: jihada cusub ee dunidu ku soo hiraneyso Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay noqoto jiho cusub oo dunidu ku soo hiraneyso sanadaha soo socda, maalgashadeyaashuna aysan ka qeyb qaadan oo kaliya dib-u-dhiska Soomaaliya, balse ay sidoo kale ka faa’iideystaan kheyraadka iyo imkaaniyaadka dalkeenna, Soomaaliyana ay kaalinteedii saxda ahayd ka ciyaari doonto gobolka iyo dunida inteeda kale. PUNTLAND POST The post Muxuu kaga hadlay Kheyre khudbadiisii madasha Dooxa? appeared first on Puntland Post.
-
Warbaahintu waa isha ugu muhiimsan ee dadku ka ogaadaan dhacdooyinka hareerahooda iyo dunida inteeda kale, xiriir soke ayaa ka dhaxeeya saddex geesoodka (1). Weriyaha (2). Warka (3) Dhageystaha. Waa meel dadka waxbarto, hagto, saameynna ku leh go’aan gaaristooda nolasha, loona adeegsan karo horumar iyo dib u dhac intaba. Sidaasi darteed, dalalka caalamka waxaa ay leeyihiin siyaasad warfaafineed oo la jaan-qaadda maslaxadda guud ee qaranka ee dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, bulsho iyo mid amni iyada oo weriyaha lala wadaago xaaladda dhabta ah laakin dalkeenna waa jaantaa rogan. Iyada oo aanan gorgortan laga galeyn xuriyadda warbaahinta ayaa hadana waxaa la la’yahay siyaasad cad uu dalku ka leeyahay arrimaha muhiimka ah sida dastuurka, nidaamka federaalka ah, doorashada, jinsiyadda, maalgeshiga iyo xiriirka dowliga ah. Maanta golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa loo yeeray wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye, iyada oo su’aalo weydiinnadii hore laga tusaale qaadanayo lama oga sida uu runta u sheegi doono ama u fulin doonno waxa laga hadlo, waayo inta badan wasiirrada su’aalaha la weydiiyo si hufan uguma jawaabaan, xildhibaanka haddii uu jawaabta wasiirka ku qanci waayo kuma soo noqdo, laguma sameeyo qiimeyn, warbixinta gunaanad ah dadka lamama wadaago, mana dhacdabab in wasiir hadalkiisa lagu qanci waayey oo la ceyriyey, sidaas darteed waa waqti lumis. Haddaba, waxaan idinla wadaageynaa arrimo badan oo ka qaldan wasaaradda warfaafinta taasi oo ay tahay in maanta ay xildhibaannada golaha shacabka weydiiyaan wasiir Maareeye, haddii uu wax ka qaban waayana ay isaga wax ka qabtaan. Maxaa Ka Qaldan Wasaaradda Warfaafinta? Wasaaradda warfaafinta waxaa ka shaqeeyo shaqaale ka badan baahida dalka iyo waxsoo-saarkeeda, dadka laguma shaqaaleeyo tayadooda iyo maxaa tagaan, waxaa ku baxdo miisaaniyad sanadle ah oo dhan $4,954,846, ma laha barnaamijyo tayo leh ama saameyn ku leh bulshada dhaxdeeda ah. Tusalae ahaan: madaxda dowladda federaalka ah waxaa ay mar weliba umadda u sheegaan in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, marka halkii la dhisi lahaa waddaniyadda, warbaahintooda waxaa ka muuqda xaalad degenaanshiyo, heeso dabacsan iyo warar buunbuunin ah sida hebel ayaa duulay iyo mid kale ayaa soo dagay, waxaa ku adeegta xukuumadda nabad iyo nolol, mana laha ajende qaran oo ay ku shaqeeyaan ama warbaahinta kale lala wadaago. Warbaahinta qaranka, umadda Soomaaliyeed uma fasirto hindise sharciyeedyada la horkeenno baarlamaanka federaalka ah, heshiisyada la galo, uma shaqeeyaan khubaro iyo dad waxbartay, ma barto umadda xuquuqda iyo waajibaadka dastuuriga ah halka dunida kale la gaaray in ay warbaahinta kuu sheegto xataa jidka jaamka ah si aad shaqada dhaqso u tagto, ilaalinta deegaanka ama lagu barayo guud ahaan noloshada iyo la dhaqanka dadka. Warbaahinta qaranka ma barto umadda qadiyadaha iyo masaalixda siyaasadeed, amni ama dhaqaale ee qaranku leeyahay kuwaas oo u baahan taageero shacab, xataa waxaa ay ku guuldareysatay in madaxweynaha uu umadda la wadaago heshiisyada masiiriga ah ee uu la galo dalalka kale. Marka laga reebo warar kooban, ma jiro barnaamijyo ku baxa afaf qalaad oo dunida lagu baro halka ay Soomaaliya u socoto, looga hortago dacaayadaha ama dagaallada jiilka 4aad ee maskaxda la iska gumeysto Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ka codsaneynaa in la baabi’yo jiritaanka wasaaradda warfaafinta sida dunida dimoqoraadiga ee Mareykanka, Yurub iyo meelo kale ka dhacday, haddii ay sii jirtana la yareeyo awoodda ay ku leedahay saxaafadda madaxabannaan ee qabata shaqada ay gabeen ee la xisaabtanka xukuumadda iyo dhammaan hey’adaha dowladda. Xilligan la joogo, warbaahinta qaranka waxaa ay u shaqeysaa sida kuwa gaar ah, lama arko barnaamijyo haga umadda, ajende gaar ah kama laha xoojinta midnimada sida barnaamijyo u gaar ah Somaliland, horumarinta federaalka, ciidanka iyo taariikhda dhulka iyo dadka. Su’aalo Muhiim Ah In La Weydiiyo Maareeye: 1. TV Qaranka, ma sii daayo fariimo aan aheyn kuwa Farmaajo iyo Kheyre, sabab? 2. Weli waa warbaabihin isticmaasha hannaankii wacyigelintii iyo hanuuninta kacaanka? 3. Warbaahinta maxay u qaban la’dahay doodo lagu saxayo nidaamka federaalka ah iyo dowladda? 4. Dowladda Isla Xisaabtanka, Maxaa loo waayey hal barnaamij oo isla xisaabtan ah oo ka baxa warbaahinteeda? 5. Mar haddii ay tahay warbaahin qaran, maxay si simman ugu tabin la’dahay wararka muxaafidka iyo mucaaridka? 6. Maxaa diiday inuu Is hoos keeno wasiirka sharciga saxaafadda iyo golaha qaran ee saxafiyiinta? W/D: Cabdi Caziz Gurbiye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Kampala (Caasimadda Online) – Xulka Soomaaliya ayaa isaga haray tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika kadib markii ay barbaro gool la’aan ah la galeen Eritrea, wuxuuna ahaa kulankii labaad oo ay difaacdeen shabaqooda. Kulanka dhawaan soo dhamaaday wuxuu ahaa mid ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah, walow ay xiddigaha Soomaalida khasaariyeen fursado ay ciyaarta ku go’aamin kareen. Qaranka Soomaaliya ee haray wuxuu shabaqa difaacday saddex kulan, kaliya hal guuldaro ayey la kulmeen, waxeyna heleen 5-dhibcood taasoo ka dhigan iney kaalinta 3-aad ka galeen Group-ka A. Omar Abdullahi ayaa dhaliyay goolka qura oo ay Soomaaliya ka dhalisay tartanka, sidoo kale saxaafadda Uganda waxey hadal hayaan in goolhaye Saciid Aweys uu ilaa iyo hadda yahay kan guu fiican tartanka dhanka goolka maadaama uu badbaadiyay fursado ka badan goolhaye walba oo kale. Xulka Eritrea waxey fursad u heystaan iney soo gaaraan semi final-ka tartanka kadib dhibicdii ay heleen, waxeyna kaalinta labaad ku galeen 7-dhibcood, kaliya Djibouti oo la ciyaareysa Uganda ayaa la dhibco noqon karta.
-
The Transitional Puntland Electoral Commission launched its strategic plan on Saturday, at an event held in Garowe. According to a statement issued by the commission, the registration of political parties will be opened from December 15. The municipalities’ elections will be held within the next two years, the statement added. Last month, Puntland lawmakers approved the electoral commission consist of nine members who were appointed in August this year. Analysts believe this commission can do more because it has a good time compared to previous commissions who are appointed during the president’s final years in office. Deni became the first Puntland President who formed the electoral commission in his first year in office. The 21-year-old Puntland government has yet to hold one person, one vote election system. A parliament elected by traditional elders picks the president since 1998. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta hortagay Golaha Shacabka, kadib markii ay u yeereen 11 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kulanka oo wax yar ka hor furmay ayaa waxaa shir guddoomiynaya, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golahaasi. Xildhibaanada baarlamaanka ayaa haatan su’aallo adag weydiinaya Maareeye oo ka mid ah wasiirada firfircoon ee xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Su’aalaha ugu badan ayaa waxaa wasiirka laga weydiinayaa warbaahinta Qaranka, gaar ahaan SNTV, Radio Muqdisho iyo Wakaaladda Sonna oo dhowaan xildhibaanada qaarkood ay sheegeen in si gaar ah loo adeegsado, laguna fushado dano gaar ah. Sidoo kale Golaha Shacabka ayaa sii wadi doono doodooda ku aadan hindise sharciyeedka doorashooyina Qaranka oo ay wadeen maalmihii la soo dhaafay. Mudanayaasha baarlamaanka ayaa muddooyinkaan dambe waday qorshe lagu dardar gelinayo la xisaabtanka xukuumadda iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda. Dhowaan waxaa Golaha hortagay wasiirada wasaaradaha amniga iyo duulista hawada Soomaaliya, kuwaas oo wax laga weydiiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka.
-
Xaarkan waxaa bishii Sebteembar 10-keedii ee sanadkii 1972-kii saxiixay Guddoonshihii Golihii Sare ee Kacaanka Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. Hakan guji oo ka akhriso xeerka Muxuu xeerkani ku biirin karaa doodda Soomaaliya ka dhanka ah xeer-jajabka Kiinya ku doonayso in loogu xalaaleeyo dhul badeed Soomaaliyeed? © 2019 PUNTLAND POST The post Xeerka Dhul Badeedka iyo Dekedaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka dowladda Puntland, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay, Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda laga bilaabo maanta oo ku beegan 15 December 2019, taasi oo socon doonta mudda saddex bilood ah oo ku eg, 15 March 2020-ka. Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) Guuleed Saalax Barre, ayaa go’aankaasi ka shaaciyay, munaasabad xalay ka dhacday caasimadda Garoowe oo lagu daah-furay Qorshe-hawleedka Guddiga Puntland oo soo bandhigaya Jadwalka loo marayo hirgelinta Barnaamijka Xisbiyada badan. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa halkaasi ka sheegay, in Xukuumadda Puntland ee hadda talada haysa, ay boqolkiiba Sideed boqol (800%) kordhisay Miisaaniyadda ku baxaysa Hawlaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, taasi oo uu sheegay in Guddigu kaga maarmi doono Ku-tiirsanaantii Xad-dhaafka ahayd ee Deeq-bixiyaasha Caalamka. Guddoomiyaha Guddiga TPEC, ayaa sidoo kale Munaasabaddii Xalay ka ballan-qaaday, in bisha October ee sannadka 2021-da, ay dhammaan degmooyinka Puntland ka qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah. Halkaan hoose ka daawo khudbadda Guddoomiyaha oo dhan PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo boqolkiiba Sideed boqol kordhisay Miisaaniyadda Guddiga Doorashooyinka TPEC appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shan maalin kadib shaacisay magaca iyo beesha uu ka soo jeedo ninkii hoggaaminayey weerarkii lagu qaaday hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho. Magaca ninkaasi ayey Al-Shabaab ku sheegtay Maxamed Maxamuud Cabdi (Saadaq), kaas oo ay tilmaamtay inuu horkacayey raggii fuliyey weerarkaasi. Sidoo kale waxa ay sheegtay inuu Saadaq ka soo jeedo beesha Xawaadle, gaar ahaan jufada Reer Ugaas, islamarkaana uu in muddo ka soo howlgalayey gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya. Saadaq 24 jir ahaa ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay dagaallo kala duwan oo ay kooxda Al-Shabaab la gashay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM. Sidoo kale wareysi laga qaaday ka hor inta uusan dhicin weerarka, islamarkaana ay baahisay Idaacadda Andaluus ayuu Saadaq kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo taariikhdiisa, isaga oo sheegay inuu ku dhashay gobolka Baay. Weerarkii hoteel SYL oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 qof oo ay ku jireen askar ka tirsanaa ciidanka ammaanka, sida ay xaqiijisay dowladda federaalka Soomaaliya, balse kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegatay inay weerarkaasi ku dishay ugu yaraan 25 qof, kuna dhaawacday illaa 39 kale oo isugu jiray askar iyo shaqaale, sida ay hadalka u dhigtay. Hoteelka SYL waa markii saddexaad oo ay weerarto Al-Shabaab, balse weerarkii ugu dambeeyey ayaa ka duwanaa kuwii hore oo looga bartay in qaraxyo ay ku bilowdaan.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo ka mid ah madaxda ka qayb galaysa madasha 19-aad ee Dooxa. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Steven Mnuchin ayaa looga hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta ee gebagebada maraya iyo dowrka dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda. Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed. Kulanka ayaa qayb ka ah kulamada uu Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa. Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay ka qayb galay furitaanka Madasha Dooxa ayaa maanta khudbad ka jeedinaya madasha oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Maxaa Ka Qaldan Wasaaradda Warfaafinta ee JF ee Soomaaliya?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Warbaahintu waa isha ugu muhiimsan ee dadku ka ogaadaan dhacdooyinka hareerahooda iyo dunida inteeda kale, xiriir soke ayaa ka dhaxeeya saddex geesoodka (1). Weriyaha (2). Warka (3) Dhageystaha. Waa meel dadka waxbarto, hagto, saameynna ku leh go’aan gaaristooda nolasha, loona adeegsan karo horumar iyo dib u dhac intaba. Sidaasi darteed, dalalka caalamka waxaa ay leeyihiin siyaasad warfaafineed oo la jaan-qaadda maslaxadda guud ee qaranka ee dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, bulsho iyo mid amni iyada oo weriyaha lala wadaago xaaladda dhabta ah laakin dalkeenna waa jaantaa rogan. Iyada oo aanan gorgortan laga galeyn xuriyadda warbaahinta ayaa hadana waxaa la la’yahay siyaasad cad uu dalku ka leeyahay arrimaha muhiimka ah sida dastuurka, nidaamka federaalka ah, doorashada, jinsiyadda, maalgeshiga iyo xiriirka dowliga ah. Maanta golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa loo yeeray wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye, iyada oo su’aalo weydiinnadii hore laga tusaale qaadanayo lama oga sida uu runta u sheegi doono ama u fulin doonno waxa laga hadlo, waayo inta badan wasiirrada su’aalaha la weydiiyo si hufan uguma jawaabaan, xildhibaanka haddii uu jawaabta wasiirka ku qanci waayo kuma soo noqdo, laguma sameeyo qiimeyn, warbixinta gunaanad ah dadka lamama wadaago, mana dhacdabab in wasiir hadalkiisa lagu qanci waayey oo la ceyriyey, sidaas darteed waa waqti lumis. Haddaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa arrimo badan oo ka qaldan wasaaradda warfaafinta taasi oo ay tahay in maanta ay xildhibaannada golaha shacabka weydiiyaan wasiir Maareeye, haddii uu wax ka qaban waayana ay isaga wax ka qabtaan. Maxaa Ka Qaldan Wasaaradda Warfaafinta? Wasaaradda warfaafinta waxaa ka shaqeeyo shaqaale ka badan baahida dalka iyo waxsoo-saarkeeda, dadka laguma shaqaaleeyo tayadooda iyo maxaa tagaan, waxaa ku baxdo miisaaniyad sanadle ah oo dhan $4,954,846, ma laha barnaamijyo tayo leh ama saameyn ku leh bulshada dhaxdeeda ah. Tusalae ahaan: madaxda dowladda federaalka ah waxaa ay mar weliba umadda u sheegaan in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, marka halkii la dhisi lahaa waddaniyadda, warbaahintooda waxaa ka muuqda xaalad degenaanshiyo, heeso dabacsan iyo warar buunbuunin ah sida hebel ayaa duulay iyo mid kale ayaa soo dagay, waxaa ku adeegta xukuumadda nabad iyo nolol, mana laha ajende qaran oo ay ku shaqeeyaan ama warbaahinta kale lala wadaago. Warbaahinta qaranka, umadda Soomaaliyeed uma fasirto hindise sharciyeedyada la horkeenno baarlamaanka federaalka ah, heshiisyada la galo, uma shaqeeyaan khubaro iyo dad waxbartay, ma barto umadda xuquuqda iyo waajibaadka dastuuriga ah halka dunida kale la gaaray in ay warbaahinta kuu sheegto xataa jidka jaamka ah si aad shaqada dhaqso u tagto, ilaalinta deegaanka ama lagu barayo guud ahaan noloshada iyo la dhaqanka dadka. Warbaahinta qaranka ma barto umadda qadiyadaha iyo masaalixda siyaasadeed, amni ama dhaqaale ee qaranku leeyahay kuwaas oo u baahan taageero shacab, xataa waxaa ay ku guuldareysatay in madaxweynaha uu umadda la wadaago heshiisyada masiiriga ah ee uu la galo dalalka kale. Marka laga reebo warar kooban, ma jiro barnaamijyo ku baxa afaf qalaad oo dunida lagu baro halka ay Soomaaliya u socoto, looga hortago dacaayadaha ama dagaallada jiilka 4aad ee maskaxda la iska gumeysto Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa ka codsaneynaa in la baabi’yo jiritaanka wasaaradda warfaafinta sida dunida dimoqoraadiga ee Mareykanka, Yurub iyo meelo kale ka dhacday, haddii ay sii jirtana la yareeyo awoodda ay ku leedahay saxaafadda madaxabannaan ee qabata shaqada ay gabeen ee la xisaabtanka xukuumadda iyo dhammaan hey’adaha dowladda. Xilligan la joogo, warbaahinta qaranka waxaa ay u shaqeysaa sida kuwa gaar ah, lama arko barnaamijyo haga umadda, ajende gaar ah kama laha xoojinta midnimada sida barnaamijyo u gaar ah Somaliland, horumarinta federaalka, ciidanka iyo taariikhda dhulka iyo dadka. Su’aalo Muhiim Ah In La Weydiiyo Maareeye: 1. TV Qaranka, ma sii daayo fariimo aan aheyn kuwa Farmaajo iyo Kheyre, sabab? 2. Weli waa warbaabihin isticmaasha hannaankii wacyigelintii iyo hanuuninta kacaanka? 3. Warbaahinta maxay u qaban la’dahay doodo lagu saxayo nidaamka federaalka ah iyo dowladda? 4. Dowladda Isla Xisaabtanka, Maxaa loo waayey hal barnaamij oo isla xisaabtan ah oo ka baxa warbaahinteeda? 5. Mar haddii ay tahay warbaahin qaran, maxay si simman ugu tabin la’dahay wararka muxaafidka iyo mucaaridka? 6. Maxaa diiday inuu Is hoos keeno wasiirka sharciga saxaafadda iyo golaha qaran ee saxafiyiinta? W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha 19-aad ee Dooxa. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Steven Mnuchin ayaa looga hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta ee gebagebada maraya iyo dowrka dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda. Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed. Kulanka ayaa qayb ka ah kulamada uu Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa. Xasan Cali Khayre oo shalay ka qayb galay furitaanka Madasha Dooxa ayaa maanta khudbad ka jeedinaya madasha oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay in aanay wax shaqo ah ku lahayn nidaamyada hadda socda ee la doonayo in lagu wajaho doorashooyinka 2021 ee dowladda dhexe. Wuxuu tilmaamay in Puntland aanay wax shaqo ah ku lahayn wax walbo oo hadda socda, sidoo kalena aanay u muuqan ka maamul ahaan in la qaaday waddo sax ah oo dhanka doorashooyinka ah. “Iyadoo doorashadii federaalka Hal sano ka dhiman tahay ma jiraan wax cad oo la leeyahay sidaas bay doorashada u dhaceysaa….guddi baarlamaanka uu qabtay oo aan arkeenay wey jiraan, laakiin wax Puntland ay ku lug leedahay ma ahan..waxyaabaha aan hadda maqleyno oo u muuqda shaarar dad kale tolonayaan Puntland shaqo kuma lahan” ayuu yiri Dani. Sanadka 2021 ayaa la filayaa dalka in ay ka dhacdo doorasho, iyadoo marka hore qorshaha uu ahaa in la qabto doorasho qof iyo cod ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa sii xoogaysanaya khilaafka uu xisbiga KULMIYE ka dhex abuuray hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Halkan hoose ka DAAWO Falanqayn ku saabsan arrintan Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa dil toogasho ku fuliyey nin ay kooxdaasi sheegtay inuu sameeyey ficilkii Qowmu Luud. Toogashada oo lagu fuliyey, Axmadey Qaadi Maadey ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Doon Buraale oo hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose. Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolkaasi oo fagaaraha ka akhriyey xukunka ayaa sheegay in Axmadey uu qirtay dhammaan eedeymaha lagu soo oogay, islamarkaana ay ku cadaatay in uu sameeyay ficilkii Qowmu Luud, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ninkaan uu falkaasi sameeyey, isagoo caafimaad qaba, islamarkaana xukunka xadka ah lagu fuliyey. Fagaaraha lagu toogtay ninkan ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal dadweyne ah iyo xubno sar sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ma’ahan markii ugu horreysay oo xukun noocaan oo kale ay fuliso Al-Shabaab, waxaana bishii July ee sanadkaan 2019-ka kooxdu gobolka Hiiraan ku toogatay, nin lagu magacaabi jiray, Maxamed Aadan Nuurow, kaas oo isna lagu eedeeyey inuu fara xumeeyey illaa saddex caruur ah. Inta badan waxaa deegaanada ay maamusho Al-Shabaab ka dhaca xukuno u badan dil toogasho ah, kuwaas oo qaar kood lagu fuliyey dad lagu soo eedeeyey basaasnimo.
-
Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in uu hortago golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Xildhibaanno gaaraya 11 mudane ayaa 11-kii bishan waxay guddoonka golaha shacabka u gudbiyeen qoraal ay ku dalbanayaan in wasiir Maareeye horyimaado golaha shacabka si wax looga weydiiyo arrimo ku aaddan warbaahinta qaranka. Waxa ay xildhibaannadan ku doodayaan in si siman aan looga soo deyn TV-ga qaranka doodaha golaha shacabka, kaliyana la qaato mudanayaasha feker ahaan taageersan xukuumadda. Wasiir Maareeye ayaa su’aallo badan oo arrintan ku saabsan wuxuu kala kulmi doonaa mudanayaasha golaha shacabka qaarkood. Warkaan wixii kusoo kordha waxaan idiin kugu soo gudbin doonnaa wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxweyne Ku-xigeenka maamulkaasi, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa xalay daah-furay qorshe-hawleedka Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), taasi oo lagu soo bandhigay jadwalka shaqo ee loo marayo hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland. Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sheegay in magacaabista Guddigan xilli hore iyo daah-furka qorshe-hawleedkooda ay ka turjumeyso sida ay Dowladda Puntland uga go’antahay hirgelinta doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacda Puntland. Arrimaha Doorashada Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ka hadlay, wuxuuna sheegay in illaa iyo hadda aan lasoo bandhigin qorshe-cad iyo jadwal shaqo oo ay Soomaaliya uga qabsoomi karto Doorasho hal qof iyo hal cod ah, isagoo intaasi ku daray in aysan Puntland qeyb ka aheyn howlaha iyo nooca Doorasho ee ay wadaan Guddiyada Doorasho ee Heer Federaal. Xafladda daah-furka qorshe-hawleedka (TPEC) Masuuliyiintii ka qeybgashay waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland hadana ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya Mudane, Cabdiraxmaan Faroole, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo Mudane, Siciid Xasan Shire, Goleyaasha kala duwan ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Hay’addaha taageera Dimuqraadiyadda, Xafiiska Difaacaha xaquuqul Insaanka ee Puntland, Siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Ururada Bulshada Rayidka ah , Ururka Warbaahinta Puntland, Haween iyo dhallinyaro. View the full article
-
Wararka naga so gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay heshiis xabad joojin la dhex dhigay beelihii dhowaan ku dagaalamay bariga gobolkaasi. Heshiiskaan ayaa yimid, kadib markii taliyaha ciidanka Dhulka dowladda iyo waxgaradka deegaanka ay dadaallo ku bixiyeen sidii xal looga gaari lahaa colaadaasi. Nabadoon Bedal Axmed Kulane oo la hadlay Shabelle ayaa soo dhoweeyey heshiiskaasi, wuxuuna sheegay inuu si gaar ah ugu mahadcelinayo dowladda federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/cod-mahad-mudug-.mp3 View the full article
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna ayna Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020/2021, balse ilaa iyo hadda sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi. Deni ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee hadhsan la go’aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono Nidaamkii Qabaliga 4.5-ka, ay tahay in wada-tashi la isugu yimaado. “Hadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter-keeda waa in uu xirmaa, hadii la leeyahay ma xirmi karo, hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihi xaal-mastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato,” ayuu yidhi Deni. Madaxweynaha ayaa raaciyey: “Hadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la dhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yiraahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?”. Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland ay mar walba “ka qeyb qaadanayso dhisme Soomaaliyeed oo cadaalad, midnimo iyo federaal ku dhisan”. Source
