-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – 11 askari oo haray uga tirsanaa jiray ciidanka daraawiishta Jubbaland ee Axmed Madoobe, oo ka soo lugeeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ciidankan oo markii hore ay tiradoodu gaareysay 16 askari ayaa Al-Shabaab dagaal culus kula galay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose oo qiyaastii 60KM u jirta magaalada Kismaayo. Dagaalkaas waxaa looga dilay shan askari, waxayna Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta magaalada Jamaame oo ay muddo joogeen. Markii ay ku adkaatay inay sii joogaan Jamaame, kuna laaba waayeen dhulka uu ka arimiyo maamulka Jubbaland ayey go’aansadeen inay u soo lugeeyaan Muqdisho. Cabdirisaaq Cabdi Cumar oo ah sarkaalka hoggaaminaya ciidankaas ayaa sheegay in mudo todobaad ah ay ku qaadatay inay soo gaaran Muqdisho iyagoo dagaallo culus kala soo kulamay Al-Shabaab. Cabdirisaaq waxa uu sheegay in socdaalkii ay uga soo baxeen Jamaame ay ku soo galeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo mid ah goobaha ay ugu awoodda badan yihiin Al-Shabaab, isagoo sheegay in ilaa seedax goobood oo ay Zekawaad ku aruursanayeen ay kula dagaaleen Al-Shabaab kuna laayeen. Waxa uu sheegay in rafaad dheer kadib, 11-koodii oo wata hal askari ay maalinka hor soo gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ugu horeysay meel ay ka taliso dowladda Soomaaliya. Sarkaalkaan ayaa sheegay inay Baraawe ka soo raaceen Doon, taas oo keentay xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho, halkaas oo sida uu sheegay ay ka soo wadeen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo ay ka codsadeen inay ka horyimaadaan. Ugu danbeyntii sarkaalka u hadlay ciidankaas ayaa sheegay inaysan wali helin cid la hadashay dadaal badanna ay galiyeen sidii ay ku heli lahaayeen taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse wali aysan u suurta galin. Waxay madaxda ugu sarreysa dalka ka codsadeen inay u raadiyaan xuquuqdooda, iyagoo sheegay inay wataan hubkooda oo dhameys tiran meeshii loo dirana ay ka howlgalayaan. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo maanta hor tegay xildhibaanada golaha shacabka ayaa mar uu soo hadal qaaday awoodda Al-Shabaab waxa uu sheegay inay jiraan 15 askari oo ka soo baxay Kismaayo, kuwaas oo soo dhex maray Al-Shabaab lugna ku soo galay Muqdisho, taas oo sida uu sheegay muujinaysa itaal yarida Al-Shabaab.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka markii ugu horeysay waxay hadashay wararka sheegaya in ay ciidamo u dirtay Eritrea, si halkaas loogu soo tababaro. Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), wasiirka difaaca Soomaaliya, oo shalay hor-tagay baarlamanka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaas “Eritrea annaga ciidan uma aanan dirin, koley ma garan karo su’aashaan meel aan wax ka qabto,” ayuu kaga fal-celisay su’aashaasi oo uu hor-dhigay Xildhibaan. Sidoo kale, taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage, oo isna hor-tagay baarlamanka ayaa sheegay inuusan ka war-hayn wax ciidamo Soomaaliyeed ah oo loo diray dalka Eritrea. Dhinaca kale, wasiir Amar-dambe ayaa meesha ka saarey in Xoogaga Wadaniyiinta ay ka tirsan yihiin Ciidamadda Qalabka Sidda. “Xoogaga Wadaniyiinta waxaan filayaa Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed kuma aqaano, wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigaan ahay meel ay ku qoran yihiin ama aan ku xukumo ama aan kaga hadli karo ma jirto,” ayuu yiri. Xoogaga Wadaniyiinta oo la aas-aasey markii uu Farmaajo xafiiska yimid ayaa lagu sheegay “dad abaabulan, oo taageera xukuumadda lana hubeeyay bilooyinkii dambe”.
-
Bishii Oktoobar 2019, xubnaha Guddiga Nobel ee Norway waxay ku kulmeen xaruntooda caanka ah ee an sidaa uga fogayn cidhifka waqooyi ee dunida. Waxayna go’aamiyeen in Billadda Nabadda ee Nobel 2019 la siiyo Abiy Ahmed Ali oo ah Raisul Wasaaraha Itoobiya. Laba sababood ayuu Abiy ku mutaystay Billadda Nabadda: Go’aankiisi adkaa ee uu ku xalliyay colaaddi ka oognayd xudduudda u dhexaysa Eritrea iyo Itoobiya. Dadaalkii uu galiyay dhiirrigalinta nabadda iyo is-kaashiga caalamiga ah. Haddaba, qiimayntan ku slayasan labadan qodob ma mid saxa oo dhammaystiranbaa? Aan miisaanka saarno. Nabadeeye Abiy Aan ku billawno qodobka 1aad. Waa run. Abiy Ahmed Ali dadaal wayn ayuu u galay siduu u xallin lahaa colaadda ka oognayd xudduudda u dhexaysa Eritrea iyo Itoobiya. Geesinnimo ayuuna muujiyay, sababtoo ah ma ahayn arrin sahlan, xoogag badan oo diiddana way jiireen ila iyo haddana way jiraan. Laakiin R W Abiy Ahmed go’aan culus ayuu arrintan ka qaatay. Wuu ku adkaystay. Wuuna ka mira dhaliyay. Way jirtaa inay degdeg, fududayd, iyo farsamao xumo ka muuqdeen sida uu wax u waday iyo habka uu wax u maaraynayay. Hase yeeshee, guud ahaan, Guddiga Nobel ee Norway wuu ku saxnaa siduu u qiimeeyay qodobkan. Waa lagama maarmaan in la xuso, cayaar siyaasadeed laba dhinac ayaa wada cayaarta. Haddii aanu Madaxawaynaha Eritrea taageerin qorshaha Abiy Ahmed Ali ma suuroobeen. Dagaal Ooge Abiy Laakiin markaan qodobka 2aad eegno, way adag tahy in la taageero, ama xataa la fahmo, aragtida iyo go’aanka Guddiga Nobel ee Norway. Marka la dhaafo xudduudda u dhexaysa Eritrea iyo Itoobiya, ma jiraan xogo sugan oo muujinaya in Abiy Ahmed uu dadaal galiyay ama daacad ka yahay nabad dhaba iyo is-kaashi caalamiya. Xaqiiqdii, waxaa la hayaa markhaatiyo cadcad oo muujinaya in Abiy Ahmed uu leeyahay dhaqanka iyo astaamha lagu yaqaanno dagaal oogayaasha. Quruumaha Midoobay iyo dibloomaasiyiin Reer Galbeed ah waxay dhawaan ku eedeeyeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Abiy Ahmed inay qalalaaso iyo xasillooni darro ka waddo dalalka dersika ah sida Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan. Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa soo kordahya xogaha muujinaya in Abiy Ahmed uu yahay hogaamiye laba wajiile ah oo aan la aamini karin. Dagaal Guddafadeed ayuu Abiy ka wadaa Soomaaliya Ciddi doonaysa inay ogaato shaqsiyadda dhabta ah ee Abiy Ahmed ha eegto dagaal guddaafadeedka uu ka wado Soomaaliya. Sannad ka hor, Abiy fara galin cad oo gurracan ayuu ku sameeyay doorashadii Koonfur Galbeed. Halkaa ciidamada Itoobiya waxay ka gaysteen gabboodfallo iyo dambiyo dagaal. Egyagii hore ee Quruumaha Middoobay Nicholas Haysom warqad ayuu u qoray Itoobiya isagoo ka codasday inay sharraxaad ka bixiso faragalinta qaawan iyo gumaadka ay taangiyada ciidamada Itoobiya kula kaceen shacabka magaalada Baydhaba. Abiy iyo taliyayaashiisa weli kama soo jawaabin. Dacwadiina weli way socotaa. Saddex bilood ka hor, Abiy Ahmed wuxuu Taliska Bari ee saldhiggiisu yahay Harar ka soo diray dayuurado ay saran yihiin ciidamado Komaandoos ah oo ku wajahan magaalo xeebeedka Kismaayo oo ah Caasimada Ku meel Gaarka ah ee Xukuumad Dagaaneedka Jubbaland. Waqtigaa doorasho ayaa ka socotay Kismaayo. Ujeddada Abiy waxay ahayd in ciidamadiisu ay ka sameeyaan Kismaayo wixii ay ka sameeyeen Baydhaba. Laakiin Kismaayo ma ahayn mana noqon Baydhabo. Duullaankan wuxuu ahaa mid leh astaamaha lagu yaqaanno calooshood u shaqaystayaasha la soo kiraysto: qar-iska-tuurnimo, isla wayni, iyo xagjirnimo ku daaban maquunin iyo awood sheegasho. Taa waxay ka cadhaysiisay dadkii lagu soo duulay oo si geesinimo leh uga falceliyay damacii gawaracatada Abiy. Waxaana lagu qasbay cutubyadii Abiy ah inay dib ugu laabtaan saldhigyadii ay ka soo duuleen. Maantana, Abiy oo ay luqunta u sudhantahay Billadda Nabadda ee Nobel wuxuu ciidamo ku soo gurayaa Dawlad Goboleedka Glamudug. Halkaaso la filayo inay doorashooyin ka dhacaan dhawaan. Maanta gawracatadii Abiy waxay ku gaaf wareegayaan Dhuusa Mareeb, iyagoo halkaa ka sii wada dagaal guddaafadeedkii lagu yaqiinay. Sannad gudihii waa markii saddexaad oo uu Abiy faragalin qaawan kula kaco arrimo la xiriira doorashooyin ka dhacaya Soomaaliya. Sideebuu hoggaamiya faraha kula jira oo aan marmna ka faaruqin dagaal guddaafadeed ku noqon karaa nabadeeye ehel u ah xasilloni iyo is-kaashi calami oo dhaba? Nabad baan kula noolaan Eritrea Soomaaliyana waxaan ku asqaysiin dagaal guddaafadeed ma aha laba is gayda. Ato Abiyow dhan isugu baydh! W/Q: Xasan Keynaan Xasan Keynaan wuxuu ahaa sarkaal sare oo Qaruumaha Midoobay uga soo shaqeeya Afrika, Asiya iyo Yurub. AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxdweyne Muuse Biixi ayaa war ka soo saartay Jabhad cusub oo ka dhan ah maamulkooda, midaasi oo lagaga dhawaaqay magaalada Buuhoodle ee Somaliland ay haysato. Jabhadaasi oo la magac baxday SSC, isla markaana loo soo gaabiyey Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa waxay sheegtay inay Somaliland ka xoreyn doonto gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta ee Somaliland ayaa isagoo ka hadlaya Jabhadaasi, wuxuu ku tilmaamay kuwo ka qeyb ah mashruuc cusub oo lacag lagu raadiyo. Wasiir Qambi ayaa Jabhadaasi ku sheegay mid laga soo abaabulay oo laga soo taakuleeyo dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isla markaana looga dan leeyahay kala qeybinta bulshada. Qambi ayaa waxa kale oo uu waxgaradka iyo aqoonyahanka Buuhoodle u soo jeediyay inay dhinac uga soo wada jeestaan oo ay iska qabtaan Jabhadan cusub oo ku tilmaamay kuwo ku adeeganaya magacooda. Somaliland ayaa waxa muddooyinkii dambe ku soo badanayey Jabhado doonaya inay iska dulqaadaan xumada Xukuumada Muuse Biixi, halka Xukuumadiisuna u arkeyso mashaariic ka dhan ah oo lacag lagu raadsanayo.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirro ka kala tirsan labada dowladood ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, si daaha looga rogo fursado dhaqaale xooggan oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyed. Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Geneva u jooga ka qayb galka Madasha Qaxootiga Adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga, gaar ahaan isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca. Source: goobjoog.com
-
Boeing will temporarily halt production of its troubled 737 Max airliner in January, the manufacturer said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-Quabanaha-16122019-OK-SX.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka mid ahaa saraakiil maanta hor tagtay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu bixiyey amarka xildhibaanada iyo xubno ka tirsan wasiirada maalmahaan looga reebay ilaaladooda markii ay soo galayaan xeyndaabka laga ilaaliyo Villa Somalia. Odawaa ayaa sheegay in amarkaas ay keentay xaaladii dhacday habeenkii Arbacada, taas oo aheyd weerar ka dhacay Hotelka SYL oo ku yaalla gudaha xeyndaabka laga ilaaliyo madaxtooyada, isagoo xildhibaanada u sheegay in go’aankaas uu ahaa mid lagu xaqiijinaayo amaanka madaxtooyada. “Xildhibaanada sharafta leh waxaan habeen iyo maalin u taaganahay waa adinka amaankiina khalad waa dhici karaa markii shaqo lagu jiro, waxaad la socotaan koonaha SYL waa dhacdadiid shanaad oo ka dhaceysa, waxaad la socotaan dhamaantood waxay u dhaceen sidii dhacdadii habeen dhaweed, dad isusoo akeysiiyey ciidamada amniga oo lugeynaaya ayaa hoteeladii gudaha u galay, sidaas darteed waa la kala garan waayey, sababta ay ragaas meesha ku yimideena waxay aheyd ciidamadii istaafyada u ahaa masuuliyiinta markii ay soo gaaran iridka dhamaantood halkaas ayaa lagu dajiyaa istaafyada isma garanayaan qofka soo dhax galana lama garan karo” ayuu Baarlamaanka ka hor yiri Jeneraal Odawaa. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay bixiyeen amar ah in qofka masuulka ah ee ku gudbaya wadada hor marta madaxtooyada aan laga reebi karin istaafkiisa, balse dadka laga reebaayo istaafka ay yihiin oo kaliya mas’uuliyiinta galaya madaxdtooyada. “Qofka istaafka laga reebaayo waa qofka markii uu ka soo gudbo xeendaabka hore kadib gudaha is kaga reebaaya ilaaladiisa ee markaas u gudbaaya madaxtooyada iyo xaafiisyada kale ee gudaha ku yaalla” ayuu yiri Taliye Odawaa. Ugu danbeyntii taliyaha ayaa sheegay in dib u eegis ay ku samey doonaan sida amarkaas uu u saameynayo mas’uuliyiinta degan gudaha xeendaabka laga ilaaliyo madaxtooyada oo loo fasixi doono inay la soo galaan ilaaladooda, maadaama ay ku yaalaan guryahooda. Halkaan ka Daawo
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu sheegay, in Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka kala tirsan labada dowladood, looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si daaha looga rogo fursaado dhaqaale xooggan oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyed. Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Geneva u jooga ka qayb galka Madasha Qaxootiga adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga gaar ahaan isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Madaxweyne Erdoğan Oo Geneva Ku Kulmay appeared first on Puntland Post.
-
Golaha shacabka waxaa uu maanta Ajendihiisu ahaa Su’aal oraaheed ku abaaran Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dalka Mudane Xasan Maxamed Cali “Amardambe”.iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka Odawaa Yuusuf Raage. Qaar ka mid ah Xildhibaanadda golaha ayaa su’aalo ku saabsan arrimaha Ciidamada weydiiyay Wasiirka oo isaga Oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka si toos ah uga jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiinayeen. Ugu horeyn wasiirka wasaaradda Gaashaandhig Xasan Maxamed Cali “Amardambe”, ayaa ka jawaabay cabasho golaha shacabka ay ka keeneen kordhinta Koontaroolada iyo ilaaladooda laga reebo xarunta Baarlamaanka iyo Villa Soomaalia waxaana uu yiri” Waxaan rabaa inaan idiin la wadaago waxaa keenay arrintii xanuunka badneyd dowladnimada sharafka iyo karaamada aan ku fiicneen ee ka dhacday SYL, ilaah ayaa mahad leh arrintaas dhacday aad ayuu u soo laab laabtay sida aad la socotaan dhacdadaan tii ka horeysay waxaa meesha ku geeriyooday xilhibaannada askartii waardiyeeynaysay qaar ka mid ah ayaa meesha ku geeriyooday, nasiib wanaag dhacdadaas markii ay dhacaysay Baarlamaanku majirin haddii uu jiri lahaa waa ka sii badnaan laheyd”. Wasiirka oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri” Albaabka laga soo galo waxaa imaado askar ka tiro badan 100 qof oo ilaalada xildhibaannada ah kuwaas oo aan is garaneyn qaar Booliiska ka socdo, qaar Nabad sugida ka socdo, qaarna ka socdaan ciidanka xoogga dalka maadaama dhacdadaas dhacday waxaan ku guda jirnay in la baaro sababtii arrintaas meesha uga dhacday waan ka xunnahay xildhibaanka gudbaayo waa inuu si sareexa leh uu ku gudbo askariga iyo nidaamka aan heysano waad la socotaan. Sidoo kale wasiirka wasaaradda difaaca dalka ayaa waxaa wax laga weydiiyey wasaaradiisu waxaa ay ka ogtahay u jeedada loo geeyey ciidamada Gorgor ee la geeyay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug. iyo xoogaga wadaniyiinta dadka loo yaqaano waxa waxaana uu yiri ” Ciidamada Gorgor waxaa ay ka tirsan yihiin ciidama xoogga dalka Soomaaliyeed waxaana ay ka howl gali karaan dhammaan gayiga Soomaaliyeed waajibaadka ay leeyihiin aya aku cad in ay ilaaliyaan uduudaha iyo meelihii kale oo loo baahdo i loo adeegsan karo, waxaad la socotaan inaan shaqo adag galinay in ciidamadaSoomaaliyeed diiwaan gelin lagu sameeyo qeybihiisa kala duwan si aan u helno ciidan tayeeysan” Dhinaca kale wasiirka oo sii hadlaayo ayaa yiri” Aniga xoogag wadaniyiiin aniga wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ayaan ahay meel ay iigu qoran yihiin aan ku xukumo ama aan kaga hadli karo ma garanaayo”. Dhanka kale Taliye Odawa Yuusuf Raage oo ka jawaabayey su’aal aheyd maxaa hakadka galiyey howlgalkii ciidanka xoogga dalka ayaa yiri” Ciidamadu howlgalladooda waxaa ay ku salaysan yihiin marxaladda markaas taagan, gobalada Shabeellooyinka iyo qeybo ka mid ah Jubbooyinka waa dhul carro madoow ah waxaana lagu jiraa xili roobaadkii, howlgalladeenii socday waxaa hakad geliyey cimilada lagu jiro” Ugu danbeyn Taliye Odawaa ayaa ka jawaabay su’aal aheyd waxa uu xoogga dalka uu ka damacsan yahay askarta loo yaqaano Macawisleyda waxaana uu yiri ” Nimanka loo yaqaano Macawislayda oo meelaha kala duwan ku sugan waa ay la dagaalamaan cadawga waa fursado ubaahan in laga faa’ideysto qaarkood waa laga faa’ideystay qaana waa lagu socdaa, sida aad la socotaan gobolo badan ayaa ciidankaas laga soo diiwaan geliyey oo lagu soo daray xaalada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ayaa galabta Yuusuf Xasan Mursal kala baxay gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Yuusuf ayaa ahaa guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda, waxaana xisbigaas aas aasay oo hoggaamiye ka ahaa Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo mudo sanad ah Muqdisho ugu xiran dowladda federaalka. Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Yuusuf Xasan Mursal loo xiray hadal uu maalmo ka hor ka jeediyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dalbanayay sii deynta Sheekh Mukhtaar Roobow. Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah xog-hayaha arrimaha gudaha iyo xiriirka gobolada ee Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada koofiya casta ee ilaalada Madaxtooyada ay maanta u soo daateen guriga guddoomiyaha halkaasna ay ka wateen “iyaga oo aan u soo marin sifo sharci ah.” “Ciidamada Koofiya Casta loo yaqaano ayaa maanta noo yimid oo si xoog ah ku ka xeystay guddoomiyaha xisbiga amniga iyo cadaaladda Yuusuf Xasan, qaab sharci darro ah ayeyna ku xireen kuna wateen waana afduub cad wax sharci ah iyo wax warqad maxkamadeed ah midna kuma socon ciidamadu, mana ahan dhaqankaas mid u adeegaya in Soomaali dib u heshiiso, ilaa hada garan meyno halka ay geeyeen waana canbaareynaynaa falkaas” ayuu yiri Xog-hayaha xisbigii uu hoggaamiyaha ka ahaa Mukhtaar Roobow. Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Villa Somalia oo ku aaddan xariga Yuusuf Xasan.
-
Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire said his country is keen to open doors for investors and provide a safe investment environment, in addition to strengthening the country’s business sector. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowlad gobaleed ka Jubbaland Axmed Maxmed Madoobe oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa madaarka magaalada kula hadlay warfidiyeenada waxaana kuu hadlay arrimo badan oo ay ku jirto doorashada 2020. Madaxweyne Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka ah howshii looga baahnaa ay gabtay sida diyaarinta hanaanka doorasho iyo isku wadista systemka dowladeeed dalka waxaana uu yiri” Ayadoo aad moodo dowladda federaalka ah in ay gabtay shaqadii u taalay isku wadustii in ay ogaadaan wadanka ay maamulaan midka uu yahay waxaa uu u baahan yahay in la abuuro meeshii uu marayaayey isku wadistii ay meesha wax badan ay ka maqan tahay waxaan filayaa in waqtigeedii u soo dhamaaday”. Sidoo kale Madaxweyne Madadoobe oo hadalkiisa siitato ayaa xusay in dadka iyo dadka Soomaaliyeed maanta ay u taalo wax ka weyn in siyaasad lagu mashaquulo lakiin ay u baahan tahay in la isku wado waxaana uu yiri” Soomaaliya maanta waxaa ay mashquul ku tahay siyaasad Maxan qabanaa? Yaa kan noqonaya, laakin baahida maanta wadanka taallo waa mid ka weyn waxa ay maanta dadku ku hadaaqayaan iyo waxa uu maanta siyaasiga Soomaaliga ah uu ku hadlayo, burburka, dhibaatada iyo kala maqnaashiyaha dowladda iyo dowlad gobaleedyada .” Dhanka kale Madacweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ku eedeeyey dowkadda federaalka ah in ay ku tumaneyso dastuurka dalka u yaalla oo lagu heshiiyey isaga oo arrintaasi ka hadlaayo waxaa uu yiri” Dowladdana waan u sheegnay in dastuurka ay ilaaliso iyo waxa dadka u yaalo oo lagu wada dhaqmaayo, haddii qofka uu tiisa ilaalin waayo wixii kale ee dhibaato ah ee soo gaaro waad garan kartaa wixii ay asagana ay saameyn ku yeelan karto, shalay ayaa xadgudubyo la sameeyey wasiirbaa la xiray si aan munaasab aheyn, guddoomiyeyaal iyo ciidan baa la qaaday oo meelo kale ayaa la geeyey”, Ugu danbeyn Madaxweynaha dowlad gobaleed ka Jubbaland Axmed Maxmed Islaam ayaa xusay in uu dowladda federaalka ah gobalka Gedo ay ka wado burburin dhanka amniga iy mid siyaasadeed waxana uu yiri ” Waxaan in badan uga wareegeynay gobalka Gedo inaan u yaro kaadino ilaa maanta ciidamadii Shababka la dagaalamaayey iyo hubkii State ka uu lahaa oo in badan oo ka mid ah ay Shabab gacanta u galeen, kuwa ay ku uruurinayaan Baardheere oo ay leeyihiin ciidan ayaa la dhisayaa ayey Shabaab soo sawirayaan oo ay ka heleen xoogag cusub oo u soo kordhay waa burbur amni waa burbur siyaasadeed.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoominayay Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo maanta Ajendihiisu ahaa Su’aal oraaheed ku abaaran Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dalka Mudane Xasan Maxamed Cali “Amardambe”, iyo Taliyaha ciidanka xooga dalka Odawaa yusuf raage Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Ayaa su’aalo ku saabsan Arrimaha Ciidamada weydiiyay Wasiirka oo isaga Oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Difaaca iyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka si toos ah uga jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiinayeen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay Ciidamada amaanka looga baahanyahay in ay Xildhibaanadda xasaanada ay leeyihiin ku ixtiraamaan iyagoo Sidoo kalena muhiimad gaar ah siinaya sugida amniga iyo ka feejignaanta dhagaraha kooxaha nabad diidka ah Sidoo kalena Xildhibaanadda dhankooda looga baahanyahay in Ciidanka Qaranka mar walba taageeraan shaqadoodana ku ixtiraamaan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-16122019-sax.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dakhliga Kenya kasoo gala badeecadaha loo dhoofiyo Soomaaliya ayaa bishii September 2019 hoos ugu dhacay heerkii ugu xumaa shan sano, xilli ay jirto xiisadda muranka badda ee ka dhex oogan labada dal. Qiimaha badeecadaha ay Kenya u dhoofisay Soomaaliya bishii September, oo uu ugu badan yahay khaatka, ayaa sanadkan hoos u dhacay 93.5%, wuxuuna ahaa 647 milyan oo shillin una dhiganta 6.3 milyan oo dollar, halka sanad ka hor bishan oo kale uu ka ahaa 1.25 bilyan oo Kenya shillin, una dhiganta ku dhowaad 12 milyan oo dollar, sida ku cad warbixinta Bankiga Dhexe ee Kenya (CBK). Waa dakhligii ugu hooseeyey ee muddo bil ah Kenya kasoo galay waxyaabaha ay u dhoofiso Soomaaliya. Magaalada Muqdisho ayaa sanado badan ahayd suuqa ugu weyn ee khaatka Kenya, halkaas oo ay kasoo gasho malaayiin dollar. Hoos u dhacan ayaa loo sababaynayaa abaaro xooggan oo dhowaanahan ka jiray qeybo ka mid ah Kenya oo saameeyey beeraleyda khaatka, oo aan wax badan soo saarin, iyo xiisadda ka dhalatay muranka badda Soomaaliya ee u dhaxeeya labada dal. Kimathi Munjuri, oo ah guddoomiyaha ganacstada khaadka Kenya ee Nyambene, ayaa sheegay in ka sokow is-beddelka cimilada, ay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ay saamaysay khaatkii ay u dhoofin jireen Soomaaliya. Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay mararka qaar dib u celiso qaar ka mid ah khaatka ay u diraan Soomaaliya, islamarkaana ay taas walaac ku abuurtay.
