Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,019
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warbixin uu soo saaray xafiiska xiriirka iyo howlaha bin’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay khasaaraha ka dhashay fatahaadihii ugu dambeeyay ee ka dhuftay Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu xusay in fatahaadaha ay saameeyeen dad gaaraya 574,000 , halka boqolaal kalena ay ku qasbeen in ay guryahood ka barakacaan. Sidoo kale warbixinta ka soo baxday xafiiska xiriirka iyo howlaha bini’aadanimada QM ayaa tilmaameysa in tiro intaasi ka badan ay xilligan u baahan yihiin biyo nadiif ah, adeeg caafimaad iyo cunooyin. Magaalada Beledweyne ayaa ah meelaha ugu badan ee fataahadaha, waxaana ku barakacay in ka badan 231 kun oo qoys. Beledweyne ayaa hadda laga dareemayaa soo kabashi,waloow nolosha aysan wali sideedii hore ku soo laaban. View the full article
  2. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada DFS, maleeshiyaad deegaanka oo isku dhinac iyo Al-Shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Gedo. Dagaalka oo ka dhacay duleedka Baardheere ayaa waxaana uu yimid, kadib markii dadka deegaanka ay ka biyo diideen xoolo lagu sheegay Zakawaad oo ay weydiisteen Al-Shabaab. Abaanduulaha ciidanka Xoogga qeybta Baardheere, Maxamed Cali C/laahi ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen illaa 6 ka tirsanaa Al-Shabaab, kuna dhaawaceen tiro kale. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka ay ku gubeen labo gaari oo ay lahaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/ccc-1.mp3 l View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-30112019-we.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca Uganda ayaa ka digay in wakhti loo qabto ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay in laga fiirsado ciidamada la dhimayo. Mbasu Mbadi oo ah taliye ku xigeenka ciidanka Difaaca Uganda ayaa sheegay in Uganda ay waxqabad muuqda ka sameeyeen Soomaalia mar uu magaalada Muqdisho kula kulmay taliyayaasha ciidamada dalkiisa eek u jira hawlgalka AMISOM. Taliye ku xigeenka wuxuu soo bandhigay sida ay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa wadankiisa Uganda ay hormuud ugu yahiin hormarka ay dowladda Soomaaliya sameysay maadaama ay hadda maamusho magaalooyin waaweyn oo aysan markii hore gacanta ku heynin. “Dhiigeena iyo dhididkeena ayaa ku daatay nabadda Soomaaliya, hadda ganacsigu waa mid furan, Dowladdana wey shaqeyneysaa, si aan la mid aheyn 2007, waxeyna wakhtigaas ku shaqeyneysay Kenya” ayuu yiri Mbasu Mbadi. Hadalkaas kasoo yeeray wuxuua ahaa mid uu digniin uga dhigayo beesha caalamka kuwaas oo ku fakaraya iney wakhti u qabtaan bixitaanka ciidamada Uganda ee gudaha Soomaaliya ama in la dhimo, wuxuuna soo jeediyay in mar walba arinta lagu saleeyo sida ay xaaladda Soomaaliya tahay.
  5. Lix xubnood oo ka mid ah Komishanka Cusub ee Somaliland ee muranka adagi ka aloosan yahay ayaa doortay Gudoomiye & Gudoomiye-xigeen. Waxay Gudoomiye u doorteen Cabdirashiid Riyo-raac oo ah Shaqsiga Ismaandhaafka iyo muranka adag ee ka dhex oogan xisbiyada & Xukumada Xudunta u ah,Halka Gudoomiye xigeena loo doortay Mustafe max’ed Daahir oo isaga laftiisana la sheegay inaanu buuxin shuruudaha lagu fuudhiyo Xubinta noqon karta Komishan Qaran Waa Kuma Cabdirashiid Riyo-raac Halkan ka daawo:- Qaran News
  6. Kulank ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxay ku doorteen guddoomiye cusub. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa loo doortay C/rashiid Riyo Raac, iyadoo xubnaha guddiga ay sheegeen in shaqsiga u qalmo qabashada xilkan. Doorashadan ayaa imaaneysa xilli horey u jirtay cabasho badan oo laga muujinayey guddiga doorashada Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray laba kamid ah Nabaddoonada gobolka Bari, oo shalay ka soo muuqday warbaahinta, iyagoo dhaliilaya xukuumadda Puntland. Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo shalay dowladda Puntland ku dhaliilay heshiisyo ay sheegeen in ay la gashay Imaaraadka Carabta. Odoyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka soo horjeedan, Heshiiska DP world iyo garoonka diyaaradaha Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka, sida ay hadalka u dhigeen. Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga gobolka Bari, oo diiday in la xigto magacyadooda, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay xariga labada Nabaddoon, waxaana ay sheegeen in hadda loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso. Nabaddoonada ayaa mid kamid ah xalay gurigiisa laga qabtay, halka kan kalena saaka suuqa laga qabtay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha aan xiganayno. PUNTLAND POST The post Nabaddoono lagu xiray magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Musharraxa madaxweynaha Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa ka hadlay ciidamo Itoobiyaan ah oo dhowaan la geeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Odowaa oo war qoraal ah soo saaray ayaa si gaar ah ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo sheegay in ciidamada dowladdiisu geysay magaaladaasi aysan cabsi galin doonin, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedada ciidamada Itoobiya loo geeyey Dhuusamareeb ay tahay in lagu boobo dooorashada dhowaan ka dhaceysa gudaha degmadaasi. Halkan hoose ka aqriso: Madaxweyne Farmaajo iyo ciidamada Ethopia Madaxweynaha markii uu doorashada raadinaayay wax ugu wayn ee uu ku soo ganbaday waxa ay aheyd inuu wax ka qabanayo faragalinta Ethopia ay Soomaliya ku hayso. Madaxweynuhu maba daahin ee markuu xilka qabsadayba waxa uu si aan xishood laheyn u billaabay in uu dadka Soomaliyeed ku cabburiyo ciidamada dowladda Ethopia. Dhacdooyinka soo socda ayaa marqaati u ah xogtaan hoos ku xusan: Waxa uu 2017, asaga oon xilka sanad hayn, dalka Ethopia u gacan galiyay Mujaahid Qalbi-dhagax, isla markaana ONLF ku tilmaamay ururu argagixiso. Soomali badan oo aan ka mid ahaa iyo barlamaanka Soomaaliya haddi aysan ka dhiidhi lahayn, waxay maanta nagu wada ahaan lahayd ceeb qaran, balse waxay hadda ku kooban tahay asaga iyo kooxdii la ogeyd. Waxa uu 2018 ku afduubay doorashadii Koonfur Galbeed, laguna xasuuqay dad badan oo reer Baydhaba ah oo dalbanaayay xuquuqdooda dastuuriga ah. Sidaa si la mid ah ayaa ciidamada Ethopian ka ahi ugu soo afduubeen Mukhtaar Roobow oo illaa hadda aan sharciga la hor keenin. Waxa uu isku dayay in uu ku weeraro Kismaayo ciidan Ethiopian ah si ay ugu soo afdubaan Madaxweyne Axmed Madoobe, laakin Madoobe oo ka khibrad badan kooxda Farmaajo ayaa xiray airport ka Kismaayo, kuna jaray baabur jidka ay diyaaraddu ku dagato, sidaas ayayna ciidamadii uu madaxweynuhu soo kireystay ku fashilmeen. Waxaa hadda ka socda deegaannada Gedo afduub iyo caga jugleyn ay u gaysnayaan ciidamada Ethiopia cid kasta oo Madaxweynaha ka ra’ayi duwan oo joogta deegaannadaas ama tageersan Madaxweyne Madoobe. Waxaa ugu danbeeya kuwa uu hadda ku sii daabulayo Dhuusamarreeb si uu ugu boobaan doorashooyinka Galmudug una soo afduubaan musharraxiinta kasoo horjeeda aragtidooda, illeen ma aaminsana in si xor iyo xalaal ah nooga adkaan karo. Haddaba waxaan xasuusinayaa Madaxweynaha filimkaas hore ayaan usoo galnay waxa uuna ku dhamaaday ciidamadii Ethopia oo dhammaa 50 kun oo dhaawac iyo dhimasho sita oo ka qulqulay dalkeenna. Mudane Madaxweyne waxaa Youtube-yada ka buuuxa warkaagii shalay, dhaqankaaga maantana cid walba waa arkayasaa, waxaan kuugula talin lahaa inaad is daba qabato, nama cabsi galinayaan ciidamada aad Dhuusamreeb ku sii daabulayso, dadka reer Galmudug na ma aha kuwa baqdin galinta wax looga helo.
  9. Sawir hore: Dekedda Boosaaso Xubno ka tirsan odoyaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta gobolka Bari ,oo shalay shir ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa si adag u dhaliilay Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso oo ay sheegeen in aan waxba ka fulin. Odayaasha ayaa xukuumadda Puntland u soo jeediyay in heshiiskaasi laga laabto, maadaama sida ay ku tilmaameen aysan waxba ka fulin qodobadii lagu heshiiyay, islamarkaana uu curyaamin ku yahay dhaqaalaha Puntland. Sidoo kale, waxay dalbadeen in garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo wakaaladda Xoogga Korontada ENEEYE laga soo celiyo, shirkad laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta oo ay sheegeen in dowladdu ku wareejisay. Haddaba, Siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo laba kamid ah odoyaasha wax dhaliilsan oo la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay waxa ay diiddan yihiin. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah odoyaasha iyo siyaasiyiinta gobolka Bari oo sheegay in aan waxba ka fulin Heshiiskii DP World appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddida cusub ee doorashooyinka Somaliland ayaa Guddoomiye u doortay Cabdirashiid Riyo-raac fadhi ay maanta yeesheen, halka guddoomiye ku xigeena u Doorteen Mustafe Maxamed Daahir Dhawal. Cabdirashiid ayaa ahaa xubinta ay sida weyn uga soo horjeedeen xisbiyada mucaaradka. Guddida dhexdhexaadinta oo maanta la kulmaya madaxweynaha ayaa la sheegay in ay shalay ka digeen in guddidu guddoomiye doorato inta ay dhexdhexaadinta wadaan. Source
  11. Laba bil ka hor ayaa Warbaahinta Puntlandi.com oo soo xiganaysay ilo Dublamaasiyadeed waxay shaaciyeen in Madaxweyne Farmaajo uu Saaxiibkii Abiy Ahmed uu ka dalbadey Ciidamo [...] Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Lacagti Miisaniyada ugu jirtay Xisbiyada Somaliland ayaa la dhimay sida ku Cad li faaqa Misaaniyada ay ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland. Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta ansixiyey Odoroska miisaaniyada Qaranka ee 2020. Golaha ayaa dood dheer ka dib waxay raaciyeen waxna ka bedeleen Miisaaniyadii dawladu u soo gudbisay golaha waxaanay ku lifaaqeen Goaanadan hoos ku qoran. Soo Jeedinta Miisaaniyadda 2020. Soo jeediinta dooda Mudaneyaasha ee Miisaaniyadda Qaranka 2020 qodobada ka soo baxay ee lagu ansixiyey Miisaaniyada guud ee Qaranku waa sidan 1) In Madax/xigaha 26404408 ee kabka Xisbiyada laga jaro lacag dhan 3,500,000,000 (Saddex Bilyan iyo shan boqol oo milyan) lacagtaas oo loo wareejinayo Cusbitaalada waaweyn ee Dalka (Hargeysa, Berbera, Borama, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood) 2) in Mad/xigaha 2211348 ee Miisaaniyadda Wasaarada Arrimaha Dibada ee sanduqa aqoonsi raadinta Somaliland laga jaro 1,500,000,000/= (Hal bilyan iyo shan boqol oo milyan ) Bilyan oo lagu daro qoondada Wakiilada si ay uga qayb-qaataan aqoonsi raadinta. Soo jeediinta Guddida dhaqaalaha ee Miisaaniyadda qaranka 2020. In Miisaniyadda 2020-ka ee dawladdaha hoose laga saaro miisaniyadda dawladda dhexe madaama oo hore gole goaan uga soo saaray in la kala qaado miisaniyaddaha dawladda dhexe iyo miisaniyadda dawladdaha hoose In Miisaniyadda dawladda hoose ay dib uga wada shaqeeyaan guddida dhaqalaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda arrimaha gudaha, maadama aan miisaniyaddan ina hor taala aanay faah faahsanayn isla markaana ay ka maqantahay qaybtii ka hadlaysay kharashka kuna koobantahay dakhli guud oo kaliya. In Mashaaricaha iyo deeqaha kale ee aan ku jirin Miisaniyadda sanadkan 2020-ka ka wada shaqeeyaan Guddida Dhaqalaha ee Golaha Wakiilada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka si loogu soo daro Miisaniyadda sanadka dambe ee 2021 haddii Allahu ka dhigo In mashaaricaha socda iyo deeqda qaranka oo aan hadda ku dhamayn Miisaniyaddan ay ka wada hawl galaan guddida dhaqalaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta, warbixina looga soo gudbiyo golaha kalfadhiga soo socda. Si loo hubiyo hirgalinta iyo xaqiijinta Miisaniyadda in warbixinta xisaad xidhka uu soo gudbiyo Hanti-dhawraha guud xilliyadda uu u cayimay xeerka hanti dhawr-ka Guud ee Qaranka Waa in la raacaa muddooyinka uu u cayimay soo gudbinta miisaniyadda qaranka sida uu dhigaayo xeerka maamulka maaliyadda taas oo guddida iyo golahaba siinaysa wakhti waafi ah oo lagu falan qeeyo isla markaana laga dodo Miisaniyadda In kaalmada ururka Naafada ee DAN lagu daro Miisaniyadda 2020-ka Waa in la sameeyo hannaan cashuureed oo lagu dhiiri galinaayo waxsoosaarka dalka. Share this: Source
  13. Waxaa maanta oo Sabti ah la shaaciyey magacyada Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada cusub ee maamulka Galmudug . Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacyada 44 Odey dhaqameed u gudbisay Gudiga farsamada maamul dhisida Galmudug. Odayaashan ayaa maanta lagu wadaa in la xareeyo, si ay u bilaabaan soo xulista xildhibaannada cusub ee Galmudug oo tiradoodu gaareyso 89 Mudane. Hoos ka akhriso magacyada odayaasha soo xulaya xildhibaanada cusub ee Galmudug PUNTLAND POST The post Waa kuwee odayaasha soo xulaya baarlamaanka cusub ee Galmudug? appeared first on Puntland Post.
  14. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Tuesday conducted an awareness training for Somalia National Army (SNA) personnel in Kismayo, the administrative capital of Jubbaland State, to educate soldiers on human rights as well as mainstreaming gender into their operations. The training was attended by over 60 SNA soldiers and officers operating in Jubbaland State. They were taken through important lessons such as security sector reforms, gender mainstreaming, and prevention of conflict-related sexual violence, sexual exploitation, and abuse. Colonel Mohamed Bedel Hassan, commander of the 11th Division of the 43rd battalion of SNA in Jubbaland, who spoke after the training, said the soldiers had learned valuable skills that would enable them to execute their duties diligently. “Today, at our 43 battalion headquarters, the training was held on the dangers of recruiting children into the forces, deforestation, environmental protection and taking care of our neighborhoods. The training went well and we hope such training to continue in the future. The training is important because helps us clean and protect the environment,” the Col. Added. Hamouda Mohammed Kanu, the Head of AMISOM Security Sector Reforms stated that the workshop was aimed at increasing the awareness and understanding of the soldiers about human rights issues. CONDUCT AND DISCIPLINE “It was to sensitize them on issues of security sector reform, issues of conduct and discipline, issues of gender mainstreaming, issues of international humanitarian law and issues of environment protection and child protection,” Hamouda said. Brigadier Juma Mwinyikai, AMISOM Sector 6 Commander reminded the soldiers to relate with the civilian population and during their operations and protect the most vulnerable members of the community, especially women and children. “You should be aware of civil-military cooperations, how to relate in uniform with our brothers and sisters who are not in uniform, how men and women in uniform relate with the population and the civilians in villages and towns, also the issue of security sector reforms. We tackled international humanitarian law, human rights, gender, child protection, and conflict-related sexual violence,” Brig. Mwinyikai said. Mohamed Hussein Hassan, a Somali SNA soldier, said the training had given him important lessons on human rights and the protection of vulnerable people. “I thank the organizers of this important training which includes how not to violate human rights and how we need to protect the environment, protect vulnerable people and all those we swore to protect,” Hassan said. View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Ergayga Midowga Yurub ee gobalka Geeska Afrika Mr. Alex Rondos, ayaa ka hadlay Somaliland iyo sida ay ugu guulaysan karto halgankeeda. Danjire Alex oo toddobaadkan hadal ka jeediyay xarunta Wilson Center ee dalka Maraykanka, ayaa waxa su’aal ku saabsan Somaliland weydiiyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka danjire Bashiir Good, waxaanu ergayga Midowga Yurub oo ka jawaabaya su’aasha wakiilka Somaliland uu yidhi “Somaliland waxaay joogtaa taariikh ahaan meel xiiso badan. Tani waa gobol dhif ka ah Afrika oo soo maray awood isku bedel sharci ah. Adiga oo Somalilad metelaa na waxaad dabcan jeclaan lahayd in mar saddexad ay saasi dhacdo. Xaqiiqdu hadda waxay tahay, anigu ma gelayo in la ictiraafo iyo in kale, taasi waxaay u taal deriskiina, dadkiina, Somaliya lafteeda, Midawga Afrika iyo kuwa kale, balse waxa aan shaki ku jirin in mudo dheer oo ay Somaliland awood u yeelato inay sii muujiso inay ilaalinayso xasiloonida, way caawinaysaa hadii Somaliland ay muujiso inay awood u leedahay inay samayso is bedel siyaasadeed oo nabad ah oo lo marayo geedi socod doorasho, waxaana fiican inay sidaas ku adkaysato sababta oo ah waxa muuqata inay hada yara bariiqatay halkaasi.” Ergayga oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waxa ila tahay waqtiga ayaa kala cadayn doona waxan sheegayo, waxaan se soo jeedinayaa waxaay tahay in Somalilanders ku, iyada oo aan waxba loo dhimayn hiigisigiina, waa inaad si taxadar ah ula socotaan waxa ka dhacaya gobolka oo dhan. Ma ka jiraa gobolka qaab balaadhan oo Somaliland ku raadin karto hiigsigeeda si aan koobnayn oo gaar ahayn balse buuxinaysa sida guud ee gobolku u dhisan yahay, sababta oo ah waa halkaas meesha xaqiiq ahaan mustaqbalku ku jiro, maaha oo keliya Somaliya, balse dhamaan deriska Somaliland oo dhan. Waxaynu u baahanahay inayu u fekerno si ka baxsan sida caadiga ah.” Source
  16. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Sunday reiterated its commitment to ensuring that Somalia holds peaceful parliamentary and presidential elections in 2020/2021 at a public awareness forum in Mogadishu. AMISOM Police Commissioner, Assistant Inspector General of Police (AIGP) Augustine Magnus Kailie told members of the civil society, political parties representatives and the National Independent Electoral Commission (NIEC) that AMISOM, in partnership with key Somali stakeholders, was ready to secure the upcoming one-person-one-vote elections so that the process is free and fair. “Somalia has turned a corner through political processes, including electoral reforms and as such is now preparing itself to hold multi-party, democratic, universal suffrage elections in 2020 and 2021. Somalia’s leadership has demonstrated commitment to move away from the old 4.5 clan-based power-sharing formula and conduct one-person-one-vote elections”, AIGP Kailie, who represented the Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) to Somalia Ambassador Francisco Madeira, said. The public awareness forum brought together key stakeholders as well as members of the public to brainstorm about how best Somalia could hold universal elections, as one way of giving ownership of the electoral process to the public in order to increase their confidence in the process. Hussein Abdi Adan, a commissioner with NIEC, which is the body mandated to manage elections in Somalia, recognized AMISOM’s role in providing security and said AMISOM’s presence was an important factor in managing the national elections. “An electoral security task force was put up which includes the Somalia police, security forces at federal and national level as well as AMISOM forces. We are hopeful that AMISOM will actively take part in securing the election, from safeguarding the candidates, polling centers and securing electoral material,” Hussein added. Civil Society representative Fatuma Mohamed Ahmed said that the coming together of the various stakeholders and the nature of the discussions had given her hope that holding peaceful elections was possible in Somalia. “We really want to see our country develop and would hope to see one-person-one-vote elections taking place. The people who attended this forum discussed how the election will take place, how electoral security is to be managed and how the country is going to be led after that. I am really happy to be part of these discussions,” Fatuma said. AMISOM Police Election Security Officer Superintendent Alfred Kudah gave a presentation on electoral security, which showed the challenges to be expected and how AMISOM and Somalia Security Forces were prepared to neutralize any threats. “Our role specifically is about supporting in terms of manpower, in terms of logistics and assisting the Somali people to review the electoral laws so that everyone is aware of what their role is,” Kudah stated. Those at the discussion included Hussein Abdi Adan, NIEC Commissioner; Osman Mohyadin Shatah, Chairman of the Somali Non-State Actors (SONSA) and representatives from several political parties. View the full article
  17. The Head of the African Union Mission in Somalia (AMISOM), Ambassador Francisco Madeira, has pledged to work closely with the new Mayor of Mogadishu and Governor of Banadir Region, Omar Mohamud Mohamed, to ensure the mayor’s vision of a more secure and peaceful Mogadishu is realized. Mayor Mohamud Mohamed assumed office in August. “I found an extremely committed and engaged man who has a population of Mogadishu at heart and wants a very important thing for his people. He has taught me a very important slogan: ‘A peaceful people in a clean city’. I was very impressed because this slogan summarizes security, stability, and development. I told the mayor that AMISOM will support him to the measure of our ability and that we will work together on this,” Ambassador Madeira said after his meeting with the mayor at the Banadir Administration Headquarters in Mogadishu. “We discussed the issue of the upcoming 2020/2021elections, and the need to ensure that this election is secure and takes place in a free, fair and stable environment. We discussed how we can work together in the context of the established Somalia Election Security Task Force,” Ambassador Madeira added. Somalia, with the support of AMISOM, the United Nations and other partners, is preparations for one-person-one-vote in late 2020/2021, which would be an important milestone in the rebuilding of the country after more than two decades of violent conflict. Other aspects the two leaders explored included avenues for engagements involving civilians and the military operations, for the benefit of the people of Somalia. Addressing the press, Mayor Mohamed expressed gratitude for the Ambassador’s visit, saying that their deliberations had been rich and promising. “The Ambassador has welcomed all our requests, which are based on the partnership we have. AMISOM has for long played an important role in Mogadishu, and Somalia as a whole,” the mayor said, and further paid glowing tribute to AMISOM force’s peacekeeping operations from the time they first arrived in Somalia to help degrade the Al-Shabaab terrorists. “AMISOM forces and their leadership have stayed nights at the frontlines and under difficult conditions in this city. They have spent time with our forces. From the start, Mogadishu residents, Somali forces and AMISOM forces worked together with the objective to free the city of Mogadishu from the enemy. It is that unity which resulted in the liberation of Mogadishu,” the mayor said. View the full article
  18. The President of the Federal Republic of Somalia, H.E President Mohamed Abdullahi Farmaajo has welcomed the restructuring of the regional body, IGAD which was agreed by the leaders following the conclusion of the 13th Ordinary Assembly of Heads of State and Government in Addis Ababa, Ethiopia. The Federal government of Somalia, in recognition of the body’s strategic role and with an understanding of the development opportunities, cooperation, and trade partnership, has maintained its advocacy for reforms and restructuring on the composition of IGAD so as to represent the views of the citizens and the public of the member states while remaining a platform that captures the interests of the region and all its stakeholders, especially, in key areas of the economy and the politics of its member states. President Farmaajo on his part submitted his congratulations to the new Chairman of IGAD, H.E Abdallah Hamdook, the Prime Minister of the Republic Sudan who took over the chairmanship of the strategic institution. H.E President Farmaajo expressed his belief in the new leadership of our brotherly nation of Sudan while also acknowledging PM Hamdook’s input to Somalia’s economic reforms while serving as a member of Somalia’s National Economic Council. Furthermore, H.E President Farmaajo also offered his congratulatory message to Dr. Workneh Gebeyehu the new Executive Secretary of IGAD while also assuring the new leadership of full cooperation and support from the Federal government of Somalia for the successful fulfillment of the organization’s strategic vision and core goals and for the region’s progress and prosperity. The government and the people of the Federal Republic of Somalia remain committed to playing their part to strengthen cooperation with fellow IGAD member states in order to contribute to regional development and prosperity owing its longstanding role as a proud founding member of IGAD. View the full article
  19. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa liiska odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug ku wareejiyey guddiga farsamada ee maamulkaasi. Liiska oo ka kooban 44 oday dhameed ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta la xareeyo, si ay u guda galaan saxiixooda baarlamaanka. Guddiga ayaa sheegay in odayaasha looga baahan yahay inay dardar galiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si aysan dib ugu dhacin doorashada baarlamaanka. Bisha December ee soo socota ayaa qorshuhu yahay inay dhacaan doorashooyinka Galmudug oo isugu jira mida madaxweynaha iyo baarlamaanka ee maamulkaasi. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli ay taagan tahay tabashada Ahlu Sunna oo dhaq dhaqaaq siyaasadeed ka wada magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Magacyada Odayaasha Dhaqanka ee saxiixayaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu dhawaaqay iyada oo maanta la xareynayo. Liiska Odayaashan ayaa waxaa Guddiga Farsamada dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug ku wareejiyay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya. Odayaashan ayaa waxaa ay soo gudbin doonaan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug iyada oo Bisha December ee berri billaabaneysa ay noqoneyso bisha doorashada Guddoomiyha Baarlamaanka, iyo Madaxweynaha Galmudug.
  20. W/Q Agaasime hore Maxamed Aadan Ilkacase Salaan Sare Caasimada Geeska Nayroobi: QODOBADA 1.Gudigii dhexdhexaadintu tolow xagay Wax marinayaan? 2.Gudigii Doorashada ee Dhaawaca ahaa miyay is dooranyaan tolow? 3.Murankii WADANI ee Bilaa Jihada Ahaa Xaguu ku jihansanyahay maanta? 4.Gudoomiye Faysal Hoos ma ugu Waramay Dadkii Waxa Ka Socda Geeska Africa 5.Xisbigii Oromadu Xaalkiisu Waa Sidee ka dib Waraysii Wasiirka Gaashaandhiga 6.Xisbigii Somalida Ethiopia Xaguu u socdaaaa 7.Urur Goboleedkii IGADD Kenya Way iska Farsamysay oo Kursiga Wayn Ee Qaramada Midoobay bay Culayska Saartay 8.Xeerka Cusub ee Doorashada FARMAAJO rabo muxuu Daaran yahay 9.Nayroobi Yaa imanaya Dhawaan maxaase lagu karkarinayaaa? 10.Qatar,Turki,UAE,EGLAND, Sucuudigu Shiinahu iyo Maraykanku Maxay ka Rabaan Geeska Africa? 11.Madaxwayne Muuse Biixi Tolow Ma Ka debciyay Adaygii Siyaasada oo ma ku daray Woxogaa Doqoniimo isku Wadida iyo Furfurnaan Shaxaad oo Gacmuhu is yara dhaafeen? 12.Tolow Wanjalkii Sheekh Saleebaan Wasiir Cabdilahi Abokor intuu xidhnaa Ma ku Nafisay oo ma sii daynayaa? Allow Sahal Amuuraha Socda Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Ciidammada laanta socdaalka ee Somaliland amma (Immigration-ka), ayaa saaka bilaabay olole Lagu ururinayo dadka Itoobiyaanka ah, gaar ahaan Oramada ka dhex dawarsada suuqyada waawayn Ee magaalada Hargaysa. Dadka ayaa la geynayaa xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya ee magaalada Wajaale si dalkooda dib loogu celiyo. Maaha markii ugu horraysay, ee la raafo dadka Oromada ah, mana Kala cadda In la illaa inta la mustaafurin doono Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Cabdiraxmaan Aw Cali Oo Daaha Ka Feyday Iska-Horimaadii Iyo Iskudhacyadii SNM Gudaheeda Ka Qarxay Iyo Cidda Sababtay+Saameyntu Ku Lahaa Shirkii Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source