Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,025
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Kheyre, ayaa soo dhoweeyay heshiiska dhex maray Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca (AWSJ). Heshiiska oo ku yimid wada hadal dheer oo dhexmaray Dowladda Fedaraalka iyo ASWJ oo ay Gacan ka gaysteen dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa waxa uu saldhig u yahay Galmudug midaysan oo loo wada dhan yahay. Ra’iisul Wasaaraha waxa uu ugu baaqay dhamaan Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug in ay kawada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul u adeega Shacabka reer Galmudug. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dhammaan Bulshada reer Galmudug in ay muujiyaan dulqaad iyo isu tanaasul Gacannna ka gaystaan hirgelinta heshiiskan. Mudane, Xasan Cali Kheyre, Ra’iisul wasaaraha Dalka ayaa uga mahad celiyay ASWJ dedaalka ay muujiyeen si loo gaaro heshiiskan. Ugu dambayntii waxa uu u mahad celiyay cid walba oo Soomaaliyeed oo Gacan ka gaysatay heshiiskan iyo xubnaha Beesha Caalamka oo mar walba Garab taagan Shacabka Soomaaliyeed. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), ayaa sheegay in la iskula xisaabtami doono sugidda amniga Caasimadda. Guddoomiyaha oo ka hadlayay shirka amniga Caasimadda oo Maanta lagu qabtay xarunta Gobolka Banaadir ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo qorshaha nabad-gelyda Caasimadda. Shirka oo ay ka qayb galeen Saraakiisha u xil-saaran amniga Caasimadda ayaa lagu soo qaaday weerarkii ay Argagixisadu ka geysteen dhowaan Hotel SYL. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a. “Donald Yamamoto ayaa yiri” Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an in ay taageerto dedaalladan, isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni”. Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay Dowladdiisu bogaadineyso gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay, kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada Dowlad Goboleedka Galmudug oo door muhiim ah uga jirto dedaallada kala duwan ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab. “Waxaan aqoonsan nahay dedaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro Dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen Labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qeybsiga wakiilnimada Baarlamaanka, waxaanan dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska” ayuu yiri Danjiruhu. Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa Galmudug ku tilmaamay Gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay Safaaraddiisu ka go’an tahay in ay fududeyso gargaarka Bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee Dadka reer Galmudug. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-12122019-sax.mp3 View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa diiday dacwad ay dhawaan u gudbiyeen siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Somaliland. Maxkamadda ayaa sheegay in aan marka horeba Madashu sharci ahayn. siyaasiyiinta Madasha Wadatashiga Somaliland ayaa si kulul uga hadlay go’aanka maxkamadda Sare soo saartay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hor imaaday Hindise-sharciyeedka Ha’adaha aan Dawliga ahayn, 2019 ee ay soo gudbisay Wasaarada Qorsheyntu isla markaasna ay Maanta ka doodayaan Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya. Madasha Isbiyada Qaran ayaa sheegay Macnaha ugu weyn ee ku duugan xeerkan uu yahay in ay Wasiirka u suuro gasho go’aan ka gaarista meesha iyo sifaha hay’adaha deeqaha bixiyaa u qeybinayaan kaalmooyinka dibadda ka yimaada iyadoo “hay’ada shaqadeeda aan lagu qancin” lagala noqon doono ogolaanshaha, go’aanka Wasiirkuna yahay kama danbeys. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Ha’adaha aan Dawliga ahayn uu qabad ku noqon doono heshiisyadii lala galay Somaliland oo dhigayay in aan la siyaasadeyn arimaha gargaarka banii’aadanimo iyo mashaariicda horumarinta iyadoo laga dheeraanayo soo saarista go’aamo ama sharciyo abuuri kara kala fogaansho ama hoos u dhac ku yimaada kalsoonida labada dhinac. Sidoo kalana madasha ayaa xustay in ujeedada heshiisyadda laga lahaa ay ahayd in la abuuro jawi sahli kara wada hadal macno leh oo dhex mara Xukuumadda Dhexe iyo Somaliland si looga midho dhaliyo midnimo la isla ogolyahay. Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Xukuumadda talada heyso u sheegay inay waajib ku tahay sii-ambaqaadida ballamihii hore loo galay iyo dedaaladii ku aadanaa soo celinta midnimada iyo karaamada umadda Soomaaliyeed lagana taxadiro talaabo kasta oo xagal daacin karta dedaaladdii hore u socday si loo baajiyo dhaawac ku yimaada dhab-u-heshiisiin dhex marta umadda Soomaaliyeed ee jahawareerka siyaasadeed iyo cadaalad la’aantu kala irdheeyeen loona xaqiijiyo walaaltinimo aan ku dhisneyn handadaad iyo cago-jugelyn siyaasadeed ama sharci. Halkaan hoose ka daawo kadibna ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
  7. (SLT-Washington)-Guddi Hoosaadka Garsoorka ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa la filayaa inay maanta ansixiyaan qodobada xil-ka-xayuubinta ee ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump. Xubnaha Dimqoraadiga ee Aqalka Wakiilada ayaa isku dayaya inay ciqaabaan madaxweynaha, oo ay ku eedeeyeen inuu awooddiisa ku xadgudubvay, halka Jamhuuriga ay cambaareeyeen hanaankan, oo ay ku sheegeen inuu yahay mid siyaasad ay ka dambeyso oo aan caddeyn loo hayn. Guddiga ayaa habeenkii arbacada ka dooday qodobada oo madaxweyne Trump ku eedeynaya inuu ku xadgudbay awoodda xafiiskiisa, isaga oo dowlad shisheeye oo ah Ukraine u adeegsaday inay fara-geliso doorashada 2020, iyo inuu hor-istaagay baaritaanka ay congress-ka ku sameynayeen arrintan. Doodda ayaa la filayaa inay maanta sii socoto, ka hor inta uusan guddigu u qaadin cod ah in qodobada la horgeeyo Aqalka Wakiilada oo dhan iyo in kale. Madaxweyne Trump waa uu beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey. Waxa uu sheegay inuu wada-hadalladii uu la yeeshay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ay ahaayeen kuwa aan wax dhib ah ku jirin. Eedaha ka dhanka ah Trump ayaa waxaa xuddun u ah inuu cadaadis saaray Ukraine, isaga oo celiyey kaalmo Mareykanka ugu tallo-galay oo ahayd 391 milyan oo dollar, si uu ugu qasbo inay baadhitaan ku sameeyaan Joe Biden oo ay suurta-gal tahay inuu kula loolamo doorashada 2020. Source
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Safiirka Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto oo kamid ahaa xubnihii Beesha Caalamka ay waday dadaalka wadahalada Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca. Donald Yamamoto oo soo saaray War saxaafadeed ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay mar kasta ka go’an tahay inay taageerto heshiisyada noocaan oo kale ah isla markaasna ay hubiso hirgelintooda si loo gaaro nabad iyo Xasillooni siyaasadeed oo ka hirgasho Soomaaliya. “Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka. Donald Yamamoto ayaa sheegay inay soo dhaweenayaan tanaasulka adag oo ay sameeyeen Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qeybsiga Xubnaha Baarlamaanka, isagoo ugu baaqay labada dhinac inay hirgeliyaan heshiiskaan. “Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska” Ayuu yiri. “Ugu dambeyn Donald Yamamoto ayaa sheegay in Galmudug uu yahay gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug” ayuu Yamamoto kusoo gabagabeeyey hadalkiisa. Hadalkaan kasoo baxay Yamamoto ayaa kusoo aadayo xilli Maanta ay Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna heshiis ka gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada Galmudug iyadoo Ahlu Sunna loo ogolaaday inay soo xulaan 20 ka tirsan Xildhibaanada Galmudug.
  9. U.S. Ambassador to Somalia, Donald Y. Yamamoto welcomes the agreement reached between the Federal Government of Somalia and the leadership of Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ). The United States is committed to supporting these efforts and ensuring its implementation for the peace and stability of Somalia. The United States applauds the hard work of negotiators to reach an inclusive agreement that ensures the long-term stability and prosperity of Galmudug state, an important front for our combined efforts in fighting al-Shabaab. We recognize the previous statewide reconciliation efforts as well as the difficult compromise made by all of the stakeholders on the electoral model and parliamentary representation and encourage timely implementation of this agreement. Galmudug remains a critical region for the future development of Somalia and the U.S. Embassy remains committed to facilitating humanitarian aid, security assistance, and economic development for the people of Galmudug. View the full article
  10. The Federal Government of Somalia and the Ahlu Suna Waljama group have reached agreement in the ongoing election process in Galmudug state. The two sides were previously divided on the process mainly on the number of regional assembly members set aside for the Sufi religious group. However, according to a press statement released by the Ministry of Interior and Federal Affairs on Thursday, ASWJ has agreed to the allocation of 20 members out of a total of 89 regional parliament members to be selected before the end of the year. “The Federal Government and ASWJ have jointly agreed that 20 members of the regional assembly will be allocated to the group out of the current 89 members.” The statement said. The Government of Somalia thanked all parties including the international community for the support during the negotiation process. “The FGS appreciates the compromise and the hard work by the ASWJ to build united Galmudug that will lead to peace, unity, and prosperity while acknowledging the efforts by the international community.” Meanwhile, members of the federal parliament from the Galmudug state have also welcomed the progress. Led by MP, Mahad Salad who is a member of the main opposition political party in the country thanked the office of the Prime Minister for the hard work. “I want to thank his excellency the PM, Hassan Kheyre, the minister for Interior Abdi Sabriye and the business community for their hard work reach this fruitful outcome.” According to the poll schedule released earlier, Galmudug Presidential elections is set before the end of the year. View the full article
  11. Six people are dead after heavily armed fighters of Islamist terrorist group al-Shabaab attacked an army base in Somalia. Two soldiers and four civilians, including two women, were among the dead after militants attacked Hilweyne military base, north of the capital, Mogadishu, late on Wednesday. “Our troops fought hard against the terrorists and killed several insurgent fighters,” Omar said. Al-Shabaab claimed responsibility for the attack on pro-insurgent radio Andalus. The group is affiliated with the international al-Qaeda terrorist network and launches regular attacks in the volatile African nation. View the full article
  12. Dhuusamareeb (SMN) – War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska madaxa xukuumadda Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa lagu taageeray heshiiska laga gaaray arrimaha Galmudug. Hoos ka akhriso qoraalka View the full article
  13. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ). Safiirka ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ka go’an taageeridda dadaalladan, isla markaana ay hubinayso hirgelintooda, si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni. Amb. Yamamoto, waxa uu sheegay in Maraykanku bogaadinayo gorgortamayaasha howsha adag qabtay, si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay, kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirta hawlaha midaysan ee la’dagaallanka argagixisada Al-Shabaab. Danjiraha ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in Maraykanku aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga xildhibaannada Baarlamanka, isago xusay in ay dhiirigelinayaan hirgelinta heshiiskaasi. Mr. Yamamoto sidoo kale wuxuu xaqiijiyay, in Safaaradda Mareykanka ay ka go’antahay, fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug. Halkaan riix si aad u akhrisatid qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post Maraykanka oo soo dhaweeyay Heshiiska dowladda Federaalka iyo Ahlusunna appeared first on Puntland Post.
  14. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweysay heshiiska 20-ka xildhibaan ee ay gaareen dowladda federaalka ah iyo Ahlu sunna. Mareykanka ayaa qeyb weyn ka qaatay sidii heshiiska loo gaari lahaa. Qoraal ay soo saartay safaaradda oo la soo gaarsiiyey Goobjoog News waxaa uu u qornaa: Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto, wuxuu soo dhaweynayaa heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljama’a (ASWJ). Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an inay taageerto dadaalladan isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni. Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab. Waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska. Galmudug waa gobol muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. MOGADISHU (HOL) - Al-Shabaab militants ambushed a Somali army base in Hilweyne, Lower Shabelle region Wednesday evening leaving at least five dead. Source: Hiiraan Online
  16. Kooxda suufiyada ah ee Ahlu sunna ayaa qoraal ay ka soo saartay arrimaha heshiiska ay dowladda federaalka ah ee 20-ka xildhibaan ku sheegtay in isu soo dhowaanshiyaha ay ka dambeeyeen beesha caalamka. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxa xukuumadda Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in go’aankan ay kooxda u qaadatay iyada oo ilaalineysa maslaxadda iyo danaha Galmudug. Waxaa kale oo qoraalka loogu mahadceliyey sida ay dowladda federaalka ah dadaal ugu bixineyso dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Galmudug oo mid ah. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kooxda Ahlu sunna kula heshiisay in golaha wakiilada laga siiyo ilaa 20 xildhibaan. Dhanka kale, guddiga doorashada Galmudug ayaa ku guuldareystay jadwalka iyada oo todobaadkan ay aheyd in ay socoto xulista xildhibaannada si ugu dambeyn ay doorashada madaxtinimada u dhacdo 23-ka bishan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. MOGADISHU (HOL) - The U.S embassy in Somalia has welcomed the new agreement in Galmudug between the Federal Government and Alhu Sunna group noting his country will lend support to implement the process. Source: Hiiraan Online
  18. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo iyo Culimaa’uddiinka Ahlusunna Waljamaaca, ayaa ka heshiiyay Khilaaf muddooyinkii dambe u dhexeeyay oo salka ku hayay Saami-qeybsiga xildhibaannada Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in heshiis rasmiya laga gaaray murankii ka taagnaa Saamiga Ahlusunna laga siinayo xildhibaannada Baarlamanka Galmudug. Wasaaradda ayaa sheegtay in labad dhinac ku heshiiyeen, in Ahlusunna 20 xubnood laga siiyo xildhibaannada la soo xulayo ee baarlamanka Galmudug, sidaasina uu ku dhammaaday khilaafkii ka taagnaa saamiga Ahlusunna ka helayso Golaha Wakiilada cusub ee Galmudug. War-saxaafadeedka, oo uu ku saxiixan yahay wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa sidoo kale mahad-celin loogu jeediyay Hoggaanka Ahlusunna oo la sheegay in ay tanaasul muujiyeen, si loo dhiso Galmudug midaysan. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Ahlusunna oo qoondo gaara laga siiyey Baarlamaanka cusub ee Galmudug appeared first on Puntland Post.
  19. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kooxda Ahlu sunna kula heshiisay in golaha wakiilada laga siiyo ilaa 20 xildhibaan. Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha waxaa lagu sheegay in xildhibaannaasi ay qeyb ka yihiin 89-ka xildhibaan ee guud ahaan golaha uu ka kooban yahay iyada oo xilheyntooda ay ku egtahay muddada xilheynta baarlamaanka cusub. Dhinaca kale, waxaa heshiiskan soo dhoweeyey xildhibaan Mahad Salaad isaga oo bartiisa Faceboogga ku soo qoray “Waxaan soo dhawaynayaa heshiiska laga gaaray kala aragti duwanaanshihii dowlada federaalka iyo Ahlu Suna ee dhismaha Galmudug. “Waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo waqti badan geliyay sidii arintaan loo xalin lahaa. Waxaa sidoo kale u mahadcelinayaa Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanadii iyo Ganacsatadii ka shaqeeyay in uu miro dhal noqdo heshiiska maanta la gaaray”. Guddiga doorashada Galmudug ayaa ku guuldareystay jadwalka iyada oo todobaadkan ay aheyd in ay socoto xulista xildhibaannada si ugu dambeyn ay doorashada madaxtinimada u dhacdo 23-ka bishan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. MOGADISHU (HOL) - The moderate Islamist group Alhu Sunna Waal Jamaa will get 20 seats in the new Galmudug parliament, a new deal with the Federal Government reveals. Source: Hiiraan Online
  21. (SLT-Washington)-Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (GPE), ayaa u oggolaaday deeq wadarteedu gaadhayso US $ 110 Milyan oo dollarka Maraykanka ah dalalka ay qeyb ka tahay Jamhuuriyadda Somaliland, si loogu horumariyo nidaamyada waxbarashada iskuulada. Sida lagu baahiyey warbixin shalay lagu daabacay mareegta GPE, ayaa lagu faahfaahiyay dalalka ka faa’iidaysanaya deeqdan GPE , waxaanay tilmaantay warbixintu in dalalka deeqdan ka faa’iidaysanaya ay ka mid yihiin Bhutan, Burkina Faso, Cabo Verde, Cote d’Ivoire, Tansaaniya, Kenya, Somaliland, Somalia’s (Puntland) iyo Zimbabwe. Sidoo kale GPE oo ah urur fadhigiisu yahay dalka Marakyanka ayaa sannadkii hore ku bixiyey in ka badan 312 Milyan. Julia Gillard, oo ah Madaxa Guddiga Iskaashiga Caalamiga Waxbarashada ayaa tidhi “Maaddaama waddamada aan wada shaqeyno ay sii wadaan inay maal gashadaan waxbadan oo agabyadooda gudaha ee dhinaca waxbarashada ah, maalgelinta dibeddu sidoo kale waa mid u muhiim ah guushooda.” “Deeqdan cusub waxay gacan ka geysan doontaa in la dhaqaajiyo horumarka dhabta ah in arday badan fursado u helaan waxbarashada, gaar ahaan gabdhaha iyo carruurta ka soo jeeda bulshooyinka danyarta ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta mareegta GPE. Ururka Iskaashiga Waxbarashada Caalamiga ah ee GPE ayaa sidoo kale ballan-qaaday inay ku bixinayaan dhaqaale gaadhaya $ 3 Milyan, wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee iskuulada ay abaarahu saameeyeen ee Somaliland iyo sidii loo kordhin lahaa saamiga gabdhaha ee iska diiwaangelinaya iskuulka. Source
  22. Qaar ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa mooshin ka gudbiyey wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Maareeye iyada oo lagu eedeeyey in warbaahinta qaranka uu ka sameeyey eex iyo sinnaan la’aan gaar ahaan marka ay jiraan doodaha hindise sharciyeedyada iyada oo warbaahinta qaranka ay sii deyso muuqaalada xildhinaanada taageersan xukuumadda. Qoraal ka soo baxay xildhibaannada mooshinka keenay waxaa ka muuqda saxiixa 11 xildhibaan, waxaa lagu soo bandhigay qodobo lagu cadeeyey sababta loogu yeerayo. Nidaamkaas oo la sheegay inuu ka hor imaanayo dimiqoraadiyadda ayaa waxaa kale oo wasiirka wax laga weydiin doonaa: Cadaalad la’aanta baahinta doodaha golaha shacabka. Sababta aaney u soo gudbin doodaha waqtiga ku haboonaa Sababta SNTV oo ah warbaahin qaran aan looga baahin doodaha oo dhameystiran Wasiir Maareeye ayaa lagu wadaa inuu golaha hortago 15-ka bishan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Hadal Ka Jeediyay Xaflad Lagu Xusayay Xorriyatul Qowlka Iyo Xuquuqda Aadanaha oo Hargeysa lagu qabtay, Halkan hoose ka DAAWO Source