-
Content Count
214,039 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
By: Abdullahi Alas Over the last 10 years, Somalia has made tremendous improvement in building government institutions and restructuring security forces. Mohamed Abdullahi Farmajo’s government has secured the capital Mogadishu. Banks have opened and investment is growing. The main economic activities are agriculture and the services sector. Somalia is preparing for a presidential election next year. What are the prospects and practicality of conducting a free and fair election in the horn of Africa nation? Conducting an election in a country like Somalia is a huge task—for government institutions and the people. Popular elections have been held in Somalia only twice in 50 years—in 1964 and 1969. Since their first meeting in Arta, Djibouti, in 2000, Somalis have exercised a clan power-sharing model. This was a temporary measure to help the transitional government prepare the country for a one-person one-vote election. Farmajo’s election was conducted in the airport complex in Mogadishu, as it was too dangerous in the rest of the country. Since the Arta conference adopted the 4.5 power-sharing system, Somalia’s two highest political offices—president and prime minister—have been held by only two clans. Addressing the UN Security Council on November 21, 2019, in New York, the chairperson of the National Independent Electoral Commission, Halima Ismail Ibrahim, emphasised the need to support the rights of Somali people to political participation. “I want to remind the distinguished members of the Council that 2020 is a pivotal year for Somalia’s citizens whose rights to political participation have been denied for 50 years and also it will be a milestone for the international community who have been investing heavily in Somalia for several decades to introduce and promote democracy and good governance,” she said. Somalia has an estimated population of 12 million, many of whom live outside the country; Somaliland is autonomous, and 2-3 million others are refugees in other countries. The Farmajo led-government has been struggling to be in the good books of the federal states of Somalia. It has yet to recognise the election of President Ahmed Mohamed Islam (Ahmed Madobe) in Jubaland. Al Shabaab is estimated to have between 7,000 and 9,000 fighters in Somalia, according to the BBC. Al Shabaab continues to carry out attacks in Somalia and neighbouring Kenya, killing civilians. The militants also continue to target the Somali state and African Union Mission in Somalia (Amisom) forces. According to the Council of Foreign Relations, the United States has pursued a two-pronged approach in Somalia—by providing financial and logistical support to Amisom and conducting counterterrorism operations, including drone strikes and special operations forces raids, against al Shabaab militants. It was reported that 150 militants were killed by a US strike at a training camp north of Mogadishu in 2016. The US continues to carry out airstrikes against the militants. Given these circumstances, therefore, it would be difficult for Mogadishu to conduct a free and fair election. Al Shabaab controls part of Bay and Bakool as well as parts of Gedo. With weak institutions and lack of properly trained electoral officials (those available have little skill in election infrastructure, let alone the capacity to do mapping), Somalia’s ability to exercise universal suffrage is still a distant mirage. Without proper electoral laws and funds, it remains to be seen how the Farmajo led-government will conduct a popular election in Somalia. It is estimated that the National Independent Electoral Commission needs $53 million (Sh5.4 billion) for the election by December 2019. Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo ka mida mudanayaasha golaha wakiiladda, ayaa ku taliyey hadii ay noqotay in la soo celiyo guddidi hore doorashooyinka, in isna la soo celiyo madaxweynihi hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo horay usoo noqday wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga DF islamarkaana hadda kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda difaaca ayaa sheegay in nidaamka cadaaladda Al-Shabaab uu ka wanaagsan yahay midka dowladda. Yuusuf Indha Cadde ayaa ku eedeeyey Maxkamadaha Gobolka Banaadir inay ka jiraan cadaalad darro baahsan. Jeneraal Indha Cadde, oo sheegay inay Maxkamadda Gobolka ka taalo dacwad ku saabsan dhul, ayaa sheegay inuusan marnaba ka fileyn in si cadaalad ah loo qaado. Wuxuu tilmaamay in dadka dacwadda kala dhaxeyso aysan heysan wax Documentiyo ah oo keeni kara in dacwad la furo, isla markaasna ay qalad tahay in gal dacwadeed looga furo Maxkamadda Gobolka Banaadir. Indha Cadde ayaa muujiyay in uu ku qanacsanyahay maxkamada Islaamiga ah ee Xarakada Al Shabaab uuna diyaar u yahay in uu halkaas cadaalad u doonto balse uu ka baqayo in la dilo. “Al-Shabaab ayaa cadaalad u doonan lahaa, haddii aan u baqeyn nafteeda” ayuu yiri Indha Cadde oo bixiyey wareysi dheer. Halkaan hoose ka daawo hadalka Yuusuf Indha Cadde
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay waxyaabihii looga hadlay kulankii manta Kismaayo ku dhex maray madaxweyne Axmed Madoobe iyo wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo ay wehliyeen xubno kasocday Midowga Yurub Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD. Qoraalka Jubaland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka 2020, khilaafka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya, iyo dhamaystirka dastuurka iyo qodobo kale. Sida qoraalka lagu sheegay Axmed Madoobe, ayaa sheegay in deyn xafinta ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqaynayaan sidii arrintaas ay miro dhal u noqon lahayd, balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan qalabka daynta looga cafinayo dalkeena iyo wadooyinka loo marayo. Madaxweynaha isagoo ka hadlayay dhamaystirka Dastuurka, wuxuu sheegay in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka, isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qaybgalin xubnahii dowlad goboleedyadu ay xaqa u lahayeen. Qoraalka Jubaland ayaa sidoo kale intaas ku daray “Arrimaha doorashooyinka 2020 ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin, si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah dhamaystirka dastuurka, arrimaha amaanka iyo wada hadalada Somaliland, intaasna aan wali wax wanaagsna laga qaban oo saamaxaya in dadku ay codeeyaan, iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo, sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka.” Axmed Madoobe ayaa sheegay in khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ay tahay caqabad weyn, iyadoo wali Dowlada Federaalka ah ay wado faragalinta ay ku hayso Dowlad Goboleedyada dalka, taas oo ay hada taagan tahay faragalinta qaawan ay ay ku hayso qaybo kamid ah Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo. Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in James Swan uu dhankiisa Madaxweynaha iyo Dowlada Jubbaland ku amaanay sida nabadgalyada leh ee ay wax u socdaan, isagoo sheegay in ay tahay wax lagu faano in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxweynaha, sida ayna u dhicin waxyaabo nabadgalyada wiiqi karay. Waxaa kale oo uu intaas ku daray in madaxweynaha ay ka wada hadleen hanaanka doorashooyinka 2020 iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loogu midoobi lahaa.
-
Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha caalamka ayaa maanta ku dhexmaray magaalada Muqdisho kulan xog is waydaarsi oo ku saabsan hawlaha la xariiro doorashooyinka 2020. Guddoomiyaha guddiga marwa Xalima Ismaaciil Yareey ayaa shirka ka sheegtay hawlaha doorashada la xariira iyo wixii guddiga uu ka qabtay. Guddoomiye Xaliimo ayaa soo qaadatay warbixin ay siisay golaha ammaanka November 21, 2019 oo ku saabsanaa doorashada 2020-ka iyada oo intaas raacisay in ilaa hadda ay guddigooda si KMG ah u diiwaangeliyeen ilaa 63 xisbi. Waxaa kale oo ay goobta ka sheegtay kulan ay la qaateen golaha shacabka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya kaas oo ay guddiga la wadageen barlamaanka, qorshaha guddiga ee ku aadan qabsoomidda doorashada soo socoto iyo hawlaha la xiriiray diyaar garowga giddiga u soo qabsoomay muddaadii la soo dhafay sida in guddiga xafiisya ka furtay dowlad- goboleedyada. Guddoomiyaha guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa ay soo qaadatay dhowr madal oo ay u qabteen haweenka iyo ka qeybgalka siyaasadda oo ka dhacday Koonfur galbeed iyo Galmudug, siminaarro iyo shirar ay ka qeyb galeen sida African EMB and Arab EMB. Guddoomiyaha waxaa ay ka hadashay in hadda lagu jiro xaalad kala guur ah oo la diyaarinayo doorashooyinka 2020-ka iyo rajeyneysa in golaha shacabka ay la yimaadaan nooc fiican oo doorashada ah. Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha guddiga marwa Xalima Ismaaciil Yareey waxaa ay beesha caalamka uga mahadcelisay taageerada ay la garab taagan yihiin guddiga iyo maalgelintooda ku aadan doorashada qof iyo codka ah ee 2020-ka. Dhankooda xubnihii beesha caalamka ee goobta ka hadlay ayaa isku raacay sida ay diyaar ugu yihiin iney taageeraan dhaqaale ah doorashada 2020-ka, waxaa sidoo kale ay dhiirigeliyeen hawlaha guddiga Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Islamabad (Caasimadda Online) – Maxkamadda sare ee waddanka Pakistan ayaa xukun adag ku ridday madaxweynihii hore ee wadankaas gacanta birta ah ku maamulayay ahaana Jeneraal Militeriga katirsan. Guddoomiyaha maxkamadda khaaska ah ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in Pervez Musharraf lagu xukumay dil ah kadib markii lagu helay dambiyo dhowr ah. Mas’uuliyiin Pakistaaniyiin ah ayaa sheegay in maxkamadda la dagaallanka Argagaxisada Pakistan ay kaligii taliye Musharaf ku xukuntay in la dilo xilli uu dalka dibaddiisa ku maqanyahay. Dambiyada ugu waaweyn ee Musharaf lagu helay waxaa kamid ah in uu ku dhacay khiyaano qaran kadib markii uu jebiyay qodobka 6-aad ee dastuurka u degsan Pakistan. Qadiyadaha lagu ciqaabayo Pervez Musharraf waxaa ugu waaweyn Afar qodob sida in uu cilladeeyay dastuurka wadanka, in uusoo rogay xaalad degdeg ah sanaddii 2007 islamarkaana uu casilay madaxii guddiga garsoorka ninka lagu magacaabo Iftikhar Chaudhry. Sanaddii 2007 ayuu Musharaf xaalad degdeg ah kusoo rogay wadanka kadibna ciidamada Melleteriga ayuu u safaxay in ay duullaan dad badan lagu xasuuqay ku qaadaan gobolka Iswaad ee wadanka Pakistaan. Lama oga in go’aankan maxkamadda sare ay gaartay uu fuli doono iyo inkale maadaama Musharaf uu ku suganyahay wadanka Imaaraadka tan iyo sanaddii 2016-kii xilligaas oo safar caafimaad uu ku aaday magaalada Abu Dubai.
-
Guddi dhex-dhexaadinayay xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani, ayaa go’aamiyay in gebi ahaanba la kala diro guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland oo muran xooggan ka dhex aloosay xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xisbiyada mucaaradka ah. Guddiga ayaa sheegay, in habka keliya ee lagu xallin karo muranka xukuumadda iyo xisbiyada mucaaaradka, ay tahay in la kala diro dhammaan xubnaha guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland, islamarkaana dib loo soo celiyo guddigii hore ee doorashooyinka. Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, oo dhankooda bayaan midaysan soo saaray, ayaa sheegay in ay aqbaleen go’aanka guddiga dhex-dhexaadinta ee ah; in la kala diro dhammaan guddiga cusub ee doorashooyinka Somaliland oo sal u ahaa muranka xukuumadda iyo mucaaradka. Hoos ka daawo xisbiyada mucaaradka Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ku hadlay Afka xisbiga Kulmiye, ayaa isna shaaciyay in xisbigiisa muxaafidka ah uu aqbalay go’aanka guddiga dhex-dhexaadinta. Halkaan ka daawo Xisbiga muxaafidka ah PUNTLAND POST The post Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland oo la dhex-dhexaadiyay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, Xubno ka socday Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, waxaana ay labada dhinac ka wada hadleen Arimaha Doorashooyinka 2020 Khilaafka dowlada Federaalka iyo dowladaha Xubnaha ka ah, cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya dhamaystiria Dastuurka iyo qodobo kale. Kulankan waxaa madaxweynaha ku wehelinayay madaxweyne ku xigeenka labaad Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada. madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay dayn cafinta waxaana uu sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqaynayaan sidii arintaas ay miro dhal u noqon lahayd balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan qalabka daynta looga cafinayo dalkeena iyo wadooyinka loo marayo. Madaxweynaha isagoo ka hadlayay dhamaystirka Dastuurka wuxuu sheegay in ay dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qaybgalin xubnahii Dowlad Goboleedyadu ay xaqa u lahayeen. Arimaha Doorashooyinka 2020 ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici Karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah Dhamaystirka Dastuurka Arimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland intaasna aan wali wax wanaagsna laga qaban oo saamaxaya in dadku ay codeeyaan iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka. Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay caqabad weyn iyadoo wali Dowlada Federaalka ah ay wado faragalinta ay ku hayso Dowlad Goboleedyada dalka taas oo ay hada taagan tahay faragalinta qaawan ay ay ku hayso qaybo kamid ah Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo. Arimaha Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan isla markana wax badan laga qabtay sidii midnimada iyo wadajirka Bulshada loo adkayn lahaa taas oo dadka shacabka ah iyo Xukuumada Jubbaland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen isagoo xusay in fataahada wabiga Jubba ay meelo kamid ah Jubbaland saamayn ku yeesheen waxaana beesha caalamka uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaatan gurmadka loo samaynayo dadka ay xaaladahaasi sameeyeen. Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa dhankiisa Madaxweynaha iyo Dowlada Jubbaland ku amaanay sida nabadgalyada leh ee ay wax u socdaan isagoo sheegay in ay tahay wax lagu faano in wixii ka danbeeyay doorashadii Madaxweynaha sida ayna u dhicin waxyaabo nabadgalyada wiiqi karay waxaa kale oo uu Wakiilku sheegay in Jubbaland ay kasoo baxday waxyaabahii looga baahna ee ay kaga qaybqadanayeen dayn cafinta Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Maxay ka wada-hadleen madaxweynaha Jubaland iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo shalay gaaray Switzerland ayaa maanta magaalada Geneva uga qayb galay madasha qaxootiga adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga. Madasha qaxootiga adduunka oo ah tii ugu horreysay ee la qabto, ayaa sanadkaan diiradda lagu saarayaa isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca. Ka qayb galayaasha ayaa ka hadlaya xaaladda taagan iyo sida loo xoojinayo ka jawaabidda caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga iyada oo addunyada dacalladeeda ay ku suganyihiin Malaayiin qof oo ay saameeyeen dagaallo, rabshado iyo dhibaatooyin kale. Tirada qaxootiga ku sugan daafaha dunida ayaa kor u dhaaftay 25 mliyan, waxaana Soomaaliya – oo gudaheeda ay barakacayaal ku yihiin 2.6 Milyan oo ruux – sidoo kale waxaa ku nool 35,438 ruux oo isugu jirta qaxooti iyo dad kale oo megengalya doon ah. Madasha oo Soomaaliya sidoo kale madasha ay ka joogaan wasiirrada qorsheynta iyo gargaarka iyo mas’uuliyiin kale, ayaa madasha ka cadeyneysa in ballan qaadkeeda diiradda lagu saarayo sedax arrimood oo kala ah, isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadda, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha iyo xaluusha. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka Qayb Galay Madasha Qaxootiga Adduunka Ee Ka Socota Geneva appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Xabsiga Dhexe Sarreeye Guute Maxamed Shiikh Xirsiile ayaa lagu eedeeyey inuu mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho kala soo baxay bukaan Xabsiga Dhexe ku xanuunsaday oo ay dhakhaatiirta Xabsiga sheegeen inaan wax looga qaban karin isbitaalka ku yaal gudaha xabsiga. Qoyska Bukaanka ayaa sheegay in Taliyaha Xabsiga Dhexe oo adeegsanayo awood ciidan uu xoog ku galay Isbitaalka uu Bukaanka jiifay, waxayna sheegeen inuu bukaanka ku qaatay mid ka mid ah Gawaarida gargaarka oo laga leeyahay Xabsiga Dhexe, isla markaasna ay ku buufsan tahay calaamadda Ciidamada Asluubta. Bukaanka oo lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow oo ku jiray xaalad halis ah isla markaasna koomo ku jiray ayey qoyska Bukaanka sheegeen inuu Taliyaha amray in laga furo koomada isla markaasna dib loogu celiyo Xabsiga Dhexe. Qoyska Bukaanka oo muuqaal ka duubayey marka uu taliyaha falkaan sameenayey ayaa muuqaalka ku dhex sheegay waqtigaas inuu taliyaha awood u sheeganayo isla markaasna uu isaga qaadi doono mas’uuliyadda bukaankaan haddii uu dhinto. 24 Saac kadib bukaanka ayaa ku dhex geeriyooday Xabsiga Dhexe, waxayna qoyska marxuumka sheegeen inaan la duugi doonin inta sharciga laga hor keenayo taliyihii sababta u ahaa in Isbitaalka laga soo saaro. Qoyska Marxuumka ayaa Dowladda ka codsaday in lasoo qabto taliye Xirsiile isla markaasna laga qaado garaadaha u xiran lagana qaado magdhowga marxuumka geeriyooday. Marxuumka geeriyooday ayaa ku xukunaa ilaa 8 sano, wuxuuna Xabsiga ku jiray muddo 3 sano iyo bilooyin ah. Taliyaha xabsiga weli kama jawaabin eedeymaha loo jeediyey waana idin soo jeedin doonaa marka uu hadlo. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka sheekadaan naxdinta badan
-
Sawirro: Wafdi ka socda DF oo shir uga qeyb galay Sucuudiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay kulamo la qaateen Masuuliyiinta Ururka Dayax-gacmeedka Carbeed ee loo yaqaan ARABSAT oo saldhigiisu yahay magaalada Riyaad. Madaxweynaha ahna Agaasimaha Guud ee ARABSAT Mudane Eng. Khalid A. Balkheyour oo ku soo dhoweeyey wafdiga xarunta Ururka ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhoweynayaan ka qeybqaadashada firfircoon ee soomaaliya ee howlaha Ururka ARABSAT maadaama dalkeenu uu ka midyahay saamileydii asaastay Ururka, kulamadan labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii dowladda Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd adeegyada ARABSAT iyo sidii dalkeena loogu caawin lahaa kaalmo farsamo oo la xiriirka dhinaca horumarinta Isgaarsiinta. “waxaa naga go’an in aan si firfircoon uga qeybqaadano dhammaan howlaha Guddiyada, Hay’addaha iyo Urrurada Gobol, Qaaradeed iyo Caalami ee isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, kuwaas oo aannan badankood ka dhex muuqan muddo, taasna waxa ay muhiim u tahay wadaagista khibradaha iyo mideynta dadaalada,” ayuu yiri wasiir Cashuur oo intaasi ku daray “iskaashiga iyo isku-xirnaanshaha adduunka gaar ahaan dhinaca tiknolojiyadda waxa uu marayaa maanta heer aysan suurto-gal ahayn in aan gooni u socono, daddaaladan dhamaantoodna waxa ay leeyihiin hal ujeedo oo ku saabsan fulinta qeybaha kala duwan ee Siyaasada iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda’’ ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku. Sidoo kale wafdiga Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa waxa ay booqasho ku tageen xarunta safaaradda dalkeena ee Magaalada Riyaad halkaas oo ay kula kulmeen diblomaasiyiinta ka howlgesha safaaradda, Wasiirka ayaa waxa uu warbixin ka siiyey diblomaasiyiinta xaaladda dalka, howlaha Tubta horumarinta dhaqaalaha dalka gaar ahaan howlaha ay sida gaarka ah ugu xilsaarantahay Wasaaradda. Wafdiga Wasaaradda oo uu ka mid yahay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa muddada ay joogaan dalka Sacuudigaa waxa ay ka qeybgali doonaan Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalalka carbta, waxa ayna sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doonaan masuuliyiinta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dalka Sacuudi carabiya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta lagu guuleystay in la kala qaado maleeshiyaadkii dhowaan ku dagaalamay bariga gobolkaasi. Dadaalladan ayaa waxaa si wadajir u sameeyey taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, maamullada Galmudug iyo Puntland. Maleeshiyaadka labada dhinac ayaa la sheegay in la kala geeyey goobo gaar ah oo loogu tala galay, si loo qaboojiyo xiisada labada dhinac. Maalmihii dambe xaaladda deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa aheyd mid degan, waxaana kulamo dib u heshiisiineed ka waday taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya. View the full article
-
Taliye ciidanka Xoogga dalka oo gaaray deegaanka Xaaji Cali
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliye Ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa maanta booqday fariisimaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Taliye ku xigeenka ayaa mid Mid u kormeeray fariisimaha ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali, wuxuuna sidoo kale kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka deegaanka iyo ciidanka Macawiisleyda oo ladagaalama Al-Shabaab. Taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise waxa uu kooxda Macawiisleyda kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka Al-Shabaab. View the full article -
Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyey shuruudaha iyo habraaca loo marayo diiwangelinta ururada siyaasadda ee maamulkaasi. Warqad ka soo baxday guddiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in is-diiwangelintu ay socon doonto muddo saddex bilood ah. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
-
Taliye Ku xigeenka Ciidanka Millitariga dowladda Federaalka Soomaaliya S/guudto Maxamed Cali Bariise ayaa Booqday Fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Degaanka Xaaji Cali ee Hoostaga Degmada Cadale Gobolka Shabellada Dhexe. Wakaaladda Wararka SONNA ayaa sheegtay in Taliye xigeenku uu Mid Mid u kormeeray Fariisimaha Ciidanka dowladda Federaalka ay ku leeyihiin degaanka Xaaji Cali, sidoo kalena kulamo laqaatay odayaasha dhaqanka deeganka iyo Ciidanka macawiisleyda oo ladagaalama Maleyshiyaadka Al-shabaab. Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka sareeye guuto maxamed cali bariise waxa uu Saraakiisha Macawiisleeyda uu la kulmay uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka Al-shabaab looga saarayo Gobolka Shabellada. PUNTLAND POST The post Taliye xigeenka Militariga Soomaaliya oo kormeeray fariisimaha ciidanka ee Shabeellada Dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallada xeebta ku taalla Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. James Swan iyo wafdigiisa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey madaxda ugu sarreysa Jubbaland, iyadoo si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi. Ergeyga QM ayaa haatan xarunta madaxtooyada maamulkaasi wadahadallo kula leh Madaxweyne Axmed Madoobe oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo. Intooda badan wadahallada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa, xaaladda Jubbaland, khilaafka kala dhexeeyey dowladda iyo arrimaha doorashooyina ee 2020-ka. Kulankaan ayaa ku soo aadaya, iyoo weli halkiisa uu yahay khilaafka siyaasadeed ee dowladda iyo Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorashadii maamulkaasi. Sidoo kale James Swan ayaa maalmihii dambe safaro ku kala bixinayey xarumaha maamul goboleedyada, isaga oo waday kulamo wadatashiyo ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-17122019.mp3 View the full article
-
Popular Contributors
