Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (SMN) – Munaasabad heer sarre ah oo lagu xusayo sanad-guuradii 1aad ee doorashadda madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka dhacaysa Baydhabo. Xafladda oo lagu waddo in ay mas’uuliyiin kala duwan kasoo qeyb-galaan ayaa ka qabsoomeysa meel ammaankeeda aad loo adkeynayo. Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen iyo marti sharafta kale ayaa la filayaa in ay madasha ka jeediyeen khudbado looga hadlayo waxa u qabsoomay iyo shaqooyinka horyaala. Lafta Gareen ayaa la sheegay in uu wax badan ka qabtay dhanka ammaanka, isu soo dhoweynta bulshadda iyo isbedel uu ku sameeyay dhanka siyaasadda maamulka. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in dhowaan la daah-furi doono Stadium Muqdisho. Khadiijo ayaa shaacisay in garoonka kubadda cagta uu dhisme ku socdo isla markaana uu marayo heer gabo-gabo ah. Iyadda oo la hadleysay dhalinyaro ka timid qurbaha, wasiiradda ayaa xustay dowladdu balan-qaadeyso in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo gabagabeeyo dhismaha. Ciyaartoyda qurba joogta ah ayaa ka yimid waddanka dibadiisa, kuwaas oo la filayo in ay kulamo saaxiibtinimo la yeeshaan qaar kamid ah kooxaha dalka ka jira. View the full article
  3. Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in maamulkiisu rajeynayo in dib loo bilaabo wada hadalka dowladda iyo maamulada. Deni ayaa hoosta ka xariiqay in arrintaan ay sahleyso in heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka kusoo fool leh sanadka 2020-21. Hadalkan ayuu sheegay Deni kadib kulan uu magaaladda caasimadda ah ee Garowe kula qaatay xubno ka socda Beesha Caalamka. Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay siyaasadda dalka, xiriirka maamulada iyo dowlada dhexe iyo doorashooyinka waddanka uu galayo sanadka dambe. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-191219.mp3 View the full article
  5. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa booqasho rasmi ah ku jooga dalka Boqortooyadda Sacuudiga Carabiya. Wasiir Saqiiq ayaa halkaasi ku la kulmay Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta Bulshada, Ahmed Al-Rajhi. Kulanka labada dhinac ayaa waxaa ay uga wada hadleen Iskaashiga Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. Waxaa kaloo lagu wadaa wasiirka in uu kullamo la qaato mas’uuliyiinta sare ee dalkaas,isaga oo kala hadli doono Arrimo muhiim ah oo ku saabsan xaalada soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiirka Shaqada Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Shaqada sacuudi Carabiya appeared first on Puntland Post.
  6. ‘We want a United States of Africa with one currency, economy, and judiciary.’ Source: Hiiraan Online
  7. BELEDWEYNE, Somalia (AFP) — As Somalia withered from drought early this year, and her goats dropped dead from thirst, Maka Abdi Ali begged for rain. Source: Hiiraan Online
  8. The House of Representatives voted Wednesday night to impeach President Donald Trump, making him only the third president to be charged with high crimes and misdemeanors and face a Senate trial that could remove him from office. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib wadada hormata madaxtooyada Soomaaliya loogu fasaxay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, xubnaha Golaha Wasiirada iyo saraakiil kale oo dhawaan laga xanibay in ay ilaaladooda la maraan agagaarka madaxtooyada. Taliska Milateriga Soomaaliya iyo saraakiisha madaxtooyada ayaa isku raacay in Xildhibaanada iyo wasiirada ay istaafkooda la mari karaan wadada hormarta madaxtooyada, balse aysan la soo dhaafi karin albaabka Kashmiir oo ah kontaroolka ugu horreyo ee laga galo darbiga ku wareegsan dhismaha madaxtooyada, sidoo kalane ka soo horjeedo hoteelkii la wareeray ee SYL. Arrintaan ayaa ka dambeysay dood maalmihii la soo dhaafay ka taagneed magaalada Muqdisho, arintaas oo sababtay in loo yeero wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliya Jeneral Odowaa Yuusuf Raage. Odawaa ayaa sheegay in tallaabadan loo qaaday in amniga lagu adkeeyo kadib weerarkii Hotel SYL oo ay fuliyeen maleeshiyo labisan dharka ciidamada dowladda. “Xildhibaanada sharafta leh waxaan habeen iyo maalin u taaganahay waa adinka amaankiina khalad waa dhici karaa markii shaqo lagu jiro, waxaad la socotaan koonaha SYL waa dhacdadiid shanaad oo ka dhaceysa, waxaad la socotaan dhamaantood waxay u dhaceen sidii dhacdadii habeen dhaweed, dad isusoo akeysiiyey ciidamada amniga oo lugeynaaya ayaa hoteeladii gudaha u galay, sidaas darteed waa la kala garan waayey, sababta ay ragaas meesha ku yimideena waxay aheyd ciidamadii istaafyada u ahaa masuuliyiinta markii ay soo gaaran iridka dhamaantood halkaas ayaa lagu dajiyaa istaafyada isma garanayaan qofka soo dhax galana lama garan karo” ayuu Baarlamaanka ka hor yiri Jeneraal Odawaa. Si kastaba, Villa Somalia ayaa la kulantay cadaadis badan dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay markii uu amarkaan soo baxay, sidoo kale waxaa jirtay walaac dhanka amaanka ah oo laga qabay ciidamada loo diiday in ay halkaasi maraan, kaas oo ah inuu yimaado isku dhac ciidan oo marar badan lagu sigtay.
  10. Kongreska Mareykanka oo u codeeyay in xilka laga qaado madaxweyne Trump Kongreska oo u codeeyay in xilka laga qaado Trump Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah oo ay xilka ka qaadaan aqalka wakiilada ama Kongreska Mareykanka. Trump ayaa xil ka qaadistiisa waxaa loo gudbinayaa aqalka sare ama Senetka, kaas oo go’aanka kama dambeysta ah ka gaari doona xil ka qaadistiisa. Kongreska ayaa u codeeyay laba dembi oo kala ah in Madaxweyaha uu ku takri falay awoodda xafiiska iyo in uu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka. Labada arrimood ayaa ahaa ah kuwa salka ku haya arrimo xisbi, oo waxaa inta badan xildhibaanada Dimuqraadiga ay isku raaceen xil ka qaadista Trump halka xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriga na ay kasoo horjeedsteen. Codeynta ayaa dhacday xilli madaxweyne Trump uu ka qeybgalayay olole doorasho. Waxaa uu dadkii isugu soo baxay Battle Creek ee Michigan uu u sheegay ” in isagoo ku hawlan shaqo abuurista Michigan ay Kongreskana ku mashquulsan yihiin naceyb iyo in ay ka xun yihiin waxa uu sameynayo”. War qoraal ah oo ka so baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu aad ugu kalsoon yahay in aqalka sare ay meesha ka saari doonaan xil ka qaadista ay u codeyeen Kongreska. Aqalka sare ama senetka ayaa waxaa ku badan xildhibaanada Jamhuuriga ee Trump, waxaana la aminsan yihiin in ay meesha ka saari doonaan xil ka qaadista ay Trump ku sameyeen Kongreska. Madaxweyne Trump ayaa ku eedeysan “qiyaano qaran” iyo in dhiggiisa Ukraine uu ku cadaadiyay sidii uu baaritaan ugu sameyn lahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaas-ka ee Ukraine. Warqadda uu Trump u qoray Gudoomiye Nancy Pelosi maalin kahor, Wuxuu wuxuu ku sheegay in qorshaha la doonayo in xilka lagaga qaado isaga ay tahay isku day afgembi. Sida loola dhaqmayana wuxuu ku tilmaamay dhibanayaashii qarnigii 17-aad ee Salem, kuwaas oo la dilay ka dib markii lagu helay dembi ah in ay sixiroolayaal ahaayeen Hasayeeshee duqa Magaalada Salem wuxuu sheegay in madaxweyne Trump ay tahay in uu waxka barto taariikhda, wuxuuna intaa ku daray in xukunkii ku dhacay sixiroolayaashii Salem uu aaa mid aan wax cadeyn ah loo heynin xilligaas. Afhayeenka aqalka Kongreska ee Mareykanka, Ms Pelosi ayaa sheegtay in aysan wada akhrinin warqadda uu usoo qoray Trump, balse ay tahay mid aan nuxur badan lahayn. War qoraal ah oo ay soo saartay Nancy Pelosi ayay ku sheegtay in Kongreska uu gudan doono mid ka mid ah awoodaha uu siiyay dastuurka. Waa suuragal in masuuliyiinta Dimuquraadiga ee hor kacaya mooshinka ka dhanka ah trump in ay la kulmaan caqabad, maadaama Aqalk Sanetka ay u badan yihiin xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu ka tirsan yahay. Hoggaamiyaha Aqalka Senetka, Mitch McConnell ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa qorshaha xil ka qaadista madaxweyne Trump. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqo Muqdisho ayaa ku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka ee dhanka Maaliyadda Ibraahim Dheere u diiday in uu fariisto xafiiska duqa, maadaama uu yahay ku simaha guddoomiyaha. Cumar Filish, oo ku maqan dalka Qatar ayaa maalintii koowaad ee safarkiisa telephone usoo diray agaasimaha xafiiskiisa isagoo ku amray in uu xafiiska u xiro islamarkaana uu xafiiskiisa ku shaqeeyo ku simihiisa oo ah Ibraahim Dheere. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Ibraahim dheere oo aan ka war qabin amarkaan ayaa maalintii labaad soo fariistay xafiiska ka hor inta uusan agaasimaha imaanin ,iyadoo isla maalintaas mar uu xafiiska ka dhamaaday quful laga taagay. Ku simaha Guddoomiyaha gobalka ayaa maalintii saddexaad ee xigtay markii uu xafiiska yimid loo diiday in loo furo waxaana lagu wargeliyay in uu yahay amar ka yimid Cumar Filish. Tan iyo wixii maalintaas ka dambeeyay Ibraahim Dheere waxa uu ku shaqeeyaa xafiiskiisii hore, taas oo muujineysa in uu banaanyahay booskii kusimaha guddoomiyaha gobalka Banaadir islamarkaana loogu diiday arrimo amni. Gobalka Banaadir ilaa hada kama jirto Kalsooni amni waxa uuna maamulku la daala dhacayaa dhibaatadii uu ka dhaxlay weerarkii ka dhacay aqalka Dowladda Hoose oo ay fulisay Haweeneey ka tirsaneed shaqaalaha gobalka.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay Maxbuus xoog looga saaray Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho, kaasi oo kadib geeriyooday. Wasiirka waxaa uu sheegay in tilaabaddaasi ay ka dhalatay carro, islamarkaana ay waddaan baaritaano ku aadan, sida ay wax u dhaceen shaqaddiina laga joojiyay mas’uuliyiintii falkaasi ku kacay. Waxaa uu sidoo kale sheegay wasiirka Caddaalada in guddi loo saaray si loo helo baaritaano deg deg ah, islamarkaana dhawaan lala wadaagi doono bulshadda Soomaaliya. Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa shalay shaaciyey in shaqada ka joojiyeen Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, kaas oo eedeyn loo jeediyey. Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar xirsiile oo ah taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey sheegay, in ruuxaas oo ku xukunnaa 8-sano oo xabsi ah, si qaldan looga saaray isbitaal ku yaalla xabsiga dhexe, islamarkaana la geeyey isbitaal si gaar ah loo leeyahay, halkaas oo wax ka yar 40 daqiiqo uu sheegay inuu uga dabatagay. Taliyaha ayaa sheegay in markii uu ninkaas ka soo qaaday isbitaalkii ay geysteen ehelkiisa, uu toos u geeyey isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, isagoo labo maalin kadib halkaas ku geeriyooday.
  13. Washington (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka, Cali Shariif Axmed oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in lacag gaareysa hal bilyan oo dollar uu Mareykanka ku leeyahay Soomaaliya, soddonkii sano ee lasoo dhaafayna ay ku darsameysay lacago kale oo dul saar ah. Safiir Cali ayaa sheegay in deynta guud ee lagu leeyahay Soomaaliya ay gaareyso $4.6 bilyan oo dollar, taas oo ay ku jirto midda Mareykanka. “Dalalka iyo hey’daha ugu badan ee lacagta nagu leh waxaa ay kala yihiin Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga, hey’adda lacagta adduunka, bangiga adduunka, Paris Club iyo bangiga horumarinta Afrika”, ayuu yiri safiirka oo la hadlayay BBC Somali. Wuxuu intaa ku daray in dalalkaas iyo hey’dahaas ay yihiin kuwa ugu badan ee lacagaha deynta ku leh Soomaaliya, laakiin ay jiraan dalal kale oo deen ku leh Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay dan ugu jirto in deymaha laga cafiyo. “Dadka iyo Dowladda Soomaaliya waxay uga dhigan tahay in dalka uu deyn lagu leeyahay oo uu qaameysan yahay, waxaana ka xiran maalgashiga, shirakadaha caalamka ee doonaya in ay Soomaaliya malagashadaan ma imaan karaan waddanka”, ayuu yiri safiirka. “Waxaa kale oo inaga xiran macaawinooyin aan heli karno oo aan xaq u yeelan karno, kuwaas oo gaaraya boqollaal milyan oo dollar, balse aan heli karno mark deynta la cafiyo”, ayuu hadalka duray. Waxaa kale oo uu sheegay in haddii Soomaaliya laga cafiyo deymahan gaaraya $4.6 bilyan oo dollar, ay xaq u yeelaneyso in ay lacago kale soo deynsato. Dawladda Soomaaliya waxay horey uga codsatay deyn bixiyeyaasha inay ka cafiyaan deynta ay ku leeyihiin si ay ugu suurto gasho inay hesho dhaqaale ay kula dagaasho kooxaha ka hor jeeda. Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre oo horraantii sannadkan u warramayey wargays reer galbeed ah ayaa sheegay in miisaaniyadda xukuumadiisa aysan ku filnayn inay ku abuuraan barnaamijyada arrimaha bulshada ee aadka loogu baahan yahay si looga hor tago duufsiga dhallinyarada baagamuundada ah, ama lagu fuliyo adeegyada aasaasiga ah. “Teennu waa miisaaniyad yar oo loogu tala galay dal ay ku nool yihiin 10 malyan oo qof. In argagixiso lala diriro waxay u baahan tahay dawlad wanaag, taas micnaheeduna waa in dadka loo qabto adeegyo, taasina lacag ayey u baahan tahay, waana sababtaas midd Isha: BBC
  14. Washington DC (Caasimada Online) – Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka ayaa u codeeyey in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump kadib bilo loolan adag uu ka dhex socday dimoqraadiga iyo Jamhuuriga. Aqalka ayaa u codeeyey islamarkaana ansixiyey laba qodob oo loo cuskaday xil-ka-xayuubinta Trump, kuwaas oo kala ah; inuu ku xadgudubay awoodda xafiiskiisa, iyo inuu is-hortaagay baaritaanka Congress-ka Mareykanka. Ansixinta xil-ka-xayuubinta Trump ayaa waxaa ogolaaday 230 oo ka mid ah Aqalka, halka ay diideen 197. Xubnaha ogolaaday xil ka xayuubinta ayaa dhammaantood ka tirsan xisbiga dimoqraadiga, halka xubnaha diiday ay dhammaantood yihiin Jamhuuri iyo laba dimoqraadi ah. Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyey inuu awoodda xafiiska u adeegsaday inuu ku cadaadiyo dowladda Ukraine inay baaritaan ku sameyso madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo ay suurta-gal tahay inuu Trump kula loolamo doorashada madaxweynaha ee 2020. Trump waa uu beeniyey dhammaan eedeymaha loo jeediyey, waxaana uu ku adkeystay inaanu wax khalad ah sameyn. Tallaabada xigta cod-bixintan ayaa ah in Aqalka Senate-ka uu maxkamad saaro madaxweynaha Trump, islamarkaana go’aan ka gaaro xil-ka-xayuubinta Trump ee ay u codeeyeen xubnaha Aqalka Hoose. Si Trump xilka looga qaado, loogana saaro xafiiska, waa inay ogolaadaan saddex meelood laba meel xubnaha Aqalka Senate-ka, taasi oo u muuqata inay tahay mid aan dhici doonin maadaama aqalkaas ay ku badan yihiin Jamhuuriga.
  15. WASHINGTON (Reuters) – The International Monetary Fund’s executive board has approved a financing plan that will help the IMF cover its share of debt relief for Somalia, IMF Managing Director Kristalina Georgieva said in a statement on Wednesday. The financing plan includes cash grants from member countries and IMF internal resources, she said, without providing any further details of the financing package. Those funds will be used to clear Somalia’s arrears to the IMF. “This marks a critical step in helping Somalia advance the process of normalizing relations with the international community and making progress toward achieving debt relief under the Heavily-Indebted Poor Country (HIPC) initiative,” Georgieva said. A decision unlocking debt relief could come as soon as members provided the necessary financial commitments, assuming Somalia’s government continued its strong reform efforts, she added, without giving a specific date. The African nation has about $5 billion in external debt, accounting for about 100% of its GDP, which the Fund has declared to be unsustainable. Somali’s finance minister, Abdirahman Duale Beileh, welcomed the news in a posting on Twitter, adding, “We are grateful to all partners for their continued support in our journey to debt cancellation. We will march on with economic reforms.” Beileh in October cited positive discussions with the United States, Somalia’s biggest creditor, Britain and others during the IMF/World Bank annual meetings, and said he expected a decision in favor of debt relief in February. Georgieva on Wednesday described debt relief for Somalia was as a priority for the Fund and said she was encouraged by the support of IMF members on the issue. Debt relief would “help unlock significant new financial resources to address Somalia’s large development needs and poverty reduction,” she said. Source: Reuters
  16. WASHINGTON (Reuters) - The International Monetary Fund’s executive board has approved a financing plan that will help the IMF cover its share of debt relief for Somalia, IMF Managing Director Kristalina Georgieva said in a statement on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  17. Washington DC (Caasimada Online) – Guddiga fulinta hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ansixiyey qorshe maali-gelin oo IMF ka caawin doona inay bixiso saamiga uga aadan deyn cafinta Soomaaliya, sida ay sheegtay agaasimaha IMF Kristalina Georgieva oo bayaan soo saartay. Qorsha maal-gelinta ayaa waxaa ka mid ah kaash damaanad qaad ah oo loo adeegsan doono in lagu tiri dhammaan deynta IMF ay ku leedahay Soomaaliya. “Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii Soomaaliya looga caawin lahaa hanaanka ay dib ugu soo celineyos xiriirka ay leedahay beesha caalamka, islamarkaana ay horumar uga sameyneyso sidii ay ugu guuleysan lahayd in deynta laga cafiyo, ayada oo loo marayo hindisaha HIPS ee IMF” ayey tiri Kristalina Georgieva. Go’aanka deynta looga cafinayo Soomaaliya ayaa waxa uu u dhici karaa sida ugu dhaqsiyaha badan marka dhammaan dalalka xubnaha ka ah IMF ay ballaan-qaadaan taagaeerada maaliyadeed ee loo baahan yahay, ayada oo Soomaaliya-na looga baahan yahay inay sii waddo is-beddelada xooggan oo ay sameyneyso. Soomaaliya ayaa waxaa lagu leeyahay lacag ku dhow 5 bilyan oo dollar, taasi oo u dhiganta 100% wax soo saarkeeda gudaha ee dalkaa (GDP). Georgieva ayaa deyn cafinta Soomaaliya ku qeexday ahmiyadda IMF, waxaana ay sheegtay inay dhiir-gelisay taageerada xubnaha IMF. “Deyn-cafinta waa ahmiyadda IMF. Tani waxay gacan ka gaysan doontaa in Soomaaliya ay hesho kheyraad maaliyadeed oo cusub oo wax looga qabanayo horumarka ballaaran ee Soomaaliya ay u baahan tahay iyo yareynta saboolnimada.” Ayey tiri. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka kusoo dhoweeyey tallaabada ay qaadeen xubnaha IMF. “Waxaan u mahad-celineynaa dhammaan saaxiibada sii wada taageerada ay siinayaan safarka aan ugu jirno inaan helno deyn-cafin. Waxaan sii wadi doonaan is-beddelada xooggan” ayuu yiri Beyleh.
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Bar-Qumanha-Wararka-18122019-sax.mp3 View the full article
  19. Are you qualified to sit in Somali-American artist Ifrah Mansour's dazzling golden power chair, adorned with flowers from every color of the rainbow? Source: Hiiraan Online
  20. Shirkada Diyaaradaha Jabuuti ayaa shaacisay inay duulimaadyo ka bilaabaysa Puntland, Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa waxaa ka socda Horumar soi jirtay Shirkadaha Diyaaradaha Caalamka. Warsaxaafadeed ay [...] Source