-
Content Count
214,044 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – War-saxaafadeed ay soo saartay Agaaismaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva ayay ku bogaadisay habka deyn cafinta Soomaaliya iyo sida uu ku socdo. Agaasimaha ayaa war-saxaafadeedka soo saartay markii ay ansixisiyeen Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka IMF ee xirmada maaliyadeed ee Soomaaliya. “Maanta, Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) wuxuu meel mariyey qorshe maaliyadeed oo Gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya, qorshahan wuxuu ku tiirsan yahay dedaal ballaaran oo Caalami ah, oo ku saleysan xubnaha kaalmooyinka Lacageed ee ay bixiyaan iyo qoondo laga helayo ilaha gudaha” ayay ku tiri,Mss, Georgieva, war-saxaafadeedkeeda. Agaasimaha ayaa sheegtay in ay tani muujineyso muhiimadda ah in Soomaaliya laga caawiyo in ay tallaabbo u qaaddo kusoo noqoshada hannaanka caadiga ah ee xiriirka dhaqaalaha Caalamiga iyo horumar laga sameeyo deyn dhaafka, iyadoo loo marayo hal abuurka deyn cafinta Waddamada faqriga ah (HIPC). “Cafinta deymaha Soomaaliya waa mid ka mid ah waxyaabaha horutabinta u leh hay’adda Lacagta Adduunka, waxaan dhiirri-galinayaa teegaarada ka imaanaysa xubnaha muhiimka u ah arinkan garoowshahooda ah in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha si waafaqsan barnaamijka kooxda la socodka hay’adda Lacagta Adduunka (SMP). Kristalina Georgieva, ayaa sheegtay in barta go’aan qaadashada hal-abuurka deyn cafiska Waddamada faqriga ah uu billaabanayo qorshihiisa sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xubnaha bixiyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah deyn cafinta. Waxanay sheegtay in ay filayso in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay sii wadaan habaynta dhaqaalaha, taas oo caawin karta furista Il-dhaqaale oo uu Dalku ku gaaro horumar ballaaran iyo in la yareeyo sabool-nimada. View the full article
-
Hoggaanka Madasha la baxday Xisbiyada Qaran ee ka dhisan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu bur-buray heshiiskii ay kula jireen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, mar dambena aysan wada-hadallo kale la geli doonin madaxweynaha. Heshiiskaasi ayaa la sheegay, in ay dhinacyadu gaareen 20-kii November kadib kulan Villa Somalia ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo ka wakil ahaa Madasha. Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran, oo ku taariikheysan 18-ka December, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha in uusan daacad ka ahayn wada-hadallada, uuna heshiiskii hore jebiyey” Waxyaabaha ay Madashu ku eedeysay madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah in uu sii wado inuu shacabka u diido xuquuqdooda aas-aasiga ah ee hadalka iyo dhaq-dhaqaaqa. Qoraalka ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyey In uu sii wado u adeegsiga hay’adaha amniga federaalka raadinta hadafyo siyaasadeed oo hooseeya. Madasha Xisbiyada Qaran waxay sidoo kale madaxweyne Farmajao ku eedeeysay, inuu rabshado iyo xasillooni darro aan loo baahneyn ka wada maamul goboleedyada dalka, isaga oo maal-gelinaya kacdoono ka dhan ah dowlado la doortay, sida hadalka loo dhigay. Arrimaha doorashooyinka, ayey Madashu sheegtay, “in madaxweynaha uu weli sii wado taageerista qorshihiisa doorashooyinka 2020/21 ee ka baxsan dastuurka”. Madashu ma aysan faah-faahin waxa uu yahay qorshahaas. Dhammaan qodobadaas ayay Madashu sheegtay inay jebinayaan heshiisyadii horey loo gaaray, ayna muujinayaan in madaxweynaha uusan daacad ka ahayn inuu xal la gaaro dhinacyada saameynta ku leh siyaasadda dalka. Madasha ayaa ugu dambeyn shuruud ka dhigtay, in si wada-hadallada dib loogu furo ay doonayaan in madaxweynaha dhankiisa ka shaaciyo qodobada heshiiskii hore, islamarkaana uu fuliyo. Halkaan ka akhriso qoraalka Madasha PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada oo sheegtay in uu buray Heshiis ay kula jireen madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Beelihii dhowaan ku dagaallamay Bariga Gobolka Mudug ayaa gaaray heshiis lagu soo Af-jarayo colaaddi halkaasi kasoo cusboonaatay dhowaan. Heshiiskan oo laga soo saaray qodobbo saldhig u ah deris wanaagga Labada Beelood ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21-aad. Odayaasha iyo wax-garadka Labada dhinac ayaa ku heshiiyay Shanta qodob ee hoos ku qoran, si loo dhameeyo colaadda Beelihii halkaasi ku dagaallamay dhowaan. In la dhiso Ciidamo isku dhaf ah In la Magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood, In si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah In Qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto? Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degaanadaas ayaa kor meeray Dhamaan Meelihii laga kala qaaday Ciidanka Beelaha Ddagaalamay. Heshiiskan ayaa ku yimid dadaal ay sameeyeen Ciidamada qalabka sida iyo xalka Odayaasha deegaanka oo udub dhexaad u ah in nabadan la gaaro. View the full article
-
Guddiga Farsamada ee maamul u dhisidda Galmudug ayaa soo saaray jadwalka cusub ee dhismaha iyo doorashada maamulka iyadoo jadwalkii hore uu suurtogal noqon waayay. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug ay dhici doonto 9ka bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2020ka. Jadwalkan ayaa lagu sheegay in 19-ka ilaa 23-ka December la xaqiijin doono odayaasha dhaqanka iyo xalinta khilaafyada, iyada oo xulista xidlhibaanada ay socon doonto 24-ka ilaa 30-ka December. Hoos ka akhriso jadwalka PUNTLAND POST The post Jadwalka Doorashada Galmudug oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/warka-duhur-19122019.mp3 View the full article
-
Somalia’s biggest sports stadium will open its doors in Mogadishu early next year. The Minister for youth and sports, Khadija Mohamed Diriye confirmed the news during a visit on the renovation project on Wednesday. The 65000-capacity facility was constructed by Chinese engineers in 1978 with help from the People’s Republic during President Siad Barre administration. “We are expecting FIFA approved turf, VIP chairs, and stadium clock in January to complete the renovation process.” The Minister said. The stadium was occupied by AMISOM peacekeepers before their vacation for renovation in October 2018. The reconstruction project is funded by the Norwegian government. The news comes amid the recent great performance by the Somali national team at the African cup of national qualifier as well as the CECAFA senior challenge cup. The ocean stars play their home games in Djibouti since the early 1990s due to the instability and poor sports facilities in the country but the reopening of Mogadishu stadium is expected to inject new blood into Somali sports. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dhaweeyey Warbixintii ay soo saartay Kristalina Georgieva oo ah Agaasimaha maamulka IMF, taasi oo ku saabsaneyd meel marinta qorshaha maaliyadeed ee Soomaaliya. Wasiirka oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay muqdisho ayaa sheegay in Hay’adda IMF ay Soomalaiya aad ugala Shaqeysay qorshaha dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay heyso wadadii deynta looga cafin lahaa. “IMF aad iyo aad waxay nagala shaqeeyeen dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka, anagoona guulo muhiim ah ku gaarnay Barnaamijkooda dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Beyle. Sidoo kale Wasiir Beyle waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay socdaan qorshaa lagu dar dargelinayo in Soomaaliya laga cafiyo deynta, taasna uu hirgalayo marka la gaaro Bisha labaad ee sanadka soo socda ee 2020. “Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Agaasimaha ug sareeysa IMF Kristalina Georgieva oo ay ku sheegtay in IMF-ta ay heshay Waddadii Soomaaliya Deynta looga Cafinlahaa iyagoo kaashanaya Beesha Caalamka. ” Sida warbixinta ku cad, anagana aan wada ogsoonahay, wali dadaalka inta hartay annaga ayay inoo taalaa in aan dhameystirno” ayuu yiri wasiir Bayle. Shalay ayey aheyd markii ugu horeeysay ee golaha wakiillada dalka mareekanku ansixiyeen cafinta deynta lagu leeyahay soomaaliya.
-
Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhaweeyey warbixintii ay soo saartay hay’adda lacagta Adduunka (IMF), taas oo ahayd meel-marinta qorshaha Maaliyadeed ee Soomaaliya. Wasiir Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hay’adda IMF ay Soomaaliya ay aad ugala shaqeysay qorshaha dib u habeynta Maaliyadda dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyey in uu socdo qorshe deynta Soomaaliya lagaga wada cafinayo bisha labaad ee sanadka soo socda 2020. Guddiga fulinta hay’adda lacagta Adduunka (IMF) ayaa shalay meelmariyey qorshe Maaliyadeed oo gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya. waxayna Kristalina Georgieva Agaasimaha hay’adaas oo shir jaraa’id qabatay bogaadisay habka deyn cafinta Soomaaliya iyo sida uu ku socdo. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Wasiir Beyle. PUNTLAND POST The post Goorma ayaa deynta laga wada cafin doonaa Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Hargeysa kula kulmay wafti ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Belanga Martinez. Madaxtooyada Somalilnad ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray kulnaka Muuse Biixi iyo Safiir Nicolas Belanga Martinez, waxaana la sheegay in ay kawad hadleen rrimo dhowra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay bessha Caalmaku ku taageerto Somaliland. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Muuse Biixi uu sheegay xukuumadiisa ay ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka marka ay axsaabta isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo. Madaxweyne Muuse Biixi waxaa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, Ahmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Siciid Jaamac Cali, Wasiirka horumarinta Maaliyadda, Sacad Cali Shire, Wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Liibaan Yuusuf Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Ahmed, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Dhinaca kale waftiga safiirka Midawga Yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark. PUNTLAND POST The post Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo Hargeysa kula kulmay Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.
-
Wajeer (Caasimadda Online) – Rag looga shakisan yahay dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa afar qof waxaa ay ka afdubteen duleedka Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya, sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation. Afarta qof ee la afduubtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen shaqaale dhisme oo howlgalayay magaalada Wajeer, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Bariga Wajeer Cumar Bijaa. Guddoomiye ku xigeenka Bariga Wajeer ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in shaqaalaha dhismaha ay wateen gaari dul banaan ah, islamarkaana ay dhisme ka wadeen waddada isku xirta Riba iyo Konton oo hoos taga Magaalada Wajeer. Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Bariga ayaa sheegay in darawalkii Gaariga uu ka baxsaday ragga afduubka geystay kaddib markii uu iska dhigay Nin Taleefan ku hadlaya kaddibna cagaha wac ka dayay. Mas’uuliyiinta u hadlay maamulka Wajeer ma sheegin in dadka la afduubtay ay ajaanib ku jirto ama Kenyaan kaliya yihiin. Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa iyaguna sheegtay in ay qafaasheen shaqaale Kenyaan ah iyo laba gaari oo midi Cagaf tahay kuwaas oo ay la galeen gudaha Soomaaliya.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – General Maxamed Sheekh Cumar (Xirsiile), Taliyaha Xabsiga Dhexe Xamar ayaa waxaa uu ka hadlay shaqo joojinta uu ku sameeyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ka dib markii lagu eedeeyay in maxbuus xanuunsanaa uu ka soo saaray isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho. Afhayeenka Ciidanka Asluubta, G/sare Cabdikhani Maxamed Khaliif oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliska Asluubta uu shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Xabsiga Dhexe, lana magacaabay guddi baaritaan ku sameeya arrintaasi, dibna ay ugala soo wadaagi doonaan wixii ka soo baxa shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Qarankaba. Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo tallaabada shaqada joojiyay, isla-markaana uu diyaar u yahay in uu sharciga wajaho, waa haddii wax khalad/dembi ah lagu helo. Taliyaha ayaa tilmaamay inuu ilaaliyay shuruucda Ciidamada Asluubta, isla-markaana uu si sharciya kula dhaqmay maxbuuska, isaga oo aan ogayn laga kaxeeyay Isbitaal Martiini, lana geeyay isbitaal kale oo gaar loo leeyahay. Taliyaha ayaa xusay marka ay xanuuno la soo dersaan maxaabiista in uu sharciga dhgayo in lagu daweeyo isbitaalada ay maamusho dowladda, oo aan la gayn karin isbitaalada kale ee gaarka loo leeyahay. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow ayaa wuxuu ku xukunaa sideed sano oo loogu xukumay fal burcadnimo. Taliyaha ayaana sheegay in uu ka hortagey in ninkaasi laga fakiyo gacanta sharciga. General Xirsiile ayaa warkan ku sheegay qoraal uu walaalkii ka soo xigtay, oo bulshada lagula wadaagay shabakadaha ay dadweynuhu ku wada xiriiraan. Dowladda Federaalka ayaa dhaliil xoogan kala kulantay dadka wax ku qora barraha bulshada, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in maxbuus xanuunsanaa loo diiday in lagu daweeyo isbitaal ka madaxbannaan kuwa dowladda.
-
(SLT-Hargeysa)-Shirkadda DP World ayaa shaacisay inay kala shaqeynayso dugsiga Abaarso ee ku yaalla Caasimadda Hargeysa, si ay kor ugu qaado fursadaha waxbarasho ee day’arta Somaliland. Iskaashiga ay shirkadda DP World ay la yeelatay dugsiga Abaarso waxa ka qaybgalay Suhail Albanna oo ah Agaasimaha DP World u qaabilsan dalalka Bariga dhexe iyo Bariga Afrika. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin ay Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka Carabta ee WAM ay ka qortay deeqo waxbarasho oo ay iska kaashanayaan DP World iyo dugsiga Abaarso, waxana lagu sheegay war-saxaafadeed shirkaddu soo saartay in dugsiga Abaarso ee Sayniska iyo Tiknoolajiyadu uu yahay dugsiga kaliya ee Somaliland ku yaalla ee uu aqoonsaday Maraykanku. Waxa kaloo Shirkadda DP World ee Berbera ay intaas ku dartay in maalgelinayso toban arday oo wax ka baran doona muddo lix sannadood ah dugsiga Abaarso, waxana ay DP World xaqiijinaysaa in fursadaha tacliimeed ee dugsiga Abaarso u furan yahay ardayda reer Somaliland, iyadoo aan loo eegaynin awoodooda dhaqaale. Deeqda labaad oo sannadle ah waxa ay shirkadda DP World Berbera ay siinaysaa Siddeed Hablood oo ka soo jeeda gobolka Saaxil, kuwaasi oo ku biiraya Barwaaqo University oo ah Jaamacad uu furay dugsiga Abaarso sannadkii 2017kii isla markaana ah ta kaliya ee Boodhin ah oo hablaha u gaar ah ee ka jirta Somaliland. Deeqdan waxbarasho waxa ay shirkadda DP World tilmaantay inay ugu talogashay in hablahaasi ay ku soo noqdaan gobolka Saaxil, si wax kaalin uga qaataan horumarinta tayada waxbarashada gobolkaas. Suhail Albanna oo ah Agaasimaha DP World ee bariga dhexe iyo bariga Afrika,ayaa sheegay dugsiga abaarso ee xidhiidhka la leh Maraykanku uu wax ka tarayo horumarka iyo fursadaha waxbarasho ee ka jira Somaliland. Waxa kaloo uu xusay in hablaha ka soo baxa Jaamacadda Barwaaqo ay gobolka Saaxil ka caawin doonaan sidii looga hirgelin lahaa Berbera nidaamka caalamiga ah ee waxbarashada. Dugsiga Abaarso oo wakhtigan ay dhigtaan ardeyda fasallada 7 -12, Waxa ay hadda ka furtay Iskuulkeedii 1-aad ee Kaabe magaalada Hargeysa, kaasoo la qori doono ku dhawaad 700 oo arday. Iskuulka DP Berbera Kaabe wuxuu raacayaa nidaamkan ujeeddadiisu tahay inuu helo aqoonsiga Mareykanka. Dugsigan ayaa shaqaalaha DP World ee Berbera u saamixi doona fursad ay carruurtooda ugu helaan waxbarasho tayo sare leh halkii ay ugu diri lahaayeen dugsiyada boodhinnada. Source
-
Kristalina Georgieva Agaaismaha maamulka IMF ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay kadib markii ay ansixisiyeen Guddiga Fulinta ee IMF ee xirmada maaliyadeed ee Soomaaliya: “Maanta Guddiga Fulinta Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) wuxuu meel mariyey qorshe maaliyadeed oo gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya. Qorshahan wuxuu ku tiirsan yahay dadaal ballaaran oo caalami ah, oo ku saleysan xubinta kaalmooyinka lacageed iyo xaddiga laga helay ilaha gudaha ee IMF Managing “Tani waxay muujinaysaa muhiimadda In laga caawiyo Soomaaliya talaabo ay u qaado talaabo u qaadayso in laga caawiyo inay ku soo noqoshada hannaankii caadiga ahaa xiriirka caalamiga ah ee dhinaca dhaqaalaha iyo horumar laga sameeyo deyn dhaafka iyada oo loo marayo hal abuurka deyn cafinta wadammada faqriga(HIPC)”. “Cafinta deymaha Soomaaliya waa mid ka mid ah waxyaabaha horutabinta u leh Hey’adda Lacagta aduunka waxaan Dhiiri galinayaa teegaarada ka imaanaysa xubnaha muhiimka u ah arinkan garoowshahooda in Soomaaliya ay horumar la taban karo ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha si waafaqsan barnaamijka kooxda la socodka hey’adda lacagta aduunka (SMP)”. “Barta go’aan qaadasha hal abuurka deynta Cafinta wadamada faqriga ah (HIPC) wuu bilaabanayaa qorshihiisa sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xubnaheenu na siiyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah deyn cafinta, waxaan filaynaa in masuuliyiintu sii wadaan dib u habeynta dhaqaalahooda tani waxay caawinaysaa furida ilaha dhaqaalaha si Soomaaliya u gaarto horumar balaaran iyo yareynta Afrika” ayay tiri Agaasimaha maamulka hey’adda lacagta aduunka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ku soo dhaweeyey Warasaxaafadeedka kasoo baxay Agaasimaha maamulka hey’ada lacagta adduunka, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ka go’an tahay in laga cafiyo deymaha lacageed ee lagu leeyahay. Source: goobjoog.com
-
Af-barwaaqo (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka xooga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21 aad ayaa Goobjoog ka ahaa heshiiskaas oo lagu dhameynayo colaad ka taagneyd Degaannada Af-barwaaqo iyo Towfiiq oo dhaca Bariga Mudug. Odayaasha Labada dhinac ayaa Ku heshiiyay Shan qodob si loo dhameeyo Colaada labada Beelood,kuwaas oo kala ah. 1- In la dhiso Ciidamo isku dhaf ah 2- In la Magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood, 3- In si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah 4- In qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho 5- In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degaannadaas ayaa kormeeray dhammaan meelihii laga kala qaaday ciidanka Beelaha dagaallamay.
-
Taliyaha Ciidanka Dhulka xooga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21 aad ayaa Goobjoog ka ahaa heshiiskaas oo lagu dhameynayo colaad ka taagneyd Degaannada Af-barwaaqo iyo Towfiiq oo dhaca Bariga Mudug. Odayaasha Labada dhinac ayaa Ku heshiiyay Shan qodob si loo dhameeyo Colaada labada Beelood,kuwaas oo kala ah. 1- In la dhiso Ciidamo isku dhaf ah 2- In la Magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood, 3- In si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah 4- In qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho 5- In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degaannadaas ayaa kormeeray dhammaan meelihii laga kala qaaday ciidanka Beelaha dagaallamay. Source: goobjoog.com
-
Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha Maraykanka D. Trump. Madaxweyne Trump ayaa lagu soo eedeeyey labo qodob oo kala ah: 1- inuu ku takri falay awooddii madaxweynenimo 2- inuu horjoogsaday codsigii kongereeska ee ahaa inuu soo gudbiyo waraaqaha uu goluhu codsaday. Codbixintii qodobka Koowaad ayaa waxa natiijadiisu ahayd 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday. Qodobka labaad ayaa waxa taageeray 229 mudane halka 198 mudane oo iyagu diideen. Source: goobjoog.com
-
(SLT-WWararka ka imaanaya dowlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa ku warramaya in ciidanka Liyuu Boolis ay halkaasi ka geysteen weerar dhaliyay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidanka Liyuu Boolis ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen deegaanka Allay-baday oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ka so jeeda deegaanada Somaliland isla markaana ay dad shacab ah iskugu dareen dil iyo dhaawac. Deedaanka oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ayaa la sheegay in Ciidanka Liyuu Boolis ay ku dileen 1-qof iyada oo 2 kalana ay dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen kadib rasaas ay ku fureen. Arrintaan ayaa ka dambeeysay sida dadka deegaanku ay sheegayaan khilaaf iyo muran maalmihii la soo dhaafay ka dhex taagnaa dadka shacabka ah iyo ciidamada Liyuu Boolis. Qofka rasaastaas ku geeriyooday ayaa meydkiisa waxaa loo qaaday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya halka labada ruux ee dhaawacmay la geeyey Isbitaalka deegaanka Allay-baday ee gobolka Gabilay ee Soomaaliland. Dhowr jeer ayaa la sheegay in ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad degaanku ay dhacdooyin noocan oo kala ah ay kaga geeysteen deegaanadaas ku yaalla xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya. Source
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Basaska ka howlgala degaanada hoostaga gobolka Waqooyi Barri ee Kenya ayaa lagu amray in ay gal-biyaan ciidamo boolis ah, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah. Taliyaha booliska gobolka, Maxamed Biriq, ayaa sheegay in talaabadan ay salka ku hayso badbaadinta rakaabka. Biriq ayaa carabka ku dhuftay in darawaladii aan u hogaan-sami amarkaan cusub ay xabsi u taxaabi doonan. Go’aankan ayaa si gaar ah u quseeya Basaska adeegsada wadada isku xirta Garissa-Holugho, Garissa-Liboi iyo Garissa-Wajir. Talaabo noocaan ah ayay Kenya horey u soo saartay, balse darawaladda qaarkood ma aysan dhaqan-gelin, waxaana taliye Biriq uu caddeeyay in lala xisaab-tami doono shaqsiyaadkaas. “Waa ayaan darro in darawaladda qaarkood ay kasoo horjeesteen. Hase ahaatee, doorkan ma ogolaan doono in waxay doonan ay sameeyaan,” ayuu Biriq yiri xili uu saxaafada kula hadlay Garissa. Laba todobaad kahor ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar jid-gal ah ku qaadey Bas ku socdaalayey wadada Kutulo-Wargadud, halkaasoo ay ku dishay sideed askari, laba macalin iyo dhakhtar.
-
Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa war ka soo saaray kulankii ay Shalay wefdigiisa la qaateen mas’uuliyiinta Puntland oo uu hoggaaminayo madaxweyne Deni. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Mr Swan, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga wada-hadlay; qodoba ay ka mid yihiin u diyaar-garowga doorashada ‘Qof iyo Cod’, dhammeystirka Dastuurka Federal-ka, sii ambaqaadidda deyn cafinta iyo la’dagaallanka Al-Shabaab. , Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxaa socdaalkiisa Puntland ku wehelinayay ku xigeenka Madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicole Miller; Hawlgalka Midowga Africa oo uu ka socday madaxa taageerada hawlgalka Major General Fidza Dludlu; iyo wakiil ka socday Urur Gobolleedka IGAD Nuur Cabdi Ciise. Wefdiga ayaa shalay Garoowe kula kulmay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni, xubno ka tirsan Golihiisa xukuumadda iyo wakiilo ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland. “Wadatashiyadan waxa ay noo ahaayeen fursad aan si toos ah ugu dhegaysanno aragtiyada saamileyda sidii lagu gaari lahaa waxyaabaha hortabinada u leh Soomaaliya caqabadaha jirana looga gudbi lahaa,” ayuu yiri Swan. Mr. Swan ayaa sidoo kale Rajo ka muujiyay in sannadka dambe uu Soomaaliya u noqon karo mid taariikhi ah,haddii siyaasiyiinteeda iyo bulshada ay isugu yimaadaan wada-hadallo looga heshiinayo khilaafaadka jira, si hore loogu socdo. “Waxaan rejeynayaa in aan Soomaaliya ka taageerno sidii 2020 uu taariikhi ugu noqon lahaa dalka iyo in Soomaaliya ay awood ugu yeelato sii wadadidda yididdiilada hore u socodkeeda,” ayuu yiri Md. Swan. PUNTLAND POST The post Jame Swan oo ka warbixiyay qodobadii wefdigiisu kala hadleen madaxda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors
