Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir gudoomiyey kulankii maantoo khamiis ah dhex maray Golaha Wasiirada Puntland uuna qayb ka ahaa Madaxweyne Xigeenka Puntland Mudane Axmed [...] Source
  2. Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku howlan cadaadis xooggan oo ay sharc-dejiyayaasha congress-ka mudanayaasha Mareykanka ku saareyso in cunaqabateyn rasmi ah lagu soo rogo dalka Turkiga, sida ku cad qoraallo Email oo la helay Wakaaladda wararka ee Anadolu, ayaa heshay qoraalo dhanka Email-ka ah oo muujinaya sida dowladda Imaaraadku ugu howlan tahay in Mareykanka uu xayiraado saaro Turkiga. Email-daasi ayaa waxa ka dhex muuqday magaca shirkada ‘Akin Gump’ oo ah shirkad ka shaqeysa dhanka ololeyna siyaasadda, oo fadhigeeduna yahay Washington, DC, taasi oo ay qoraal ugu dirtay Senator-ada Conngaress-ka kadib markii Aqalka Wakiiladu uu qaatay qaraar ka dhan ah dowladda Turkiga. Shirkadan oo wakiil toos ah ka aheyd Safaarada dowladda Imaaraadka ee Washington ayaa waxay Email u kala dirtay 7-November qaar kamid ah Senator-ada Congaressika, kuwaasi oo qeyb ka ah cadaadis xoogan oo la rabo in Mareykanku uu cunaqabteyn ku soo rogo Turkiga, sababo la xidhiidha howl-galadii Milateri ee uu ka fuliyay Suuriya. Email-daasi ayaa sidoo kale waxa laga dheehan karayey cambaareynta tooska ah ee Dowladda Imaaraadku ugu jeedinayso Turkiga geedi socodka nabada ee waqooyiga Suuriya, iyo weliba in uu Imaaraadku taageerayo cunaqabateynta ka dhan ah Turkiga, kaasi oo ah go’aan qabyo ah oo ay meel-marinayaan golaha wakiilada Mareykanku. “Andrew iyo Matt – Waxaan idinla soo xiriirayaa aniga oo wakil ka ah safaaradda Imaaraadka ee Washington si aan u muujino cambaareynta Imaaraadka ee gardarrada Turkiga ee Syria, una taageerno cunaqabateyn ka dhan ah,” waxaa sidaas email-ka ku diray Charles Johnson oo ka tirsan shirkadda Akin Gump. Waxa sidoo kale qoraalka Email-daasi loo kala diray Senator-ada Congaress-ka lagu xusay in dowladad Qatar ay ka caawiso dowladda Ankara ee Turkiga howlgalkii ‘Guga nabada’ ee Suuriya. “Waxaan rajeynaynaa in macluumadkani idinka caawin doono maadama uu Mareykanku sii wado la socodka arrimaha Suuriya, maadaama xubnaha golaha senate-ka ay ka fakarayaan in cunaqabateyn lagu soo rogo dowladda Turkiga” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah qoraalada Email-kaasi. Lamana shaacin ilaa hadda magacyada Senator-ada loo kala direy Email-daasi ay dowladda Imaaraadku ku rabto in cunaqabateyn rasmi ah lagu soo rogo Turkiga oo muddooyinkii dambe saaxiib dhow la noqday dowladda Qatar
  3. Shirkii Khamiislaha ahaa ee ay yeelan jireen Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa waxaa maanta shir gudoomiyey Madaxweyne Axmed Madoobe oo Warbixin dhowra u gudbiyey Golihiisa Wasiirada. [...] Source
  4. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa soo dhaweeyay talaabada ay qaadey hay’adda lacagta aduunka ee IMF. Guddiga sarre ee IMF ayaa meelmariyey qorshe taageeraya in Soomaaliya deyn laga cafiyo kadib ogolaanshiyo ka timaada wadamada xubinta ka ah. Bayle oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in bisha labaad ee sanadka dambe 2020-ka dalka laga dhaafi doono deymaha lagu leeyahay. Sidda laga soo xigtay hay’adda IMF iyo Bangiga Aduunka, deynta lagu leeyahay Soomaaliya ayaa waxay gaareysaa aduun lacageed dhan 5-bilyan oo Doollar-ka Mareykanka ah. View the full article
  5. Madasha ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah Xisbiyada Dalka oo horay ula gashay heshiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta dhaca ka qaadey in Heshiiskaas uu [...] Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Ergada Dhexdhexaadinta Kornayl Caarre Iyo Madaxweyne Biixi Oo La Qaabilay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. (SLT-Muqdisho)-War ay soo saartay Agaaismaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva ayeey ku bogaadisay habka deyn cafinta Soomaaliya iyo sida uu ku socdo. Agaasimaha ayaa war-saxaafadeedka soo saartay markii ay ansixisiyeen Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka IMF ee xidhmada maaliyadeed ee Soomaaliya. “Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) wuxuu meel mariyey qorshe maaliyadeed oo Gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya, qorshahan wuxuu ku tiirsan yahay dedaal ballaaran oo Caalami ah, oo ku saleysan xubnaha kaalmooyinka Lacageed ee ay bixiyaan iyo qoondo laga helayo ilaha gudaha” ayay ku tidhi,Mss, Georgieva, war-saxaafadeedkeeda. Agaasimaha ayaa sheegtay in ay tani muujineyso muhiimadda ah in Soomaaliya laga caawiyo in ay tallaabbo u qaaddo kusoo noqoshada hannaanka caadiga ah ee xidhiidhka dhaqaalaha Caalamiga iyo horumar laga sameeyo deyn dhaafka, iyadoo loo marayo hal abuurka deyn cafinta Waddamada faqriga ah (HIPC). “Cafinta deymaha Soomaaliya waa mid ka mid ah waxyaabaha horutabinta u leh hay’adda Lacagta Adduunka, waxaan dhiirri-galinayaa teegaarada ka imaanaysa xubnaha muhiimka u ah arinkan garoowshahooda ah in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha si waafaqsan barnaamijka kooxda la socodka hay’adda Lacagta Adduunka (SMP). Kristalina Georgieva, ayaa sheegtay in barta go’aan qaadashada hal-abuurka deyn cafiska Waddamada faqriga ah uu billaabanayo qorshihiisa sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xubnaha bixiyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah deyn cafinta. Source
  8. (SLT-Gaza)-Diyaradaaha dagaalka Israel ayaa maanta weeraray warshad hub oo ku taalla Marinka Gaza oo kooxda Xamas ay maamusho, kadib markii dagaal-yahananda Falastiiniyiinta ay gantaallo ku tuureen Israel, waxaa sidaas sheegay ciidamada Israel. “Gantaallo ayaa xalay dhulka Israel looga soo tuuray dhanka Gaza, ayada oo taas laga jawaabayo diyaaradaha dagaalka waxay duqeeyeen warshad hubka soo saarta oo Xamas ay ku leedahay Waqooyiga Marinka Gaza.” Waxaa sidaas lagu yiri qoraal ay soo saareen ciidamada Israel. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka gantaallada iyo duqeymaha xigay. Mas’uuliyiinta Israel ayaa sidoo kale goor dambe oo khamiista ah ku dhowaaqay tallaabo lagu yareynayo aagga kalluumeysiga Gaza. Waax ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Israel oo lagu magacaabo COGAT ayaa sheegtay in ayada oo laga jawaabayo weerarka gantaallada “aagga kalluumeysiga Gaza lagu soo koobay 15 mile badeed illaa amar dambe,” Xamas ayaa Gaza maamuleysay tan iyo sanaddiii 2007, waxaana dhammaan gantaallada halkaas laga soo tuuro ay Israel mas’uuliyaddooda dusha u saartaa kooxdaas, inkasta oo mararka qaar ay beegsato kooxo kale. AFP Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Weftiga Marwo Faadumo Siciid Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargaysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Dowladda Puntland ayaa shaacisay in todobaadkan mar kale la saxiixay Maashruuca dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo oo dib loo soo celiyay, kadib markii uu fashilmay sannadkii 2018. Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani), oo ka warbixinayay Shirkii Golaha wasiirada Puntland ee maanta, ayaa sheegay in todobaadkan mar kale la saxiixay Mashruucaasi horay u fashilmay. Qoraal 5-September 2018 ka soo baxay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi, ayaa lagu sheegay in la joojiyay Mashruuca, kadib markii uu musuqmaasuq hareeyay, balse 7-dii April ee sannadkan 2019, ayaa mar kale dowladda Jarmalku xaqiijisay, in ay dib u soo celinayso Mashruucaasi. Mashruuca dhismaha wadada Garoowe_Gaalkacyo, waxaa la daah-furay 11-Maarso 2015, waxaana xilligaasi la shaaciyay in ay ku baxayso lacag dhan $21 malyan oo Dollar taasi $18 malyan oo kamid ah ay bixinayso Midowga yurub halka $3 malyan ee kalena ay bixinayso dowladda Jarmalka. Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyeen safiiradii Midowga yurub iyo Jarmalka xilligaasi u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Andreas Pesxhke ayaa maalintaasi daah-furay Mashruuca Jarmalka waxaa fulinta Mashruuca dhismaha Wadada Garoowe_Gaalkacyo u qaabilsan hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee GIZ, taasi oo mashaariic kalena ka fulisay degaannada Puntland. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Puntland oo ku shaacisay in mar kale la saxiixay Mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub Amb. Nicolas Belanga Martinez. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka qaranka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan Somaliland. Ugu danbayn Madaxweyne Biixi wuxuu u sheegay wafdiga inay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta qaranku isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynuhu wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo. Waxaana Madaxweyne Biixi ku wehlinayay kulankaasi Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Wasiirka horumarinta maaliyadda, Wasiir kuxigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha iyo La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka. Halka dhinaca Wafdigana Safiirka midawga yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey Safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark. Wafdigan ka socda Beesha caalamka ayaa shalay soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kuwaasi oo kulamo la yeeshay guddigii dhex-dhexaadineysay khilaafkii baahsana ee ka aloosna Xisbiya mucaaridka iyo Xukuumadfa Muuse Biixi. Wakiiladan Beesha caalamka ayaa talaabada lagu soo afjarayo khilaafka ka aloosan doorashooyinku ku tilmaamtay mid tusaale fiican u noqon karta qaabka ay uga howl-galeen guddida dhex-dhexaadintu. Waxa sidoo kale ay bogaadiyeen Wafdigan oo kulan la qaatay guddiga dhex-dhexaadinta, sidii ay xisbiyada Somaliland uga jawaab celiyeen go’aankii ay soo saareen guddidaasi oo looga gol lahaa sidii loo damin lahaa xiisada ka dhexd aloosan Muuse Biixi iyo Mucaaridka Somaliland. Guddiga dhex-dhexaadinta oo warbaahinta uga warbixisay kulankaasi ayaa sheegay inay Wafdigan uga warbixiyeen go’aamada ay ka soo saareen xalinta khilaafkaasi, oo ku qotomay daminta xiisada ka dhalatay muddo kordhinta golaha wakiilada iyo Komishanka cusub ee loo dhaariyay xilka. Guddida ayaa sidoo kale waxa ay mahad celin balaadhan u jeediyeen saddexda xisbi iyo xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi sidii ay u aqbaleen go’aamadii ay ka soo saareen daminta xiisada ka dhalatay doorashooyinka. Go’aamada ay guddiga dhex-dhexaadintu dhowaan ka soo sareen daminta xiisada Mucaaridka iyo xukuumada Muuse Biixi, ayaa waxa kamid ahaa kala dirida Komishanka cusub ee la wareegay xilka, iyo soo celinta komishankii hore, taasi oo xukuumada Biixi sheegtay inay tahay arrin sharci oo aan laga go’aan qaadan karin, halka xisbiyada mucaaridku aqbaleen kala diridooda.
  12. (SLT-Hargeysa)-Ugaas Cabdirisaaq Si Kulul Uga Hadlay Dad Shacab Ah Oo Ciidammada Ciidanka Liyuu Boolis Ku Dileen Deegaanka Allay-baya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. This year Somalia has made key gains that have laid sufficient groundwork that is critical to drive the country forward in the coming year, 2020. Source: Hiiraan Online
  14. DJIBOUTI (HOL) - Somalia professionals and leaders meeting in Djibouti for the Annual Forum for Ideas have called for significant investments in education and human capacity to enable Somalis ably take charge in the rebuilding of the nation and compete favourably in the continent. Source: Hiiraan Online
  15. (SLT-Hargeysa)-Beesha Caalamka Oo La Kulmay Gud Maxkamadda Sare, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo safiirka midowga yurub Amb. Nicolas Belanga Martinez. Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka qaranka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay ku taageeraan dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Ugu danbayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u sheegay weftiga inay xukuumadda ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinku marka ay axsaabta qaranku isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo. Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, Ahmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Siciid Jaamac Cali, wasiirka horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Dr. Cismaan Sheekh Ahmed, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Doorashooyinka Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Dhinaca weftiga safiirka midawga yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey Safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, Denmark, UK, UNSOM iyo IGAD, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qoraal ay soo saareen, ku shaaciyey inay ka baxeen wada-hadalladii ay kula jireen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay ku eedeeyeen inuu jebiyey qodobada heshiiskii horey loo gaaray. Kadib heshiiskii madaxweynaha iyo madaxweynayaashii hore oo matalayey Madasha ay gaareen 20-kii November, ayaa waxaa lagu waday in dhinacyada ay mar kale kulmaan si dib loogu eego fulinta qodobadii horey loogu heshiiyey, la iskuna raaco kuwa cuusb. Hase yeeshee, Madasha ayaa qoraalka ay soo saartay, oo ku taariikheysan 18-ka December, ku sheegtay inay garowsatay in danta Farmaajo ee wada-hadalladii hore ay ahayd kaliya hadaf siyaasadeed ee aanay ahayn inuu xal la gaaro saamileyda siyaasadda dalka. Waxyaabaha ay Madasha ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah inuu diiday inuu bulshada la wadaago qodobadii horey loogu heshiiyey, taasi oo ay ku qeexeen inay horudhac u ahayd inuusan ixtiraamin heshiiska. Madasha ayaa madaxweynaha ku eedeysay inuu si cad u jebiyey dhammaan qodobadii heshiiska, sida Qodoboka dhowrista xuquuqda hadalka iyo socodka muwaadinka, ayaga oo tusaale usoo qaatay in xildhibaan Daleys Xasan Aadan loo diiday inay ka dhoofto garoonka Muqdisho 25-kii November. Qodobka doorashooyinka, Madashu waxay sheegtay in Farmaajo weli uu ku dheggan yahay hindise baal-marsan dastuurka, isaga oo aan wax ixtiraam ah u hayn dhinacyada kale ee wax ku leh tallada dalka. Waxay sidoo kale ku eedeeysay inuu faro-gelin cad ku hayo doorashooyinka maamul goboleedyada dalka, sida Galmudug, oo uu ka shaqeynayo in madaxweyne loo doorto musharax horey loo go’aamiyey. Qodobka amniga, Madashu waxay sheegtay in madaxweynaha uu weli sii wado inuu hay’adaha amniga dalka u adeegsado hadafyo siyaasadeed, intuu uu shacabka uga difaaci lahaa kuwa halista ku ah jiritaanka iyo qarannimada dalka. Qodobka Xiriirka dowlad goboleedyada iyo Somaliland, Madashu waxay madaxweynaha ku eedeeysay inuu weli sii wado inuu xasilooni-darro ka abuuro maamullada dalka sida Jubaland, iyo Puntland oo uu maal-geliyey kacdoon ka dhaca dowladda halkaas ka jirta, burburinta Galmudug, iyo HirShabelle iyo Koonfur Galbeed oo uu adeegsanayo “adeegayaal” uu gaystay intii uu shacabka uga ogolaan lahaa inay doortaan kuwa matala. Dhanka Somaliland ayey Madashu sheegtay inuu guddiga wada-hadallada kusoo daray shakhsiyaad ku eedeysan inay xubin ka ahaayeen dowladdii Siyaad Barre oo loo haysto xasuuqii shacabka Somaliland. Dhammaan qodobada kor ku xusan ayay Madashu sheegtay inay caddeyn u yihiin in Farmaajo aysan daacad ka ahayn heshiiska iyo wada-hadalladii hore balse uu doonayey kaliya inuu ku muuqaal dhisto isuguna ekeysiiyo inuu leeyahay hoggaan wanaagsan. Madasha ayaa shuruud ka dhigtay in si wada-hadallada dib loogu furo ay qasab tahay in madaxweynaha uu shaaciyo qodobadii hore, islamarkaana si rasmi ah u fuliyo.
  18. The International Monetary Fund’s executive board has approved a financing plan that will help the IMF cover its share of debt relief for Somalia, IMF Managing Director Kristalina Georgieva said in a statement on Wednesday. The financing plan includes cash grants from member countries and IMF internal resources, she said, without providing any further details of the financing package. Those funds will be used to clear Somalia’s arrears to the IMF. “This marks a critical step in helping Somalia advance the process of normalizing relations with the international community and making progress toward achieving debt relief under the Heavily-Indebted Poor Country (HIPC) initiative,” Georgieva said. A decision unlocking debt relief could come as soon as members provided the necessary financial commitments, assuming Somalia’s government continued its strong reform efforts, she added, without giving a specific date. The African nation has about $5 billion in external debt, accounting for about 100% of its GDP, which the Fund has declared to be unsustainable. Somali’s finance minister, Abdirahman Duale Beileh, welcomed the news in a posting on Twitter, adding, “We are grateful to all partners for their continued support in our journey to debt cancellation. We will march on with economic reforms.” Beileh in October cited positive discussions with the United States, Somalia’s biggest creditor, Britain and others during the IMF/World Bank annual meetings, and said he expected a decision in favor of debt relief in February. Georgieva on Wednesday described debt relief for Somalia was as a priority for the Fund and said she was encouraged by the support of IMF members on the issue. Debt relief would “help unlock significant new financial resources to address Somalia’s large development needs and poverty reduction,” she said. View the full article
  19. Dalladda Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA, ayaa walaac ka muujisay xarigga ay dowladda Puntland ku samaysay nabaddoonno iyo siyaasiin mudda ku dhow 30 cisho ku xiran xabsiga magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha PUNSAA, Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran), ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay liddi’ ku tahay Xorriyatul-Qawlka sida uu qabo qodobka 13-aad ee Dastuurka Puntland iyo Mabaa’iida Dimoquraadiyadda ku dhisan ee Puntland. Dalladda PUNSAA, ayaa dowladda Puntland ugu baaqday, in ay xorriyaddooda dib ugu soo celiso ama maxkamad sharci ah la horgeeyo, odayaasha iyo siyaasiyiinta ku xiran magaalada Boosaaso, iyadoo la ixtiraamayo ku dhaqanka Dastuurka Puntland. Sidoo kale, Dalladda ayaa ugu baaqday dhammaan bulsho weynta Puntland, in ay ilaaliyaan Nabadda, Xasilloonida, Midnimada iyo Kala-dambaynta, waxaana ay ku talisay in cid kasta oo tabasho ah qabta ay u marto si waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland. PUNTLAND POST The post PUNSAA oo walaac ka muujisay xariga Nabadoono iyo Siyaasiyiin ku xiran Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  20. Xubnaha ku midaysan Beesha Caalamka war ka soo saaray Hannaanka Doorashooyinka Soomaaliya ee sannadka 2021-ka. Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay labada Gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, in mudada ka harsan sannadkan 2019, ay ku dhameystiraan Sharciga Doorashooyinka Qaran, islamarkaana dib u-eegis ku sameeyaan Xeerka Axsaabta Siyaasadeed ee dalka. Xubnaha Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ku baaqay Doorashada madaxtinimada dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ku qabsoonto wakhtigeeda Rasmiga ah ee ku beegan dhammaadka 2020-ka ilaa bilowga 2021-da, iyagoo ka digay in ay mudda kororsi sameeyaan Golayaasha Xeer-dejinta iyo Fulinta dowladda Federaalka. Hoos ka akhriso qodobada Beesha Caalamka 1- In la tixgeliyo dastuurka. 2- In la xaqiijiyo doorashada federalka lagu qabto waqtigii loo qorsheeyay oo ah dhamaadka 2020ka ama bilowga 2021da,iyadoo aysan jiri doonin wax muddo kordhin ah ha noqoto Fulinta ama Sharci dejinta”Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka”. 3- In la xaqiijiyo in dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay helaan wakiilo. 4- In dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay awood u helaan inay si toos ah u soo doortaan wakiiladooda iyadoo doorashaduna noqonayso “qof iyo cod”. 5- In door ku yeeshaan xisbiyada siyaasada doorashooyinka. 6-In la damaanad qaado ugu yaraan boqolkiiba soddon wakiilo u taagan haweenka. 7-In la suurtogeliyo in dhammaan laga qeybgalo sida dadka gudaha ku barakacay.”IDPS”. 8- Dhammaan dhinacyada siyaasada ay wada taageeraan kana qeyb ahaadaan. 9-In la awoodo suurtogelinta hufnaan iyo ammaanba, si loo soo jiito dhaqaale ku filan. 10- Natiijada soo baxda ay noqotaa mid lagu doorto hogaamiyeyaal sharciyad haystaa. 11 – Oo Ilaalinaya muddo xileedka Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-da appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (SMN) – War-saxaafadeed ay soo saartay Agaaismaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva ayay ku bogaadisay habka deyn cafinta Soomaaliya iyo sida uu ku socdo. Agaasimaha ayaa war-saxaafadeedka soo saartay markii ay ansixisiyeen Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka IMF ee xirmada maaliyadeed ee Soomaaliya. “Maanta, Guddiga fulinta hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) wuxuu meel mariyey qorshe maaliyadeed oo Gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya, qorshahan wuxuu ku tiirsan yahay dedaal ballaaran oo Caalami ah, oo ku saleysan xubnaha kaalmooyinka Lacageed ee ay bixiyaan iyo qoondo laga helayo ilaha gudaha” ayay ku tiri,Mss, Georgieva, war-saxaafadeedkeeda. Agaasimaha ayaa sheegtay in ay tani muujineyso muhiimadda ah in Soomaaliya laga caawiyo in ay tallaabbo u qaaddo kusoo noqoshada hannaanka caadiga ah ee xiriirka dhaqaalaha Caalamiga iyo horumar laga sameeyo deyn dhaafka, iyadoo loo marayo hal abuurka deyn cafinta Waddamada faqriga ah (HIPC). “Cafinta deymaha Soomaaliya waa mid ka mid ah waxyaabaha horutabinta u leh hay’adda Lacagta Adduunka, waxaan dhiirri-galinayaa teegaarada ka imaanaysa xubnaha muhiimka u ah arinkan garoowshahooda ah in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha si waafaqsan barnaamijka kooxda la socodka hay’adda Lacagta Adduunka (SMP). Kristalina Georgieva, ayaa sheegtay in barta go’aan qaadashada hal-abuurka deyn cafiska Waddamada faqriga ah uu billaabanayo qorshihiisa sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xubnaha bixiyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah deyn cafinta. Waxanay sheegtay in ay filayso in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay sii wadaan habaynta dhaqaalaha, taas oo caawin karta furista Il-dhaqaale oo uu Dalku ku gaaro horumar ballaaran iyo in la yareeyo sabool-nimada. View the full article
  22. Hoggaanka Madasha la baxday Xisbiyada Qaran ee ka dhisan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu bur-buray heshiiskii ay kula jireen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, mar dambena aysan wada-hadallo kale la geli doonin madaxweynaha. Heshiiskaasi ayaa la sheegay, in ay dhinacyadu gaareen 20-kii November kadib kulan Villa Somalia ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh oo ka wakil ahaa Madasha. Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran, oo ku taariikheysan 18-ka December, ayaa ku eedeeyey madaxweynaha in uusan daacad ka ahayn wada-hadallada, uuna heshiiskii hore jebiyey” Waxyaabaha ay Madashu ku eedeysay madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah in uu sii wado inuu shacabka u diido xuquuqdooda aas-aasiga ah ee hadalka iyo dhaq-dhaqaaqa. Qoraalka ayaa sidoo kale madaxweynaha ku eedeeyey In uu sii wado u adeegsiga hay’adaha amniga federaalka raadinta hadafyo siyaasadeed oo hooseeya. Madasha Xisbiyada Qaran waxay sidoo kale madaxweyne Farmajao ku eedeeysay, inuu rabshado iyo xasillooni darro aan loo baahneyn ka wada maamul goboleedyada dalka, isaga oo maal-gelinaya kacdoono ka dhan ah dowlado la doortay, sida hadalka loo dhigay. Arrimaha doorashooyinka, ayey Madashu sheegtay, “in madaxweynaha uu weli sii wado taageerista qorshihiisa doorashooyinka 2020/21 ee ka baxsan dastuurka”. Madashu ma aysan faah-faahin waxa uu yahay qorshahaas. Dhammaan qodobadaas ayay Madashu sheegtay inay jebinayaan heshiisyadii horey loo gaaray, ayna muujinayaan in madaxweynaha uusan daacad ka ahayn inuu xal la gaaro dhinacyada saameynta ku leh siyaasadda dalka. Madasha ayaa ugu dambeyn shuruud ka dhigtay, in si wada-hadallada dib loogu furo ay doonayaan in madaxweynaha dhankiisa ka shaaciyo qodobada heshiiskii hore, islamarkaana uu fuliyo. Halkaan ka akhriso qoraalka Madasha PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada oo sheegtay in uu buray Heshiis ay kula jireen madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (SMN) – Beelihii dhowaan ku dagaallamay Bariga Gobolka Mudug ayaa gaaray heshiis lagu soo Af-jarayo colaaddi halkaasi kasoo cusboonaatay dhowaan. Heshiiskan oo laga soo saaray qodobbo saldhig u ah deris wanaagga Labada Beelood ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21-aad. Odayaasha iyo wax-garadka Labada dhinac ayaa ku heshiiyay Shanta qodob ee hoos ku qoran, si loo dhameeyo colaadda Beelihii halkaasi ku dagaallamay dhowaan. In la dhiso Ciidamo isku dhaf ah In la Magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood, In si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah In Qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto? Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degaanadaas ayaa kor meeray Dhamaan Meelihii laga kala qaaday Ciidanka Beelaha Ddagaalamay. Heshiiskan ayaa ku yimid dadaal ay sameeyeen Ciidamada qalabka sida iyo xalka Odayaasha deegaanka oo udub dhexaad u ah in nabadan la gaaro. View the full article
  24. Guddiga Farsamada ee maamul u dhisidda Galmudug ayaa soo saaray jadwalka cusub ee dhismaha iyo doorashada maamulka iyadoo jadwalkii hore uu suurtogal noqon waayay. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug ay dhici doonto 9ka bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2020ka. Jadwalkan ayaa lagu sheegay in 19-ka ilaa 23-ka December la xaqiijin doono odayaasha dhaqanka iyo xalinta khilaafyada, iyada oo xulista xidlhibaanada ay socon doonto 24-ka ilaa 30-ka December. Hoos ka akhriso jadwalka PUNTLAND POST The post Jadwalka Doorashada Galmudug oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/warka-duhur-19122019.mp3 View the full article