Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,044
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa Gen. Richard Otto u soo magacowday inuu noqdo taliyaha cusub ciidamada ka jooga gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee AMISOM. Taliyaha cusub oo xilka la wareegay, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Xalane ayaa bedalay, Michael Kabango oo sanadihii la soo dhaafay hayey xilkaasi. Gen. Richard Otto oo leh khibarado kala duwan ayaa 2013-kiia soo noqday madaxa howlgallada ee xarunta dhexe ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM. Sidoo kale wuxuu wax ku soo bartay dalka Ruushka, isaga oo ku qaatay tababar aad u sarreeya oo dhinaca milatariga iyo ciidamada. Gen. Otto oo ka hadlay xafladda uu xilka kula wareegay ayaa sheegay in halkeeda uu ka sii wadi doono shaqada, islamarkaana uu xoojin doono dagaalka Al-Shabaab. Uganda ayaa ah dalka ugu badan oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu tahay illaa 6,000 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.
  2. Wasiirka wasaradda shaqada shaqaalaha dhalin yarada iyo ciyaaraha Dowladda puntland ayaa goob joog ka noqday doorashada Gudoonka dhalin yarada Gobolka Mudug. Waxaa lagu qabtay hoolka madaxtooyadda gobolka Mudug doorasho si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagu dooranaayey hogaanka dhalin yarada gobolka mudug, waxana Gudoomiye iyo ku xigeen loo doortay Cabdiqani Cosmaan iyo Haashim Cabdilaahi. Doorashadan oo ay Goob joog ahaayeen Wasiirka Arimaha gudaha iyo dimuquradiyadda, xildhibaan Cabdiwali, gudoomiyaha gobolka Mudug, Duqa degmada Gaalkacayo, gudoomiyaha degmada buur salax, Agaasimaha madaxtooyada, Xisaabiyaha madaxtooyada Nabadoon yasiin Cabdi samad, iyo Haldoorka Gobolka Mudug. Ugu Danbayntii, Wasiirka wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalin yarada iyo ciyaaraha Mudane Jaamac Faarax muuse ayaa hadalo dhiri galin iyo Dardaaran ah u jeediyey dhalin yaradda Gobolka mudug iyo hogaan kooda cusub ay doorteen. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Dhalinyarada gobolka Mudug oo Hoggaan cusub doortay appeared first on Puntland Post.
  3. Taliye cusub oo dowladda Uganda u soo magacowday ciidankeeda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka-ah AMISOM, ayaa shalay si rasmiya xilka ula wareegay. Warbixin lagu daabacay bogga AMISOM ayaa in Gen. Richard Otto uu si rasmiya ula wareegay Taliska Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya, waxaana uu Taliska kala wareegay Gen. Michael Kabango oo xilkaasi horay u hayay. Warbixinta AMISOM waxaa lagu sheegay in munaasabad kooban oo ka qabsoontay Xerada Xalane uu Hoggaanka Taliska Ciidanka Uganda kula wareegay Gen. Gen. Richard Otto. Taliyaha cusub ayaa ballan-qaaday in uu sida ay tahay uga soo bixi doono waajibaadka loo igmaday, isagoo ka mahadceliyay Shaqada uu qabtay Taliyihii ka horreeyay ee xilka ku wareejiyay. PUNTLAND POST The post Taliye cusub oo la wareegay Hoggaanka Ciidanka Uganda ee AMISOM appeared first on Puntland Post.
  4. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirada Maaliyadda dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta shir uga furmayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland. Shirka ayaa looga hadlayaa midaynta Hannaanka Maaliyadeed ee dalka, gaar ahaanna midaynta Nidaamka Canshuurah heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed. Sidoo kale Shirka waxaa looga hadli doonaan Barnaamijka Deyn-cafinta Soomaaliya, waxaana shirar midkan lamid ah ay horay uga soo qabsoomeen Ethiopia, Uganda iyo Kenya. Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo jimcihii shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa maanta furaya shirkaasi. PUNTLAND POST The post Shirka midaynta Hannaanka Maaliyadda dalka oo Kismaayo ka furmaya appeared first on Puntland Post.
  5. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca dadweynaha iyo mid kale oo ah kuwa qaada xamuulka. Ugu yaraan hal qof oo ahaa Kirishboygii gaariga Hoomeyga ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 kale oo isku qoys ahaa, kuwaas oo la dhigay isbitaalka Bayaan ee deegaanka Ceelasha Biyaha. Dr Feysal Cabdi Xaaji oo ka mid ah howlwadeena isbitaalkaasi ayaa Shabelle uga warbixiyey shilkaan, wuxuuna sheegay in dhaawacyada qaar ay yihiin kuwa daran. Inta badan shilalka ka dhaca waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa loo sababeeyaa burburka jidkaasi, inkastoo hadda dib u dhis lagu bilaabay. View the full article
  6. Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni oo kulan gaar ah magaalada Garoowe kula qaadanayey odayaasha dhaqanka maamulkaasi ayaa tilmaamay in markasta oo doorasho ay soo dhowdahay ay dhacaan dagaallo, sida uu sheegay la siyaasadeynayo. Deni ayaa soo hadal qaaday dagaal dhowaan beelo walaalo ah ku dhexmaray deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee bariga gobolka Mudug, halkaas oo ay ku dhinteen dad fara badan, wuxuuna sheegay in colaadaasi ay lug ku lahaayeen siyaasiyiin leh dano gaar ah. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in Somalliland ay qeyb ka tahay dhibaatada heysata dalka, maadaama ay dooneyso sida uu sheegay in ay la goosato gobollo ka mid ah Somaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ccc.mp3 View the full article
  7. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu u dhexeeyey ciidamada Liyuu Boolis ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo sidoo kale maleeshiyaad deegaanka ah. Cali Cumar Yuusuf oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in dagaalka uu ka dhashay, kadib markii ciidanka Liyuu Booliska ay isku dayeen inay barakiciyaan dadka ku dhaqan deegaanada Neef Ku Ceshay, Laascaanood, Ceel-Baxay, Booran-Cad, kuwaas oo dhaca xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka ay ku dhinteen saddex ruux, kuna dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo la geeyey degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Dhanka kale Cali Cumar Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay socdaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaalkaasi, kuwaas oo ay wadaan waxgaradka deegaanka, Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in xiisada haatan ay soo faragaliyeen ciidamada federaalka ee dowladdda Itoobiya. Xaaladda ayaa hadda dagan, balse waxaa weli is horfadhiya ciidanka labada dhinac, iyadoona laga cabsi qabo in markale uu dagaal ka qarxo halkaasi. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-20122019-sax-1.mp3 View the full article
  9. Jowhar (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaal xoogan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka oo ka dhashay weerar dhaba gal ahaa oo ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ay tababartay dowladda Turkiga uu ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee gobolkaasi. Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay Idaacadda Andaluus ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku qabsadeen hub iyo sidoo kale gaari gaashaaman oo Taaw ah. Sidoo kale sarkaalkaan ayaa tilmaamay in hubka iyo gaariga ay qabsadeen uu ahaa kuwii uu Turkiga dhawaan siiyay ciidamada Soomaaliya ee uu soo tababaray. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab laguma shaacin khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda federaalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay khasaaro xoog leh aarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay ka qabsadeen tuulada Ceelgub oo saldhig u aheyd muddo fog dagaalyahannada kooxdaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishaan oo uu horkacayo taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka, Genaral Maxamed Cali Bariise ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalladooda, inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanada ay ka heystaan gobolka Shabeelaha Dhexe. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan degmada Cadale, waxaana dhowaan halkaasi gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Dagaalyahannada Al-Shabaab oo iyana ku xoogan dhulkaasi ayaa sameeyey dhaq dhaqaaq cusub, si ay uga hortagaan howlgalka cusub ee ciidamada dowladda.
  10. Sisters Sumaya and Fadumo Hassan help callers manage their experiences with bullying, anti-Islam sentiment and issues of identity Source: Hiiraan Online
  11. Somali and South Sudanese refugees in living in Kenya’s sprawling Dadaab refugee camp say they need greater freedom of movement and more consistent support from donors if they are to establish new lives. Source: Hiiraan Online
  12. On Dec. 2, Capital Ethiopia reported that Ethiopia is preparing to establish a naval base at the southern entrance to the Red Sea, which is considered the first to be based on the coast of Djibouti Source: Hiiraan Online
  13. The United States this week delivered 54 new Humvees to Djibouti as part of a $31-million train-and-equip military partnership between the countries. Source: Hiiraan Online
  14. MOSCOW/ANKARA (Reuters) - President Tayyip Erdogan said on Friday that Turkey will not stay silent over Russian-backed mercenaries supporting Khalifa Haftar in Libya Source: Hiiraan Online
  15. The “Somalia Upstream Fiscal and Regulatory Guide” report has been added to ResearchAndMarkets.com’s offering Source: Hiiraan Online
  16. NASHVILLE, Tenn. (AP) — Fartun Abdi last saw her father face-to-face when she was about 1 year old living in Somalia, just before her family separated to flee fighting in the country. Source: Hiiraan Online
  17. Mandhera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa xuduudda Soomaaliya iyo Kenya ka billowday dhismaha xeryo lagu tababarayo maleeshiyo beeleed la sheegay inay daacad u yihiin maamulka Jubaland, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo. Gudoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha bulashada ee gobalka Gedo Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi ayaa sheegay in ciidamadan cusub loogu talo-galay in la wareegaan gacan ku heynta deegaanada dowladda Soomaaliya ay ka maamusho gobalka Gedo. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii inta badan degmooyinka gobolka Gedo ay ka baxeen gacanta Axmed Madoobe, ayada oo maamulkii iyo ciidamadii joogay ay u goosteen dhanka dowladda. Maleeshiyada hadda ay Kenya ku tababareyso xuduudda, ayaa sida uu sheegay Axmed Barre, laga soo ururiyey deegaano ka tirsan goballada Gedo iyo Jubba Hoose, waxaana lagu tababarayaa xeryo ciidan oo laga sameeyey duleedka magaalada Mandheera iyo degamada Ceel-waaq. Maleeshiyadan ayaa la sheegay ay tababarayaan saraakiil kKnyaati ah oo aan ka tirsaneyn ciidamada Amisom, qeybta Kenya. Mas’uuliyiinta gobalka Gedo ayaa walaac ka muujiyey ciidan beeleedkan oo ay ku tilmaameen tallaabo abuureysa qalqal amni-darro iyo iska horkeen bulsho, waxayna dowladda federaalka ugu baaqeen inay si deg deg ay arrintaasi uga hor-tagto. Dhaq-dhaqaaqaan cusub ee ciidamadda dowladda Kenya ayaa ku soo aaday xili uu khilaaf xoogan ka taagan yahay maamullada degmooyinka gobalka Gedo oo qaarkood ay soo gaareen magaalada Muqdisho, oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta dowladda. Axmed Madoobe ayaa horey xilalka uga qaaday xubnihii u goostay dhanka dowladda, hase yeeshee waa ay ku gacan seereen. Hoos ka dhageyso codka gudoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha bulashada ee gobalka Gedo Axmed Barre Sheekh Cabdullaahi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/12/Gedo.mp3
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, C/Casiis Xasan Maxamed [Lafta-Gareen] ayaa qarxiyay dagaal siyaasadeed qabyaaladeysan, to kaasoo ka socda baraha bulshada [Social Media]. Lafta-Gareen ayaa khudbad uu habeenkii Khamiista [December 19] ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 1aad ee kasoo wareegatay doorashadiisa kaga hadlay shacab Koonfur Galbeed kasoo jeeda oo lagu dilay Gaalkacyo. Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa ku eedeeyay Siyaasiyiinta Mucaaradka ee kasoo jeeda Gobollada Dhexe in si ay u daboolaan dadkiil lagu dilay Gaalkacyo ay warar been abuur ah ka faafiyaan maamulka uu hogaamiyo. Wuxuu xusay in Siyaasiyiinta mucaaradka ay hadal-qabsi ka dhigteen “xasuuq baa ka dhacay Baydhabo”, iyagoo doonaya inay ku xumeeyaan dowladda Federaalka, oo kaalin ku lahayd dhismaha maamulka hadda ka jira Koonfur Galbeed. “Iyagoon Baydhabo imaan ayay been ka sheegaan, ujeedada laga leeyahay waa inay dowladda ku xumeeyaan, waxaana ku jira dadkaasi kuwa kasoo jeeda degaanno lagu dilay dad u dhashay Koonfur Galbeed, mana xishoonayaan oo waxay qarinayaan dhiiga dadkii maalinta cad lagu xasuuqay Gaalkacyo,” ayuu yiri Lafta-Gareen. Hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka falceliyay siyaasiyiin iyo Xildhibaanno ay kamid yihiin Mahad Salaad iyo C/raxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kasoo jeeda degaanada Galmudug. “Madaxweyne Lafta Gareen **********tii Gaalkacyo dadka ku laayay ee dhamaanteen aan ka wada dhiidhinay. Si Ehelnimo, Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahna aan uga samafalnay hadii maanta uu nagu eedaynayo uuna leeyahay qabiil ayay ahaayeen waa nasiib daro aad u wayn. Gafna ku ah dadkeena,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook. Mahad Salaad waxaa si kulul ugu soo jawaabey C/fitaax Geesey, oo kasoo jeeda Koonfur Galbeedka, islamarkaana ay kawada tirsan yihiin Gollaha Shacabka, ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. “Xildhiban Mahad Salaad waan arkay wuxuu qoray laakin waan wacay si Mar kale aan u hubiyo wuxuu qoray iyo siduu iila hadlay waa is lahaayen xildhiban ka haduu raali gelin deg deg ah ka bixin waayo Isla hada waxaa subaxa Berito ah fadhiga baarlaman ka ka gudbin doonaa moshin ka dhan ah kadibna guddiga anshaxa ayaa la marinayaa si waafaqsan sharciga iyo xeer hoosadka golaha shacabka si looga qaado talaabo waafaqsan dembiga uu galay. Fiiro Gaar waxaan ka dalbanayaa dhamaan xubnaha KG ee baarlaman ka iyo inta samaha jecel ee soomaaliyed iney meel kaga soo wada jeestan arrintan,” ayuu yiri Geesey. Dagaalka baraha Bulshada ka socda, waxaa sidoo kale kusoo biiray Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Aadan Isxaaq oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka Mahad Salaad. “Ma garan karo xaasidnimo iyo uur xumo ka wayn inay jirto in bulsho soomaaliyeed lagu tilmaamo in ay dhamaantooda argagixiso yihiin, inagoo og sida arxan darada ah ay argagixisada shabab u xasuuqeen ummada soomaaliyeed iyagoo aanan u kala saarin saqiir iyo ciroole,” ayuu isna ku yiri qoraal uu Facebook soo dhigay. Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur ayaa isna jawaab ka bixiyay hadalka Lafta-Gareen, isagoo sheegay in falkii ka dhacay Gaalkacyo ay geysteen ******** beeleed, islamarkaana uu ahaa “fal danbiyeed waxshinimo leh”. “Dadkii lagu laayey 13-kii December 2018 Baydhabo waxaa ka qayb qaatay ciidanka Itoobiya iyo kuwa Federaalka ah. Amarkana waxaa bixiyey Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale Roobow iyo dadkii kale ee la xiray amarka xoriyadda looga qaaday waxaa lahaa Farmaajo,” ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur. Wuxuu intaasi raaciyay: “Walaalkey C/casiis Lafta-Gareen, xilligaas xil ma haynin, isaguna amarka dadka lagu laayey ma dhiibin, laakiin kursi dhiig leh ayuu meesha ka qaatay. Ma aha in uu daboolo ama dafiro shacabkii la xasuuqay iyo kuwa xorriyadda laga qaaday ee xabsiga ku jira, ee waa in uu ka shaqeeyaa mag dhaw, dib u heshiisiin, iyo in uu xoriyaddooda u soo celiyo dadka xiran”. Dadka qaar ayaa ku tilmaamay hadalada xanafta leh ee baraha bulshada isku dhaafsanayaan siyaasiyiinta, qaarkood xilal qaran haya mid damqinaya boogo hore, oo bogsanayay, ayna ahayd inay ka fogaadaan adeegsiga qabiilka xilligan oo dalku kasoo kabanayo dagaal sokeeye. Xigasho: Garowe Online
  19. Hebron (Caasimada Online) – Maxbuus Rizk Bahaa Ali Al-Haroub oo 35 jir ayaa waxaa loo dhalay wiil kadib markii shahwadiisa uu si qarsoodi ah uga soo dhiibay xabsi ay ku hayaan Yahuudda, kadibna lagu beeray xaaskiisa. Al-Haroub oo kasoo jeeda magaalada Hebron ee Daanta Galbeed ayaa waxaa la xiray toban sano ka hor, waxaana uu ku xukuman yahay xabsi daa’in, oo rajo lagama qabo in lasii daayo. Xaaska Al-Haroub oo dhowr bilood ka hor lagu beeray ilmaha ayaa ugu dambeyn umushay asbuucan, ayada oo dhashay wiil, kaasi oo sawirradiisa ay la wadaagtay caalamka. Maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay haystaan Yahuudda ayaa sanadihii dhowaa waxay si qarsoodi ah shahwo uga soo dhiibayeen xabsiyada. Badankood ayaa ah kuwa ku xukuman xabsiyo sanado badan ah ama xabsi da’ain. Ilaalada xabsiyada Yahuudda ayaa marar badan isku dayey inay ka hor-tagaan in si qarsoodi ah shahwada looga soo saaro xabsiyada, waxayna qaadeen tallaabooyin dhowr ah, balse waa ay ku guul-darreysteen inay ka hor-tagaan. Sida ay shaacisay Xarunta Daraasaadka Maxaabiista Falastiiniyiinta, 50 caruur ayaa ku dhashay shahwo si qarsoodi ah ay maxaabiis usoo dhiibeen oo kadibna lagu shubay xaasaskooda. Maxaabiista badankood ayaa sidan u samaynaya in maadaama aysan dib usoo baxeyn ay dhallaan caruur sii wadda halganka iyo jihaadka lagu xoreynayo dhulka Falastiin. Waxay sidoo kale tani ay tahay farriin Yahuudda loogu sheegayo in si kasta oo ay u xiraan ama u dilaan, aysan marnaba shacabka Falastiin tirmi doonin.
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle, oo ay wehliyaan xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubaland. Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale oo gollaha wasiiradda Jubbaland ka tirsan ayaa si diiran garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigan ugu soo dhaweeyay. Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah wasiirro ka socda dowlad goboleedyada dalka gaar ahaan wasaaradaha maaliyada. Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda Soomaaliya, kaas oo ay dhammaan goob joog yihiin wasaaradaha maaliyada Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasaaradda maaliyada Soomaaliya. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah sidii loo hagaajin lahaa nidaamka maaliyadda maamul goboleedyada dalka, taasi oo qeyb ka ah shuruudaha deyn-cafinta Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaan wax xiriir ah la lahayn maamulka Jubaland, ayada oo madaxweyne Farmaajo uusan aqoonsaneyn madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe. Si kastaba, Soomaaliya ayaa rajeyneysa in bisha Febraayo ee 2020 laga cafiyo deymaha lagu leeyahay, waxaana si taas ay u dhacdo qasab ah inay arrimaha maaliyadda ka wada-shaqeeyaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
  21. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jamce ahayd qado sharaf ugu sameeyay deegaanka Jibigalle ee duleedka Garowe, qaar ka mid ah hoggaanka dhaqanka ee gobolka Bari oo maalmahan ku sugnaa Garowe. Kulanka qadada waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee dowladda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, hoggaan dhaqan, Ganacsato iyo marti sharaf kale. Isimadan ayaa maalmihii la soo dhaafay Garowe u joogay sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii u dhaxeeyey dowaladda iyo shirkadda PDG oo qaabilsan adeega iyo saadka ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa 15-kii bishii la soo dhaafay ee November ku guulestay in ay xaliyaan xiisad ka taagnayd magaalada Boosaaso oo u dhaxeysay madaxda PDG iyo dowladda, waxayna magaalada ka saareen ciidamo xoog ku soo galay oo isugu jiray daraawiish gadoodsan iyo maleeshiyo beeleed oo hoggaaminayey Ciise Yulux, sidoo kale waxay dowladdu ka codsadeen in shirkadda PDG ay siiwado shaqada. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa 25 bishii November Dubai u aaday arrintan iyo sidii uu mas’uuliyiinta Imaraadka Carabta ugu qancin lahaa, in ay sii wadaan qandaraaska Shirkadda PDG oo qaabilsan adeega iyo saadka ciidanka Badda Puntland ee PMPF. Madaxweyne Deni ayaa markii uu ka soo laabtay safarkii Imaaraadka la kulmay isimada Bari, iyagoo kawada hadlay arrintaas, waxaana wararku sheegayaan in xal kama dambeys ah laga gaaray. Ugu dambeyna Madaxweyne Deni ayaa maanta xaflad sagootin ah u sameeyey isimadii ka yimid gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo shaqo sharaf u sameeyey isimadii galay xiisadii Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  22. Wasiirka wasaaradda maaliyada DFS Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta gaaray dowlad goboleedka Jubbaland. Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale oo gollaha wasiiradda Jubbaland ka tirsan ayaa si diiran garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigan ugu soo dhaweeyay. Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda Soomaaliya kaas oo ay dhammaan goob joog yihiin wasaaradaha maaliyada Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasaaradda maaliyada DFS. Waxaa xusid mudan in dowladda federaalka aaney aqoonsaneyn Axmed Madoobe laakin ay la dhaqanto xukuumadiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Madaxweynaha Dowlada puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan Qado ah la yeeshay Isimada iyo Waxgaradka Gobolka Bari, Duleedka aGarowe ayuu Madaxweynuhu kula kulmay Waxgaradka. Kulanka [...] Source