Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa goordhow uu qarax ka dhacay bar kontorool uu ku taalo isgoyska Sayidka ee bartamaha Magaalada Muqdisho. Qof Goobjooge oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inuu qaraxu ahaa gaari isla markaana uu ka dhacay goob dad badan joogeen. Goobta waxaa ku sugan hey’adaha amniga oo waxaa socdo baaris iyo gawaariga gargaarka oo khasaaraha qaadaya. Hey’adaha gargaarka oo aan la hadalnay waxaa ay sheegeen in khasaare dhan walbo ah uu jiro balse aaney sheegi karin tiro. Goobta uu qaraxu ka dhacay horey ayey qaraxyo kale uga dhaceen, waa xarunta wasaaradda arrimaha gudaha, amniga, golaha shacabka iyo xarumo kale oo dowladeed. Wararkan kala soso halkan. Source: goobjoog.com
  2. Doyaarad Rakaab oo ay leedahay Shirkada Diyaaradaha Ukrain ayaa saaka oo arbaco ah ku burburtay meel aan ka fogayn Garoonka Diyaaradaha Imaam Khumaini Internatioan Tehran [...] Source
  3. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo lala beegsaday Control ay halkaasi ku leeyihiin ciidamada dowladda. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac,waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Xaaladda ayaa sidoo kale kacsan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay isku geedaamay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya. View the full article
  4. In ka badan 170 ruux ayaa ku dhintay, kadib markii ay burburtay diyaarad laga leeyahay waddanka Ukraine daqiiqo kadib markii ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Imam Khomeini oo ku yaalla magaalada Tehran ee caasimadda waddanka Iran. Diyaaradda oo nooceedu yahay Boeing 737, ayaa sidday 176 ruux , kuwaasi oo 167 kamid ah ay Rakaab ahaayeen, halka 9-ka kalena ay shaqaale ahaayeen, waxaana ay ku sii jeeday caasimadda Waddanka Ukraine Kiev. Madaxweynaha waddanka Ukraine, Volodymyr Zelenskiy oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin, in dhammaan ay geeriyoodeen Rakaabkii iyo Shaqaalihii saarnaa Diyaaradda burburtay, isagoo tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku dhintay shilkaasi. Dowladda Iran ayaa dhankeeda shaacisay in Rakaabkii iyo Shaqaalihii saarnaa Diyaaradda burburtay la rumaysan yahay in ay wada-dhinteen, waxaana ay xustay in cillad farsamo, ay wajahday Diyaaradda daqiiqado kadib markii ay ka kacday Garoonka Diyaaradaha Imam Khomeini ee magaalada Tehran. PUNTLAND POST The post In ka badan 170 ruux oo ku dhintay Diyaarad ku dhacday dalka Iran appeared first on Puntland Post.
  5. Shirkadda SpaceX ayaa cirka u dirtay Isniintii gelinkii danbe 60 satellite isku mar iyada oo isticmaalaysay duuliyaha dayax kacmeedyada ee Falcon 9, kaas oo shirkaddu ay u adeegsato inay dayax kacmeedyada (satellites) cirka ugu dirto. Horey waxaa shirkaddu hawada u gelisay in ka badan 140 dayax kacmeedyo ka mid ah Starlink, isla markaasnay ay doonayso inay shirkaddu noqoto tan ugu weyn aduunka ee bixisa Internet ku salaysan dayax kacmeedka (Satellite Internet Broadband). Tiro dayax kacmeedyo marka hawada loo diro iyaga oo la doonayo inay wada shaqeeyaan waxaa loo yaqaan satellite Constellations, hada shirkadda Starlink ee SpaceX waxay hawada gelisay in ka badan 180 satellite, kuwaas oo ay doonayso inay gaarsiiso in ka badan 12,000 oo satellite mudada dhow. SpaceX waxaa assaasay sanadkii 2002 Elon Musk waxaana hada u shaqeeya in ka badan 7,000 oo shaqaale waxay degan tahay California, waana shirkadda keliya ee si khaas ah loo leeyahay ee dayax kacmeedyada cirka u dirta. Arimaha ku saabsan in la helo Internet ka yimaada dayax kacmeedyo, ayaa ah mid hadda tartan badan loogu jiro iyada oo la rumaysan yahay in ay tahay habka keliya ee lagu gaarsiin karo internet ka caalamka oo dhan ama qof walba iyo meel kasta oo aduunka ka mid ah. Hadda waxaa jira dhawr shirkadood oo iyagu hawada u diray dayax kacmeedyo tiro ah iyo kuwa doonaya inay dhowaan hawada geliyaan kuwooda. Waxaa ka mid ah shirkadaha kale ee aan xusi karno waxaa kamid ah Planet Labs oo hawada gelisay 150 satellite ahna shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka, halka sidoo kale shirkad kale oo laga leeyahay dalka Ingiriiska lana dhaho OneWeb inay doonayso iyaduna hawada sanadkan u dirto in ka badan 650 satellite si ay u bixiso satellite internet broadband. Sidoo kale shirkadda Amazon ayaa doonaysa inay iyaduna hawada geliso 3,000 oo satellite si ay satellite internet uga qayb qaadato. Shirkadda Starlink ee SpaceX ayaa sheegaysa inay doonayso in bishan Janaayo 2020 dhexdeeda ay hawada u dirayso ilaa 120 satellite oo kale kuwaas oo hawada loo gelin doono 60 satellite markiiba. Shirkaddu waxay doonaysa in tirada satellite ee ay doonayso inay hawada geliso ay gaari doonaan ugu danbeyn in ka badan 40,000 (afartan kun oo dayax kacmeed) si markaas caalamka oo dhan u helaan internet. Qolyaha cilmiga hawada iyo cirka (Astronomical scientists) ayaa cabasho ka muujiyey in dayac kacmeedyadan bini’aadamku sameeyey ay la socodka hawada iyo cirka khalkhal gelinayaan iyaga oo ku eedaynaya in dayac kacmeedyadan macmilka ah (artificial Satellites) ay aragga habeenkii ee cirka iyo daawashadooda tashuush ku abuurayaan. Balse SpaceX waxay sheegtay in satellite yada ay dirayso aysan waxbadan muuqanayn mar hadey gaaraan meeshii loogu talo galay inay wareegaan (orbital distance). Akhristow ogow, si internetka dayax gacmeedka ka imanaya meel kasta loo gaarsiiyo ama loo isticmaalo waxaa loo baahanaya in la helo qalab soo gudbiya internetka oo dhulka meelo badan oo ka mid ah lagu rakibo sida taallooyin iyo anteenooyin qofka dhulka jooga u soo gudbiya internetka iwm. SpaceX waxay sheegaysaa inay sanadkan dhexdiisa bilaabi doonto in meelo kala duwan oo caalamka ah internetka ka imanaya dayax kacmeedyadeeda la isticmaali doono. SpaceX waxay qandaraas balaaran oo ku kacaya bilyaaro doolar ka haysataa dawladda Maraykanka hay’adda u qaabilsan dayax kacmeedyada ee NASA, iyada oo cirka u dirta satelliteska ay dawladda Maraykanku hawada geliso iyo weliba u adeegidda dayax gacmeedka caalamiga (International Space Station) iwm. Siyaad Cali Yuusuf The post SpaceX oo cirka u dirtay 60 satalite oo horleh appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa ka dhacay isgoyska sayidka oo uu ku yaallo Control laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, islamarkaana uu geystay khasaare kala duwan. Gaadiidka gurmad deg dega ah ee Ambalaasta ayaa haatan ku sii qul qulaya meesha uu qaraxu ka dhacay, waxaana sidoo kale isku hareereeyey ciidamada dowladda. Xaaladda ayaa kacsan, iyadoona uu socdo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Faah faahinta kala soco: caasimada.net
  7. Ilaa saddex ruux ayaa inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay qarax goor dhoweyd ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada muqdisho, halkaasi oo lagu baaro gaadiidka aada xarunta madaxtooyada Villa Somalia. Gaariga Qarxay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa gaadiid saf ugu jiray in la baaro, si loo hubiyo meesha uu ka yimid, cidda saaran, halka uu ku socdo iyo alaabta uu sido. Jugta qaraxa oo ay weheliso uuro iyo qiiq hawada isku shareeray ayaa laga arkay goobta qaraxaasi ka dhacay ee kantaroolka laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Villa Somalia. Wararku waxay sheegayaan, in sidoo kale qaraxu uu burbur xooggan gaarsiiyay qaar kamid ah gaadiidkii safka kula jiray, inkastoo aan weli si faahfaahsan xog looga helin khasaarihiisa. PUNTLAND POST The post Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  8. Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meelgaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa Xalay ka dhacay shil murugo leh kasoo ahaa Dab ay ku geeriyoodeen Aabe [...] Source
  9. Maanta oo Arbaco ah kuna beegan 08 01 2020 waxaa jira kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulanka Golaha Shacabka ayaa waxaaa uu Ajanduhu yahay Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Jaangooynta iyo Tayo Dhawrka. Sharcigaan ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ayaana sheegay in sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya. View the full article
  10. Madaxweyanaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khadka isgaarsiinta kula hadlay Madaxweyanaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmuudg, Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo haatan abuul siyaasdeed oo ka dhan ah dhismaha maamulkaasi ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ilo wareedyo lagu Kalsoon yahay ayaa Shabelle u sheegay in Madaxweynha Soomaaliya uu Xaaf ka dalbaday joojinta ololaha siyaasadeed ee uu ka wado magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dhankiisa Madaxweyne Xaaf uu dowladdaweydiistay in 20 xildhibaan laga siiyo baarlamaanka cusub ee Galmudug, sida Ahlu Sunna. Dhinaca kale waxaa Gaalkacyo ka socdo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidamo ka taabacsan Xaaf iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqda inuu ka baxay heshiiskii uu la galay dowlada federaalka ee ku aadanaa dhismaha maamulkaasi. View the full article
  11. MOGADISHU (HOL) - A bomb explosion has gone off at a check point near Lower House building in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  12. Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab khasaare nafeed geystay oo xalay ka kacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday guri ay daganaayeen qoys ka koobnaa Aabe, Hooyo iyo labo wiil oo ay dhaleen. Wararka ayaa sheegaya in la awoodi waayey in la damiyo dambkaasi, waxaana ku dhintay Aabaha qoyska oo lagu magacaabi jiray, Sheekh Cumar iyo labadiisii wiil oo da’adooda lagu kala sheegay 8 sano jir iyo 10 sano jir. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay dabka ay ka badbaaday hooyada qoyskaasi oo Xaamilo aheyd, taas oo hadda dhaawac ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dabka ayaa waxaa la sheegay in uu yimid, kadib markii uu qabsaday Shidaal yaalay guriga gubtay. Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta looga hortagi waayey faafinta dabkaasi ayaa ah, kadib markii la waayey gaadiidkii gurmadka deg dega ee dab-damiska. Dhacdadaan ayaa murugo xanuun badan ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan kuwii dariska lahaa qoyska ku gubtay dabkaasi.
  13. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-subax-08012020sx.mp3 View the full article
  14. Wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa xaqiijisay in Iran ay ilaa 10 gantaal xalay ku garaacday, laba saldhig oo uu millatariga Mareykanka ku leeyahay gudaha waddanka Ciraaq. Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka, ayaa sheegtay in gantaallada baalistiga lagu garaacay saldhigyada al-Assad iyo Irbil ee ciidamada cirka Mareykanka. Dhinaca kale, bayaan kasoo baxay Ciidamada Ilaalada kacaanka Iran, ayaa lagu sheegay in uu si guul ah ku dhamaaday weerar ay sheegeen in ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraq. Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay, in duqeyntaasi loogu aargudayay jeneraal Qassem Soleimani, oo ay todobaadki hore Mareykanka ku dileen duqeyn cirka ah, xilli uu marayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Baghdad. Labada dhinac midkoodna weli kama hadal, khasaaraha ka dhashay gantaalaha, ay Iran ku garaacday saldhigyada Maraykanka ee gudaha dalka Ciraaq, balse Pentagon-ka ayaa sheegaya in ay weli qiimaynayaan haddii khasaare jiro. PUNTLAND POST The post Iran oo gantaalo ku garaacday saldhiyada Maraykanka ee gudaha dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.
  15. Mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankiisi caadiga ahaa ku yeelanaya xaruntiisa magaalada Muqdisho. Kulanka maanta ee mudanayaasha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ku saabsan Akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Jaangooynta iyo Tayo Dhawrka ee dalka. Hindisaha Sharcigaasi ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana wasaaraddu sheegtay in sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay Ganacsiga Waddanka. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo ka doodaya Hindise Sharciyeedka Tayo Dhawrka appeared first on Puntland Post.
  16. A Ugandan national was on Tuesday sentenced to 30 years in prison after he was found guilty of involvement in terror activities. Source: Hiiraan Online
  17. Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) has reached out to farmers in Somaliland with an agricultural development project. Source: Hiiraan Online
  18. A passenger plane carrying at least 170 people bound for the Ukrainian capital Kiev has crashed a few minutes after taking off from Tehran’s main international airport. Source: Hiiraan Online
  19. Dowladda Australia oo dileysa 10-kun oo geel ah+Sababta Maanta oo Arbaca ah, dowladda dalka Australia ayaa bilaabeysa dilka 10-kun oo geel ah kuwaas oo biyaha ka dhammeeyay xilli ay dalkaasi ka socoto musiibo dab. Geelaan la dilayo ayaa ku sugan koonfurta dalka Australia, halkaas oo ay ka socoto musiibadda dalka oo geystay khasaare laxaad leh. Dhibaato kale ayuu geelaan duur-joogta ah sidoo kale ku hayaa dadka ku nool deegaanada uu ku sugan yahay, waxaana uu biyo usoo doontaa xaafadana maadaama dalkaasi uu iminka ka taagan yahay roob iyo biyo yari. Geelaan ayaa duulaan kusoo qaada xaafadana, waxaana uu jajabiyaa gurya isagoo baadi-goobaya biyo, waxaana ka cabanaya dadka oo ka codsaday dowladda in ay ka qabato. Leynta geelaan ayay dowladdu u adeegsan doontaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay saaran yihiin shiish-yahanno ku xeeldheer ugaarsiga duur-joogta. Dalka Australia ayaa waxaa ku nool boqollaal kun oo geel duur-joog ah kuwaas oo waqti hore dalkaasi la geeyay, xilli alaabo loogo rartay, looguna adeegsan jiray gaadiid dalkaasi. Qaran News
  20. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu ka feejigan yahay weerar kaga yimaada Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre, ka dib markii uu mucaaraday joogitaankiisa Magaalada Dhuusamareeb iyo dhabaha loo marayo dhismaha Galmudug. Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo Khamiistii gaaray Magaalada Gaalkacyo ayaa ka bilaabay kulamo uu ku dardar-gelinayo barnaamijkiisa uu ku sheegay inuu ku soo dhisayo Galmudug loo dhan yahay. Xuhno ku dhow Xaaf ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu ka war helay ciidan la sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu ka soo diray Magaalada Dhuusamareeb, si ay u soo xiraan, iyadoona uu ciidan uruursi ka sameeyay Magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa Isniintii Magaalada Gaalkacyo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Galmudug ee magaaladaasi ku sugan, waxaana uu ka dalbaday in la difaaco, haddii weerar uu kaga yimaado Magaalada Dhuusamareeb. Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa Magaalada Gaalkacyo ka abaabulay maleeshiyaad ku heyb ah, kuwaa oo uu u diyaariyay inay u jilbo laabtaan, haddii hujuumka la tuhunsan yahay uu soo wajaho. Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidan xoogan lagu arkaayo wadooyinka soo gala dhismaha uu Madaxweynuhu ka degan yahay Xarunta Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo. Nabadoon Cabdi Wardheere oo ka mid ahaa Odayaal Dhaqameedyo Magaalada Gaalkacyo kaga qaybgalay kulan lagu taageeraayay mowqifka uu Madaxweynuhu kaga soo horjeestay kaalinta dowladda ee ku aadan dhismaha Galmudug ayaa sheegay in reer Mudugu uu difaaci doono, weerar kasta oo xukuumadda kaga yimaada. Nabadoon Cabdi Wardheere ayaa tilmaamay in dadka reer Mudug ay ka maqan yihiin doorashada ka socota Magaalada Dhuusamareeb, Xaaf-na uu doonayo in la dhiso Galmudug ay dadkeeda u dhan yihiin. Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in xukuumadda ay door-bidi doonto inay ka shaqayso, sidii ay u fashilin laheyd dhaqdhaqaaqa uu Xaaf ka wado Magaalada Gaalkacyo, bedelkii weerar toos ah lagu qaadi lahaa. Reer Galmudug ayaa kuu sheegaya in diidmada Xaaf ee waxa ka socda Dhuusamareeb ay xoojisay khilaafka markii horeba wiiqay habsami socodka dhismaha Galmudug.
  21. With applause from a loud, passionate crowd Beltrami County on Tuesday, Jan. 7, became the first local government unit in Minnesota, and possibly the country, to refuse refugee resettlements. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Cumar Yuusuf ayaa kamid noqday tobanaanka Soomaalida ah ee wax ku noqday falkii foosha xumaa ee 28-kii December, 2019, ka dhacay isgoyska Ex-kontarool Afgooye ee Muqdisho. Yuusuf, oo kamid ah dadka ka shaqeysta dhismaha guryaha ee loo yaqaano Fuundiga, ayaa abaare 7:30 PM kasoo baxay hoyga ay ka degan yihiin degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka caasimadda Soomaaliya. Nasiib daro, isagoo maalintaas qorshihiisu ahaa in uu shaqeeyo lacag uu ku kaabo qoyskiisa oo uu u ahaa qofka kaliya ee u dhaq-dhaqaaqa, wuxuu la kulmay xasuuqaas. Sidda ay shaacisay Dowladda, 79 ruux ayaa ku naf-waayey falkaas oo Al-Shabaab ay sheegatay, waxaana badankooda ay ahaayeen arday iyo shacab, iyaddoo dhaawaca uu ka badan yahay 100. Ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa tilmaamay in hadafkoodu ahaa kolanyo Turki ah oo meesha maraysey. Ugu yaraan laba ajaaniib ayaa ku dhimatay qaraxa. Isagoo u waramaya Talafishinka Somali Cable, Axmed oo kamid ah bukaanada wali la il-daran dhacdadaas ayaa dib u celiyey xusuustiisa maalintaas. “Iyadoo dhibaatadaas aan la kulmay cid i qaada ayaan waayey,” ayuu yiri, isagoo ku daray “Isbitaal Madiina ayaa lii geeyay hal saac ayaan tuugaayey ‘halii daaweeyo’ hal saac ayaan tuugaayey”. “Miyir-beelay” Aabbe Cumar, oo “miyir-beelay” markii ay soo gaartay akhbaarta dhaawaca wiilkiisa, ayaa dalbaday in laga caawiyo sidii wiilkiisa u heli lahaa daryeel caafimaad, maadaama “xaaladiisu kasii dareyso”. Sidda laga dheehan karo muuqaalo laga soo duubay, Axmed ayaa weerarkaas is-miidaaminta ah ku waayey mid kamid ah lugahiisa. “Maadaama aanan lacag haysan, waan soo lugeeyay. Intii ay dhexda kusoo jiray ayaa la isoo wacay waxaan ku dhahay ‘waan soo lugeynayaan isuga’ ileen meesha [Isbitaalka] jeebkaaga [lacagta] ayaa xukunta,” ayuu xusay. “Faquuq” Dhaawacyadda wax ku noqday qaraxaas qaarkood waxaa loo qaadey Turkiga iyo Qadar. Shaqadda daabulista waxaa maamulayey Guddi uu magacaabay ra’iisul wasaare Khayre. Sidda ku cad dukumiintiyo aan aragnay, dhaawacyadda la qaaday ayaa la liis-gareeyay habeen kahor maalinta qaaditaankooda, waxaana lagu soo xulay sidda ay xaaladooda u liidato. Inta lagu guda jiray wareysiga, Axmed ayaa sheegay in uu kamid noqday dadka liiska lagu daray balse “faquuq” looga reebay safarka dibadda. Ma cadda halka loo qaadi lahaa Turkiga ama Qadar. “Anigoo been kuu sheegayn, waan kamid ahaa, waliba qofka 3aad ee la qoray ayaan ahaa,” ayuu ku adkeystay, isagoo tibaaxay “markii ay yimaadeen si jees-jees ah ayay ii dhinac-mareen”. Ma jiraan dhinacyo madax banaan oo xaqiijinaya eedeynta Axmed, wallow mas’uuliyiintu diideen in ay ka jawaabaan arrintaan. Wuxuu raaciyey: “Qof kamid ah shaqaalaha isbitaalka Madiina ayaa hal saac ku tuugayey ‘war ninkaan qaada’ waxay dhaheen ‘ma qaadeyno [wuu soo urayaa]’, jees-jees ayay iigu dhinac mareen”. “Dhakhaatiirta, ‘see tahay’ way iigu imaan waayeen, lugtii way iska sii urtay,” ayuu Axmed kusoo afjaray, isagoo muujiyey in uu ku qanacsan yahay qadarta ALLE balse uu aad uga xun yahay qaabka loola dhaqmay. Hoos ka daawo sheekada Axmed Xigasho: Garowe Online