Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jawaab ka bixiyey dalabyadii shalay kasoo baxay beesha caalamka ee ku saabsanaa doorashooyinka Soomaaliya ee 2020,21. War-Saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa guddiga kusoo bandhigay lix qodob oo quseeya doorashooyinka. Hoos ks aqriso war-saxaafadeedka oo dhan. Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu ka mahadcelinayaa taageerada beesha caalamka iyo ka go’naanta ay u muujiyaan inay garab istaagaan Guddiga iyo howlgalka doorashada. Guddigu wuxuu caddaynayaa in uu diyaariyay howlaha farsamo ee muhiimka u ah u diyaar garawga hirgelinta doorashada. Wuxuu guddigu rajaynayaa in arrimaha muhiimka u ah doorashada lala garab istaago sida diyaarinta miisaaniyadda doorashada, sugidda amniga goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta, Dhamaystirka sharciyada lagama maarmaanka ah gaar ahaan sharciga doorashooyinka in Golaha Shacabku ansixiyo waqtigii lagu ballamay si uu saldhig ugu noqdo qabya tirka xeerarka doorasho ee na horyaal. Guddigu wuxuu rajaynayaa in nidaamka doorasho ee ku soo baxa sharciga uu noqdo mid la fulin karo isla mar ahaantaana tixgelin gaar ah la siiyo arrimahan soo socda marka go’aan laga gaarayo nooca doorashada iyo nooca diiwangelinta ee la ansixinayo: In nooca doorashada la waafajiyo mabaadida Dastuurka JFS, iyo Sharciga Axsaabta In hirgelintiisu ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta ka qaybgalaya doorashada (tartame iyo codbixiye). In aan GMDQ la saarin mas’uuliyad fulinteedu adagtahay sida soo saaridda habraaca astaynta deegaan doorashada iyo dhowrista qoondada dumarka. In nooca doorasho uusan horseedin khilaaf iyo dagaal, ilaaliyana midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. In uu ilaaliyo xaquuqda dhallinyarada, dadka baahiyaha gaar ah qaba iyo dadka aan hadda baarlamaanka metelaad ku lahyn. In GMDQ la siiyo fursad uu ku xulan karo nooca diiwangelinta codbixiyaha haddii uu arko in uu la jaanqaadi karo duruufaha ku xeeran ama saamaynta ku yeelan kara hawlaha doorashada. Ugu dambayn waxaan codsanaynaa in Guddiga lagu garab istaago waajibaadkiisa dastuuriga ah, lana siiyo tixgelin duruufaha uu ku shaqaynayo.
  2. Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale waxay ugu baaqday shirkadaha isgaarsiinta in ay isku furaan telefoonadooda. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Eng Cabdi Canshuur, ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu dhaqan-gelinayo arrintaas. Sidda laga soo xigtay wasiirka, waxaa haatan socda wada hadalo dhabaha loogu xaarayo sidii loo fulin lahaa qorshahaas. Mr Canshuur ayaa ka dhawaajiyey in shirkadaha ay wada-xaajoodyadda soo gaba gabeyn doonan dhamaadka bishaan December ee sanadkan. Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa tilmaamay in kaliya hal shirkad ay ka harsan tahay in ay ogolaato in telefoonada dalka leysku furo ayna ogolaadeen kuwa kale. Hoos ka dhageyso codka wasiirka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/DF.mp3 View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray dhismaha xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir ee degmada Shangaani. Xarigjarka kadib ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir waxa ay kormeer ku sameeyen xafiiskayada kala duwan ee xarunta dhallinyarada iyado oo munaadabadani goob joog ka ahaayeen xildhibaano iyo wasiiro katirsan DFS iyo boqolaal kamid ah dhallinyara ka kala socotay qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho. Xaruntani ayuu maamulka gobolka Banaadir ugu talagalay in dhallinyarada Caasimada ay kusoo gudbiyaan afkaartooda ku aadan horumarinta dalka iyo sidoo kale in dhallinrada ay helaan madal ay ku kulmaan. Guddooomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamud Makaraan ayaa ka warbixiyay hirgalinta xarunta I. Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo fursadaha wax ku oolka ah ee dhallinyarada lagu dhiiragalinaayo. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa jawaab ka bixiyey hadal uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen si dadban ugu weeraray siyaasiyiinta kasoo jeedda beesha Habar-Gidir ee mucaaradka ku ah dowladda. Lafta-gareen oo ka hadlay Baydhaba ayaa yiri ““Siyaasiyiinta mucaaradka, iyaga oo aan imaan Baydhabo ayay been ka sheegaan, waxaana u jeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay inay dowladda ku xumeeyaan, waxaa ku jira dadkaas kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer Koonfur Galbeed ah, gaar ahaan Gaalkacyo mana ahan kuwa xishoonaaya.” Mahad Salaad ayaa qoraal hadalkaas jawaab u ah oo soo dhigay facebook, ku yiri “Waxaan dhagaystay khudbad xalay magaalada Baydhabo uu ka jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Abdicasiis Lafta Gareen uuna leeyahay reer Galmudug ayaa xasuuq noo geystay, isaga oo tusaale u soo qaatay dhacdadii Gaalkacyo ka dhacday dhowr bilood kahor.” Waxa uu intaas ku daray “Madaxweyne Lafta Gareen **********tii Gaalkacyo dadka ku laayay ee dhamaanteen aan ka wada dhiidhinay. Si Ehelnimo, Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahna aan uga samafalnay hadii maanta uu nagu eedaynayo uuna leeyahay qabiil ayay ahaayeen waa nasiib daro aad u wayn. Gafna ku ah dadkeena!” “Waxaan kuu sheegayaa Madaxweynow, hadii **********ka Gaalkacyo dadka ku laayay qabiil ahaan aad noo xijinayso adigana midka Alshabaabka ah ee maalin walba dadkeena ku xasuuqaya magaalada Mogadishu isku qabiil ayaad tihiin ee mas’uuliyadiisa adiguna qaado!” ayuu yiri Mahad Salaad. “Ugu danbeyntii Madaxweyne Lafta Gareenow waxaan ku leeyahay “**********ka iyo Alshabaabka dhiigya cabka ah isku qaanad ayay ku jiraan ee yaan la qabiilayn ama qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ha qaado”!
  5. Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku hadlay hadalo qabyaaladaysan. Madaxweyne Laftagreen oo xalay ka hadlay munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii la doortay oo ka dhacday Baydhabo ayaa sheegay in maalin walba uu maqlo dad caadeystay inay been ka sheegaan maamulka Koonfur-galbeed, isla markaana sheega in uu xasuuq ka dhacay Baydhabo, dadkaasna ay ku jiraan kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer koonfur-galbeed ah . “Siyaasiyiinta mucaaradka, iyaga oo aan imaan Baydhabo ayay been ka sheegaan, waxaana u jeedada ugu weyn ee laga leeyahay tahay in ay dowladda ku xumeeyaan, waxaa ku jira dadkaas kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer koonfur-galbeed ah gaar ahaan Gaalkacyo mana ahan kuwa xishoonaya” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen. Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur-galbeed ayaa sheegay in siyaasiyiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee hadaladaas maalin walba sheega aysan u dul qaadan doonin kana aqbaleyn, iyaga oo qarinaya dadkii reer Koonfur-galbeed ee lagu dilay Gaalkacyo. Madaxweyne Laftagareen waxaa hadalkaas uga jawaabay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka soo jeeda Galmudug, sidoo kalena ka tirsan xisbiyada mucaaradka. Wuxuuna qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Madaxweyne Laftagareen uu **********tii Gaalkacyo dadka ku laayay nagu eedeeyo ama qabiil ku eedeeyo ay tahay nasiib daro aad u wayn iyo gaf. “Madaxweyne Lafta-gareen **********tii Gaalkacyo dadka ku laayay ee dhamaanteen aan ka wada dhiidhinay, si Ehelnimo, Islaamnimo iyo Soomaalinimo ahna aan uga samafalnay hadii maanta uu nagu eedaynayo uuna leeyahay qabiil ayay ahaayeen waa nasiib daro aad u wayn, gafna ku ah dadkeena” ayuu yiri Mahad Salaad. Sidoo kale waxaa uu sheegay in **********ka iyo Al-shabaabka dhiigya cabka ah ay isku qaanad ku jiraan ee aan la qabiilayn ama hadii kale qolo waliba midka ku abtirsada xumaantiisa ay qaado. “Waxaan kuu sheegayaa Madaxweynow, hadii **********ka Gaalkacyo dadka ku laayay qabiil ahaan aad noo xijinayso adigana midka Al-shabaabka ah ee maalin walba dadkeena ku xasuuqaya magaalada Mogadisho isku qabiil ayaad tihiin ee mas’uuliyadiisa adiguna qaado”. ayuu yiri Mahad Salaad. Sanadihii ugu dambeeyey waxaa Koonfurta Soomaaliya ku soo badanayey siyaasiyiinta qabyaalad hadla, iyadoo qabyaaladuna ay tahay mida Soomaaliya halkaas dhigtay. PUNTLAND POST The post Laftagareen iyo Mahad Salaad oo qabyaalad hadlay appeared first on Puntland Post.
  6. Waxaa Saacadihii lasoo dhaafay ka billowday Magaalada Dhuusamareeb xaraynta Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha Baarlamaanka Galmudug, si loo dhiso maamul loo dhan yahay. Munaasabad lagu Daah-furayay xaraynta Odayaasha oo xalay lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madax kale. Guddiga farsamada maamul u samaynta Galmudug ayaa soo saaray hab-raaca doorashada, waxaana la xaqiijiyay Odayaasha dhaqanka ee ah Saxiixayaasha ka ah dhismaha maamulka loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug. Hannaanka dhismaha Galmudug loo dhan yahay ayaa haatan maraya meel gabo-gaba ah, waxana door weyn ku leh dar-dar gelinta howlaha maamulka Guddiga farsamada iyo Wasaarada arrimaha gudaha ee Soomaaliya. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, kadib socdaalkiisii uu ku tagay Dalalka Qatar iyo Swizerland. Ra’iisul Wasaaraha oo socdaalkiisa ka billaabay Qatar ayaa 14-15 Deseembar Dooxa uga qayb galay Madasha Dooxa, waxuuna ka jeediyay khudab uu uga hadlay horumarka Soomaaliya ka jira iyo doorka ganacsatada ee dib-u-dhiska Dalka. Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa intii uu Dooxa joogay waxuu kulamo la qaatay dhiggiisa Qatar iyo xoghayaha maaliyadda Mareykanka. Ra’iisul Wasaaraha oo Desembar 16, 2019, lagu soo dhoweeyay Geneva, ayaa Deseembar 17-18, 2019 waxuu ka qayb galay madasha Qaxootiga Adduunka oo markii ugu horresay Sanadkaan la qabtay, waxuuna ka jeedyay khudbad uu uga hadlay xaaladda Qaxootiga Adduunka iyo sida ay muhiim u tahay in la isaga kaashado horumarinta nolosha Qaxootiga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxuu kulamo la qaatay Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, Wasiirka arrimaha dibadda Sweden iyo Agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga Adduunka,Axel van Trotsenburg. View the full article
  8. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-201219.mp3 View the full article
  9. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Jamce ah dib ugu soo laabtay dalka, kadib socdaalkiisii dalalka Qadar iyo Swizerland. Ra’iisul Wasaare Khayre oo socdaalkiisa ka billaabay Qadar ayaa 14-15 Deseembar Dooxa uga qayb galay Madasha Dooxa, waxuuna ka jeediyay khudab uu uga hadlay horumarka Soomaaliya ka jira iyo dowrka ganacsatada ee dib-u-dhiska dalka. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu magaaalada Dooxa u joogay ka qayb galka madasha Dooxa waxuu kulamo la qaatay dhiggiisa Qadar iyo xoghayaha Maaliyadda Mareykanka. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Deseembar 16, 2019, lagu soo dhaweeyay Geneva, ayaa Deseembar 17-18, 2019 waxuu ka qayb galay madasha qaxootiga adduunka oo markii ugu horresay sanadkaan la qabtay, waxuuna ka jeedyay khudbad uu uga hadlay xaaladda qaxootiga adduunka iyo sida ay muhiim u tahay in la isaga kaashado horumarinta nolosha qaxootiga Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa intii uu joogay Geneva waxuu kulamo la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, wasiirka arrimaha dibadda Sweden iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka Axel van Trotsenburg. PUNTLAND POST The post Khayre oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. A Chinese Long March 4B rocket (CZ-4B) today blasted off into space carrying onboard Ethiopia’s first remote sensing satellite, ETRSS-1, at 03:21 GMT from the Taiyuan Satellite Launch Center in China. Source: Hiiraan Online
  11. Four construction workers were Tuesday abducted by an unknown number of suspected Al-Shabaab militants in Wel Garas area in Wajir County. Source: Hiiraan Online
  12. The Somali government said late Thursday that its forces had killed 15 al-Shabaab militants who were planning to carry out attacks on military bases in the country’s Lower Juba region. Source: Hiiraan Online
  13. A Uganda People's Defence Forces (UPDF) contingent in Somalia has received a new commander. Source: Hiiraan Online
  14. Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the unlawful closure of the privately-owned independent City FM radio in Jowhar and the brief detention of its journalists by Hirshabelle police on Thursday 19 December, 2019. Source: Hiiraan Online
  15. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay howlaha dhismaha Galmudug oo ay dowladda Soomaaliya ka wado Magaalada Dhuusamareeb, isaga oo ka digey in doorasho khalalaaso keenta ay ka dhacdo Galmudug. Waare ayaa sheegay in waqti badan ay qaadatay in Maamul loo dhan yahay laga dhiso deegaannada Galmudug, hayeeshee ay muhiimn tahay in la dhiso doorasho loo dhan yahay oo aan dhibaato ka dhalan lana musuq maasuqin. “Maamulka nala deriska ah ee Galmudug dhismihiisa foosha ayaa ku daahday tusaalaha koonfur Galbeed qaata, waxaana leeyahay dowladda halkaas yeysan ka dhicin doorasho khalalaaso ka dhasha oo la isku fahmi waayo ayuu yiri” Madaxweyne Waare. Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka in Maamul Goboleedyada wadashaqyenta la leh ee Koonfur Galbeed iyo hir-Shabelle oo kale uu noqdo Maamulka loo dhisayo Galmudug si uu u dareemo dowladnimada. Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1aad ee markii loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee C/Casiis laftagareen oo lagu qabtay Baydhabo.
  16. Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa in ay ciidamo dheeraad ah u soo daabushay xadka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadda ay su’aallo waydiinayaa dadka shacabka ah iyo gaadiidka maraya halkaas. Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in talaabadan ay ka dambeysay kadib xogo sirdoon oo ay heleen. Macluumaadka mukhaabaraadka ayaa muujinaya in xoogaga Al-Shabaab ay weeraro culus qorsheynayaan. Ciidamadda ay Kenya soo dhoobtay sohdinta ayaa ah kuwa dagaalama waxa uu reer Galbeedka ugu yeero argagixiso. View the full article
  17. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo Xalay ka qeybgalay xaflad soo dhaweyn ah oo uu guddiga farsamada Maamul u dhisidda Galmudug u sameeyey odayaasha soo xulayo Xildhibaanada Maamulkaas ayaa codsi u gudbiyey odayaasha. Wasiir Sabriye ayaa odayaasha hortooda ka caddeeyey inay Dowladda Soomaaliya 20 Xildhibaan siisay maamulka Ahlu Sunna si loo soo afjaro khilaaf muddo badan hareeyey dhismaha Maamulka Galmudug. Wasiirka ayaa odayaasha soo xulayo Xildhibaanada Galmudug u sheegay inay xisaabta ku darsadaan 20-ka XIldhibaan ee la siiyey Ahlu Sunna taasoo la ogeysiiyey Beesha Caalamka sida uu hadalka u dhigay. “Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug ha saxiixaan 20 Xildhibaan ee Ahlusunna,yeysan idin eersanin ka hor wareega dalabkaas waa idinka codsaneynaaye” ayuu yiri Wasiir Sabriye. Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadayo xilli Xalay lasoo saaray jadwalka hanaanka Doorashada Galmudug, iyadoo 9-ka January ee sanadka cusub loo asteeyey inay dhacdo doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa halka 4-ta January ay dhici doonto Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka. Waraaq dhawaan kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey inay Dowladda Soomaaliya Ahlu Sunna siisay 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug si meesha looga saaro tabashada Ahlu Sunna oo sabab u aheyd in Al-Shabaab laga xoreeyo Dhuusamareeb iyo Guriceel.
  18. Muqdisho (SMN) – Saaxiibadda Caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saarey doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21. Warka qoraalka ah ayaa ugu horeyn lagu codsaday in doorashooyinka ay waqtigooda ku dhacaan isla markaana aysan imaan kororsi. Beesha Caalamka ayaa sheegtay in doorashadda soo aadan ay muhiim tahay in ay noqoto mid ku dhacda qaab nabad ah oo aamin ah. Guddiga doorashooyinka ayay u balanqaadeen in ay kala shaqeyn doonan sidii uu u fulin lahaa waajibaadka ayna siinayaa taageero. Ugu dambeyntii, baarlamaanka federaalka ah ayay ku booriyeen in uu meelmariyo sharciga doorashooyinka dhamaadka sanadkan 2019-ka. View the full article
  19. Baydhabo (SMN) – Munaasabad si heer ah loosoo agaasimay oo lagu qabtay Baydhabo ayaa loogu dabaaldegay sanad-guurada koowaad ee doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen. Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, xubno ka tirsan gudoonka Aqalka Hoose, wasiiro ka tirsan xukuumadda, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgashay. Lafta Gareen oo madasha ka hadlay ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisu wax badan ka qabtay waxbarashada iyo caafimaadka. Mas’uuliyiinta kale ee goobta hadal-jeedin ka sameysay ayaa qiray wax-qabadkiisa, iyaga oo ku tartarsiiyey in uu shaqada sii wado. Hoos ka daawo sawiradda View the full article
  20. Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in maalin walba uu maqlo dad caadeystay inay been ka sheegaan Maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana sheegaya in uu xasuuq ka dhacay Magaalada Baydhabo. Waxaa uu sheegay in maalin walba Siyaasiyiinta mucaaradka ah sida Xisbiyada ay ku mashquulaan Arrimaha Koonfur Galbeed, isla markaana dad aan la dilin ka been sheegaan,iyaga oo ku xumeynaya Dowladda Soomaaliya. “Siyaasiyiinta mucaaradka ,iyaga oo aan imaan Baydhabo ayay been ka sheegaan, waxana u jeedada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay inay dowladda ku xumeeyaan, waxaa ku jira dadkaas kuwa kasoo jeeda deegaano lagu dilay dad reer koonfur Galbeed ah gaar ahaan Gaalkacyo mana ahan kuwa xishoonaayo ayuu yiri” Laftagareen. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Siyaasiyiinta ku sugan Magaalada Muqdisho ee hadaladaas maalin walba sheega aysan u dul qaadan doonin kana aqbaleyn, iyaga oo qarinaya dadkii Reer Koonfur Galbeed oo Maalin cad lagu diley Gaalkacyo. Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) waxaa uu ka sheegay munaasabad loogu dabaal degayay sanad-guuradii 1aad ee markii loo doortay Madaxweynaha Maamulkaas oo lagu qabtay Baydhabo.
  21. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka subax. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-20122019.mp3 View the full article