Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,039
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia’s biggest sports stadium will open its doors in Mogadishu early next year. The Minister for youth and sports, Khadija Mohamed Diriye confirmed the news during a visit on the renovation project on Wednesday. The 65000-capacity facility was constructed by Chinese engineers in 1978 with help from the People’s Republic during President Siad Barre administration. “We are expecting FIFA approved turf, VIP chairs, and stadium clock in January to complete the renovation process.” The Minister said. The stadium was occupied by AMISOM peacekeepers before their vacation for renovation in October 2018. The reconstruction project is funded by the Norwegian government. The news comes amid the recent great performance by the Somali national team at the African cup of national qualifier as well as the CECAFA senior challenge cup. The ocean stars play their home games in Djibouti since the early 1990s due to the instability and poor sports facilities in the country but the reopening of Mogadishu stadium is expected to inject new blood into Somali sports. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa dhaweeyey Warbixintii ay soo saartay Kristalina Georgieva oo ah Agaasimaha maamulka IMF, taasi oo ku saabsaneyd meel marinta qorshaha maaliyadeed ee Soomaaliya. Wasiirka oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay muqdisho ayaa sheegay in Hay’adda IMF ay Soomalaiya aad ugala Shaqeysay qorshaha dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya, islamarkaana Soomaaliya ay heyso wadadii deynta looga cafin lahaa. “IMF aad iyo aad waxay nagala shaqeeyeen dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka, anagoona guulo muhiim ah ku gaarnay Barnaamijkooda dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka” ayuu yiri Beyle. Sidoo kale Wasiir Beyle waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay socdaan qorshaa lagu dar dargelinayo in Soomaaliya laga cafiyo deynta, taasna uu hirgalayo marka la gaaro Bisha labaad ee sanadka soo socda ee 2020. “Waxaan soo dhaweynayaa Warbixinta ay soo saartay Agaasimaha ug sareeysa IMF Kristalina Georgieva oo ay ku sheegtay in IMF-ta ay heshay Waddadii Soomaaliya Deynta looga Cafinlahaa iyagoo kaashanaya Beesha Caalamka. ” Sida warbixinta ku cad, anagana aan wada ogsoonahay, wali dadaalka inta hartay annaga ayay inoo taalaa in aan dhameystirno” ayuu yiri wasiir Bayle. Shalay ayey aheyd markii ugu horeeysay ee golaha wakiillada dalka mareekanku ansixiyeen cafinta deynta lagu leeyahay soomaaliya.
  3. Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhaweeyey warbixintii ay soo saartay hay’adda lacagta Adduunka (IMF), taas oo ahayd meel-marinta qorshaha Maaliyadeed ee Soomaaliya. Wasiir Beyle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hay’adda IMF ay Soomaaliya ay aad ugala shaqeysay qorshaha dib u habeynta Maaliyadda dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyey in uu socdo qorshe deynta Soomaaliya lagaga wada cafinayo bisha labaad ee sanadka soo socda 2020. Guddiga fulinta hay’adda lacagta Adduunka (IMF) ayaa shalay meelmariyey qorshe Maaliyadeed oo gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya. waxayna Kristalina Georgieva Agaasimaha hay’adaas oo shir jaraa’id qabatay bogaadisay habka deyn cafinta Soomaaliya iyo sida uu ku socdo. Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Wasiir Beyle. PUNTLAND POST The post Goorma ayaa deynta laga wada cafin doonaa Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Hargeysa kula kulmay wafti ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Belanga Martinez. Madaxtooyada Somalilnad ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray kulnaka Muuse Biixi iyo Safiir Nicolas Belanga Martinez, waxaana la sheegay in ay kawad hadleen rrimo dhowra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay bessha Caalmaku ku taageerto Somaliland. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Muuse Biixi uu sheegay xukuumadiisa ay ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka marka ay axsaabta isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo. Madaxweyne Muuse Biixi waxaa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, Ahmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Siciid Jaamac Cali, Wasiirka horumarinta Maaliyadda, Sacad Cali Shire, Wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Liibaan Yuusuf Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Ahmed, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Dhinaca kale waftiga safiirka Midawga Yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark. PUNTLAND POST The post Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo Hargeysa kula kulmay Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.
  5. Wajeer (Caasimadda Online) – Rag looga shakisan yahay dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa afar qof waxaa ay ka afdubteen duleedka Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya, sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation. Afarta qof ee la afduubtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen shaqaale dhisme oo howlgalayay magaalada Wajeer, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Bariga Wajeer Cumar Bijaa. Guddoomiye ku xigeenka Bariga Wajeer ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in shaqaalaha dhismaha ay wateen gaari dul banaan ah, islamarkaana ay dhisme ka wadeen waddada isku xirta Riba iyo Konton oo hoos taga Magaalada Wajeer. Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Bariga ayaa sheegay in darawalkii Gaariga uu ka baxsaday ragga afduubka geystay kaddib markii uu iska dhigay Nin Taleefan ku hadlaya kaddibna cagaha wac ka dayay. Mas’uuliyiinta u hadlay maamulka Wajeer ma sheegin in dadka la afduubtay ay ajaanib ku jirto ama Kenyaan kaliya yihiin. Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa iyaguna sheegtay in ay qafaasheen shaqaale Kenyaan ah iyo laba gaari oo midi Cagaf tahay kuwaas oo ay la galeen gudaha Soomaaliya.
  6. MOGADISHU (HOL) - The newly renovated Mogadishu Stadium which had until August 2018 served as AMISOM military base will reopen for sports use early next year, Sports Minister Khadija Diriye has said. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – General Maxamed Sheekh Cumar (Xirsiile), Taliyaha Xabsiga Dhexe Xamar ayaa waxaa uu ka hadlay shaqo joojinta uu ku sameeyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ka dib markii lagu eedeeyay in maxbuus xanuunsanaa uu ka soo saaray isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho. Afhayeenka Ciidanka Asluubta, G/sare Cabdikhani Maxamed Khaliif oo Arbacadii Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliska Asluubta uu shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Xabsiga Dhexe, lana magacaabay guddi baaritaan ku sameeya arrintaasi, dibna ay ugala soo wadaagi doonaan wixii ka soo baxa shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Qarankaba. Taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo tallaabada shaqada joojiyay, isla-markaana uu diyaar u yahay in uu sharciga wajaho, waa haddii wax khalad/dembi ah lagu helo. Taliyaha ayaa tilmaamay inuu ilaaliyay shuruucda Ciidamada Asluubta, isla-markaana uu si sharciya kula dhaqmay maxbuuska, isaga oo aan ogayn laga kaxeeyay Isbitaal Martiini, lana geeyay isbitaal kale oo gaar loo leeyahay. Taliyaha ayaa xusay marka ay xanuuno la soo dersaan maxaabiista in uu sharciga dhgayo in lagu daweeyo isbitaalada ay maamusho dowladda, oo aan la gayn karin isbitaalada kale ee gaarka loo leeyahay. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Xasan Kurtun Calasow ayaa wuxuu ku xukunaa sideed sano oo loogu xukumay fal burcadnimo. Taliyaha ayaana sheegay in uu ka hortagey in ninkaasi laga fakiyo gacanta sharciga. General Xirsiile ayaa warkan ku sheegay qoraal uu walaalkii ka soo xigtay, oo bulshada lagula wadaagay shabakadaha ay dadweynuhu ku wada xiriiraan. Dowladda Federaalka ayaa dhaliil xoogan kala kulantay dadka wax ku qora barraha bulshada, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in maxbuus xanuunsanaa loo diiday in lagu daweeyo isbitaal ka madaxbannaan kuwa dowladda.
  8. (SLT-Hargeysa)-Madaxda sare ee xisbiga KULMIYE ayaa ka hadlay kulan ay la yeesheen wafti ka socda beesha caalamka iyo arrimaha ay ka wada-hadleen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda DP World ayaa shaacisay inay kala shaqeynayso dugsiga Abaarso ee ku yaalla Caasimadda Hargeysa, si ay kor ugu qaado fursadaha waxbarasho ee day’arta Somaliland. Iskaashiga ay shirkadda DP World ay la yeelatay dugsiga Abaarso waxa ka qaybgalay Suhail Albanna oo ah Agaasimaha DP World u qaabilsan dalalka Bariga dhexe iyo Bariga Afrika. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin ay Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka Carabta ee WAM ay ka qortay deeqo waxbarasho oo ay iska kaashanayaan DP World iyo dugsiga Abaarso, waxana lagu sheegay war-saxaafadeed shirkaddu soo saartay in dugsiga Abaarso ee Sayniska iyo Tiknoolajiyadu uu yahay dugsiga kaliya ee Somaliland ku yaalla ee uu aqoonsaday Maraykanku. Waxa kaloo Shirkadda DP World ee Berbera ay intaas ku dartay in maalgelinayso toban arday oo wax ka baran doona muddo lix sannadood ah dugsiga Abaarso, waxana ay DP World xaqiijinaysaa in fursadaha tacliimeed ee dugsiga Abaarso u furan yahay ardayda reer Somaliland, iyadoo aan loo eegaynin awoodooda dhaqaale. Deeqda labaad oo sannadle ah waxa ay shirkadda DP World Berbera ay siinaysaa Siddeed Hablood oo ka soo jeeda gobolka Saaxil, kuwaasi oo ku biiraya Barwaaqo University oo ah Jaamacad uu furay dugsiga Abaarso sannadkii 2017kii isla markaana ah ta kaliya ee Boodhin ah oo hablaha u gaar ah ee ka jirta Somaliland. Deeqdan waxbarasho waxa ay shirkadda DP World tilmaantay inay ugu talogashay in hablahaasi ay ku soo noqdaan gobolka Saaxil, si wax kaalin uga qaataan horumarinta tayada waxbarashada gobolkaas. Suhail Albanna oo ah Agaasimaha DP World ee bariga dhexe iyo bariga Afrika,ayaa sheegay dugsiga abaarso ee xidhiidhka la leh Maraykanku uu wax ka tarayo horumarka iyo fursadaha waxbarasho ee ka jira Somaliland. Waxa kaloo uu xusay in hablaha ka soo baxa Jaamacadda Barwaaqo ay gobolka Saaxil ka caawin doonaan sidii looga hirgelin lahaa Berbera nidaamka caalamiga ah ee waxbarashada. Dugsiga Abaarso oo wakhtigan ay dhigtaan ardeyda fasallada 7 -12, Waxa ay hadda ka furtay Iskuulkeedii 1-aad ee Kaabe magaalada Hargeysa, kaasoo la qori doono ku dhawaad 700 oo arday. Iskuulka DP Berbera Kaabe wuxuu raacayaa nidaamkan ujeeddadiisu tahay inuu helo aqoonsiga Mareykanka. Dugsigan ayaa shaqaalaha DP World ee Berbera u saamixi doona fursad ay carruurtooda ugu helaan waxbarasho tayo sare leh halkii ay ugu diri lahaayeen dugsiyada boodhinnada. Source
  10. Kristalina Georgieva Agaaismaha maamulka IMF ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay kadib markii ay ansixisiyeen Guddiga Fulinta ee IMF ee xirmada maaliyadeed ee Soomaaliya: “Maanta Guddiga Fulinta Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) wuxuu meel mariyey qorshe maaliyadeed oo gacan ka geysanaya abaabulidda ilaha looga baahan yahay IMF si ay u qaadato doorkeeda deyn dhaafka Soomaaliya. Qorshahan wuxuu ku tiirsan yahay dadaal ballaaran oo caalami ah, oo ku saleysan xubinta kaalmooyinka lacageed iyo xaddiga laga helay ilaha gudaha ee IMF Managing “Tani waxay muujinaysaa muhiimadda In laga caawiyo Soomaaliya talaabo ay u qaado talaabo u qaadayso in laga caawiyo inay ku soo noqoshada hannaankii caadiga ahaa xiriirka caalamiga ah ee dhinaca dhaqaalaha iyo horumar laga sameeyo deyn dhaafka iyada oo loo marayo hal abuurka deyn cafinta wadammada faqriga(HIPC)”. “Cafinta deymaha Soomaaliya waa mid ka mid ah waxyaabaha horutabinta u leh Hey’adda Lacagta aduunka waxaan Dhiiri galinayaa teegaarada ka imaanaysa xubnaha muhiimka u ah arinkan garoowshahooda in Soomaaliya ay horumar la taban karo ka sameysay dib u habeynta dhaqaalaha si waafaqsan barnaamijka kooxda la socodka hey’adda lacagta aduunka (SMP)”. “Barta go’aan qaadasha hal abuurka deynta Cafinta wadamada faqriga ah (HIPC) wuu bilaabanayaa qorshihiisa sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay xubnaheenu na siiyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah deyn cafinta, waxaan filaynaa in masuuliyiintu sii wadaan dib u habeynta dhaqaalahooda tani waxay caawinaysaa furida ilaha dhaqaalaha si Soomaaliya u gaarto horumar balaaran iyo yareynta Afrika” ayay tiri Agaasimaha maamulka hey’adda lacagta aduunka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ku soo dhaweeyey Warasaxaafadeedka kasoo baxay Agaasimaha maamulka hey’ada lacagta adduunka, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ka go’an tahay in laga cafiyo deymaha lacageed ee lagu leeyahay. Source: goobjoog.com
  11. Af-barwaaqo (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Dhulka xooga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21 aad ayaa Goobjoog ka ahaa heshiiskaas oo lagu dhameynayo colaad ka taagneyd Degaannada Af-barwaaqo iyo Towfiiq oo dhaca Bariga Mudug. Odayaasha Labada dhinac ayaa Ku heshiiyay Shan qodob si loo dhameeyo Colaada labada Beelood,kuwaas oo kala ah. 1- In la dhiso Ciidamo isku dhaf ah 2- In la Magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood, 3- In si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah 4- In qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho 5- In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degaannadaas ayaa kormeeray dhammaan meelihii laga kala qaaday ciidanka Beelaha dagaallamay.
  12. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyada UCID Iyo WADDANI Oo Ka Hadlay Nuxurka Kulan Ay La Yeesheen Safiirada Beesha Caalamka, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Taliyaha Ciidanka Dhulka xooga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21 aad ayaa Goobjoog ka ahaa heshiiskaas oo lagu dhameynayo colaad ka taagneyd Degaannada Af-barwaaqo iyo Towfiiq oo dhaca Bariga Mudug. Odayaasha Labada dhinac ayaa Ku heshiiyay Shan qodob si loo dhameeyo Colaada labada Beelood,kuwaas oo kala ah. 1- In la dhiso Ciidamo isku dhaf ah 2- In la Magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood, 3- In si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah 4- In qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho 5- In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degaannadaas ayaa kormeeray dhammaan meelihii laga kala qaaday ciidanka Beelaha dagaallamay. Source: goobjoog.com
  14. Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha Maraykanka D. Trump. Madaxweyne Trump ayaa lagu soo eedeeyey labo qodob oo kala ah: 1- inuu ku takri falay awooddii madaxweynenimo 2- inuu horjoogsaday codsigii kongereeska ee ahaa inuu soo gudbiyo waraaqaha uu goluhu codsaday. Codbixintii qodobka Koowaad ayaa waxa natiijadiisu ahayd 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday. Qodobka labaad ayaa waxa taageeray 229 mudane halka 198 mudane oo iyagu diideen. Source: goobjoog.com
  15. (SLT-WWararka ka imaanaya dowlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa ku warramaya in ciidanka Liyuu Boolis ay halkaasi ka geysteen weerar dhaliyay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidanka Liyuu Boolis ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen deegaanka Allay-baday oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ka so jeeda deegaanada Somaliland isla markaana ay dad shacab ah iskugu dareen dil iyo dhaawac. Deedaanka oo ku yaalla xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ayaa la sheegay in Ciidanka Liyuu Boolis ay ku dileen 1-qof iyada oo 2 kalana ay dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen kadib rasaas ay ku fureen. Arrintaan ayaa ka dambeeysay sida dadka deegaanku ay sheegayaan khilaaf iyo muran maalmihii la soo dhaafay ka dhex taagnaa dadka shacabka ah iyo ciidamada Liyuu Boolis. Qofka rasaastaas ku geeriyooday ayaa meydkiisa waxaa loo qaaday Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya halka labada ruux ee dhaawacmay la geeyey Isbitaalka deegaanka Allay-baday ee gobolka Gabilay ee Soomaaliland. Dhowr jeer ayaa la sheegay in ciidanka Liyuu Boolis ee dowlad degaanku ay dhacdooyin noocan oo kala ah ay kaga geeysteen deegaanadaas ku yaalla xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya. Source
  16. Nairobi (Caasimadda Online) – Basaska ka howlgala degaanada hoostaga gobolka Waqooyi Barri ee Kenya ayaa lagu amray in ay gal-biyaan ciidamo boolis ah, sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah. Taliyaha booliska gobolka, Maxamed Biriq, ayaa sheegay in talaabadan ay salka ku hayso badbaadinta rakaabka. Biriq ayaa carabka ku dhuftay in darawaladii aan u hogaan-sami amarkaan cusub ay xabsi u taxaabi doonan. Go’aankan ayaa si gaar ah u quseeya Basaska adeegsada wadada isku xirta Garissa-Holugho, Garissa-Liboi iyo Garissa-Wajir. Talaabo noocaan ah ayay Kenya horey u soo saartay, balse darawaladda qaarkood ma aysan dhaqan-gelin, waxaana taliye Biriq uu caddeeyay in lala xisaab-tami doono shaqsiyaadkaas. “Waa ayaan darro in darawaladda qaarkood ay kasoo horjeesteen. Hase ahaatee, doorkan ma ogolaan doono in waxay doonan ay sameeyaan,” ayuu Biriq yiri xili uu saxaafada kula hadlay Garissa. Laba todobaad kahor ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar jid-gal ah ku qaadey Bas ku socdaalayey wadada Kutulo-Wargadud, halkaasoo ay ku dishay sideed askari, laba macalin iyo dhakhtar.
  17. Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa war ka soo saaray kulankii ay Shalay wefdigiisa la qaateen mas’uuliyiinta Puntland oo uu hoggaaminayo madaxweyne Deni. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Mr Swan, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga wada-hadlay; qodoba ay ka mid yihiin u diyaar-garowga doorashada ‘Qof iyo Cod’, dhammeystirka Dastuurka Federal-ka, sii ambaqaadidda deyn cafinta iyo la’dagaallanka Al-Shabaab. , Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, waxaa socdaalkiisa Puntland ku wehelinayay ku xigeenka Madaxa Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicole Miller; Hawlgalka Midowga Africa oo uu ka socday madaxa taageerada hawlgalka Major General Fidza Dludlu; iyo wakiil ka socday Urur Gobolleedka IGAD Nuur Cabdi Ciise. Wefdiga ayaa shalay Garoowe kula kulmay madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni, xubno ka tirsan Golihiisa xukuumadda iyo wakiilo ka socday Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland. “Wadatashiyadan waxa ay noo ahaayeen fursad aan si toos ah ugu dhegaysanno aragtiyada saamileyda sidii lagu gaari lahaa waxyaabaha hortabinada u leh Soomaaliya caqabadaha jirana looga gudbi lahaa,” ayuu yiri Swan. Mr. Swan ayaa sidoo kale Rajo ka muujiyay in sannadka dambe uu Soomaaliya u noqon karo mid taariikhi ah,haddii siyaasiyiinteeda iyo bulshada ay isugu yimaadaan wada-hadallo looga heshiinayo khilaafaadka jira, si hore loogu socdo. “Waxaan rejeynayaa in aan Soomaaliya ka taageerno sidii 2020 uu taariikhi ugu noqon lahaa dalka iyo in Soomaaliya ay awood ugu yeelato sii wadadidda yididdiilada hore u socodkeeda,” ayuu yiri Md. Swan. PUNTLAND POST The post Jame Swan oo ka warbixiyay qodobadii wefdigiisu kala hadleen madaxda Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee Mareykan ah oo ay xilka ka qaadaan aqalka wakiilada ama Kongreska Mareykanka. Trump ayaa xil ka qaadistiisa waxaa loo gudbinayaa aqalka sare ama Senetka, kaas oo go’aanka kama dambeysta ah ka gaari doona xil ka qaadistiisa. Kongreska ayaa u codeeyay laba dembi oo kala ah in Madaxweyaha uu ku takri falay awoodda xafiiska iyo in uu ka tallaabsaday sharciga Mareykanka. Labada arrimood ayaa ahaa ah kuwa salka ku haya arrimo xisbi, oo waxaa inta badan xildhibaanada Dimuqraadiga ay isku raaceen xil ka qaadista Trump halka xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriga na ay kasoo horjeedsteen. Codeynta ayaa dhacday xilli madaxweyne Trump uu ka qeybgalayay olole doorasho. Waxaa uu dadkii isugu soo baxay Battle Creek ee Michigan uu u sheegay ” in isagoo ku hawlan shaqo abuurista Michigan ay Kongreskana ku mashquulsan yihiin naceyb iyo in ay ka xun yihiin waxa uu sameynayo”. War qoraal ah oo ka so baxay aqalka cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu aad ugu kalsoon yahay in aqalka sare ay meesha ka saari doonaan xil ka qaadista ay u codeyeen Kongreska. Aqalka sare ama senetka ayaa waxaa ku badan xildhibaanada Jamhuuriga ee Trump, waxaana la aminsan yihiin in ay meesha ka saari doonaan xil ka qaadista ay Trump ku sameyeen Kongreska. Madaxweyne Trump ayaa ku eedeysan “qiyaano qaran” iyo in dhiggiisa Ukraine uu ku cadaadiyay sidii uu baaritaan ugu sameyn lahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaas-ka ee Ukraine. Warqadda uu Trump u qoray Gudoomiye Nancy Pelosi maalin kahor, Wuxuu wuxuu ku sheegay in qorshaha la doonayo in xilka lagaga qaado isaga ay tahay isku day afgembi. Sida loola dhaqmayana wuxuu ku tilmaamay dhibanayaashii qarnigii 17-aad ee Salem, kuwaas oo la dilay ka dib markii lagu helay dembi ah in ay sixiroolayaal ahaayeen Hasayeeshee duqa Magaalada Salem wuxuu sheegay in madaxweyne Trump ay tahay in uu waxka barto taariikhda, wuxuuna intaa ku daray in xukunkii ku dhacay sixiroolayaashii Salem uu aaa mid aan wax cadeyn ah loo heynin xilligaas. Afhayeenka aqalka Kongreska ee Mareykanka, Ms Pelosi ayaa sheegtay in aysan wada akhrinin warqadda uu usoo qoray Trump, balse ay tahay mid aan nuxur badan lahayn. War qoraal ah oo ay soo saartay Nancy Pelosi ayay ku sheegtay in Kongreska uu gudan doono mid ka mid ah awoodaha uu siiyay dastuurka. Waa suuragal in masuuliyiinta Dimuquraadiga ee hor kacaya mooshinka ka dhanka ah trump in ay la kulmaan caqabad, maadaama Aqalk Sanetka ay u badan yihiin xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu ka tirsan yahay. Hoggaamiyaha Aqalka Senetka, Mitch McConnell ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa qorshaha xil ka qaadista madaxweyne Trump. Source
  19. (SLT-Iran)-Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa beeniyay sheegashada Mareykanka ee ah in Tehraan ay taageero Millatari siiso maleeshiyada Taliban ee dagaalka kula jirta ciidanka Mareykanka ee ku sugan Afghanistan. Xoghayaha guddiga Nabadgalyada Iiraan Cali Shamkhani ayaa meesha ka saaray eedaymo kaga yimid Mareykanka waxaana uu tilmaamay in Iiraan ay ka shaqeyneyso xasiloonida iyo xal u helida Nabada dalka ay colaadda la degtay. Shamkhani ayaa intaa raaciyay in xukuumada Kabul ay u taagan yihiin sidii ay uga caawin lahaayeen in ay Saldhigato. Bishii hore ayay aheyd markii wasaarada difaaca Mareykanka ay sheegtay in dowlada Iiraan dhaqaale iyo hub ay ku taageero kooxda Talibaan oo Mareykanka dagaal kula Jirta. Source
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdi Xakiin Maxamad Axmad Dhooba Daareed Gudoomiyihii Barlamaanka Puntland ayaa si kulul uga hadlay xilka qaadistii lagu sameeyey,isaga oo Eedeyn u jeediyey Madaxda Puntland iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulkaas. Wareysi uu siiyey Tv-ga Universal ayuu ku sheegay in Puntland ay xiligaan Gacanta u gashay kaligii Taliye,sidoo kalena Xildhibaanada Barlamaanka Puntland ay Maslaxadii Ummadda ka doorteen Lacag iyo laaluush sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo sii hadlayey ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in Puntland ay ku socoto wadadii bur burka hadii wax laga qabana arintaasi ay Dadka uu matalo ka tashan doonaan Aayahooda. Mar uu ka hadlayay Arimaha Doorashooyinka ku saleysan Dimoqaraadiyada ee Puntland waxa uu sheegay in Saddex Beelood kaliya ay isku koobeen Hoggaaminta Maamulka Puntland. 17-kii Bishii November ee sanadkaan ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland waxaa ay xilkii Guddoomiyenimo ka qaadeen Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed,iyaga oo ku eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurka Puntland. Wareysigaasi oo dheer oo uu kaga hadlayo arimo kala duwan waxaad Caawa ka Daawan doontaan Tvga Universal Saacadu marka ay tahay 7-da Fiidnimo ee Xiliga Geeska Africa.
  21. (SLT-Pakistan)-Dowladda Pakistan ayaa iskaga baxday shirka caalamiga ah ee hogaamiyeyaasha Muslimiinta ee ka dhacaya dalka Malaysia. Wasiirka arrimaha dibadda Mr Shah Maxamuud Qureyshi ayaa sheegay in sababaha ay uga baxeen shirka ay la xidhiidho walaac ay ka qabaan kala qeybinta Muslimiinta. Waddamada Imaaraadka iyo Sacuudiga oo xulafo la ah Pakistan ayaa cabsi uga muujiyay ka qeybgalka xukuumada Islamabad ee shirka ka dhacaya magaalada Kuala Lumpur. Ra’isul wasaaraha Malaysia Mahathir Mohamad oo dalkiisa marti galinayo shirka ayaa maalin ka hor sheegay in cadaalad-darro ay tahay cunaqabateynta Mareykanka saaray Iiraan. Mr Qureyshi oo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada caasimada ah ee Islamabad ayaa xaqiijiyay in Imraan Khan aanu ka qeybgali doonin Shirka hogaamiyeyaasha Islaamka. Hoggaamiyeyaasha shirkaan ka qeybgaleysa ayaa waxaa ka mid ah madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan iyadoo sacuudiga uu u arko in madashaan mid lagu abuurayo Isbaheysi ka dhan ah danihiisa. Source
  22. Aqalka Wakiilada Maraykanka ee Congressk-ka, ayaa u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump oo ku eedaysan, in uu si qaldan u adeegsaday awooddiisa madaxweynanimo iyo in uu ku xad-gudbay Sharciga Maraykanka. Madaxweyne Trump, ayaa sidoo kale ku eedeysan, in uu dhiggiisa Ukraine Zelensky weydiistay in uu baaritaan ku sameeyo, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaas-ka ee Ukraine. Mr. Trump ayaa qirtay in Zelensky oo ah Madaxweynaha waddanka Ukraine uu kala hadlay arrimo la xiriira Joe Biden, oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga dimoqraadiga, balse eedaymaha kale waa beeniyay. Aqalka Hoose ee Congressk-ka, oo ay aqlabiyad ku leeyihiin Dimoquraadiyiinta, ayaa xilka qaadista qodobka koowaad natiijadiisu noqotay 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday. Qodobka labaad ayaa 229 mudane ogolaatay halka 198 mudane ay diideen. Aqalka sare ee Senate-ka Maraynkanka ayaa loo gudbin doonaa xilka qaadista madaxweyne Donald Trump, si ay go’aan kama dambays ah uga gaaraan. PUNTLAND POST The post Aqalka Congressk-ka oo u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Trump appeared first on Puntland Post.