Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta dhaqaatiir kala duwan waxaa ay u dirtay deegaanka Saaxdheer ee koonfurta gobolka Sool. Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaankaasi ka dilaacay cudur ay u geeriyoodeen illaa saddex ruux, dad kalena ay u il daran yihiin. Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxo dhaqaatiir ah loo diray Saaxdheer, kadib markii baaqyo kala duwan ay ka soo baxeen odayaasha iyo waxgaradka . Dhaqaatiirtaas ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan dadka bukaanada ah ee isbitaallada jiifa, si loogu qabto baahiyaha caafimaad oo ay qabaan. Dowlad goboleedka Puntland aya horay u shegtay in ay dhaqatiir ay diri doonaan deeganadaasi, si looga jawaabo cabashada ka soo yeertay dadka Deegaanka. View the full article
  2. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ku qaadeen saldhig milatari oo ku yaalla deegaanka Kulbiyow oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Kenya oo deganaa saldhigaasi iyo raggii weerarka qaaday. Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu socday muddo saacado ah, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba. Al-Shabaab oo ka hadashay duulaankaan ayaa guullo ka sheegatay, waxaan ay tilmaamtay inay khasaaro ku gaarsiisay ciidanka Kenya. Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada huwanta ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen qeybo ka mid ah Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/01/Warka-Duhur-06012020-sx.mp3 View the full article
  4. Dowladda Mareykanka ayaa Xaqiijisay in Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu kasoo gaaray Weerarkii Al-Shabaab ay shaley subax ku qaaday Saldhigg ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Gobalka Lamu ee dalka Kenya. Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa faahfaahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Al-Shabaab ee Saldhiggaasi ayaa sheegay inuu ka dhintay 1 Askari, 2 qandaraasle, iyo dhaawaca laba qof oo Mareykan ah. Horay Dowladda Kenya waxa ay u sheegatay in aanay wax khasaare ah ka dhalan weerarkaas, dableydii Al-Shabaab ee soo weeraray la iska caabiyay, lana dilay, iyagoo soo bandhigay meydadka illaa shan dagaalame iyo hubkooda oo ay ku jiraan qoryaha BKM iyo RPG. Weerarkan ayaa noqonayo kii ugu horeyay ee nuciisa Al-Shabaab ku qaadaan saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo Mareykan ah, meel ka baxsan Soomaaliya, iyadoo xerada Manda Bay ay ku sugan yihiin boqolaal askari ka tirsan Ciidanka Mareykanka ee Afrika, kuwaasoo tababara Ciidamada Kenya. Source: goobjoog.com
  5. War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa canbaarayn dusha looga tuuray weerarkii Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya. “Weerarka fashilmay ee ururka argagixiso ee sii burburaya ee Al-Shabaab, kaasi oo lala maaganaa shaqaalaha iyo hantida difaaca, marna dib uma dhigi doonto dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa diidan nabadda iyo xasiloonida gobolka” Ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidamada Kenya iyo taliska AFRICOM ee Mareykanka ku amaanayso sida fudud ee ay isaga caabiyeen weerarkaas, khasaaraha xooganna u gaarsiiyeen Al-Shabaab. “Dowladda Soomaaliya waxaay taageero buuxda u xaqiijinaysaa dadaallada socoda ee gobolka looga ciribtirayo argagixisada, waxayna sii wadi doontaa inay saaxiibada gobolka iyo caalamka kala shaqayso in nabad iyo baraare laga helo gobolka iyo dunidaba.” Ayaa lagu yiri qoraalka. Source: goobjoog.com
  6. Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo ka sameeyay tuulooyin hoostaga magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalka ayaa Ciidamadu waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen deegaanka Ceel Saliini iyo deegaanno kale oo hoostaga magaalada Marka, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey oo looga hortegayay weerarada Al-shabaab. Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidanka Dhulka korneyl Xassan Maxamed Abuukar ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa mid roondo ah oo Al-shabaab looga sifeynayay meelaha ay kaga sugan yihiin hareeraha waddooyinka iyo dhulka beeraha ah. Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waxay xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay Iraq inay wajihi doonto cunaqabateyn xooggan oo kaga timaada Washington haddii ay ciidamadiisa kasoo eryaan dalkaas. Baarlamanka dalka Iraq ayaa Axaddii meel-mariyey qaraar dalbanaya in ciidamada ajnabiga ah, oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka laga saara dalka, xilli ay sii kordheyso carrada ka dhalatay dilka Jeneral Iranian ah oo Mareykanka ay ku dileeen agagaarka garoonka diyaaradaha Baghdad. Madaxweyne Trump oo weriyayaasha kula hadlayey gobolka Florida, ayaa sheegay in haddii ciidamada Mareykanka lagu qasbo inay ka baxaan Iraq, ay ka doonayaan dowladda dalkaas inay bixiso qarashkii Washington uga baxay saldhigga halkaas ku yaalla, oo “si aan caadi ahayn qaali u ah.” Waxa uu yiri, in haddii ciidamada Mareykanka la weydiisto inay dalka uga tagaan hab aan saaxiibtinimo ahayn, “waxaan ku dallici doonnaa cunaqabateyn aan weligeed horey loo arag. Waxay cunaqabateynta Iran ka dhigi doonto mid jilicsan.” Inkasta oo qaraarada baarlamanada aysan ahayn kuwa ay qasab tahay in la dhaqan geliyo, haddana qaraarka baarlamanka Iraq waa mid u eg in la tixgelin doono. Ra’iisul wasaare Adel Abdul Mahdi, ayaa horey baarlamanka ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan usoo geba-gebeeyaan joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalkaas. Qiyaastii 5,000 oo askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan dalka Iraq, kuwaas oo badankood u joogo kaalin la-taliyenimo. VOA
  8. The Federal Republic of Somalia joins the rest of the world in condemning the cowardly attack that targeted joint Kenyan and U.S forces based at Manda Bay Airfield, Kenya earlier today. The failed attack from the crumbling Al Shabab terror group aimed at defense personnel and property will not hinder the joint efforts to eliminate those against the peace and stability of the region. Furthermore, the Federal Government of Somalia also commends the Kenya Defence Force and the U.S Africa Command for swiftly repulsing the attack, thus inflicting a heavy defeat on the Al Shabab terror organization. In this regard, the Federal Government of Somalia assures full support in the ongoing efforts to rid the region of terrorism and will continue to collaborate with our regional and international partners to attain peace and prosperity in the region and beyond. Source: Statement from Villa Somalia View the full article
  9. An officer within the integrated security forces of Galkayo has been seriously wounded after a bomb planted under the seat of his car on Sunday evening. The targeted man was the logistic officer of the integrated security forces of Galkayo. Another security official was wounded in the bomb attack. No group has yet claimed responsibility for the car bombing reported in the divided town. In the past, Al-Shabaab carried out killings and attacks in the city, which has been the scene of clashes between Galmudug and Puntland forces. View the full article
  10. It is not secret that Al-shabaab telephones litigants to adjudicate property disputes in Mogadishu. Al-shabaab used edicts to return many properties in Mogadishu to rightful owners between 2009 and 2011, when it controlled a two-third of the capital city. The proscribed group lost ground to the Somali government forces and AMISOM but the perceived reliability of its judges to deal with property disputes swiftly has not waned. General Yusuf: Feels wronged A compliant goes to an Al-shabaab base to open a property dispute case file. Al-shabaab courts telephone or text the litigant in question. The Banadir regional court administration improved its operations despite backlog of cases dating back to 2013. Recently General Yusuf M. Siad (Indha’adde), the former Defence Chief of the Union of Islamic Courts, seemed to have lent credence to Al-shabaab justice system when he had argued that he preferred an Al-shabaab court to the Federal Government courts “if Al-shabaab will spare my life“. General Indha’adde has questioned the court’s process to start a property dispute case against him. He has a sound reason to avoid approaching Al-shabaab court system. Dhoreh: Al-shabaab levies tax Al-shabaab was behind the assassination of two of his associates — General Goobaale and Yusuf Mire Seraar in Mogadishu and Dhuusamareeb respectively. Al-shabaab is believed to levy tax on many businesses in Mogadishu. The Chairman of the Somali Chamber of Commence, Abdi Abshir Dhoreh, told the VOA Somali Service that “there is evidence about Al-shabaab tax levies upon imports at Mogadishu Port”. The Federal Ministry of Finance has not commented on Dhoreh’s claim. © 2020 Puntland Post Monthly Click here to download a full webzine The post Parallel Justice System of Al-shabaab Seeks to Undermine the Federal Judiciary appeared first on Puntland Post.
  11. United Nations (UN) representative in Mogadishu has held talks with the leadership of Upper House on the country’s electoral law which was recently approved by the Lower House. Late last month, Lower House approved the election law which is a significant step towards universal suffrage elections 2020. During the voting 171 lawmakers voted in favor of the legislation, 5 rejected and 2 abstained. During a meeting, UN envoy, James Swan, and Somali Upper House speaker, Abdi Hashi Abdullahi have discussed the bill. “UN envoy James Swan today met with the Speaker of the Upper House, Abdi Hashi Abdullahi, and discussed the country’s draft electoral bill – he described it as historic legislation in Somalia’s state-building process, and urged its timely adoption to enable the 2020 #elections,” UNSOM said in a Twitter post. The draft law will become a law if passed by the Senate (upper house) and signed by President Mohamed Abdullahi Farmajo. Somalia last held one-person, one-vote elections in March 1969 when the government was overthrown in a bloodless military coup, according to the UN. View the full article
  12. Xil wareejinta, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Soomaaliya Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube) ayaa maanta oo Isniin ah xilka si toos ah ugala wareegay maareeyihii hore Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da). Xil wareejinta waxaa joogjoog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta. Wasiir Maareeye ayaa 11 bishii December 2019 xilkii ka qaaday Maareeyihii hore Golaha Murtida iyo Madadaalada Qarankan (Tiyaatarka) Maxamed Abuukar Axmed Ma’da, isagoona xilkaas u magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube). Shube oo ah Abaan caan ah ayaa horey u ahaan jiray Guddoomiyaha kooxda Hooballada Waaberi Puntland. PUNTLAND POST The post Abwaan Shube oo xilkii la wareegay appeared first on Puntland Post.
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka oo muddo socday ayaa yimid, kadib markii xalay saqdii dhexe dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Kenya ku leeyhiin deegaanka Kulbiyow ee gobolkaasi,kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maqyleen daryanka madaafadiic ay is weydaarsanayeen labada dhinac. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, inkastoo aan weli si dhab ah loo xaqiijin karin. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkaan iyo weerarka ka horreeyey ayaa sheegtay inay khasaare ku gaarsiiyey ciidamada Kenya, balse ma shaacin inta uu la’egyahay. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Shalay ayey aheyd markii dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig milatari oo ay si wadajir uga howlgalayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa dowladda Kenya oo ku yaalla gobolka Lamu, kaas oo uu ka dhashay khasaare xoog leh.
  14. Mar haddii uu aqalka sare u saarey guddi 7 xubin ah oo ka shaqeynaya sharciga doorashada, waxaa xusid mudan in golaha shacabka ay meelmariyeen sharci aan la turxaan bixin! Goobjoog News ayaa ogaatey qodobbo mugdi ku jira oo si gaar ah loola wadaagey guddoonka golaha shacabka iyo hey’ado kale balse aaney waxbo ka qaban. Qodobbada Waxaa Ka Mid Ahaa: Marka laga halayey Nidaamka Doorashada waxaa loo dhigay sidan: Habka Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal wuxuu noqonayaa nidaamka metalaadda kuraasta Baarlaamanka ee aqlabiyadda ah (Majoritarian System) oo ku salaysan tartanka halkii kursiba gaarkiis loo dooranayo (Single Member Plurality “SMP”). Habkan oo loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) waxaa lagu kala baxayaa codka hal dheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka. Qodobkaas kuma cada: (1). Sidee kursi deegaan loo gaynaya mar haduusan jirin tirakoob? (2). Astaynta deegaan doorasha maxaa Gundhig u noqonaya? (3). IDPska cod maleeyihiin? (4). Qoondada haweenka see loo xaqiijin karaa Arrinta 2-aad: Marka Axsaabta laga hadlayey waxaa ku jirta: Xisbigii ku guuleysan waaya Doorashooyinka Labada Aqal codad u dhigma boqolkiiba afar (4%) tirada guud ee cododka ama 13 xubnaha Labada Aqal wuxuu luminayaa matelaada xisbi ee labada gole ee Baarlamaanka, Xubnaha la doortayna waxay u joogayaan si madaxbannaan ama axsaab kale ayey ku biirayaan. Mugdiga jira waa: hadii la dhaho xildhibaanada xisbigooda kasoo gudbi waaya 4% waxay ku biirayaan xisbiyo kale waxaa ka dhalan karta jahwareer Isla sharciga doorashada waxaa ku qoran: Qof kasta oo isku diiwaan-geliya codbixiye si sharcigan waafaqsan wuxuu marayaa habka gaarka ah ee aqoonsiga qofka (Unique Biometric identification). Waa su’aale: Hadii biometric la awoodi waayo farsama ahaan, doorasho ma jirto miyaa mise sidii laga fursan waayo loo fulina diiwangalinta. Dhanka kale, waxaa sharciga ku jira sidan: Madaxweynaha JFS ayaa Dikreeto ku soo saaraaya maalinta doorashada muddo 15 maalmood gudahood ah oo ka bilaabata maalinta ay GMDQ soo jeediyeen. Halkan ma cadda: Haduu madaxwaynaha ka dib dhaco digreerada 15ka maalin gudahood maxaa dhacaya? Marka waqtiga laga hadlayey waxaa qoran: GMDQ waxay go’aan ka gaarayaan cabashooyinka la xiriira Natiijada doorashooyinka todobo maalin (7) oo shaqo gudahood oo ka billaabata maalinta xigta marka ay dhammaato codbixintu. Waxaa muuqato in waqtiga la isku qaban doono iyo guud ahaan xalinta khilaafaadka. Ugu dambeyntii, sharciga mugdiga ku jira waxaa ka mid ah: Xisbi kasta ee ka gudba xaddi-hoosaadka (Threshold) ku xusan Qodobka 12(8) ee Sharcigan waxuu ahaanayaa xisbi qaran, wuxuuna ku lahaanayaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tirada kuraasta uu ku soo guuleystay; Waa su’aale: Xisbiyada aan 4% kasoo gudbin xisbiyo qaran ma ahan miya? • Sharci doorasho inuu xisbi ka hadlo jiritaanka xisbiga sax ma ahan. Waa inoo qeybta 2-aad: W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Source: goobjoog.com
  15. MOGADISHU (HOL) - Somalia has condemned the attack on the joint Kenya-US military base in the coastal region of Lamu noting such attacks will not hinder efforts for peace in the region. Source: Hiiraan Online
  16. In December 2019 issue of Puntland Post Monthly, the essay by Samiya Lerew has probably touched a raw nerve of purveyors of clannish supremacy that violently replaced a belonging based on citizenship after the collapse of the state in 1991. Her essay and the work of Professor Mohamed Abdulkadir Enow fill a vacuum created by armed clans’ retreat into clan fiefdoms. The political marginalisation of Somalis known as Others has taken a new form: think tanks deepening the narratives of dispossession have made their presence felt in the marketplace of clannish palaver. The efflorescence of think tanks in Somalia gives the impression that the trend portends a switch to a culture of deliberations and critical thinking within the intelligentsia. The new type of Somali think tanks differ from research organisations that emerged under the wing of the former War-torn society Project. Puntland Development and Research Centre , Academy for Peace and Development in Hargeysa and Center for Research and Dialogue in Mogadishu have pioneered research into governance, peace-making and the role of traditional leaders in post-1991 Somalia. With the establishment of Heritage Institute for Policy Studies (HIPS) the pace of narrative wars has quickened. Other think tanks have followed in the footsteps of HIPS. Somali Agenda, Somali Institute for Development Research and Analysis (SIDRA), Hiraal Institute, Odoros Center, Horizon Institute and Center for Policy are some of the new think tanks. What those think tanks have in common is a tendency to turn a blind eye to political and economic inequalities suffered by Somalia’s marginalised clans. Somali Think Tanks: Purveyors of Clannish Palaver Somali think tanks do not disclose sources of funding. Some think tanks publish unsubstantiated reports. Hiraal Institute argued in a report that Al-shabaab transported heavy arms to Northern Somalia. The founder of Hiraal Institute, Hussein Sheikh-Ali was a National Security Advisor for the Federal Government. He was privy to unclassified intelligence although Federal Government does not share intelligence with Federal Member States. In a country that has not fully recovered from state collapse and subsequent civil war, the role think tanks play in Somalia is akin to the role of a clan’s mouthpiece. Conformity with the outlook of the politically dominant group is not only the weakness of Somali think tanks, but it also devalues the commitment to objectivity and free inquiry expected of researchers. Some questions that think tanks have yet to address are: the economic marginalisation of Somalis classified as minorities; unfair competition; livelihood challenges facing internally displaced peoples; comparative study on property rights in Somalia © 2020 Puntland Post Monthly Click here to download a full webzine The post Somali Think Tanks: Purveyors of Clannish Palaver appeared first on Puntland Post.
  17. Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare oo gaaray degmada Buulo-Burte ayaa halkaasi si diiran loogu soo dhoweeyey. Waare ayaa kulamo is daba joog ah ka bilaabay gudaha degmadaasi, kuwaas oo laga hadlayo xiisadda maamul ee ka taagan halkaasi. Kulamadaan ayaa u jeedkoodu yahay, sidii xal looga gaari ahaa khilaafka dhinaca maamulka ee ka jira degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya waxgaradka deegaanka iyo guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay magaaladaasi. Sidoo kale waxaa shirarkaan qeyb ka ah wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Buulo-Burte. Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay go’doonka ay kooxda Al-Shabaab galisay degmadaasi. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa qiray in dowladda federaalka iyo maamukiisuba ay ku fashilmeen in la furo waddooyinka ay jartay kooxda Al-Shabaab. Buulo-Burte ayaa sanadihii ugu dambeeyey go’doon ku jirta, waxaana ku hareereysan dagaalyahannada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliya gobolka Hiiraan.
  18. Madaxweynaha Iran walalkii oo xabsiga loo taxaabay Hossein Fereydoun Nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha dalka Iran, Hassan Rouhani ayaa lagu soo warramayaa in uu u bilawday shan sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay dembi musuqmaasuq. Qareenka Hossein Fereydoun, oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha dalkaas, la taliyena u ahaa ayaa sheegay in Hosseni uu maalin kahor galay xabsiga Evin ee Magaalada Tehran. Ninkan ayaa lagu helay dembi ah in uu qaatay “laalush” bishii May ee sanadkan, markii lagu helay dembigaas na lagu xukumay toddobo sano oo xarig ah. Hossein Fereydoun, ayaa dib ugu laabtay maxkamadda, si uu racfaan uga qaato kiiska, waxaana laga yareeyay xukunka oo lagu soo koobay shan sano. Hossein ayaa sidoo kale lagu amray in uu dowladda ku wareejiyo hantidii uu ku iibsaday lacagtii laalushka ahayd ee la sheegay in uu qaatay, waxaana sidoo kale loo raaciyay ganaax lacageed oo dhan 310 bilyan oo riyaal, taas oo u dhiganta 2.1 milyan oo doolar. Hassan Rouhani Fereydoun aya beeniyay in uu wax dembi ah galay, waxaana dadka taageersan siyaasadaha Madaxweynaha dalkaas oo ninkan ay walaalo yihiin ay shegeen in arrintan ay ka dambeeyaan dad mayal adag oo katirsan garsoorka dalka Iran, doonayana inay bahdilaan Madaxweyne Hassan Rouhani. Hasayeeshee garsoorka dalkaas oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in aysan jirin arrimo siyaasadeed oo la xiriira arrinkan. Madaxweyne Rouhani ayaa sanadihii 2013 iyo 2017 xiliyadii uu ku guda jiray ololaha doorashada waxaa uu ballan qaaday in uu la dagaalami doonaa musuqmaasuqa, haatan se waxaa muuqata in dagaalkaas lagu helay isla walaalkii. Madaxweynaha Iran ayaa markii uu dhashay loogu wanqalay Hassan Fereydoun, balse tobanaan sano kahor ayuu magaciisa badelay oo uu ku badelay Rouhani oo ay micnaheedu tahay ruuxi. Dalka Iran oo la saaray cunaqabateyn dhaqaale oo ay kusoo rogtay dowladda Mareykanka ayaa waxaa uu xifaaltan dhanka awooda ee bariga dhexe uu kala dhaxeeya dalal ay kamid yihiin Mareykanka iyo Sacuudiga oo ay isku hayaan dagaalka dalka Yemen. Qaran News
  19. KENYA: Muwaadiniin Mareykan ah oo ku waxyeeloobay weerar ay al-Shabaab ku qaadeen xero ciidan Warbixin ay soo saartay Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarka lala beegsaday xarunta milatari ay ku dhinteen hal askari iyo laba qandaraasleyaal ah, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba qof oo reer Mareykan ah. Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya. Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in laba qof oo kale oo ka tirsan wasaaraadda gaashan dhigga uu dhaawac ka soo gaaray weerarkii saakay. ”Xaaladda dhaawacooda, haatan wuu wanagaasanahay, gudaha Kenyana waa laga qaaday” sidaasi waxaa sheegay taliyaha milatariga Mareykanka ee Afrika. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen qarax kaddibna ay xigtay rasaas goobta ka dhacaysa. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Janaraal Stephen Townsend ayaa warbixinta ku sheegay: ” Qalbiyadeena iyo ducadeena ayaa la jira qoysaskii iyo saaxibadeenii ku geeriyooday weerarkii argagixisada ee maanta.” Ururka Al-Shabaab oo xiriir la leh ururweynaha Al-Qaacidah ayaa dagaal kula jira dowladda Soomaaliya ee ay baritaarto Qaramada Midoobay, waxa ayna gudaha Soomaaliya ka gaystaan weerraro ay dad badan ku dhintaan. Waxaa ugu dambeeyay qaraxii 28-kii bishii Diseembar ka dhacay bar koontarool oo ku taal magaalada Muqdisho, halkaas oo inta la og yahay naftooda ay ku waayeen in ka badan 80 qof. Sidoo kale in ka badan 120 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaas oo ka dhacay isgoys aad u mashquul badan, waxaana weli jira dad aanan nolol iyo geeri midna lagu hayn. Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa ka mid ah laba qof oo u dhalatay Turkiga, sida ay xaqiijisay safaaraddooda Muqdisho oo barteeda Twitter-ka ku qortay arrintaas. Maxaa ka dhacay xerada Simba? Dagaalyahannada ururka Al-Shabaab ayaa weerrar ku ekeeyay saldhig ay leeyihiin ciidammada badda oo ku yaal deegaanka Lamu ee waddanka Kenya, kaas oo ay wada deggan yihiin ciidammada Mareykanka iyo Kenya. Weerrarka lagu qaaday saldhigga Simba ee degmada Manda Bay ayaa waxa uu dhacay waxyar un ka hor inta uusan waaga baryin. Xoogagga Difaaca Kenya KDF ayaa sheegay in afar ka mid ah, dableeyda weerarka soo qaadday la dilay, sidoo kale afhayeen u hadlay Xoogagga Difaaca Kenya KDF wuxuu sheegay in dab ka dhashay weerarka la damiyay uuna haatan wanaagsan yahay xaaladda saldhigga. Gegi diyaaradeed oo shacabka isticmaalaan oo aan sidaa uga fogeyn goobta la weeraray ayaa iyadana dib loo furay. Sida ay sheegeen saraakiisha duullimaadka. Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegtay in qeybta isqarxinta ee ururkaasi ay khasaare culus gaarsiiyeen saldhiggaasi oo qeyba ka mid ah ay qabsadeen. Waxyna Ururka sidoo kale sheegeen in milatariga Kenya ay diyaarado isticmaaleen si ay isaga caabiyaan weerarka. Qaran News
  20. Iran oo soo bandhigtay tallaabaday ugu aargudi doonto Qasem Suleimani Hossein Dehghan Lataliyha arrimaha milateriga ee hogaamiyaha Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishenka CNN ee dalka Mareykanka waxaa uu kaga hadlay tallaabada xigta ee laga fili karo Iran, kadib markii Mareykanka uu dilay Qasem Suleimani oo ahaa sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada ugu awoodda badan Iran. Jeneraal Hossein Dehghan ayaa sheegay in Iran ay aargoosan doonta, ayna toos u bartilmaameedsan doonta “xarun milateri oo uu Mareykanka leeyahay”. Lataliye sare Dehghan oo sidoo kale horay usoo noqday wasiirkii gaashaandhiga ee Iran ayaa sheegay in tallaabada xigta ay ka iman doonta Iran, balse aysan ahayn mid laga sugi doonaa kooxaha taabacsan ee ka dagaalama gobolka. “Waxaa laga yaabaa in la is yirahdo tallaabada xigta waa hawgal dadban ah, waxaan leenahay Trump annaga ayaad si toos ah inoo soo weerartay, annaga ayaana tallaaba toos ah kaa qaadi doona.” Mareykanka ayaa waxaa bariga dhexe ka jooga ciidamo aad u tira badan, kuwaas oo kala joogaa dalalka Ciraaq, Sacuudiga, Urdun, Kuwait, Qatar, Imaraatka iyo Turkiga, waxaana dalka Ciraaq oo keliya ka jooga ciidan gaaray shan kun oo askari. Image captionKumanaan u baroordiiqaya Qasem Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twiter-ka ku qoray “in haddii Iran ay weerarto saldhigyada Mareykanka ama muwaadin Mareykan ah uu dalkiisa uga jawaabi doona hubka casriga ah ee uu heysto!” “Waxaan Iran kula talinayaa in aysan ina weerarin, haddii ay ina weeraraan, annaguna waan weerareynaa”, ayuu Trump ku qoray bartiisa twiter-ka. Haseyeeshee arrintaas waxaa ka jawaabay Dehghan oo sheegay in Mareykanka uu bilaabay dagaalka, dhameystirkana ay leedahaya Iran. Dehgahn waxaa kale oo uu ka jawaabay hanjabaa kasoo yeertay madaxweyne Trump oo ahaa in Mareykanka uu bartilmaameedsan doonaa 52 xarumo dhaqameed, haddii ay Iran qaado tallaaba aargoos ah. Waxaana uu yiri “haddi ay 52 bartilmaameedsadaan, 300 oo aan gaari karno ayaan annaguna bartilmaameedsaneynaa oo ma jiri doonta saldhig milateri oo uu Mareykanka leeyahay oo nabad ahaan doontaa, ma jiri doonta askar Mareykan ah oo nabadgeli doontaa, ma jiri doonta Markab dagaal oo uu Mareykanka leeyahay oo nabad ahaan doonaa. “Dhammaan shacabka Iran waa Qasem Soleimani, qofka hadda isaga lagu badelayna waxaa uu ka hoos shaqeynayay inkabadan labaatan sano, waxaana uu aaminsan yahay qaacidadii iyo iyo xeeladii uu lahaa Qasem,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Image captionBarlamaanka Ciraaq oo meelmariyay qaraar ka dhan ah Mareykanka Dhanka kale, madaxweyne Donald Trump ayaa ku hanjabay in cunaqabateyn aad u ballaaran uu kusoo rogi doona Dowladda Ciraaq, haddii ay dhaqangeliso qaraar uu meel-mariyay barlamaanka dalkaas. Donald Trump ayaa sheegay in saldhigga cirka ee uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq ay ku baxday balaayiin doolar, ciidamada Mareykakana aysan ka bixi doonin dalkaas ilaa iyo inta mas’uuliyiinta dalkaas ay ka bixinayaan kharashka Mareykanka uga baxay dhismaha saldhigaas. Barlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyay qorshe dalkaas looga saarayo ciidamada ajnabiga ah ee jooga gudaha wadanka Ciraaq. Arrintan ayaa lala xirirnayaan dilkii uu Mareykanka gudaha dalka Ciraaq ugu geystay Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa cutub kamid ah ciidamada ugu awoodda badan Iran, waxaana dilkiisa ay sii hurisay xiisadii awalba u dhaxeysay Iran iyo Mareykanka. Kulan aan caadi ahayn oo uu barlamaanka dalkaas yeeshay maalin kahor ayaa xildhibanaada barlamaanka waxay dowladda ugu baaqeen in dalkaas ay ka saarto ciidamada ajnabiga ah ee jooga, sidoo kalena ay ka laabato codsi ay xukuumadda horay ugu gudbisay xulafada uu hogaamiyo Mareykanka oo dhigaya in xukuumadda Baqdaad ay ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish. Qaraarkan ay soo jeediyaan xildhibaanada barlamaanka ayaa u baahan in xukuumadda dalkaas ay saxiixdo, si meesha looga saaro heshiiska hadda jira ee ay xukuumadda Baqdaad la gashay Mareykanka. Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Adel Abdul Mahdi ayaa kahor meel marinta qaraarka waxaa uu barlamaanka dalkaas ugu baaqay in ay soo afjaraan joogitaanka ciidamada shisheeye ee ku sugan Ciraaq. Mowduucyada la xiriira Qaran News
  21. Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare oo gaaray Buulo-Burte ayaa ka hadlay dhibaatooyinka xoogan ee ka jira degmadaasi. Waare ayaa tilmaamay in dowladdafederaalka iyo HirShabelle labaduba ay ku fashilmeen in go’doonka laga qaado degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Dhinaca kale madaxweynaha HirShabelle ayaa kulamo xal raadin ka bilaabay magaaladaasi, kadib markii uu soo shaac baxay khilaaf maamulka ah. Kulamadaan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi, Mudane, Maxamed Cali Caadle iyo mas’uuliyiin kale. Hiiraan waxaa inta badan ku soo laa laabta khilaafaad salka ku haya dhinaca maamulka, kuwaas oo la dagay hormarkii laga sameyn lahaa gobolkaasi. View the full article
  22. Somalia’s diplomatic relations with Kenya will in 2020 be tested depending on the outcome of the maritime boundary case which is due to be determined in June. Source: Hiiraan Online
  23. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland, ayaa sheegtay in ay kooxo caafimaad udirtay , degaanka saaxdheer ee konfurta gobolka Sool, kadib markii hallkaasi laga soo sheegay xanuan aan weli la aqoonsan oo dad badan soo ritay. Wasaaradda ayaa tilmaantay, in iyada oo ka jawaabaysa xaladaha laga soo sheegay degaanka Saaxdheer, ay halkaasi u dirtay Koox Caafimaad, si ay usoo qiimeeyaan ugana qayb qaataan hawlaha caafimaad ee loo qabanayo bukaanada jiifa xarumaha Caafimaadka Saaxdheer. Sidoo kale, Wasaaradda ayaa ka soo xigatay Bahda Caafimaadka degaanka Saaxdheer, in saddexdii casho ee la soo dhaafay ay qaabileen in ka badan 200 boqol oo bukaan ah, kuwaasi oo uu soo ritay xanuunka halkaasi ka dillaacay. Bukaanada Xarumaha Caafimaadka Saaxdheer jiifa, ayaa waxa soo ritay xanuun isugu jira Quffac, Shuban iyo Xummad, kaasi oo ilaa iyo hadda ay u dhinteen saddex ruux in ka badan 200 oo qofna ay u jiifaan goobaha Caafimaadka degaanka. PUNTLAND POST The post Puntland oo kooxo Caafimaad u dirtay degaanka Saaxdheer ee gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  24. Madaxweyne Donald Trump oo u hanjabay Dowladda Ciraaq Barlamaanka Ciraaq ayaa meelmariyay qaraar ka dhan ah Mareykanka Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay in cunaqabateyn aad u ballaaran uu kusoo rogi doona Dowladda Ciraaq, haddii ay dhaqangeliso qaraar uu meel-mariyay barlamaanka dalkaas. Donald Trump ayaa sheegay in saldhigga cirka ee uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq ay ku baxday balaayiin doolar, ciidamada Mareykakana aysan ka bixi doonin dalkaas ilaa iyo inta mas’uuliyiinta dalkaas ay ka bixinayaan kharashka Mareykanka uga baxay dhismaha saldhigaas. Barlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyay qorshe dalkaas looga saarayo ciidamada ajnabiga ah ee jooga gudaha wadanka Ciraaq. Arrintan ayaa lala xirirnayaan dilkii uu Mareykanka gudaha dalka Ciraaq ugu geystay Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa cutub kamid ah ciidamada ugu awoodda badan Iran, waxaana dilkiisa ay sii hurisay xiisadii awalba u dhaxeysay Iran iyo Mareykanka. Kulan aan caadi ahayn oo uu barlamaanka dalkaas yeeshay maalin kahor ayaa xildhibanaada barlamaanka waxay dowladda ugu baaqeen in dalkaas ay ka saarto ciidamada ajnabiga ah ee jooga, sidoo kalena ay ka laabato codsi ay xukuumadda horay ugu gudbisay xulafada uu hogaamiyo Mareykanka oo dhigaya in xukuumadda Baqdaad ay ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish. “Dowladda waxaa ka go’an in ay ka laabato codsi taageero oo ay weydiisatay isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaalamaya kooxda Daacish, maadaama uu dhamaaday hawgalka milateri ee gudaha Ciraaq, lagana adkaaday kooxda ISIS,” ayaa lagu yiri qaraarka. “Dowladda Ciraaq waa in ay si khasab ah uga shaqeysaa soo afjaridda joogitaanka ciidamada ajnabiga ah ee jooga dalka Ciraaq, lagana mamnuucaa in ay adeegsadaan hawada, dhulka iyo biyaha dalka Ciraaq,”, ayaa la raaciyay. Qasem ayaa waxaa dilay Mareykanka Qaraarkan ay soo jeediyaan xildhibaanada barlamaanka ayaa u baahan in xukuumadda dalkaas ay saxiixdo, si meesha looga saaro heshiiska hadda jira ee ay xukuumadda Baqdaad la gashay Mareykanka. Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Adel Abdul Mahdi ayaa kahor meel marinta qaraarka waxaa uu barlamaanka dalkaas ugu baaqay in ay soo afjaraan joogitaanka ciidamada shisheeye ee ku sugan Ciraaq. “Inkastoo aan wajihi doonaa culeys dhanka dibadda iyo gudaha dalka, haddana arrintan waxay dan ugu jirtaa dalka Ciraaq,” ayuu yiri Abdul Mahdi oo la hadlayay barlamaanka kahor codeynta. Ku dhawaad shan kun oo aksari ayaa Mareykanka ka jooga dalka Ciraaq, kuwaas oo intooda badan ah lataliyeyaal iyo khubaro milateri oo tababar u sameeya ciidamada Ciraaq. Ciidamada Mareykanka iyo kuwa ay Iran taagaeerto ee PMF ayaa sanadkii 2014-ka dalkaas ka bilaabay duulaan ka dhan ah kooxda Daacish. Kumanaan u baroordiiqaya Qasem Tareq Harb oo ah khabiir darsa arrimaha bariga dhexe ayaa sheegay in tallaabadan ay qaadeen barlamaanka dalka Ciraaq ay ka dhalatay dilkii Jeneraal Qasem Suleimani. “Abdul Mahdi uma bannaaneyn waxkale oo aan ka ahayn in go’aan adag uu ka qaato joogitaanka ciidamada Mareykanka ee jooga gudaha Ciraaq,”ayuu yiri. Dowladda Mareykanka ayaa jimcihii lasoo dhaafay xaqiijisay in duqeyn dhanka cirka ah ay ku dishay Jeneraal Qasem Soleiman oo madax ka ahaa ciidamada Quds. Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in Qasem Soleiman ay ku dileen duqeyn dhanka cirka oo ka dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaardaaha ee Baqdaad ee dalka Ciraaq. Jeneraal Suleimani waxaa uu laf-dhbar u ahaa Dowladda Iran, waxaana ciidamadiisa Quds oo qaabilsan hawlgalada dibadda, kana tirsan ciidamada dalka Iran ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei. Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka ay dhaq dhaqaaqyo cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka bilaabeen deegaano ka mid ah gobolkaasi. Howlgallada oo ah kuwa qorsheysnaa ayaa waxa ay ciidamadu ka sameeyeen agagaarka deegaanka Ceel-Saliini oo marar badan ay weeraro ku soo qaadeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Taliyaha guutada koowaad ee ciidanka Dhulka Col-Xassan Maxamed Abuukar oo hoggaaminayay howlgalladaasi ayaa sheegay inay ku soo qabteen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku xoogan Sh/ Hoose. Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in ujeedka uu ahaa sidii deegaanadaasi looga saari lahaa Al-Shabaab, loona xoojin lahaa amniga Ceel-Saliini iyo tuulooyinka ku xeeran. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka inay is dajiyaan, islamarkaana ay la shaqeeyeen ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Gobolka Shabeelaha Hoose oo weli deegaano ay ka heysato kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya labada dhinac iyo weeraro gaadma ah intaba.