-
Content Count
214,051 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa goor dhow wuxuu magaalada Kismaayo ka furay shirka wasaaradaha maaliyadda ee DFS iyo dowlad goboleedyada. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo sidoo kale wasiirada maaliyadda ee dowlad goboleedyada, waxaana looga hadli doonaa arrimo dhowr ah. Waxyaabaha ugu waaweyn ee shirkan inta uu socdo diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah, maareynta maaliyadda dadweynaha iyo sidoo kale arrimo ku aaddan nidaamka deyn cafinta. Axmed Madoobe ayaa khudbaddii uu ka jeediyey shirkan kaga hadlay muhiimadda deyn cafinta Soomaaliya iyo sidoo kale arrimo la xiriira maaliyadda guud ee dalka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Uganda ayaa waxay taliye cusub usoo magacwday ciidankeeda ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM. Richard Otto ayaa xilkan loo magacaabay, wuxuuna xilka kala wareegay Michael Kabango oo muddo sanad ah shaqeynayey. Otto oo hadlay ayaa u mahadceliyey saraakiisha isaga ka sarreysay ee ka shaqeysay in loo magacaabo taliyaha ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya, isaga oo sheegay in si hufan uu shaqadiisa u gudan doono. Taliyaha ciidanka dhulka ee Uganda, Peter Elwelu ayaa isna dhankiisa sheegay in taliyahan cusub uu yahay nin khibrad badan u leh dagaalka ka socda Soomaaliya ee lagula jiro Al-shabaab. Uganda ayaa ciidamo badan waxay ka joogaan Soomaaliya, waxaana ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirka arrimaha Maaliyadda oo u dhaxeeya Wasaaradaha Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shalay gaaray magaalada Kismaayo oo ka hadlay ahmiyadda shirkaan uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in shirkan uu qeyb yahay shirarka ay soo qaban qaabiso Wasaaradda Maaliyadda ee looga hadlayo horumarinta daqliga Soomaaliya. “Wasiir Cabdirashiid Shire Wasiirka Maaliyadda Jubbaland, Wasiirada kale ee ka socda dowlad goboleedyada, runtii sharaf weyn ayay noo tahay imarkale in aan halkan ku qabsano shirarkii caadiga ahaa ee aan qabsan jirnay, aad baan ugu faraxsanahay jawiga magaalada”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda. Wasiir Beyle ayaa bulshada ku nool Jubbada Hoose ugu baaqay inay ka faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku maneystay Gobolka, isla markaana ay hirgeliyaan mashaariic horumarineed oo wax loogu qabanayo shacabka Jubbooyinka. View the full article
-
Qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu dabaal degayo sanad guurada 76aad ee aas aaska ciidank Booliska Soomaaliyeed ayaa haatan ka socoto xarunta gadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis 20 December ee sanadkii 1943 ayay ahayd markii la aas aasay ciidanka booliska Soomaaliya, waxaana maanta 76 guurada ciidanka booliska ay ka socotaa magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay iminka ku sii qul qulayaan Madaxda dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale. Ciidamada booliska ayaa lagu wadaa inay goobta ku soo bandhigaan gaaddo ka cayaar iyo hannaanka looga hortegayo falalka argagixisada iyo marka ay rabshado dhacaan Ammaanka waddooyinka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay. View the full article
-
Guddoomiyahii hore ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan dhismaha maamul u gaar ah gobollada Sool iyo Sanaag. Wuxuu sheegay in si aan sharci ahayn looga qaaday xilkii uu ka hayey baarlamaanka Puntland, wixii ka dambeeyeyna ay shacabka Sool iyo Sanaag usoo jeediyeen inuu ka shaqeeyo dhismaha maamul u gaar ah gobolladaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye. Puntland ayuu sheegay in ay hadda ka weecatay wadadii wax wadaagga ahaa ee ay gobolladu ku heshiiyeen, islamarkaana haddii uu sixi waayo ku qasban yahay in uu ka shaqeeyo maamulkan cusub. Shacabka Sool iyo Sanaag ayuu ugu dambeyn ugu baaqay iney ka shaqeeyaan midnimadooda oo aan la kala qeybin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta waxaa loo dabaaldagayaa 76-guuradii ka soo wareegtey markii la asaasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo beegneyd December 20, 1943-dii. Ciidanka Booliiska waxaa uu jiray Taariikhdaas ka hor sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay General Jamac Maxamed Qalib oo horay u soo noqday taliyaha booliiska Soomaaliyeed. Gumeystayaashii reer Yurub ayaa dhisay Ciidan Booliis Soomaaliyeed ah sanadkii 1848-dii, Waxaana si rasmi ah loo daahfuray sanadkii 1927, xiligaas oo ay heleen Tababaro iyo aqoon dheeraad ah, waxaa loo aqoon jiray Magacyo ay ka mid yihiin Ciidankii Owrta, ciidankii Xeebta iyo Talyaaniga oo dhihi jiray Sabatiye. Dagaalkii Labaad ee Aduunka 1941, waxaa dalkeena la wareegay Ingiriiska, oo waatii laga adkaaday gumeystihii Talyaaniga ee Fajistaha ahaa, dalka oo dhan waxaa qabsaday gumeystaha Ingiriiska, 10kii sano uu Ingiriiska dalka heystay waxaa loo yaqaanay Booliiska Soomaaliyeed Chermarmie. 1958: Ra’isul wasaarihii xukuumadii Daakhiliyada Cabdulahi Ciise Maxamud ayaa markii ugu horeysay waxaa uu booliiska Soomaaliyeed Madax uga dhigay Shakhsi Soomaali ah kaas oo ahaa Maxamed Abshir, isagoo noqday Taliyihii ugu horeeyay oo Soomaali ah uu yeesho Booliiska Soomaaliyeed. Sanadii 1960kii markii xuriyadda la qaatay waxaa dalka laga hirgaliyay Booliis rasmi ah, waxaa la isku daray Booliiskii Waqooyi iyo Midkii Koofureed, waxaa tiradiisa lagu sheegaa in uu ka koobnaa ilaa 3700 askari. 1961-dii waxaa markii ugu horeysey la abuurey unugta haweenka ee booliska Soomaaliyeed, kuwaasi oo u xilsaarnaa baarista dumarka dambiyada gala ama laga galo iyo wax alaale wixii dumarka iyo dambiyada la xiriira. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxyaabaha ay u xilsaarnaayeen waxaa ka mid ah ama qeybaha ay ka koobnaayeen kuwa Roondada, nabadgalyadda waddooyinka, baarista dambiyada, xogdoonka, iyo waliba la dagaalanka falaagonimada. October 21, 1969-kii Markii Jaalle Maxamed Siyaad uu dalka Inqilaab ku qabsaday waxaa uu sameeyay maalin u gaar ah Booliiska isagoo Taariikhda dib ugu celiyay aasaaskii SYL, waxaa uu maalinta booliiska ka dhigay December 20, 1943-dii, lama oga sababta uu go’aankaas u qaatay iyadoo Booliiska uu xiligaas ka hore jiray ama dhisnaa sida aan soo sheegnay. Sanadkii 1971-dii ayaa waxaa la abuurey qeybta dab-damiska oo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana lagu bilaabay 51 askari oo kaliya. Dalkeenna waxaa uu lahaa goobo tababar sida Iskoole Bolisia ama Akaademiyadda Booliiska, waxaa tababaro lagu siin jiray dhamaan qeybaha kala duwan ee Booliiska. Wixii ka horeeyay 1991kii iyo burburkii dowladdii Jaalle Siyaad, waxaa Booliiska Madax ka noqday Shakhsiyaad caan ah oo Soomaali ah sida: Maxamed Abshir, Qoorsheel, Xuseen Kulmiye, Gen. Jamac Maxamed Qalib, Cabdulahi Maxamed Xasan(Matukade), Aden Cabdi Kukay, Axmed Jamac Muse iyo Cabdiraxman Guulwade. Burburkii Qarannimo 1991-kii, ciidamada booliska Soomaaliyeed waxa ay u burbureen si la mid ah qeybihii kale ee dowladda Soomaaliya ka koobneyd, balse horaantii qarniga 21-aad ayaa dib loo asaasay ciidanka. Markii magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu soo doortey madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xassan sanadkii 2000 ayaa waxa uu Cabdiqaasim taliyaha booliiska Soomalaiyeed u magacaabay Muumin kadibna General Cabdi Cawaale Qeybdiid, waxaana dib loo asaasay ciidamadii booliska Soomaaliyeed oo markaasi 10 sano aanan hawlgalin. Dowladdii Carte wixii ka dambeeyay Booliiska waxaa ay ka mid ahaayeen ciidamada ay sheegato dowlad walbo oo timaada, Lakin waxaa su’aalo badan ka jiraan waxqabadkooda iyo sababta keentay tayo la’aanta ciidanka Booliiska. Maanta Booliiska malaha wada shaqeyn dhexdooda ah, waxaa dalka hesta gawaari Taargo la’aanta ah oo aan la aqoon meel loogu hagaago, amni darro, Tabarbarada Booliiska waxaa bixiyo dalal daris ah iyo kuwoo shisheeye oo intooda badan aan rabin nabadda, xitaa Dicepiline Booliiska iyo la dhaqankooda shacabka dhib badan ayaa ka jira. Dhanka kale maanta waa maalinta Booliiska, waxaa ay dhigi doonaan xaflado waaweyn, isagoo ubaxyo sita, qoslaya,u heesaya madaxda hortooda fadhida, una garaacaya Bambeyda, Lakin waxaa jira xaqiiq madaxda iska indho tiraan, Booliiska waxaa heysta daryeel la’aan, mushaarka oo yar iyo xuquuqdooda oo aanany dowladda Mas’uuliyad iska saarin, lamana oga goorta Soomaaliya yeelan doonto Ciidamo Booliiska oo dhinac walbo ka dhameystiran, waxaa kale oo aan la ogeyn goorta la hirgelin-doono dhismaha ciidamada 32 kun oo booliiska ee sanadkii hore lagu heshiisyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose uu ka furmo shir ballaaran oo looga hadlayo hanaanka maaliyadda dalka. Shirkan ayaa waxaa isugu imaanaya dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dowlad goboleedyada dalka ka jira, gaar ahaan wasaaradaha maaliyadda. Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle oo ku sugan Kismaayo iyo madaxda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la filayaa in shirkan ay si wadajir ah u furaan. Waa shirkii ugu horreeyey ee noocan ah oo lagu qabto magaalada Kismaayo tan iyo markii dib loo soo doortay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa Gen. Richard Otto u soo magacowday inuu noqdo taliyaha cusub ciidamada ka jooga gudaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee AMISOM. Taliyaha cusub oo xilka la wareegay, kadib munaasabad ka dhacday xarunta Xalane ayaa bedalay, Michael Kabango oo sanadihii la soo dhaafay hayey xilkaasi. Gen. Richard Otto oo leh khibarado kala duwan ayaa 2013-kiia soo noqday madaxa howlgallada ee xarunta dhexe ee ciidamada Midowga Africa ee AMISOM. Sidoo kale wuxuu wax ku soo bartay dalka Ruushka, isaga oo ku qaatay tababar aad u sarreeya oo dhinaca milatariga iyo ciidamada. Gen. Otto oo ka hadlay xafladda uu xilka kula wareegay ayaa sheegay in halkeeda uu ka sii wadi doono shaqada, islamarkaana uu xoojin doono dagaalka Al-Shabaab. Uganda ayaa ah dalka ugu badan oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo tiradoodu tahay illaa 6,000 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.
-
Wasiirka wasaradda shaqada shaqaalaha dhalin yarada iyo ciyaaraha Dowladda puntland ayaa goob joog ka noqday doorashada Gudoonka dhalin yarada Gobolka Mudug. Waxaa lagu qabtay hoolka madaxtooyadda gobolka Mudug doorasho si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagu dooranaayey hogaanka dhalin yarada gobolka mudug, waxana Gudoomiye iyo ku xigeen loo doortay Cabdiqani Cosmaan iyo Haashim Cabdilaahi. Doorashadan oo ay Goob joog ahaayeen Wasiirka Arimaha gudaha iyo dimuquradiyadda, xildhibaan Cabdiwali, gudoomiyaha gobolka Mudug, Duqa degmada Gaalkacayo, gudoomiyaha degmada buur salax, Agaasimaha madaxtooyada, Xisaabiyaha madaxtooyada Nabadoon yasiin Cabdi samad, iyo Haldoorka Gobolka Mudug. Ugu Danbayntii, Wasiirka wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalin yarada iyo ciyaaraha Mudane Jaamac Faarax muuse ayaa hadalo dhiri galin iyo Dardaaran ah u jeediyey dhalin yaradda Gobolka mudug iyo hogaan kooda cusub ay doorteen. Halkaan hoose ka eeg sawirada PUNTLAND POST The post Dhalinyarada gobolka Mudug oo Hoggaan cusub doortay appeared first on Puntland Post.
-
Taliye cusub oo dowladda Uganda u soo magacowday ciidankeeda ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka-ah AMISOM, ayaa shalay si rasmiya xilka ula wareegay. Warbixin lagu daabacay bogga AMISOM ayaa in Gen. Richard Otto uu si rasmiya ula wareegay Taliska Ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya, waxaana uu Taliska kala wareegay Gen. Michael Kabango oo xilkaasi horay u hayay. Warbixinta AMISOM waxaa lagu sheegay in munaasabad kooban oo ka qabsoontay Xerada Xalane uu Hoggaanka Taliska Ciidanka Uganda kula wareegay Gen. Gen. Richard Otto. Taliyaha cusub ayaa ballan-qaaday in uu sida ay tahay uga soo bixi doono waajibaadka loo igmaday, isagoo ka mahadceliyay Shaqada uu qabtay Taliyihii ka horreeyay ee xilka ku wareejiyay. PUNTLAND POST The post Taliye cusub oo la wareegay Hoggaanka Ciidanka Uganda ee AMISOM appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasiirada Maaliyadda dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta shir uga furmayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland. Shirka ayaa looga hadlayaa midaynta Hannaanka Maaliyadeed ee dalka, gaar ahaanna midaynta Nidaamka Canshuurah heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed. Sidoo kale Shirka waxaa looga hadli doonaan Barnaamijka Deyn-cafinta Soomaaliya, waxaana shirar midkan lamid ah ay horay uga soo qabsoomeen Ethiopia, Uganda iyo Kenya. Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo jimcihii shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa maanta furaya shirkaasi. PUNTLAND POST The post Shirka midaynta Hannaanka Maaliyadda dalka oo Kismaayo ka furmaya appeared first on Puntland Post.
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil khasaaro geystay oo saaka aroortii hore ka dhacay waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca dadweynaha iyo mid kale oo ah kuwa qaada xamuulka. Ugu yaraan hal qof oo ahaa Kirishboygii gaariga Hoomeyga ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 kale oo isku qoys ahaa, kuwaas oo la dhigay isbitaalka Bayaan ee deegaanka Ceelasha Biyaha. Dr Feysal Cabdi Xaaji oo ka mid ah howlwadeena isbitaalkaasi ayaa Shabelle uga warbixiyey shilkaan, wuxuuna sheegay in dhaawacyada qaar ay yihiin kuwa daran. Inta badan shilalka ka dhaca waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa loo sababeeyaa burburka jidkaasi, inkastoo hadda dib u dhis lagu bilaabay. View the full article
-
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni oo kulan gaar ah magaalada Garoowe kula qaadanayey odayaasha dhaqanka maamulkaasi ayaa tilmaamay in markasta oo doorasho ay soo dhowdahay ay dhacaan dagaallo, sida uu sheegay la siyaasadeynayo. Deni ayaa soo hadal qaaday dagaal dhowaan beelo walaalo ah ku dhexmaray deegaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo ee bariga gobolka Mudug, halkaas oo ay ku dhinteen dad fara badan, wuxuuna sheegay in colaadaasi ay lug ku lahaayeen siyaasiyiin leh dano gaar ah. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in Somalliland ay qeyb ka tahay dhibaatada heysata dalka, maadaama ay dooneyso sida uu sheegay in ay la goosato gobollo ka mid ah Somaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/ccc.mp3 View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu u dhexeeyey ciidamada Liyuu Boolis ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo sidoo kale maleeshiyaad deegaanka ah. Cali Cumar Yuusuf oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in dagaalka uu ka dhashay, kadib markii ciidanka Liyuu Booliska ay isku dayeen inay barakiciyaan dadka ku dhaqan deegaanada Neef Ku Ceshay, Laascaanood, Ceel-Baxay, Booran-Cad, kuwaas oo dhaca xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Itoobiya. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalka ay ku dhinteen saddex ruux, kuna dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo la geeyey degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Dhanka kale Cali Cumar Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay socdaan dadaallo nabadeed oo looga hortagayo dagaalkaasi, kuwaas oo ay wadaan waxgaradka deegaanka, Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in xiisada haatan ay soo faragaliyeen ciidamada federaalka ee dowladdda Itoobiya. Xaaladda ayaa hadda dagan, balse waxaa weli is horfadhiya ciidanka labada dhinac, iyadoona laga cabsi qabo in markale uu dagaal ka qarxo halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-habeen-20122019-sax-1.mp3 View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaal xoogan oo shalay gelinkii dambe ka dhacay agagaarka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka oo ka dhashay weerar dhaba gal ahaa oo ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ay tababartay dowladda Turkiga uu ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee gobolkaasi. Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay Idaacadda Andaluus ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku qabsadeen hub iyo sidoo kale gaari gaashaaman oo Taaw ah. Sidoo kale sarkaalkaan ayaa tilmaamay in hubka iyo gaariga ay qabsadeen uu ahaa kuwii uu Turkiga dhawaan siiyay ciidamada Soomaaliya ee uu soo tababaray. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab laguma shaacin khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda federaalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay khasaaro xoog leh aarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay ka qabsadeen tuulada Ceelgub oo saldhig u aheyd muddo fog dagaalyahannada kooxdaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishaan oo uu horkacayo taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka, Genaral Maxamed Cali Bariise ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalladooda, inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanada ay ka heystaan gobolka Shabeelaha Dhexe. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda federaalka ayaa dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan degmada Cadale, waxaana dhowaan halkaasi gaaray saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Dagaalyahannada Al-Shabaab oo iyana ku xoogan dhulkaasi ayaa sameeyey dhaq dhaqaaq cusub, si ay uga hortagaan howlgalka cusub ee ciidamada dowladda.
-
For struggling Minnesota Muslims, help is a phone call away
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Sisters Sumaya and Fadumo Hassan help callers manage their experiences with bullying, anti-Islam sentiment and issues of identity Source: Hiiraan Online -
Somali and South Sudanese refugees in living in Kenya’s sprawling Dadaab refugee camp say they need greater freedom of movement and more consistent support from donors if they are to establish new lives. Source: Hiiraan Online
-
On Dec. 2, Capital Ethiopia reported that Ethiopia is preparing to establish a naval base at the southern entrance to the Red Sea, which is considered the first to be based on the coast of Djibouti Source: Hiiraan Online
-
The United States this week delivered 54 new Humvees to Djibouti as part of a $31-million train-and-equip military partnership between the countries. Source: Hiiraan Online
-
NASHVILLE, Tenn. (AP) — Fartun Abdi last saw her father face-to-face when she was about 1 year old living in Somalia, just before her family separated to flee fighting in the country. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors
